Itoobbiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) – Vol: 01 – Cad: 14

 268 View

Indheergarad – Ogoosto 21, 2019 – Koodaar  – Vol: 01 – Cadadka: 14aad

Hordhac

Noolaha Aadamuhu intii uu adduunka guudkiisa saarnaa, waxa uu ku hawlanaa oo ku jirey isbeddel xag kasta ku wajahan. Ha noqdaan isbeddeladaasi kuwo diineed, dheef la raadiyo, siyaasad, korriin caqli iyo jidh, maamul, bulsheyn, deegaamayn, aqoon yeelasho, unkidda ilbaxnimooyin iwm.  Badanka fal kasta iyo tallaabo kasta oo hore loo qaadana, waxa shardi ama tiir u ahayd dan. Dantaasi marwalba waxa ay u adeegaysaa cidda falka ama tallaabada qaadaysa. Taas oo jirta, ayaa waxa ay dantaasi horseeddaa isriix-riix bulsheed ama qofeed. Waxaana ka dasha oo ka dhambalma, kana dheehma aragtiyo iyo tabab ku cusub waayahaas. Kuwaas oo si guud ummadaha kale ee la jaalka ah ama la jaarka ah, iyo kuwa ka fogba ay qaataan aragtiyihii ka dhashay isriix-riixaas tirada badan.

Intaas kaddib, qoraalkani waxa uu daaranyahay ayaa ah aragti kamid ah aragtiyahaas ummaduhu curiyeen, kuwaas oo ay ka faa’idaysteen ummado la jaal iyo dan ah. Haddaan hadalka saafo, waxa dulucdu ay tahay in aragtidaasi ay tahay mid ka tirsan aqoonta siyaasadda, gaar ahaan laanta deegaan-siyaasadeedka. Waxaana loogu yeedhaa “Lebansraum”. Waa aragti saameyn xooggan ku yeelatey adduunka tan iyo intii la allifay. Walow aragtidan la tibaaxo in aan si sax ah loo garanyn xilliga la curiyey, taas oo macnaheedu yahay ninka loo tiiriyo ee jarmalka ah oo magaciisu yahay Friedrich Ratzel, uusan xaqiiqo ahaan ahayn midka curiyey. Balse ay tahay aragti muddooyin badan ummadaha dunidu ka dhaqmayeen, balse isagu keliya uu horumariyey.

Ummadaha iyo sida ay aragtidani u saamaysay walow uusan qoraalkani wada kafeyn karin, ula jeeddaduna ahayn. Balse ay tahay in dacal iyo dadyow gaar ah uun laga tilmaamo. Sidaas darteed qoraalkani waxa uu isku deyayaa isku xidhka aragtidan iyo farac kamid ah cidda ku suntan, taas oo ah dawladda Itoobiya. Sababta aan u doortey dawladda Itoobiya, ayaa waxa ay tahay in Itoobiya ay Soomaalida saameyn toos ah ku leedahay. Cidda keliya ee ay aragtidan la damacsantahay, horena ugu tijaabisayna waa Soomaalida. Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in aan lafa gurno tab-adeegsiga dawladda Itoobiya ee aragtidan deegaan-siyaasadeed. Lana bidhaamiyo dhoohanaanta Soomaalidu ay kaga sugantahay arrintan.

Waxa uuna qoraalkani ka koobanyahay shan qeybood. Taas oo mid walbana aynnu ku eegi doonno arrimo gaar ah. Waxa ayna kala yihiin: Qeybta Koobaad. Milicsiga Friedrich Ratzel iyo Aragtidiisa, Qeybta Labaad. Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika, Qeybta seddexaad. Guumeystihii Reer Yurub iyo Geeska Afrika, Qeybta Afraad. Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, Qeybta Shanaad. Meles Senawi Asress iyo Itoobiyada Cusub.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com