GORFAYN: Has The West Lost It? | Kishore Mahbubani – Vol: 01 – Cad: 15

 427 View

Indheergarad – Ogoosto 22, 2019 – Hakis  – Vol: 01 – Cadadka: 15aad

Buuggan gacantayda ku jira waxaa qoray Kishore Mahbubani, waxaana uu ugu magac-daray: Has the West Lost It?“. Muddo hadda laga joogo sannad. Qoraa Kishore mar kale baynu qoraal isaga ku saabsan oo kooban ka qoraynaa, maadama uu yahay mid kamid ah dadka adduunka ugu saamaynta badan. Waxaan se halkan idinkula wadaagayaa buuggan yarahan uu qoray. Waxaan rabaa hal arrin in aan xuso ka hor qoraalkayga; buuggan si qoto-dheer uga hadli maayaan, sababta waxa weeyee qoraalka haddii uu dheeraado dhallinyaro badan baa ka caajisaysa in ay dhammayso. Balse qoraalkan kooban waxa ay muhiimadiisu noqon doontaa labo arrimood: kow, in uu sawir guud idinka siiyo waxa uu buuggani ka hadlayo, labo, in uu idinku dhiirigeliyo in aad buuggan akhridaan. 

Buug yarahan waxa uu ka hadlayaa saddex arrimood oo muhiim ah: kow, waxa uu ka hadlayaa muhiimada xaadaradda reer galbeedku adduunka u leedaahay, labo, khaladaadka xeeladeed oo ay sameeyeen, gaar ahaan Maraykanka oo hormuud u ah xadaaradaas, taas oo sababtay in awooddo kale ku soo baxaan, saddex, xalka reer galbeedka iyo waxa la gudboon, si ay ula qabsadaan adduunkan aannu mar danbe ka shaqayn doonin ama go’aamin doonin amarka dunida galbeed.Inta aanan u gelin buuggan waxaa muhiim in la xuso in buuggan ciwaankiisu- Has the West Lost It?- uu dood dhaliyey, dadka qaarkoodna ay qoraaga iyo buuggiisa ku tilmaameen mid wax kicinaya (Provocative book). Balse waxaa se in mar kale la sheego mudan maaha markii koowaad oo Kishore qudhiisa taa lagu dhaliilo qoraalo hore uu qoray, sidan bay dood noocaas ah u dhaliyeen. 

Hadiyaddii Reer Galbeedka

Labo boqol oo sanno muddo ku siman oo ay adduunka hoggaaminayeen reer galbeedku, waxa ay ahayd xilligii ugu wanaagsanayd ee aadanaha soo marta ama la noolaado, weliba soddonkii sanno ee u danbeeyey. Sidii uu qoraagu qudhiisu xusayna haddii aanay guulaysteen xaadaradii reer galbeedku adduunka maanta waxa uu ku jiri lahaa xaaladda aynu maanta ku jirno mid aad ugu duwan. Balse, hadiyadda ugu qaalisan oo ay reer galbeedku adduunka kale soo gaarsiiyeen baa ah, sida qoraagu qabo, awoodda sababaynta (Power of Reasoning).  Hadiyaddaa sababaynta oo lagu daray Sayniska iyo Tiknoolojiyada waxaa qaatay dalalka Aasiya si ay dhibaatooyinka ka jira dalalkooda ugu xaliyaan. 

Fiditaanka sababaynta laga dhaxlay reer galbeedka waxa ay dhalisay saddex kacdoon oo aamusan kaas oo qeexaya guusha aan caadiga ahayd ee bulshooyin badan oo aan reer galbeed ahayn. Saddexdaa kacdoon oo kala ah: kow, Kacdoon Siyaasi (Political Revolution); kumanaan sanno bulshda Aasiya waxa ay ahayd bulsho ku dhaqanta nidaamka dhul-goosiga ah (Feudal System) taas oo ah nidaam dad faro ku tiris ah wax walba gacanta ugu jiraan iyo dadka inta badan oo dulmanayaal ah. Aasiya oo dhan dhaqankaas baa ka jiray, waxaa soo raaca nidaamka kale oo aan kaa waxba dhaamin oo afka qalaad ku noqonaya “Caste System”, oo Hindiya ku caan baxday. Qofku halkuu ka dhasho iyo cidda uu ka dasho buu ku gowracnaan jiray. Si fudud qadartu wax walba qofka u go’aamin jirtay. Haddii uu qofka ka dhashay reer dabaqada la yaso ah, sidaas buu noloshiisa ku dhammaysanaya, ma jirto sabab uu wax kale uga fekero. 

Dhammaan dadkii xilligii xukumaayey bulshooyinkaa waxa ay doonaan bay samayn jireen, maaha waxa shacabku doonaan  ama doonayaan. Ma jirin dadka xukunka hayey cid la xisaabtanta, iyagaa dadka la xisaabtami jiray. Balse qarnigii labaatanaad qaybtiisa danbe baa awoodda sababaynta ee reer galbeedka laga dhaxlay waxa ay xoraysay maskaxihii inta badan u af-duubnaa khuraafaadkaas. Is-beddelkaas siyaasi ee dhacay baa keenay in nimankii talada bulshooyinka qaybo badan oo kamid ah Aasiya ay fahmaan in dadkooda ay xaq ugu leeyihiin in la xisaabtamaan, sidaasi waxa ay ka muuqataa dalal badan oo qaatay nidaamka dimuqraadiga ah, sida: Hindiya, Jabaan, Koonfurta Kooriya iyo Sri Lanka.

Dalal badan oo aan qaadan nidaamka dimuqraadiga ah, sida: Shiinaha waxa uu noqday dal hal xisbi oo hal magac leh, balse hoggaamiyaashu kala duwanyihiin qaabka ay ay u fekeraan iyo weliba qaabka ay u dhaqmaan. Tusaale ahaan, Mao Zedong waxa uu ahaa hoggaamiye u qaab dhaqan eg, boqortooyooyinkii Shiinaha soo maray, intii uu xilka dalkaas hayey waxa uu dhib badan marsiiyey dadkiisa. Balse marka la barbar dhigo Deng Xiaoping waxa uu hagaajiyey nolosha dadka Shiinaha, maadama oo ay dhaqaale ahaan horay uga xirxirnaayeen adduunka waxa uu u furay adduunka, waxa uu wax baray dadkiisa. Shiinuhu muddo ku siman soddon sanno waxa ay saboolnimada daran (Absolute poverty) ka saareen siddeed boqol oo milyan. 

Kacdoonka labaad waxa weeye, kacdoon nafsiyaddeed (Psychological Revolution) bulsho wakhti dheer halku ku dhasho wax walba u go’aaminayeen, oo aanay halkaa dhaafi karin, balse markii uu dhacay kacdoonkaa nafsiyadeed waxaa is-bdeddashay nolasha dadka. Kuma koobnaan oo kaliya halka ay ku dhashaan iyo cidda ay ka dhashaan. Kontan sanno ka hor waxbarashada jaamacaddeed waxa ay ahayd eber, konton sanno kadib waxbarashada jaamacaddeed waxa ay noqotay caalami. 

Kacdoonka saddexaad waxa weeye, kacdoonka dhanka dawladdeed (Governance Revolution). Wakhti dheer bulshooyin badan baa qabay in dawlad wanaag in ay beddeli karto ayna ka saari karto dhibaatooyinka bulsheed oo ay wajahayaan. Balse, taas bulsho badan oo ku dhaqan dalka Aasiya waa waxa ay hantiyeen. Shiinaha, Koonfur Kooriya, Taywaan, Hoon-Koon, Singaboor, Malaysiya, Indonuusiya, Hindiya iyo dalal kale waxaa u suurto gashay dawlad wanaagii ay ku taamayeen; dalal dhowr ah oo ay kamid tahay Bangladesh, Baakistaan iyo dalal kale dawlad shaqaynaysa oo qirsan ugu yaraan in lala xisaabtamayo baa ka jira, kuwaas dhaqaale kobac sameeyey. 

Maxaa Cadaynaya in aynu Ku Jirno Wakhtigii ugu Wanaagsanaa ee la noolaado?

Balse, waxaaba macquul ah inaad shekisantahay, oo aad weli is-leedahay soo kuwan Yaman lagu dhammaaday, oo dagaalku ka socdo, soo kan Siiriya lagu baabba’ay, meeday Ciraaq? Meeday Koonfurta Suudaan? Meeday Koongo? Meeday Soomaaliya? Meeday iyo meeday? Ama waxaad weli ka shakisantahay saboolnimo adduunka ka jirta. Armaad ba ka shakisntahay dhanka waxbarashada. Baal aan ku siiyo xog yar oo kooban oo kaa qancinaysa dagaalka, waxbarashada iyo saboolnimada. Waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka, sida uu qabo Steven Pinker waxa aynu noolnahay xilligii ugu wanaagsanaa oo noole ku noolaado adduunkan. Laga soo bilaabo bartamihii qarnigii labataanaad waxaa hoos u dhacay dhibaatada adduunka. Sida 2006-dii xogteeda ku baahisay Human Security Brief waxa ay leedahay tirada ku dhimata dagaalada dhexmara dalalka waxa uu hoos u dhacay in ka badan 65,000 kun sannadkiiba, laga soo bilaabo sannadkii 1950-kii, isagoo yimid wax ka yar 2,000 kun sannadkiiba, xilligan aynu joogno. 

Dhanka kale, Max Roser oo jaamacadda Oxford  ka tirsan waxa uu leeyahay: “1950-kii afar meelood oo saddex meelood dadka adduunka ku nool waxa ay ku noolaayeen saboolnimada daran (Extreme poverty), 1981-kii waxa ay timid dadka xaaladaa ku nool 44%, 2016-kii waxa ay daraasaadku soo jeedinyeen in ay hoos ugu dhacday wax ka hooseeya 10%”. Dhanka waxbarashada waxa uu leeyahay: “sannadkii 1800-kii dadka waxna qora waxna akhriya waxaa tiradooda lagu qiyaasaayey 120 milyan, maantana waxaa lagu qiyaasaa dadka waxna qora waxna akhriya 6.2 bilyan. Dr. Peter Diamandis waxaa dooddiisa ku raacay Steven Pinker isagoo ku dooddaya in wakhtigani yahay xilligii ugu habboon ee la noolaado”. Sababta uu leeyahay Dr. Peter waxa weeye waxa uu diiwangeliyey sida loo waayey saboolnimada daran, ku shaqaynta carruurtu ay hoos ugu dhacday, dhimashada carruurta yaryar ee ka yar shan sanno ay hoos ugu dhacday, dilistii ay hoos ugu dhacday, waxbarashadii iyo aqoontiina ay gareen adduunka oo dhan. 

Waa Maxay Khaladaadka Xeeladeed (Strategy) ay Sameeyeen reer Galbeedku oo sababay in Awooddoodu hoos u dhacdo?

Mudane  Kishore Mahbubani khaladka koowaad waxa uu ka dhigay, khalad ay reer galbeedku sameeyeen,1990-kii. Sannadkan waxa ay ku beegnayd markii reer galbeedku ka adkaadeen Soofiyeedkii oo awoodda kula tartamaayey iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey dalalkii xorta ahaa iyo kuwii Sofiyeedka. Sannad ka hor, oo ku beegan 1989-kii waxaa maqaal qoray Francis Fukuyama uu ugu magac-daray: “The End of History”. Dooodda maqaalkan oo markii danbe uu buug ka dhigay waxa ay ahayd in ay guulaystay aragtida xorta ah, reer galbeedkuna ay guusha sii wadan doonaan. Aragti xorta ahni tahay nooca dawladnimo ee ugu danbaysa; halkan waxa ay ku kala leexdeen Karl Marx. Si kale qoraalku waxa uu ku dooddaayey in dagaalkii afkaareed iyo tadawur (Evolution) uu dhammaaday. Marka galbeedka laga yimaadana ay dhammaan dalalka kale isi soo dhisaan, balse galbeedku iyagu aannay u baahnayn dib-u-habayn, dadka hormuudka ahna yihiin.

Kishore ayaa ku tilmaamay in Francis Fukuyama uu dhaawac xooggan u gaystay maskaxda reer galbeedka. Xilliga Francis Fukuyama huradada u diray reer galbeedka waxa ay ahayd xilligii ay dhammaan dalalka tartanka iyo horumarka bilaabeen, gaar ahaan Hindiya iyo Shiinaha. 

Khaladka labaad oo ay reer galbeedku sameeyeen Kishore waxa uu ku tilmaamay, khalad ay sameeyeen sannadkii 2001-dii. Sannadkan waxaa Maraykan ka dhacay qaraxyadii labadii daarood ee ganacsiga, ee caanka ku ah 9/11. Sannadkan waa sannadka Maraykunku uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argaggixisada iyo weliba faro gelintii uu ku sameeyey Af-Gaaanistaan, labo sanno kadibna waxaa uu Maraykan gudaha u galay dalka Ciraaq. Balse, sannadkii 2001-kii intii uu dagaalka Maraykan ku sii jeeday waxa uu sameeyey khalad kaas oo ah in uu Shiinaha u oggolaaday in xubin ka noqdaan ururka ganacsiga adduunka (World Trade Organization), taas oo keentay fursada Shiinaha iyo waxa aqoonyahano badan ugu yeraan afka qalaad: “Creative Destruction“. 

Khaladka Saddexaad waxa uu mudane Kishore ku tilmaamay khalad dhowaan ahaa, kaas oo dhacay sannadkii 2014-kii. Tusaale yar aan bixiyo: sannadkii 1980-kii awoodda wax gadashada ama lacagta miqiyaaska lagu cabiro awoodda lacagta dal ee loo yaqaan afka qalaad (Purchasing Power Parity) taas oo lagu cabiro dalalka dhanka awooddooda lacageed, marka laga hadlayo dakhliga daleed (GNP) Maraykanka waxa uu adduunka ka ahaa 25%; halka Shiinuhu ka ahaa 2.2%. Taas oo dad badan filayeen in Shiinuhu aannu gaari karin Maraykanka. Balse, soddon iyo afar sanno kadib waxaa dhacday waxa taariikhyahanadu ugu yeeraan mucjiso, sannadkii 2014-kii awoodda wax iibsi iyo awoodda lacageed Shiinuhu waxa uu galay kaalinta koowaad, halka Maraykan galay kaalinta labaad. Balse Maraykan mar kale xaqiiqadaa dhab uguma fiirsan. 

Maxaa la Gudboon Reer Galbeedka? 

Qoraagu waxa uu qabaa in wakhtigani aannu ahayn, wakhti waxa reer galbeedku rabaan aannu ka socon doonin, si kale haddii aynnu u dhigno, ma noqon doono qarnigan iyo wixii ka danbeeye, wakhgi reer galbeedku ay qarin doonaan (domination) ama go’aamin doonaan waxa ka dhacaya adduunka. Mudane Kishore saddex talo oo saaxiibtinimo ah buu u soo jeedinayaa reer galbeedka. 

Talada koowaad: Yaraynta faro-galinta (Minimalist)

Labo boqol oo sanno ay adduunka si buuxda amarkoodu uga shaqaynaayey reer galbeedka, waxa ay ku caan baxeen faro-galin qaawan oo ay ku sameeyaan bulshooyin kale. Tusaale ahaan qarnigii sagaal iyo tobnaad qaaradda Yurub baa waxa ay guumaysatay dhammaan adduunka, marka laga reebo meelo faro ku talis ah. Markii bulshooyinkaas xorriyadii ka qaateem reer Yurub dad badan baa u qaatay in faro-galintii dhammaatay. Balse, xaqiiqdii faro-galintii reer galbeed waa wadaan. Bariga dhaxe ilaa Waqooyiga Afrika ilaa Aasiya ilaa Laatiin Ameerika waxa ay ka wadaan faro-galin toos ah. Marka qoraagu waxa kula talinayaa in ay dhaqankaas xun yareeyaan, kuna mashquulaan hagaajinta arrimaha gudahooga ah.

Talada Labaad: Multilateral

Mudane Kishore waxa uu ku dhiiri-gelinayaa reer galbeedka in ay dhowraan oo xoojiyaan hay’addaha caalimiga ah, sida: Qaramada Midoobay (UN), Hay’adda lacagta adduunka (IMF), Baanka Adduunka (WB), Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) iyo kuwa lamid ah. Waxaa uu qabaa dhaliil badan ba ha yeesheenne in hay’addahani shaqeeyeen, dagaalkii saddexaad ee adduunkana ah iyagu hor-istaageen. Waxa uu soo qaadanayaa hadal uu madaxweynihii hore Bill Clinton ka jeediyey jaamacadda Yale oo ku dhiirgelinaya Maraykanka in ay xoojiyaan hay’addaha kala duwan ee caalimiga ah,sida: Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay. Mudane Kishore waxa uu dhaliil badan u soo jeediyey dalka Maraykanka in uu wakhti dheer ku hawlanaa curyaaminta hay’addahaa, sida oo kale waxa uu ka digayaa dhaqamada foosha xun ee oday Trump in ay macquul tahay mid kamid ah hay’addaha ugu wanaagsan adduunka, oo ah waxqabad reer galbeedku asaasitaankooda ku amaanan yihiin iyo hadyad qaali ah oo adduunka soo gaarsiiyeen in uu burburin karo, taas oo ah World Trade Organization. 

Talada Saddexaad: Machiavellian

Mudane Khishore Mahbubani taladiisa ugu danbaysa oo reer galbeedka siinayo waxa weeye in reer galbeedku wax ka bartaan filosoofar Machiavelli oo ah wiilkoodii; isla markaasna ah nin aad la isugu khilaafsanyahay. Dad badan buu arka Machiavelli nin macallin u ah  xumaanta oo dhan, halka filasoofor Isaiah Berlin iyo mudane Kishore u arkaan nin la khalad fahmay, balse yoolkiisu ahaa barwaaqada bulshada iyo soo saarista bulsho wanaagsan iyada oo la maraya habab kala duwan. 

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com