Waan Ku Qanacsanaa! – Vol: 01 – Cad: 23

 352 View

Indheergarad – Sebtembar 05, 2019 – Hakis  – Vol: 01 – Cadadka: 23aad

Gabadh is wareejinaysa oo aan muuqeeda la halacsan kareyn ayaa ciyaaraysey,  wejiyo wada qoslaya oo aad mooddo in jannada loogu bushaareeyay ayaan arkayey, codad macmacaan ayaan maqlayey, iyo sacab la garaacayo;  markale waa muuqaal argagax leh,  waa dad wada murugeysan, indhohoodu wada ilmeynayaan, codad baroor ah iyo dumar dhulka isku garaacaya, dhawaaq dhahaya “Samra tani waa qadar e” ayaa dhegahayga kusoo dhacayey, tan waxa aan filayey dhammaadkii nolosha se ma ay ahayn, labadan muuqaal waa xusuusta keliya ee aan ka haysto noloshaydii ka horraysay intan aan kusoo gudbin doono iminka, adiguna aad ka bixin doonto dareenka kula gudboon.

Waxaan fadhiyey kob cidlo ah oo guriga agtiisa ah, waan dareemayey in fallaadhaha cadceedda kuleylkoodu i gubayaan, inkasta oo aan helayey meel aan hadhsado misena waan ku qanacsanaa bartaydaas! Noloshaydu waxay ku dhisneyd qanaaco, wax kasta way ila qurux badnaayeen,  micne weyn iima samayneyn inaan guriga ku lahaa hal shay oo aan wax ku cuno. Goobtaan usoo hurdo tago mid aan jecelahay bay ahayd, waan xasuustaa karbashkii aan huwan jirey iyo jabacdii/salligii yaraa ee aan dhagaxa iga celin jirin ku seexashadiisii; se waan ku qanacsanaa!

Aayaday waxay ahayd mid kulul oo qaylo badan, i hiifta oo si weyn ii canaanata, mararka qaar way i dili jirtey, waxyaabo badan oo aanan kareyn ayay ii diri jirtey waana qaban jirey, inkasta oo ay igu adkeyd qabashadoodu se waan ku qanacsanaa! Noloshan meertada ah maalin kasta wax isku mid ah ayaan qaban jirey, guriga 13 saacadood ayaan ka maqnaan jirey, maalin kasta kolka ay muddadaasi dhammaato ee aan guriga ku soo socdo waan nixi jirey, baqdin baa i geli jirtey, farxaddaa iga guuri jirtey, rejadii aan nolosha ka lahaa ayaan lumin jirey, in kasta oo aanan xaaladdan waxba ka qaban kareyn, haddana waan ku qanacsanaa !

Maalintan waan murugaysnaa; waxaan is weyddiinayey sababta aniga noloshan rajaynimadu dhaanto laygu dooray. Nabarrada jidhkayga ku yaalla ayaan fiirinayey, midkasta  xarfo iyo fahanno kala duwan ayaan ka qaadanayey, cuqdad iyo calool-xumo ayay igu beerayeen, markan xarriijimaha ii muuqanayey waa kuwo iga qoslinayey oo iga farxinayey, waxaan xasuustaa oodda halkaas iga xagatay inaan anigu ka gardarnaa! Waa marka keliya ee aan anigu gardarrooday, dhammaan boogaha kale waxay ahaayeen kuwo si arxan-darro la iigu dhuftay; se waan ku qanacsanaa!

Hadda toban sanno ayaa ii buuxsamay, cimriga baas iyo da’daydan cararaysa waa ay i dhibaysey, caqligaygan korriinkiisu dheeraynayo haliso badan buu ii horseedayey oo fahanku ugu horeeyo, nolosha dhabta ah ee aan ku noolahay waan is diidsiin jirey; khiyaaliga ayaan saaxiib dhow la ahaa, mararka qaar waan iska dhoolacaddeyn jirey sabab li’i, inkasta oo aanan ku faraxsaneyn, misana waan ku qanacsanaa!

Markan qaangaadh ayaan noqonayey, werwer iyo walaac badan ayaa iga hayey sidan aan ahay, jidhkaygan qaabkiisu is beddelay baan ka xumaa. Nasiibka iyo qaddarka halkan i dhigay ayaan hiifayey oo habaarayey, dunidan foosha xun ka maqnaansheheeda ayaan jeclaysanayey. Cadowgayga kowaad wuxuu ahaa caqligayga, fahanka iyo diidmada uu igu abuurayey xanuun il-daran ayay igu hayeen, ma dooneyn inaan wax ka fikiro inaan iska noolaado ayaan rabey fahan la’aan, inkasta oo aanay sidaasi ila qurux badneyn, misna waan ku qanacsanaa!

Waxaan la yaabbanaa sababta la ii leeyahay cawro ayaad tahay, markii aan yaraa cidna ima odhan jirin madaxaaga wax ku ded, waa inta keliya ee i farxad gelin jirtey daawashada timahaygu iyo ku ciyaaridoodu , iminka waxkastaa way is beddeleen, makhluuq dulman aniga oo awalba ku ahaa dunidan korkeeda, misana waxa iigu biiray iimo kale oo foolxumadooda leh. Ragga deegaanka anigu waan ka cabsoon jirey, waxaan ka fekeri jirey waxa ay iga eegayaan, mararka qaar sida dhurwaayo neef hororsanaya ay iigu soo kala tartami jireen, aad baan uga dhuuman jirey duulka sidaas ah, in kasta oo qaarkood i cajab geliyeen, misana waan ku qanacsanaa inaan iska yeelo dhoohan!

Bilahan culeys ma aan dareemayn, ninka aannu is baraney wax badan buu ii sheegay, rejadaydu xoogaa way soo biqlaysay, ereyo kalgacal iyo yididdiilo abuurayey ayaa lagu waraabin jirey. In kasta oo aanan waxba ka fahmin nolosha cusub ee uu doonayey inaan wadaagno, misana waan ku qanacsanaa!

Markan 19 jirkaygii ayay aheyd, waxay ahayd habeen mugdi badan, argagax leh oo cabsi abuuraya, se caqliyadayda yar ee gudhay noolaynaya oo farxad gelinaya. Marwo cusub ayaan noqday, nolol kale ayaan galay, oday wadaad lagu sheegayo baa wax “Nikaax” la yidhaahdo isugu kaayo xidhay, waxbuu dudubinayaa, se midhna kama fahmin; Af-shimbireed iigama duwaneyn, misana waan ku qanacsanaa!

Weli noloshu sideedii ayay ahayd markaa xil iyo masuuliyad ayaa ii dheerayd, shaqo cusub ayaan bilaabay oo aanan wax xog ah hore uga haysan;  adeegto cusub iyo addoon la leeyahay ayaan noqday, xilliyada qaarna aalad baahiyaha jinsiyeed lagu gunto ayaan ahaa. In kasta oon arkayey foolxumooyinkaas, misana waan ku qanacsanaa! Magac cusub ayaan yeeshay, laakiin micno badan masoo kordhin aan ahayn inuu kamid noqday werwer-dhaliyeyaasha noloshayda qarribay. Hooyo carruur dhashay sabab li’i ayaan noqday; inkasta oo aanan ku faraxsaneyn, misana waan ku qanacsanaa!

Iminka 53 sanno ayaan jiraa, dhul-yaal waayaha adduun dhabar jebiyeen ayaan noqday; bukaan baan ahay aan cidina baananeyn. Waayihii isoo maray in kasta oo ay qadhaadhaayeen, misana waan ku qanacsanahay ilaa iminka oo aan geeri u diyaar garoobay. Noloshan nacasta ah ayaanan dooneyn inaan marnaba u sheego inaan is dhiibay. Dhinbiilaha dabka ah ee qalbigayga ka huraya waxaan ku demiyaa qanaacada, weli fursad ayaan haystaa rejo qurux badanna waan leeyahay.

W/Q: Khadiija Maxamed Jaamac “Eeshiya”
Email: Luzaa3232@gmail.com