Fircoon iyo Faraaciinta – Vol: 01 – Cad: 01

 522 View

Indheergarad – Ogoosto 15, 2019 – Hakis  – Vol: 01 – Cadadka: 01


Erayga “Coon”, inkastoo aanan marna ba halkaan ku soo faafin tiro ka dhawr jeer baa aan wax ka qoray, weli ba marka arrimaha diimaha laga hadlayo eraygaan iyo erayga “Daw” waxtar gooni ah baa ay sii leeyihiin. Erayga daw xagaagii hore baa aan halkaan qormo kooban isagoo ah ku soo faafshay se nasiibxumo iyo nasiibwanaag wax ay tahay ba kuwa soomaali ah oo kaadsiinyo xumo iyo degdeg lagu salliday baa ujeedadii ka leexshay qoraalkii aan ku soo tiir iyo weliba tacab beelay tashuushna iga ga furay kadib markaan tusaale u soo qaatay diinta “Dawiistayaasha” ee Shiinaha iyo Jabbaan. 

Soomaalidu, badanaa, waa dad sida ay u muuqato iimaankoodu diciif yahay oo aaminsan in haddii ay wax kale baarbaaraan ay fitnoobayaan oo ay diinta ba ka baxayaan. Taas baa keentay in haddii ay arkaan wax aysan hora u arag qof faraha kula jira ama erayo hore iyo sooyaalkoodi cid baaraysa in ay u maleeyaan in qofkaasi sii socdo. Aad baa ay u cuudi billaystaan ama haddii ay rabaan usoo subxaanalaystaan iyaga oo hadba indhaha isku soo qaqabsanaya waayo waa dad iimaankoodu liito oo aaminsan in ay si fudud ku fidnoobi karaan.

Eraygii “daw” ee runtii taariikh ahaan, diin ahaan iyo weliba af ahaan wax badan nagala maqnaa, soo helitaankiisi ama hora ba waa loo yaqaanaye ka xog warankiisii in ay buuq ku fureen wax aan waxba garanayn iyo wax waxaas aan waxba garanayn ay indho iyo weliba dhego u yihiin, wixii na iska bilow yahay oo awood quman oo uu isku difaaco lahayn haddii dood lagu furo, waxa aan go’aansaday in aan eraygaas iyo erayada la midka ah iska daysto, oo aan cidina la wadaagin. Sidaas baa aan erayga “coon” oo erayada aan soo waday kamid ahaa meel isaga dhigay warkiisa iyo wadwadkiisa ba.

Shalayto, ayaa aan arkay eraygii coon oo la wadwado. Wadwaddida erayga waxaa feer socday erayga “Fircoon” oo uu ku lamaan yahay eraygu.

Meel laga keenay ma aqaane, waxaa jira fahan khaldan oo laga haysto nin la yiri waxaa loo aqoon jiray Fircoon. Inkastoo aan taariikhda lagu hayn nin la oran jiray Fircoon, erayga “Fircoon” na aysan ka muuqan qof magicii, hadana waxaa la yiraahdaa “Fircoon wuxuu ahaa nin gaaban.” Kuwa kale oo Soomaali ahina waxa ay yiraahdaaniin eraygu waa afsoomaali oo waa “firkii gaabnaa” iyaga oo erayga “coon” ku qeexaya gaabni. Waxaa si waa fahan silloon oo dadka badidii, kuwa hore iyo kuwa danbe ba, ka haystaan erayga “Fircoon” iyo wixii la oran jiray ba.

Qoraalkaygan waxa aan u kala qaadi doonaa laba qaybood. Qaybta hore waxa aan kaga hadli doonaa waxa erayga “Fircoon” uu afsoomaali ku yahay. Qaybta labaadna waxa aan kaga hadli doonaa taariikhda “Fircoonnada” iyo sida ay erayga ula xiriiraaniin.

Erayga “Fircoon” waxa uu ka kooban yahay laba eray oo isa sita. Waa erayga “fir” iyo erayga “coon”. Waa sida erayga “dabshid” oo kale oo ka kooban erayada kala ah “dab” iyo “shid”. Ama waa sida erayga “dawdar” ama “dawdhaaf” oo kale oo ka wada kooban “daw” “dar[ro]” iyo “dhaaf”. Erayo badan oo badan oo soomaali ah oo lammaan ama isa sita oo aan tusaale u soo qaadan karno baa la helaya oo sida “fircoon” oo kale ah.

Erayga “fircoon” inta aynaan u guda galin macnaha dunida inteeda kale looga yaqaan, aan isla fiirinno macnaha uu afsoomaaliga ku dhex leeyahay. 

Erayga “fir” isaga muran badani kama uu taagna oo waa la wada garanayaa. Qof waliba cid baa uu fir ku leeyahay ama uu ka soo jeedaa. Tusaale ahaan haddii aad gabar reerood jeclaatid ama ay ku jeclaato ama ba aad isjeclaataaniin oo aan belaayo iyo baas isku kiin diidin ee aad isguursataaniin, “bacda shidda wa tacab” caruurta aad dhashaaniin waxa ay noqon doonaaniin firkiinni. Caruurtaasi waxa ay fir ku yeelan doonaaniin ama firsanayaaniin labadii na iyo wixii aad labadiinu firsataaniin. Gabadha hooyadeed iyo aabeheed, walaaleheed iyo ehelkeeda kale. Adiga hooyadaa iyo aabahaa. Walaalahaa iyo ehelkaaga dhammaantood, xattaa awoowahaaga tobnaad ama afadaada awooweheeda dhawr iyo labaatanaad, dhammaan caruurtaasi waa ay firsanayaaniin oo si uun baa ay ula xiriiraan ama uga soo jeedaan.

Haddii caruurtaas dhaqan wanaag lagu arko, waxa la bogaadinayaa qof kamida cidda ay firsadaan oo waxa la oran hebel baa dhalay ama heblaayaa dhashay. Waxaa kaloo la oran hebel baa awoowe ama abti u ah ama heblaayo baa ayeeyo ama habaryar u ah. Ugu dambayn waxaa lagu soo gabagabayn in qofkaasi fir fiican leeyahay. Haddii se qofkaasi bulshadu u bogi waydo, waxaa la caayayaa cidda uu ka soo jeedo ama si uun ula xiriiro. “Sinjigaa Alle gub” baa aad maqlaysaa iyo waa “ruux fir xun”. Xoolaha laftirkooda waxa aad arkaysaa neef firkiisa aad iyo aad loo ammaano iyo mid firkiisa hiifid iyo habaar loo la joogsado. 

Gabagabadii firku waa ehelka, guriga ama raaska uu qof ama bahal ka soo jeedo. Eraydaas kala ah “ehel” “guri” iyo “raas” meel ku qoro gadaal baa aad uga baahan doontaaye.

Waxaa soo haray erayga “coon” oo macnihiisu goorta iyo goobta si xun isu la bedbedalay oo muddo dheer kadib maanta uu afka ku dhex jiro isaga oo macne kale inoo samaynaya. Eraygaan macnaha uu maanta samaynayo iyo macnaha dhabta ah oo marka loo sii fiirsado uu yeelanayo xiriir wayn baa ka dhexeeya.

Eraygu macnaha uu maanta leeyahay waa “gaabni” oo haddii la yiraahdo tusaale ahaan, “hebel waa coon” durbadii ba waxa la sawiran qof gaaban. Halkaas weeye halka uu ka yimi fahanka ah in erayga “coon” ay u dhiganto “gaabni” oo Fircoon qof gaaban ahaa. Se meesha waxaa ku jira fahan kale oo kan gaabnida ah ka qara wayn oo ah halka tilmaantu u socoto.

Haddii aan iraahdo “hebel waa coon,” keliya laga qaadan maayo meesha in hebel gaaban yahay ee waxaa kaloo laga fahmayaa in loola jeedo hebel waa “guun” ama hebel waa qof da’ wayn oo inta uu u muuqdo in uu jiro in ka badan jira. 

Markii u horraysay ee qof “coonnimo” lagu tilmaamay waa ay iska caddahay in loo la jeeday qof da’ ahaan wayn oo in mudda ah jiray se aan muuqiisa iyo da’diisu isu dhigmin. Mar kale waa tan la yiraahdo, “adigu coon baa tahaye ma adigaa yar.” Macnaha dhabta ahi halkan baa uu ku jiraa. Coonnimo waxaa loo la jeedaa qof weligii iyo waaqii jiri jiray. Waxa aan filayaa in eraygaani uu macne ahaan u dhigmo erayga af ingiriisiga ah ee “Eternal”. Afsoomaaliga dadkeenu si fiican uma ay fahmaaniin oo waxaa qalbadii ina tirtay barashada afaf qalaad iyo ku faanfaankood inaga oo aan keennii aqoon. Taasaa keentay in marka afkeenna wax lagu sharxayo aysan sharaxaadaasi macne wayn inoo samayn illaa af kale lagu kabo. Anigoo ka xun baa aan af ingiriisi sharraxaadda ku soo darayaa si aan isu fahanno. 

Erayga “Eternal” oo afka ingiriisiga had iyo goor arrimaha diiniga ah loo adeegsado, waxaa lagu qeexaa: “Lasting or existing forever; without ending or beginning.” “Ciribdanbayn doona ama jiri doona weligii; bilow iyo dhamaad la’aan” halka aan u baahnahay waa qaybta danbe ee “bilow iyo dhammaad la’aan.” Diini ahaan waxaa jirta in la yiraahdo Eebbe, Waaq ama Ilaah iyo Allah afcarbeed ahaan, ma lahan bilow iyo dhammaad toonna. Magacyada Alle ee wanwanaagsan baa ay ku jirtaa iyana in Eebbe yahay Awal iyo Aakhir. Oo la macne ah in uu yahay “Kii horeeyay” ama aan horaanshiyo ba ka horrayn. iyo kan “danbeeya” oo aan danbayni ba ka danbayn. haddii la sii faahfaahsho in lagu murmo baa laga yaabaa se aniga wax wayni iga ma gelin ciddii muran u bisil ama aqoondarro afkaas maraysa oo xoogaa baa aan sii faahfaahin.

Marka danbayn iyo horrayn la yiraahdo waa in waxa tilmaanta horraynta qaadanaya aan laga horrayn haddii kale horrayni meesha iman mayso. Waxa danbaynta qaadanaysana waa in aan laga danbayn oo haddii wax ka danbeeyaan meesha danbayni kama ay jirayso. Marka la yiraahdo Eebbe waa horreeya waxaa halkaas ku jirta in aan wax ba ka horrayn. Haddii qof ku fikiro “Ilaahay hortii maxaa jiri jiray” ama “Ilaahay maxaa ka horeeyay” qofkaasi waxa uu iska tuuray tilmaantii ahayd horraynta. Haddii qofku rumeeyo in Eebbe leeyahay tilmaanta “horeeye” waxaa meesha ka baxaysa in cidi ama wax uun la horeeyeen oo wax ba kama horrayn weeye.

Qolyaha qaarkood waxa ay qabaan in Eebbe, isagu uu abuuray tilmaanta “horrayn” marka horrayn ama danbayn oo aan jirin uu jiri jiray oo uu san u baahnayn tilmaantaas. Taasi waxa ay noqonaysaa in aan Eebbe horrayn u baahnayn oo in la kala horreeyo uu isagu abuuray isagana aysan qabanayn. Waa “ili ku ku wareertay” arrintani se qiilal waa loo helayaa. Tusaale ahaan haddii bilowga iyo dhammaadku ku xiran yahay goorta, goortuna ay bilow lahayd, caqligu diidi mahayo in lagu doodo in ay jiraan cid aan shaqo ku lahayb bilow iyo dhammaad ama horrayn iyo danbayn. Haddii lagu doodo Eebbe isaga baa goorta abuuray, ma ay jirto sabab loogu dhiirado in Eebbe bilow iyo dhammaad u baahan yahay oo bilow iyo dhamaad waxa u baahan makhluuqa ay goortu khusayso.

Mawduuceenni aan ku soo laabanno. Labada eray ee midna yahay wax jira se aan bilow lahayn ama bilowgiisi beri hore ahaa oo da’ aad u tira badan jira iyo erayga xiga ee ah wax waa hore bilowday se aan dhammaad lahayn ama haddii uu dhammaad leeyahay dhamaadkiisi fog yahay xiliga la gaari lahaa, labadaas oraahood ee kala ah “Awal” iyo “aakhir” afsoomaali ahaan waxa ay ku kala noqon “Coon” iyo “Waare”.

Tusaale ahaan, Eebbe waa coon oo weligii baa uu jiray, waa na waare oo weligii baa uu jiri doonaa. Inta aad hadal badan dariiqi lahayd waxa kaaga filan “Eebbe waa coon waa na waare” in aad tiraahdo.

Hadda erayga coon macnihiisu ma isla haynaa? Ma ahan gaabni ee waa wax weligii jiri jiray. Waa ammaan ruuxi ah oo qolo walba cidda ay rumaysan tahay ee addoonsata ayna caabuddo ay u tiiriso. Qofka gaabanna marka lagu yiraahdo “Coon baa tahay” waxa loo la jeedaa “guun baa tahay oo weligaa iyo waaqaa baa aad jirtay.” Soomaalidu waxa ay isugu ducaysaa “jir oo joog” oo la macne ah “jir” ama bilowgaadi illaa hadda jir(coonnimo) iyo “joog” oo u dhiganta waar.

Fircoon afsoomaali ahaan hadda waxa uu noqday “Firkii guunka ahaa.” Ama firkii weligiis jiray. Waayahay, aan isla fiirino sooyaalkiini fircoonnada.

Waa hore oo fog se aan sidaas usii fogayn, boqortooyo ka bilaabantay dhammaadka ama agagaarka halka uu badda kaga daro webiga Niil ee biyihiisu ka bilowdaaniin bariga iyo geeska Afrika, baa waxa loo aqoon jiray boqortooyadii Fircoonnada. Dhulkii ay ku dhaqnaayeen dadkii ay boqoradaasi xoogga iyo xeeladda ugu talin jireen ee wax waydiin jiray hadda waxaa loo yaqaan Masar oo waa dhul Afrika ka mid ah oo dad iyo dawlad ba leh, Soomaalidana war badani kuma seeggana dhulkaas haddeer.

Qiyaastii 3150kii, tirsi taariikheedka miilaadiga ka hor baa ay boqortooyadaasi bilaabatay waxa ayna burburtay 30 sano tirsi taariikheedka miilaadiga ka hor. Qofka meeshaas ka talinaya cidina ma ay soo dooran jirin oo dar Alle(xuquuq ilaahi ah) in uu boqorku meesha ku joogo baa cidihii halkaas ku noolaa ay rumaysnaayeen oo ay u qabi jireen.

Boqorku waxa uu sheegan jiray in uu dadka iyo Ilaahay u dhexeeyo oo isaga la soo maro ama wax la waydiiyo. Waxa kale oo uu sheegan jiray in uu dhammaan dhulka Masar isagu iska leeyahay, dadkana cashuur baa uu ka guran jiray. Sharciyada ama xeerarka meesha lagu kala hago isaga baa dejin jiray oo hirgelin jiray, arrimahaas bedelkoodna waxaa laga heli jiray difaaca dhulka Masar markii la soo weeraro oo waxtar intaas baa lagu haystay.

Qiyaastii 1479 taariikhda miilaadiga ah ka hor, baa magaca Fircoon waxa uu noqday magac boqorka magiciisa laga hormariyo sida magacyada Isin, boqor, beeldaaje, nabadoon oo kale. Xiligaas magaca Fircoon baa boqorka loogu yeeri jiray isaga oo aan magiciisa gaarka ah lagu lifaaqin.

Erayga qolyaha hadda fasira waxa ay ku fasiraan “gurigii waynaa” ama “raaskii waynaa”. Erayga “raas” ama “guri” waa “firka” ama cidda uu firsanayo oo la raaska ah. Se su’aashu waxa ay tahay erayga “waynaan” xaggee loo qaadayaa? Ma jismi waynaa? Ma sharaf iyo karaama badni sida haybad? Ma da’ wayni? Waa ay iska caddahay oo waa “da’ wayni” ama coonnimo. Waxa sii xoojinaysa in ay da’ wayni tahay waa in boqortooyadii 12aad iyo wixii ka sii danbeeyay ay erayga qaab duca ah u sheegi jireen. Waxa ay oran jireen, “Firkiicoonka ahaayoow, caafimaad ku jir oo ku joog.” Marka ay leeyihiin “firkii coonka ahaayoow” ciddaloo jeedo ee ducadu ku hoobanayso ma ahan qofka ee waa raaska dhan ee boqorku firsanayo oo la aaminsanaa in ay ahaayeen dad weligood jiray jirina doona, mug ahaan ama hed(ruux) ahaan.

Gunyii iyo gabagabadii, erayga “Coon” gaabni ma ahan ee waa “da’wayni” iyo cid xilli hore jirtay ama “guunnimo”. Sidaasuu na buugagta cilmiga ah ugu qoran yahay afka soomaaligana uga dhex muuqdaa oo ugu jiraa.