Maxaa Ka Dhexeeya Dawladnimada iyo Khasabka? – Vol: 01 – Cad: 13

 309 View

Indheergarad – Ogoosto 21, 2019 – Koodaar  – Vol: 01 – Cadadka: 13aad

Qof walba waxa uu garanayaa in erayga “khasab” uu yahay ka soo horjeedka erayga “baryo”. Waxaa kale oo dadka badankiis og yihiin in aan dawladnimadu habayaraatee baryo wax la yiraahdo ku iman ee ay khasab iyo jajuub ku timaaddo. Marka la iswayddiiyo Maxaa Soomaalidu dawlad u yeellan wayday? Jawaabtu waa iska caddahay oo khasab baan meesha oollin. Hadda ba taariikhda dawladnimada iyo sida ay khasabka iyo jajuubka u tahay, aynnu isla fiiriinno. Maaddada dhaqaalaha marka la baranayo waxaa asaas u ah waxa loo yaqaanno “wax soosaarka”. Haddii aan wax soosaar jirin waxa ay la mid tahay dhaqaale na ma jiro, maxaa yeelay dhaqaaluhu waa barashada waxa la soo saarayo, qaabka waxa la soo saarayo loo soo saarayo iyo cidda waxa la soo saarayo loo soo saarayo. Haddii aad rabto in aad dhaqaale ka hadasho waa in aad wax soosaar ka hadashaa. Si taas la mid ah, marka siyaasadda iyo dawladnimada laga hadlayo waxaa laga ma maarmaan ah in maanka lagu hayo waxa loo yaqaan “awoodda”. Siyaasaddu waa barashada waxa awooddu tahay. Waa barashada sidii awood xoog leh loo heli lahaa iyo qaabkii loo hawlgelin lahaa awooddaas.

Sida ay aqoondarro u tahay in aad tiraahdo dhaqaalaan ka hadlayaa; oo haddana wax soosaarka baa aan iska indha tirayaa baa ay aqoondarro iyo nacasnimo u tahay in aad ku dooddo, in aad siyaasad ka hadlayso haddana awoodda iyo khasabku waxa uu yahay isdiidsiiso. Aadanuhu noolaha kale waa uu ka fadli badan yahay, sababta uu uga fadilan yahay na wax kale ma ahan ee waa uu ka xoog wayn yahay. Noolaha kale oo idili marka ay rabaan in ay wax xoog ku maquuniyaan, oo ay dagaal galayaan waxa ay ku xisaabtamaan jirkooda oo keli ah, haddii ay ahaan lahayd ciddiyo ama haddii ay ahaan lahayd ilko iwm. Se aadanuhu marka uu cid kale la dagaalamayo waxa uu dagaalka ku soo daraa deegaanka. Dhagax, ul, bir, fallaar, hub iyo wax Alle iyo waxyaabaha deegaanka laga heli karo baa uu dagaalka soo geliyaa. Taasi waxa ay sababtay in aadanuhu si fudud uga adkaado noole kasta oo dunida ku nool. Markaas kaddib maadaama aadanuhu yahay kan ugu xoogga wayn waxa uu noqday kan ugu fadilan waxa dunida korkeeda saaran.

Aadanaha laftirkiisu waa is dagaalaa oo waxa adkaada midkii deegaanka si fiican uga faa’iidaysan kara. Qofka dhagaxa iyo budka yaqaan si loo samaysto, oo loogu dagaalamo iyo qofka yaqaan sida noocyada kala duwan ee hubka loo farsameeyo waxaa xoog badan kaas farsamadiisu casriga tahay, isaga ayaana kan kale ka fadilan. Maxaa yeelay, kaas aan farsamada aqooni xoolaha uun baa uu dhaamaaye meesha wax kuma hayo. Intaasi waa dul mar guud oo ku saabsan waxa xooggu yahay, se aan isla fiirinno waxa ka dhexeeya dawladnimada iyo khasabka. Weli ma iswayddiisay maxaa Yurub dawlado illaa xad xoog badan ay beri hore uga dhismeen halka Afrika illaa hadda aysan dawlad naf leh oo duni wax la qaybsan kartaa aysan uga jirin?

Qaaradda Yurub, deegaanka iyo dadka ku dhaqan marka la isu fiirsho waxa la oran karaa deegaanku kuma filna dadka ku nool. Dadku illaa xad waa ay fara badan yihiin, oo deegaanku waa uu ku yar yahay. Taasi waxa ay sababtay in dadka tirada badan ee isku dhinac nool ay is dagaalaan, kaddibna mid ba midka uu ka awood bato qabsado. Dadku ma kala carari karaan oo meel ay u guuraan ma haystaan, taasi waxa ay ku dhiirigelisay in ay dagaalamaan oo ama la qabsado ama ay wax qabsadaan. Dabaqado baa halkaa ka abuurmay, dadku na waxa ay noqdeen kuwa wax haysta iyo kuwa la haysto.

Dabaqadihii baa waxa ay isu rogeen nidaamyo iyo dawlado xoog waawayn oo mid waliba dad tira badan ka qaaddo cashuur, ka na qorato ciidan. Dhulku waa ciriiri oo meel aad u baxsatid ma leh, marka si aad isu furato waxa aad ogolaanaysaa waajibaadka ku saaran in aad ka soo baxdid, dawladda na addeecdo adiga oo ku bedelanaya in lagu nabad geliyo lagaa na difaaco dawladaha kale. Dawladahaas xoogga waawayn ee Yurub beri hore ka dillaacay khasabkaas baa ay ku dhismeen.

Afrika, marka deegaanka iyo dadka ku dhaqan la isu barbar dhigo waxaa intii la doono badan deegaanka. Dadku in ay wada joogaan kuma khasbana, oo haddii colaad yari dhacdo qoladii laga adkaado waa guurayaan oo dhulkaas ilaahay waynaysiiyay baa ay u kala yaacayaan. Kuma khasbana in ay hub waawayn sidii ay u samaysan lahaayeen ka fekeraan. Kuma khasbana in ay isdhiibaan oo cashuur bixiyaan ciidanna noqdaan. Marka halkii ay cashuur bixin lahaayeen, oo isa soo dhiibi lahaayeen waa ay kala yaacayaan oo kaa haajirayaan. La isma khasbi karo, oo is khasab la’aantaas baa keentay in qolo ba gaarkeeda qoys ahaan iskaga noolaato; oo aan loo baahan dawladnimo xoog leh.

Afrika iskuma jirto oo isla Afrika dhexdeeda, qoladii dhul yar ku nool oo beeralay ah sida tusaale ahaan Xabashida, waxa ay yeesheen dawlado macna leh, halka qoladii dhul wayn haysatay oo sida Soomaalida kala guuri kartay aysan wax dawlad ah oo macna leh yeelan. Marka laga reebo saldanooyin taag daran oo mid waliba jifi hoose u taliso. Waxa aan soo sheegnay dadka beeralayda ah ee dhul yar deggan in ay dawladnimada uga dhow yihiin dadka beeralayda ah ee dhul badan haysta iyo dadka reer guuraaga ah ba. Tusaale ahaan, Ingiriisku Soomaalida dawladnimada weligii ba waa uu uga dhowaa maxaa yeelay dadka Ingiriisku iyaga oo intii la doono mar waliba Soomaalida ka badan baa ay haddana intii la doono ka dhul yar yihiin. Taasi waxa ay khasabtay in dadka Ingiriisku kala adkaadaan oo noqdaan dad adkaaday iyo dad laga adkaaday, dad shaqeeya iyo dad loo shaqeeyo, dad cashuur bixiya iyo dad qaata, dad ciidana oo wax difaaca iyo dad la difaaco taasi oo ay dunidii kale ee aan kala adkaan xattaa ku qabsadeen.

Haddii aan gu’gii 1955-kii tusaale u soo qaadanno, oo ahayd sannad ay Soomaalidu bilaa itaal iyo dawlad la’aan ahayd, Ingiriiskuna awood dunida laga haybaysto ahaa, xilligaa dadka Ingiriiska ahi waxa ay ahaayeen tiro ahaan in ka badan Konton iyo laba milyan oo qof, se waxa ay deganaayeen dhul le’eg ama ka yar baaxad ahaan gobolka Bari, Nugaal iyo Mudug oo la isku daray. Bal waxa aad ka fekertaa saddexdaas gobol oo konton iyo laba malyan oo qof la isugu keenay oo meel ay u kala tagaan haysan. Waxa ay ku khasbanaan lahaayeen in ay kala adkaadaan oo dawlad adag dhistaan. Nasiibxumo xilligaas ah 1955-kii Soomaalidu dawlad xoog leh oo midaysa ma lahayn waayo, ma jiri karin dawlad isku khasbi karta. Soomaalidu xilligaas waxa ay ahaayeen ugu badnaan afar milyan oo keli ah, se deggan dhul ka badan hal milyan iyo hal boqol oo kiiloomitir oo laba jibbaaran. Waa dhul intii la rabo ku soo laban laabmi kara Ingiriiska.

Soomaalida haddii qolo laga adkaado, halkii ay shacab noqon lahayd oo cashuur bixin lahayd waa ay kaa guurayaan oo duurkay galayaan. Saldanad kasta na ma awooddo in ay dhulka intaa le’eg oo meeshii ba dhawr qof joogaan ay maalin ba mid eryooto oo kharashka ku baxaya baa ka badan waxa kaa soo galaya. Taasi waxa ay sababtay in beelaha Soomaalidu ay beel ba maamul la’aan meel la joogto taasi, oo sababtay dawlad la’aan iyo horumar la’aan maxaa yeelay dadkii baa ba kala maqan! Isla Afrika haddii aynnu isku la soo laabanno, Xabashida iyo Soomaalidu waa laba dad oo muuq ahaan iyo dhul ahaan ba aad isu xiga. Deegaanka Soomaalidu ku nooshahay waa deegaan aan roob badani ka di’in, oo abaartu tahay foolxumo la iska sugo. Dhulku waa qallalan yahay waa na cawslay. Deegaanku isagaa abuura dadka ku nool sida ay noqon lahaayeen bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba. Deegaanka qallayl xigeenka ah ee Soomaalidu waxa uu abuuray dad xoolo dhaqato ah, oo hadba u guura meeshii roob lagu sheego. Dhaqaale ahaan waxa uu abuuray dad xoolo dhaqato u badan, maxaa yeelay deegaanku beeraha ma saacidi karo. Markii uu dhaqaale ahaan abuurayay deegaanku dadkeennan xoolaha ku tiirsan waxa uu bulsho ahaanna innoo abuurayay in aan noqonno dad reer guuraa ah; oo aan salka dhulka dhigin. Waa xilligaas xilliga deegaanku go’aaminayay foolxumada ah dawlad la’aanta. Sidee deegaanku dawlad la’aanta qayb uga noqday? Sida aan soo sheegnay, dadku waxa ay dawlad noqdaan marka la is khasbo oo haddana la isku khasbanaado inta la kala guuri waayo.

Amxaarada iyo Tigreega oo ah laba qawmiyadood, oo mid waliba si iskeed ah Soomaalida ugu dhiganto, haddana dhulka ay deggan yihiin waxaa intii la doono dhawr jeer ku labanlaabmaya dhulka Soomaalidu deggan tahay. Waa beeralay labadaan qawmiyadood oo Xabashi la isku yiraahdo. Dadkaas beeralayda ah, hadda na aan dhulku ku filnayn waa astaamaha dawladnimada abuurta. Dadkaasi waxa ay yeesheen nidaam ay xoolo fara badan siiyaan, si ay uga badbaadaan, maadaama aysan ka guuri karin. Nidaamkii xoolaha iyo xoogga dadka isla helay, waxa uu noqday boqortooyo guun ah oo dhul iyo dad fara badan oo aan midaysnayn qabsaday.

Dadkaas uu qabsaday waxa ka mid ah beelo Soomaaliyeed, oo aan iyagu is ogolayn, isna khasbi karin. Maadaama aysan iyagu is khasbi karin oo aysan dawlad samaysan karin, waxaa khasbay oo dawlad ka dul sameeyay dad iyagu horay isu soo khasbay. Bilowga dawladnimadu waa khasabkaas iyo isu awood sheegashadaas. Dadkii aan is khasbi karin ee is wada awood le’eg ma ahan in ay dawlad ka fekeraan ee waa in ay sida xoolaha iska barbar daaqaan, inta dad iyagu isa soo khasbay ay u imanayaan.

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf “Taarwale”
Email: calixaad1@gmail.com