GORFAYN: Pluto Files: The Rise and Fall of America’s Favorite Planet | Neil Degrasse Tyson – Vol: 01 – Cad: 27

 439 View

Indheergarad – Sebtembar 15, 2019 – Sooroga  – Vol: 01 – Cadadka: 27aad

Buug-yaraha Pluto Files: The rise and fall of American’s Favourite planet, ee uu qoray xiddig-yahanka caanka ah ee reer Mareykan Neil Degrasse Tyson, waxaa uu ku saabsan yahay meeraha loo yaqaan Pluto. Waxaa uu buugga aad ugu qaadaa dhigayaa khabiirku taariikhda helitaankii meerahan ee dhacday dabshidkii 1930-kii iyo saadaalinta jiritaankiisa oo aad uga horreysay.

Saynisyahan Tyson waa khabiir xagga cilmiga xiddigaha (Astrophysicist) ah, laguna yaqaan ka hadlidda arrimaha la xiriira sayniska. Xiddig-yahan Tyson waxaa uu qoray dhawr buug sida: Death By Blackhole and Other Cosmic Quandaries, The Sky Is The Limit, Adventures of an Urban Astrophysicist iyo qaar kale. Kuwaas oo dhammaantood ku saabsan cilmiga xiddigaha iyo hawada sare. Buugtiisa badanka waxaa loogu talo galay dadka caadiga ah si uu u gaarsiiyo aqoonta sayniska dadweynaha.

Qoruhu waxa uu buug-yarahan kaga faalloonaya doodihii ka dhashay meerenimada Pluto, heerarkii ay soo martay dooddaas, kaalinta uu ku lahaa isagu iyo go’aankii lagu gaaray in laga qaado Pluto meerinimada iyo weliba sababihii ay u cuskatay Midowga Cilmiga Xiddigaha Adduunka (IAU) arrinkaa sanadkii 2006-dii. Markii la helay Buluto gu’gii 1930-kii, waxaa baadi-goob loogu jiray meere sagaalaad oo ay saynisyahanka xiddigahu horey u saadaaliyeen jiritaankiisa, kaddib markii ay darseen saameyn laga arkayey meerihii markaa u dambeeyey siddeedii meere ee la aqoonsanaa. Kuwaas oo kala ah: Merkori, Fiinas, Dhul, Maaris, Jubitar, Sataan, Uraanas iyo Nebtuun.

In kasta oo ay doodda ku xeeran meerenimada Pluto ay jirtay, haddana waxa ay aad u kacday kaddib markii uu Tyson oo ahaa madaxa waaxda meereyaasha ee loo yaqaan Hayden Planetarium, ay sameeyeen bandhig ku saabsan meerayaasha. Waxaa ay go’aansadeen in ay sida caadada ahayd ee loo taxo meereyaasha ka beddelaan oo ay u kala qaybiyaan laba qaybood oo kala nooc ah. Halkaa ay meere walbaa ku daraan noociisa:

  1. Meerayaasha shagaxa ah ee qorraxda xiga; Meerkori, Fiinas, Dhul iyo Maaris,
  2. Meerayaasha neefta ka sameysan ee waaweyn (Gas Giants) Jubitar, Sataan, Uraanas, iyo Nebtuun.

Tallaabtaas waxaa ay Buluuto ka dhigtay mid nooc ahaan ka duwan inta kale. Waxa uuna ugu biiray walxaha barafka ka sameysan ee tirada badan, kuwaas oo ka dambeeya meeraha 8-aad ee Nebtuun.
Taasi waxaa ay dhalisay in Joornaalka weyn ee Mareykanka ka soo baxa waa New York Times e, uu ugu yeero Saynisyahan Tyson cadowga koowaad ee Buluuto. Sidaas ayuu Tyson ugu noqday qofka u taagan hoos-u-dhigga meeraha Buluto ee dadka Mareykanku yar iyo weyn ay  jeclaayeen. Tyson waxa uu buuggan ku faahfaahinayaa sida uu meerahan ku noqday midka loogu jecelyahay meerayaasha kale, kaalinta xagga dhaqanka taariikhda iyo Sayniska, ee uu Buluutu leeyahay.

Waxa uuna lee yahay ugu horreyn meeraha waxaa helay saynisyahan Mareykan ah. Midda labaad
waxaa uu magac la wadaagaa Ey sawirrada socda ah (Kaartoon) oo ay sameyso shirkadda Disney, kaas oo aad caan uga ah carruurta Mareykanka dhexdooda iyo dadka waaweynba. Waxaa ay jiilal dhawr ahi la koreen iyaga oo daawanaya filimada uu jilo eyga Buluto, sidaas ayuuna ku kasbaday quluubta iyo dareen wadareedka dadka Mareykanka ah.

Markii ay Midowga Cilmiga Xiddigaha Adduunku wax ka beddeleen qeexidda magaca “Meere” kaddib, guddi farsamo oo shirar u fadhiyey muddo laba sanno ka badan waxaa la go’aamiyey in meere loo aqoonsado koow: wixii Xiddig ku wareega balse aan ku wareegeyn meere kale. Laba: awooddiisa cuf-is-jiid ay ku filan tahay in ay ka dhigto mid wareegsan ama goobo ah, aanna aad u weyneyn oo isdhexgal niyuukleer (Nuclear Fussion) ka dhalan dhexdiis. Sidaasna uu ku noqdo xiddig. Saddex: in uu meeruhu marinkiisa (Orbit) uu ka nadiifiyey walxaha kale. Haddaba shardigan dambe ayaa la degay Buluuto, maadaama uu dhex maro dhagxaan cireedyo aad u fara badan oo ay in badan is herdiyaan si joogto ah.

Kalfadhigii 26-aad ee golaha dhexe ee Midowga Cilmiga Xidigaha Adduunku yeeshay sannaddii 2006-dii, ayaa lagu go’aamiyey in aanu Buluuto buuxin shuruudaha shay hawada sare loogu aqoonsan karo meere. Sidaa darteed hoos loogu dhigay in uu yahay “Meere Curri¹” (dwarf planet). Tyson waxaa uu buuggiisan ku xusay waraaqo uu ka helay carruurta dugsiyada hoose iyo dad waaweynba, kuwaas oo ka cabanaya kaalinta uu ku yeeshay hoos u dhigidda maqaam ee Buluuto. Waraqahaas oo kuwo caro, maad, iyo wax iswayddiin ay ka muuqdeen waxaa ay noqdeen kuwa buuxinayey sanduuqa bashqadaha Tyson.

Ugu dambayn buug-yaraha Tyson keliya kuma saabsana hoos u dhisidda derajo meere aad loo caashaqsan yahay, ee sidoo kale waxa aad ka baran kartaa dhismaha, taariikhda iyo xubnaha urur qorraxeedkeenna (Solar System). Dhaqanka iyo sugnaanta la xiriira magac bixinta meerayaasha iyo weliba xog badan oo ku saabsan kaalinta saynisyahanku uu ku leeyahay bulshada Mareykanka. Pluto Files waa buug-yare ka kooban 186 bog, laakiin aad ka baran doonto macluumaad dheeri ah oo ka baxsan doodda meerinimo ee Pluto la degtay. Buugga Pluto Files waxaa uu noqon karaa kadin/albaab aad ka gasho aqoonta ku saabsan sida uu u dhisan yahay kawnkan cajaa’ibka badan iyo sida uu u shaqeeyo.

Buug-yaraha waa mid laga kororsan karo aqoon dheeri ah oo ka baxsan taariikhda iyo murankii ku saabsanaa hoos u dhigiddii Buluto. Waxaa uu Saynisyahan Tyson sidoo kale ku difaacayey kaalintiisa iyo go’aanka lagu gaaray derejo ka dhigga meerihii la jeclaa ee Buluuto, hadda se loo aqoonsan yahay meere curri ama dwarf planet.

Sharax:
Curri = m. qof ama xayawaan aan u korin sidii caadiga ahaa oo ka yar sida looga bartay; fadhiid.

WQ: Cabdiraxmaan Warsame
Email: maan.warsameh@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “