Maxaa Lagu Galey Iiraan? – Vol: 01 – Cad: 03

 270 View

Indheergarad – Ogoosto 16, 2019 – Hakisbila  – Vol: 01 – Cadadka: 03

Dhalashada Iiraanta Cusub

Muddo dheer dalka Iiraan waxaa ka talinaayey boqortooyo lagu magcaabo Pahlavi ( Pahlavi Dynasty), boqortooyadaa Iiraan ka talinaysay muddo tobanaan sano ah, waxaa galaaftay kacdoonkii ka dhacay dalka Iiran, sanadkii 1979-kii; sanadkaa waxaa ka dhacay dalka Iiraan kacdoon lagu tuuray dawladdii uu xilligaa hoggaaminaayey Maxamed Rida Shaah; Shaah dad badan baa ku dhaliila in uu ahaa dabo-dhilif u shaqeeya, ama ka shaqeeya danaha reer galbeed. Yeelkeeda, waxaa layaab iyo amakaag ku noqotay dunida reer galbeedka  kacdoonkan ay wadaan wadaado Islaami ah, in uu ka dhaco dalka Iiraan, welibana ay dalka la wareegaan; waxaa se in la xuso ah, kacdoon ka dhan ah dawladdihii Muslimka ahaa ee xilligaas jiray ama xornimadii kadib nidaamayadii talinaayey in ay wadeen wadaaddo Islaami ah, balse suni ah iyo xisbiyo siyaasi ah oo suni ah, oo laga tilmaami karo xisbiga siyaasiga ah ee Islmaagi ah Ikhwaanul Muslimiinka, balse uma suurto galin in suniga oo dunida Muslimka ah ka ah 85% ilaa 90% in ay dal kacdoon ku qabsadaan, Iiraan oo shiico tahay qaalibiyada, dunida Muslimka ahna ka ah, wax lagu qiyaaso 10% ilaa 15% ayaa ku guulaystay in ay dhisaan dawlad ku abtirsata Islaam. 

Kacdoonka Iiraan ee guulaystay waxaa hoggaamiye ka ahaa, Aayatullaahi Khumayni, oo ilaa maanta dunida si fiican looga yaqaan, tani waxa ay ka caraysiisay dalal badan oo suni ah, gaar ahaan dalka Sacuudiga, labo sababood ba: waa mida koowaad’ e nidaamkii Shaah oo xiriir wanaagsan la lahaa Sacuudiga iyo weliba saaxiibada qadiimiga ah ee Sacuudiga, dunida reer galbeedka, gaar ahaan dalka Maraykanka, labo Sacuudigu waxa uu ogaa in Aayatullaahi Khumayni uu dib u soo noolaysiinayo fikirka shiiciga ah iyo weliba loolankii u dhaxeeyey Sunniga iyo Shiiciga, waxaa kaloo xusid mudan in dawladda Sacuudigu ay fikirka Khumayni labo siyood ba ay uga cabsatay: mar waa in Shiico ku dhiiranayso, kuna faanayso dawladdaa iyaga matasha oo u dhalatay, mar labaad waa in ay ka cabsadeen in fikirkaasi uu ku fido gobolka.

Aayatullaah Khumayni shakhsi ahaan waxa uu aaminsanaa in fikirkiisu aanu ku koobnayn Iiraan oo kaliya, balse uu faafi doono, oo gaari doono dunida Muslimka ah. Bilowgii uu xilka qabtayba shiicada degan dalka Baakistaan waxaa gashay ruux cusub oo ka soo shidaal qaadanaysa dalka Iiraan, waxay bilaabeen dhaqaaq siyaasi ah, dawladdii xilligaas oo aanan u bogin baa caburis dadban iyo mid toos ah ba kala hortimid dhaqdhaqaaqaa, balse waxaa si cad uga hadlay oo welibana dawladdii Baakistaan u hanjabay Aayatulaah Khumayni, isagoo ku leh, waxaan idinku samaynayaa wixii aan ku sameeyey Shaah.

Dawladda Islaamiga ah, ee Iiraan bilowgii waxa ay ku koobnayd, kuna mashquulsanayd gudaha dalkeeda saamayn xoog lehna kuma lahayn gobolka, marka laga raabo dagaal siddeed sano socday oo dhex maray Iiraan iyo Ciraaq, gobolku waxa uu ahaa nabad, waxaana inta badan saamayn muuqata ku lahaa dawladdaha reer galbeedka iyo weliba xulafadooda qadiimiga ah ee dawladdaha Muslimka ah, gaar ahaan dawladdaha Suniga ah. 

Billowgii Saamaynta Iiraan ee Gobolka.

Dagaalkii ka dhankaa ahaa Ciraaq, oo uu Maraykanku ku qabsaday dalkaas, sanaddii 2003-dii baa waxa uu beddalay nidaamkii wax u socdeen oo dhan. Dad badan oo aqoonyahan ah, oo aad ugu dhuun-duleela siyaasadda gobolka iyo weliba mida Maraykanka baa qaba in dagaalkaas lagu khaldanahaa, siyaasad khaldan oo la qaatayna ay ahayd. Aqoonyahanadaa waxaa kamid ah Francis Fukuyama oo ah aqoonyahan weyn oo dhanka siyaasadda wax ka qora. Yeelkadeede, Buush iyo nidaamkii sii waxa ay ku doodeen in dagaalka Ciraaq uu yahay dabayshii dimuqraadiyada ee gobolkaas iyo weliba soo afjarka xagjirka ka dagaalama gobolkaas.

Haddii 2003-dii uu Buush lagu qanciyey ama uu ku qancay dagaal lagu qaado Ciraaq in uu horseedi doono barwaaqo iyo dimuqraadiyad iyo weliba shacab is-oggol oo ka dhaxeeya hal dal iyo calan waa marin habaabeen. Dalka Ciraaq waxaa aqlabiyadda ah Shiico, waxaana in badan soo xukumaayey Suni oo uu ugu danbeeyey Saddaam Xusayn; dagaalkii Maraykanku ku galay Ciraaq waxa uu dhaliyey sida dad badan aqoonyahani qabaan dalkii ugu horreeyey oo Carab ah, oo shiico aqlabiyadda tahay, kaas oo aan horrey u jirin.

Burburkii nidaamkii Saddaam Xusayn waxa uu ahaa billowgii saamaynta Iiraan. Iiraan waxa ay toos faraha ula soo gashay dalka Ciraaq siyaasaddiisa, waxa ayna noqotay laacibka keliya ee ugu amarka sareeya, taas oo ay ku gaaracday dhiggooda dalalka sunniga ah ee uu hoggaaminayo Sacuudigu iyo weliba dalalka galbeedka ee uu hoggaaminiyo Maraykan. Wixii ka danbeeyey saamaynta ay Iiraan ku yeelanaysay gobolka waa koraysay, halka saamaynta dunida Carabtu hoos u sii dhacaysay. Waxaa in la xuso ah, markii Kurdidu ay bilaabeen in ay afti ku goostaan dhulkooda Maraykan waa uga digay Kurdida in ay falkaa sameeyaan, balse waxba kama beddelin arrinta. aftidii markii ay qaadeen Kuridu oo ku dhawaaqeen in ay goosteen, Iiraan ayaa Kurdidii kala hadashay arrintii aftida miiska wada-hadalkana ku soo celisay. Kurdidu waxay xulufo dhow la yihiin Iiraan, waxayna qayb weyn oo lixaad leh, ka yihiin dadka oggolaanaya saamaynta Iiraan ee gobolka.

Markii uu billowday kacdoonkii Carabtu waxa ay mar labaad ahayd fursad u soo baxday dalka Iiraan. Iiraan kacdoonadii Carabta ka dhashay waxa ay sii siyaadisay saamaynta ay ku leedahay gobolka. Gobolka bariga dhexe oo muddo astaan u ahaa siyaasad deggan, oo ay xukumaan boqorro ama kali taliyeyaal waxaa beddalay xasilooni-darro siyaasadeed iyo dagaallo joogta ah, tobankiii sano ee u danbeeyey. Xasilooni-darro siyaasadeed oo walba oo ka dhacda bariga dhexe ama xasilooni-darro walba oo ka dhex dhacda dalalka carabta waxa ay fursad dahabiya u tahay dalka Iiraan, saamaynteeduna sii koraysay. 

Iiraan miisaaniyada ku baxda difaaceeda waa ka yaryahay dhiggeeda dalalka ay xifaaltamaan. Tusaale ahaan sanadkii 2016-kii machadka Stockholm International Peace Research waxa uu sheegay in 3% dakhligeeda ay dalka Iiraan ku maalgaliso ciidamadeeda; halka dalalka Sacuudigu dakhligiisa sanadkii 10% uu ku maal galiyo ciidamadiisa, Israa’iil 6%, Ciraaq 5% halka Jordan ay ku maalgaliso 4%. Iiraan dhanka maalgalinta ciidamada aad bay uga danbaysaa dalka Sacuudiga, isla sanadkii 2016-kii dalka Sacuudigu waxa uu ku bixiyey 63.7 bilyan, dhanka difaaca, halka dalka Iiraan ay ku bixisay 12.7 bilyan dhanka difaaca, taas oo ka dhigan in Iiraan dhanka maalgalinta ciidamada ay aad uga danbayso Sacuudiga.

Balse Iiraan si ay taas uga kabato waxa ay maalgalin isugu jirta tababar, dhaqaale iyo qalab siisay Xuutiyiinta dalka Yaman ka dagaalamaya, kuwaas oo dagaal kula jira xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga oo dalkaas dagaal kaga jira muddo sanada ah, waxaa xusid mudan in Sacuudiga iyo xalufadiisa oo dhaqaale badan haysta, dhaqaale badana galiyey soo iibsashada hubka aanay weli ka guulaysan Xuutiyiinta dagaalka kula jirta. Xuutiga kaliya ma maalgalin dalka Iiraan, waxa  kale oo ay Iiraan taageero siisaa Xisbu-llaah iyo weliba Xamaas, oo dagaal ka dhan ah Israa’iil wada, halkaas kuma istaagin Iiraan waxa ay si toos ah faraha ula gashay dagaalka sokeeye ee ka dilaacay Siiriya iyo weliba  taageero ay siiso kooxo shiico ah, oo dalkaas ka jira, dagaalna kula jiray kooxdii argagixisada ahayd ee Daacish.  Siiriya, Iiraan waxa ay ka noqotay laacibka ugu muhiimsan ee arrimaha siyaasiga ah ee dalkaas iyo weliba dalka ugu horreeya oo weli ku joogo madaxweynaha Siiriya Bishaar al-asad. Markii uu billowday dagaalka sokeeye ee dalka Siiriya; dalalka Ciraaq iyo weliba Siiriya waxaa ka dillaacday kooxda argagixisada ah ee Daacish, taas oo dhul badan qabsatay, kadib waxaa cagta mariyey dalal badan oo ay kamid yihiin: Maraykanka, Ruushka, Iiraan iyo weliba Turkiga.

Obama iyo Iiraan

Dalka Maraykanka oo cuno-qabatayn saaray dalka Iiraan, taas oo la xiriirta hubka nukliyeerka iyo weliba habdhaqanka ay ka wado gobolka oo aan la jeclaysan, muddo dheer ayey xanibaadaasi saarnayd, taas oo ay aad u soo dhoweeyeen Israa’iil iyo weliba dalalka suniga ah, oo Sacuudi ugu horreeyo. Madaxa dalalka Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa si kulul u canbaareeyey Iiraan. Balse saamaynta sii koraysa ee Iiraan waxba kama dhimin, ee waa ku sii kortay; halka Sacuudiga iyo dalalka ay xulafada yihiin saamayntoodu hoos u dhacday. Soomaalidaa tiraahda geedku biyaha waa ku baxaa, Iiraan dhaleecaynta iyo hanjabaada madaxda galbeedka, Israa’iil iyo Sacuudiga waa ay ku kortay.

Sanadkii 2015-kii ayaa dalalka Maraykanka, Ruushka, shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo weliba Jarmalka waxa ay heshiis la galeen dalka Iiraan , kaas oo khuseeyey hubka nukliyeerka ee Iiraan iyo weliba dabeecadaha ay ka wado gobolka, ugu danbayn dalalkaasi waxa ay ku guulaysteen in ay heshiis la gaaraan dalka Iiraan; Iiraan waxaa laga khafiifiyey cuno-qabatayntii saarnayd. Balse Israa’iil iyo weliba dalalka Suniga ah, ee Sacuudigu hoggaamiyo heshiiskaas waa caro-galiyey, waxa ay ka shekiyeen saaxiibkoodii hore, balse qudhooda waxaa loogu beddalay heshiiskaa in laga iibiyo hubab ay markaa baahi u qabeen. Yeelkadeede, Iiraan saamaynteedii gobolka waa sii korodhay.

Heshiiskaa kadib xiriirka u dhaxeeyey Riyaad iyo dhiggeeda ma uusan qaboobin, uma se dhowaan, waxaa sii xumaaday xiriirka laba dal; waxayse ugu darnayd markii dalka Sacuudigu uu dilay dad ka badan afartan oo uu ku jiro wadaad weyn oo lagu magcaabo Nimir Al-nimir, oo shiici ahaa, una dhashay dalka Sacuudiga kaas oo ay ka carootay Iiraan. Taageero ka carooday dilka wadaadkaa oo reer Iiraan ah ayaa weerar ku qaaday safaarada Sacuudiga ee dalka Iiraan, inkasta oo ay Iiraan falkaa dhaleecaysay, kama joojin Sacuudiga iyo xulafadiisa in ay xiriirka u jaraan dalka Iiraan.

Xilligii Trump

Ganacsade Trump oo aan aqoon iyo khibrad toona u lahayn siyaasadda ayaa loo doortay madaxweyne dalka Maraykanka. Trump waxaa lagu bartay tan iyo ololihiisii: been, hanjabaad, muslim nacayb, hadallo is-burin, nin cunsuri ah, taageero u ah Israa’il, aad ugu kacsan xiriirka ganacsi ee shiinaha iyo weliba nin diidan heshiiskii lala galay dalka Iiraan iyo weliba heshiiskiisii khuseeyey cimilada, ee lagu saxiixay dalka Faransiiska. Doorashadiisa, siyaasadiisa arrimaha gudaha lama saadaalin karin, iskaddaa tiisa arrimaha dibadee.

Waxaa xaqiiqo noqonaya hadalkii Fariid Sakariya ee ahaa: Understanding Donald Trump’s foreign policy is a bit of challenges since the president has written and spoken little on the subject for most of his life“.

In la fahmaa siyaasadda arrimaha dibedda ee Donald Trump waa caqabad maadama madaxeynuhu uu wax yar ka qoray ama ka hadlay maadada noloshiisa inta badan. Safarkiisii ugu horreeyey Trump waxa uu ku tagay dalka Sacuudiga halkaas oo uu kula kulmay dalal badan oo muslim ah, Sacuudigana xulufo la ah. Halkaas waxaa ka bilaabanaya dhibaato kale. Markii uu dalkiisa ku laabtay muddo kama soo wareegin markii wadanada Sacuudiga, Imaaraatka, Masar iyo Baxrayn ay cuno-qabatayn cirka, dhulka iyo badda ku soo rogeen dalka Qadar, oo ay xulufo dhow ahaayeen. Dalalkan ayaa Qadar ku eedeeyey argagixiso taageerid iyo falal kale, balse mar kale fursad waxay siiyeen dalka Iiraan oo ay dalka Qadar u soo dhowaatay, Iiraan kaliya ma aha dalka Turkiga oo muddo saldhig ka doondoonaayey bariga dhexe ayaa isna helay fursad dahabi ah kaas oo soo dhowaystay dalka Qadar, welibana saldhig milateri ka helay.

Trump waxa uu mamnuucay in ay dalkiisa soo galaan lix dal oo muslim ah oo ay Iiraan ka mid tahay, waxa kale oo uu laalay heshiishkii lala galay dalka ee Iiraan ee ku saabsanaa nukliyeerka Iiraan. Waxaa xusid mudan in markii uu Trump ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, ee uu saxiixay wiilkii madoobaa, in uu hadlay raa’isul wasaaraha Israa’iil Netanyahu uuna yidhi: “anaa ka codsaday in uu Trump ka baxo heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan”. Trump mar kale waxa uu cuno-qabatayn ku soo rogay dalka Iiraan, welibana waxa uu ku hanjabay in dalka Iiraan la tacaamula uu cawaaqib xumo kala kulmaayo, mar kale waxaa arrintan soo dhoweeyey  ra’iisul wasaaraha Israa’iil, mar kalena yidhi: “anaa ka codsaday Mr. Trump in uu sidaa sameeyo”. Keliya Israa’iil ma soo dhowayn go’aanka Trump, waxaa kaloo aad u soo dhoweeyey dalka Sacuudiga iyo wadammo uu hor boodo oo sunni u badan.

Khuburo badan baa saadaalisay in maadaama heshiiska Iiraan la tuuray ay waxa keliya oo banaan ay tahay dagaal. Obama qudhiisa ayaa yidhi: “…heshiis aan Iiraan lala gelin, doorashada keliya oo noo banaan waa dagaal”. Balse Iiraan uma joojin waxaas oo dhan saamaynta ay gobolka ku leedahayna waa sii korodhay. Iiraan waxa ay saaxiib dhow ka dhigatay dalka Ruushka, kaas ay heshiisyo badan kala saxiixdeen, saaxiibka uu Ruushku la saaxiibay Iiraan waxa ay siisay fursad ah in bariga dhexe siyaasadiisa uu ka noqdo laacib muhiim. Jarmalka, Ingiriiska iyo weliba Faransiiska muhiim kama aha siyaasadda bariga, sida Raashiyaa. Ruushku fursadaas ma gaareen haddii aanu Iiraan u suurto gelin. Taasi waxa ay muujinaysaa muhiimada dalka Iiraan iyo saamayntiisa. Sida uu qoraal uu qoray ku sheegay Vali Nasr Ruushku waxa uu noqday awoodda keliya ee cid walba kala hadasho arrimaha gobolka.

Ruushka, Iiraan iyo Turkiga waxa ay jaangoynayaan mustaqbalka Siiriya. Aqoonyahanno badan baa qaba in aanu Ruushku dhaqaale iyo awood ciidan saamayntaa ku yeelan, balse uu ku gaaray siyaasad iyo weliba saaxiibka uu ka dhigtay Iiraan, oo ah mid kamid ah awoodaha gobolka, welibana kuwa ugu muhiimsan. Sidii uu Trump u laalay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, xiisaddu waa sii kacaysay, waxaa saxaafada iyo tuwitarka la isku marinaayey hanjabaad joogto ah. Maxamed binu Salmaan oo dalka Sacuudiga maanta ugu awood badan, Trump, Mike Pompeo, Bolton iyo weliba Netanyahu waxa ay weerar afka ku qaadeen dalka Iiraan. Waxayse xaaladdu ka sii dartay markii uu Trump argagixiso ku tilmaamay ciidanka gaarka ah ee kacaanka, ee dalka Iiraan, waxa kaloo ay xaaladdu ka sii dartay markii la isku muran dhaafay marinka Hormus, Maraykan oo diyaaradihiisa dagaalka u daabulay gobolka iyo weliba maraakiib Sacuudigu leeyahay oo lagu waxyeeleeyey biyaha Imaaraatka Carabta. Ilo aan la magcaabin oo Maraykanka ka shidaal qaata baa weerarka ku eedeyey dalka Iiraan, balse weli wax cad lagama hayo, balse waxa ay sii xumaysay xiisaddii xumayd ee u dhaxaysay Maraykan iyo Iiraan. Waxaa kaloo la sheegay in ciidamo gaaraya 120, 000 ay u daabulayaan gobolka. Trump waa beeniyey dagaal lagu qaadayo Iiraan, waxaaana uu sheegay in uu Iiraan ka rabo in ay soo wacaan.

Waxaa se ila quman in aan wax yar ka iraahdo John Bolton oo ah la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweyne Trump. Bolton waxaa lagu xasuustaa rabitaankiisii iyo weliba doorkiisii uu ku lahaa dagaalkii Ciraaq, waxa uu kamid ahaa maskaxihii ka danbeeyey dagaalka Ciraaq. Weli waxa uu ka mid yahay dadka faro ku turiska ee aaminsan in go’aankii lagu galay dagaalkaa uu ahaa mid saxan. Mudane Trump markii uu magcaabay Bolton dad badan baa saadaaliyey in uu dagaal horseedi karo. Bolton waxa uu yaqaan labo doorasho mid uun: In dagaal la qaado ama in nidaamka uu diido la beddalo, sida uu hadda ka wado Venezuala, billowgiina uu ku dayey Iiraan. Waxa uu hadda kamid yahay dadka tirada yar ee Trump ku riixaya dagaalka Iiraan.

Dagaalkan Iiraan ka dhan cida dabada ka riixaysa ma aha oo keliya John Bolton, waxaa horboodaya Israa’iil, Maxamed Binu Salmaan ka Sacuudiga iyo xulafadiisa. Waxaan rabaa in aan xuso hadal uu yidhi Vali Nasr oo ah aqoonyahanada darsa waxna ka qora gobolka, kana mid ah, ragga ugu horreeya, oo ahaa: xaqiiqada la yaabka ah waxa ay tahay awoodda halgan ee bariga dhexe ayaamahan, Carabi waa ka maqantahay, u fiirso dagaalada hadda socda, dhammaantood waa awoodo aanan Carab ahayn- Iiraaniyiin, Turki, Raashiyaan, Israa’iil iyo Amerikaan- ayaa galaya dagaalada si ay u go’aamiyaan: yaa qaabayn doono dunida Carbeed. Loollanka socda waxaan rabaa in aan akhristow kuugu celiyo carabi waa ka maqantahay, waa macquul in ay la socdaan dalal kale, sida: Maraykan ama Israa’iil, balse kama dhigna in ay door muhiim ah ciyaarayaan.

Maxaa Iiraan lagu Galay?

Iiraan waxa lagu haysto inta aanan u gelin aan is-weydiino, IIraan maxay isku halanaysaa, oo waa iyadan la dhaqaajin la’yahaye? waxa keliya oo IIraan isku halaynaysaa waa hubkeeda sawaariikhda ah iyo weliba hubka nukliyeerka ah, taas oo siisay kalsooni ahin aan dagaal lagu qaadi karin, haddii lagu qaadano ay gobolku aanu nabad ka ahaanayn. su’aashii hore aan usoo laabto oo ahayd: IIraan Maxaa Lagu Galay? 

Iiraan waxaa lagu galay dhowr arrimood oo muhiim ah: kow Iiraan waxa ay saamayn muuqata iyo awood muuqata ku yeelatay gobolka taas oo baqdin galisay Maraykanka, maadaama uu u arko in Iiraan danihiisa ka hortimid. Labo, Israa’iil kama raalli aha, awoodda muuqata ee Iiraan, kow, Iiraan waxay taageero siisaa jabhado dagaal kula jira Israa’iil. labo, Israa’iil, Iiraan waxa ay u aragtaa awoodda kaliya oo Muslim ah, oo gobolka taas oo khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama Israa’iil ay ka takhalustay dhammaan dalalkii caqabadda ku ahaa waxa hadda dhishan oo Sacuudigu ugu horreeyana aanay Israa’iil ku soo dhici karin, Israa’iil waxa ay u aragtaa dagaal lagu qaado Iiraan in ay faa’ido weyn ugu jirto.

Saddex, Iiraan waxaa aad ugu dhegan dalal u badan sunni oo uu hoggaamiyo Sacuudiga kuwaas oo uu ka dhexeeyey loollan taariikhiya labada farac ee Islaamka ku abtirsada waa Suniga iyo Shiicada e. Dunida galbeedka halka ay ka eegaan dalka iyo dadka; ama dadku uu dal ka dhaxeeyo, dunida Carabta ama sunniga iyo shiicada waxaa muhiim u ah isku dheelitirnaan awoodeed waxa uu ugu yeedhay Vali Nasr “Balance of Power”. Tan iyo sidii uu u dhashay kacdoonka Iiraan 1979-kii, waxaa sii kordhayey awoodda shiicada, gaar ahaan Iiraan, halka dhiggooda sunniga ay awooddoodu hoos u dhacday, ama ay galeen dagaal sokeeye oo ay adagtahay in laga soo kabto. Taasi waxa ay caro-gelisay Sacuudiga oo tamar kale aanan maanta hayn, balse dagaal lagu qaado Iiraan u arka in mar labaad ay faa’iido ugu jirto.

Gunaanad

Qoraalkan kooban waxa uu ka warramayey dhalashadii cusbayd ee Iiraan, gaar ahaan kacdoonkii dhacay 1979-kii. Qoraalkan waxa kale oo uu ka sheekeeyey saamaynta Iiraan ee gobolka iyo sida ay ku soo bilaabmatay, iyo halka ay gaartay, qoraalku waxa kale oo uu sheegay in dunida Carbeed maanta dagaalka ka socda dhulkooda ay ka maqanyihiin, halka Iiraan awooddeeda iyo saamaynteeda ay korodhay. Qoraalku waxa kale oo uu si kooban u dul istaagay heshiiskii dalalka awoodda badan, oo Maraykan ugu horreeyo la galeen Iiraan iyo hubkeeda nukliyeerka, qoraalka waxa uu si kooban uu u dul istaagay Iiraan waxa lagu galay, waxaa kale oo qoraalku sheegay Iiraan waxa ay isku halaynayso. qoraalku waxaa kale oo uu dul istaagay Ruushka oo laacib muhiim ah ka noqday gobolka. Qoraalku waxa kaloo uu xusay in heshiiskaas aanu raalli-gelin Israa’iil iyo Sacuudiga. Ugu danbayn waxa kaloo qoraagu xusay xilligii Trump yimi iyo waxa is-beddelay, iyo khatarta dagaal ee macquulka ah. 

Waxaa xusid mudan, oo aan akhristaha sharafta leh u sheegayaa in si mawduucan loo fahmo loo baahanyahay qoraal dhexdhexaad, oo xog sax ah xanbaarsan laga qoro loollanka qotoda-dheer ee u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada. Mawduucan wax laga qoray Af-somaali ahaan, waa yaryihiin dadka badanaa ka hadlaa waa culimada Soomaaliyeed kuwaas oo aan si dhexdhexaad ah uga hadlin mawduucan. Waxa aan isku dayi doonaa in aan ka qoro, qoraal dhexdhexaad ah oo wax inoo iftiimiya, Waa haddi Eebbe idmo. 

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com