Heerarka Ilbaxnimada – Vol: 01 – Cad: 02

 377 View

Indheergarad – Ogoosto 15, 2019 – Hakis  – Vol: 01 – Cadadka: 02

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf “Taarwale”


Ilbaxnimo kasta oo meel ka curata, ha ahaato ilbaxnimo maaddi ah ama se mid diini ah, waxa ay ka gudubtaa lix waayood oo kala duwan. Lixdaa waayood waxa ay kala yihiin sidatan:

1- Waaga horseedka (The age of pioneers)

2-Waaga furashada (The age of conquest)

3-Waaga ganacsiga (The age of commerce)

4-Waaga barwaaqa sooranka iyo raaxaysiga (The age of affluence)

5-Waaga aqoonta (The age of intellect)

6-Waaga burburka (The age of decadance)

Ilbaxnimadii Islaamka waa ay soo martay toddobadaas waayood oo waa sababta ay u burburtay tan Reer Galbeedka na waxa ay maraysaa waaga ugu danbeeya oo ah Waaga burburka (The age of decadence) waxa la sugaana waa qarni gudihii in ay burburto dhabbaday rabta ba ha ku burburtee.

Ilbaxnimo kasta marka ay bilaabanayso waxa ay ku bilaabataa u doodista xaqa, xorriyadda, dadka aan wax ba haysan iwm se hal mar baa ay dhabbadaas ka weecataa oo burbur u kaba illataa.

1- Waaga horseedka (The age of pioneers)

Waaga horseedka (The age of pioneers) waa xilliga ugu adag ee ilbaxnimada. Waa xilli la rabo in dadka wax cusub oo aysan arki jirin la tuso. Waa xilli la rabo in nidaam cadaalad ah la taago dadka na la simo. Waa xilli xumaantu xoog badan tahay oo ilbaxnimo sii dhimanaysa iyo mid cusubi is waydaaranayaan. Dadka xilligaa jooga waxaa hortaal hawl culus oo ah in ay wax cusub horseedaan. Waxaa na dagaal af iyo addin ah ba ku qaada dad ku dhegan wixii hore oo waxa cusub aysan madaxooda galayn.

Ilbaxnimadii Islaamku waxa ay xilligan ku jirtay waagii Nebigu NNKH noolaa. Qayb dhan oo waaga ka mid ah baa ahayd waagii horseedka oo waxaa noolaa nebiga oo horseed ka ahaa ilbaxnimo mari doonta lix marxaladood oo kala danbeeya. 

Ilbaxnimada Reer Galbeedku waxa ay marxaladan oo ah marxaladda koowaad ee ilbaxnimo ka bilaabato ay martay qarnigii 14aad illaa kii 16aad oo loo aqoon jiray xilligii baraarugga (The Renaissance Era). Ilbaxnimada reer Galbeedka oo hadda gebogebo iyo burbur ku sii socota waa waagii ay bilowga ahayd ee dhidibada loo taagayay. Waa na waaga horseedka (The age of pioneers).

2-Waaga furashada (The age of conquest)

Waaga furashada (The age of conquest) oo ah xilliga ilbaxnimo kasta ay xoogsato kadibna bilowda in ay aragtideeda xoog ku faafiso waa waagaan. Dagaallo foolxun oo dhiig ku daato baa ay gashaa oo dhulal fara badan baa ay qabsataa, waxa ayna ilbaxnimadeeda qaab jajuuba ku gaarsiisa dad kale oo ku nool dhulal kale.

Xilligii Cumar Khadaab illaa dawladdii reer Umayya baa Islaanku marxaladan ku jiray. Xilligaas baa na la qabsaday dhulka badidii waxa ayna ahayd xilli ay islaamka seef ku qaateen dad badan oo badan.

Ilbaxnimadan reer Galbeedku waxa ay waaga furashada (The age of conquest) ku jirtay bilowgii sahamada qaaradaha illaa xilligii ay gumaysiga ku qabsadeen Afrika iyo Aasiya. Xilligaa dhiig badan baa daatay waxa ayna reer Galbeedku aragtiyahoodi ku sandulleeyeen dad aan reer Galbeed ahayn oo iyaga oo dhulkooda iska jooga dagaal loogu yimid.

3-Waaga ganacsiga (The age of commerce)

Marka dhul badan iyo dad badan la qabsado waxaa la isu furaa dhulka waxaa na bilowda ganacsi aan macna wayn u lahayn dadka kale se ilbaxnimadaasi ka taajirto. Waxaa bilowda ganacsi xoog leh oo meel waliba gaara waa na sababta waagaan loogu magacaabay waaga ganacsiga (The age of commerce).

Ilbaxnimadii Islaamku waxa ay waagaan soo martay xilligii dawladdii reer Cabbaas. Xilligan baa islaamku galay ganacsi bulaalay oo lagu baraaray. 

Ilbaxnimada reer Galbeedku waxa ay waaga ganacsiga (The age of commerce) soo mareen laga bilaabo ka ganacsigii Addoomaha illaa maanta oo ay dhaqaalaha dunida ku curyaaminayaan IMF iyo Bangiga Adduunka.

5-Waaga aqoonta (The age of intellect)

Marka dhulal badan la qabsado waxaa loo tagaa dad iyo dhul kala duwan. Kala duwanaanshahaasi waxa uu dhalaa in la helo aragtiyo kala duwan oo feker badan keena. Fekerka, tuhunka(shakiga) iwm baa waxa ay keenaan in waxyaabo aan horay loo aqoon la barto.

Marka dhulal badan la qabsado waxaa isku furma ganacsiga waxaa na dawladuhu maalgeliyaan dad aqoon leh oo aan shaqa kale qaban se wax sheegsheega si loo furdaamiyo dhibaatooyinka ka imanaya dhulka baaxadda leh iyo dadkaas deggan ba. Tasi waxa ay dhalisaa in aqoon baarista ay hanti ku bixiso dawladdu oo ay soo baxaan dad badan oo aqoon baan leenahay wax ku cuna. Dadkaas aan shaqada kale qaban ee aqoontabkeliya ku mashquulsan baa waxa ay soo saaran waxyaabo badan oo waxtar leh waxaa na kororta aqoonta ilbaxnimadaas dadkeedu leeyahay.

4- Waaga barwaaqa sooranka iyo raaxaysiga (The age of affluence)

Ilbaxnimo kasta marka ay si xoog ah u la wareegto ummad kale iyo dhul kale waxa ay aragtiyeheeda ugu shubtaa xoog iyo xeelad hadba kii wax ugu socon karaan. Kadib khayraadka dabiiciga ah iyo xoogga dadeed ee bulshooyinka ay qabsatay baa ay ku baraartaa. Waxa ay gashaa barwaaqa sooran. Dadkeeduna waa ay raaxaystaan. Waa halkaan meesha burburka ilbaxninadu la bilowdo. Dadku marka ay dhergaan ma ay fekeraan ee sidii xoolihii baa waxa ay ka fekeraan wixii ay cuni lahaayeen, wixii ay xiran lahaayeen iyo sidii ay isugu galmoon lahaayeen. Waxaa la furaa meelo lagu dhillaysto, meherado waawayn oo jannadii lamoodo iyo waxyaalo kale. Dadku wuxuu aayar aayar uga bakhtiyaa qiimaynta iyo kala garashada samaha iyo xumaha(moral). Waxa keliya ee ay dadku xilligaas raadiyaan waa “Xorriyad”. Sababta keliya ee ay xorriyadda u raadinayaan waa in ay sidii xoolihii u dhaqmaan noqdaanna hortaa bannaan. Waxaa ay ilbaxnimadu lugaha la gashaa xilliga ugu danbeeya oo ah waaga burburka (The age of decadance). Ilbaxnimadii Islaamku waxa ay waagaan oo kale gashay xilligii reer Cabbaas iyo xilligii Turkida ee reer Cismaan. Wixii waagaas ka danbeeyayna ilbaxnimadu Islaamku waa ay burburtay ha na naawilin in ay soo laabato. Reer Galbeedku hadda ayaa ay ku jiraan xilliga barwaaqa sooranka iyo xilliga burburka, waa na ay iska caddahay in ilbaxnimadoodi soo bilaabatay qarnigii 14aad ay mar dhow geesaha dhulka dhigan doonto.

Afrika waxaa ka jira fakhri, dulmi, aqoondarro iyo wax kasta oo xun. Dhammaan waxyaabahani waa waxyaabaha xaddaaradda ama ilbaxnimada dhaliya. Labada ilbaxnimo ee hore midi waa tagtay midna waa ay ku daba jirtaa, waxa aan sugnaa ba waa ilbaxnimada Afrika iyo in horseedkeedi dhibtaas wajihi lahaa kana saari lahaa la helo.

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf “Taarwale”
Email: calixaad1@gmail.com