Bariga Dhexe: Jid Aan Jiho Lahayn – Vol: 01 – Cad: 12

 365 View

Indheergarad – Ogoosto 21, 2019 – Koodaar  – Vol: 01 – Cadadka: 12aad

Hordhaca

1993-dii maqaal uu qoray oo uu ugu magac daray: Clash of Civilizations“, Samuel Huntington ayaa waxaa ku jiray ciwaan hoosaad, uu ugu magac daray: Islam’s bloody borders”. Inkasta oo uu noqday maqaalkii labaad ee ugu doodda badnaa, oo uu daabaco wargayska Foreign Affairs, haddana ciwaanka qaylada ugu badan ka soo yeedhay waxa uu ahaa ciwaan hoosaadka aynu kor ku xusnay, oo uu qoraagu ugu yeeray: “Xuduudaha dhiigaya ee Islamka (Islam’s bloody border)”.Qoraaga ayaa si aad ah loogu hiifay ciwaan hoosaadkaas, inkasta oo qoraagu 1993-dii qoraalkiisii dad badani ku diideen, umalyn maayo maanta oo aynu ku jirno, 2019-kii in uu jiro qof diidaya ama dood ka keenaya in dalal badan oo muslim ah, weliba bariga dhexe dhiig ka soconayo- ama ha noqdo dagaal banaanka kaga yimid ama mid iyagu dhexdooda ka socda. Labaatan iyo lix sano kadib waxaa run noqonaya ciwaan hoosaadka Samuel ee oranaya: “Islam’s bloody border”.

Ka soo bilow: Ciraaq, Siiriya, Lubnaan, Liibiya, Af-gaanistaan, Baakistaan, qayb kamid ah Masar, Yaman warkeeda daa. Balse su’aashu waxa ay tahay: “Halkee masiibadan ka timi? Halkee wax ka qaldanyihiin? Maxay muslimtiina guud ahaan, gaar ahaan dadka dega bariga dhexe, oo xundhur u ah xadaaradda Islamka, laga soo bilaabo burburkii dawladdii Cusmaaniyiinta, ay uga bixi la’yihiin: dawlad xumo, musuqmaasuq, waxbarasho aan tayo lahayn, xarumo caafimaad oo aad u tayo liita, kaligii taliye dabo dhilif ah, qabyaalad, dhaqaale xumo, deganaansho la’aan siyaasadeed, dhibaatooyin kale iyo dagaalo xasuuq u eg? Qoraalkan baa isku dayi doona in uu ka jawaabo su’aalahaaas iyo kuwa kale. Waxaan rabaa inta aanan qoraalka uguda gelin in aan xuso, qoraalkan waxa uu xooga saari doonaa bariga dhexe.

Bilowgii iyo Horumarkii Xadaaradda Islaamka

Xadaaradda Islaamku waxa ay bilaabmatay, markii Eebbe soo diray nebi Muxammed (N.N.K.H), muddo hadda laga joogo Kun iyo afar boqol sano. Wixii intaa ka horreeyey ma jirin xadaarad Islaam ah, balse waxaa jiray xadaaraddo kale oo ay kamid yihiin tii Roomaanka, xaadaradda shiinaha, iyo weliba  xaadaraddii Beershiya.  Ka hor inta aan nebinimada loo soo dhiibin Nebi Muxammed (N.N.K.H) Carab waxa kaliya oo isku keena ama kala kaxeeya waxa uu ahaa qabiilka. Qofka ka dhashay qabiillada awoodda leh, waxa uu ahaa laandheere iyo nin laga xushmeeyo gudaha ummadii Carbeed ee xilligaas; qofka ka dhashay qabiil yarna, waxba uma ool.

Arrinkuse waxa uu is-beddelay markii Eebbe soo diray Nebi Muxammed (N.N.K.H), inkasta oo qabiillo waa weyn ka horyimaadeen, oo beniyeen farriintii nebi Muxammed, oo uu kamid yahay qabiilkii uu ka dhashay, haddana waxay ku qaadatay nebi Muxammed (N.N.K.H) muddo ku siman seddex iyo labaatan sano in uu dhiso xadaarad iyo dawlad xaqiiqo u jirta, oo dunida Carbeed gaartay, oo ay xataa qireen xadaaradihii ka da’da weynaa ee markaas jiray. Nebi Muxammed ka hor inta aan la soo dirin, aqoonta Carbeed aad bay u hoosaysay, wacyigooduna aad buu u liitay, Afka Carabiga ma dhaafsiisnayn inta Carabi degto. Balse sidii Eebbe u soo diray nebi Muxammed wax walba waa is-beddeleen, halkii Carabta aqoontoodu u liidatay waxaa beddeshay aqoon, wacyi liita, qof soo jeeda, Afkii Carabiguna waxa uu noqday Afka xadaarada Islaamka, halkii qabiilkana waxaa beddalay fikraddii nebi Muxammed hormuudka ka ahaa ee ummadda Islaamka ah. Carab halkii markii hore waxa isku hayey ay ahaayeen qadiyad abtirsiimo, waxaa beddeshay fikir ummadda islaamka ah.

Dhimashadii Nebi Muxammed (N.N.K.H) waxa ay muslimiinta uga dhignayd labo arrin oo isla socda: kow, waa mar in qaybsanaan iyo weliba fikirkii qabiilka uu dib u soo cusboonaaday, weliba dhimashadii Eebbe ha ka raalli noqdee Abu-bakar Saddiiq, Cumar binu Khadaab iyo weliba Cismaan. Khaliifkii afraad oo Cali binu Abii daalib ahaa waxa ka dhacay is-jiid jiid siyaasadeed iyo cidda xaqa u leh in ay hoggaanka ummada qabato, dagaalo dhimasho badan sababay waxa ay dhex mareen Cali binu Abii daalib iyo Mucaawiya binu Abii Sifyaan. Labo, arrinka labaad waxa uu ahaa in xadaaraddii Islamku fidday, oo ay gaartay Waqooyi Afrika (Northern Africa) qaarad weynaha Aasiya iyo qaybo kamid ah Yurub, oo ay kamid tahay dalka maanta loogu yeedho Isbayn. Labada arrinba saamayn weyn buu ku yeeshay xadaaradda Islaamka, waa mida koowaad’ e khilaafkii siyaasadeed ee bilaabmay xilligii Cali binu Abii Daalib iyo Macaawiya ma ahayn khilaaf bilowday oo dhammaaday, balse waxa uu ahaa khilaaf ilaa maanta taagan.

Aqoonyahano badan oo arrimaha Islaamka darsa baa qaba aragtida ah, khilaafkii Cali binu abii daalib iyo Mucaawiya in uu ahaa dhalashada waxa maanta loogu yeedho Shiico, oo dunida muslimka ka ah 10% ilaa 15% tiro lagu qiyaaso. Qaybsanaantaa ku timi xadaaraddii Islaamka inkasta oo ay dhaawac weyn u gaysatay, haddana kama hor istaagin diinta Islaamka iyo xaadaradda Islaamkaba in ay koraan dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, aqoon ahaan, tiro ahaan, dhul ahaan iyo weliba horumarka dhanka sayniska.

Horumarka ummadda Islaamka waxa uu keenay in ay noqdaan laacib muhiim, oo doorkiisa ka ciyaara waxa ka socda dunida; kaliya ma ahayn laacib muhiim ah, balse muslimiintu mar bay hoggaaminayeen adduunka. Balse waxaa muhiim ah in la xuso, tan iyo dhimashadii nebi Muxammed (N.N.K.H) iyo weliba marka laga yimaado seddexdii khaliif ee ugu horreeyey, siyaasadda muslimiintu waxa ay ku socotay hal qaab oo kaliya oo ah “Xukunka qoyseed”, ama qori isku dhiibka xilka wiil iyo aabbihii ama qoys aan sidaa u kala fogayn. Marka lagu daro xataa, xilliyadii muslimku ugu horumarka fiicnaayeen oo dad badan ku sheegaan xilligii dawladdii Cabaasiyiinta, oo ay siiyaan naanaysta “Golden age”, muslimka siyaasad ahaan is-beddel weyn kuma imaan. Waxaan la isku diidayn saamaynta dhan walba leh, oo ay gaareen dadka ku abtirsada xadaarada Islaamka; sidaa si lamid ah, waxaan la isku diidayn in siyaasada muslimiintu aanay horumar samayn, oo ay hal qaab ku socotay.

Horumarka Xadaaradda Galbeedka

Dunida reer galbeed wakhti badan bay ku noolaayeen dib-u-dhac iyo weliba dhibaatooyin aad u tiro badan. Wakhti aad u dheer waxaa in badan oo Yurub ah, xukumaayey boqortooyadii Roomaanka, oo kaashanaysa kaniisada oo xilligaas saamayn culus lahayd. Dhanka horumarka sayniska aad bay ugu danbeeyeen, weliba waxa ay ku darsadeen caburinta ciddii waxaa la timaada, xilligaas Yurub mugdiga u ahayd, shiinaha oo ku abtirsada xadaarad qadiimi ah, oo lagu magcaabo Sinik, waxa ay ku naaloonaysey horumar badan oo lagu amaani karo, sidaa si lamid ah, xadaaradda Islaamka waxaa ka socday horumar dhan walba ah, marka laga reebo siyaasadda oo aannay ka muuqan heshiis.

Wax badan oo ay boqortooyadii isku dayday caburin, waxaa ugu danbayn ka soo baxay rag aqoonyahanno ah, oo ka biyo diiday qaabka wax u socdaan, inkasta oo la dilay qayb badan oo kamid ah, balse ugu danbayn waa ka guulaysteen, waxaana dhaawac xoogan ku yimi boqortooyadii Roomaanka. Xilligan waa xilliga ay taariikhyanadu ugu yeeraan ” “Renaissance “,oo ku beegan, laga soo bilaabo qarnigii afar iyo tobnaad, sida oo kale, dhowr qarni kadib waxaa ku began xilligii ay kacdoonadu ka curteen dhulwayanaha Yurub, tusaale ahaan qarnigii siddeed iyo tobnaad dalka Faransiiskaa waxaa ka dhacay kacdoon, sidaa si lamid waxa uu ka dhacay Ingiriis iyo Maraykanka.

Wixii ka danbeeyey qarnigii shan iyo tobnaad waxa ay Yurub u ahayd waa cusub, halka boqortaydii markaas ka jirtay shiinaha ay gaf weyn oo siyaasi ah  samaysay, waxa ay joojisay maraakiibta isaga goosha qaaradaha iyo dhulalka kala fog-fog, oo ujeedkoodu yahay ganacsiga. Halkaas shiinaha waxaa uga bilaaban doona burbur dhaqaale iyo weliba bulsho. Xadaaraddii Islaamka dhexdooda waxaa ka socday dagaal dhanka siyaasadda ah, halka Yurub ay bilowday aqbalaada Sayniska, soo dhowayntii wixii horumar iyo dhismo dhan walba ah: mid dhaqaale, siyaasi iyo weliba ciidan.

Yurub waxaa billowgii hoggaanka u qabtay dhan walba dalka Ingiriiska, dhaqaalyahanka weyn ee Jeffrey Sachs, buuggiisa The End of Poverty, wuxuu ku qeexay horumarka dawladdii Ingiriiska mid bulsho, siyaasi iyo weliba deegaan. Dawladda Ingiriisku horumarka tiknooloojiyada waxa ay kaga hormartay boqortooyadii shiinaha, oo wakhti dheer kaalinta koowaad ku jirtay. Waxaa kaloo xusid mudan labo arrimood: kow, horumarka Yurub ee dhan walba leh, ee Ingiriis hoggaanka u qabtay iyo weliba dib u dhaca ku billowday boqortooyooyinkii tartanka kula jiray, sida: xadaaradda Islaamka iyo weliba xadaaradda Sinik-ta, waxa ay keentay in reer Yurub gaar ahaan dawladda Ingiriisku ay seddex meelood deegaamaystaan, dadkii asalka u ahaana ka xoogaan, kow, Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalka maanta ugu awoodda badan adduunka Maraykanka, labo, Ustareeliya (Australia), seddex, New Zealand, seddexdan dal waa seddexda uu ugu yeeray dhaqaalyahankii, taariikhyahanka ahaa Angus Maddison “Western offshoots”.

Arrinka labaad waxa weeye, laga soo bilaabo qarnigii lix iyo tobnaad waxa uu ahaa xilligii dhaqaale kobaca casriga ah ee adduunku uu si fiican billowday, sababtu waxa ay ahayd horumarka dhanka tiknooloojiyadda, sayniska iyo weliba kacaankii warshadaha (Industrial Revolution) ee markaa la gaaray. Dhowr qarni bay ku qaadatay reer Yurub in ay samaystaan siyaasad dhiig cusub wadata, dhaqaale aqoon iyo agab casri ah ku shaqaynaya iyo awood ciidan, oo ay ku jirto wixii ka horyimaada. Tusaale ahaan 1800 sanadku markii uu ahaa reer Yurub waxay xukumayeen 35% dhulka adduunka, toddobaatan iyo siddeed sano kadib, oo ku began sandkii 1878-dii waxay xukumayeen 67% adduunka, 1914-kii waxay xukumayeen 84%. Fariid sakeriya maqaalkisii ugu danbeeyey “The Self-Destruction of American Power”, waxa uu leeyahay sandkii 1900, dawladdii Ingiriiska waxa ay xukumaysay afar meelood dadka adduunka ku nool. Inkasta oo ay reer Yurub awood yeesheen, boqortooyo walba oo jirtayna ka awood bateen dhan walba, haddana reer Yurub dhexdooda waxaa dhex maray dagaallo aad u culus, oo ay taariikhyanadoodu ku sifeeyeen dagaalkii koowaad ee adduunka iyo weliba dagaalkii labaad ee adduunka.

Marwaan Bishwaar, sida uu ku soo qaatay barnaajimyadiisa uu ka baahiyo Al-Jazeeera waxa uu xusay in dagaalkii koowaad ee adduunka ay reer Yurub kaga dhinteen 6, 800, 000 kun, oo rayid ah, halka ciidamada ku dhintay dagaalkaas lagu qiyaasay 9,700, 000 kun oo qof; dagaalkii labaad ee adduunka waxaa ku dhintay dad rayid ah oo tiradooda lagu qiyaaso 30, 500, 000 kun oo qof, halka ciidamadu lagu qiyaaso 21, 000, 000 oo qof. Natiijadii dagaalkii labaad waxa ay noqotay guul-darrada dalal dhowr ah iyo guusha dalal kale. Waxaa in la xuso mudan labo arrimood oo muhiim ah: kow, reer galbeedka tiro ahaan adduunka waxa ay ka yihiin wakhtigan, 12%, waa tiro aad u yar, balse tayo ahaan aad u sarreeya, sida uu qabo Kishore Mahbubani, xadaarada galbeedka la’aanteed horumarka aadanuhu gaaray, lama gaareen reer galbeedka la’aantood. Labo, labo boqol oo sano oo xadaarad reer galbeed adduunka xukumaysay, ma jirto xadaarad aanay gumaysan ama aanay saamayn: siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan.

Burburkii Boqortooyadii Cismaaniyiinta iyo Nolosha Cusub ee Muslimiinta

Awoodda iyo horumarka reer Yurub kaliya ma keenin horumar iyo dagaalo lagu hoobtay oo aanan la mahadin, balse waxyaabaha uu keenay waxaa kamid ahaa, nidaam siyaasi oo cusub, iyo weliba dalalka oo aanay horey u aqoonsanayn boqortooyooyinkii hore. Dagaalkii koowaad markii uu dhammaaday waxaa burburay afar boqortooyo oo markaas jiray, kow, waxaa soo galaya boqortooyadii Cismaaniyiinta, oo markaas metelaysay xadaaradda Islaamka, dawladna u ahayd muslimiinta. Labo, boqortooyidii Raashiyaanka, seddex, boqortooyadii Jarmalka, afar, Austro-Hungarian. Dawladdii Cismaaniyiinta oo u soo talinaysay muslimiinta badankood, muddo ku siman 1299-kii ilaa 1922-kii ayaa soo gabagabowday. Markii ay burburtay, xarunteeda oo ay ahayd dalka maanta loo yaqaan Turkiga, waxaa ka asaasmay dal casri ah, oo loogu magac daray Turki, waxaana asaasay Mustafa Kamaal, oo lagu naanayso Ataaturk (Ataturk) oo macne ahaan noqonaysa aabbihii Turkiga.

Bariga dhexe oo ah xuddunta xadaaradda Islaamka, qoraalkanna uu xooga saari doono, ayaa waxaa mustaqbalkiisa ka talin doona, laba dal inta badan, labo magaalo baana lagu jaangoyn doonaa: Baariis iyo Landhan. Badi maanta dalalka bariga dhexe ka jira waa dalal aan dhab ahayn (Artificial state) waxayna dhasheen waxaanan ka badnayn boqol sano ka hor, waa waxa uu ugu yeeray diblomaasigii reer Masar Taxsiin Bashiir qabiillo calamo leh “Tribes with flags”. Samuel Huntington wuxuu leeyahay asaasaha Sacuudigu waa maxsuulka xirfadiisa uu ka abuuray is-bahaysi qabiileed, isagoo u maraya guur iyo wadooyin kaleba.

Fikraddaas mid ka duwan waxaa qaba aqooyahanka reer Kanada oo ka baxay jaamacadda Qaahira, ee dalka Masar 1975-tii, ee lagu magcaabo Chris Giannou, waxa uu reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska ku eedeeyey qaabka ay u maareeyeen burburkii dawladdii Cismaaniyiinta kadib. Dhammaan dalalka bariga dhexe waa maxsuulkii gumaystihii reer Yurub, waxaa laga reeba dalal faro ku tiris ah, tusaale ahaan Iiraan. Iiraan marka koowaad maaha dal Carab ah, marka labaad Iiraan waxay hoy u ahayd xadaarad weyn oo qadiimi ah, oo ah tii Beershiya, mar seddexaad Iiraan, markii Muslimku gaaray waxay kamid tahay meelaha diinta Islaamka laga qaatay, balse aan laga beddelin Afkoodii hooyo iyo weliba dhaqankoodii, afar, Iiraan 1906-dii waxa ay lahayd dastuur, casri ah, markaasna badanka dalalka Muslimka ah ma jirin ama dastuurba maskaxdooda kuma jirin.

Waaga Cusub ee Bariga Dhaxe

Asaasitaankii dalalka cusub ee Bariga Dhexe waxaa ka biyo diiday tiro badan oo Islaamiyiin ahaa, oo rabay in ay qaybsnaantu ay tahay dagaal ka dhan ah muslimiinta iyo midnimadooda. Yeelkeeda, Bariga dhexe kaliya lama qaybin oo dalal cusub lagama dhisan, balse waxaa loogu daray gumaysi. Waxayse arrintu ka sii dartay asaaskii Israa’il, oo ahaa riyo Yuhuudi muddo naawilaysay; halka asaaskoodu ka noqday burburka, rejo la’aan iyo weliba qarowga Carabta si guud, si gaar ahna reer Falastiin.

Halgan dheer kadib waxaa xorrinimadii qaatay badi dalalka Bariga dhexe, balse waxaa xusid mudan intii lagu gudo jiray halgankii xornimo doonka iyo weliba xorriyaddii kadib in bariga dhexe labo qolo awoodda u tartamaysay; Cilmaaniyiin iyo Islaamiyiin. Ururadii Islaamiyiinta siyaasiga ah ee ugu horreeyey waxaa Masar ka asaasay Xasan Al-Bannaa sanadkii 1928-dii, oo asaasay xisbiga Ikhwaanul Muslimiin, mid kamid ah, xisbiga islaamiga ah ee ugu awoodda badan Masar. Inkasta oo dalalka Carbeed ee bariga dhexe ay gacanta u galeen cilmaaniyiin, kali-taliyeyaal ah ama kuwo qoys ah wax ku xukuma oo boqortooyo isku sifeeyey. Halgan cusub bay bilaabeen ururada Islaamiyiinta ah, si guud, si gaar ah Ikhwaanul Muslimiinku waxa uu gaaray dalal badan oo Carab ah, meelaha aanu gaarina waxaa ka jiray ururo kale oo Islaami ah.

Mucaaradkii ugu adkaa cilmaaniyiinta xilka qabtay waxa uu kaga yimi Ikhwaanul Muslimiinka, taasi waxa ay keentay dawladdii Masar in ay disho ugu danbayn maskaxdii ka danbaysay fikradaas. Balse taasi kama joojin halgankii ay wadeen. Waxaa xusid mudan, laga soo bilaabo halgankii Carabi u gashay xornimada in cilmaaniyiinta iyo Islaamiyiinta ay u dhexeysay nacayb aad u dheer. Inkasta oo ay doorashooyinkii dhacay gu’gii Carabta (Arab spring) ee soo bilowday 2011-kii ay jireen cilmaaniyiin iyo Islaamiyiin wada shaqaynayey, sida oo kale doorooshiyinkii ka dhacay dalka Masar siddeedtamaadkii waxay wada-shaqayn dhex martay xisbiga Wafdi iyo Ikhwaanul muslimiin, mid waa cilmaani, kan kalena waa islaami.

Laga soo bilaabo xornimadii kadib, oo ku beegan qarnigii labaatanaad bartankiisii, ilaa iyo maanta bariga dhexe aad buu uga danbeeyaa meelo badan oo adduunka kamid ah. Vali Nasr waxa uu ku dooday carro-edegaynta (Globalization) adduunka ka dhacday, oo keentay in adduunku uu aad iskugu xirmo, oo aanu kala maarmin, in ay Carabi ka maqantahay, tusaale isagoo u soo qaadanaya in aanu jirin wax soo saar Carabi samayso; Vali Nasr isla buuggiisa Forces of Fortune, waxa uu ku dooday in ay bariga dhexe horumar ka sameeyey meelo kala duwan, weliba dhanka dhaqaalaha, balse horumarka dhaqaale  waxa uu ku koobanyahay dalalka soo saara shidaalka ee Khaliijka, balse u fiirso dalalka aan shidaalka lahayn dhammaantood waa kuwo aad u liita dhan walba: dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo weliba aqoon ahaan.

Kali-taliyaal Magacyo Kala Duwan

Xornimadii kadib Bariga dhexe, sida aan horay u xusay waxaa xukumaayey kali-taliyeyaal cilmaaniyiin ah, boqortooyo isku sheeg qabiil ku dhisan, wadaaddona kaa- shanaya, warka naxdinta leh baa ah meelaha qaar waxaa xukumaayey qoysas ama qabiillo tiro yar,(Minority)- dhib malaha ha xukumee- aanan wax horumar ah gaarsiin dadkiisa iyo dalkiisa. Tusaale ahaan, dalka Ciraaq tirada ugu badan waa shiico (Majority), in badan oo kamid ah waxaa xukumaayey Sunni oo Ciraaq marka la joogo aad u tiro yar (minortiy) dhib maleh oo kan tirada yarba dalka waxbuu ku leeyahay in uu xukumona xaq buu u leeyahay, balse dhibtu waxa ay tahay in uu dagaal dadban iyo mid toos ahba lagu qaaday dadkii tirada badnaa: xorriyad la’aan, dhaqaale xumo, caafimaad xumo, waxbarasho xumo, hoggaan xumo, dawlad tayo liidata, musuqmaasuq, eex, dulmi iyo wixii lamid ah; sidaa si lamid ah waxa ay ka dhacday oo weli ka jirtaa dalka Siiriya, oo shiico  tiro yar [Calawi] baa xukumaysay inta badan dalka Siiriya, oo Sunni ah, weliba waxaa u raacday in hal qoys wiil iyo aabbihii xukumayeen.

Masiibada dalka Siiriya uu kaga duwanyahay Ciraaq waa; markii uu dhintay madaxweynihii hore ee Siiriya, Xaafid Al-asad waxa uu Bishaar al-asad oo ah wiilka Xaafid ku maqnaa dalka dibadiisa. Markii aabbihii dhintay buu dalka dib ugu soo laabtay, da’diisa oo yar dastuurku uma oggolaanayn in uu noqdo madaxweynaha dalkiisa, balse yaa ku yidhi, dastuur baa bariga dhexe lagu dhaqmaa, Bishaar Al-asad waxa uu beddelay dastuurkii, waxa uuna noqday madaxweyne. Masar dastuurka ninkii xilka hayaa sidii doono buu u dhigaa, xataa kan hadda xilka hayaa.

Qarni barkii dalalka bariga dhexe iyo waqooyiga afrika waxaa xukumaayey kali- taliyaal cilmaaniyiin u badan, meelaha qaarna boqortoyo, balse nasiib-darradu waa tan: bishii sagaalaad, kowdeedii, sanadkii 1969-kii af-genbi ciidan waxaa madaxweyne ku yimi dalka Liibiya Mucamaral Qadaafi, sanad ka hor 1968-dii waxaa af-genbi dalka Ciraaq ku qabsaday Sadaam Xusayn, 1952-dii waxaa madaxweyne noqday dalka Masar Jamaal Cabdinaasir, waxaa beddalay kali-taliye oo toban sano xukumaayey dalka Masar Anwar Sadaat, 1981-dii baa shirqool lagu dilay, waxaa beddelay gacanyarihiisii, oo markaa aad ugu dhowaa, Xusni Mubaarak, oo soddon sano xukumaayey, Tunuusiya, Sayidul Caabidiin, baa xukumaayey muddo dheer. Dhibtuse waxa ay tahay badanka nimanka ciidamada ahaa ee xilka qabtay aqoon jaamacaddeed ma lahayn, kaliya aqoontoodu waxa ay ahayd ciidamada.

Waxaa kaloo xusid mudan in dawladaha khaliijka oo nidaamka boqortooyo isku xukuma, uu af-genbi aanu dhiig ku daadan uu ka dhacay, dalka Qadar, boqorka hadda talada dalkaa haya ayaa aabbihii xilka kala wareegay. Sanadkii 1996-dii waxaa fashilmay af-genbi kale oo lala damacsanaa boqorka aabbihii xilka ka xoogay, Al-jazeera muuqaal ay siidaysay dhowr isbuuc ka hor, sanadkan aynu ku jirno, waxa uu cadaynayaa in Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ay af-genbigaa ka danbeeyeen.

Gu’gii Carabta (Arab Spring) 

Nin dhallinyaro ah, oo qudaarta ka ganacsada, baa booliska Tuniisiya si foolxun ula dhaqmeen, oo ay ka qaadeen gaarigii yaraa ee uu qudaarta ku iiibsanaayey, dacwo isagoo ah buu u tagayaa xarunta dawladda hoose, balse mar labaad buu kula kulmayaa bahdilaad iyo xaqiraad. Maxaa kuu haray oo aad u nooshahay buu is-weydiiyey? Jawaab waxaa u soo baxday in uu is-gubo, meel aan ka dheerayn buu ka soo iibsaday gaas, kama war-wareegin in uu dab naftiisa qabadsiiyo, dhowr cisho kadib waxa uu u dhintay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray dabkii. Waa Maxamed Bawaasiisi, oo reer Tunuusiya ahaa, balse wiilkaa yar baa shidi doona kacdoon galaafan doona kali-taliyaashii xilka iska hayey oo qaarkood aamineen labo shay: in ay dalka ugu caqli badanyihiin, oo ay keligood xukumi karaan iyo in aanay ba dhimanayn.

Nadar Al-Haashimi waxa uu sheegay Maxamed Bawaasiisi gadaashii afar boqol oo qof oo Carbeed baa nafta iska jaray, inta aan la diiwan gelin ba warkeeda. Maxay dhallinyaradu ay naftooda u goynayaan? Jawaabta oo fudud waa: shaqo la’aan, waxbrasho xumo, musuqmaasuq, horumar la’aan, fursad la’aan, dawlad tayo xun, xorriyad la’aan, caddaalad-darro iyo dulmi joogto ah. Balse qodobo aan soo koobay kuma filna, in aynu fahano kacdoonadii badankoodu fashilmeen ee soo bilowday 2011-kii. Waxa ay u baahantahay in aynu xooga dul istaagno dhibaatooyinka kiciyey dadka Carbeed.

Tirada dadka Bariga Dhexe iyo Muslimiinta

Tiro ahaan dadka muslimiintu si aad ah bay u korodhay, laga soo bilaabo 1950-kii ilaa maanta, si gaar ahna waxaa kordhay bulshada Carbeed aan tusaale yar soo qaato: 1965-tii ilaa 1990 dalka Marooko dadkiisu waxa uu kordhaayey sanadkii 2.65%, waxay ka soo dhaqaaqeen sanadkii 1965-tii 29.8 milyan, 1990-kiina waxa ay yimideen 59 milyan, sidaa si lamid ah waxa ay ka dhacday dalka Al-jeeriya oo sanadkii koraayey 3.0%, dalka Masar waxa uu koraayey 2.3%, 1965-tii waxa uu ka soo dhaqaaqay 29.4 milyan waxaana uu yimid 1990-kii 52.4 milyan. Jamaal Cabdi Naasir markii uu madexweyne ahaa dalka Masar waxa tirada dadkiisa lagu qiyaasaayey 18 milyan, sanadka aynu ku jirno waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 90 milyan.

Mar haddii aynu soo hadal qaadnay tirada dadka, inkasta oo uu qoraalkan xooga saari doono bariga dhexe, sida aan horay u xusay, balse waxaa ila muhiim noqotay in aan wax yar ka iraahdo tirada dadka muslimiinta iyo tirada guud ee aadanaha. Tirada guud ee dadka ku nool adduunka intii u dhaxaysay 1965-tii ilaa 1990-kii waxa uu kordhaayey 1.85% sanadkiiba. Sanadkii 1965-tii tirada dadka adduunka ku nool waxa ay ahaayeen 3.3 bilyan, 1990-kiina waxa ay gaareen 5.3 bilyan. Halka muslimku korayeen sanadkiiba 2.0%, 2.5% iyo 3.0%.

Tirada guud ee dadka maanta adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa toddoba bilyan, shan meelood hal meel ka mid ah (1/5) waa muslim, qaramada midoobay waxa ay sheegtay in bartamaha qarnigan tirada guud ee dadka adduunka ku nool ay gaarayso toban bilyan, seddex meelood hal kamid ah (1/3) dadka adduunka ku nool waxa ay noqon doonaan dadka muslimka, waa tiro lagu qiyaaso 3.5 bilyan; Samuel Huntington buuggiisa “The Clash of Civilizations”, waxa uu ku leeyahay 1980-kii muslimku adduunka waxa ay ka ahaayeen 18%, 2000- waxa lagu qiyaasayaa tiro ahaan 20%, halka 2025-ka lagu wado in ay ka noqdaan 30%.

Koritaanka Dhaqaalaha iyo Fursadaha Shaqo

Inkasta oo ay si guud Muslimiintu, si gaar ah bariga dhexe muslimiinta ku nool, guul uga gaareen sida carruurta loo dhalo, waxa ay ku guul daraysteen in ay carruurtaa mustaqbal wanaagsan u diyaariyaan. Bal u fiirso xogtan, 140 milyan oo dadka Carbeed ah waxay ka hooseeyaan xariiqda saboolnimo, inta aanay kacdoonadu bilaaban, in kabadan 50% dhallinyarada dalka Yaman, Ciraaq iyo Al-jeeriya waxa ay ahaayeen shaqo la’aan; shaqo la’aan naxdin gariir ah iyana waxay ka jirtay, welina ka jirtaa dalka Masar. Waxaa kaloo in la xuso mudan 180 milyan baa dhallinyaro ah dadka Carbeed, 60% dadka bariga dhexe waxa ay ka yaryihiin Shan iyo labaatan jir.

Dalka Iiraan 40% waxa ay ku noolyihiin meel ka hoosaysa xariiqda saboolnimada, farqiga u dhaxeeya saboolka iyo taajirku waa sii ballaartay; saboolku sabool buu sii noqday, qanigu qani. Shaqo la’aantaa waxaa sababay koritaankii dhaqaalaha oo istaagay (Economic Growth Stagnation) wax soo saar maskaxeed oo aana jirin, waxa ay aqoonyahanadu ugu yeeraan “Creative destruction” oo aan la samayn, dib u dhac ku yimid dhanka warshadaha (decreased industralisation) musuqmaasuq, kaabyaasha dhaqaalaha oo aad u liita, iyo tan ugu weyn oo ah hoggaamiye xumo.

Horumarka Dhanka Aadanaha

Dhankii shaqadii iyo dhaqaalihii haddii aynu aragnay, bal aynu eegno markan, dhanka xaaladda aadanimo (Human condition), hab-nololeedka (standard of Living) dadka ku nool bariga dhaxe aad buu u liitaa; haddii ay noqoto: waxbarasho, dakhli ama dadka shaqeeya iyo xaaladda caafimaad. Sanadkiiba United Nations Development Program (UNDP) waxa ay soo saartaa warbixin ay ugu magac dartay Arab Human Development Report, tusaale ahaan 2002, waxa ay warbixintooda ku xuseen caqabado dabo-dheeraaday, sida: xorriyad la’aan, xaquuq dumurka ah oo aanan jirin, aqoontii oo aad u liidata, warbixino kale baa sheegaya nabad galyo xumo, iyo dawlad gabtay doorkeedii daryeel. 35% dumarka ayaa haysta ugu yaraan shahaado dugsi sare, taasoo muujinaysa in ay aad u sarayso dumarka aan waxba baran (High Illiteracy Women).

Waxaa kaloo aanan jirin gudbinta aqoonta ama waxbarashada taas oo aad u yar; is-diiwaan gelinta waxbarashada sare oo hoos u dhac ku yimid iyo maalgalinta waxbrashada sare oo iyana hoos u dhac ku yimid, sanadkii 1985-tii baa ka maalgalin sareysay waxbarashada sare, marka maanta loo eego. Waxaa intaa raacda dadka oo aanan haysan wargayso tayo leh, iyo muuqaal baahiye tayadiisu aad u sarayso, oo ay kala socdaan xog dhexdhexaad ah, dalka Masar oo kale wixii baraarug maskaxeed bulshada ku abuuraya aad baa loo yareeyey, kali-taliye walba oo Carbeedna sidaas buu sameeyey. Tayada waxbrashada hoose oo aad u liidata.

Halkan kun oo sano oo laga joogo dhammaadkii khilaafadii Cabaasida, oo sida aan horay u xusay dad badan ugu yeeraan naanaysta “Golden Age”, buug yar baa loo turjumay Afka Carabiga, waxaa ka badan inta loo turjumay Afka Isbaanishka, ee dalka Isbayn hal sano. Sida uu ina tusayo tiro-koob la sameeyey 2005-tii oo ay samaysay golaha sare ee dhaqanka ee dalka Masar (Egypt’s Supreme Council Culture) waxa uu leeyahay dunida Carbeed sanadkiiba waxaa buug la daabacaa 1, 650 buug; halka dalka Maraykanka la daabaco sanadkii 85,000 oo buug. Saynisyahankii reer Masar, Axmed Suwayl ee ku guulaystay bilada Noble Prize ee Chemistary-ga sanadkii 1999-kii, buuggiisa Age of Sceince oo la daabacay sanadkii 2005-tii waxa uu ku leeyahay: “Warqadaha sayniska ah, ee caalamka la daabaco dunida Carbeed waxa ay ka tahay 0% ilaa 0.03%, halka Israa’iil  ay warqadaha Sayniska ah ee la daabaco ay ka tahay 1.3%. Ku darso Yahuud oo dhan marka la isku daro waa waxaanan ka badnayn toban milyan; halka tiro ahaan maanta Carabi u dhaaftay  boqol milyan.

Maqaal uu qoray Jamaal Sanad al-Sawaydi, oo uu ugu magac daray: “Arabic Language in Light of Change: Difficulties and Challanges”, waxa uu ka digayaa in Afka Carbeed la waayi doono haddii aanan maal-galin lagu samayn, isagoo weliba xusaya in aanu ahayn maanta ahayn Af cilmiyeed. Waxa uu soo xiganayaa abwaan Xafiis Ibraahim oo ka digaya saxariirta maanta Afka Carbeed ku jiro in uu noqdo kii uu dhiman lahaa, wuxuuna leeyahay abwaanku:

“Don’t leave me to the torments of life, for fear you may lament my demise“.

“Ha igaga tegina saxariirta nolosha waxaan idiinka cabsanayaa inaad ka baroor-diiqdaan [Calaacal] geeridayda”.

Waxaa kale oo qoraagu xusayaa in aanay jirin wax wax soo Saar Saynis ah, weliba Sayniska biyuurka ah oo ku soo baxay Afka Carbeed, qaybta Social Science iyo humanities wax soo saarka afka Carbeed uu aad u yaryahay.

Dawlad Wanaagga Bariga Dhexe

Buuggooda “Why Nations Fail“, Daron Acemoglu iyo James A. Robinson waxa ay ku doodeen wax dalna hormariyey oo barwaaqo dhan walba ah u horseeday; dalkalena burbur iyo dib-u-dhac walba u horseeday waa hay’adaha dawliga ah, baa dal hormariyey, midna din-u-dhigay, marka labada qoraa waxay ku dooddayaan aragtida hay’adaha (Institutional Theory). Balse su’aashu waxa ay tahay yaa horta dhisa hay’adaha? Ma iyagaa iska dhisma? Mise dad baa dhisa? Halkan baynu ka fahmaynaa in labada qoraa si dadban ugu dooddayaan bulsho horumarkeedu iyo fashilkeedu waxa uu ku xiranyahay hoggaamiyaha taladu ka go’do.

Bariga dhexe muddo dheer waxaa ragaadiyey af-genbi ciidan. Balse, ciidamadii qabtay oo xukumaayey bariga dhexe muddo ka badan qarni barkii, waxa ay ku sifoobeen dawlad xumo, musuqmaasuq. Tusaale ahaan waxaa lagu qiyaasaa hantida madaxweynihii hore ee dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax in ka badan soddon milyan, Xusni Mubaarak waxa uu ku sifoobay musuqmaasuq, Xafid Al-asadkii hore ee Siiriya, waxa la sheegaa in uu u yeeray, dhammaan wasiiradiisii, kuna yiri: “Xilka idin ka qaadi maayo, ana ha igu soo warwareegina”. Wasiir walba waxa uu xalaalaystay booskiisa. Si dadban waa aynu wada shaqaysanno, nin walbow booskaa aad hayso wixii kaa soo gala iimaanso, anna ha igu soo warwareegina. Sadaam Xusayna waxba ma dhaamin.

Musuqmaasuq kaliya kuma sifoobin, eex, dulmi, xorriyad la’aan, caburin, dil, garaacid iyo dhammaan waxii lagu yiqiin dawlad xun bay ku sifoobeen. Balse waxaa jiray wax ay ugu yeeraan aqoonyahanka ka faalooda gobalka jiilkii hore (Old Generation) oo ah kali-taliyeyaashii xilka ku qabtay af-genbi, kuwa hore waxa ay u janjeereen dhankii Soofiyeedka, balse waxaa jira kuwa kale oo lagu magcaabo jiilka cusub (New Generation) kuwan danbe waa carruurtii kali-taliyeyaasha ama natiijadii iyagu waxa ay ku soo beegmeen, xilli laga adkaaday Soofiyeedkii, marka siyaasadooda waxaa jihaynaysay International Monetary Fund (IMF) iyo World Bank (WB), balse jiilkii hore iyo jiilkii danbe waxay ka sinnaayeen in ay ku tacaddiyaan xilka loo igmaday.

Maxaa ka Dhashay? 

Kacdoonadii Carabta ee soo bilowday 2011-kii, waxaa guulaystay oo kaliya kii Tunuusiya, oo is-beddel ku yimid, dalka Masar markii koowaad reer Masar waxa ay doorteen madaxweyne si dimuqraadiya, Maxamed mursi, balse sanad kadib, oo ku beegan sanadkii 2013-kii waxaa af-genbi ku sameeyey ciidamada, oo uu hoggaaminayo Cabdifataax Al-Siisii.

U fiirso halkan, dalka Yaman, waxaa 2015-kii duulaan ku qaaday Sacuudiga iyo xulafadiisa. Sacuudigu waxaa kaga baxa dagaalka Yaman bilyan lacag in ka badan bishii, weli wax natiijo ah kama hayo, dhaleecayn weyn waxa ay kaga timid adduunka oo dhan. Xaaladda Yaman waxa ay noqotay mid aad u xun, oo xasuuq u eg. Balse Yaman waxaa isku haysta Shiico tiro yar iyo Sunni oo aqlabiyada ah, qabiillona meesha kama maqna, waxaa kale oo ay Yaman noqotay garoon ay ku ciyaaraan Sacuudiga iyo Iiraan. Dalka Liibiya Sunni baa Sunni dilaya, qabiilna meesha kama maqna, waxaa u raacda awooddaha gobolka oo iyana ka dhigtay garoon lagu ciyaaro dalka Liibiya.

Dalka Siiriya shiico tiro yar iyo Suni tiro badan baa is-haysta, isla Siiriya waxa ay noqotay garoonka ugu weyn ee awooddaha adduunku ku ciyaaraan, Ciraaq dawlad aan cago badan ku taagnayn baa ka jirta, oo aan awooddeedu shaqayn, Ciraaq qudheeda waxaa isku haysta Shiico tiro badan iyo Suni tiro yar, qudheedu laga soo bilaabo 2003-dii waxa ay ahayd garoon ay ku ciyaaran awoodaha gobalka iyo awoodaha caalamka. Lubnaan dawlad cago adag ku taagan kama jirto, loollanka Sacuudiga iyo Iiraan oo cirka isku sii shareeray, oo gaaray halkii ugu xumayd, xariir aan wanaagsanayn oo dhex yaal dawladaha Khaliijka gudahooda, labo sano in ka badan baa Sacuudiga, Imaaraatka, Baxrayn, Masar go’doomiyeen dalka Qadar, welina wax saansaan heshiis ah kama muuqato.

Xuutiga dagaalka kula jira Sacuudiga oo duqayn u gaysta Imaartaadka iyo Sacuudiga. Hardan siyaasadeed oo ka jira gudaha Sacuudiga, Maxamed Binu Salmaan oo cadow badan ka samaystay rag awood leh, oo boqortooyada ah. Bruce Riedel oo soddon sano ka soo shaqaynaayey CIA-da Maraykanka aqoon fiicanna u leh dalka Sacuudiga waxa uu sheegay in dagaalka u dhexeeye qoyska boqortooyada, gaar ahaan Maxamed Binu Salmaan iyo qoyska boqortooyada uu soo bixi doono, dhimashada Maxamed Binu Salmaan aabbihii, Michael  Maloof oo horay uga tirsanaa Pantegon-ka Maraykanka isna waxa uu saadaaliyey in Sacuudiga qudhiisa is-beddel af-genbi uu ka dhici doono, khuburo kale baa iyana saadaaliyey kacdoon in uu ka dhalan karo dalka Sacuudiga.  Iiraan oo cunaqabatayn caalamiya Maraykan galiyey, xaaladda kanaalka Hormus oo aanan sahlanayn iyo Falastiin oo ku jirta xaaladdeedii ugu liidatay, Kushnar oo ah wiilka uu soddaga Trump u yahay oo wada heshiiskii qarniga (deal of the century) inkasta oo aanan la ogeyn waxa uu heshiiskaasi yahay, balse waxa ay u muuqataa kii Falastiin oran lahaa maba jirtaan, oo wax labo dal oo Israa’iil iyo Falastiin la dhaho ma jiraan. Waxaa kaloo iyana Bariga Dhexe iyo Koonfur Aasiya caado ka noqotay ururada Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee hubaysan, kuwaas oo caqabad ku noqoday nabad dhalata.

Gunaanad

Akhristaha sharafta lahow, qoraalkan kooban waxa uu xooga saarayey bariga dhexe si gaar ah, balse waxa aanu si qoto dheer uga hadlin muslimiinta kale ee adduunka oo ah dadka ugu badan ee muslimka ah, bariga dhexe muslimiinta guud waxa ay ka yihiim wax yar, Iiraan iyo Sacuudiga oo la isku daray waxaa ka muslimiin badan dadka Muslimka ah ee Hindiya ku nool, Indoniisiya qoraalku kama sheekayn inkasta oo ay ku noolyihiin muslimka adduunka ugu badan. Balse, ogow, bilyan Muslim ah baa maalin walba shan jeer qibladoodu tahay magaalada barakaysan ee Maka, oo ah xudunta Islaamka, taas oo ina tusaysa muhiimada bariga dhexe u leeyahay muslimiinta.

Waxaanu qoraalkan sidoo kale aanu waxba ka oran doorka reer galbeedka si gaar ah Maraykan oo caado ka dhigtay laga soo bilaabo qarnigii labaatanaad in ay faro gashtaan arrimaha bariga dhexe, waxaanu qoraalku aanu waxba ka oran Israa’iil iyo xiriirka u dhexeeya Carabta iyo weliba dagaaladii dhex maray. Sida oo kale waxaanu qoraalku waxba ka oran dawladda Ruushka oo maanta noqotay laacib muhiim ka ah arrimaha bariga dhexe. Sida oo kale waxaanu qoraalku si faahfaahsan uga hadal Islaamiyiinta hubka qaatay oo xagjirka noqday, kuwa siyaasada xal ka doonay, iyo weliba xiriir aan wanaagsanayn ee qudhooda u dhaxeeya. Waxaanu sidoo kale aanu ka hadlin, kacdoonkii Carabta Yaa caqabad ku ahaa in uu guulaysto? Waxaanu ka hadlin doorka warbaahinta Carbeed, weliba si gaar ah Al-jazeera oo noqotay mid kamid ah warbaahinta ugu saamaynta iyo awoodda badan adduunka iyo Al-Jazeera oo bariga dhexe kooto ku xiratay.

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com