GORFAYN: الإسلام الأصل والصور | د. محمد شحرور – Vol: 01 – Cad: 29

 607 View

Indheergarad – Sebtembar 19, 2019 – Hakis  – Vol: 01 – Cadadka: 29aad

Hordhac

Dhiganahan ladhkiisu yahay “الإسلام الأصل والصورة” ee uu qoray Dr. Maxamed Shaxruur. Waxa uu ka mid yahay dhiganayaashiisii ugu dambeeyey ee uu qoray, waxa uuna soo saaray sannaddii 2014-kii. Sidii looga bartayba Maxamed Shaxruur dhiganahani waxa uu ku saabsan yahay mawdduucii uu ku suntanaa ee cusboonaysiinta afkaarta Islaamka. Marka hore, dhex iyo biyo dhacba la dhugto, waxa aynnu ku tilmaami karnaa waxa uu ku soo koobay dhammaan aragtiyihii ka dhex guuxayey ee cusboonaysiinta afkaarta Islaamka iyo aragtiyo kale oo looga horreeyeyba. Taas oo uu ka soo bilaabayo hoos illaa kor iyo halka ugu dambeysa. Inta aynaan u gudogelin gorfaynta dhiganaha, waxa aynnu wax yar oo kooban ka tilmaami doonnaa qofka uu yahay Maxamed Shaxruur.

Maxamed Shaxruur waxa uu dhashay sannaddii 1938-kii, magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya. Halkaas ayuu ku soo barbaaray, waxa uuna bartay aqoonta Injineernimada, oo uu ka qaatay heerka saddexaad. Waxa uuna barafasoor ka noqday Jaamacadda Dimishiq, gaar ahaan kuliyadda Injineernimada. Shaxruur kolkii ugu horraysay ee uu buug qoray waxa ay ku qaadatay muddo labaatan sanno ah, markaas oo ahayd kolkii Carabta la jebiyey dagaalkii dhex maray iyaga(Carabta) iyo Yuhuudda ee loo yaqaannay dagaalkii lixda maalmood(Six Day War). Intaas wixii ka dambeeyey, waxa uu noloshiisii oo dhan ku bixiyey daraasaynta Islaamka iyo sooyaalkiisa dhinac kasta leh.

Waxa uu qoray dhiganayaal kala duwan oo ka mid yihiin: الكتاب والقرآن : قراءة معاصرة, الدراسات الإسلامية المعاصرة على الدولة والمجتمع, الإسلام والإيمان – منظومة القيم, نحو أصول جديدة للفقه الإسلامي – فقه المرأة, تجفيف منابع الإرهاب, القصص القرآني – قراءة معاصرة -: مدخل إلى القصص وقصة آدم 1 and 2. Waxa kale oo uu lee yahay maqaallo kala duwan, iyo muxaadarooyin aad u fara badan, oo qaarkood taxanayaal yihiin. Kuwaas oo uu ku qabtay dalal kala duwan oo adduunka ka mid ah.

Dhiganayaashiisii labaad iyo saddexaad ee uu soo saaray, waxa ay horseedeen in lagu gubo waddamo kala duwan oo adduunka ka mid ah. Waxa oo kale oo jirta in buuggiisii ugu horreeyey lagu raddiyey ku dhawaad soddon buug oo lagu dhaliilayo, laguna weerarayo afkaarta uu ku qoray buuggiisaa. Wadaaddo badan oo reer As-har ahina waxa ay ku xukumeen in uu yahay MURTAD diinta Islaamka ka baxay, afkaarta uu gudbiyo darteed. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Mustafa Shaaki iyo Faraxat Sayid.

Haddaba dhiganahan uu ugu magac daray “Islaamku Waa Asal iyo Sawir” waxa uu ka mid yahay kuwii ugu dambeeyey ee soo baxay. Waxa uu ka koobanyahay 265-bog, kuwaas oo u kala qeybsan 17-qeybood oo mid walba ay falanqeynayso mawdduuc gaar ah, oo ka mid ah diinta Islaamka. Walow uusan dhiganahan ku soo wada gudbin dhammaan wixii uu u baahnaa, haddana waa muggii iyo ubucdii fikradihiisa uu ka qabo arrimo badan oo dhinaca diinta Islaamka iyo aragtida uu aaminsan yahay ee cusboonaysiinta afkaarta Islaamka.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com