Eebbe Maxaan Ka Naqaan? – Vol: 01 – Cad: 31

 400 View

Indheergarad – Oktoobar 05, 2019 – Sooroga – Vol: 01 – Cadadka: 31aad

Qaar badan oo ka mid ah wadaaddadii Islaamka ee isku dayey in ay quraanka fasiraan, waxay xuseen in Nebi Saleebaan uu la kulmay boqoraddii Saba ee Bilqiis, goortii ay kulmeenna ay dood iyo sheeko wadaageen. Intii dooddu u socotayna Bilqiis waxay weyddiisay su’aal oranaysa: “Waxaad ii sheegtaa sida Rabbi midabkiisu uu u eg yahay? /أخبرني عن لون الرب؟”. Culumadu intaas waxa ay sii raaciyaan, in Saleebaan uusan su’aasha ka jawaabin. Sababta keentay in uusan ka jawaabinna qaarkood waxa ay ku macneeyeen in xataa kolka anbiyada iyo awliyada lagu daro aysan jirin cid taqaan sida Rabbi uu u eg yahay.

Qaar kale waxa ay ku andacoodeen in boqoraddu ay nebiga su’aal khaldan weyddiisay. Laakiin sida aan ognahay, maanta ubadka waxaa loo laqinaa in aysan jirin su’aal xumi balse ay jirto jawaab xumi. Soomaaliduna waa tan tiraahda: “Wax is weydiini ma xumee wax is weydaaris baa daran.” Dhab ahaantiina, sida Eebbe u egyahay waa mid qof kasta oo garaad lihi uu isweyddiiyo. Meel walba iyo goor kasta weyddiintu waa taagnayd, laakiin waxaa kala duwan jawaabaha laga bixiyo waaba haddii ay jirto cid ka jawaabi kartaaye!

Dadku waa noolaha qura ee maqanaha ka fekera. Sifooyinka tirada badan ee culumada aadami-baarku ay dadka ku tilmaamaan waxaa ka mid ah in aadamigu uu yahay; ‘Noole garaad leh’, ‘Noole hadla’,’Noole bulshay ah’, ‘Noole siyaasi ah’, ‘Noole diin leh’, ‘Noole khuraafi ah’, ‘Noole maqanaha ka fekera/ metaphysical animal’ iyo qaar kale oo badan. Tilmaamahaas kuwa aadanaha sida gaarka ah ugu rumoobayaa waa in uu yahay ‘noole diin leh oo maqanaha ka fekera, aalaabana u nugul rumaynta khuraafaadka’. Tan iyo maanta, diimuhu waxay haqabtiraan baahi dadka badankoodu ay dareemaan, waxayna qaataan kaalin aan weli saynisku ku guulaysan in uu buuxiyo. Dadka badankoodu waxay rumaysan yihiin in uu jiro Alle samada ka daawanaya, wax walba oo ay sameeyaanna samaan iyo xumaan mar kula xisaabtami doona, kana abaal marin doona.

Weydiimaha ugu waaweyn ee ruuxa garaadka lihi uu isweydiiyo waa kuwa ku saabsan meesha isaga/iyada iyo uunka kaleba ay ka yimaadeen iyo halka ay ku danbayn doonaan? Qof kasta oo aadami ahi labo weyddiimood oo ugu danbaynta isku mid ah ayuu mid isweyddiiyaa. Labada weyddiimood ee isku midka ahi waxay kala yihiin:

Ma caddayn kartaa jiritaanka Eebbe? (weyddiinta mu’minka).
Ma caddayn kartaa jiritaan la’aanta Eebbe? (weyddiinta mulxidka).

Mu’minka iyo mulxidka midkoodna jawaab cad oo uu si buuxda ugu qanco uma helo weydiintiisa. Farqiga qura ee labadooda u dhexeeyaana waa in muuminku uu isu badiyo dhanka jiritaanka Alle, halka mulxidku uu isu badiyo dhanka jiritaan la’aanta. Kolka laga yimaaddo su’aasha dhextaalka ah ee la xiriirta jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Eebbe, su’aasha labaad ee soo raacda tan hore waxay noqotaa: “Haddii laga soo qaado in Ilaah uu jiro, Ilaah sidee buu u eg yahay? Tilmaamo caynkee ah buu se lee yahay?“. Guud ahaan aadanuhu waa noole diin leh, oo ilaah caabuda, taas oo jirta, haddana haddii la isweyddiiyo su’aasha ah: Aadamuhu muxuu Alle ka yaqaan? Jawaabta runta ah ee la helayaa waa ‘waxba‘, oo aadanuhu Alle waxba kama yaqaan.

Dadku Alle ma yaqaannaan laakiin waxay yaqaanniin wax badan oo Alle laga sheego. Sababta oo ah dadku Eebbe ma aysan arag, isla markaana dadka oo dhammi waxay rumaysan yihiin in uusan jirin wax Ilaahooda la mid ah oo looga tusaale qaadan karo (= ليس كمثله شيء). Ma jiraan sawirro iyo tilmaamo aadanuhu yaqaan oo la oran karo Eebbe ayaa la siin karaa. Haddii aan Eebbe la arag, isla markaana aan lahayn walax la mid oo looga tusaale qaato, waxaa lagu khasbanaanayaa in la qiro in aysan jirin aqoon dhab ah oo dadku ay Alle u leeyihiin (Waxaa xusid mudan, in wadaaddada Baybalka rumaysani ay sheegaan in Nebi Muuse uu arkay Eebbe oo sii jeeda).

Wadaaddada diimaha badankood, siiba kuwa Kirishtanka iyo Muslimiintu kolka ay Eebbe ka hadlayaan, waxay uga hadlaan sidii in uu yahay qof saaxiibkood ah oo ay goor dhaweyd makhaayad shaah iyo sheeko kula wadaageen. Waxay uga hadlaan sidii in xogta ay Alle ka sheegayaani ay tahay mid iyaga oo u jeeda ay afkiisa ka maqleen. Laakiin sida dhabta ah, ma jiro wadaad qura oo qeexid qumman ka bixin kara waxa uu yahay Ilaaha uu caabudo.

Ku Allahoode, waxay wariyeen in mar nin wadaad ahi uu damacsanaa in uu muxaadaro ka jeediyo Hoolka Magaalada (=Town Hall). Wadaadku wuxuu rabay in uu halkaas lug ku tago, laakiin waddadii buu ka dhumay. Markii uu xoogaa meeraystay oo uu hubsaday in uu ambaday ayuu wiil yar oo kaba-caseeye ah wuxuu ku yiri: “Maandhe ma i tusi kartaa Hoolka Magaalada?” “Farxad bay ii tahay” ayaa kuraygii ku jawaabay. Intii waddada la sii socday baa kuraygii wuxuu wadaadka weyddiiyey: “Maxay tahay danta aad ka leedahay Hoolka Magaaladu?” Wadaadkii wuxuu yiri: “Muxaadaro ayaan ka jeedinayaa.”

Muxuu yahay mawdduuca muxaadaradu?” ayaa wiilku sii weydiiyey. Wadaadkiina wuxuu ku warceliyey; “Dhabbada Jannada loo maro” (The Way To Heaven /الطريق إلى الجنة). Wiilkii yaraa qosol buu la dhacay. Kolkii wiilku uu qosolkii kala goyn waayeyna, wadaadkii baa waxa uu weyddiiyey sababta uu sidaas ugu qoslay. wiilkii wuxuu yiri: “Waxaad garan la’dahay waddada tagta Hoolka Magaalada, waxaadna doonaysaa in aad dadka barto Waddada Jannada tagta? Ha! Ha! Ha!.

Feylasuufyadu dhankooda waxay ka doodaan sida ugu habboon ee Eebbe loo fahmi karo. Qaybtoodna waxay ku tageen in sida ugu fiican ee Eebbe loo fahmi karaa ay tahay in loo arko sidii in uu yahay saaxiib oo kale. Marka aad tilmaamayso saaxiibkaa waxaad tilmaamaysaa cid adiga kaa baxsan, waxaadna ku mashquulaysaa muuqaalkiisa – midabkiisa, wejigiisa, gacmihiisa, dhererkiisa iyo dharka uu xiran yahay. Run ahaantiina, cid kastaa waa dareemi kartaa hungada lagala kulmayo marka la isku dayo in Eebbe sidaa loola dhaqmo. Wiilka Salafiga ah shiikhiisu wuxuu u sheegaa in Eebbe uu labo gacmood leeyahay, halka wiilasha Hinduusta qaarkood loo sheego in Eebbe uu afar ama siddood gacmood leeyahay. Inta aan la isla gaarin in barbaartu ay Eebbe meel ku sheegi karaan iyo in kale, waxaa hubaal ah in labadaas wiil ay judhuda horaba isku dilayaan mas’alada ah Eebbe labo gacmood buu leeyahay iyo malahee afar buu leeyahay.!

Qayb kale oo falaasifada ka mid ahi waxay qabaan in aan Eebbe loo arag sida saaxiib, balse loo arko qayb ka mid ah annaga iyo deegaanka nagu xeeran oo idil. Qoladaani waxay ku doodaan in Eebbe uu yahay adiga iyo wax walba oo hortaada iyo hareerahaaga ka muuqda, abuuraha iyo abuurkuna aysan kala baxsanayn. Isla aragtida feylasuufyadaanna waxaa qaba inta badan wadaaddada suufiyada ee diimaha kala duwan. Hinduus, Yuhuud, Buudo, Masiixi iyo Muslimiin intaba. Tusaale ahaan: kumanyaal sanno ka hor ayaa wadaaddo Hinduus ahaa waxa ay Eebbe ku qeexeen in uu yahay: waxa aan dareenno marka aan aragno walax aan la cajabno, ee annaga oo aan is ogayn aan niraahno: Ah! Suufigii Jalaaludiin Ruumi-na wuxuu nebiga ka wariyey in nebigu uu yiri: “Cid kasta oo Eebbe aragtaa waa ay ashqaraartaa.” Ruumi ka horna Xalaaj baa wuxuu yiri: “Anigu waxaan ahay midka aan jeclahay, Kan aan jeclahayna waa aniga /أنا من أهوى ومن أهوي أنا”.

Ahdaas iyo ashqaraarkaas baa ah macnaha ugu culus ee Eebbe la siin karo. Sidaa awgeed baan marar badan u dareennaa in fannaaniintu ay wadaaddada Eebbe uga xog ogaalsan yihiin. Wadaadku wuxuu la dhaqmaa erayo buug lagu qoray, fannaankuna wuxuu la dhaqmaa dabeecadda. Dabeecadduna buugta waa ka mug weyn tahay, waana ka run badan tahay. Dadka, dhirta, badaha, buuraha iyo webiyadu buugta waa ka yaab badan yihiin.

Muslimiin xaqiiqada mawdduucaan u kuurgalayna waxaa laga hayaa in ay yiraahdeen: “Eebbe qudhiisa ha ka fekerina ee waxaad ka fekertaan abuurkiisa / تفكروا في خلق الله ولا تتفكروا في ذات الله “. Eebbe caqliga laguma ogaado ee qalbiga ayaa lagu ogaadaa.!

W/Q: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
Email: Sismail42@gmail.com