Taariikhda Qorista Xadiisyada Suubbanaha – Vol: 01 – Cad: 20

 269 View

Indheergarad – Sebtembar 01, 2019 – Koobin  – Vol: 01 – Cadadka: 20aad

Hordhac

Xaadiisyada oo ah isha labaad ee diinta Islaamka laga qaato, laguna tilmaamo in ay yihiin hadalladii, falalkii iyo wixii raadad laga arkay suubbanaha Nebi Maxamed, waxa ay soo mareen marxalado kala duwan. Kuwaas oo ay saameynayeen duruufo kala jaad ah oo ku xeeraan aqoon ahaan, siyaasad ahaan, taariikh ahaan, garaad ahaan, iwm. Xadiisyadu waa qeybta ugu ballaadhan ee diinta xagga faahfaahin ahaan, dhaqan ahaan, dhinac kale haddii laga eegana waa isha sheekooyinka, khuraafaadka, iyo wax isku cayn iyo beyd go’an oo jid iyo jiho looga baxo aan lahayn.

Xadiisyadu waa meesha ay kooxaha Muslinku ku kala baydheen, marka laga soo tago khilaafka kore ee Sunnaha iyo Shiicada oo loo soo daadego Sunnaha ama Shiicada dhexdooda, waa meesha ay iyaga laftoodu isku khilaafeen. Waxaana ay qolo wal oo iyaga kamid ahi jeebka kala soo baxday Xadiis danteeda u adeegaya ama ugu toosan halka ay u gol-leeyihiin. Arrintaas waxa ka dhashay in xadiiska loo kala saaray dhawr jaad oo kala duwan, sida: Saxiix, Xasanu-Saxiix, Xasan, Daciif, Mawdduuc, iqk. Iyadoo jaadadkan lagu halbeegay cilmi loogu magac darey “Musdalax Al-Xadiis” ama “Usuul Al-Xadiis”.

Gudogal

Xadiisyadu sida dadka badankii u yaqaannaan keliya ma aha hadallo laga soo tebiyey suubbanaha, balse waxa ay isugu jiraan dhawr jaad. Si guud waxa ay isugu jiraan hadallo uu toos u yidhi Nebi Maxamed, falal uu sameeyey, sifooyin, falal lagu hor sameeyey oo uusan reebin, iwm. Xadiisyadaas oo sugnaan ahaan iyo fasir ahaanba tiro beelay, ayaa aynnu u qeybin doonnaa dhawr marxladood oo ay soo mareen. Si hoosena xadiisku waa wax kasta oo Nebi Maxamed loo tiiriyo, ee hadal, fal, raad ama sifo ah oo uu ku sifaysnaa. Waxa kale oo iyadana in la is la fahmo mudan khabarka, oo isna ah mid badanaa la raaciyo xadiiska, waana ay isku dul dhisanyihiin, waxaana la dhahaa xadiisku waa wixii Nebiga ka yimid, halka khabarku uu cid kale ka yimid. Waxa intaas soo seddexeeya asarka, oo isaguna lagu tilmaamo waxa ay saxaabada iyo taabiciyiintu weriyaan ee hadallo iyo falal ahba.

Intaas kaddib, haddaba waxa aynnu odhan karnaa xadiisyadu waxa ay soo mareen afar marxaladood, kuwaas oo kala ahaa: xilligii Nebi Maxamed(23-sanno), xilligii Khulafada afarta ah(29-sanno), xilligii u dhaxeysay khulafada afarta ah iyo Bukhaari(154-sanno) iyo xilligii Hooyooyinka lixda ah(105-sanno) Afartaas marxaladood waa afartii xilli ee uu is qaabeeyey xadiiska suubbanuhu. Sida uu doonaba ha isu qaabeeye, waxa lagama maarmaan ah in aan lamataabtaan laga dhigin goor iyo goob kastaba. Fikirka iyo qalinkuna aannu dushooda ka faaruqin, si loo kala haadiyo loona kala hufo.

Xilligii Nebi Maxamed (23-Sanno)

Qoritaanka xadiisyadu ma ahayn wax waqtigii Nebi Maxamed jirey, oo la qori jirey sida Qur’aanka waqtigaas wax looga qori jirey. Waxaana buggaagta xadiisyada qaarkood lagu soo tebiyaa hadal loo tiiriyo suubbanaha oo u dhigan sidatan in uu yidhi: “Waxba ha iga qorina, ciddii wax iga qorta aan ka ahayn Qur’aanka ha tirtirto”.  Xadiiskan oo lagu tiriyo kuwa lagu kalsoonyahay, ayaa kolkii wadaaddada xadiiskan la hordhigay ay ku fasireen in waqtigaas(xilligii Nebigu noola) laga cabsi qabey in la isku khaldo Qur’aanka iyo Xadiiska. Sidaas darteed, ayaa xadiisyada looga dhigay habka la isugu gudbinayo hadal keliya(Oral Form). Halka Qur’aanka isaga wax laga qorey, waxna korka laga xafidsanaa!

Lama hayo wax dhigaallo ah oo tilmaamaya qoritaanka xadiisyada waqtigii Nebi Maxamed, ama hadallo ama raadad muujinayaa arrinkaas. Waxaana muuqata in qoritaankuba uu ku yaraa bulshadaas, hannaanka wax la isugu gudbiyana uu ugu badnaa hadalka iyo muujinta jidhka laga sameeyo, sida: salaadda iwm. Iyo aqrinta Qur’aanka oo iyaduna hadal keliya u badnayd, marka laga soo reebo warar xaqiijinaya in ay jireen qof ama dhawr uu suubbanuhu u xilsaaray qorista Qur’aanka, iyaguna ma badnayn, dhammaantiina ma aysan wada qori jirin.

Xilligii Khulafada Afarta Ah (29-Sanno)

Abubakar oo ahaa khaliifkii koobaad ee Muslimiinta dhimashada suubbanaha Maxamed kaddib, waxa uu ku dhici waayey in uu qoro xadiisyada, intii uu talada Muslinka u hayeyna ma uusan qorin hal xadiis, weligiisna ma uusan amrin in la qoro ama la kaydiyo dhigaallo muujinaya xadiiska. Abubakar waqti badan oo wax laga filan karana maba uusan noolayn, oo wuxuu geeriyooday laba sanno kaddib dhimashadii Nebiga.

Waxa ku xigay Cumar Binu Khadaab oo ahaa khaliifkii labaad, isaguna sidaas si lamid ah hal xadiis noloshiisa muu qorin, xataa Cumar in uu qoro iska dhaaf e, waxa uu amray markii dadka qaar kamid ah qoreen in buggaagtooda la gubo. Si badheedh ah ayuuna u diiday in la qoro xadiisyada intii uu xilka hayey. Waxaana laga soo weriyaa in uu yidhi: “Waxaan damcay inaan qoro xadiisyada, laakiin waxaan xasuustay qowm idinka horreeyey oo inta ay qoreen buug ka tagay buuggii Alle, aniguna ilaah baan ku dhaartee buugga Eebbe(Qur’aanka) kuma lammaanaynayo wax kale”.

Cumar dadkii uu qorista xadiisyada u diiiday waxa kamid ahaa saxaabigii Abu Hurayra, waxaana laga soo weriyaa hadal u dhignaa sidatan in uu ku yidhi: “Xadiiskaad ka tegi, ama dhulkii Daws baan kugu celin”.  Sidaa si lamid ah waxa laga soo weriyaa in Cumar uu ku garaacay ushiisa Abu Hurayra kuna yidhi hadal kale oo ahaa: “Waxaad badisay werinta, waxaanan u maleynayaa in aad Nebiga Alle ka been abuuranayso”. Xataa Abu Hurayra laftiisa ayaa laga soo weriyaa hadal u dhignaa sidatan kaddib dhimashadii Cumar Binu Khadaab oo uu yidhi: “Haddii Cumar noolaan lahaa, iima uusan oggolaadeen hal xadiis in aan ka weriyo Nebiga, ushiisa ayuuna igu garaaci lahaa”.

Waxa kale oo arrintaas la mid ah in uu Cumar xidh-xidhay saxaabada qaar kamid ah raggii uu ku tuhmay in ay xadiiisyo werin bateen sida: Ibnu Mascuud, Abu Dardaa’ iyo Abu Dar. Haddaba waxa la yaabka leh waxa ay tahay, haddiiba dadkii xadiisyo werinta badnaa la xidhayey oo la tuhmayey, kuwii qoreyna loo digayo, oo la garaacay, oo buggaagtooda la gubay maxaad u malayn xadiisyo la diwaangeliyo?!

Khaliifkii seddexaad ee Cusmaan Binu Cafaan, isaguna waxa uu maray jidkii labadii khaliif ee ka horreeyey oo ma uusan qorin wax xadiisyo ah. Waxa se, lagu xasuustaa in uu qorey oo uruuriyey kana dhigay hal buug Qur’aanka oo keliya, wax kalena aysan ku lammaanayn. Sidaas ayuuna xilka ku dhammeystay oo lagu diley. Waxa ugu dambeeyey afartii khulafo Cali Binu Abii Daalib, oo ahaa Nebiga Maxamed ina adeerkii, isaguna ma uusan qorin wax axaadiis ah oo laga soo weriyey Nebi Maxamed. Dhammaantood afartaas khulafo iyo Nebi Maxamed waxa ay meel cad ka istaageen qoridda xadiisyada, waxa ayna ku geeriyoodeen iyagoon qorin wax xadiisyo ah, kana digaya, ku ciqaabaya ciddii qorta, ama gubaya waxa ay qoraanba.

Xilligii U Dhaxeysay Khulafada Afarta Ah iyo Bukhaari (154-Sanno)

Xilligan oo ku siman muddo 105-sanno ah, waxa jiray qoraallo ama dhigaallo laga sameeyey xadiisyada Nebiga. Qoritaanka xadiisyada ee xilligan waxa amray khaliifkii sideedaad ee dawladdii Ummawiyiinta Cumar Binu Cabdicasiis, kaas oo amray in si rasmi ah loo diwaangeliyo xadiisyada Nebi Maxamed. Waxa uuna warqad u qorey qaadigii Madiina ee Abubakar Ibnu Xasam, taas oo uu kaga codsanayo in uu lafaguro xadiisyada Nebiga laga soo weriyo. Waxa kale oo isna xilligaas qorey xadiisyada Imaam As-Suhri, kaas oo isna laga soo weriyo hadal u dhignaa sidatan in uu yidhi: “Haddii aan xadiisyada jihada bariga nooga imanaya, aannaan inkireyn, oo aannaan garanayn, xadiisna ma qoreen mana diwaangeliyeen”.

Waxa kale oo isla xilligaas dhimashadii Cumar Binu Cabdicasiis kaddib qorey xadiisyada ragg kala duwan. Waxa kamid ahaa: Hammaam Binu Munabih Al-Yamani, Ibnu Jureyj, Mucmar Binu Raashid Al-Basri, Saciid Binu Abii Curwa, Ishaaq Ibnu Raxwayah, Rabiic Binu Sabiix, Xammaad Binu Salama, Maalik Binu Anas, Cabdillaahi Binu Mubaarak iqk. Waxa ayna raggani dhammaantood dhinteen ka hor inta uusan dhalanin Bukhaari, oo ku beeggan 194-kii kal-tirsiga hijriyada. Buggaag illaa seddex gaadhaya, oo ka kooban xaashiyihii ay wax ku xardheen Hammaam iyo ragg kale ayaa hadda yaalla maktabadaha iyo madbacadaha qaar kamid ah.

Xilligii Hooyooyinka Lixda Ah (105-Sanno)

Hooyooyinka lixda ah waa naanays loogu yeedho lixda buug ee xadiiska ah, kaas oo ay Sunnuhu leeyihiin ee kala ah: Saxiix Bukhaari, Saxiix Muslim, Sunan Abu Daauud, Sunan Tarmidi, Sunan Ibnu Maajah iyo Sunan Nisaa’i. Mid kastana waxa loogu magacdaray wadaadka qorey, sida aan u kala horraysiiyey ayay isku gu xigaan. Waxa ayna noolaayeen intii u dhaxeysay 810-kii illaa 915-kii Miilaadiga. Haddaba waxa isweyddiin mudan, maxay kaga duwanaadeen lixdan wadaad xadiis qorayaashii hore ee ay ardayda u ahaayeen?

Waa ta koobaadee, lixda buug waxa ay qoraalladii hore ee xadiisyada kaga duwanaadeen in ay kusoo beegmeen waqti la allifay halbeegyo lagu sugo ama lagu diido xadiisyada. Iyagoo middaas ka faa’idaysanaya ayay sii horumariyeen halbeegyadii.

Bukhaari oo arday u ahaa wadaadkii allifay halbeegyada xadiiska lagu kala saaro, oo magaciisu ahaa Cali Binu Madiini. Waxa uu Bukhaari uruurriyey dhammaan xadiisyadii suubbanaha, isagoo adeegsaday halbeegyadii xadiiska iyo shuruudo u gaar ah, waa sida uu ku dooday e. Heer uu gaadhay in Muslimiintu dhahaan waa buugga ugu saxsan dabadii buugga Alle ee Qur’aanka. Sida uu sheegayna waxa uu qorayey, habeynayey muddo lix iyo toban sanno ah. Bukhaari keliya masoo tebiyo wararkii Nebiga, waxa kale oo u raaca waxyaabo uu kaso weriyo dadyow kale oo loogu magacdaray Riwaayaad, Asar, Khabar, iqk. Sheekooyinka uu soo weriyo Bukhaari, waxa kamid ah mid uu ku tilmaamayo sababaha ku qaaday in uu qoro buuggan Saxiix Al-Bukhaari, waxa uuna yidhi: “Nebiga ayaan ku  riyooday isagoo habeen i hortaagan, waxaana gacantayda ku jirtay ul aan ku ilaalinayo Nebiga, dabadeed turjumaanno aan u tagey waxa ay ku macneeyeen riyadaas in aan Nebiga warkiisa ka ilaalin doono beenta.”

Bukhaari marka laga soo tago, waxa ku xiga Saxiix Al-Muslim. Waxaana ay ku doodeen in labadaas buug Saxiix Bukhaari iyo Saxiix Muslim, ay yihiiin kuwa ugu toosan kaddib kitaabka Eebbe. Waxaana intaas kaddib soo raaca afarta buug ee kale, kuwaas oo la isku dhaho “Sunanka Afarta Ah” Iyaga balse wax sugnaan buuxda laguma suntin, balse waxa la tilmaamay in kuwo sugan iyo kuwo been ahba laga helayo.

Cilmiga Usuul Al-Xadiiska

Cilmigan oo laso tebiyo in qofkii ugu horreeyey ee wax ka qorey uu ahaa wadaadkii Cali Binu Madiini, oo ahaa macallinkii Bukhaari. Ayaa waxa uu ku dhisanyahay laba qeybood kuwaas oo kala ah silsiladda ragga soo weriya xadiisyada oo loo yaqaan “Sanad” iyo hadalka Nebiga oo isna loo yaqaan “Matni”. Ugu horrayn cilmigani ma aha wax uu Eebbe Qur’aankiisa ku tilmaamay, xataa ma aha mid laga soo dheehay Qur’aanka oo uu tiir u yahay sida Fiqhiga, iwm. Waa ta labaade ma aha aqoon uu Nebi Maxamed tilmaamay sida uu xadiisyadaba u sheegay iyagoo hadal keliya ah. Waa ta seddexaade ma aha wax  afartii khulafo ee Abubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali ay keeneen oo iyagu si gaar ah keligood u allifeen.

Waa aragtiyo la isku sidkay, kuwaas oo dadyow cayyimanna ku dhejinaya magaca beenaale, xadiis allife, laguma kalsoona, ma xifdi wanaagsana, hebel baa ka da’ weyn oo wax kama werin karo, hebel kale ayaa tilmaamay in uusan la kulmin hebel iwm. Waa aragtiyo aan caqli iyo cilmi toona ku dhisnayn, oo haddana la rabo in marna lagu sugo hadalkii Nebi Maxamed, marna la rabo in lagu sugo xadiis nasakhaya hadalkii Eebbe ee Qur’aanka.

Xataa marka la iskala tago dhismaha aqoontan lagu sugayo xadiisyada, iyada lafteedu kama madhna is riix-riix kooxeed, tusaale ahaan: wadaaddada Shiicadu kuwa Sunnaha waxba kama weriyaan, kuwo Sunnuhuna waa lamid. Xataa xadiiska uu sheego nin Shiico ahi, ma qaataan xadiis qorayaasha Sunnuhu, Shiicaduna waa sidaas oo kale. Sidoo kale isku hannaan ma aha labada Usuul Xadiis, oo mid walba waa goonni, wax badan kaga duwan ka kale.

Haddaynu si kale u dhigno, marka laga gudbo is riix-riixa labada mad-hab ee kore(Sunnaha iyo Shiicada), ee hoos loo dhaadhaco Sunnaha dhexdoodu qofka ay kala argti duwanyihiin xadiisyo makala weriyaan, ama xataa ay isku dhaceen kol uun. Mararka qaarna waxaaba dhacda in uu midba midka kale uu dhaawaco sida: in haddii qof xadiiska weriya laga wareysto uu ku tilmaamo mid xifdi hooseeya, aan caaddil ahayn, been badan, xadiiska allifa, aan lagu kalsoonayn, iwm. Ka kalena uu isna sidaas si lamid ah ka sheego, marka la weyddiiyo hebel kale oo xadiiska weriya.

Sidaas darteed, waxa soo baxay kumanaan xadiis oo suubbanaha loo tiirinayo, haddana caqliga iyo Qur’aanka khilaafsan, oo sinnaba la isu waafajin karin. Kumanaan lagu qaddaaseynayo dadyow dhiigyocab ah, kumanaan been abuur ah, iqk. Halka sartu ka qudhuntayna waa halbeegga wax lagu kala soocay, oo aan dhabbadii iyo majarihii loo baahnaa cagta loo saarin, ee la qarda jeexay. Toosintiisiina lagu tilmaamay baadi iyo habow ay weheleso iimaan darro lagu badhaxay nifaaqnimana.

Dagaalkii Cali iyo Mucaawiye iyo Saamaynta Xadiisyada

Xilligan uu khilaafku ka dhex aloosmay Cali Binu Abii Daalib iyo Mucaawiye Binu Abu Sufyaan, kaddibna isu rogay dagaallo dhiig badan ku daateen, ahna halka ay Muslimiintu ku kala baydheen ee horseedday aasaasanka labada mad-hab ee ugu ballaadhan Islaamka ee kala ah: Sunno iyo Shiico. Waxa uu ahaa xilliga ugu badan ee xadiisyada la allifay, afkana loogu tirey suubbanaha. Halka qolooyinka Cali raacsanaa ay allifeen warar tilmaamaya in Cali Nebigu raalli ka yahay, talada ummadda Muslinka isaga uu u dardaarmay, Mucaawiyana lagu liidayo, iwm. Dhinaca kalena ay allifeen xadiisyo tilmaamaya in kuwa Cali raacay ay baadi ku suganyihiin, talax tageen, ka badbadiyeen, iqk. Mucaawiyana uu yahay abtiga mu’miniinta, xaqna uu u leeyahay in uu talada Muslinka qabto.

Khilaafkaas ba’an ee hoogga iyo halaagga ummadda u horseeday, ayaa wadaaddo af-miishaarro ahi damceen in ay dhexdhexaadiyaan. Dabadeedna allifeen iyaguna xadiisyo tilmaamaya in labadooduba khayr doon yihiin, oo kii sax ahina uu laba ajar leeyahay, halka kii gefaana uu hal ajar leeyahay maadaama uu dadaalay. Waa warar aan caqli iyo cilmi toona ku dhisnayn, dulmiguna waa dulmi. Waxa arrintaas kaba sii daran in ay allifeen warar tilmaamaya in Nebigu dagaalka Cali iyo Mucaawiye sii ogaa, oo Xasan Binu Cali ku tilmamay ninka kala qaboojin doona colaaddaas. Xasanna waa kii Mucaawiye u tanaasulay, ee talada u daayey. Waana caado lagu yaqaan wadaaddada in ay dhacdo taariikheed u allifaan warar caddeynaya in Nebigu hore u sii tilmaamay, si ay ugu buuxiyaan doodaha ogaanshaha qeybka ee Nebi Maxamed.

Guntii iyo gabogabadii waxa aan ku soo afmeerayaa in xadiisyada suubbanaha laga hayo maanta ee qaarkood saxiixa lagu tilmaamo, aysan dhammaantood sugnayn, wax badan oo been iyo ku tiri ku teen ah ayaana ka dhex buuxa, kuwo kale waa arrimo dhagaraysan oo la qarinayo, kuwo kalena waxa loogu gogol xaadhayey siyaasadihii dawladihii khulafada ee Ummawiyiinta iyo Cabbaasiyadu ay ugu horreeyaan. Sidaas darteed, curinta halbeegyo caqli iyo cilmi ku dhisan  oo lagu kala saaro wararkaas waa lagama maarmaan.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com