Soomaaliya iyo IMF: Nin Ku Diley Har Kuuma Jiido – Vol: 01 – Cad: 09

 227 View

Indheergarad – Ogoosto 19, 2019 – Lammin  – Vol: 01 – Cadadka: 09

Hordhac

Dhaqaalayahanad Ingiriis ahayd oo la oran jiray Joan Robinson baa waxa laga hayaa: “Ujeedka dhaqaalaha loo barto ma ahan in aad jawaabo diyaarsan u hesho su’aalaha dhaqaale, se waa in aad barato sida looga feejignaado in ay ku khiyaanaan dhaqaalyahannadu.”

Cilmiga dhaqaaluhu waxa uu ka jawaabaa saddex su’aalood oo kala ah:

1- Maxaa la soo saaraa?

2- Sidee loo soo saaraa?

3- Yaa loo soo saaraa?

Dadka iyo dawladaha dunidu siyaalo kala duwan baa ay saddexdaas su’aalood uga jawaabaan. Haddii su’aalahaas jawaabahooda loo daayo dadka waxa loo yaqaan Hantigoosad. Haddii dawladdu ka jawaabto waxa loo yaqaan Hantiwadaag. Hadii dadka iyo dawladu ba ka wada jawaabaan waxa loo yaqaan Iskujir.Sanduukha Lacagta Adduunka ee loo soo gaabiyo IMF waa haayad caalami ah oo madexeedu yahay Waashitoon. Haayaddaan waxaa la asaasay 1945kii waxaa na la sheegaa in ujeedka loo asaasay ay tahay ka shaqaynta sidii loo kobcin lahaa wada shaqaynta lacagaha caalamka, xasiloonidi dhinaca maaliyadda, yaraynta shaqa la’aanta iyo koboca dhaqaalaha, se ficil ahaan waxa laga arkaa ujeedka koowaad ee loo asaasay haayaddaan waa ka shaqaynta danaha dalalka horumaray oo keli ah iyo luggoynta dalalka soo koraya.

Waxa haayaddaan lagu eedeeyaa in aysan si waaqic ah u shaqayn oo deegaanno iyo dad kala duruufo duwan hal qaab ula dhaqanto. Dalalka ay heshiisyada la galayso ma tixgeliso qaabdhismeedkooda dhaqaale, bulsho iyo deegaan midna. IMF iyo Bangiga Adduunka, labada ba taariikh qurux badan kama ay taal Afrika. Lixdankii sano ee ugu danbeeyay dhibaatooyinka dhaqaale ee Afrika ka jira waxa xal la mood u dejinayay labadan haayadood iyaga oo dawladaha Afrika ku khasbayay in ay sidooda u fuliyaan, haddana in xaalku ka daro ma ahane marna kama uu san soo raynayn. 

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka eeday u dhega nuglaanta IMF. Dalalka Afrika waxa ay ka qaadeen talooyinka horumarineed ee IMF fakhri dabadheeraaday se Soomaaliya waxa ay ka qaadday qaranjab iyo burbur ku siman soddon sanadood. Hadda ba si aan isula fahanno taariikhda madow ee IMF ay dalkaan ku leedahay aynu isla fiirinno IMF intii aysan dalkaan soo faragelin sidii uu dalku ahaa.

Soomaaliya 1969kii illaa 1980kii

Dalka Soomaaliya, intii u dhaxaysay 1960kii illaa 1969kii waxaa dalka ka talinayay dawlado shacab ah. Nidaamka dhaqaale ee dalku waxa uu ahaa hantigoosad. Waxaa badatay lunsiga hantida dawladda, ilaha dhaqaale ee dalkuna waxa ay badidood gacanta ugu jireen shirkado shisheeye iyo shaqsiyaad kooban. Waxaa dalka ka abuurmay dabaqado dhaqaale oo kala sarreeya. Dad maalqabeen ah iyo dad aan waxba haysan. Musuqmaasuqa iyo ku tiirsanaanta dalku ku tiirsanaa deeqo dibadda ah waxa ay iska noqotay wax caadi ah.

21kii bishii 10naad 1969kii markii ay ciidanku la wareegeen talada, waxaa dalku galay xaalad tii hore ka duwan. Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ciidanku dalka la wareegeen waxa Maxamed Siyaad Barre khudbad uu jeediyay ku sheegay in Kacaanku joojiyay dhaqaalihii aan waxsoosaarka lahayn ee waxquudashada keli ah ku salaysnaa iyo soo dejinta aan wax badan dhoofinta lahayn, dalka iyo dadku na xor u yihiin halka ay hiigsanayaan in ay doortaan. Si danta ummaddeed loo gaarana dalku noqday dal hantiwaaag ah.

Marka la yiraahdo dalku waxa uu noqday dal hantiwadaag ah, waxaa halkaas laga fahmayaa in dawladdu tahay tan keli ah ee ka jawaabaysa su’aalaha dhaqaale ee kala ah:

1- Maxaa la soo saaraa?

2- Sidee loo soo saaraa?

3- Yaa loo soo saaraa?

1971kii illaa 1973kii waxaa dalka loo dejiyay qorshe saddex sanadood ah oo xoogga lagu saarayo arrimaha kala ah shaqa abuurka, qaramaynta ilaha dhaqaale ee dalka iyada oo la ga dhigayo hanti qaran oo la wadaago se aysan shirkado shisheeye iyo shaqsiyaad kooban ku danaysanayn, dardar gelinta waxsoosaarka beeraha iyo dhisidda warshado dalku yeesho. Waxaa la qarameeyay bangiyada, shirkadaha caymiska, shirkadaha shidaalka soo dejiya, warshadda sonkorta iyo shirkadaha dhismayaasha. Waxaa dalku noqday dal dhaqaale ahaan dalalka Afrika kuwa ugu dhaqaalaha fiican ka mid ah oo dawladu gacanta ku hayso dhaqaalihiisa ayna adag tahay in si fudud loo burburiyo dhaqaalaha qaranka.

Waxaa la abuuray iskaashatooyinka beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga. Waxaa la sameeyay warshadihii warshadayn lahaa waxsoosaarka beeraha, xoolaha iyo kalluunka. Taasi oo sababtay sanadihii u dhexeeyay 1969-1975kii waxsoosaarka dalku kor u koco, fursadaha shaqo iyo kuwa waxbarashana bataan. Waxaa dawladdu yaraysay farqigii dhaqaale ee u dhexeeyay reer miyiga iyo reer magaalka maadaama waxsoosaarkii reer miyiga aad loo maalgeliyay waxsoosaarkoodina loo sameeyay suuq fiican. Waxa kale oo lagu dadaalay in labka iyo dhedigu u sinnaadaan fursadaha dhaqaale, waxbarasho ama se siyasadeed. Waxaa Iskaa Wax u Qabso lagu dhisay iskuullo, isbitaallo, waddooyin, biyaxireenno, buundooyin iwm.

Waxaa la maareeyay abaartii Dabadheer oo ahayd abaar laga si warqabay se dawladihii shacabka ahaa lacagteedi doorasho ku galeen. Inkastoo guula dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ba la gaaray intii u dhaxaysay 1970kii illaa 1980kii, haddana dhaqaalaha dalka waxaa soo gaaray laba daanno oo xunxun. Abaartii Dabadheer iyo dagaalkii Soomaali-galbeed lagaga dulqaadayay gumaystaha madow ee Afrika waxa ay noqdeen jug soo gaartay dhaqaalaha dalka. Waa xilligaan xilliga ay IMF uga faa’iidaysatay luggoynta ummadda iyada oo ku soo gabanaysa erayada horumar iyo waxsoosaar.

Soomaaliya iyo IMF

1980kii waxaa dhaqaalaha dalku ahaa mid aad u liita waxa uu na ka soo kabanayay wixii laga baxay abaartii Dabadheer iyo dagaalkii xoraynta Soomaali-galbeed. Dalku ma lahayn saaxiib uu u ciirsado oo dalka Ruushka oo ahaa saaxiibkii ugu muhiimsanaa ee dalku dayn iyo deeq ba ka heli jiray waxaa dalka looga eryay si bahdilaadi ku jirto maadaam uu tixgelin waayay qarannimada soomaalida.

Dalka waxaa khasab ku noqotay in uu u jahaysto dhinaca reer Galbeedka oo soomaalidu dibindaabyo uga baratay. Halkaas baa waxa ka bilaabatay burburkii qarannimada soomaalida. Soomaaliya waxa ay noqotay mid ka mid ah dalalka Afrika ee khasab ku noqotay in ay aqbalaan barnaamijyada IMF si daymo dalka lagu hagaajiyo looga helo. IMF si ay dayn kuu siiso waa in aad aqbashaa wax la yiraahdo “Structural Adjastment Program” oo loo soo gaabiyo SAP oo ah shuruudo lagugu xirayo si dayn laguu siiyo. Shuruudahaas waxaa ka mid ah in aad wax ka beddel ku samayso siyaasadaahaga dhaqaale. Inkastoo aan la hirgelin, bishii 2aad ee 1980kii baa dawladda Soomaaliya saxiixday heshiis daymeed ay IMF kaga qaadanayso 14 milyan oo doolarka Maraykanka.

Soomaaliya iyo IMF (1981-1990)

Dhaqaaluhu laba laamood baa uu u kala baxaa oo la kala yiraahdo dhaqaalewaynaha(macroeconomic) iyo dhaqaalayaraha(microeconomics). Dhaqaalawaynuhu waa wadarta guud ee dhaqaalayaraha. Iyada oo aan dhaqaalayaraha la sixin lama sixi karo dhaqaalwayanaha. Tusaale haddii aannu guri reer ku nool yahay u soo qaadanno, dhaqaalayaruhu waa dadka guriga ku nool, xoolohooda, shaqadooda, alaabtooda oo keli keli loo daraaseeyay, dhaqaalawaynuhuna waa wadarta guud ee guriga ku nool iyo waxa yaal ba. Haddii gurigaas la rabo in wax laga qabto, maangal ma ahan in si guud wax looga bedelo iyada oo aan la bedelin hab fikirka dadka ku nool, shaqadooda iwm.

IMF ceebeheeda faraha badan waxaa ka mid ah in marka ay Afrika timaaddo aysan wax xil ah iska saarin qaabdhismeedka dhaqaalayaraha(microeconomics) Afrika se u hawl gasho wax ka beddelka dhaqaalawaynaha(macroeconomics) taas oo ku dambaysa fawdo, fakhri iyo in xoogaagi la haystay la waayo. IMF heshiiskii u horreeyay ee ay la saxiixatay dalka bishii 2aad 1980kii waxa uu sidii caadada u ahayd IMF ahaa heshiis ku saabsan siyaasadda dhaqaalawaynaha dalka. Heshiiskaas dawladdu ma fulin waayo waxaa loo arkayay in dalka iyo dadka aan dani ugu jirin. IMF marka aad heshiis la galayso, si aad u gaartid halka ay iyadu markaas ku la rabto, waxaa muhiim ah in aad waxyaalo fara badan samaysid sida:

1- In aad lacagtaada qiima ridid. Lacagtaada oo aad qiimo riddo waxa ay sababaysaa in waxsoosaarka dalkaaga aad ku dhoofisid qiimo jaban taas beddelkeedna waxa aad soo dhoofsanayso ku soo dhoofsato qiimo aad u sarreeya, iyada oo ugu danbayn sabab u noqota sicir barar iyo xasiloonni darro maaliyadeed.

2-In aad ganacsiga dalka ka dhigto mid madaxbannaan oo tusaale ahaan xayiraadda wax soo dhoofsiga la saaro aad gebigeeda ba meesha ka saartid. Tani waxa ay dhibaato ku tahay waxsoosaarka soo koraya ee dalkaaga. Waxa dhacaysa in warshadaha yaryar ee dalkaaga iyo ilaha kale ee waxsoosaar ay dalka gudihiisa kula dhex tartamaan warshado waawayn oo ay leeyihiin dalal kale, taasi oo ugu danbayn sababta in warshadaha dalka looga adkaado suuqa gudaha oo dadkaagu quutaan waxsoosaar dal kale.

3-Waxaa kale oo ay IMF ku khasabtaa dalalka markaas daymaha waydiista in ay yarayaan kharashaadka dawliga ah ee ay dawladdu ku bixinaysi shaqaalaysiinta dawliga ah, caafimaadka dawliga ah, waxbarashada dawliga ah iwm.

Shuruudahaas iyo kuwa kale dhib wayn baa ay ku yihiin dal hantiwadaag ah oo dhaqaalaha dalka ay dawladdu gacanta ku hayso. Dawladdii ciidanka ahayd ee Soomaaliya ka jirtay waxaa u cuntami wayday in ay lacagta dalka qiimaheeda ridaan, waxsoosaarka dalka la cuuryaamiyo inta lagu soo fasaxo waxsoosaarka warshado dibadeed, dawladdo shaqaalaynta dadkeeda dhinto taasoo sababaysa shaqa la’aan, amni xumo, caafimaad darro iyo waxbarasha la’aan ba. Dawladdii Soomaaliya iyada oo ka duulaysa oraahdii ahayd “Waan baahanahay, bakhtiga loo ma cuno” baa ay gebi ahaan ba diidday in ay fuliso shuruudihii haayadda IMF.

Kadib heshiisyo la wada galay bishii 2aad 1980kii, bishii 7aad 1981kii, bishii 7aad 1982kii iyo bishii 3aad 1984kii, Soomaaliya waxa ay gebi ahaan ba laashay heshiiskii ay IMF la galaysay bishii 4aad 1984kii. Waxaa la sheegaa in Soomaaliya isla sanadkii 1983kii ay ka bixi lahayd heshisyada luggooyo ee IMF se ay ku khasbanaatay maadaama Sucuudigu bishii 6aad ee 1983kii joojiyay in uu Soomaaliya gebi ahaan ba xoolo ka soo dhoofsado. Tani waxa ay ahayd dhabarjebin Sucuudiga ku sameeyay Soomaaliya xilligii ugu xumayd. Dhaqaalihii liitay ee dalku waa uu ka sii daray.

Ishii dhaqaale ugu waynayd ee ahayd xoolaha nool na waxa ay noqotay mid dhaawac so gaaray. Markii ay Soomaaliya wayday meel kale oo ay u ciirsato baa ay khasab ku noqotay in ay talooyinka IMF u hoggaansanto. Waa xilligaa xilliga ay soomaaliya wax ka beddel ku samaysay nidaamkeeda dhaqaale. Waxaa la qiima riday lacagtii dalka. Maadaama ay Soomaaliya heshiisyadii IMF isaga baxday bishii 4aad ee 1984kii aysana jirin meel kale oo lagu sii negaado waxa timi oraahdii ahayd “wax aadan hurayn horaa loo yeelaa”, waxaa na lagu khasbanaaday in heshiisyo cusub IMF la la galo wixii ay rabtana loo sameeyo.

Waxa ay dawladdu aqbashay:

1- Waaxda maaliyadda, in dawladdu ogolaato in ay dalka ka hawl galaan, dawladduna joojiso in ay iyadu noqoto tan keli ah ee camiska bixin karta.

2- In shirkadihii qaranka ee dawliga ahaa gebigooda ba meesha laga saaro ayna noqdaan kuwa aan dawli ahayn.

3- In la qiimo rido lacagta Shilin Soomaaliga.

4- In dawladdu yarayso ardada ka qalinjebiyay dugsiga sare ee ay shaqaalaysiiso halka markii hore dawladdu ahayd tan u badan ee shaqaalaysiisa. Taasi waxa ay timi markii IMF ku dooday in ganacsigii la xoreeyay oo ardadu shaqa ka heli doonto waaxyaha ganacsi ee aan dawliga ahayn.

5- In dawladdu yarayso kharashaadka, badisana dakhliga soo galaya. 

6- In faraha laga qaado waxa la soo dhoofinayo oo dalka gudihiisa ay sjirkad waliba oo shisheeye waxsoosaarkeedu warshadaha dalka kula dhex tartamaan.

Si Soomaaliya dayn loo siiyo waxaa lagu xiray shuruudo dhaqaale oo ad adag oo lagu sababeeyo in ay qayb wayn ka ahaayeen fashilkii dawladnimo ee dalkaan iyo dadkaan ba sida gardarrada ah ugu dhacay. “Haddii aad lacag rabtid aad dalkaaga wax uga qabato, noo samay sida aannu annagu rabno” wax u eg baa la la shir yimi, ma na aysan jirin cid diiday, iyo sabab lagu diidi karay toonna. Waxa ay ahayd, laba daran mid dooro. In dalku hortaada ku burburo iyo in aad heshiis la mood gashid markaa kadib uu burburo. Heshiisyadii horumarineed ee IMF waxaa laga dhaxlay burbur dhaqaale oo xoog leh. Waxaa qiimo dhacday lacagtii dalka, wax shaqa abuurana looma samayn dadkii ka shaqayn jiray waaxyaha dawliga ah, taasoo sababtay shaqa la’aanta jirta awgeed in jabhadihii dawladda ka soo horjeeday ay qortaan dagaalyahanno badan oo shaqa la’aan dalka la joogay.

Waxaa hoos u dhacay waxsoosaarkii dalka. Taasi oo iyana sababtay in dawladu awoodi waydo bixinta kharashaadkii dawliga ahaa sida difaaca dalka, waxbarashada, caafimaadka iwm. Dawladdu marka ay awood u yeelan waydo in ay bixiso adeegyadii dawliga ahaa waxa loogu yeeraa dawlad asaasaqday (failed state). Intii ka danbaysay 1986kii, Soomaaliya waxa ay noqotay dawlad asaasaqday ama wax magaca uun dawlad ka ah, taas oo ugu danbayn sababtay in dalku burburo 1991kii.

Raadraac:

  1. Ismail, Abdirashid A. (2010). Somali state failure: Players, incentives and institutions. Helsinki, Finland: 
  • Metz, Helen Chapin, ed.(1993) Somalia: A Country Study. 4th ed. Area Handbooks. Washington, DC: Federal Research Division, Library of Congress.

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf “Taarwale”
Email: calixaad1@gmail.com