Mooganaanta Maanyaridu Hoggaamiso! – Vol: 01 – Cad: 10

 328 View

Indheergarad – Ogoosto 20, 2019 – Lamtako  – Vol: 01 – Cadadka: 10aad

Billowgii adduunka bulshada hadba ku soo dul nooleyd, waxa ay sameynayeen kacdoonno isbeddel oo taabanaya noloshoodo. Taas oo qarniyo kala duwan ummadaha ku dul noolaa dhaxalsiisey in ay gaadhaan nolol ka duwan noloshii hore. Marka aynnu u noqonno taariikhda dunidan soo martey waa mid caddeyn u ah in unidan aysan heerkan ku soo gaadhin xaallad taagan, se ay hadba quruumihii ku soo dhaqnaa heer ay soo gaadhsiinayeen. Sidoo kale ay ahayd qori isku dhiib hadba meel laga sii wado.

Hadda oo aynnu joogno adduunka casriga ah ayaa haddana ay jirtaa kala duwanaansho weyn oo dhextaal uummadan hadda dunida casriga ah joogta. Waxa ugu badan ee doorka weyn ka qaatey kala duwanaansha    jirana waa fikiradda kala geddisan ee hadba bulsho u aragtey in ay ku maareyn karaan noloshooda. Meel kale fikirka ama aragtida noloshooda ay ku maaraynayaan kama ay keenin e, waxa ay ka soo minguuriyeen noloshooda (Dhaqanka, Diinta iyo Aqoonta). Sidaas darteed intaa oo ay ka dhigeen manhaj ayaa u noqdey nidaam ay ku taabo galeen kuna gaadheen hadafkooda iyo yoolashii ay lahaayeen.

Islaamka: Islaamku waa manhaj buuxa oo samaawi ah sidoo kale Eebbe uu u soo dhiibey suubbanaheennii Maxamed. Manhajkan waxa ku duuggan cilmi iyo aqoon ballaadhan oo bulshada adduunkan korkeeda saaran u ah manhaj sax ah oo ay ku taabo geli karto. Islaamku waxa uu dhiirrigeliyey hore u socodka iyo tartankan aduunka korkeeda yaalla. Billowgii diinta Islaamka waxa ay la kulantey baa ahayd hirdan iyo dhibaateyn la dhibaateeyay ciddii rumaysey sidoo kale ku dabaqey nolosheeda. Maanta oo adduunku yahay mid gaadhay casri waxa isla tartankii iyo hirdankii loo roggay mid uusan ku daadanin dhiig, waxa aynna dedaal dheer u galeen qolyaha aan rumaysneyn diinta Islaamku sidii aan wax awood ah; oo saamayn yeelata aynna lahaan. Sida ay rabeenna waa u noqotey kolka maanta laga eego dhinacyo kala duwan hadday tahay Siyaasad, Dhhaqaale iyo Dhaqanba.

Wadaaddada Soomaalida iyo Moogganaantooda: Ummadda Soomaalidu burburkii dowladdii kacaanka kaddib waxa ay dhinteen mabda’ ahaan, waxa hadba sidii la jecel yahay looga yeelay si loo gaadho yoolal dan aan buurneyn weheliso waa kuwa waddaadada sheegta e. Waxa ummaddan ku halowsadeen waxyaalo dhaawac maskaxeed u geysanaya sidoo kale dilaya damiirkooda. Wadaaddada Soomaalida inkooban mooyee inta ugu badan waa kuwo ka indho la’ dhammaan waxa adduunyada korkeeda ka dhacaya. Waa kuwo aan lahayn aragti hunguri mooyee wax kala dhaafsiisneyn. Taas waxa ay horseedday in wadaaddo badan oo xukun raadis ah ay bulshada Soomaalida dhexdeeda ka noqdeen jabhado, ugu danbeyntiina isku beddelay argagixisooyin xagjiro ah sidoo kale soo waarida mabadi’da qaldan ee ismiidaamineed.

Waxa ugu badan ee ay talooyinka ka dhigaan sidoo kale bulshada u sheegaan baa ah in aanay ku mashquulin waxa dunida ka socda, se cibaado uun lagu jiro! Waa masiibo inteeda le’eg in bulsho caafimaad qabta sidaas oo kale wax loogu sheego. Hadda ka hor goor aroor hore ahayd, oo la tukadey salaad subax ayaa magaalada Hargeysa masaajid ka mid ah, ayaa uu cod baahiyaha qaatey wadaad kolkaas ka mid ahaa dadkii masaajidka ku tukanayey. Hadalladii uu yidhi waxa ka mid ahaa oo aan meel ku qoray: ” Maanta waxa jirta in duullaan lagu yahay cibaadadeenna, gaaladu waxa ay samaysatey aalad walba oo innagu ah dhib ha u horrayso warbaahinta kala duwan e, sidoo kale waxa xusid mudan in dhalinyarada lagu daba socdo So barasha bulshadu ku kulanto, madaama wax walba ay innooga soo waaridaan, bulshada na dhex keenaan. “

Dabadeed Aniga oo la hadlaya nafteyda ayaa aan is weyddiiyey hadaladan ma yahiin kuwo u qalma maankayga iyo caqliyaddeyda siduu ku joojin karaa duni maraysa qarnigii xogta (Century of information)?  Haddaba Waddaadkan miyuusan u badheedhin in hadba sida uu doono wax uu innoogu sheego? Tacaddi iyo kufsi weyn ma u geystey diintii Islaamka kol haddii uu yidhi goobahii xogaha waa in awood la geliyaa si dhalinyaradan uga joojinno adeegsiga baraha Bulshada?  Wadaaddadan waa kuwo khaladkooda ku qariya shaadhka diinta, wanaag aysan lahaynna ku sheegta isla shaadhka diinta. Waxa marag cad u ah xagjirnimadooda aan aqoon ballaadhan ku fadhiyin, waata keentay kuwo dhiigga ummadda banneystay in ay guddaha Soomaaliya jago madaxtinimo uga ololeysanayeen, waana tusaalaha ugu dhaw oo kuwo badan oo noocan ah ay guud ahaan deegaannada Soomaalidaka  buuxaan.

Haddaan soo gunnaanado qormadan kooban, haba yaraato e, ma jirto wax la xisaabtan ah oo raggan lagu sameeya, sidoo kale waa dulin galey maskaxdii bulshadda oo garaadkoodii wax aan dhaamin ku shubay. Waxa se isweyddiin mudan haddaba sidee ayaa looga bixi karaa masiibadan?

  1. In bulshaddu hesho wacyigelin cilmiyeysan si loo yareeyo guumeysiga maskaxda ee ay sababta u yahiin raggani.
  2. In la helo hay’ad daba gasha manhajyada lagu dhigo madaarista iyo macaahidda, ama si toos ah loo hoos geeyo Wasaaradda Waxbarashada si mar walba loo hubiyo manhajka ay gudbinayaan.
  3. In dawladdu sameyso manhaj dhammeystiran oo diini ah sida cimiga maaddiga ah u leeyahay manhaj la raaco oo lagu xisaabtami karo si joogto ah.
  4. In la sameeyo diwaangelin saxsan oo lagu tiro koobayo goobaha diiniga ah, si looga badbaado in bulshada afkaartii la doono lagu dhex faafin karo.
  5. In la hubiyo damaanadda, mas’uuliyada iyo shaqsiyadda macallimiinta goobaha diiniga ah, si looga hortago dhibaatooyin badan; oo ka dhex dhaca goobaha diiniga, hadday tahay afkaaraha qaldan ee la fidin karo iyo kufsiyada loo geysto carruurta gaar ahaan hablaha da’da yar.
  6. In dawladdu si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada masaajidda iyo mawaadiicda laga jeediyo maalmaha jimcaha, taas oo lagu samaynayo in masjid walba la diwaangeliyo khudbadda ka baxaysa masaajidka maalinta jimce si loo yareeyo fikirada qaldan, ee ay wadaan ama mararka qaarkood dhexdooda iskugu hanjabaan iyagoo firqooyin isku qaybinaya.

Lixdaa qoddob baan u arkaa xalalka lagu yarayn karo dhibaatooyinkaa jira ee bulshaddan ku noqdey dhabar jabka ee maalin walba caqligooda laga dhigey meel la leeyahay.

W/Q: Cabdifataax Axmed Cali “Xayduusi”
Email: abdifataah.hayduuzi45@gmail.com