GORFAYN: The Clash of Civilizations: Remaking of World Order | Samuel P. Huntington – Vol: 01 – Cad: 06

 501 View

Indheergarad – Ogoosto 18, 2019 – Koobin  – Vol: 01 – Cadadka: 06

Hordhaca Qoraaga

Ka hor inta aanan idinla wadaagin buuggii uu qoray Samuel Huntington, ee uu ugu magac daray: Isku Dhaca Xadaaradaha, dib-u-samaynta nidaamka caalamka. “The Clash of Civilizations, Remarking of World Order”, aan wax yar ka iraahdo qoraaga. Samuel P. Huntington waxa uu ahaa qoraa, la -taliye, borofaysar iyo caalim siyaasaddeed, oo u dhashay dalka Maraykanka. Waxa uu qoray buug ka badan shan iyo toban, oo uu kamid yahay buuggan aan halkan idin kula wadaagayo, waxa kaloo uu qoray ku dhowaad boqol maqaal. Qoraagu waxa uu inta badan wax ka qori jiray: siyaasadda gudaha ee dalka Maraykanka, arrimaha dawladnimada, amaanka iyo weliba xiriirka caalamiga ah. Waxa uu in ka badan qarni barkii ka ahaa bare wax ka dhiga jaamacadda Harvard. Waxa uu kala shaqeeyey qorshaynta dhanka amaanka madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter. 

Hordhaca Aragtida Qoraaga

Hordhacaa taariikheed ee qoraaga oo kooban, aan ku xejiyo sababta ka danbaysay aragtida Samuel Huntington. Tobanaan sanno oo uu socday dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey dawladihii isku sifeeyey adduunka xorta ah (Free World), oo Maraykan hoggaamiye u ahaa, iyo garabkii kale ee shuuciga, oo Ruushku hormuud u ahaa, waxaa uu adduunku u qaybsanaa labadaa kooxood iyo koox kale oo isku sifaysay dhexdhexaad (Non-aligned) oo sida, qoraagu laftirkiisu qabo u badanaa: dalal dhowaan xorriyad qaatay, dhaqaale xumo ka jirto, deganaan la’aan siyaasadeed ka jirto, oo labadaa kooxeed ee sare ku dul dagaalamayeen. 

Dhammaadkii qarnigii labaatanaad baa laga guulaystay midowgii Soofiyeetka, oo ahaa garabka kaliya oo awoodda ku haystay dawladaha reer Galbeedka. Markan aqoonyahanada xiriirka caalimigu waxa ay is-weydiiyeen su’aal ah: haddii laga adkaaday midowgii Soofiyeedka adduunku sidee u ekaanayaa? Sidee loo akhriyaa? Waa maxay aragtida ka turjumaysa halka adduunku u jihaystay? Raggii qalinka qaatay ee aragtiyaha la yimid waxaa kamid ahaa Francis Fukuyama, oo qoray buuggiisa caanka ah: The End of History and Last Man. Qoraa Fukuyama waxa uu ku dooday in aadanuhu joogo dhammaadkii taddawarka afkaareed ee aadanaha, oo aragtida xorta ah ee reer galbeedka ay tahay dhammaadka noocii ugu danbeeyey ee dawladeed, waxa uu buuggiisa Fukuyama ku leeyahay sidan:

What we may be witnessing is not just the end of cold war, or passing of a particular period of post-war history, but the end of history as such: that is end point of mankind’s ideological evolution and the universalization of western liberal democracy as the final form of human government“. 

Buuggan ayaa dood dhaliyey, siyaabo kala duwana looga falceliyey, dadka qaarbaa u qaatay in qoraaga aragtidiisa ay wax ka jiraan, oo aadanuhu u jihaystay dhanka iyo wada-noolaansho iyo nabad, qolo kale baa ka biyo diiday, oo si uun u saluugay aragtida Fukuyama, waxaa raggaas kamid ah, Edward Said, oo ku tilmaamay, dhammaadkii Fukuyama, “[…] The End of Fukuyama”, balse macallinkii Fukuyama iyo saaxiibkii ayaa dhowr sanno kadib, oo ku beegan 1993-dii waxa uu maqaal ku dabaacay wargeeska Foriegn Affairs, oo ugu magac daray : “The Clash of Civilizations?” Sida buugga qoraaga ku qoran waxa uu dhaliyey doodii ugu dheerayd oo uu daabaco wargeeskaasi, laga soo bilaabo 1940-kii. Qoraaga qudhiisu waxa uu qoro waxa uu ahaa qoraal uu qoro kii ugu dooda badnaa. Sidii doona ha looga falceliyee, mid naxa, mid diida, mid wax u baxaan, mid wax ku raaca iyo kuwo dhaha wax cusubna maaha, mana aha muhiim ah aragtidu buuggu xanbaarsanyahay, Samuel, 1996-dii waxa uu maqaalkii u beddalay buug uu isla cinwaankii siiyey, balse markan waxa uu ka reebay su’aashii, uu watay maqaalku: “The Clash of Civilizations, Remarking of World Order “. 

Cinwaanka Buugga

Magaca uu siiyey qoraagu buuggiisa si walba oo loo dhigo maaha mid cusub, ee waa mid soo jiray, qoraagu ha ka soo qaato ama yaanu ka soo qaadane, waxaa magaca uu buuggu wato uu ku jiray, maqaal uu qoray, 1990-kii, Bernard Lewis oo uu ugu magac daray: “The Roots of Muslim Rage”.

Muxuu Buuggu ka Hadlayaa? 

Buuggan mudane Samuel Huntington waxa uu xambaarsanyahay aragti ka duulaysa siyaasadda adduunku waxa ay gashay weji cusub, wajigan cusub, adduunku uma qaybsanaan doono aragtiyo sidii kuwii dagaalkii qaboobaa, balse markan waxa uu adduunku u qaybsami doonaa dhaqan, halka dhaqankaas ugu sarreysana waa xadaarad (Civilization), oo ah waxa bulsho isku haya. Adduunku waxa uu markii koowaad uu noqdo adduun xadaarado kala duwan (Multicivilizations) iyo weliba iyagoo kala jooga cirifyo kala duwan (multipolar). 

Sida uu qabo mudane Huntington xiriirka xaadaraduhu waxa uu ahaa mid aad u yar ama aanan jirin, balse, bilowgii taariikhdan casriga, oo ku beegan 1500-kii, siyaasadda adduunku waxa ay qaaday labo wado, mid waa in dunida reer galbeedku, in ka badan afar boqol oo sano, ay dhisteen nidaam caalamiya oo cirifyo kala duwan, xadaarada galbeed gudaheeda ah, reer galbeedku oo ay ugu horreeyaan Fransa, Biritayn, Jarmal, Isbayn, Maraykan iyo kuwa kale in ay is-dhexgaleen, tartameen, mar kalena dhexdooda ay ka dhaceen dagaalo aan la mahadin; mar kale dunida reer galbeed waxa ay isku fidiyeen, qabsadeen, gumaysteen ama saamayn ku yeesheen dhammaan ilbaxnimooyinka kale oo dhan.

Intii lagu guda jiray dagaalkii qaboobaa, adduunku waxa uu kala tagay labo cirif (bipolar), waxaana loo qaybsamay saddex kooxood, sidaan horey hordhaca ugu sheegayba koox waxa ahayd koox dhaqaale fiican leh, nidaam siyaasadeed oo degan leh, horumar tiknooloji iyo weliba mid saynisba samaysay, wax soo guumaysatay, waa qolada la baxday adduunka xorta ah, oo u badan dunida reer galbeed iyo xulafadooda, oo qarnigii labataanaad hoggaamiye u ahaa Maraykan, koox kale oo aan samayn horumar dhaqaale oo sidaa u buuran, saboolna u badnaa oo ku midoobay midowgii soofiyeedka, oo Ruushku u ahaa madax, labadan kooxood dagaalka badanaa ka dhaxeeyey waxa uu ahaa mid afkaareed, siyaasi iyo dhaqaale. Waxaana uu dagaalku ka socday dalal dhowaan xorriyad qaatay, sabool u badnaa, xasilooni siyaasadeed aannay ka jirin, iskuna sifeeyey dhexdhexaad.

Waxaa xusid mudan Maraykan iyo wixii uu hoggaamiyaha u ahaa, ama raacsanaa, in ay duruufi isku keentay, balse aannay muhiim ahayn in ay isku dhaqan, taariikh iyo deegaan ahaayeen, sidaa qudheeda waxaa ahaa midowgii Soofiyeed oo ku walaaloobay afkaar, balse aannay midayn diin, dhaqan, Af ama taariikh.

Jabkii soo gaaray dhammaadkii qarnigii labaatanaad midowgii Soofiyeedka waxa ay ahayd taariikh dhammaatay iyo weliba iyadoo la galay taariikh bilow ah, sida uu qabo Samuel, wixii ka danbeeyey jabkii Midowga Soofiyeedka iyo guusha aragtida xorta ah ee reer galbeedka adduunku uma qaybsanaan doono afkaaro sidii kuwii dagaalkii qaboobaa, siyaasad ama dhaqaale, balse markan adduunku waxa uu u kala safan doonaa dhaqammo. Bulsho walbaa waxa ay isku dayaysaa in ay jawaab u helaan, su’aal asaasi ah: Yeynu nahay? Jawaabta waxa ay dadku uga jawaabayaan qaab abtirsiinyeed, diin, Af, taariikh, qiyam, caadooyin iyo hay’ado. Waxa ugu weyn oo dad isku keenaya ama kala kaxaynayaa waa xadaarad; xadaaradana waxaa ugu weyn waa diin. 

Maxaa Caddayn u ah in La Gaaray Xilligii Dadku ku Midoobi Lahaayeen Ilbaxnimadooda?

Qoraagu waxa uu soo qaadanayaa tusaalayaal kala duwan  si uu inoo tuso in adduunku afkaar kala kaxaysay, balse markan dhaqanku dadka isku keenayo. Kadib muran dheer waxaa burbur ku yimid bulshooyinkii ku midoobay Yugaslaafiya (Yugoslavia), waxayna u qaybsameen dhowr koox: koox Serbia hoggaaminaysay, oo taageero ka helaysay Raashiya, maadama ay isku ilbaxnimo ka soo wada-jeedaan, labo, Kuraweeshiya (Croatia) oo taageero ka helaayey reer galbeedka, iyo Boosniya oo taageero ka heshay dalal badan oo muslimiin ah, sida: Iran, Turkey, Libya iyo Sacuudiga taageerayaashaas oo isugu jiray ciidan gaaraya 18 kun iyo weliba dhaqaale.

Qoraagu waxa uu qabaa dagaalada ka dhaca bulsho isku dhaqan ah ama isku ilbaxnimo ka soo jeeda in aannu saamayn culus ku lahayn adduunka, sida dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya, balse waxa uu ka digayaa in dagaalka ka dhaca labo bulsho oo ku kala abtirsada labo ilbaxnimo oo kala duwan in ay khatar ku tahay adduunka, sida khilaafka Kashmiir, ee u dhaxeeya Hindiya iyo Baakistaan iyo weliba dagaalkii ka dhexdhacay dalkii la ay isku oran jiray Yugoslaafiya. Dawladaha waa weyna ay eegayaan ama hiil siinayaan  hadba  kii xiga ama kii dantoodu ku jirto, sidii ka dhacday Yogaslaafiya, oo reebtay taariikh murugo badan.

Samuel  waxa uu qabaa in dalalka isku ilbaxnimada ku abtirsadaa ay si fiican isku dhexgalayaan wada-shaqayn  markii ay timaado, iyo weliba in ay ka dhaxaynayso is-aaminaad, aan  ka dhaxayn dalalka kala ilbaxnimada ah. Waa halka qoraagu ka leeyahay adduunku waxaa isku beddalay gobalaysi (Regionalizition), xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Singapore iyo China iyo weliba walaashood Malaysia, in uu ka badanyahay kan ay la leeyihiin dalal kale. Mar kale ururuda jira ee ku abtirsada hal ilbaxnimo waxa ay leeyihiin wada-shaqayn fiican, tusaale ahaan Midowga reer Yurub, balse ururada ku kala abtirasda dalalka kala xadaarada duwan in ay adkaanayso in ay wada-shaqeeyaan. Waxaa  iyana  midoobaya  waa  sida qoraagu  qabee bulshada  isku  dhaqanka ah oo horay  u  kala  qaybsanayd, sidii labadii Jarmal.

Dawladdaha  adduunku  waxay ahaanayaan  laacibka arrimaha caalamka, balse adduunku waxa uu u qaybsanaan doonaa siddeed xadaaradood. Qoraa Samuel Huntington waxa uu taxay siddeedan xadaaradood,  mid walbaana  dalbaa hoggaamiye u ah, marka laga reebo xadaarada Afrika,  xaadarada Islaamka, xadaarada  Latin Amerika. Siddeeda xadaaradoodna waxa ay kala yihiin: xadaarada galbeedka, oo Maraykan iyo Franco-German ay madax u yihiin, labo: xadaarada Sinic, oo dalka China hormuud u yahay, xadaarada Hindu, oo dalka Hindiya hoggaanka u hayso, Orthodox, oo ay Raashiya hoggaaminayso, Jabaan, oo ah, xadaarad keligeed ah, Islaam, Latin America iyo xaaarada Africa, saddexdaas ba kama jirto wadan hoggaamiye u ah, ama ay isku aqoonsanyihiin. Xadaarada Islaamku sida qoraagu qabo, maaha xadaarad leh dal hoggaamiya, waxaa ka maqan waxa uu ugu yeeray “Core State”, oo iyagana la kala hadla, caalamkana kala hadla. Dalka raba in uu hoggaanka u qabto ilbaxnimada Islaamka waxaa laga rabaa in uu yeesho khayraad dhaqaaleed, awood ciidan, ururo karti leh, shakhsiyad Islaam (Islam identity) iyo ko-go’naasho, si uu u siiyo hoggaaminta siyaasaddeed iyo weliba diineed ummada. 

Dhowr wadan baa ku hardamaya hoggaaminta xadaaradaas: kow, Iran. Iran waa dal dhaqaale ahaan fiican, ciidan fiican haysta, dal ahaana bariga dhexe dhacda, taariikhda muslimtana qayb ka ah, balse dhibtu waxa ay tahay dunida muslimka ah 90% waa suni, halka 10% ay Shiico ka tahay. Sidoo kale taariikh  aan wanaagsanayn  waxa ay ka dhaxaysaa Carabta iyo Beershiyaanka.  Pakistan, dal ciidan fiican leh, dadkiisuna ay tiro badan yihiin, balse waxa uu wajahayaa dhaqaale xumo baahsan iyo qaybsanaan dhanka isirka ah iyo weliba mid diineed, taa waxaa u raacda dagaal kala dhaxeeya Hindiya iyo weliba xasilooni-darro siyaasadeed.

Indunuusiya waa dalka ugu balaaran ee muslim dego, dhaqaale ahaana koraya, balse dhul ahaan waa ka fogyahay dhulka islaamka dhexda u ah, waxaana dega qowmiyado kala dhaqan ah, oo kala diin ah. Masar, waa dal carbeed, dadkiisu aad u badanyahay, meel dhex ah, istaariji ahaan muhiim ah, hoggaaminaya jaamacadda Islaamka laga barto ee Al-Azhar, balse Masar waa dal sabool ah, ku tiirsan Maraykanka, hay’adaha reer galbeedku maamulaan iyo weliba wadamada saliida qaniga ku ah.

Sacuudiga, oo ah xudduntii Islaamka, halkii uu ku soo degay, afka dalkaas oo ah afka diinta Islaamka, magaalooyinkii barakaysnaa oo halkaas ku yaal, khayraad saliideedna haysta, iskuna sifeeya dal diinta ku ad-adag, balse dadkiisa oo yar, iyo weliba halka uu dhaco oo aad u jilicsan baa keentay in uu ku tiirsanaado Maraykanka. Ugu danbayn Turkiga, oo ah dal dhaqaale ahaan fiican, dadkiisu badan yihiin, ciidan ahaan wanaagsan, taariikh ahaan Islaamka saamayn ku leh, balse dhibtu waa in Turkugu uu yahay dal Cilmaani ah, ilaa ay ka go’antahay in uu Turkigu isku sifaynayo dal cilmaani ah, hoggaanka looma oggola, waa sida uu qabo qoraa Samuel Huntington. Ilbaxnimada Islaamku in aannay lahayn dal hoggaamiya waa waxa keenaya dhibaatada ka jirta gudaha dalalka ilbaxnimadaas ku abtirsada ama ay isku hayaan kuwa aan ahayn.

Xadaarad Caalamiya

Samuel Huntington waxa uu aad uga soo horjeedaa aragtida iyo weliba dadka qaba in ay jirto xadaarad caalamiya, oo adduunka oo dhan ka dhaxaysa (Universal civilization). Inkasta oo ay aragtidani ahayd, aragti ka dhalatay awoodda iyo xukunka ay isku fidiyeen reer galbeedku, oo ay dhankooda ka timid, haddana dadka ay saamaysay, oo aragtida qaba waxaa kamid ah, rag uu qoraagu ku tilmaamay in ay qaxooti ku yimaadeen dunida reer galbeedka, oo aragtidaa qaatay. V.S.Naipaul oo sheegay in la joogo xilligii ilbaxnimada caalimiga ahayd, waxa uu ugu yeeray“Universal civilization“, iyo weliba  Fouad Ajami oo aragtidan la qaba ayuu qoraagu aad u dhaliilay.

Kalmadda xadaarad waxaa hormariyey qarnigii siddeed iyo tobnaad mufakiriin reer Fransa ah, si ay dadka ugu kala saaraan, iyaga [Reer galbeed] waa ilbax dunida kale waa dad dib-u-dhacsan, oo badow ah. Kalmadda xadaarad waxa ay ka soo horjeedaa cawaan (barbarism), bulshada ilbaxa ah waa kuwo deggan magaalooyinka, waxna baratay. In aad noqotaa ilbax waa wax wanaagsan, in aadan ahayna waa wax xun.

Xadaaradaha Caqabadda ah

Qoraagu waxa uu qalinkiisa ku badanyahay ka hadalka labo xadaaradood, labadan ilbaxood, mar waxa uu uga digayaa reer galbeedka, isagoo leh, khatarta ugu badan waxa ay ilbaxnimada reer galbeed kaga imaanaysaa waxa uu ugu yeedhay “Challenger civilizations”, oo ah ilbaxnimada China hoggaaminayo, oo inta ugu badan degaan ku ah Bariga Aasiya, labo, ilbaxnimada Islaamka, oo ku tilmaamay in iyagoo farqi u dhaxeeyo labadaa ilbaxnimo, ay haddana u midoobayaan ilbaxnimada reer galbeedka. mar kale qoraagu waxa uu sheegayaa, horumarka ilbaxnimooyinka kale ee aan reer galbeedka ahayn in ay ka dhigantahay in adduunku horumarayo; isla jeerkaasna aannu adduunku noqonayn adduun ay ka shaqayso si caalamiya dhaqanka, qiyamka iyo rabitaanka xadaarada galbeedku. waxa uu leeyahay: “The world was become more modern and less western”. 

Waxa uu mudane Huntington qabaa horumarka labadaa ilbaxnimo- waa ilbaxnimada Islaamka iyo weliba Sinic-tee, in mid walbaa horumar samaynayso, balse ay mid walba horumar gooniya samaynayso. Kow, ilbaxnimada bariga Aasiya (East Asia) horumarka ay samaynayso waa mid dhaqaale, dalalka China, Malaysia, Singapore, Hong Kong, Taiwan iyo Thailand ayaa ku talaabsaday horumar dhaqaale muddo tobanaan sano ah, waxa uu dhaqaalahoodu  kordhaayey sannadkii inta u dhaxaysa 8 ilaa 10%. Waxaa horumar dhaqaale iyaguna sameeyey dalalka dhaca Koonfurta Aasiya. Taasi waxa ay keentay in ay awoodda dhaqaale iyo mida dhaqan ee dalalkaas ay kor-u-kacdo, iyagoo aaminay horumarka ay gaareen in ay sabab u ahayd dhaqankooda iyo ilbaxnimadooda, taasina waxa ay keentay in ay fagaarayaasha caalamka kaga faanaan. Qoraagu waxa uu soo xiganayaa shir dalalka reer Yurub la-lahaayeen dhigooda Bariga Aasiya, oo uu Mahathir Muhamad ka yiri, shirka intii uu socday: “European Values are European values, Asian values are universal values”.

Muslimku, taa cagsigeed, waxa ay bilaabeen in ay dib-u-soo noolaysiiyaan ilbaxnimadoodii. Waxay muslimiintu u weecdeen xalka raadinta Islaamka, oo halku dhigooddu waa: Xalku waa Islaam, “Islam is the solution“. Waxaa kordhay wacyiga muslimiinta ee ku aadan ilbaxnimadooda, waxayna soo dhoweeyaan wixii horumar ah, oo ilbaxnimada galbeedka uga imaanaysa, waxayse raddiyeen in ay ka tagaan dhaqankooda iyo ilbaxnimadooda. Mudane Huntington waxa uu ugu yeeray waxa ka socda dunida Muslimka soo noolaanshaha Islaamka (The Islamic Resurgence), waxaana uu barbar dhigay dib-u-habayntii lagu sameeyey Borootastant (Protestant Reformation), balse ilbaxnimada Islaamku hal mid bay kaga duwantahay dhiggeeda Protestent, taas oo ah qof walba oo Muslim ah, in ay gaartay soo noolaanshaha ilbaxnimada Islaamku. Waa sida qoraagu qabee. 1995-tii dal walba oo Muslim yahay qaalibiyada, marka laga reebo Iiraan, waxay ahaayeen inta badan Islaamiyiin dhaqan ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaan marka loo eego shan iyo toban sano ka hor, sidan waxaa yiri, Samuel Huntington.

Ururada Islaamiyiinta ah baa dalalka Muslimka ku xoogaysanaya, haddii ay noqoto dhisida xarumo lagu barto quraanka, xarumo caafimaad, xarumo waxbarasho, xarumo agoomeed, xarumo lagu caawiyo dadka masaakiinta ah, waxa uu qoraagu tusaale u soo qaadanayaa dhul-gariir ka dhacay dalka Masar 1992-dii oo ururada Islaamiyiinta ah ay dadka caawinayeen oo ay wadooyinka taagnaayeen ka hor dawladda oo adeeggii loo igmaday la soo daahday, baraarug wax qabad, haddii ay noqoto dhismo xarumaha aan kor ku soo tilmaamay ama baraarug wacyi waxa ay ka jirtaa dalka yar ee Jordan, oo dad ahaan afar milyan ah, waxaa baraarugaa ka waday sida qoraagu qabo Ikhwaanu muslimiinka.

Dalka Jordan bilowgii 1990-kii waxaa ka hawlgalaayey afartan Iskuul oo Islaami ah, 120 xarumood oo lagu barto quraanka, cisbataalo tiro badan iyo labataan xarumood oo dadka lagu daaweeyo. Albaabka ku xiga oo West Bank iyo Gaza ah ururada Islaamiyiinta ah waxay ka wadaan baraarug kaa lamid ah, haddii ay noqoto wax qabad iyo midow dhallinyareed. Qoraagu waxa ka socda dhulka Muslimiinta waxa uu ugu yeeray: “Religious-welfare-state-within-the-secular-state“. Dal cilmaani ah, balse kooxo diimeed ay ka wadaan daryeelka dadka danyarta ah.

Baraaruggaa ka socda dhulka Muslimka waxaa raacda tirada muslimka ah oo sii badanaysa, taasoo la macno ah in ay carruurta ay dhalayaan ay aad u badanyihiin, dalal badan oo Muslim ah baa tiradoodu kor u kacday. Dalalka muslimka ah waxaa ku badan tirada dhallinyarada u dhaxaysa shan iyo toban ilaa iyo labaatan iyo afar. Isku soo duuduuboo, qoraagu waxa uu qabaa dhaqaalihii ilbaxnimada ee reer galbeedka in uu hoos u dhacay, sidaa si lamid ah taranka dadka in uu is-taagay, waxa uu qoraagu ugu yeeray “Demographic stagnation“. Labada ilbaxnimo ee uu qoraagu ku tilmaamay “Challenger Civilizations”, in ay dhaqaale ahaan aad u kobcayaan, isla markaasna taran ahaan aad u korayaan.

Dhallinyarada muslimku waxay khatar ugu jiraan in kooxaha xagjirka ah oo ku sii xoogaysanaya dunida Muslimka ah ay qortaan ama qaxooti ku noqdaan dalal kale.

Dhaqaale koboca China iyo walaalihii waxa uu awood siinayaa dalalka Aasiya, dadka sii koraya ee muslimiintuna waxay khatar ku yihiin dhexdooda iyo weliba dadka aan ilbaxnimadaas ahayn. Si kooban labadaa ilbaxnimo, waa tan Bariga Aasiya oo dhaqaale kobac xawli ku socda samaysay iyo dhiggeeda- waa ilbaxnimada lslaamkee oo ku guulaystay isku uruurinta bulshada (Social Mobilization) iyo kororka dadka (population growth) in ay yihiin caqabada ugu weyn ee ilbaxnimada galbeedka. Doodda uga badan maqaalka qoraaga waxa ay ka dhalatay cinwaanka uu ugu magac daray xuduudaha dhiigaya ee Islaamka, (Islam’s Bloody Borders), isagoo ka duulaya in dalal badan oo muslim ah dhexdooda dagaal ka socdo ama ay dagaal ku hayaan bulshooyinka aan iyaga ahayn, taasina waxa ay keentay in xuduudahoodu ay dhiig noqdaan.

Qoraagu waxa uu qabaa in reer galbeedku ay labadaa ilbaxnimo iska ilaaliyaan, oo isha ku hayaan. Waxaa kale oo qoraagu siinaya talo dunida reer galbeedka isagoo kula talinaya in ay la saaxiibaan waxa uu qoraagu ugu yeeray ilbaxnimooyinka aan dhanna-ahayn “Swing Civilizations”, oo ah Hinduuga, Ortodhox iyo tan Latin America, waxa kale oo uu kula talinayaa in ay garab siiyaan reer galbeedku bulshooyinka u dhega-nugul, iyo weliba in ay ka faa’idaystaan farqiga u dhaxeeya labadaa- Islaamka iyo China. Waa talo u muuqata qaybi oo xukun, talooyinka qoraaga waxaa kaloo kamid ah, in reer galbeedku qiimayn isku sameeyaan.

Ugu danbay qoraagu buuggiisa waxa uu ku soo gabo-gabaynayaa, isagoo xiganaya 1950-kii saadaal uu bixiyey Lester Pearson, oo oranaysa: “waa wakhti ilbaxnimooyinka kala duwan ay baranayaan in ay isku garab noolaadaan si nabad ah, wax is-weydaarsadaan, bartaan midba midka kale, darsaan midba midka kale taariikhdiisa iyo fikradihiisa, farshaxankiisa iyo dhaqankiisa, si is-dhaafsi ah tanaadinaysa/kobcinaysa midba midka kale”. Yeelkeede, Samuel Huntington waxa uu qabaa aragti taa ka duwan oo ah, aragti buuggiisa dhan ka duulayo taas oo ah, waagan cusub, isku dhaca xadaaraduhu waa khatarta ugu weyn ee nabadda adduunka, nidaam caalamiya oo xadaaraduhu asaas u yihiin waa xaqiiqada hubaantida ah oo lagu hor-istaagi karo dagaal adduun.

“… In the emerging era, clashes of civilizations are the greatest threat to world peace, and an international order based on civilizations is the surest safeguard against world war“. 

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com