Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar – Vol: 01 – Cad: 18

 364 View

Indheergarad – Ogoosto 23, 2019 – Hakisbila  – Vol: 01 – Cadadka: 18aad

Q I: Goor fiid ah, cadceedduna kolkaas uun godka  ku xarootey. Falaadhaha cirka guduudka ka dhigeyna ay weli sii muuqdaan. Laydh macaan oo aad mooddo sidii saxansaxo, roob inta uu dhulka maasheeyey, laamaha dhirta kolba dhan u ruxaysa. Shimbiraha saaka hiirtii waaberi kasoo hayaamey badda xeeligeeda, ayaa hadda deegaanka korkiisa maraya, kuna luuqeynaya codad ashqaraarka dartii diihaalkii maanta ku illowsiinaya. Dabeecadda aan weli indhuhu hore u qaban, baa dacal-ka-dacal isku xidhantey. Gashaantimaha iyo doobabka isu liishaamanaya, ee gudcurka isu sugaya.

Waxa lammaaneeyey fara ka ciyaarka dhoocilaha deegaankan bilicsan, ee kolba gacanta ku dhufanaya horaaddo giigsan, oo aan weli la jiidin, misena soo taagtaagan. Leydha fudud ee hablaha deegaanka adhaxda ka galeysa, deedna garayska ka yara fadeysa; oo doobabku il qoodha ku xadayaan, horaaddada midkood ee dhanka bidix ka muuqda. Duqeyda iyo waayeelka, da’da ah, misena awoodda iyo itaalka aan gabin, ee gadhka guduudsadey. Hooyooyinka badarka iyo buushaha kala haadinaya, ee heesaha quudka quluubta isku madadaalinaya. Carraaba oo lagu naaneyso “Johoraddii Geeska Afrika” Waa gabadh ka dhalatey boqortooyo uun tiro beelay u talisa, waa curadda Boqor Baasaweyne. waxa ay ku jiiftaa leexo ku xidhan geed baxarasaaf ah oo qasrigooda ku dhexyaalla.

Carraaba, oo isku luxeysa leexada, hareerahana lagala taaganyahay khudaarta tiro beeshay ee kala jaadka ah. Waxa lammaaneeyey, shaqaalaha aan tirada laheyn, ee u heellan dharaar kasta, kob kasta, iyo xilli kastaba. Mid u meydha, mid ufeedha, mid u saliideysa, mid u dalluugta jidhka, mid u heesta, mid u xinneysa, mid gasiinka u sameysa, mid milicda waxa ay ka hadhsan laheyd u sidda, mid hu’ga u meydha iyo mid u haggaajisa hu’ga iyo kumanaan kale oo midba shaqo gaar ah ay u heyso. Carraabo, waa gabadh timo dhaadheer oo jilicsan leh, timo aan madoobeyn aanan caseynna; isku dhex jir aad mooddo in xinnaha iyo sibaaqa lagu badhxey. Qoorteeda dhuuban, ee dherer xiggeenka ah, indhaheeda kibirka iyo jaceylku buuxiyey, sunniyaha qorqoran, sanka bagafsan ee haddan dhuubban ee waxoogaga yara dheer.

Waxa u raaca dhabannada godan! Daamanka aan aadka u kuuskuusneyn, haddana hilibku ku jiro ee khudaarta iyo gasiinka boqortooyadu nafaqeeyey. Laabteeda la simman garbaheeda isku miisaaman, naasaha ibtoodu toostoosan tahay, soo taagtaagan ee isu dhow. Haddana aan isku dhegneyn, raadinaya gacmo aad u dalliiga. Dhexdeeda madagta ah, ee dhuuban ee kolka ay ciyaareyso; aad mooddo in aan lafba ku dhex jirin. Miskaha isasa sudhan, ee aan aadka u waaweyneyn. Haddana badhyaheeda ku kala fidsan. Kala jarnaanta jidhkeeda ee seddexda jaad ah ayaa indhuhu la ashqaraarayaan.

Bowdyaha hilibka iyo baruurta isku dhafan ah, ee luxmaya, dhaqdhaqaaya, socodka jiidaya, ee dhalaalaya. Misena isku jaango’an ee aan kala socon. Ayaa cabbaar kolkii lagu luxey leexadii, roob aan badneyn soo daatey. Shaqaalihii badankood waxa ay u carareen, dhankaa iyo meel ay ka galaan roobka. Dhowrkii hareeraha ka fadhiyey ayey ku tidhi: “iska taga idinkuna, keligey baan joogayaa halkane”. Gabdhihii waa ka wada tageen, keligeed ayaa geedkii leexadu saarneyd ku soo hadhey; oo aan uun kale wehelin.

Carraaba, wixii dhibcaha roobku uga soo dusaanba geedkii ay ku leexaysaneysey, waxa mar keliya bilaabmey roob mahiigaan ah, way naxdey hanqadhka, hillaaca dhacaya. Dabadeed way soo carartey, dhiiqadii bay ku dhex kuftey. Ax! Ax! Ax! Ruugga bidix ayaa murxadey, oo diirku ka qaadmey!! Way oydey! Illeen waa gashaanti aan weligeed iin yarna soo gaadhine. Kuwo shaqaaliheedii kamid ah, ayaa usoo ordey oo kiciyey, dabadeedna qasriga qolkay ka deganeyd geeyey.

Waxa loogu qubeeyey si wanaagsan; ruuggii murxadeyna waa laga dhayey; oo dhir iyo daawo ayaa uu mariyey dhakhtar dhaqameedkii qasrigu. Carraaba hu’ ay isku dedo ayaa loo keenay, gasiin diirranna waa loo soo sameeyey. Intii dab ay kulaasho, oo qandhada iskaga biiso loogu maqnaa, ayaa halmar waxa garabkeeda oo hu’gu ka yara dhacey, ay dareentay gacan kulul, oo naxariisi ka muuqato oo la saarey. Mar way naxdey oo waa ayyo ayey tidhi! Marna niyadda ayey ka laheyd: “Jannadan lagu saarey maxay ahayd?!”

Looma warcelin! Tolow waa ayyo? Ma shaqaalihiibaa? Ma doobabkii qasrigaa? Bal adba!! Johoraddii Carraaba wa ay naxdey, dabadeed waxa ay damacdey in ay soo jeedsato oo indhaheeda bal ay ku aragto waxan la saarey ee jannada lagu masaaleeyey. Mise cidba ma joogto; oo waa meel madhan! Cabsi iyo argagax ayaa kusoo degay Carraaba. Waa ayyo? Waa ayyo? Ayey dhowr jeer ku celcelisey. Balse nasiib xumo, cidna uma warcelin! Dhidid badan baa kasoo yaacey Carraaba, kol dhaweydna dab ay kulaasho ayey sugeysey!! Kaaf iyo kala dheeri!! Gacmaha ayaa jareeyey oo gariirey! Bishimaha afka ayaa gariirey, baqasho darteed. 

Lugaheedii dhulka ayey ku dhegeen, cid ka fujisa oo dhaqaaq tidhaa ayey ku reyn laheyd. In mowdkii hortaaganyahay ayaad moodeysaa! Wey dheygagtey, oo dhakafaartey, oo amakaagtey, oo anfariirtey, oo kala qabowdey, oo isku qabowdey! Durbadiiba, waxa usoo galey shaqaalaheedii mid kamid ah, oo dabkii ay kulaali laheyd u sidda. Markay aragtey amiiraddii qasriga, oo aan hadal kasoo baxeyn, haddana aan dhaqaaq laheyn. Ayey billowdey in ay la hadasho, waaba loo warcelin waayey! Way kusoo dhawaatey; oo taabatey, kuna tidhi: “Marwo Carraaba, maxaa ku helay?” Yaa!! “Maxaa ku qalajiyey?” Way ruxdey. Hal mar ayaa shooggii ku dhegay ka fuqey Johoraddii, oo ay sidii qof hurdo kasoo kacey. Kuna dhegtay shaqaalaheedi, oo ay tidhi: “Waxaan garaneyn, baa garabka gacanta iga saarey, oo gacan diiran lahaa, kolki dambena waan waayey, muxuu ahaa? Ma adiga ayey aheyd tolow?” May iyo mooji ayaa ay iskugu warceliyeen!!

Johoraddii Carraaba, waxa ay ku qancisey in ay is moodsiisey uune, aysan wax u yimid oo gacan garabkeeda saarey jirin. Isna dejiso, oo nasato. Balse Johoraddii Carraaba, taabashadaasi maankeeda waa ka bixi weydey habeenkii oo dhan. Mar waxa ay isweyddiisaa, waxa uu ahaa. Kol kale na waxa ay maankeeda ku wareerisaa, sida fudud ee ay u weydey markii ay soo jeesatey! Kol kale na niyadda waxa ay ka tidhaa: “Allow yaa kugu soo celiya taabashadaasi garabka lagaa saarey, ee aanad weligaa dareemin” Habeenkii sidii baa waagu ugu baryey Carraaba, oo ay aroortiina uga kacdey furaashkii iyo xariirtii ay ku jiiftey!

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com