Maxay Ku Horumareen Bulshooyinka Horumaray? – Vol: 01 – Cad: 17

 412 View

Indheergarad – Ogoosto 23, 2019 – Hakisbila  – Vol: 01 – Cadadka: 17aad

Qarnigii koowaad [CE] GDP- ahaan, adduunka Aasiya waxa ay ka ahayd 76.3%, halka galbeedka Yurub ay ka ahaayeen ama ka soo geli jireen GDP ahaan 10.8%. Sannadku markii uu ahaa 1000 (CE) galbeedka Yurub hoos bay u dhaceen, oo waxay GDP ahaan tageen 8.7%, Halka Aasiya ay ka ahayd 70.3%. Balse, Kacdoonkii warashadaha (Industrial Revolution) baa dhaliyey isbeddel ay dhaqaalaha adduunku uu ka wareego dunida Aasiya una wareegi doona galbeedka Yurub. 

Sannadku markii uu ahaa 1820-kii galbeedka Yurub saamigoodu waa kordhay waxa uuna tagey 23.6%, halka Aasiya uu hoos u dhac ku yimid aynna tagtay 59.3%. Dhulalka ay reer Yurub deegaamaysteen, ee kala ah: Maraykanka, Kanada, Ustareeliya, Niyuusii-laan oo lagu naanayso (Western Offshoots), ayaa iyaguna ka qayb qaatay horumarka dhaqaale ee adduunka. Laga soo bilaabo sannadkii 1820-kii dhowrkan dal ayaa dhaqaale koror xawli ku socda ku tallaabsaday. Dalalkan aan soo tilmaamay, ayaa GDP ahaan ka ahaa adduunka wax ka badan 25%, sannadku markii uu ahaa 1998-dii, halka saamiga reer galbeedka Yurub ay ka ahaayeen 20.6%, sidoo kale Aasiya ay ka ahaayeen saami ahaan 37.2%. 

Tiro-koobkaa aan ku siiyey aan si kale u dhigo. Labo qarni marka laga reebo oo reer Yurub adduunka xukumayeen, inta badan awoodda dhaqaale ee adduunka waxa ay ahayd Aasiya. Horumarka reer Yurub oo ay arrimo badan; oo aan qoraalkan kaga sheekayn doono ay keeneen, waxa uu ku socday xawaare. Su’aashu waxa weeye: Maxaa galbeedka Yurub iyo dhulka ay deegaamaysteen, ee aan kor ku soo xusay keenay horumarkooda? Maxaa se Aasiya oo dhaqaalaha adduunka hoggaaminaysay dib-u-dhacooda keenay? Maxaa kaanay horumarka Aasiya, markii danbena? Maxaa keenay in awoodda dhaqaale iyo mida siyaasadeed ay qarnigan inta aynnu ku jirno u wareegayso Aasiya? 

Qoraalkan ma noqon doono aragti oo qura (theoretical), balse, waxa uu si qoto-dheer uga sheekayn doonaa qodobadii horumarka u keenay reer Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo weliba wax ka yar afartan sanno dalal badan oo ku yaal Aasiya. Waxaan ka sheekayn doonnaa toddobo qodob, oo aynnu qodob qodob u dul istaagi doonno. Qoddobadan aan ka sheekayn doono waa qodobadii uu ugu yeeray qoraaga Kishore Mahbubani “Seven pillars of westerm Wisdom”. Qoraalkan baa sidoo kale, tusaalihisa ugu badan ku soo qaadan doona, qaaradda Aasiya, galbeedka Yurub iyo weliba Waqooyiga Ameerika.  Maadama ay yihiin dalal soo tijaabiyey toddobadan qodob. 

Dalka Jabbaan waxa uu kamid yahay dalalkii ugu horreeyey ee ku dayday kuna baraarugay horumarka galbeedka. Dalalka Aasiya dhaca waxa ay ka horreysay hal qarni iyo kontan sanno marka laga hadlayo horumarka. Qarnigii sagaal iyo tobnaad, gaar ahaan sannadkii 1860-kii ayaa koox la baxday: “Meiji Reformers”, oo ay ka go’antahay in ay dalkooda ka badbaadiyaan hagardaamada gumaystaha reer galbeedka ee Aasiya ku siqay iyo adduunka kale waxa ay u jihaysteen dhanka iyo galbeedka, si ay u soo ogaadaan sirta ka danbaysa horumarka galbeedka. Waa soo heleen sirtii! Dalka Jabbaan sirtii markii uu hirgeliyey waxa ay kamid noqdeen dalalka horumaray. Hal qarni kaddib waxaa sirtii helay dalalka la isku dhaho afarta Shabeel: Singaboor, Taywaan (Taiwan), Koonfurta Kuuriya (South Korea), Thailand iyo Hong Kong; markii ay sirtii dhaqan galiyeenna horumar sameeyey. Malaysiya ayaa iyana heshay sirtaas, taas oo horumar dhaqaale ku tallaabsatay. Halka dalka Shiinaha iyo Hindiya ay heleen labaatankii illaa soddonkii sanno ee u danbeeyey. Waxaa xusid mudan horumarka Shiinaha iyo weliba Hindiya in ay gilgileen adduunka. Sababtu waxa weeye, tirada dadka oo ka badan dal walba oo maanta jira. 

Qodobka koowaad: Dhaqaalaha Suuqa xorta ah “Free-market Economics”. 

Taariikh kala duwan oo nidaamka dhanka dhaqaalaha baa ay reer Yurub soo mareen, taariikhyannada iyo aqoonyahannada dhaqaalaha ayaan qayb badan oo nidaamyadaa dhaqaale kamid ah, isku diiddanayn. Nidaamka suuqa xorta ah inta aannay reer Yurub u gudbin waxaa ka horreeyey nidaam dhaqaale oo loo yaqaannay “Feudel system”. Kaas oo dad yar ay dhulka lahaayeen, dadka inta kalena shaqaale u ahaayeen. Nidaamka Yurub waxa uu ka jiray xilliyada ay ugu yareen: “Xilligii madoobaa”, ee Yurub (Dark Ages). Nidaamkaa waxaa galaaftay kacdoonnadii ka curtay Yurub; isla kacdoonnadaasina waxa uu keenay nidaamka suuqa xorta ah (Free-Market Econimics). Inkasta oo ay aqoonyahanno badan ka biyo diideen nidaamkaas, oo uu kamid yahay Karl Marx, balse, lama dafiri karo, doorkiisa uu ka ciyaaray horumarka baaxda weyn ee Yurub. Adam Smith oo ah aabbaha suuqa xorta ah, waxa uu aaminsanaa in horumarku ka yimaaddo qofka oo xorriyad la siiyo iyo suuqa oo xor looga dhigo. Taasi wax ay keenaysaa in qofku halkuu doono ka shaqayn karo, cidii uu rabona u shaqayn karo, sidii uu rabona ugu shaqayn karo. Labo, in qofku xirfaddiisa iyo fikraddiisa suuqa xorta ah ka iibin karo. Taasina dawladdu ma keentee, waxaa keena suuqa xorta ah.

Aasiya ayaa iyana waxaa ka jiray nidaamyo aan sidaa uga fogeyn nidaamkii hore oo aynnu soo xusnay, kuna sheegnay: “Feudel System”. Balse, nidaamkaas waxaa ka sii daray markii dalal badan oo xorriyad qaatay ay ka fiirsi la’aan u qaateen–oo haddana khalad fahmeen Karl Marx, aragtida Hanti-wadaagga (Communism). Dawladdaa ah cidda kaliya ee wax walba suuqa ku sahabsan go’aamin doonta, waana waxa dalal badan oo Aasiya ah, Afrika ah iyo weliba Latin Amerika ah dib-u-dhacooda keenay. Dadkii baa maskax ahaan la curyaamiyey, maadaama qofku aannu wax walba samayn karin, oo sidii dawladdu rabto wax walba loo qabanayo, sida oo kale mushahar isku mid ah la wada siinayo. Taasi waxa ay abuurtay curyaamin dhaqaale iyo mid maskaxeed.

Waa tii ay jirtay oraah caan ah, oo lagu sifayn jiray dadkii ku hoos noolaa dawladdihii shuuciga ahaa, taas oo oranaysay: “They pretend to pay us, we pretend to work”. Qolooyinkan Hanti-wadaagga ayaa aaminsanaa in ay yihiin siyaasiyiin loo soo diray in burburiyaan dhiigmiirata iyo daalimiinta xoogga iyo xeeladda ku haysata bulshada, ee uu Karl Marx ugu yeeray: “Bourgeousie”, una hiilayaan dadka tirada badan ee dulman, ee uu isla Karl Marx ugu yeeray: ” Proletariat”. Yoolkooduna yahay bulsho bilaa dabaqad ah, bulsho si siman khayraadka u qaybsata iyo bulsho wada hormarsan. Dhammaan dalalkii qaatay fikraddii dhaqaale ee Hati-wadaagga, dhammaadkii waxa ay ka sinaayeen, hal shay: “Koritaan la’aan dhaqaale iyo horumar la’aan”. Dalka Shiinaha oo wakhti dheer ku dhaqmaayey nidaamka dhaqaale ee Hanti-wadaagga ayaa waxa uu nidaamkaas dhaqaale ka guuray xilligii uu hoggaaminaayey Shiinaha Deng Xiaoping,  sannadku markii uu ahaa 1979-kii. Dunida saddexaad dalalkii ugu horreeyey ee xornimada markii ay qaateen ka biyo diiday aragtidii dhaqaale iyo siyaasaddii Soofiyeedka iyo hanti-wadaagga waxaa kamid ahaa Singaboor iyo hoggaamiyahooda Lee Kuan Yew. Hoggaamiyahan ayaa qaatay aragtida dhaqaale ee suuqa xorta ah. Soddonkii sanno ee ugu horreeyey ee xorriyadda haysatay (1965-1995), Singaboor ayaa samaysay horumar dhaqaale, sannadkii celcelis ahaan 8.6%. Gross National Income-ka (GNI) ayaa ka yimid hal bilyan sannadkii 1965-tii, illaa 86 bilyan sannadkii 1995.

Dawladda Shiinaha markii u soo guurtay nidaamka dhaqaale ee suuqa xorta ah, meelihii ugu horreeyey ee ka faa’idaystay waxa kamid ahayd magaalada Shenzhen. Magaaladan aadka u yarayd, ee kalluumaysiga iyo dib-u-dhaca caanka ku ahayd, deriskana la ahayd Hong Kong oo horumar dhaqaale samaysay. Dhaqaalaheeda ayaa aad u koray, kaddib markii Shiinaha qaatay aragtida suuqa xorta ah. Intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 2005-tii dadka magaaladaas ayaa kordhay soddon kun ilaa kow iyo toban milyan. Dhaqaalaheeda ayaa kordhay celcelis ahaan 28% intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 2004-tii. Shenzhen ayaa waxaa hadda ku taal dekedaha kontaynarka ugu mashquulka badan, sida oo kale garoonka diyaaradaha afraad ee Shiinaha ugu mashquulka badan. Magaaladan ayaa dhaqaale ahaan koradhay 126 jeer, taas la macno ah, in ay xattaa Singaboor dhaaftay. 

Shiinaha kaliya maaha, xattaa Hindiya iyo dalal kale oo Aasiya kamid ah, horumarkoodu waxa uu bilaabmay markii ay qaateen aragtida dhaqaale ee suuqa xorta ah. Sannadkii 2007-dii warbixintii Baanka adduunka (World Bank) ee uu ugu magac daray: “World Economic Prospects: Managing the Next Wave of Globalization”. Waxa ay xuseen intii u dhaxaysay 1981 ilaa 2001-dii in dalalka dhaca bariga Aasiya ay saboolnimada daran aad hoos ugu dhacday; Shiinaha oo qura waxa uu saboolnimadaas ka saaray dad ka badan afar boqol oo Milyan. Sannadkii 2000 tiro lagu qiyaaso 56 Milyan ayaa ahayd [adduun ahaan] dabaqadda dhexe dhaqaale ahaan (Middle Class), 2030 waxaa la rejaynayaa in tiro lagu qiyaaso 361 milyan in ay kamid noqdaan dabaqadda dhexe, tiradaas oo ka badan tirada dalka Maraykanka.

Qodobka labaad: Sayniska iyo Tiknooloojiyadda “Science and Technology”

Rumayso ama ha rumaysan, bulsho walba bulshada ay ka horreyso dhanka Sayniska iyo tiknooloojiyadda waa ka hormarsantahay. Sababta ugu weyn oo ay labo boqol oo sanno ay adduunka reer Yurub iyo Maraykan u xukumayaan, waxa weeye: Sayniska iyo Tiknooloojiyadda. Ilaa qarnigii toddoba iyo tobnaad ilaa kii siddeed iyo tobnaad Aasiya saynis ahaan iyo tiknooloojiyad ahaan waxa ay la sinnaayeen kaa reer Yurub, balse wixii ka dambeeyey labadaa qarni Yurub ayaa noqotay midda hormartay. Sida uu qabo qoraa Kishore Mahbubani, sababta Aasiya ka reebtay reer Yurub, waa: wadaadadii diimaha ama maskaxdii diimaysnayd taas oo ku gacan saydhay horumarka adduunka iyo aaminaad la’aan horumarka aadanaha. Waxaa kaloo xusid mudan in reer Yurub wakhti dheer boqortooyo iyo wadaaddo iskaashanaya ay diidanaayeen sayniska iyo tiknooloojiyaddaba.

Dhowrkii qarni ee ugu dambeeyey horumarka ugu weyn ee aadanuhu gaaray baa ahaa, horumarka sayniska iyo tiknooloojiyada. Caalamka waxaa maanta ka dhigay hal qol; sida uu yiri Thomas Friedman–oo aan waxba u kala qarsoonayn, oo waa labadaas shay oo aynnu soo xusnay. Haddaba, wakhti dheer oo ay Aasiya ka dambaysay Galbeedka dhinaca Sayniska iyo Tiknooloojiyada, maanta horumar wanaagsan bay ka sameeyeen. Waxaaba muuqata in Aasiya ayba meelaha qaar kaga hormartay reer Yurub, marka la joogo Sayniska iyo Tiknoolajiyadda.

Bishii tobnaad, sannadkii 2006-dii, wargayska Time Magazine waxaa uu soo qaatay sheeko uu cinwaan uga dhigay: “Asia’s Great Science Experiment”. Waxa uu qoraalkoodu soo xiganayaa saadaal uu sameeyey Richard Smalley, oo ahaa aqoonyahan ku guulaystay Nobel Chemistry-ga, kaas oo uu yiri: “Sannadka 2010, 90% dadka ku guulaysanaya shahaada PHD-da sayniska iyo injineernimada waxa ay noqon doonaan Aasiya. Sida oo kale dawladdaha Aasiya ayaa kor u qaaday maalgelintooda Sayniska. Intii u dhaxaysay 1995 ilaa 2005 dawladda Shiinaha ayaa labo laabtay dhaqaalaheeda “GDP” ayaa galinayso cilmi baarista iyo horumarka. Waxa ay ka soo dhaqaaqday 0.3% ilaa 1.3%. Halka Koonfurta Kuuriya ay iyaduna samaysay maalgelin taa lamid ah. Sannadkii 1994 dawladda Koonfur Kuuriya ayaa dhaqaale ahaan gelisay daraasaadka iyo horumarka dhaqaale lagu qiyaaso 9.8 bilyan, halka sannadkii 2004 ay geliyeen 19.4 bilyan. Dawladda Maraykanka ayaa maalgelinta ay ku sameyso sayniska iyo injineernimada hoos u dhac ku yimid.

Hindiya ayaa iyana horumar aad u sarreeye ka samaysay sayniska iyo tiknooloojiyada. Hindiya waxaa ku yaal jaamacadaha iyo macaahidda ugu wanaagsan ee adduunka laga barto tiknooloojiyadda iyo Sayniska. Singaboor, Malaysiya, Hong Kong, Koonfur Kuuriya, Indonoosiya, Taywaan, dhammaantood waxa ay horumar ka sameeyeen dhanka tiknooloojiyadda iyo Sayniska. Dal walba horumarka dhanka baarista Sayniska iyo tiknooloojiyadda waxa ay ku xiranatahay inta qof oo “PHD”, ka haysataa cilmigaas. Aasiya waxa ay horumar weyn ka samaysay in ay saamayn toos ah ku yeelato cilmigaas. Warbixintoodii ay Baanka Adduunku (WB) ay ugu magac dareen: “Global Economic Prospects: Managing the Next Wave of Globalization” waxa ay soo bandhigeen in ardayda Aasiya ee dalka Maraykanka ka diyaarisa Sayniska iyo Injineernimada, kuna diyaarisa “PHD”, in ay koreen.

Laga soo bilaabo sannadkii 1983-dii ilaa 2003-dii ardayda afar dal oo Aasiyaan ah, oo kala ah: Shiinaha, Taywaan, Hindiya iyo Koonfur Kuuriya, ayaa helay wax ka badan 50% ardayda Maraykanka ee ka qalin-jebisay Sayniska iyo Injineernimada, taas oo ku guddoomeeen shahaadada “PHD”. 176, 000 waxa ay ka heleen 89, 700 kun. Taas oo ka badan afar jeer ardayda reer Yurub ee waxka dhigata Maraykanka. Reer Yurub ayaa ka helay (23, 000), Shiinaha ayaa ka helay arday ka badan 35, 300 kun oo ardayda ka qalin-jebisay jaamacadaha Maraykanka, gaar ahaan kuwa shahaada “PHD” ku diyaariyey Sayniska iyo Injineernimada. Sannadihii u dhaxaysay 1993 ilaa 2003 ayaa ardayda shahaada sare ee “PHD” ku diyaariyey Sayniska iyo Injineernimada lagu qiyaasaa 19, 700; isla sannadahaas intii u dhaxaysay ardayda Hindiya ayaa iyana ka helay 17, 500, halka ardayda Koonfur Kuuriya ay ka heleen 17, 000 kun. Aan ku soo koobo qodobkan, dal walba oo hormaray waxa ay horumar ka sameeyeen sayniska iyo Tiknooloojiyadda.

Qodobka Saddexaad: Karti iyo Hufnaan “Meritocray”

Buuggiisa: “The New Asian Hemisphere, the Irresistable Shift of Global Power to the East”. Kishore Mahbubani Waxa uu isku weyddiiyey su’aashan: Why is Brazil a soccer superpower and an economic middle power? Maxay Brazil u noqotay awood caalamiya marka la joogo kubbadda cagta? Maxay sidoo kale dhaqaale ahaan ay u noqotay  mid dhexe awood ahaan? Waxa uu qoraagu kaga jaawabayaa: Brazil marka kubbadda cagta la joogo waxaa la soo xula dadka kartida leh, sida oo kale fursad loo simanyahay waxaa la siiyaa dadka kubbadda ciyaara, iyadoo marka la soo xulayo laga soo xulo magaalo walba. Balse, marka siyaasadda iyo dhaqaalaha la joogo dabaqad goonniya ayaa sida ay rabto wax walba u maamusho, halka aan dadka lagu xulan karti iyo hufnaan.Dhammaan ururada iyo hay’adaha ugu awoodda badan adduunka, ee sida gaarka ah loo leeyahay; ha noqoto jaamacad ama ganacsiye, waxaa ay u guulaysteen waxa weeye, dadka hawl-wadeennada ah ama ugu sarreeya waxaa lagu xushaa karti, aqoon iyo khibrad. Dalalka maanta horumarka gaaray, bilowga horumarkooda, waxa ay ka sinnaayeen hal mid, kaas oo ah: karti in qofka lagu xusho. Reer galbeedka ayaa karti iyo hufnaan caan ku ahaa, ilaa ay qoraayasha qaar yiraahdaan, waxaaba curiyey reer galbeedka. Balse, xaqiiqadu maanta waxa weeye, dal walba oo hormaray iyo sida oo kale hay’ad walba ama urur si gaar ah loo leeyahay oo guulaystay waxaa dadka lagu xushaa karti iyo aqoon. Afrika iyo Latin Amerika waxa ay ku fashilmeen waxa weeye dadka hoggaanka ummadda u haya karti iyo aqoon kuma yimaaddaan. Tusaale yar aan ku siiyo: Maxay shirkadda Dahabshiil u guulaystay? Soomaalilaan se maxay ugu guul-darraystay in ay dhisto hal cistbitaal oo tayo leh, muddo labaatan sanno ka badan? 


Qodobka Afraad: Waaqici “Pragmatism”

Ma garanayo in weedha waaqici ay macno ahaan noqon karto “Pragmatism“, ama ay macno ahaan buuxin karto. Balse, weedhaas [Pragmatism] waxaa qeexideeda bixiyey hoggaamiyihii Shiinaha ee horumarkeeda ka danbeeyey, laguna magcaabo Deng Xiaoping, kaas oo sidan u qeexay: “It doesn’t matter whether a cat is black or white; if it catches mice, it is a good cat”. Taas oo macno ahaan noqonaysa: “Muhiim maaha in bisaddu caddahay ama madowdahay, haddii ay qabanayso jiirka waa bisad wanaagsan“. Qeexiddan macno ahaan waxa ay noqonaysaa, in aanad noqon qof ay hal waddo oo keliya hay. Kaas oo fikradaas ku dheggan, xattaa haddii ay shaqayn waydo (Dogmatic Mind). Dhaqaalyahankii reer Ingiriis John Maynard Keynes markii uu beddalay fikradiisii ku aadanayd dhanka dhaqaalaha, waa tii aad loogu dhagay qarnigii labaatanaad, si fudud; oo caqli ku dhanyahay waa tii u yiri: “When the facts change, l change my mind”. Taas oo caan ka noqotay adduunka. Xigmaddan dhaqaalyahanka ayaa caddayn u ah, in qofku wakhtiga iyo daruufta la noolaado, oo aanu noqon qof hal fikrad (Ideology) iskaga dheggan,  balse uu ku dhaqmo felsafaddii Malcom X ee ahayd: “By any means neccessary”. 

Dal walba oo aad aragto oo hormmaray, waxa asaas u ahaa “Pragmatism”. Dalkii ugu horreeyey oo fahmay sirta reer galbeedka ay ku hormareen, waxa uu ahaa Jabbaan. Jabbaan iyagoo cabsi ka qaba, ayey qarnigii sagaal iyo tobnaad markii ay arkeen awoodda reer Yurub, waxa ay door bideen in ay koox u diraan magaalooyinka kala duwan ee Yurub, si ay dal waba waxa uu ku wanaagsan yahay uga soo bartaan. Jabbaan shaqaalaysiinta hay’adaha dawladda (Civil Service Recruitment) waxa ay kaga daydeen Jarmalka. Manhajka waxbarasho waxa ay kaga daydeen Maraykanka. Sida oo kale waxa ay reer galbeedka ka soo qaateen nidaamka sharciga iyo maxkamadaha. Intaas kaeliya kuma koobnaane, waxa ay ka barteen reer galbeedka qalabka ay beeraha u isticmaalaan, si ay dhaqaalahooda kor ugu qaadaan.

Galbeedku haddii ay hormuud u ahayeen Jabbaan; Jabbaan baa hormuud u noqotay dhammaan dalalka kale ee Aasiya. Dalalkii koowaad ee ku dayday, waxaa kamid ahaa: Singaboor, dabadeed Hong Kong, Koonfur Kuuriya, Taywaan, Malaysiya iyo weliba Shiinaha iyo Hindiya. Tusaale ahaan: Shiinaha oo muddo ku dheganaa afkaaraha hanti-wadaagga Shiinaysan, ayaa waxaa xilka qabtay Deng Xiaoping, safar uu ku tagay 1979 Singaboor, Kuala Lumpur iyo Bangkok ayaa beddeshay afkaartiisii dhaqaale oo dhan. Seddexda magaalo ee uu tagay, saddexduba waxa ay ka hormarsanaayeen magaalooyinka Beijing iyo Shanghai. Waxa uu Shiinaha ka keenay hanti-wadaag, waxaana ay u guureen hanti-goosad (Free Economics). Dhammaan dalalkan Aasiya horumarkooda waxaa hormuud u ahayd aragti siyaasadeed ee loo yaqaan “Look East”. Taas oo ah, in dalalka aan galbeedka ahayn, ee horumaray wax laga barto sida: Jabbaan. Arrinkani dalalka oo keliya goonni kuma aha, balse, hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo weliba shakhsiyaadka dadkooda u kacay, si horumar u gaarsiiyaan waa isticmaalaan. Maxamed Yoonis, oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa 1971-dii jaamacad ka soo dhammeeyey dalka Maraykan, waxaana uu ku soo diyaariyey dhaqaalaha. Bilowgii waxa uu ku biiray jaamacad ku taal magaalada dekadaha Chittagong halkaas oo uu bare ka noqday. Wax badan isaga oo aan dhigayn buu ka tagay, si uga gudbo aragti baa sidaas tiri, oo warqad ku qoran, oo ula yimaado wax dhab ah, oo shaqaynaya. Xusuusnow Bangladesh markaas bay dagaal ka soo baxday, sannado badan waxaa dhib badan u gaystay Baakistaan oo ay dal wada ahaayeen. Bangladesh dhul ahaan waa dal aad u yar, marka laga reebo dhanka badda. Khayraad badan oo dadkooda deeqa ma haystaan, waxaana markaas u raacday jahwareer siyaasaddeed iyo masiibooyin dabiiciya.

Sidaas buu waxa uu ku bilaabay “Micro-credit”. Dayn yaryar oo dadka la siiyo. Balse, isagu waxa uu dayntiisa siiyaa dumarka, gaar ahaan kuwa aadka ugu baahan. Maanta waxa uu kamid yahay dadka Bangladesh la mahadiyo, balse, barnaamijkiisiina waxa uu dhaafay Bangladesh, waxaana uu gaaray adduunka kale, xattaa Maraykanka. Farqiga u dhaxeeyey Maxamed Yuuniskii macallinka ahaa iyo Maxamed Yuuniska dadka lacagta u qaybinaya waa: Macallinku qofka aragti buu baraa, tusaale ahaan waxa uu baraayey, sida dhaqaale loo sameeyo, iyagoo aannay dadkuba dhaqaale haysan. Balse, Yooniska danbe waxa uu ahaa “Pragmatic”, sida uu ku sheegay buuggiisa: The World of Three Zeros”.  Maxamed Yuunis sannadkii 2006 buu ku guulaystay Noble Prize.

Qodobka Shanaad: Dhaqanka Nabaddeed “Culture of Peace”

Dalal badan oo Afrika waxyaabaha ay ku fashilmeen waxaa kamid ah nabad in ay usoo jiidaan dadkooda, oo ay ka jiidaan dagaalo. Dalalkaas waxaa kow ka ah dalka Soomaaliya. Muddo ku siman soddon sanno ku dhow, baanay dawlad dalka oo dhan maamusha yagleelin, welina siyaasi dabo dhilif ah ama mid hangaaban ama mid aqoon yari hayso baa kursi iyo siyaasadda dalka siduu rabo ka yeelaya. Dalalka Soomaaliya deriska la ah, siyaasad xumadooda iyo garasho xumadooda waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen curyaaminta dawlad Soomaaliyeed, taas bay u qaateen in ay dani ugu jirto, balse, xaqiiqadu waxa ay tahay, Soomaaliya oo dhisan baa uga faa’ido badan, Soomaaliya dunsan.

Arrinta nabad in lagu guul-daraystaa dalalka saboolka ah goonni kuma ahee, waa arrin shaacsane ah. Reer Yurub oo horumar wanaagsan sameeyey, baa maalin cad qoryo isku qaatay, iskana dilay dad tiro beel ah, taas oo keentay in awooddoodii hoos u dhacdo, oo ay lacag baryo ah u doontaan Maraykanka, halka qaarka kale hoos galaan awooddii Soofiyeedka. Balse, hal gobol ayaa qoryaha iyo hubka soddonkii sanno ee u danbeeyey aamusiyey, gobolkaasina waa Bariga Aasiya. Aasiya waxa weeye qaaradda keliya ee hubka Nukliyeerka lagu garaacay, Jabbaan soo ma xasuusatid. Haa, isbuucan baa loo dabbaaldegayaa sannad guuradiisii.  Fiitnaam wixii ka dhacay ha sheegin, labada Kuuriya warkooda daa. Baakistaan iyo Hindiya halkee ku illowday? Meeday Shiinaha iyo Hindiya? Meelo badan oo adduunka kamid ah dhaqaalaha dal oo kordha waxa ku lammaan dagaal, sida oo kale dhaqaalaha dal oo burbura waxaa ku lammaan dagaal. Intaas iyadoo ay dhaceen haddana dalalka dhaca bariga Aasiya, waxa ay ku guulaysteen aamusinta qoryaha. Sida oo kale dalalka la isku dhaho Koonfur bari Aasiya, kuna midooba ururka “Association of Southeast Asian Nations (ASEAN).” Ayaa iyana labaatankii sanno ee u danbeeyey nabad ku guulaystay. Kishore Mahbubani ayaa ku tilmaamay in ururkani dhanka diblomaasiyadda uu kaga wanaagsanyahay dhigiisa Midowga Yurub (European Union). Sababta ugu weyn ee dalalkani ugu guulaysteen nabadda waa: waxa ay ka tageen felsafadda siyaasaddeed ee oranaysa “Zero-sum mentality”. Anigu aan guulaysto, adna khasaar, iyagoo qaatay felsafadda siyaasaddeed ee oranaysa: adna guulayso, anna aan guulaysto, taas oo ay asaas u tahay isku tiirsanaan dhaqaale.

Qoddobka Lixaad: Sharciga oo Sarreeya  “Rule of Law”

Sharciga oo sarreeya, labadii boqol ee sanno ee u danbaysay waxaa ku caan baxay dawladaha reer galbeedka. Si fudud marka sharcigoo sarreeya loo sharaxo waxa weeye: sharci qof walba qabanaya iyo sharci awoodaha dawladda iyo tan shakhsi kala saaraya. Afrikada madow, badankood hurdo ay galeen dhowr qarni ka hor baa ay weli ku jiraan, sharcigu isku dadka uma qabto. Nimanka awoodda badan leh sharciga waa ka sareeeyaan, halka kuwa masaakiinta ah sharcigu qabto. Dawladdii dhexe ee Soomaaliya sharci oo lagu dunto dhaqan bay u ahayd, marka qaarna waxaa sharci ahaa waxa talisku doonaayo. Maamulladan qabiilaysan sharcigu isku si uma qabto dadka. Ninka ka dhashay qabiil awood leh, sharciga isagaa ka sarreeya, ninka qabiil maskiin ah ka soo jeedo, sharcigaa qabta. Haddii aadan i rumaysanayn jeelasha booqo. Xattaa, dambiilaha umadda xasuuqay, ee argagixisada ah, marka la soo qabto oo uu awood waayo, haddii uu qabiil awood leh ka soo jeedo, waxaa la sharfaa qarkood xil baa loo dhiibaa, qaarna waxaa la dhahaa xabsi guri.

Aasiya caan waxaa ka ahaa sharcigaas lagu tumanayo iyo shakhsiyaad aan xaquuq lahayn, balse, dawladdu ku amartay in wajibaad saaranyahay. Balse labaatankii sanno ee u dambeeyey waxaa soo baxay dawlado horumar dhankaas ka sameeyey. Malaysiya waxaa jeel sugayaa Najib Razak iyo xaaskiisa Rosma oo awoodda intii ay hayeen ku tagri falay. Dadka hoggaanka haya ee ka tirsan xisbiga Chinese Communist waa ka awood yaryihiin, kana saamayn yaryihiim Mao Zedong oo mar ahaa hoggaamiyaha Shiinaha. Ha loo eedeeyo isbeddalka ka dhacay dhanka warbaahinta taas; oo wax badan daaha ka qaaday ama ha noqoto dad baraarugay. Balse, maanta waxaa hoggaanka dalal badan oo dhaca Aasiya iyo Yurub laga arki karaa in aaminsanyihiin in sharcigu qabanayo.

Sharciga oo sarreeya ama dadka isku si’ u qabtaa waa bilowga horumarka; caddaaladda iyo sharciga oo aan sarreyn waa horumarka oo dib-u-dhaca iyo weliba burbur bulsheed.

Qodobka toddobaad: Waxbarashada “Education”

Qodobkan baa ugu dambeeyee, waxyaabaha ummadda hormartay lagu garto ama aan dhaho lagu horumaro. Waxbarashada ayaa asaas u ah qodobadaas aynnu soo xusnay oo dhan. Waxbarashada oo hagaagta waa horumarka oo la arko; waxbarashadoo xumaatana waa horumarkoo la waayo. Labo macallin oo jaamacadda ii dhaga ayaan su’aal isku mid ah weyddiiyey, goobo iyo goor kala duwan, su’aashayda ayaa ahayd: “Maxay Malaysiya uga horumartay dhanka waxbarashada dalka Bangladesh? Labaduba waxa ay isiiyeen jawaab isku mid ah, taas oo ah: “Malaysiya waxa ay dejisay manjah tayo leh, iyadoo waxbarashada lagu saleeyey afka Ingiriisiga”.

Sidaas si dhow waxaa yiri hoggaamiyihii Singaboor horumarkeeda ka danbeeyey Lee Kuan Yew, isagoo wareysi bixinaya ayuu yiri: “… markii dalku maalgelin helay, waxaannu ku dhaqaaqnay in aan dadka waxbarno”. Dadka wax barno, waa in manhaj tayo leh la dejiyaa. Halkan Malaysiya iyo Singaboor hal mid bay ka siman yihiin, kaas oo ah in dhammaan ardaydooda baraan afka Ingiriisida. Waa lagu doodi karaa Ingiriisida waxa ay bulshadooda u bareen waxa weeye, waxaa ku nool dalalkooda: dad kala af ah, kala dhaqan ah, kalana diin ah. Balse, xaqiiqadu wax ay tahay, sida uu Mahaatir Maxamed u sheegay taariikhyahanka Tariq Cali ee reer Baakistaan, in aannay dadkiisu adduunka kale ka harin. Macno ahaan wax ay noqonaysaa: “Afka Ingiriisada maanta waxa uu noqday af cilmiyeed”.

Xaddaarad walba oo hoggaanka adduunka u soo qabatay, waxa ay hoggaanka u haysay waxbarashada. Ma jirto xaddaarad aan hoggaanka hayn, balse, ku liidatay waxbarashada. Aqoonta iyo awooddu waa is-raacaan. Xilligii dawladdii Cabaasida, ee lagu naanayso: “Golden Age”, muslimiintu waxa ay lahaayeen xarumo waa weyn oo hoy u ah waxbarashada. Gurigii xigmadda, oo Baqdaad ahayd iyo Qurduba oo Isbayn ku taal, waxa ay tusaale u ahaayeen aqoonta sare ee muslimiinta. Girigii hore, si lamid ah. Shiinaha xilligii boqortooyadii Tang. Hindiya xilligii boqor Akbar.Yurub xaddaaradeedu dhammays ma noqoteen, haddii aannay aqoonta ka soo qaadan Baqdaad iyo xarumihii kale ee cilmiga ee muslimiintu maamuli jireen, Shiinaha iyo weliba Giriigga. Maanta jaamacadaha adduunka ugu culus waxa ay ku yaallaan dunida reer galbeedka. Waxa ay noqotay meesha aqoonta iyo ilbaxnimada hoyga u ah. Lee Kuan Yew, dadkiisa iyo dalkiisa horumar ma gaarsiiyeen, haddii aannay Ingiriis waxbarasho tayo leh siin. Mahathir Maxamed ka Malaysiya lamid. Koonfur Kuuriya, Hong Kong, Taywaan, Hindiya, Thialand, Jabbaan iyo weliba Indonuusiya ragga dhanka siyaasada iyo weliba dhanka dhaqaalaha maamulaa kuwooda ugu sarreeya, waxa ay aqoonta marti uga soo noqdeen reer galbeedka.

Buuggiisa: “The New Asian Hemisphere”, Kishore Mahbubani waxa uu ku leeyahay dalka ugu badan oo ardaydiisu ka faa’ideen waxbarashada Maraykana waxaa kow ka ah Hindiya “76, 503” arday oo Hindi ah ayaa ka baxay waxbarashada Maraykanka sannadadii u dhaxeeyey 2005-2006. Shiinaha ayaa kaalinta labaad ku jira, oo waxa uu haystaa “62, 582”, Kooriya ayaa saddex soo gashay oo waxa ay heshay “58, 547”, Jabbaan baa ku soo xigta, oo waxa ay heshay “38, 712”. Guud ahaan “236,344” oo arday Aasiyaan ah ayaa ka waxbarasho tayo leh ka helay dalka Maraykanka. Intii u dhaxaysay 1978-2003 tiro arday ah oo gaarysa 580, 000 oo dalka Shiinaha u dhalatay ayaa dalkaas dibadiisa waxbarasho ugu maqnayd.

Balse, maanta Aasiya waxa ay horumar wanaagsan ka samaysay dhankaas iyo waxbarashada. Jaamacadaha iyo macaahidda ugu wanaagsan adduunka keliya kuma koobna Galbeedka, sida oo kale waxaa darafka ku dheggan Aasiya. Sannadkii 2006 Times Educational Supplement boqolka jaamacadood ee adduunka ugu fiican ee soo saareen afar iyo toban waa Aasiyaan. Shan iyo labaatanka ugu sarreeyana, saddex jaamacaddood waa Aasiyaan, waxaana kamid ah: jaamacadda Tokyo, jaamacadda Beijing iyo jaaamacadda qaranka ee Singaboor (National University of Singapore). Malaysiya, Singaboor, Jabbaan, Hindiya iyo Shiinaha waxa ay kamid yihiin meelaha maanta waxbarashada loo aado.

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com