Johoraddii Geeska | Vol: 01 – Cad: 18aad

 14 View

Indheergarad – Ogos 23, 2019 – Hakisbila – Vol: 01 – Cadadka: 18aad

Goor fiid ah, cadceedduna kolkaas uun godka ku xarootey, falaadhaha cirka guduudka ka dhigeyna ay weli sii muuqdaan, laydh macaan oo aad mooddo sidii saxansaxo roob inta uu dhulka maasheeyey laamaha dhirta kolba dhan u ruxaysa. Shimbiraha saaka hiirtii waaberi kasoo hayaamey badda xeeligeeda ayaa hadda deegaanka korkiisa maraya, kuna luuqeynaya codad ashqaraarka dartii diihaalkii maanta ku illowsiinaya. Dabeecadda aan weli indhuhu hore u qaban baa dacal-ka-dacal isku xidhantey. Gashaantimaha iyo doobabka isu liishaamanaya ee gudcurka isu sugaya. Waxa lammaaneeyey fara ka ciyaarka dhoocilaha deegaankan bilicsan ee kolba gacanta ku dhufanaya horaaddo giigsan oo aan weli la jiidin, misena soo taagtaagan. Leydha fudud ee hablaha deegaanka adhaxda ka galeysa deedna garayska ka yara faydeysa; oo doobabku il qoodha ku xadayaan horaaddada midkood ee dhanka bidix ka muuqda. Duqeyda iyo waayeelka da’da ah misena awoodda iyo itaalka aan gabin, ee gadhka guduudsadey. Hooyooyinka badarka iyo buushaha kala haadinaya ee heesaha quudka quluubta isku madadaalinaya. Carraaba oo lagu naaneyso “Johoraddii Geeska Afrika” waa gabadh ka dhalatey boqortooyo uun tiro beelay u talisa, waa curadda boqor Baasaweyne. waxa ay ku jiiftaa leexo ku xidhan geed baxarasaaf ah oo qasrigooda ku dhexyaalla.

Carraaba oo isku luxeysa leexada hareerahana lagala taaganyahay khudaarta tiro beeshay ee kala jaadka ah waxa lammaaneeyey shaqaalaha aan tirada laheyn ee u heellan dharaar kasta, kob kasta iyo xilli kastaba. Mid u meydha, mid ufeedha, mid u saliideysa, mid u dalluugta jidhka, mid u heesta, mid u xinneysa, mid gasiinka u sameysa, mid milicda waxa ay ka hadhsan laheyd u sidda, mid hu’ga u meydha iyo mid u haggaajisa hu’ga iyo kumanaan kale oo midba shaqo gaar ah ay u heyso. Carraabo, waa gabadh timo dhaadheer oo jilicsan leh, timo aan madoobeyn aanan caseynna; isku dhex jir aad mooddo in xinnaha iyo sibaaqa lagu badhxey. Qoorteeda dhuuban ee dherer xigeenka ah, indhaheeda kibirka iyo jaceylku buuxiyey, sunniyaha qorqoran, sanka bagafsan ee haddana dhuubban ee waxoogaga yara dheer waxa u raaca dhabannada godan! Daamanka aan aadka u kuuskuusneyn haddana hilibku ku jiro ee khudaarta iyo gasiinka boqortooyadu nafaqeeyey.

Laabteeda la simman garbaheeda isku miisaaman, naasaha ibtoodu toostoosan tahay, soo taagtaagan ee isu dhow, haddana aan isku dhegneyn, raadinaya gacmo aad u dalliiga. Dhexdeeda madagta ah ee dhuuban, ee kolka ay ciyaareyso aad mooddo in aan lafba ku dhex jirin. Miskaha isasa sudhan ee aan aadka u waaweyneyn, haddana badhyaheeda ku kala fidsan. Kala jarnaanta jidhkeeda ee seddexda jaad ah ayaa indhuhu la ashqaraarayaan. Bowdyaha hilibka iyo barruurta isku dhafan ah ee luxmaya, dhaqdhaqaaya, socodka jiidaya, ee dhalaalaya, misena isku jaango’an ee aan kala socon ayaa cabbaar kolkii lagu luxey leexadii roob aan badneyn soo daatey. Shaqaalihii badankood waxa ay u carareen dhankaa iyo meel ay ka galaan roobka. Dhowrkii hareeraha ka fadhiyey ayey ku tidhi: “Iska taga idinkuna, keligey baan joogayaa halkane”. Gabdhihii waa ka wada tageen, keligeed ayaa geedkii leexadu saarneyd ku soo hadhey; oo aan uun kale wehelin.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email:
barawaani@yahoo.com