Noloshii Galmada – Vol: 01 – Cad: 28

 639 View

Indheergarad – Sebtembar 16, 2019 – Lammin  – Vol: 01 – Cadadka: 28aad

Hab dhaqanka aadamahu waxa uu saameeyaa qaybo ka mid ah nolosha inta ku xeeran, waana sababta inta ugu baddan loogu dadaalo in hab dhaqanka aadamahu uu noqdo mid ka badhax tiran dhamaan waxii ku ah liidnimo. Haddii aadamaha dhaqankiisu noqdo wax saameeyn qaldan yeesha dhamaan waxa qaldamaya nolosha guud ahaanteed. Jaamac waa wiil dhalinyaro ah mise na noloshiisa inta ugu baddan ku qaatay tuulada, Jaamac inta ugu baddan tuulada waxa looga yaqaaney in uu yahay wiil ehlu diin ah madaama kitaabka qur’aanka ah uu qaybsan yahay; Tuulada uu Jaamac ku nool yahay inta ugu baddan ee ku nool waa dad da’du ka muuqato wakhtigoodiina soo qaatay sidoo kale tuulada kuma ay badneyn dhalinyarada sidiisoo kale xoogga ah, hadday jiraan dhalinyaro xoog ah na waa in balwaddahooda kula jira daabiyaddaha tuulada ku dhex yaala wakhtigooda inta ugu baddan na ku qaata raali galinta naftooda ehelka u noqotay balwadda quudashada qaadka.

Muddo Jaamac oo isagu ahaa wiil ka nadiif ah balwaddahaas dhalinyaradda la mid ka ah u ehelka ah mise na ahaa xaafid qur’aanka qaybsan waxa uu ku qanci waayay nolosha tuuladan ka jirta ee aan ahayn mid isagga iyo wanaagiisa u ahayn wax haboon, habeen ka mid ah habeenada uu Eebbe ummadiisa ku galladey ayaa Jaamac uu naftiisa ula baxay gooni si ay go’aan wadda jir ah uga wadda gaadhan waayahan baddan ee ku gaddaaman sidoo kale ay wax iska weydiiyaan dhankii ay ka bilaabi lahaayeen nolol ka duwan tan tuuladooda ka jirta. Si kastaba ha ahaato ‘e Jaamac iyo naftiisii waxa ay wadda gaadheen go’aan wadda jir ah oo muddo ba ay ka wadda tashanayeen.

Subax hore marka uu waaggu beryay ayaa Jaamac u kacay in uu ooggo tukashada salaada, markii uu dhamaysay salaada ayaa uu u beydhay halkaa baryo uu Eebbe ka baryayo in deegaanka uu ku nool yahay haggaago iyo in ay ka fogaadaan dhibaatada balwaddaha seejiyey wax-qabsigoodii sidoo kale baryada uu Eebbe baryayo waxa uu ugu cuslayd in uu deegaankan uu naftiisa kala tago oo deegaan wanaagsan uu u dooro Eebbe; baryadii dhamaysay Jaamac una kac hawl maalmeed kiisii ku koobnaa in uu adhiga reerka uu dhirta u garaaco, tuuladda na ka fogeeyo si adhigu calaf ay cunaan maalinkaa uga soo helo tuulada hareeraheeda.

Jaamac galabnimo gaaban adhigii soo caraabi oo ku soo shub xero adhigu leeyahay oo aqalka afka u soo saaran, walaashii Caasho-yar iyo hooyadii Cibaado ayaa aqalka ku sugnaa goortaas uu Jaamac adhiga xerada uu ku soo xareynayey; walaashii Caasho-yar ayaa ugu tagtay walaalkeed Jaamac xerada si ay walaalkeed u soo dhawayso kolkaas na ugu bushaarayso cunto ahayd bariis cadaan ah iyo wax xoggaa ciir ah oo aqalka u taalay si uu u cunno, Jaamac bushaaradaasi macno uma samaynayso mana xiiso galinayso arrimahan ka sokeeya arrintiisa ah in uu tuuladdan dhaafo oo uu magaalo tago. -Jaamac aqalkii imi sidoo kale waxii cunno loo dhigay qaaday oo cun markii gabalkii dhacay na odaygii Aabahii ahaa ee Cismaan yimi, sidii u ahayd caaddada na sali ayaa ay dhigteen aqalka hortiisa si ay iskaga warsadaan waayahii maalinkii ay habeenimadiisa jooggaan iyo arrimaha reerkooda ku gaddaaman.

Habeenimadan Jaamac aad ba uu uga duwan yahay habeenadii kale madaama uu caawa uu banaanka keeni doono waxyaalaha uu gocanayo iyo qorshayaashiisa u qarsoona ee ay isla ogaayeen isaga iyo naftiisa hore na ay go’aan uga wadda gaadheen, Jaamac haddalkii bilow ka na waran siduu arrin yahay sidoo kale na uu doonayo in uu ka tago tuuladda uu na doonayo in uu tago magaalada si uu halkaas cilmiga diiniga ah uu ka sii wato, qur’aanka uu qaybsan yahayna aan nu tuulada dhexdeeda kaga kala daadanin madaama tuuladu u soo baddanayso goob dhalinyaradeedii iyo waayeelkeedii saaxiib u noqdeen balwadda cunista qaadka iyo buuriga; sidaa awaddeed uu rabo in uu cilmiga diiniga ah uu nooleeyo iyaga na mustaqbalka wax soo tari doono haddii ay qorshayaashan uu maagan yahay ay u fuliyaan. -Cismaan oo ahaa aabbaha Jaamac ayaa haddalka qaatay kana waramay waayo baddan oo ay halkan yaalay iyo noloshoodii hore iyo sidii xaaladaha addag kula ula tacaamili jireen, oday Cismaan xaaladdo jira waa uu uga garaabay wiilkiisa Jaamac oo markaa ahaa nin akhlaaqad wanaagsan leh kuna aan milmin dhalinyaradda balwaddaha leh; Cismaan talo waa ku cadaatey waxa uu baadi doonay cid magaalada kaga nool ehelkooda si uu Jaamac ugu diro ugu danbeyn Cismaan waxa uu helay Faadumo oo ahayd gabadh ina-adeer iskugu siman yahiin Jaamac na ugu toosan eddo, Cismaan wiilkiisii ugu bushaaree in uu waagu beryo si ay fariin ugu diraan gabadhaas eddadii ah ee Faadumo si ay u qaabisho caawana ay sidaa isku oggaadan.

Waa Subax cusub iyo waa’ uga duwan waayihii hore ee ay la waa’ bariisan jireen, waaggan oday Cismaan ayaa baadi doon tagaya si uu innankiisa Jaamac uu meel uga soo sameeyo magaalada; Cismaan waxa uu la sii dardaarmay islaantiisii Cibaado si ay reerka uga war hayso inta uu magaalada jiro sidoo kale waxa uu dardaaran kaga tagay Jaamac iyo Caasho-yar oo markaa Cismaan uu wax caruur ah ba uu leeyahay madaama uu magaalada kaga maqnaan doono laba maalin oo uu u ku maqnaan doono ina-adeertii Faadumo oo ah gabadha lagu haggaajin doono Jaamac.

Cismaan waa uu amba-baxay isagoo raacay baabuurkii tuulada uga socdaali jiray dhanka magaalada sidoo kale waxa uu sii kaxeeyay laba neef oo adhi ah si uu saylada looga iibsado, si uu innankiisa nooli uu ku soo ambo-baxo uga dhigo iyo waxii raashin ah ee xaafadiisu u baahan tahay na u soo siiyo. Cismaan ugu danbeyn yimid magaaladii adhigii na ku iibi sayladii xoolaha ee markaa baabuurka uu saarna istaan u ahayd, markii uu kharashkii labada neef isku hubsadey ayaa uu u soo jeestay ina-adeertii Faadumo halkii ay magaalada ka degenayd ee hoyga u ahayd; Cismaan oo daalan muddo na soo lugaynayay ayaa ugu danbeyn soo gaadhay aqalkii Faadumo.

Carruurtii ay hooyada Faadumo u ahayd soo dhawee abtigood Cismaan una sheegay in hooyadood suuqa ay jirto ayna iman doonto muddo yar ka bacdi ee uu hore u soo socdo uu na soo fadhiisto aqalka si uu u nasto halkaas na ugu sugo Faadumo, Maryan oo ahayd gabadha curada u ah Faadumo ayaa abtigeed Cismaan u keentay biyo uu cabo iyo in xalwad ah oo markaa aqalka u taalay si odaygu uu u ilaabo daalkii badnaa ee ka soo gaadhay safarkii uu tuulada kaga yimaadey.

W/Q: Cabdifataax Axmed Cali “Xayduusi”
Email: abdifataah.hayduuzi45@gmail.com