Dhiisha Fakhriga – Vol: 01 – Cad: 05

 372 View

Indheergarad – Ogoosto 17, 2019 – Sooroga  – Vol: 01 – Cadadka: 05

Waxa laga yaabaa in aad meelo dhawr ah ku aragtid in aadanuhu karaamaysan yahay. Waxa kale oo laga yaabaa in erayga “Karaamo” laga wado wax fiican se dadku ma wax fiican baa? Haddii fiicni laga wado sidee u fiican yihiin? Haddii se aan fiicni laga wadin dadku ma ay xun yihiin? Haddii la damco in su’aalahaas kooban laga jawaabo si fiican baa looga jawaabi karaa oo waxaa la oran karaa dadku ma ay fiicna ma na ay xuma ee waxa fiican ama xumi waa wax kale.

Qofku in uu qof yahay oo uu san xayawaan sida dhurwaaga ama masacagalayda oo kale ah ahayn wax qiima ah ma ay soo kordhinayso. Waayo qofku in uu qof yahay qiimo u ma yeesho ee waxaa qiimo u yeela waxa uu markaas qabanayo ama uu faraha kula jiro ee uu iska caadaysto. Fircoon dadyowga qaar waxa ay u arkaan qof xun oo xun oo xun oo xayawaanku dhaamo. In uu Fircoon qof ahaa wax qiimo ah ma ay soo kordhinayso ee waxa samaha iyo xumaha soo kordhiyaa waa hadba shaqada uu qofkaasi ku shuqlan yahay.

Wax loo arko wax xun qofkii u qaybsanaada waxaa loo arkayaa qof xun. Si taas la mid ah wax fiican wixii loo arko qofkii u hawl gala isaga na waxaa la yiraahdaa waa qof fiican. Halkaa waxaa ka cad in aadanuhu yahay waxba yahay iyo wax aan qiimo lahayn se qiimuhu yahay hadba hawsha uu hayo sida ay tahay. Hadalka oo kooban waa “Annagu wax ba ma nihin ee waxa wax ah oo waxa aan nahay naga dhiga waa wixii aannu qabanno.” Tusaale kale aannu keenno waayo tusaalaha kore waxa uu u muuqdaa tusaale diimeed.

Tusaale maaddi ah aynu soo qabsanno. Qof madaxwayne ah sida Gaas iyo qof askari ah oo aan waxba haysan ee isku joog tuuta ah qaba oo laba iyo tobanka saac ee maalintii iyo laba iyo tobanka saac ee habeenkii waardiye u qaybsan oo laba iyo tobanka bilood ugu yaraan lix bilood oo ka mid ah aan mushahar qaadan ee mushaharkiisa la xado, haddii la isbarbar dhigo yaa fiican, ma askariga mise madaxwaynaha? Waxa fiican madaxwaynaha oo qofka madaxwaynaha ahi waa qof sharaf leh sida dadku qabaan.

Wadaadka aroortii marka aynu hurudno aadaanka ku dhifta iyo tuugga saqdaa dhexe dadka islaameed guraya ee guryaha u dhacaya, yaa fiican haddii la is barbardhigo? Waa ay iska caddahay oo dadku waxa ay qabaan in wadaadku fiican yahay. Askariga, madaxwaynaha, ganacsadaha, tuugga, wadaadka iyo macalinku waxa ay ka siman yihiin in ay dad yihiin. Se in aad dad tahay qiimo kuuma ay yeesho qiimana kaama ay riddo oo dadnimadu ama in dad la ahaadaa macna wayn ma leh ee waxa aadanaha qiimaha u yeela waa shaqada uu hayo. Halkaa waxa ka cad in dadku aysan karaamaysnayn ee ay shaqadu karaamaysan tahay. Intaa haddii aynu isla fahanno waxa aannu isla fahmi doonna wax badan. Su’aasha sida qodax geed jeerina ka soo taagan noogu soo taagani waxa ay tahay: Maxaa weeye xumaan iyo samaan? Yaa se xun yaa se fiican?

Sidee da ba wax samaan la yiraahdo iyo wax xumaan la yiraahdaa ma ay jiraan oo waa ismoodsiis ay dadku samaysteen. Waxaa jidha wax kale oo la yiraahdo baahi. Aadanuhu waa baahane oo wixii uu  ku baahi beeli karo baa samaan u ah wixii uu ku baahoon karana waa xumaan aan xumaan ka danbaysaa jirin. Dadku waagii hore waxa ay ku noolaayeen nolol ugaarsi iyo qaraabasho ah oo sida daanyeerka baa ay oran jireen

-Nin quwaax helay

-Nin qaroon helay

-Arli waa quud 

-Ha la qarafsado!

Waagii ugaarsiga iyo qaraabashada uu aadanuhu baahidiisa ku dabooli jiray ma ay jirin dad kala fiican oo kala sharaf badan. Ma ay jirin dad kala sarreeya oo isku shaqaysta. Qof waliba naftiisa baa uu u shaqaysan jiray. Waxaa jirtay baahi u dhaxaysa qofka iyo deegaanka uu ku nool yahay sida biyaha, geedaha iyo xoolaha. Ma ay jirin baahi uu qof noloshiisa ku xirayo qof kale. Xilli hadda laga joogo toban kun oo sano ayaa ay tolantay “dhiisha fakhrigu” se sidii ay u tolantay inta aanan sheegin aan ku horreeyo sheegista waxa ay tahay “dhiisha fakhrigu”. Dhiisha fakhrigu waa dhiil ay qolyo u tosheen qolo kale si ay ugu silicdilyeeyaan. Baahida dadku haddii ay ka timaaddo deegaanka uu ku nool yahay oo aan waxba oollayn ma ahan fakhri. Fakhrigu waa wax la’aan ay sababeen dad kale. Waxa ayna ku qaybiyaan dhiil ay la tolay waa hore oo hore oo hadda laga joogo toban kun oo sano. Weligaa ma aragtay xayawaan baahan oo la leeyahay fakhri baa haya. Fakhrigu wuxuu ku yimaadaa aadanaha waxa uu na ka yimaadaa aadane kale.

Toban kun oo sano xilli laga joogo baa dadkii sinnaa ee ugaarsiga iyo qaraabashada ku noolaan jiray waxa ay bilaabeen oo ay barteen in ay wax beertaan. Xooga yar kadib waxa ay barteen in ay xayawaankii duurjoogta ahaa qaarkood rabbaayadaystaan oo dabjoog ka dhigaan. Halkaan baa waxa ka yimi wax kale. Dadka qaar baa waxa u soo go’ay dalag fara badan waxa ayna yeesheen xoolo fara badan. Kadib waxa ay shaqaalaysiyeen dad badan oo beerta uga shaqeeya xoolahana u ilaaliya. Taas bedelkeedna waxa ay dadkaas mushahar uga dhigeen xoogaa yar oo ka mid ah wixii ay soo saareen dadkii shaqaalaha ahaa halka ay waxsoosaarka badankiisi ay iyagu meel marsadeen. 

Si aan loo fahmin isdabamaryayna halkaas ka socoto waxa ay dejiyeen dhaqamo, diimo iyo dawlado xalaalaynaya in dadka qaarkii uu cuno xoogga qaarka kale oo la isku shaqaysto. Dadkuu lagu shaqaysanayay waxa ay tani ku reebtay foolxumo daba dheeraatay oo ah in qofku baahidiisa iyo waxa uu rabo uu ka sugo qof kale ee uu san deegaanka ka sugin. Iyo in qofku qariib ku noqdo koonkaan waynaada waynaado. Iyo in muruqiisa ay qolo kala maasho oo dheef badan ka hesho. Waxaa abuurmay dabaqado kala sarreeya. Waxaa abuurmay dabaqad hantiilayaal ah oo aan waxba qaban se ka macaysha dhiigga iyo dhididka xoogsatada.

Dabaqadaas baa si aaan xoogsatadu u soo weerarin abuurtay xoogsato kale oo askar u ah oo xoogsatada kale u jebisa illeen lafa geel iyaga baa la isku jebshaaye. Askartu in ay wax dilaan iyo in ay wax daayaan qolo xumaan iyo samaan ugu kala sheegta baa loo baahday. Waxaa soo baxday qolo kale oo wadaado la yiraahdo oo ganacsatada iyo hantiilayaasha in ay danohooda u fadwoodaan u abuurmay. Xoogsatada na ugu sheekeeya in ay silicooda isaga dulqaataan oo ay aakhiro xuurul cayn iyo khayr kale helayaan. Qoladii wadaada ahaa waxaa ka sii dul samaysmay madax iyo siyaasiyiin hadba dhanka hantiilayaashu jiraan u jeensada sidii in ay halkaas qibladii ka xigto. Intaas oo qolo waxa is raaciyay waa cadka rag isku raacay oo ah hunguri. Xumaha iyo samaha, ama sharka iyo khayrka la sheegaa ba waa hungurigaa oo ah raasumaalka oo ah dhiisha fakhriga ee laga waraabiyo dabaqadda hoose.

Dabaqadahaas abuurmay baa waxa ay sababeen in aan qofka lagu qiimayn qofnimadiisa ama in uu dad yahay ee lagu qiimeeyo shaqadiisa. Qofka xoolo badan laga heli karo ee wax haysta waxa uu noqday qof sharaf leh oo ka fiican qofka aan waxba haysan ee xoogsatada ama askariga ah. Waa taas tan keentay in qofka Soomaaliga ahi uu jeclaado in uu noqdo madax ama maalqabeen. Qofku waxa uu inkirayaa qof ahaantiisa oo waxa uu oran “haddii aad waxaad ahaan lahayd?” Waxaa suulaysay ahaanshaha qof ahaaneed oo waxa abuurmaysa ahaansho xirfadeed. “Qof xun haddii aad maqasho waa qof shaqadiisu xun tahay qof fiicana waa qof shaqadiisu fiican tahay” dareen ah ayaa imanaya waxaa na qiima beelaysa dadninadii. Qofku waxa uu qariib ku noqon dunida waayo waxaa loo tolay dhiil fakhri si uu u dhamo.

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf “Taarwale”
Email: calixaad1@gmail.com