GORFAYN: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa | George S. Clason – Vol: 01 – Cad: 22

 800 View

Indheergarad – Sebtembar 02, 2019 – Lammin  – Vol: 01 – Cadadka: 22

Hordhac

Halkan waxa aan ku soo gudbinayaa soo koobid iyo gorfayn ku saabsan dhiganaha “Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa (The Richest Man In Babylon)”. Buugga asalkiisu waxa uu ku qornaa Af-Ingiriisi. Waxa qoray George S. Clason. George Samuel Clason waxa uu ahaa qoraa wax ka qora dhaqaalaha iyo ganacsade. Clason dabshidkii 1926-kii ayuu bilaabay in uu soo saaro taxane buug-yareyaal ah oo dhaqaalaha ka warramayey. Buuggaagtu waxa ay ahaayeen kuwo laga qoray magaaladii qadiimiga ahayd ee Baabila. Qoraalladaas oo aad u baahay ayuu markii dambe qoraagu buug u beddelay, isaga oo u bixiyay magaca sheekadii ugu caansanayd taxanaha sheekooyinka oo ahayd ‘Ninkii Baabila ugu hantida badnaa.’

Dhawaan ayuu afkeenna Soomaaliga u tarjumay Dr. Jaamac Sahal oo ah dhakhtar caafimaad iyo qoraa da’ yar oo dhawaanahan tarjumay dhawr buug oo aan dhanka waxtarka kala dhicin. Tarjumaadda Af-soomaaliga ah ee Dr. Jaamac ayaa gacantayda soo gashay dhammaadkii bishii 7-aad ee sannadkan 2019-ka. Xasan Kaabe, oo ka tirsan Akadamiyadda Gorof, ayaa igu soo simay. Laba nuqul oo buuggan ah ayuu qaab aan hadiyad ahaan ku sheegi karo iigu keenay. Tiroba laba jeer ayaan akhriyay bilawgii bisha August. Waa buug si fiican loo qoray oo ka kooban 205-bog. Waxa daabacday madbacadda Hiil Press oo beryahan dambe ah maktabadda inta badani banaan tahay ee Soomaalida khaanado badan soo buuxisay. Waan bogaadinayaa qoraaga, madbacadda iyo cid kasta oo qayb ka ahayd soo bixidda buuggan qiimaha badan. Sidoo kale, aan u mahadceliyo Akadamiyadda Gorof oo suurtagalisay in buuggani iigu yimaaddo magaalada Jigjiga. Buuggu waxa uu ka kooban yahay toban qaybood ama cutub oo mid waliba saamayntiisa iyo culayskiisa wato.

Horumarka guud ee dal ama bulsho waxa uu ku xidhan yahay isu geynta haynta dhaqaale ee qofafka ummaddaasi ka kooban tahay. Si guud buuggan, Ninkii Baabila ugu hantida badnaa, waxa uu ka hadlayaa sida uu qof kastaa guul dhaqaale ku gaadhi karo. Waxa uu ina tusayaa dariiqyada lagu gaadho guul dhab ah, taas oo ay fure u tahay dedaal uu qofku la yimaaddo. Qofka buuggan akhriya ee dhaqangeliyaa waxa uu helayaa dawada saboolnimada iyo fahanka dhaqaalaha, taas oo uu qoraagu ku sheegayo in ay tahay ujeedada ugu wayn ee uu buugga ka lahaa. Sidoo kale, buuggu waxa uu inoo iftiiminayaa sida dhaqaale loo sameeyo iyo sida loo kaydsado, sida daynta looga baxo iyo sida sharaf loogu noolaado. Waxa uu qaybaha u dambeeya innagu tusayaa dad tijaabiyay aragtiyaha buuggu xambaarsan yahay oo dhammaantood ka gaadhay guul ay mahadiyeen. Waxa uu qoraagu ina dhex gaynayaa magaaladii Baabila oo ahayd xudunta dhaqaalaha ee casrigeedii iyo magaaladii dunida ugu dhaqaalaha badnayd.

Cutubka Koowaad: Muuqaal Ka Bixin Magaaladii Baabila

Qaybtan koowaad waxa aynu ku baranaynaa magaaladii Baabila. Waxa la sheegaa in aan sooyaalka lagu hayn magaalo ka qurux badnayd Baabila. Waxa ay ku caanbaxday guryo qurux badan, qasriyo, guri-diimeedyo ashqaraar leh iyo derbiyo waawayn oo ku wareegsan kuwaas oo ammaan ahaan magaalada ugu jiray halka ay hadda lidka gantaaladu ugu jiraan quwaddaha waawayn ee dunida. Dadkii casrigeeda noolaa marka ay magaca Baabila maqlaan waxa ay xasuusan ama sawiran jireen wax aynnu ku tilmaami karno janno adduun; waxa hor iman jiray hummaag tusaya dhaqaale iyo dad hodan ah.

Inta badan marka ay dadku haatan maqlaan magaalo sidaa u dhaqaale iyo qurux badnayd, waxa ay sawiranayaan in ay ahayd magaalo ku dhex taallay buuro macdani ka buuxdo oo ay webiyo iyo bustaanno ka buuxeen, dadkeeduna nimcada ka dhaxleen dabeecadda iyo cimilada meesha ay ku taallay. Baabila waxa ay ku agtaallay webiga Furaat, waxa ay ka binaysnayd dooxo aan buur iyo xataa dhagax wax lagu dhisto lahayn. Ma ay lahayn hal waddo oo socdaalalda ganacsigu maraan ee waxa ay ahayd oomane roobku xataa ku yar yahay.

Baabila waxa ay lahayd keliya laba ilo-dhaqaale: biyaha webiga Furaat iyo dhul beereed. Reer Baabila waxa ay hindiseen farsamooyin ay labadaa ilood kaga dhigayaan kuwo horumariya magaalada iyo dadkeeda. Waxa ay biyo-xidheenno ka sameeyeen webigii Furaat, waxaanay ku leexiyeen dhulbeereedkii ku xeernaa magaalada. Farsamooyinkaas ayaa muddo kooban gudaheed dooxooyinkii boodhka badnaa ee Baabila ugu beddelay beero cagaarkooda iyo wax soosaarkooda la mahadiyay qurux ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Magaaladu sidoo kale waxa ay dhaqangelisay shuruucda maaliyaddeed ee illaa hadda la adeegsado sida: in lacag wax lagu kala iibsado, kala xadeynta ganacsiga, kala qorashada saamiyada iyo amaahda iyo dhammaan noocyada amaahashada iyo deyn bixinta. Waa dhammaan nidaamyada la casriyeeyay ee baananka dunidu hadda ku shaqeeyaan. Magaaladu waxa ay jirtay qarniyo badan, dadkeeda waxa loo oggolaaday suuq xor ah iyo in ay lacag samayn karaan, Xataa addoomada ayaa la siiyay xorriyad ay ku shaqaysan karaan si ay hadhoow isu xoreeyaan. Buugga qaybaha dambe ayaa aynnu ugu tegi doonnaa tiroba dhawr addoon oo inta ay wakhtigii firaaqada ahaa shaqaysteen is xoreeyay. Qaar addoomadaas ka mid ahi waxa ay ku dambeeyeen hantiileyaal magaalada laga qaddariyo.

Magaalada Baabila waxa ay fahantay wax ay ummaddo badan oo hadda nooli fahmi la’yihiin. Magaaladu waxa ay hoodo iyo ayaan ku lahayd in ay dhif ahayd in lagu soo duulo oo la qabsado, iyaguna cid kuma ay duuli jirin. Dagaalladoodu waxa ay u badnaayeen kuwo dhexdooda ah iyo iska caabbin ay inta badan ku guuleysan jireen. Madaxda Baabila waxa ay ahaayeen kuwo ku shaqeeya nidaam caddaali ah oo ummaddu u siman tahay. Marnaba ma ay qabsan keli’taliyeyaal dadkooda gumeeya, magaalooyinka kalena ku duula.

Nasiib darro Baabila waa magaalo dunida ka suushay oo aan hadda jirin. Kumanaan sanno markii ay calanka u siddey ilbaxnimada iyo dhaqaalaha casrigeeda ugu dambayn waa ay baaba’day oo waa laga haajiray, waxaana aasay dabaylihii badnaa ee ay caanka ku ahayd. Magaaladu waxa ay ku taallay qaaradda Aasiya, meel lix kun oo kiilomitir bariga kaga beegan marinka Suways, waqooyiga gacanka Eeraan.

Cutubka Labaad: Ninkii Doonayay Dahabka

Sheekada koowaad ee taxanaha buuggu waxa ay khusaysaa laba nin oo illaa yaraantoodii saaxiib ahaa. Bensir waxa uu sameeyaa gaadhi faraskaa Baabila ugu wanaagsan, se weli kuma uu helin abaalmarin iyo xataa in loo aqoonsado dedaalkiisa. Waxa uu deggan yahay meel u dhaxaysa qasriga boqorka Baabila iyo guri-diimeedyada waawayn ee magaalada. Isaga waxa u dhisan aqal yar oo daarahaa dhaadheer ku hoos naban. Waxa uu ka mid yahay dad badan oo heer kula ah nolosha hoosaysa oo iyaguna aqalo yaryar ku leh hareeraha aqalkiisa. Waxa u imanaya saaxiibkii Kobbi.

Kobbi waa kaban-garaace aad u cajiib ah. Isaguna sida saaxiibkii ma helin garashadii shaqadiisa. Kobi uma niyad jabsana sida saaxiibkii, waxa uu qabaa rejo wanaagsan. Kobi saaxiibkii waxa uu u soo doontay deyn dhan laba shillin-bireed, laakiin saaxiibkii waxba kuma dhaamo. Labada nin waxa ay iska waraysanayaan sidii ay lacag ku samayn lahaayeen, noloshoodana wax uga beddeli lahaayeen. Waa ay ku qanacsan yihiin oo ku faraxsan yihiin in ay xaasas iyo caruur leeyihiin oo ay sidoo kale xor yihiin, laakiin dhibku waa in ay ka daaleen in ay aad u shaqeeyaan wax yarna helaan. Waxa ay isku raacayaan in ay la tashadaan saaxiibkoodii caruurnimo Arkad, oo hadda la sheego in uu yahay ninka Baabila ugu hantida badan.

Cutubka Saddexaad: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Arkad waxa uu ahaa nin aad u hanti badan. Waxa uu ku caan baxay hanti badnaan iyo gacan furnaan. Waxa u imanaya saaxiibbadiisii caruurnimada qaar ka mid ah. Waxa ay ka doonayaan in uu fahansiiyo sirta ka dambaysa hantidiisa badan ee aannu waalidkii ka dhaxlin.

Arkad sababta saboolnimadooda laba midkood ayuu ku sheegayaa. Fahan la’aan ka haysa xeerarka maamula hantida ama in aannay baran oo daraasayn xeerarkan. Nasiibku waa mala-awaal aan cidna wax siin cidna ka qaadin. Nasiibku waxa uu ka so horjeedaa dabiiciga oo isaga ayaa dib u burburiya hantida uu cid nasiib ku siiyay. Dadka hanti nasiib ku helaa waxa ay noqdaan laba; kuwo aan aqoon sida loo kaydsado hantidaas oo ay muddo yar kaga baxdo gacantooda, iyo kuwo ay gacmuhu isku dhegan yihiin oo ka baqaya in hantida laga dhaco ama ka dhammaato maadaama aannay garanayn sidii ay ku soo ceshan lahaayeen waxa ka baxaya. Kuwan dambe lacagtu waxa ay ku soo kordhisaa cidhiidhi nololeed iyo cabsi joogto ah, waanna ay isqariyaan. Dadka qaata hanti aannay lahayn ee hantidooda ku darsada uma soo kordhiso raynrayn iyo qanacsanaan. Dadka hanti ka dhaxla waalidkood inta badan hantidaasi waa ay ka dhammaataa muddo yar gudaheed.

Haddii aynnu soo koobno Arkad talooyinkan oo ka dambeeyay guushiisa ayaa uu iyagana la wadaagay. Waa isla talooyin uu ka helay Algamish oo ahaa lacag-amaahiye reer Baabila ah (Waxa aynnu hadda bangiyada u naqaanno).

  1. Qayb ka mid ah hantida aad shaqaysato adigu gaar u yeello – Kaydso ugu yaraan tobankiiba hal (10%) wixii aad shaysatid.

Hantida aad shaqaysatid adigu ma wada lihid. Lacagta bil ku soo gasha waxa aad ku leedahay inta aad kaydsatid oo kaliya. Dhammaan hantida aad qarash garaysid waxa leh dadka aad wax kaga iibsatay. Markaa ha noqon qof bisha dhan shaqeeya, laakiin aan naftiisa u shaqayn ee u shaqeeya meherado dad kale leeyihiin. Shay kasta oo aan raandhiis lahayn sida dharka, kabaha, baabuurta, alaabaha la isku qurxiyo iyo wixii la mid ahi keliya waxa ay buuxiyaan boorsada qofka ka ganacsada ama sameeya. Waad u baahan tahay iyaga laftooda, laakiin ha ka dhigan muhiimadda koowaad. Muhiimaddaada koowaad ha ahaato in aad naftaada qaybteeda u qoondaysid oo aad meel u dhigtid – yaannay ka yaraanin 10%.

  • Isbar in aad ku noolaatid tobankii meeloodba sagaal meelood (90%).

Lacagtaada ku bixi keliya baahiyaha lagama maarmaanka ah. Wax kasta oo aad u baahan tahay ku fillaysii inta kuu soo hadhay. Marnaba ha u gudbin oo ha isticmaalin shillin ka mid ah kaydkaaga. Arkad 12-bilood ayaa uu uruuriyey 10% wixii uu bil kasta shaqaystay. Mar kale ayuu Algamish u yimid waxaanu weyddiiyay waxa uu lacagtii ku sameeyay. Arkad waxa uu u sheegay in uu u dhiibay nin Azmur la yidhaahdo oo guryaha dhisa. Azmur waxa uu galay socdaal waxaanu u soo iibinayaa Jawhar qaali ah.

Algamish waa uu canaantay Arkad. Waxa uu u sheegay in aan qof dhismaha ka shaqeeya loo diran jawhar. Waxa uu sheegayaa in arrinkani la mid yahay isaga oo rootiile kala tashada xiddigiska. Waxa uu u sii sheegay in wixii uu ninkaa u diray dayacmeen ee uu mar kale halkii hoose ka soo bilaabo. Sidii uu sheegay Algamish Azmur waa la dhacay oo waxa laga soo iibiyay walxo yaryar oo dhaldhalaalaya hantidiina waa ay ku daysay.

  • Lacagta kuu ururta ku maalgasho meelaha faa’iidada joogtada ah leh ee aan hantidaadu kaaga dayacmayn.
  • Maalgasho keliya meelaha aad khibradda iyo aqoonta u leedahay, ama ay dadka aqoonta u lehi kugula taliyeen.
  • Guri iibso ama dhiso si aannay lacagtaadu ugu dhammaan bixinta kirada aqalka aad degan tahay.
  • Aayatiinkaaga dambe hanti ugu talogal.
  • La tasho dadka murtida leh. Cid kasta kala tasho waxa ay aqoonta u leeyihiin.

Arkad waxa uu sannad kadib u warramayaa Algamish oo kar kale ku soo noqday. Waxa uu u sheegayaa in uu hadda meel fiican maalgashaday. Waxa uu lacagtiisii u dhiibay Agger oo ah gaashaan-sameeye. Gaashaamadii loo sameeyay ayuu kireeyaa oo lacagi ka soo gashaa. Arkad bilawga lacagta kirada ka soo gasha wuu wada isticmaali jiray laakiin Algamish ayaa u sheegaya in uu cunayo caruurtii kaydkiisa. Arkad marka uu casharradaa wada dhaqangeliyo ee uu hanti badan yeesho ayuu la wareegayaa maamulka beero uu Algamish ku lahaa Nippur. Hantidaas ayuu maamulayaa kaddibna ay qaab wadaag ah u qaybsanayaan. Waa taa sirta ka dambaysa hantida badan ee Arkad caanka ku yahay.

Cutubka Afraad: Toddobada Dawo ee Jeeb Madhnaanta

Toddobadan dawo waa isla kuwii uu Arkad siiyay saaxiibadii. Waa casharro uu ayaamo badan siinayay dad reer Baabila ah. Isaga iyo boqorka ayaa isku raacay in dadka la baro sidii ay hanti u samaysan lahaayeen.

  1. Bilaw in aad boorsadaada naaxiso – lacag kaydso, yaannay ka yaraan 10%.
  2. Xakamee qarashaadkaaga.

Ha isticmaalin ka badan waxa aad u baahan tahay ee lagama maarmaanka ah. Haddii aad ku noolaato 90% wixii aad shaqaysatay, waa hubaal in aan noloshaada culays dhaqaale oo ay dareentaa fuulayn.

  • Dahabkaagu (Lacagtaadu) ha kuu shaqayso oo iyadu ha is tarmiso – ku maalgasho meel waxsoosaarkeeda la hubo oo ammaan ah.

In aad lacag kaydsataa ma barakaynayso wixii ururay. Lacagtaada ka dhig mid iyadu kuu shaqaysa oo lacag kale samaysa. Shillin kasta oo aad kaydsatid ka dhig askari kuu daacad ah oo aad hawlgelisay. Shaqada aad askarigaa u dirtay waa in uu askar kale soo qabqabto. Askarta cusub ee soo biirtay laftoodu shaqadii askariga hore ayaa ay qabanayaan oo askar hor leh ayaa ay keenayaan ilaa aad aqalkaaga u beddesho xero ciidan.

  • Iska ilaali in maalgashiga meelaha u muuqda in ay faa’ido badani ku jirto, laakiin aan isku hallaynta lahayn. Ayaandarradu waxa ay doorbiddaa kan aan iska ilaalin.
  • Ha bixin kiro ee aqalka aad degan tahay gado oo ka dhig hanti aad leedahay.

Soomaalida magaalooyinku waxa ay halhays u leedahay, ‘Kiradu waa mag aan lagula bixinayn.’ Dabcan kiradu waa dhiigbax dhaqaale oo ganacsiga iyo biilka qoysaska geliya qarash badan oo meelo kale u buuxin lahaa. Dhallinyarada dhawaan reeraha dhisay waxa ugu wayn ee ay ka cawdaan waa kiro qaali ah. Haddii aad aqal dhisato inta aannad reer samayn waxa ay kaa caawinaysaa in hantidii aad kirada ku bixin lahayd meelo kale oo waxtar leh gashato ama aad kaydsatid ugu yaraan.

  • Dhaqaale u kaydi aayahaaga dambe.

Hantidaada geli meel ay ku korodho. Dhul iyo guryo iibso waayo hantida ma guurtada ahi waxa ay leedahay aayatiin dambe oo fiican. Lacagtaada waxa aad u dhiiban kartaa lacag-amaahiyaha (Bangiga). Dulsaarka kuugu darsamaya ayaa kaaga dhigi doonna dhaqaale aad u badan.

Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa nin la yidhaahdo Ansan oo ah kabo-tole. Toddobaad walba lacag-amaahiye ayuu u dhiiban jiray laba shillin ah. Dhawaan ayuu lacag-amaahiyihii guddoonsiiyay lacag aad u badan oo ka farxisay. Lacagtaasi afartii sannoba waxa u kordhayay afar meeloodoow meel (25%). Waxa uu qaatay lacag dhan kun iyo afartan shillin. Haddii uu lacagtaas u dayn lahaa 12-sanno oo kale waxa ay u noqon lahayd afar kun oo shillin-bireed. Si kasta oo aad u mushahar badan tahay ugu dambayn waad gaboobaysaa ama waabad dhiman. Haddii aannad gabowgaaga iyo aayaha dambe ee qoyskaaga kayd u samayn noloshu ku soo dhawayn mayso.

  • Kordhi awooddaada waxsoosaar. Mar kasta oo aynu xirfaddaheena iyo aqoonteena badino waxa badanaya lacagta aynu samayno.

Cutubka Shannaad: La kulan Nasiibka iyo Waxa uu Yahay

Reer Baabila waxa ay ku maahmaahi jireen, “Haddii qofku nasiib wanaagsan yahay, cidna ma sawiran karto barwaaqada uu gaadhi karo. Webiga Furaat ku dhex tuur, waxa dhici in uu ka soo badbaado isaga oo jawhar gacanta ku sita.” Dadkeennu waxa ay rabaan in ay wada nasiib wanaagsanaadaan. Reer Baabila waa ay jeclaayeen in ay nasiib wanaagsan yeeshaan, sidoo kale dadka hadda nool waa la mid. Haddaba nasiibka ma lala kulmi karaa oo ma la soo jiidan karaa?

Waxa hubaal ah in aannu jirin wax nasiib la yidhaahdo oo dadku is dheer yihiin. Nasiibku keliya waxa uu gargaaraa kuwa dedaalka la yimaadda. Ma jiraa midkeen ka taajiray khamaar uu ciyaaray? Marka la khamaarayo, mar walba guushu waxa ay u dhawdahay ninka meesha iska leh. Nin ayaa meherad u furtay si uu uga macaasho. Ma filaysaa in qof meherad iska furanayo si uu ugu khamaaro oo dadka imanaya uu ula saami noqdo? Waa maya.

Ka soo qaad in Laadhuu lagu khamaarayo. Haddii uu dhinaca guduudani kor maro mulkiilaha goobta ayaa ku siinaya lacagtaadii oo afar jibaaran. Haddii se uu dhinac kale oo shanta gees ee soo hadhay ka mid ah uu kor maro, waad khasaartay. Haddii aad ciyaarto adiga ayaa shan jeer u dhaw in aad guuldaraysatid. Maadaama oo uu halkaaga mar afar u dhigmo waxa weli lagu dheer yahay geeskii shanaad oo mulkiilaha ayaa gaar u leh. Nasiibku ma saacido qofka dib u dhigta fursad uu ku hodmi lahaa. Waxa jira qof innagu dhex nool oo wax kasta dib innoogu dhiga. Haddii aynnu dhagaysanno waa hubaal in aynnu ka qoomamayn doonno waxa ina dhaafay.

Cutubka Lixaad: Shanta Xeer ee Dahabka

“Dadka haddii la kala dooransiiyo dahab iyo dhagax-qoraaleed ay murti ku qoran tahay, waxa ay doorran doonnaan dahabka.”

Dahabku waxa uu u kaydsamaa dadka xeerarkiisa yaqaanna ee raaca. Shanta xeer ee dahabku waaxa ay ku qornaayeen dhagax-qoraaleed uu Arkad siiyay wiilkiisa Nomasir. Waxa uu Arkad wiilkiisa siiyay boorso dahab ah iyo dhagax-qoraaleed ay ku qoran yihiin xeerarkii dahabku. Nomasir marka hore dhagaxaanta ma eegayo, dahabkiisiina waa uu ka dhammaanayaa laakiin marka dambe ee uu xeerarka akhriyo ayuu guulo wax ku ool ah gaadhayaa.

  1. Dahabku waxa uu soo doontaa qofka kaydsada wax aan ka yarayn tobankiiba hal meel, si uu hanti ugu abuuro naftiisa iyo qoyskiisa.
  2. Dahabku waxa uu u shaqeeyaa oo faa’ido u soo saaraa qofka ka shaqeysiiya.
  3. Dahabku waxa uu gacantiisa ku dhegaa qofka waayo’aragga kala tashada halka uu ku maalgelinayo.
  4. Dahabku waxa uu gacantiisa ka siibtaa qofka ku maalgeliya meel aannu waxba ka aqoon ama waayo’aragga ganacsigu kula talin.
  5. Dahabku waxa uu ka cararaa qofka ka raadiya dhaqaale aan suurtogal ahayn ama raaca talada dhagar qabayaasha.

Haddii aad doonaysid in aad caawisid qof dhibaataysan, ha kala wareegin dhibta isaga haysata ee u caawi qaab aan adiga waxba ku yeellayn. Waxa jira qaabab badan oo la isku caawiyo. Ha doorran qaab dhib u keenaya naftaada, wakhtigaaga, maalkaaga iyo sharaftaada. Lacagtaada amaahi keliya dadka leh awood ay is kaga soo celiyaan ama aad hubto in aad ka helayso.

Cutubka toddobaad: Deyrkii Baabila

Baabila waxa ay lahayd derbiyo waaweyn oo ku wareegsan. Waxa magaalada ku socda dagaal ay ku soo qaadeen col reer Assyria ahi. Waxa ay isku dayayaan in ay deyrka soo fuulaan ama ay albaabada soo jebiyaan. Magaaladu hadda ma haysato ciidan ku filan, ciidankeedii waxa uu ku maqan yahay dagaal meel kale ka socda. Ciidanka magaalada oo uu hogaaminayo abbaanduule Banzar waxa ay ku jiraan difaac. Ciidamada soo fananaya derbiga ayaa ay saliid la karkariyey dusha kaga shubayaan, kuwo kale leeb iyo qaanso ayaa ay colka la dhacayaan, kuwona warmo ayaa ay ku hubaysan yihiin oo gudaha ayaa ay heegan ku yihiin haddiiba albaabka la soo jebiyo.

Duq Banzar oo magaalada dhex wareegaya ayaa ay caruur, cirroole, rag iyo dumar ba u imanayaan si ay xogta dagaalka ugu waraystaan, waa ay werwersan yihiin. Dhammaan niyadda ayaa uu u dejinayaa oo u sheegayaa in deyrka Baabila yahay mid la isku hallayn karo oo ammaankooda sugaya. Ugu dambayn marka dhawr toddobaad la soo jebin kari waayo deyrka Baabila ayaa colkii goor waaberi ah guurayaa. Magaaladii Baabila waxa ay iskugu soo baxaysaa dabaaldeg iyo raynrayn.

Cutubka Siddeeddaad: Ma ruuxda ayaa aad addoon ka tahay? (Ganacsadihii Geela)

Sheekadani waa wiil yar oo deyn badan lagu leeyahay. Magaciisu waa Tarkad. Deynta waxa ku leh nin ay aabbihii jaal ahaayeen. Isaga oo gaajaysan oo urinaya cuntada meelaha fog fog ka bisil ayaa uu soo gelayaa magaalada. Gaajadu xataa tuuganimo ayaa ay u gaysay oo beer uu xad is yidhi ayaa laga soo eryaday. Waxa arkaya ninkii deynka ku lahaa oo uu jeclaa in aannu arkeen. Dabasir ayaa lacagtii weyddiinaya, isaguna waxa uu u sheegayaa in aannu haynin. Wuu kaxaynayaa oo maqaaxi cunto ayaa uu geynayaa. Dabasir waxa uu dalbanayaa hilib, maraq, rooti iyo khudaar kala jaad ah, Tarkadna waxa uu u dalbayaa jeeg biyo qabow ah. Tarkad ayaa isaga oo gaajaysan cunto aad u macaan lagu ag burbursanayaa oo weliba loogu dul sheekaynayaa. Dabasir waxa uu u warramayaa dadkii maqaaxida fadhiyay oo dhammaantood cuntaynaya Tarkad mooyee.

Dabasir waxa uu ka sheekaynayaa noloshiisii hore ilaa uu ka noqday ganacsade geela iibiya. Waxa uu sheegay in uu hadda ka hor dhulka Suuriya addoon ka ahaa. Dadka oo dhami waa ay la yaabbeen in uu ninkan sida wayn loo qaddariyo ee ganacsadaha ahi addoonnimo soo maray.

Dabasir waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada reer Baabila. Ma uu lahayn xirfad gaar ah. Waxa uu la shaqayn jiray aabbihii oo ganacsi yar leh. Markii dambe xaas ayuu yeeshay. Waxa uu bilaabay in uu u noolaado sida boqorrada. Wax kasta oo uu u baahdaba naftiisa iyo xaaskiisa ayuu la jeclaaday. Alaabaha cusub ee magaalada la keeno oo dhan ayuu gataa, wixii uu lacag u waayana amaahdaa.Wuu deynoobay. Dadkii deynta kulahaa ayaa saf dheer u soo galay, mana uu awooddin in uu lacagtoodii siiyo. Waxa uu galay nolol cidhiidhi ah. Xaaskiisii ayaa ka tagtay oo reerkoodii aadday. Magaaladii uu ku deymoobay ee Baabila waa uu iskaga tagay si uu fursad meel kale uga raadiyo. Waxa uu ku biiray qawlaysato safarrada dhacda. Mar ayaa ay safar dhaceen oo maal fiican ka heleen, laakiin safarkii labaad ayaa ilaaladii safarku laysay hoggaamiyayaashoodii isaga iyo koox kale la qabtay oo Dimishiq ayaa la geeyay.

Waxa qiimo jaban laga siiyay madax-qabiileed Suuriyaan ah. Timaha ayaa laga xiiray oo gunti yar loo xidhay. Odaygii waxa uu u geeyay afartiisii xaas oo u sheegay in ay xoolaha raacsadaan addoonkan uu u soo gaday. Afartii dumar ahaa ayaa mid waliba eegtay bal in ay kaxaysato iyo in kale. Waxa dooratay Sira oo ahayd xaaska u wayn afarta dumar ah. Waxa ay u kaxaysatay in uu awrka u kaxeeyo marka ay hooyadeed oo dhul fog ku xanuunsanaysa soo booqanayso.

Sira ayaa uu uga sheekeeyay in uu nin xor ah ahaa iyo wixii ku dhacay oo dhan. Waxa ay u sheegtay in aan qofka ruuxda xorta ka ahi addoon noqon karin. Waxa uu ka fikirayaa in ay ruux addoonnimo ku jirto. Sannad ayuu addoon ahaa oo uu Sira la jooggay, laakiin mar walba waa ka soocnaa addoomada kale oo dhinac ayuu ka ahaa. Waxa ay weyddiinaysaa in uu doonayo in uu iska bixiyo deynta lagaga leeyahay Baabila. Waxa uu u sheegay in uu doonayo laakiin aannay hadda suuragal u ahayn.

Sira ugu dambayn waxa ay siinaysaa sahay iyo awr uu ku baxsado, waxaanay u ambabixinaysaa dhankaa iyo magaaladiisii Baabila. Daal, gaajo, harraad iyo dhib oo dhan Kaddib waxa uu imanayaa Baabila. Waxa uu qirayaa in cadawga magaaladiisa ka eryay aannay ahayn saaxiibbadii oo aaminay oo deyn siiyay ee ay tahay deynta lafteeda. Markiiba waxa uu la xidhiidhayaa dadkii deymaha ku lahaa oo uu u sheegayaa in uu u soo noqday si uu deyntooda u siiyo ee ay ka sugaan. Qorshahiisa labaad waxa uu ahaa in uu xaaskiisii soo kaxaysto oo uu nolol iyo aqal u sameeyo.

Halkaa markii ay sheekadu maraysay ayaa uu u soo jeedsaday wiilkii saaxiibkii dhalay ee uu deynta ku lahaa oo ku yidhi, “Tarkaddoow calooshaada madhani maskaxdaada cashar ma baraysaa? Ma doonaysaa in aad raacdid waddada kuu horseedaysa sharafta naftaada? Ma doonaysaa in aad iska bixisid deyn kasta oo lagugu leeyahay si Baabila lagaaga xushmeeyo?” Tarkad waa uu ooyay oo ilmeeyay, inta uu dhankii Dabasir soo eegay ayuu u sheegay in uu indhaha u furay. Waxa ay dadkii Dabasir waydiiyeen sida uu ugu dambayn deyntii iskaga bixiyay.

Dabasir waxa uu ugu horrayn booqday qof kasta oo deyn ku lahaa oo uu ka codsaday in ay siiyaan wakhti uu deynta iskaga soo celiyo. Inta badan asxaabta deynta ku lahayd waa ay soo dhaweeyeen. Qaarkood ayaa se caayay. Shaqo ayuu bilaabay, deyntiina hadba sidii uu in u bixinayay ayaa ay ka dhammaatay. Hadda waa duq magaalada Baabila laga xushmeeyo. Dabasir oo intii uu warramayay cuntadii ka qabawday ayaa maqaaxida hilib iyo qudaar kale ka dalbaday. Sidoo kale, Tarkad ayuu yidhi halloo keeno cunto aad u badan maadaama uu gaajaysan yahay. Dabasir cadawgiisa u weyni deynta ayaa ay ahayd. Deynta ayaa magaaladiisii uu jeclaa ka kaxaysay, qawlaysato aannu u qalmin ka dhigtay, addoonnimo u xero gelisay. Dayntaa markii uu ka adkaaday ayuu bilaabay in uu si sharaf leh u noolaado.

Cutubka Sagaalaad: Dhagax Qoraaleedyadii Baabila

Sheekadani waxa ay dhex maraysaa laba buuni oo Ingiriis ah. Buuni Swithin oo ka tirsan Jaamacadda Nothingham ee dalka Ingiriiska ayaa warqad u diraya buuni Franklin Caldwell iyo waaxda sahanka Sayniska ee dawladda ingiriiska oo jooga dalka Ciraaq. Swithin waa tarjumaanka dhagax qoraaleedyo laga soo qufay magaaladii Baabila, Caldwell na waa ninka soo qufay ee u soo diray ingiriiska si loo tarjumo.

Dhagax qoraaleedyada oo laga filayay in ay ku qoran tahay sheekooyinkii carbeed sida: Alfa Layaali wa Layla, balse waxa ku qoran wax ka xeeldheer sheeko xariiro carbeed. Waxa ku qoran sheekada nin la yidhaahdo Dabasir oo dhibaato deymeed haysatay. Dhibaatada ninkaa haysatay shan kun oo sanno ka hor weli dad ayaa ay haysataa. Buunigu waxa uu qoraalka ka bartay sida deynta la iskaga bixiyo iyo sida lacag lagu samayn karo. Buuniga iyo xaaskiisa ayaa isku dayaya in ay qorshahan naftooda ku dabaqaan.

  • Qorshaha Koowaad

Dabasir waxa uu kaydiyaa tobankii meeloodba hal meel wixii soo gala (10%). Waxa uu u kaydsadaa oo aayihiisa dambe iyo sidii uu dhaqaale ku filan u yeelan lahaa.

  • Qorshaha Labaad

Qorshihiisa labaad waa sidii uu xaaskiisa oo u soo noqotay nolol iyo guri ugu samayn lahaa. Waxa uu aaminsan yahay, sidii saaxiibkii Mathon u sheegay, in ninka qoyskiisa nolol wanaagsan u sameeya ay u kordhiso kalsooni, awood iyo ka go’naansho yool gaadhis. Waxa uu is baray in uu ku noolaado tobankii meeloodba toddoba (70%) wixii soo gala. Waxa uu iska xakameeyay wax kasta oo u gayn kara in uu isticmaalo kaydkiisa ama ka badan 70%.

  • Qorshaha Saddexaad

Qorshihiisa saddexaad waa sidii uu daynta iskaga bixin lahaa. Dadka daymaha ku leh waxa uu ugu talogalay tobankii meeloodba laba meel wixii soo galay bisha (20%). Bil kasta habeenka uu dayaxeedu buuxo ayaa uu dhaqaalaha uu shaqaysto tobankii meeloodba laba meelood si siman ugu qaybiyaa dadkii daymaha ku lahaa. Waxa uu sameeyay dhagax qoraaleedyo uu ku qoray qof kasta oo dayn ku leh magaciisa iyo daynta uu ku leeyahay. Muddo kooban ayaa ay dayntii kaga dhammaatay. Buunigii reer Ingiriis ee dhagax qoraaleedka tarjumay iyo xaaskiisu waxa ay dhaqangeliyeen qorshayaashii Dabasir, waxaanay ka gaadheen guul ay u riyaaqeen.

Cutubka Tobnaad: Ninkii Baabila ugu Ayaanka Wanaagsanaa

Sheekadan waxa ay khusaysaa Sharu Nada oo ahaa boqorka ganacsiga ee Baabila. Waxa uu hadda ka yimid Dimishiq oo uu safar ka keenay. Waxa uu Dimishiq ka soo kaxeeyay Hadan Gula oo ah wiil uu awoow u yahay Arad Gula, oo ahaa Sharu saaxiibkii rumaad oo ay in badan shuraako wada shaqaysta ahaayeen. Wiilka yari waxa uu ahaa mid raaxo jecel oo shaqo neceb. Waxa uu la yaabanyahay odaygan maalqabeenka ah ee haddana weli shaqaynaya ee Suuriya iyo Baabila u kala safraya. Sharu waxa uu jeclaystay in uu wiilkan meel ka soo saaro isaga oo intaa abaalgud uga dhigaya abaal uu awoowgii ku lahaa. Arad Gula lacagtiisii waxa baabiiyay kuwii uu dhalay oo noqday kuwo aan xikmad lahayn. Wiilka yarna waxa dhalay kuwaa mid ka mid ah.

Sharu Nada iyo Arad Gula waxa ay soo wada mareen addoonnimo. Waxa lagu kala iibsaday suuqa addoomaha ee Baabila. Sharu waxa iibsaday nin leh moofo rootiga lagu sameeyo. Waxa uu bartay sida rootiga loo xasho. Marka uu shaqada dhammeeyo ayaa uu qayb kale oo rooti ah samayn jiray. Waxa uu ku iibin jiray suuqyada iyo waddooyinka. Wixii ka soo baxa si siman ayaa ay u kala qaybsan jireen. Qorshihiisu waxa uu ahaa sidii uu xornimadiisa dib ugu iibsan lahaa. Waxa uu yeeshay macaamiil joogto ah oo rootigiisa suga. Dadkaas ayuu Arad Gul ka mid ahaa. Waxa uu isaguna xaafaddaha ku wareejin jiray dermaha isaga oo dameer ku sida oo uu addoon la socdo.

Arad Gula isaguna addoon ayuu ahaa, Ganacsiga uu wado waxa uu wadaag kula ahaa mulkiilihiisa. Waxa uu u socday in uu xornimadiisa iibsado. Arad waa uu ka hor xoroobay kaddibna isagii ayuu xoreeyay. Sidaas ayaa ay ganacsiga xulufo iyo wadaag ugu noqdeen. Waxa uu wiilkii siiyay talooyin uu ku tusayo in uu shaqaysto oo nin iska dhigo. Waxa ay isla qaateen in shaqadu tahay sirta lacagta ee awoowgii ku hodmay aabihiina ku xoolo waayay. Iyaga oo madaxa kor u taagaya ayaa laga furay albaabadii waaweynaa ee Baabila.

Gunaanad

Ninkii Baabila ugu hantida badnaa’ waa dhigane koobsanaya mashaakil innaga, soomaali ahaan gaar inoo haysta. Waxa la sheegaa qofka Soomaaliga ahi in uu qarash gareeyo dhammaan wixii soo gala. Haddii aannay Soomaalida oo dhan ahayn waa inta ugu badan. Buuggani waxa uu aad u anfacayaa qof dhallinyaro ah, shaqeeya, reer leh, kiro ku jira, deymo lagu leeyahay; laakiin lacagta soo gashaa aannay kafeyn baahiyiisa shaqsi iyo kuwa qoys. Qofkaa iyo dhammaanteenba waxa uu buuggu siinayaa casharro uu kaga baxo dhibaatooyinkaa dhaqaale oo u baahan uun baraarug iyo wacyi lagu xalliyo. Waxa aynnu ugu tagaynaa casharro muhiim u ah lacag samaynta, kaydinta, maalgelinta iyo badi xeerarka maaliyaddeed ee hadda ay dunidu ku kala macaashto. Waa buug mudan in la akhriyo, haddiiba aan hadda qof buug u doori lahaa waa hubaal in aan kan ka dhigi lahaa.

Buuggu waxa uu ina siinayaa casharro nolosheenna saamayn ku leh, wax aka mid ah:

  1. Muhiimadda ay aqoonta qoraalku ama dhigaalku u leedahay aadamaha. Baabila waxa ay kumanaan sanno ka hor adeegsan jirtay qoraallo iyo far u gaar ah. Haddii aannay reer Baabila dhagax-qoraaleed hindiseen, suuragal ma ahaateen in aynnu magaaladaa baranno, iska daa in aynnu aqoon ay kaydisay ka faa’idaysannee. Abwaankii Soomaaliyeed waa kii lahaa: “Wixii qoran baa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay?
  2. Haddii dalka ama magaalada ay madaxdeedu hagaagto, bulshada oo dhami waa ay horumartaa. Magaaladani waxa ay lahayd boqorro ka fikira sidii ay magaaladu u noqon lahayd tan ifka ugu hodansan.
  3. Muhiimadda ay goobaha waxbarashadu leeyihiin. Baabila waxa ay lahayd aqal ka dhexeeyay magaalada oo wax lagu baran jiray. Waxa uu ahaa aqal aqoonneed oo bareyaal is xilqaamay ay dadka ku bari jireen aqoontii waagaas iyo tii ka horaysay. Arkad, ninkii Baabila ugu Hantida Badnaa, ayaa ka mid ahaa bareyaal dadka bari jiray sida loo hodmo.
  4. Ganacsatada hanti-goosadka ahi waxa ay inta badan cadaadiyaan kuwa ay awood ahaan ka sarreeyaan ama kuwa la ayniga ah ee ay si uun suuqa iskugu hayaan. Haddii ay ganacsatadu ka shaqayso si ay kuwa ka hooseeya kor ugu soo qaadi lahaayeen, waxa badan lahaa dadka lacagta haysta ee leh awood wax iibsi oo sarreysa. Dadkaas ayaa iyaga suuqooda kor u qaadi lahaa. Baabila madaxda iyo hantiilayaasha ayaa rabay in ay dadka baraan siraha lagu taajiro. Sirahaas markii uu qof waliba helay, magaaladu waxa ay noqotay tan dunida hoggaamisa dhaqaale ahaan iyo ilbaxnimo ahaanba.

Haddii aynnu dulmarno inihii aynnu ka soo sheekaynay; kaydso ugu yaraan boqolkiiba toban (10%) wixii ku soo gala ama aad shaqaysatid. Baahiyahaaga ku koob keliya kuwa lagama maarmaanka ah. Yaannay dhaldhalaalka adduunka iyo rabitaanka naftaadu kugu hoggaamin in aad wada isticmaasho wixii aad shaqaysatay ee ka jooji waxa ay rabto ilaa uu yahay wax aannad ka maarmayn. Haddii ay naftaadu ku hogaamiso waa hubaal in aan waxa ku soo galaa kugu filnaan doonnin oo aad geli doonto deymo aannad iska bixin karin. Iska ilaali deyn qaadashada. Dedaal oo xooji xirfaddahaaga oo kuu saamaxaysa in aad shaqaysato lacag badan. Hodantinimadaadu ma aha shillimaadka boorsadaada ku jira, waa dakhliga boorsadaada sida joogtada ah u soo gala oo laga jaray wixii si joogto ah uga baxa. Ha illaawin in aad koobto qarashka kaa baxaya. Hantidu waxa ay timaaddaa marka uu dakhligaagu xawli ku socdo, kaydkaaguna bato ee aad koobtid qarashka kaa baxaya. Talada ha ka qaaddan khiyaamoolayaasha iyo dadka dhagaraha maleega. Talada ka qaado dadka khibradda u leh shaqada aad markaa hayso. Guul heerkeedu sarreeyo ma gaadhaysid illaa aad iska joojisid dib dhigashada oo inta badan qofka ka lumisa fursaddaha dhaqaale ee dhifka ah, kuwaas oo ka faa’idaysigoodu yahay waxa la isku dhaafay.

W/Q: Jimcaale Maxamed Cali “Xamari”
Email: xamari32@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “