Sidee Doodda Dumarka Soomaaliyeed U Fahannaa? – Vol: 01 – Cad: 21

 244 View

Indheergarad – Sebtembar 01, 2019 – Koobin  – Vol: 01 – Cadadka: 21aad

Dhawaanahan waxaa soo batay doodda u dhaxaysa ragga iyo dumarka, dooddani waxa ay noqotay dood dhinacyo badan laga is taago, sida: guurka, siyaasadda, dhaqanka iyo shaqada. Waxa ay dooddani adkaataa, marka laga dooddayo guurka, sida oo kale marka laga dooddayo shaqada iyo doorka siyaasaddeed ee dumarka. Guurka marka laga dooddayo rag badan baa dumarka ku dhaliila in ay yihiin dhibta cidda wada. Waxa ay soo daliishadaan aayado qur’aan ah, waxayna raaciyaan xadiisyo badan, iyagoo ku duraya dumarka in ay xadkii dhaafeen. Mararka qaarkood dumarka waxaa loo soo kaxaystaa odayaasha dhaqanka kuwaas oo taariikh hore iyagoo adeegsanaya dumarka dhaliil oo dhan dusha ka saara, marka kale waxaa loo soo kaxaystaa wadaad, si lamid ah, wuxuu cabsi iyo argagax ku abuuraa dumarka, isaga oo u digayana waxa uu u sheegaa in ay khaladkooda saxaan. 

Ragga qudhooda waxaa loo soo jeediyaa dhaliil badan, dhibaatooyinka jira oo dhan waxaa loo xambaariyaa ragga, dumarka qudhoodu waxa ay soo daliishadaan qur’aan, xadiisyo iyo weliba taariikhdii nebigeenna (N.N.K.H) iyo sidii uu dumarkiisa ula dhaqmi jiray. Siyaasadda marka la joogo aad baa loo kala fogaadaa, rag iyo dumar badan baa qaba in dumarka guryaha lagu hayo, oo ay doorkaas guriga ka soo baxaan, siyaasadduna ay tahay shaqada ragga. Rag iyo dumar kale baa taas u arka sheeko khiyaali ah, oo aan xilligeedii la noolayn, waajibna ay tahay in dumarku ka qayb qaataan siyaasadda dalkooda. Labada qoloba waxa ay soo daliishadiin aayado qur’aan ah iyo weliba xadiisyo. Qolada danbase waxa ay marar badan ku daraan taariikhda casriga ah dumar badan oo siyaasadda qeyb ka soo qaatay. 

Shaqada marka la joogo, sidaas si la mid ah waxa loo kala qayb samaa labo kooxood: koox ku dooddaysa in dumarku  guryahooda joogaan, oo ay raggooda ama aabbahood u daayaan wixii shaqo ah; kooxda labaad waa koox fikirkaas aad uga soo horjeeda, kuwaas oo ku doodda in dumarka fursad la mid ah tan ragga la siiyo. Sidii aan horay u xusayna labada qoloba waxa ay soo daliishadaan qur’aan iyo xadiisyo. Balse, su’aashu waxa weeye maxaa dooddan hadda ku soo beegay?  Su’aashan si aynnu uga jawaabno waxa aynnu u baahannahay in aynnu taariikhda dib ugu laabanno, si aynnu u fahanno wakhtigan aynnu maanta noolnahay. 

Inta taariikhda laga xasuusto, ugu yaraan laga soo bilaabo xilligii kacdoonkii wax beerashada (Agricultural Revolution), mar walba labada jinsi ee kala ah: Nin iyo Naag. Ninka ayaa ahaa ka gacanta sare leh, oo wax walba maamulaayey. Dumarka waxaa soo gaara waxa ay ahayd wixii uu u garto ninka ay markaa la joogto. Ninku in ay wax walba gacanta u galaan, oo ay dumarku noqdaan dhibbanayaal, waxaa keenay arrimo dhowr ah, oo laga xusi karo: dhaqankii bulshooyinku ay dhigteen iyo daruufihii nololeed ee xilligaas.  Sida uu Yuval Harari ku xusay buuggiisa: “Sapiens – A Brief History of Humankind“, gabadhu marka ay dhalato ilaa inta laga guursanayo iyo weliba inta ay nooshahay waxa ay ahayd hanti uu iska leeyahay hadba markaa ninka ka masuulka ah, sida: aabbaheed, walaalkeed ama ninkeeda.

Tusaale ahaan haddii la kufsado gabadh waxa lagu gafay hanti qiimo badan oo uu nin kale iska leeyahay, waxaana arrinta iska arki jiray rag, iyadoo aanay xataa gabadhii dhibbanaha ahayd meesha la keenin. Tan ka sii daranna waxa ay ahayd wixii magaceeda lagu soo qaato in aanay waxba ka soo gaari jirin. Noloshaas dumarka ra’iyagoodu muhiim ma ahayn, fursadaha kale ee jirana mar walba waa ka arradnaayeen. Ninka had iyo jeer waxaa lala xiriirin jiray ragganimo “Masculinity“. Tusaale ahaan ragga sifaha la siin jiray waxaa kamid ahaa: awood, khatar u bareerid, mandaq ah (Rational), caqli adeegsasho (Logical), iyo qof wax sababeeya. Dumarka waxaa la siiyey sifo ka soo horjeedda taas ragga, oo ay ugu horreyso jileecnimo. 

Waxa ay taariikhdu soo bandhigaysaa marar badan bulshooyin aad u necbaa dhalashada gabdhaha, inkasta oo ay weli dhaqankani baaqi yahay, gaar ahaan bulshooyinka ay ka mid tahay Soomaalidu ay aad u aaminsayihiin in wiilku ka wanaagsan yahay gabadha.  Noloshaas si uu shakhsiyaddiisa (Identity) u qeexo ninku waxa uu reerkiisa u buuxin jiray dhowr arrimood oo ay kamid tahay keenidda wixii reerku quudan lahaa iyo wixii hawl ah ee bannaanka ah; sidaa si lamid ah gabadhu si ay u qeexdo shakhsiyaddeeda, shaqadeeda ugu badan waxa ay ka qaban jirtay guriga, sida: carruur korin, cunto karin iyo hawlaha kale ee markaas guriga la xiriira. 

Noloshaas waxa jiilba jiil u dhiibo, oo ay raggu yihiin kuwa wax walba maamulaya, dumarkuna yihiin kuwii oggol wixii hadba loogu taliyo, ayaa waxaa dhacay kacdoonkii warshadaha (Industrial Revolution). Waxa ay horumar soo samaysaba Tiknooloojiyadda iyo Sayniska ayaa adduunka wax weyn ka beddelay. Dadka qaarkood baa aaminsan in ninka reer Yurub ama reer Galbeed u gartay fursadaha maanta ay ku naaloonayaan dumarkoodu, balse, xaqiiqadu waxa ay tahay dumarku fursado badan oo ay helaan waxa ay ku timid horumarka tiknooloojiyadda iyo Sayniska iyo dhaqdhaqaaqyadii ay dumarka reer galbeedku sameeyeen. 

Inta sida fiican loo xasuusto, qarnigii labaatanaad baa ay ahayd markii dumarku fursadahooda ugu badan heleen, gaar ahaan dumarka reer galbeedka. 1920 baa ay ahayd markii dumarka Maraykan loo oggolaaday in ay codayn karaan, oo ay xaquuqdaa kala siman yihiin ragga. Dalka Ingiriiska wax badan kama horreyn dalka Maraykanka markii loo oggolaaday in dumarku xaq kan ragga lamid ah u leeyihiin in ay codeeyaan, lana dooran karo. Dagaalkii labaad ee adduunka kaddib, waxa ay ku beegnayd markii ay si xawli ah dumarku shaqooyinka ugu badan heleen, siyaasadda ka qayb qaateen, ugu dambaynna raggii wax walba u yeerin  jiray iyo dhaqankii la soo kala dhaxlaayey su’aal galiyeen.

Halkan waxaa ku dhammaaday shakhsiyaddii ninku naftiisa ku qeexi jiray. Nin danbe ma oran karo anaa ah quudiyaha reerka, waayo gabadhuba hadda waa shaqaysataa. Ma oran karo waxaan masuul ka ahay qoyskayga oo wixii soo gaara anaa madaxa saaranaya, waayo, dawladdaa ka masuul ah qof walba, nin iyo naagba. Ammaanka qoyskiisa ma sugi karo, oo waxaa kafaalo qaaday booliska, dood  raqiis ah haddii uu is dhaho xaaskiisa  ku harowso, waa gabadh wax baratay dood adag baa jawaab u ah.  Intaas oo kaliya ma ahee dumarku waxa ay kamid yihiin ciidamada iyo booliska. Markaas wixii ka dambeeyey raggii galbeedka waxaa ku dhacay wareer shakhsiyaadeed (Identity Crisis).

Waayo ma yaqaan sida uu u qeexo ragganimadiisa. Sida aan horay u soo sheegay ninku si nafsaddiisa u qeexo waagii hore waxa uu ahaa quudiyaha reerkiisa (Breadwinner), balse, maanta xaaskiisa baa shaqaysata wax ay uga baahantahayna ma jirto. Gabadhii baa awood siyaasi ah leh, ninka iyo gabadhuna waa isku baahanyihiin si ay dan gaar ah oo siyaasi ah u wada gaaraan. Marka la joogo waxbarashada iyo shaqadana dumarku iyo raggu waa simanyihiin. Ka soo qaad in xaaskaaga ay iyadoo suuqa u socota ay la dagaalanto nin ama naag suuqa maraayey. Uma baahna in ay ninkeeda u sheegto, waxa ay tagaysaa jeelka ugu dhow, waxa aynna dacwaddeeda u dhiiban booliska, sidaas baana hawsheeda lagu xallin. Maxaa dumarku ninka uga baahanyihiin marka?  

Tiknooloojiyadda ayaa keentay in ay murquhu qiimo beelaan, dabaddeed rag iyo dumar fursadaha nolosha si siman u waajahaan. Tusaale ahaan maanta waxaad arkaysaa dhallinyarada adduunka, gaar ahaan Soomaalida oo aad ugu yaacday jiimka. Su’aashu waxa ay tahay: maxaa jiimka loo galaa? Ma jiro wiil jiimka u aada in uu iska celiyo wiil kale, ama ma jiro nin jiimka u aada si uu murqo u helo, dabaddeed uu dekadda uga xaamaasho. Kaliya jiimka raggu waxa ay u adaan waxa uu noqday qurux. Dhallinyarada ugu badan waxa ay aaminsanyihiin in ninka jiimka dhigtaa, oo murqaha leh, uu ka qurux badan yahay kan aan murqo kuus-kuusan lahayn.

Xataa gabdhaha ayaa aaminsan in ninka dhisan oo murqo leh ka qurux badan yahay dhiggiisa bilaa murqaha ah. Balse, mid ogow waxani ma jirin soddon sanno ka hor. Waa aragti ay saxaafaddu dhistay. Sidaa si lamid ah gabadha jiimka dhigata, uma aado in ay gabadh ay is hayeen la dagaalanto, balse, waxa ay u aaddaa si ay raggu ugu dhahaan waa gabadh qurux badan.  Tiknooloojiyadda ayaa keentay in murqihii qurux loo isticmaalo, oo aanay yeelan wax qiimo ah, oo qurux dhaafsiisan. Miyaad maqashay nin murqo leh baa Shabeel qabtay? Maya! Balse, maanta waxaad arkaysaa nin murqo leh oo gabdho isku haystaan, oo mid walbaa ku dooddayso in ay jeceshahay! Sabab? Waa nin qurux badan. 

Carro-edegayntii (Globalization) baa keentay in adduunku uu aad is kugu xirmo. In adduunku uu maanta noqdo hal qol, sida uu ku doodday Thomas Friedman, waxaa sababay shan qodob, oo kala ah: Warbaahinta (Mediascapes), Tiknooloojiyada (Technoscapes), isku socodka dadka (Ethnoscapes), isku furanka iyo isu socodka lacagta iyo dhaqaalaha adduunka (Financescapes) iyo weliba isku socodka afkaaraha (Ideoscapes). Shantaas qodob oo uu keenay Arjun Appadurai, baa keenay in dhaqamadii, lacagtii, fikradihii, ganacsigii, afkaarihii iyo dadkuba isku gooshaan daqiiqad daqiiqad. 

Halgankaas galbeed ka soo bilaabmay waxa uu dhowaan yimid dalkeenna Soomaaliya. Waxaa keenay waxa ugu badan waa qodobadaas aan kor ku soo xusay. Gabdhaha Soomaaliyeed oo muddo dheer aan cod lahayn iyo nin siduu doono ka yeela, baa wakhtigan madaxa isla galay. Xusuusnow in maahmaahyada iyo gabayada lagu liidayo dumarka Soomaaliyeed oo ay tiriyeen ragga Soomaaliyeed in aanay tiro lahayn. Tusaale ahaan gabay uu leeyahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo Carab liidiya ayaa barbar dhigay dumarka.

Gabaygaas waxaa kamid ahaa: “Maandhow cayaayirka iga daa Carabi waa naage”.

Abwaankii weynaa ee Salaan Carrabay qudhiisu waxa uu leeyahay gabay uu nin ku liidaayey oo uu dumarka ninkaas barbar dhigay. Maahmaahyada Soomaaliyeed ee baxayna tiro ma leh. Tusaale ahaan waxaa kamid ah: “Dumarku waa carruur cago weyn. Dumarku waa indho ku garaad le. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu dhaqaa. Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadi karaa. Dumar nin ay lagdaan kama kacaan”. Gabadha waxaa laga aaminsanaa, welina laga aaminsanyahay, sidii ay doonto wax ha u baratee qof aan caqligeedu dhammays ahayn iyo qof mar walba u baahan in la jiheeyo, oo aan xor noqon karin.

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay had iyo goor door bidaan wiilasha. Tusaale ahaan: haddii nin dhinto oo uu ka tago gabdho, waxaa la oranayaa heedhe waxba kama tagin! Balse, haddii uu ka tago wiilal, waxaa la oranayaa magaciisu waa sii jirayaa. Wiilasha iyo gabdhaha hal nin baa dhalay, sababta midna qiimo loogu yeelay, midna loo qiimo tiray waxa weeye in wiilku ka qiimo badan yahay gabadha. Qoyska Soomaaliyeed in uu gabdho badan dhalo waxa uu ka jecel yahay hal wiil uu dhalo.  Tusaale kale: haddii wiil iyo gabadh walaalo ah hal mar iskuul wada dhammeeyaan in labada mid jaamacad loo diro waxaa fursad fiican leh wiilka. Gabadhu iyada nin baa guursanaya, oo iyadu innaga maaha. 

Ninka Soomaaliyeed waxa uu u fekeraa, aaminsanyahayna in uu ka sarreeyo gabadha, kana qiimo badan yahay. Taasna waa waxa uu ka dhaxlay bulshadiisa iyo dhaqankiisa. Maanta marka laga doodayo guurka, siyaasadda iyo shaqada raggii aad bay u caraysan yihiin, sababtuna waa gabadh hor fadhida oo difaacanaysa xaq iyo xaquuq ay leedahay. Ninkii Soomaaliyeed dumarkii waxa uu arkaa addoon ka sii baxsanaya. Waana sababta maanta furniinka, khilaafka iyo dagaalka aad u badnaysiisay. Gabadh shaqaysanaysa, oo aan ninka baahi weyn u qabin marka laga yimaado galmada oo ah baahi laga simanyahay, ayaa ninku rabaa in uu ula dhaqmo sidii awoowihii ayeeyadii ula dhaqmi jiray. Taasina macquul maaha wakhtigan.

Ka soo qaad maanta waxaa guursaday labo nin oo aad taqaan oo la kala dhaho Guuleed iyo Geelle. Guuleed waxa uu guursaday gabadh ku nool dalka Maraykanka; halka Geele guursaday gabadh ku nool Soomaaliya. Labadaas nin bal qiyaas kee farxad badan maalintaas? In kasta oo ay labaduba faraxsanyihiin, haddana waxaan shaki ku jirin ninka guursaday gabadha Maraykan ku nool in uu xooggaa ka farxad  badan yahay saaxiibkiis. Sababtu waa maxay? Sababtu waxa weeye gabadha Maraykan ku nool waxa ay haysataa: shaqo, aqoon, khibrad, dhaqaale, nolol wanaagsan iyo baasaboor. Ninka gabadhaas guursanaya ee sidaas u faraxsan, maxay gabadhu uga baahantahay? Ka soo qaad in ay arooskeeda iyadu bixiso, ka soo qaad in ay bixiso dhaqaalaha uu ku tagayo dalka Maraykanka, kana soo qaad in ay ku noolaadaan gabadhu guri ay leedahay. Maxaa ninku gabadhaas dheeryahay marka? Ninkaas baa intuu dood soo fariisto oranaya aniga afar xaas baa la ii baneeyey in aan guursado. Ninkaas baa waxa uu aaminsanyahay in uu ka sarreeeyo, oo ka caqli badan yahay dumarka.

Tiknoolojiyaddu saamayn toos ah kaliya kuma yeelan burburinta wax walba oo raggu qiil ka dhiganaayey, balse, sidoo kale waxa ay beddesay noloshii dadkoo dhan. Sida aan ku xusay dhowr qoraal oo hore, maanta wakhtigan aynnu noolnahay waxaa lagu sheegaa xilligii ugu wanagaasanaa ee jiil noolaado, taariikhyahannada, aqoonayahannada bulshada iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin: Kishore Mahbubani, Dr. Yuval Harari, Steven Pinker, dhammaantood baa sidaas qaba. 

Afartan sanno ka hor ama konton sanno ka hor bulshada Soomaaliyeed waxa ay badankoodu ku noolaayeen nolol tan maanta ka duwan, waxayna u badnaayeen nolosha miyiga ah. Noloshaasi waxa ay ku dhisnayd  halgan joogta iyo nolol aad u dhib badan. Ninku gurigiisa saddex shay oo muhiim buu u imaan jiray, saddexdaas oo kala ah: Cunto, hurdo iyo galmo. Waa macquul in la iska waraysto guurid ama wax cusub oo soo kordhay, balse, noloshu saddexdaas baa asaas u ahayd.  Ninkani waxaa dhiirigelin jiray carruur uu dhalo.  Ma jirin gabadh ninkeeda ka sugaysa erayo macaan, heeso iyo jacaylka xadka ka baxsan, ninkuna kama sugi jirin xaaskiisa in ay u qaado hees jacayl ah oo ay qaadday fannaanad hore. Jacaylku noloshaas muhiim ma ahayn, waayo daruufaha nololeed baan  saamaxayn. Furniiinku waa yaraa, sababtuna waa gabadha xataa iyadoo tacaddi kala kulanta ninkeeda baanay furniin ka dalban jirin, waayo haddii uu furo ma aysan jirin meel kale oo ay aaddo. 

Maanta noloshaas lamaane ku noolaan kara ma jiro. Waayo wakhtigii waa is beddalay. Xaaskaaga waxaa laga yabaa in ay kaaga xanaaqdo heblaayo faysbuuggeeda baad sawir ay soo gelisay faallo ka bixisay, oo aad ammaantay, dabaddeed muran halkaas ka dhashay uu kalsoonida qoyskaa burburiyo. Waxaa sidoo kale macquul ah in gabadh aad la sheekaysato ay kaaga tagto, oo xiriirka kuugu jarto WhatsApp-ka sawir ay soo dhigtay oo aad fiirin waydo. Ka warran marka ninka raba noloshaas hore oo konton sano ka hor la noolaa in ku dhaqo gabadh sanadkan nool? Macquul maaha. Taas waxaa sii dheer noloshaas hore qoys walbaa waxa uu ku noolaa nolol fudud (Simple life). Halka maanta shaqadu, aqoontu, shay’adda kala duwan (Stuffs), guri dhisasho iyo dalxiis ay qoys walba u baahanyihiin. Marka maanta waxaa isku dhacaya afkaarihii hore (Old ideas) iyo doorkii dhaqankii hore dejiyey (Traditional Roles) iyo noloshan cusub, oo horumarkeeda wadata. 

Labadii sanno ee ugu dambeeyey waxaan daawaday doodo loo qabtay dumar iyo rag, doodahaasi waxa ay ka hadlayeen: guur, shaqo ama siyaasad. Waxaad mooddaa in doodda halka laga bilaabayo ay aad u khaldantahay, oo aanay abbaarayn halka dhibtu ka timi, sida oo kale, waxaa muuqata in ragga iyo dumarka doodaya ay badan kooda ka muuqato aqoon yari iyo wacyi xumo. Qaar baan oranaya jacayl buu gurigu ku dhismaa, waa sax oo jacayl waa loo baahanyahay, balse ma yahay xalka dhibaatooyinka jira oo dhan.  Doodda asaaskeedu maanta waa in uu ka bilaabmaaa maxaa is beddalay? Afkaarihii hore iyo dhaqammadii hore ma iska qaadannaa mise dib baynnu u fiirinnaa? Dumarku ragga maxay maanta uga baahinyihiin? Tiknooloojiyadu sidee wax u beddeshay? Waa maxay noloshan casriga doorka ninka laga rabo si u buuxiyo doorkiisa aabbanimo iyo ragannimo? Sidee qoys noloshan casriga ah la jaan qaadi kara u abuurnaa?

Ugu dambayn ragga Soomaaliyeed waa in ay maskaxdooda ka saaraan fikradaha duugga ah ee oranaya ninkaa ka garasho sarreeya gabadha, ninka ah kan xigamada iyo caqliga leh, ninkaa ah kan wax walba og, ninkaa ah kan wax walba maamulaya, ninkaa ka sarreeya, kana qiimo badan dumarka. Haddii afkaarahan khadka laga saaro, dabadeed la fahmo is bdeddalka dhacay, dabaddeed si miyar qabta loo fiiriyo sida loo fahmi karo noloshan cusub, dooddu xalaal bay noqonaysaa wax badanna waa la isla fahmayaa. 

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com