GORFAYN: Guure – Hanka Soomaalida iyo Hadimada Gumeysiga | Xasan M. Qorane – Vol: 01 – Cad: 07

 452 View

Indheergarad – Ogoosto 18, 2019 – Koobin  – Vol: 01 – Cadadka: 07

Hordhac

Dhigahan la magac baxey “GUURE”. Waa buug kal-tirsigan 2019-ka kusoo buurey khaanadda dhiganayaasha ku qoran Afka Soomaaliga. Dhiganahan oo la qorayey muddo laba sanno iyo badh ah. Waxa uu qoraagu ciwaan uga dhigey “GUURE: Hanka Soomaalida iyo Hadimada Guumeysiga”. Waxa uu gacanteyda soo galey toddobaadkii hore. Buuggan oo daaran taariikh, siyaasad iyo mabada’ udub dhexaad u ah jirintaanka ummadda ee uu ku sahabsanyahay, ayaa waxa uu si khaas ah ugu warramayaa aragtida Soomaali-Weyn. Si guudba adigoon buuggaba u gudo gelin, ayaa ciwaanku yahay mid ubucda buugga kuu tilmmaamey, oo wuxuu yaheyba kuu carrabaabey, sida uu ku yidhi ee ah: Han ay Soomaalidu leedahay, ama mabda’ iyo ujeed ummadeed. Waxaana weheliya, oo ku sidkan Hadimada Guumeysiga ee liddiga ku ah hankaas Soomaalidu ay leedahay.

Dhiganahan Guure oo ka kooban 221-bog. Waxaana uuna ka koobanyahay 16-qeybood. Waxaana qorey Qoraa. Xasan Maxamuud Qorane, oo ah reer Kismaayo. Waaan isla qoraaga buugga “جنوبا و ما وراء السافانا” Qoraagu waxa uu ku takhasuusey aqoonta dhulka “Geology” oo uu ku bartey dalka Suudaan. Dhiganahan, waxa uu qoraagu usoo tebiyey hab qurux badan oo ka duwan hababka kale ee loo qoro buggaagta. Kaas oo ah hab sheeko faneed oo kale ah. Waana buuggii iigu horreeyey inta malaheyga ah, ee hab sheeko faneed loo soo tebiyo, isagoon xaqiiqdii sheeko faneed aheyn. Waa waxa uu dhiganayaasha kale ee Af-Soomaaliga ku qoran uu dheeraadeey Guure. Sida uu afeeftana ku xusey qoraagu, wuxuu akhristayaasha Soomaalida u tilmmaamey, in dhammaan waxyaabaha buuggani ku dhisanyahay, aysan xaqiiqo ahaan u jirin, haddey noqon laheyd magacyada dadka, darajooyinka iwm.  Waxa intaas dheer, habka bilan ee loo qaabeeyey, ha noqdo xag jaldi iyo xaga xaashiyaha, cabirka, tifatirka intaba dhinac kasta waa ka dhameystiranyahay. Dhinaca daabacaadduna waa HIILPRESS. Mahadi haka gaadhee!

Intaas kaddib, waxa aan kamid ahaa dadkii dhowr qoraal oo uu faafiyey sannadkan dhexdiisa intii uusan soo saarin buugga akhriyey. Taas oo yididdiilo badanna igu abuurtey, oo dhinaca buugga ah. Waxa kale oo qoraaga Xasan Qorane, oo aanu saaxiib naheyna, igu baraarujiyey inaanan la gaban faalladeyda iyo gorfeynteyda wixii buugga iiga baxa. Sidaas darteed, baan isku deyi doonaa inaan qeyb qeyb u dul istaago, intii iila muuqato inaan wax ka dhihiddeedu ii bannaantahay. Waxa sidoo kale baraarujin iyo xusid ba mudan, in maanta Soomaalidu baahi weyn u qabto, qoraallo iyo dhaxal rasmi ah; oo aynnu kaga hadleyno sooyaalkeenna faca weyn, kaas oo ay harqiyeen duruufaha nololeed ee Soomaalidu mareyso; iyo mushkiladaha bulsheed ee dhinac kasta innaga heysta.

Taas oo ay ugu horrayso, in aysan marnababa meel wada galeyn aragtida qowmiga ah iyo aragtida qabiilku. Sooyaalka faca weyn ee Soomaalidu ku leedahay Geeska Afrika, ma aha wax qabiil qof aaminsan, uu muhiimad gaar ah siin karo. Sababta—oo  ah sooyaalkaasi waxa uu ku dhisanyahay ayaa ah qowmiyad Soomaaliyeed. Si sooyaalkaas qiimaha badan, loo soo gudbinaya waa lagama maarmaan in la helo garaad ama caqli qowmi ah; oo ummadda usoo gudbiya. Intaas kaddib, waxaan mahad ballaadhan usoo gudbinayaa qoraaga iyo saaxiibkey Qorane, oo runtii xil iyo mas’uuliyad gaar ah iska saarey, sidii uu noogu soo gudbiyey sooyaalkeenna qeyb kamid ah. Dhiganahan kuwa badan—oo lamid ah na waan rajeyn doonaa in qalinka loo qaadan doono.

Gudogal

Buuggan sida aan hore ba usoo tilmmaamney waxa uu ka koobanyahay 16-qeybood, taas oo mid weliba ay ka hadleyso xalqado gaar ah. Waxa ugu horreysa oo uu buugani ku bilaabmayaa qeybta 1aad oo ciwaankeedu yahey “DHALASHO”. Qeybtan oo ka warrameysa, billowga hore ee nolosha GUURE. Sida aan hore ba usoo xusney, buugan wixii qoraagu rabey in uu ku gudbiyo, waxa uu ka dhigey hab sheeko faneed oo kale ah. Saas darteed, aragtida uu buuggu gudbinayo waxa lagu masaaley GUURE; oo ah ninka la rabo in uu soo tebiyo aragtida. Taas oo ka dhigan Guure, oo ka sheekaynaya taariikh nololeed dheer oo  dhinacyo badan taabanaya. Haddaba qeybta koobaad ee buuggu, waa faalleynta deegaanka uu ku dhalan doono Guure; iyo tilmaamidda dabeecadda kobtaas, oo lagu magacaabo Godey.

Taas oo ka tirsan Gobolka Shabeelle, ee Deegaanka Soomaali Galbeed. Kolkii aan buugga bilaabeyba, waxa aan garowsadey sababta qoraagu u doorbidey deegaankaas. Waxaana aan xaqiiqsadey in uu ku jilo aragtida deegaanka ay si badhaxtiran ugu habboontahay. Sababtoo ah Soomaali Galbeed, waa dhul la guumeysto; weligiina aan xornimo qaadanin, sida ay dalalka kale u qaateen xornimo. Dhulkaasi weligii dadka ku nool ee u dhashey, lama odhan aayihiina ka tashta. Si jujuub ah baa loo hoos geeyey; ummado iyo dawlado ay dabshidyo fara badan waranka iyo hootadu ka dhaxeysey.

Saas darteed, deegaankaas aragtidan Soomaali-Weyn aad baa ay uga gadmeysaa, marka loo eego Jamhuuriyadda Soomaaliyeed inta ku nool, oo iyada mushkilado badan ka taaganyihiin! Halka qaarkoodna ay uba arkaan aragtidan mid dhalanteed ah, oo lagu hungoobey! Balse deegaankaas Soomaali Galbeed, waa dhul aan xornimo helin—oo marba talis ku dul habsado. Qowmiyado aaney waxba ka dhexeyn, ayaa duullaan ku ah goor kasta. Kuwaas oo u heellan deegaameynta dhulkaas. Si Mustaqbalka, si buuxda looga faramaroojiyo Soomaalida dhulkaas; martina ay ugu noqdaan dhulkii ay asalka u lahaayeen.

Arrintaasna, qof kasta oo taga dhulkaa, waa uu garowsan karaa marka aad aragto sida ummadaha kale ay u buux dhaafiyeen; una deegaameynayaan deggelkaas. Qoraagu qeybtan, si qurux badan oo farshaxannimo ku dheehantahay baa uu u faalleeyey Godey, oo magaaladii uu ku dhasheyna ah! Qof kastana uu is odhanayo, magaaladan waa inaad cagta soo marisaa—oo bal ashqaraarkaas aad indhaaga kusoo aragtaa! Waxaana uu ku xigsiiyey barashada Guure, rafaadkii hooyadii usoo martey, dhalmadiisii, magac bixintii, korriinkiisii iwm. Taas oo gogol xaadh u ah, waayaha adag ee kusoo wajahan Guure. Waxa kale oo uu ku darey, in uu faallooyin kala duwan ku cabiro qoyska, bulshada iyo hab-fikirkii kolkaas ka jirey deegaankaas.

Intaas kaddib waxa uu u gudbey ciwaanka labaad—oo uu u magacdarey “HANAQAAAD”. Qeybtan waxa aan odhan karaa, waa guudmarka iyo udub dhexaadka buugga. Waxaana ay noqon kartaa lagga iyo baruurta buugga kuu furfureysa judha hore ba. Waxa uuna qoraagu qeybtan ku lafagurayaa, dhibaatooyinka ka dhashey imaanshihii guumeystaha reer Yurub, ee qaaradda Afrika. Waxa kale, oo ku lammaan sida caddaalad darrada ee loo qeybiyey Afrika; oo dhulka Soomaalidu ku yaallo. Haggardaamooyinka dhinacyada badan taabanaya, ee dul hoganaya; kuwii uu guumeystuhu innaga tagey, oo weli dadyowga Afrika ay ka kici la’yihiin. Waana halkii uu Cabdillaahi S. Timacadde lahaa: “Isma doorin gaalkaan diriyo; daartii kii galaye. Misna laguma diirsado, qalbigu waa dirkii kaaral e.” Wuxuuna qeybtan, sidoo kale kaga hadlayaa qoraagu, halgankii muddada dheeraa u dhexeeyey Soomaalida iyo dadyowga kale ee guumeysi doonka ah. Tusaale ahaan: Halgankii xornimo doonka ahaa ee bilaabmey, markuu yimid guumeystaha saancaddooluhu qarnigii 19aad, kaas oo ugu horreeyey halgankii Daraawiishtu, waxa ku xigey halgankii qalinka iyo aqoonta ee ururkii S.Y.L.

Intaas, waxa dheer ee qoraagu qeybtan kusoo gudbinayaa, damaca itoobiya ee dhulka Soomaalida. Taas—oo uu kaga hadlayo, dagaalladii Soomaalida iyo boqortooyadii Abbyssinia ee xabashidu laheyd. Sida; dagaalladii Axmed Gurey “Duullaan-Badane” iwm. Taas oo uu ku tilmaamayo, damaca ku dhisan aragtida is ballaadhinta ee dawladdaas, ee illaa maanta. Waxa uuna soo gudbinayaa, libinaha faraha badan ee Soomaalidu gaadhey, iyo habarwacashadii Xabashida ay u yeedheen Bortaqiiska. Halkaasna ay ka bilaabmeen, dagaalladii Soomaalida iyo Bortaqiiska, taas—oo bortoqiiska lagu jebiyey dhul iyo badba. Waxaana laga dheehan karaa, Soomaalidu siday aheyd waaggaas, iyo mabada’oodii adkaa, kaas oo sababey in dhulka ugu ballaadhan ee Afrika in ay degaan. Maadaama, oo ay suurogeli weydey in qowmiyado iyo dadyow kale ay ku dhex beermaan dhulkaas 1-millionkm ah.

Haddana ummad aan tiro ahaanba dhammeyn 30 ama 40million; oo ay u raacdo iyadoo waqtigaas ay Soomaalidu intan ka yareyd. Waxa kale oo jirtey in Kal-tirsigu markuu ahaa 1112kii miilaadiga waxa lagu tiriyaa markii ugu horraysey ee Soomaali iyo Amxaaro, Soomaali iyo Tigree ay dagaalameen. Goobaha lagu dagaalamayo waxay ahaayeen Gondaar,Baxar-daar iyo Lalibeele oo dhulka Amxaarada ah iyo Aksum oo dhulka Tigreega ah maanta. Dadka laga baqanayey ee labadaa Qowmiyadood ee Amxaaro iyo Tigree u babac dhigi kari waayeenna; waxay ahaayeen Dirkii ilma Samaale(Soomaalida) ama dhashii Samaale. Dagaalku waxa uu ka bilaabmey qabiillo laga adkaadey oo ka tirsan dadka loo yaqan “Agowga” oo farac ahaan kushitic ah kuwaas oo ay usoo hiiliyeen qabiillo Soomaali ah oo hadda dabar go’ay oo la odhan jirey “War-Gur” Agowgu waa dad maanta la liqey oo Amxaaro Kiristaan ah laga dhigey sababo muquunin ah iwm awgeed. 

Dadkaas Soomaalida ayey isbaheysan jireen walaalo biyo iyo baad wadaagana way ahaayeen. 700 oo sanno ayey gulufyadaa colaadeed socdeen, waxa isasoo gaadhey afar jiil oo is dhaley in ay hoggaamiyayaal dagaal noqdaan waxa lagu qiyaasaa dagaaladii adduunka ugu dhiiga badnaa. Imaam Axmed Gurey “Duulaan-badane” Intuu Aksum, Lalilebela iwm dhaafey ayuu joogay xadka dadka Beejaha ee Suudan.  Xabashidu waxyaabaha ay isugu hal-qabsato ee waaggaas laga reebay waxa kamid ah in ay isku dhahaan: “Birdhin ama Soomaali baa diley” Birdhin waa kelmad Af-Xabashi ah oo macnaheedu yahay qabow, maadaama buuraleyda Itoobiya ay qabowdahay oo waxay u jeedaan labadaa wax aan aheyn Xabashida ma dilo. ”

Waxa uu qoraagu qeybtan ku tilmaamayaa, awooddii Soomaalidu ay laheyd waqtiyadaas ee kula dagaallami jireen Bortaqiiska iyo Xabashida. Wuxuuna ku xusayaa buugga in Soomaalidu mar uu daciiftey awooddoodu oo ay dagaal kula jireen Bortaqiiska iyo Xabashida—oo mid ah ay u habarwacdeen Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta, taas oo dagaalkii la gashey. Balse markii dambe, oo weliba dagaalkii socdo, ayaa uu Halgamaa Axmed Gurey “Duullaan-badane” ka codsadey in Soomaalidu isku filantahay, oo aysan caawimaaddooda u baahneyn. Maadaama oo, markaas dawladuhu ku dhisanaayeen isfidin ama is ballaadhin. Soomaalidu waxay ka baqdeen, in ay ku dhex milmaan boqortooyadaas ballaadhan.

Waxaadna ka dheehan kartaa, sida ay Soomaalidu isula qab weyneed xilligaas, oo aysan u baahneyn awood ciidan iwm. Kuna fikirayeen in dhulkan baaxadda weyn leh, ay Soomaalidu leedahay uun, iyagoo keliyana ay ka talin karaan! Maanta halkeynu joognaa tolow?!  Qoraagu, waxa kale ee uu qeybtan kusoo bandhigey sida loo duudsiiyey Soomaalida, ilbaxnimooyin ay lahaayeen kuwaas oo waayey cid dhowrta oo wax ka qorta ama difaacda. Taasina waxa ay horseedday in la buunbuuniyo, oo cirka isku shareerto boqortooyooyin aan wax ay qabteen la garaneyn sida: Aksum iyo Abysinnia. Balse horaa loo yidhi: “Taariikhda waxa qorta, cidda guuleysatee” Soomaalida maadaama laga guuleystey, taariikhda waa loo qorey, dabadeedna si fudud ayaa loo majara habaabiyey!

Waxaan intaas kaddib usoo gudbeynaa qeybta seddexaad ee buugga—oo uu ugu magacdarey “QOXOOTI”. Qeybtan waxa uu qoraagu kaga warramayaa sidii dadkii Soomaali Galbeed, ay duruufaha nolosha ee guumeysiga Itoobiya ugu qasabtey in ay ka barakacaan dhulkoodii ay u dhasheen. Waqtigan qoraagu uu hummaaga ka bixinayaa waa markii uu jirey taliska dergiga ee Itoobiya. Waxaana uu tilmaamayaa, waayihii qoxootiga Soomaali Galbeed ee la keenay dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Qoxootigaas, oo ahaa dad kasoo qaxey; oo xamili kari waayey dhibaatada uu ku hayo dergigu ayaa waxa uu qoraagu tilmaamayaa in dacaayado badan—oo ay kamid tahay: waa dad lagu beerayo deegaanka; ayaa uu gaashaanka u daruurey. Aniga ahaan lafteydu arrintaas waan ku raacsanahay. Waana faham darrada dhacdey ee dadkaas laga aaminey. Dadka Soomaali Galbeed, waa dad xaq u leh in ay ku noolaadaan deegaan kasta oo Soomaali leedahay. Balse dhibaatadu waxa ay ka timid, iyadoo dadkaas lagu eegay indho qabiil; oo ah waxa maanta Soomaali burburiyey ee adduunka ka reebay. Waxa se keliya ee aan hubaa, waa in haddii dadkaas lagu eegi lahaa indho qowmi ah, maanta aysan jirteen faham xumadaas laga aaminey dadkaas Soomaaliyeed ee dhibta kasoo qaxey!

Arrinta kale ee muhiiimka iyaduna ah—oo uu qoraagu qeybtan kaga warceliyo waxa kamid ah: Qoxootigaas soo barakacey ee loo sameeyey xeryo u gaar ah—oo dadka ka baxsan, maxaa sababey haddii ay isla dalkoodii iyo dadkoodii ay u yimaaddeen? Waxaana uu ka bixiyey aragti iyo dood maangala ah, taas oo ah: dadkaasi waxa ay ahaayeen dad dhibaatooyin fara badan lasoo kulmey, oo jaadad kala duwan isugu jira. Haddii dadkii Soomaalida ee deegaanka hore u degnaa, lagu sii dhex daayo waxa ay horseeddaysaa in mushkilado kale ay soo wajahaan qoxootiga. Saas darteedna waxa loo baahdey in ugu horreyn la dhiso, oo noloshooda sidii hore loogu soo celiyo.

Qodobkan oo aniga ahaan iila muuqda, ayaa ah mid loo tixgelin karo qoxootinimadaas. Balse aaney aheyn, kala duwanaansho iyo shisheeyenimo lagula dhaqmey dadka Soomaali Galbeed. Qodobka labaad ee buuggu ku dooddey ayaa isna ah: Dawladdii markaas jirtey, in ay rabtey dhulka Soomaali Galbeed, sidaas oo ay tahayna in shacabka Jamhuuriyadda ku nooli ay noqdaan lafdhbar u noqdaan xoreynta dhulkaas mar kale, balse hadda burbur xooggan uu soo gaadhey dawladda iyo shacabkaba. Sidaas darteedna, waa in dadkan Soomaali Galbeed goobo u gaar ah loo sameeyo. Si aaney deegaankan uga mid noqon, Soomaali Galbeed na loo illaawin oo Xabashidu baylahdaas ka faa’idaysan!

Waxa intaas dheer qoraagu qeybtan aynnu ku jirno, waxa uu kusoo bandhigayaa dhacdooyin ku sahabsan; bahalnimada ay taliskii dergigu kula kaceen shacabka Soomaali Galbeed. Kuwaas—oo ay ugu horreeyaan dilka joogtada ah ee lagu haye iyo kufsiga hablaha Soomaalida, oo aan loo aabbo yeelin. Wax kale ba ha innoo dambeeyee; kufsiga hablaha Soomaalidu waa wax ay caan ku yihiin Itoobiya. Tiro maleh gashaantimaha ku maqan askari Xabashi ah. Oo aad qarracmeyso, markaad ka baadho ilo ka duwan—oo ama laga diyaariyey ama wax lag qorey. Isbeddelkii taliska dergiga ee Itoobiya, waxa beddelay Federaalnimadii Itoobiya. Taas oo Soomaalida ka dhigtey Gobol gaar ah oo leh maamul gaar. Balse makula tahay in dhibaatadii dadka Soomaalida lagu hayey in ay yaraatey? May! Ma aysan yaraan ee waa ay laba jibbaarantahy! Waxa sameysmey jeelal ay kamid ahaayeen “Jeel-Ogaadeen” oo waxa ka dhici jirey aaney niyaddu ku siineyn ogaanshihiisa! Waxaana aan marar badan ku fikirey, inaan u kuurgalo ogaanshaha sooyaalka muddada dheer, ee ku sahabsan dhibaatooyinkii shacabkaas loo geystey. Innagoo buggaag iyo documentary-yo kala duwan ka diyaarin karna. Si loo soo baandhigo xayawaanimadaas ay Itoobiya kula kacdey shacabakaas keligood!

Markaynu qeybtaan kasoo gudubno. Waxa aynnu u galeynaa qeybta afraad ee ku xigta oo qoraagu ugu magac darey “ARAGTIDA SOOMAALI-WEYN”. Qeybtan waxa si ballaadhan oo sal iyo baar ba leh, uu ku falanqeynayaa aragtidaas iyo waxa ay tahay. Waxa uu kor iyo hoos ba kaga imanayaa, sidii uu kaaga dhaadhicin lahaa aragtida mugga weyn, ee kumanaanka sanno soo jiitameysay. Wuxuu isku deyayaa in uu isku sidko, aragtidan iyo halganka dheer ee loo soo marey, taas oo muujinaysa in waxa keliya ee Soomaali qarnigan soo gaadhsiiyey uu yahay mabda’an ay maanta qaarkood ka cararayaan. Dhinacyada badan ee uu isku xidhiidhinayo waxa kamid ah: halganka muddada dheer soo taxnaa, ee uu Axmed Gurey, Sayidka, Maxamuud Xarbi, S.Y.L.

Waxa kale oo uusan hilmaameyn, in uu lafaguro qeybinta Soomaalida ee qarnigii 19aad. Taas oo uu si faahfaahsan usoo bandhigayo, sababta ka dambeysey in shan looga dhigo iyo waxa horseeday in Jabuuti noqoto 1977kii dal madaxbannaan oo aan kusoo biirin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu xusayaa, haggardaamada loo maleegay shacabka N.F.D. Taas oo ah sida loo khiyaamey codkoodii laga qaadey ee 88% shacabka dhulkaas ku nooli ay ugu coddeeyeen ka mid noqoshada Jamhuuriyadda Soomaalida. Si guud, waxaan odhan karnaa waxa uu qeybtan ku soo uruuriyey aragtidaasi waxay tahay, cidda liddiga ku ah, ciddii u halgameysey halka ay ku dambeysey iwm.

Qoraagu markuu intaas kasoo gudbey, waxa uu u galey qeybta shanaad ee buugga; oo uu ugu magacdarey “XORAYNTIII SOOMAALI GALBEED 1977”. Waxaana uu kolkan qoraagu, soo gudbinayaa taariikhda loo soo marey helidda dhulkaas, iyadoo la adeegsanayo awood iyo ciida. Wuxuuna guudmarayaa; oo uu sawir guud ka bixinayaa xaaladdii Itoobiya sida ay isu beddeshay, markii uu qabsadey taliskii dergigu. Kaas oo shacabka Itoobiya ku dhaqani ay kala kulmeen, dhibaatooyin jaad kasta isugu jira oo aan xad laheyn.

Waxa sidoo kale qeybtan uu ku xusayaa, sida ay u bilaabmeen halgannadii kala duwanaa ee shacabka gadoodey, sida: Qowmyadda Oromada oo jabhad sameysatey, Qowmiyadda Soomaalida oo jabhad sameysatey, Qomiyadda Tigreyga oo jabhad sameystey iwm. Dhammaan jabahadaasi waxa keliya ee ay ka dagaallamayeen, baa waxa uu ahaa in taliska dergiga meesha laga saaro. Waxaana jira in Qowmiyadda Soomaalidu aysan ujeedka ugu weyn ee ay jabhadda u sameysatey uusan aheyn taas. Maadaama oo iyagu badhkood waddan leeyihiin, waxa ay rabeen inta ay degaan ka Soomaali ahaan in lagu daro dalka Soomaaliyeed. Waxaana xusid mudan jabhad loo yaqaanney “Somali Abo Liberation Front” oo ah jabhad uu aasaaskeeda ka dambeeyey Maxamed Siyaad Barre, jabhaddani waxa ay ka koobneyd dadka Soomaalida ah ee dhalanrogmey oo la soo uruuriyey.

Walow aan xog badan laga heyn jabhaddan, haddana waa dad jira oo aniga lafteyda ayaaba dad kamid ah oo loo yidhaa “Somali-Abo” la kulmey. Si gaar ah, waxaan odhan karaa waa dadka loo baahanyahay in fiiro gaar ah loo yeeshto. Dhalanroggu muddo badan ayuu Soomaalida ku socdey, haddana ma joogsanin oo weli waa uu ku socdaa. Waxa uu qoraagu qeybtan kusoo bandhigayaa arrimo badan oo la xidhiidha dagaalkaas. Taas oo ay kamid tahay: lafagurka uu ku sameynayo xaaladdii gudeed iy dibadeed ee dalka Soomaaliyeed. Garabyadii taabacsanaa, sida ay u socotey diblumaasiyaddii labada argti dhaqaale ee Hanti-Wadaagga iyo Hanti-Goosadka oo ahaa deegaan-siyaasadeedka(Geopolitics) qarnigii 20aad.

Waxa kale oo uu ku xusayaa qeybtan, sababaha guuldarrada dambe sababtey ciidanka Soomaalida ee dhulkaas rabey in ay gacanta ku dhigaan. Wuxuuna ku darayaa siyaasadaha kala geddisan ee ku hareeraysnaa Soomaalida iyo dalalka kale ee jaarka la ah ama xidhiidhada iyo danuhu ka dhexeeyaan. Muhiimaddu se waxa ay tahay, Soomaali wax fahamsan oo xag ciidan, dhaqaale iyo siyaasad ba ka dhisan baa danahooda gaadhi kara. Waana middaas ta aan aniga iyo qoraagu ba aan xalka u aragno ha fogaato ama ha dheeraato e.

Waxa kale oo qoraagu uu qeybtan kaga faalloonayaa sooyaalka dagaalkaas iyo sababihii guuldarrada sababey. Wuxuuna intaas ku darayaa, in uu soo tebiyo kala qeybsanaantii fikir ee ka hor dagaalka 77kii iyo kaddib soo foodsaartey ummadda Soomaalida. Waxa uuna xoogga saarayaa, hungowgii ku dhacey Soomaali badani in uu horseeday afgembiyo aan la mahadin iyo aragtiyo midba mid ka qadhaadhahay oo la soo darsey shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna carrabka ku dhufanayaa, sida aragtidii isbeddeshay ee shacabka qaarkood, ay u horseeday in dalkii ka unkamaan jabhado ka shidaal qaadanaya dawladda Itoobiya. Taas oo ay u raacdey; kala duwanaanshaha xad dhaafka ah ee ay kamid tahay: Siyaasadda, ciidanka, qabiilka, aragtida fog. Waxa keliya ee ay ka mideysnaayeenna uu ahaa burburinta taliska Maxamed Siyaad Barre. Waana midda horseeday markuu uu Kacaankii meesha ka baxey, in shacabka iyo jabahaduba mid mid isu feentaan, oo dhiiggu qulqulo muddo. Burbur laxaad lehna uu sababey iyo dagaallo sokeeye oo bilaabmey, kuwaas oo malaayiin Soomaali ah u qixiyey adduun weynaha iyo dalalk jaarka ah, oo ay adkaan doonto soo noqoshada dadkaas mustaqbalka dhow iyo ka fogba!

Qeybahan waxaan odhan karnaa, waa ubucda buugga iyo meelaha iila muuqdey inaan wax ka odhan karo. Waxa kale oo iyaduna qoraagu tusaale guudmar iyo falanqeyn ah ba ka bixinayaa sida dadyowgii qoxootigu ay usoo galeen caasimaddi dalka Soomaaliya. Waxa kale oo uu qoraagu qeybaha kale ee buugga ku tilmaamayaa dagaalladii sokeeye iyo sida ay xaaladdu aheyd. Dhibaatooyin insaaniyadda ka baxsan ee ka dhacey magaalada Caasimadda Soomaaliyeed. Sidii Soomaalidu ay ugu noqotey meeshay joogtye qarniyo ka hor oo ah in la isu ugaadhsado heyb ahaan iyo qabiil ahaan, oo aanad ku aamin noqoneyn meel aan aheyn meesha uu qabiilkaagu sheegto. Waana arrimaha illaa maanta Soomaali heysata, in ay soo noolaatey dhaqankii reeraysiga oo liddi ku ah in la is qowmiyeysto, taas oo aaney aheyn labadoodu laba meel wada geli kara. Qoraagu wuxuu sidoo kale soo gudbinayaa; oo uu suureynayaa sida Soomaalidu uga qaxdey dalkoogii qiimaha lahaa, ee ay ugu hayaantey dalal shisheeye iyo qaarado aad uga fog halkii ay adduunka kaga noolaayeen.

Gunaanad

Guntii iyo gebogabadii waxaan mahadcelin ballaadhan oo aan weedho iyo erayo lagu soo koobi karin u dirayaa saaxiibkey marna ustaadkeyga Xasan Maxamuud Qorane, oo runtii waqti iyo wax kastaba u hurey sidii uu usoo gudbin lahaa felsafadda uu buuggu ku sahabsanyahay iyo wixii xidhiidhka la lahaa ee sooyaalkeenna ahaa. Waxaan odhan karaa Xasan Qorane, wuxuu innaga mudanyahay in lagu deydo, oo dhiganayaal kuwan oo kale ah qalinka loo qaato, si la isku kaabo oo aynnu u helno xog Soomaaliyeed oo xag kasta ba leh. Taas oo il sooyaal u noqon karta Soomaalida maanta nool iyo malaayiinka fac ee soo socda, si ay u noqdaan dadka Soomaaliyeed ee inna beddeli doona.

Waxa kale oo aan talo iyo tusaale ba usoo jeedin lahaa dhammaan bahda qoraalka ee xiiseysa dhinaca taariikhda, in fiiro gaar ah loo yeeshto duudsiinta taariikhaha mugga weyn ee Soomaalidu leedahay taas—oo ay aaseen duruufaha iyo waayaha gebi dhacleynaya ee Soomaalida haleelay. Qof kastana uu mas’uuliyad goonni ah iska saaro ilaalinta waxa uu yahay, balse ummad aan garaneyn waxa ay tahay adduunka ma garan karo sida ay u joogi doonaan? Waa in ay dadyow kale uun ku dul noolaadaan. Ujeedka had iyo gooraale taariikh loo qoraana waa in la ogaado wixii inna dhaafey, lagana barto casharro aad u mugweyn oo inna qaabeyn kara ka ummad ahaan xag kasta ba sida: Siyaasad, Sooyaal, Aqoon iwm.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com