GORFAYN: Amiina Al-Mufti | Fariid Al-Falluuj – Vol: 01 – Cad: 32

 318 View

Indheergarad – Oktoobar  07, 2019 – Lammin  – Vol: 01 – Cadadka: 32aad

Hordhac

Amiina Almufti, waa dhigane ka warramaya sooyaalkii iyo shaqadii basaasnimo ee ay caanka ku noqotay gabadhii la odhan jiray Amiina Daa’uud Muxammed Almufti, oo dhanka Israa’iil looga yiqiinnay Aani Mooshe. Amiina Almufti, waa gabadha uu buuggani ka warramayo e, waxa ay ahayd gabadh u dhalatay waddanka Urdun, isla markaana asal ahaan ka soo jeedda qowmiyadda Sharkiska, oo ka mid ahayd qowmiyadihii ka soo qaxay bariga Raashiya, ee uu soo barakiciyay raashkii dhul-boobka ahaa. Haddaba, buuggani waxa uu ka kooban yahay 10 cinwaan oo leh cinwaan-hoosaadyo ka sii farcama.

Guud ahaan buuggu waxa uu ka warramayaa arrimo sirdoon, jacayl, kasmo-nafeed iyo sooyaal-colaadeed ba’an oo ka jiray bariga dhexe semenkii ay gabadhani basaasadda u ahayd MOSSAD. Buugga waxa qoray Kamaal A. Cali ‘‘Almarjaan’’. In kasta oo uu buuggan oo kale qoray qoraagii Carbeed ee Fariid Alfaaluuji, oo inta badan qoraaga Kamaal ahi ka soo xigtay, xogtu se meelo ku kala geddisan tahay, waana sababta labada buug isku jeldi u noqon waayeen. Kamaal, waa guddoomiyaha wargaysaka Geeska Afrika ee ka soo baxa magalaada Hargaysa. Wargayskan oo ah wargayskii sheekada Amiina sida taxanaha u ga soo bixi jirtay ka hor intii aannu qoraagu innooga dhigin buuggan qiimeha badan leh.

Kamaal, waxa uu qoray ku dhowaad 15 buug, oo uu ka mid yahay buuggan oo soo baxay gu’gii 2018-kii ee taariikhda Milaadiga ah. Buugga, waxa daabacday markii labaad shirkadda daabacaadda ee HIILPRESS; oo ay aas’aaseen dhallinyaro ku nool waddanka Masar, gaar ahaan caasimaddiisa Qaahira. Hiilpress, waxa ay soo saartay illaa hadda dhiganayaal badan oo waxtar u leh dadka iyo dalkaba. Buugganina, waxa uu ka mid yahay kuwa ugu xiisaha badan ee ay soo daabacday shirkaddu. Buuggu, waxa uu ka kooban yahay 305-bog, xajmi ahaan waa 5.5×8.5 inch. Midabka xaashidiisu waa casuus carro la mood ah, halka jaldigiisu yahay madow lagu dhex milay midab daruuri caddaan xigeen ah. Jaldiga buuggu waxa uu ka kooban yahay labo sawir oo la is dhexgaliyay.

Sawirrada, mid ka mid ahi waa gurigii ay Amiina ka degtay Viena markii u gu horraysay ee ay timid, kaas oo uu soo sawiray qoraa Khadar Cabdi Cabdillaahi oo ah; qoraaga labada buug ee Gurrac iyo Jannadoon, halka ka kale yahay sawir laga soo xigtay sawirqaade Spancer (Platt/Getty), waxa na uu qoraagu ka soo dhex qaatay qoraal ay lee dahay qoraaga Abigail Jones oo majaladda Newsweek lagu faafiyay 21kii September 2016. Innagu se, waxa aynu qaybinaynaa gorfaynteenna oo u badnaan doonta soo koobid shan qaybood oo aan is leeyahay waa qaabka ugu fudud ee buugga lagu soo koobi karo.

Amiina Almufti iyo Basaasnimada ka hor

Amiina Daa’uud Muxammed Almufti, waxa ay ku dhalatay xaafadaha dadka badani deggan yihiin ee caasimadda waddanka Urdun/Jordan ee Cammaan. Amiini, waxa ay ahayd guridanbaysta qoyskooda. Kuwaas oo ka koobnaa lix carruur ah oo ay ku jirto, labo hablood ee ka waawayni yihiin xaasley. Amiina; waxa ay ku soo kortay nolol qurux badan iyada oo boqorad ka ahayd gurigooda, codkeeda iyo araggeedu na waalidkeed u ahaa codka uu ku raaxaysto dharaar iyo habeen. Amiina, waxa ay ku dhowaatay in noqoto boqoradda xaafadda noqotay ba’e. noloshu se, waa ay wejiyo badan tahay oo maalin ba waxa ay la soo shir tagaysaa fool cusub.

Amiina waxa ay gaadhay xilligii kalaguurka ee u dhexeeyay ‘carruurnida iyo gashaantinnimada’ waa marka aynu ka cabbirayno dhanka haweenka’e. xilliga isbeddelkani socdo noole kaste waxa uu u nugul yahay saamaynaha kaga imanaya darafyada kalagaddisan ee nolosha. Xilligan isaga ah; waxa dareemada soo kordha ka mid ah; dareennada qaangaadhnimada, jacaylka iwm. Hadda ba, Amiina waxa haleelay jacayl ba’an oo ay u qaadday wiil asalkiisu Falastiini yahay oo lagu magacaabo Basaam, oo isagu na dhankiisa jeclaaday Amiina. Muddo markii la is jeclaa noloshu na ahayd mid leh dhadhan macaan oo aan laga caajisaynaynin, ayaa uu soo dhowaaday amminkii kala tagga Amiina iyo Basaam, iyada oo ay sababtu na ahayd; warqad ka timid dhanka Basaam oo duraysay dabeecadda iyo habdhaqanka Amiina, taas uu ku sheegay mid aan wanaagsanayn, ku na caddeeyay in aanu rabin jacaylkeedii na uu ka tanaasulay.

 Warqaddaas ayaa galaafatay guud ahaan hab-nololeedkii Amiina ee haystay waddada aan qalqallooca lahayn, werwerka iyo walaacu na ka dheeraa. u dhowaansho ha danbayso’e, Amiin; markii ay arrintaasi ku dhacday, waxa ay dhibaato wayni ka soo food saartay waxbarashadeedii, taas oo gayaysiisay in ay dhibco hooseeya keento imtixaankii shahaadiga ahaa ee jaamacadda lagu galayay, kuna waydo waaxdii ay doonaysay in ay barato. Dhanka kale, Amiina waxa ay dhaqanka carbeed ka aaminsanayd dhaqan aan wanaagsanayn oo aad u xidhxidhan, iyada oo xataa ku daraysay diinta islaamka oo ahayd mid qoyskoodu aad u gu dhagganaa, iyada se ula muuqatay wax xun oo badawnimo ah. Markii ay ogaatay in aanay dhibcihii ay doonaysay helin, waxa ay go’aansatay in ay waddamada Yurub waalidkeed jaamacad u gu diraan. ugu yaraan si ay ceebteedu u asturanto damaceeda dambena ugu hirgalo.

La dir Amiina, oo waxa ay jaamacad ka bilowday waddanka Usteri, gaar ahaan magaalada caaasimadda ah ee Viena, halkaas oo noqotay meeshii ay dhaqankeeda ku lumisay, kuna baratay gabadhii lagu magacaabi jiray Juuli Baatriik, oo ahayd gabadh u dhalatay waddanka Koonfur Afrika. Taas oo bartay dhaqanka isutagga dadka isku jinsiga ah iyo weli ba sigaar-nuugista, dhaqankaas oo Amiina ka sii dhigay hu’gii sharafteeda iyo diinteedaba booska kala baxa. Amiina, intii ay joogtay Viena waxa ay sida oo kale is barteen Jiinjiif Wootruud, oo ay u arkaysay in ay tahay gabadh furfuran oo la fahmi karta dareennadeeda, una buuxin karta booskii saaxiibaddeedi hore Juuli bannaysay. Amiina, waxa ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay sidii ay iyada iyo Jiinjiif u wada degi lahaayeen hal meel. Iyada oo codsiyo badan u gudbisay jaamacadda, ugu danbsayntii laga yeel oo loo yeel arrinkaas.

Amiina waxa ay soo dhammaysatay waxbarashadeedii, iyada oo aan ku faraxsanayn ka tegitaanka Usteri iyo ku noqoshada Urdun. Se, dani waa seeto’e Amiina waxa ay ku noqotay Urduntii dalkeeda ahayd. Kolkii ay tagtay na waxa ay la qabsan wayday noloshii Urdun ee ka duwanayd tii Usteri, sidoo kale aan lahay Jiinjiif iyo Juuli toonna. Waxa kale oo uu guridoodu dib u xasuusiyay wiilkii jacaylka kaga baxay ee Basaam ahaa. Taasi na waxa ay galisaya dareenka ah; in ay ka war doonto. Luuq kastana ay ka raadiso wiilkii. Se runtu maalintii danbe u sheegtay in Basaam guursaday gabadhii uu uga daldoorsaday awal hore. Kuna noolyihiin nolol ay ku wada qanacsan yihiin. Arrimahaas oo is biirsaday ayaa Amiina dib u gu celiyay Usteri iyada uu ku dhuumatay qorshaha shadaada PhD. Se runtu taas lidkeeda oo aan soo laabasho lahayn ahayd.

Amiina, waxa ay mar labaad ku noqotay waddankii Usteri ee raaxada badnaa, waxa na ay boodhka ka tuntay wixii ay belwad lahayd oo dhan. Waxa kale oo ay gebi ahaan ba tuurtay dhaqankeedii hore ee wanaagsanaa. Waxa ay tagtay meel kasta oo ay ku tuhmaysay raaxo adduun, se waxa dhibaato ku noqday qarashka ay isticmaasho oo ka batay ka loo soo diro. Taas oo ku kalliftay in ay raadiso qarashaad dheeri ah oo ay ku kabto nolosheeda. Iyada oo shaqo ka heshay meel lagu xanaanneeyo carruurta, waa na halka ay isku barteen Saarah Biaraad, oo ay dhex martay saaxiibtinnimo aad u qoto dheeri, ku kallifaty in ay ku biirto dhaqdhaqaaqii HIPPIE oo ahaa dhaqdhaqaaq dhallinyaro oo semenkaas ka jiray qaaradda Yurub. Ka na kobnaa dhallinyaro u taaggan bani’aadannimo.

Intii ay Amiina joogtay Viena waxa ay iska dhago marisay dalab u ga yimid aabbaheed oo uu kaga codsanayay in ay guursato wiil maalqabeen ah oo ay qaraabo yihiin. Amiina, waxa degdeg u dhaafay 5 gu’ oo ay joogtay Usteri, waa intii ay PhD-da ku soo qaadan lahayde. Intii ay saaxiibka ahaayeen Saarah, ayaa ay Amiina maalin u raacday gurigooda u yaallay tuulo ka baxsan magaalada, halkaas oo uu ka soo raacay jacaylkeedii labaad ee Mooshe oo noqday waranka abbaaray wadnadeheeda nugul. Marinkaas na waxa ku fufay jacaylkii yaabka badnaa ee Mooshe iyo Amiina, oo gaadhsiiyay inuu Mooshe u dhaco sharaftii Amiina, gabadhnimadeediina kala dhantaalo.

Amiina, waxa foof-daran-habow ku dhaafay shan gu’ oo ay u joogtay in ay ku diyaariso shahaadada PhD-da, se taas lidkeeda ahaa. Waxa na ay dantu ku kalliftay in ay ku noqoto Urdun iyo dalkeedii hooyo. Illee haatan waa Amiina kale waxa mar kale la qabsan wayday noloshii Urdun. Halkaas oo ay ka bilowday in ay samayso cusbitaal, se shahaadooyinkeeda oo laga shakiyay awgeed ay mar saddexaad u aadday Usteri, si uga soo caddayso jaamacaddii ay ka soo baxday. Hase ahaatee shahaadooyinkeedu ahaayeen kuwo saaxiibkeed Mooshe u gu soo sameeyay hab musuq ah. Markan se, waxa ay go’aansatay in ay si buuxda u ga hortimaaddo waalidkeeda oo aanay ku noqonnin dalkeedii hooyo.

Amiina, kolkii ay ku soo noqotay Usteri waxa durbadii ba soo xidhiidhiyay jacaylkeedii Mooshe oo aad mooddo in uu CC-camera ku la socday. Isaga oo ka dalbaday markan in ay is guursadaan, illeen way is jecel yihiin, waa na ay isu baahan yihiin e. Kolkii ay guursatay ninkan yahuudeed ee u dhashay waddanka Usteri, waxa ku beermay cabsi badan o ay ka qabto in dadkeedu si uun ku ogaadaan, waalidkeed waxa ay u sheegtay in ay guursanayso wiil Turkish ah oo diinta islaamka haysta. Iyada oo ka seexan wayday riyooyinka qaabka daran ee cabsidu weheliso. Waxa na, ay dareentay in aanay meel aan Isra’el ahayn ku nabad helayn cid u sheegtay ba. In muddo kolkii ay xaaladdaas cabsida ah ku jirtay ayaa uu Mooshe u keenay jaraa’id, uu ku qornaa in loo baahan yahay labo duuliye oo yahuud ah oo Isra’el u shaqo taga, kuwaas oo la siin doono abaalmarin fiican. Halkaas ayaa Amiina u aragtay meeshii ay baahnayd. Ku na qalqaalisay jacaylkeeda in ay u guuraan Isra’el si ay u gu nabad gasho. Arrintaas oo u gu danbayntii teeda uu u raacay. Kolkii ay tageenna aad ayeey ugu heleen soodhoweyntii loo sameeyey.

Amiina iyo Shaqadeedii Basaasnimo

Amiina, waxa ay u kicintay dalka Lubnaan ee Isreal jaarka la ah. iyada oo baadi-goob ugu jirta helitaanka ninkeedii oo la waayey, waa se ay ku hugowday, taasi na waxa ay geyaysiisay niyadjab kale oo kii hore kaga daran. Kolkii ay guyaal Lubnaan ku ahayd wax la’aan, waxa ay go’aan ku gaadhay in ay Usteri ku noqoto. Markii ay noqotay na, waxa ku sii batay niyadjabkii awal hore ba ahaa wehelkeeda rasmiga ah. Xusuusi se, waa nabarxaqdarro’e, waxa maankeeda ka bixi waayay jacaylkeedii Mooshe ee lagu waayay diyaaraddii uu watay waa sida ay sheegeen’e. Habeennadii ay ku sugnayd Usteri waxa soo booqday saddex sarkaal oo ka socda sirdoonka MOSSAD, u na sheegay in ay u sidaan magdhowgii ninkeeda, oo nus malyuun ahaa, kuna wargeliyay in ay ka mid noqoto basaasiinta carbeed ee dalkooda Isra’il u adeega. Iyaga oo ka faa’idaysanaya nacaybkeeda ba’an ee ay u qabto qawmiyaddeeda oo ay ka tirsananayso labo utumood oo waayayn…waa labadeedii jacayl’e. iyaduna, waa ay aqbashay. Irridaasi na waxa ay noqotay middii lagaga furay shaqadeeda sirdoonnimo. Amiina, intii ay shaqada ku jiratay waxa ay qaadatay tababarro adag oo sirdoonnimo,

waxa ay badbaadisay nafo badan oo Yahuud ah. Sida oo kale waxa ay galaafatay nafo badan oo Falastiiniyiin ah. Dhanka Carabta waxa ay ka qoran tahay khaa’imad, halka Israa’iil na ay ka tahay halyeeyad ku suntan halganka yahuudeed. Iyada oo magaceeda lagu xardhay afaafaka hore ee xarunta dhexe ee MOSSAD. Halkaas na, wax aynu ka garan karnaa muhiimadda ay lahayd shaqada ay Amiina u qabatay Israa’iil. Amiina; waxa ay fashilisay illamaa 10 howlgal oo ku wajahnaa dhulka ay difaacaysay ee Israa’iil. Halka sida oo kale ay badbaadisay boqorkii Urdun ee xilligaas talinayey  boqor Xuseen Dalaal, oo ay dilkiisa soo qorsheeyeen sirdoonka Falastiin iyada oo adeegsanaysa xog ay ka heshay dhagaysigii taleefannada.

Amiina iyo Fashilkeedii

Aamina waxa ay noqotay basaas xeeldheer. Waxa ay ku dhex milantay kooxihii wax iska caabbinta falastiin iyada oo ku gabbanaysa; daaha mutaddawciinta ee hiilka la garab taagan walaalahooda Falastiin. Waxa ay noqotay xubin ku casuuman safka hore ee taageereyaasha halganka Falastiin. Dhanka kale, waxa ay noqotay mas aan la aqoon habka uu wax u dilo, se leh muuqaal bani’aadam. Waxa ay asxaab la noqotay hoggaamiyihii jabhadda PLO…waa Yaasir Carafaade, sida oo kale, waxa ay xidhiidh dhow la yeelatay Cali Xasan Salaama oo MOSSAD u tiqiinnay ‘Amiirka cas’. ahaana shaqsigii loogu raadinta badnaa xilliyadaa marka la dhex joogo sirdoonka Israa’iil.

Door waynna ku lahaa 11 kii ciyaartooy ee sirdoonka falastiin ku dileen munish, kuwaas oo ahaa Israa’iiliyiin. Iyada oo adeegsanaysa dadkii ay gacanta ku dhigtay iyaga oo aan is ogayn…waa Casaaf, Khadiija iyo Xaayik. wax nasiibku saacido oo Amiina uu beri ka yeelo ba, waxa ay khalad wayn ka gashay nafteeda iyo shaqadeedii sirdoonnimo iyada oo si mooggani ah u waydiisay Cali Salaama su’aaal ahayd; carruurtaadii ka warran? Halkaas oo uu ka bilaabmay dabagalkii lagu soo qabtay, ee ku riday godkii cadaabta adduun lagu marsiin doono ee Sarcaanah.

Halkaas oo ahayd halka Abu Howl ninkii la oran jirey sirteedii oo dhan kaga so saaray, isaga oo adeegsanaya xirfado kalageddisan oo lagu yaqaanno sirdoonka.  Waxa se, ugu yaab badnaa sida ay u soo diyaariyeen jaraa’id sheegaya in ninkeedu nool yahay, naagtii faransiiska ahayd ee ay Carabiyadda uga dhigeen iyo siyaabaha kale ee ay xogta u ga soo saareen. Ileen maangeddintu waa cajiib!. Amiini, waxa ay qiratay wax kaste oo ay gaystay iyo sabab kasta oo ku kalliftay. Arrintaas oo boog ku noqotay Isra’el iyo sirdoonkeedii awoodda badna—waa MOSSAD’e. Iyada ay Isra’el wayday  muddo  meel ay ka dhacday Amiina. Ammintii ugu danbaysay se, ku soo war gelisay in sirdoon ba’ani ku hareeraysan yihiin.

Waxa ay isku dayday in ay baxsato se uma aysan suurto galin, waxa gacanta ku soo dhigay sirdoonka falastiin oo baadhsi dheeri ah ku hayay tan iyo intii laga shakiyay ee xogteeda la uruurinayay. Kolkii la soo qabtay ee la karbaashayay muddo shan gu’ ah, waxa ay qiratay in ay ku jirtay howshaas, waxa kale oo ay sheegtay ciddii kala shaqayn jirtay arrimahaa, iyada oo xustay saddexdeedii saaxiib ee ay sida lama filaanka ah u gu ridday dabinka hoogga ah. Halkaas oo iyagii na lagu baadi doonay. Se midkood iska tuuray dabaq loogu soo galay kuna dhintay…waa Casaaf ninkaasiye. Labadii kale se, Khadiija iyo Xaayik ay gacanta ku soo dhigeen sirdoonkii Falastiin ee ay Amiina u soo tilmaantay.

Dhiibistii Amiina

Amiina, waxa ay godkii Sarcaanah ku jirtay muddo shan gu’ ah. Iayada oo ku qaadatay ciqaab adduun middii ugu sarraysay. Muuqaal ahaan iyo maskax ahaan ba Amiina waa ay isu beddeshay. Dhanka kale, waxa ay wayday wax kaste oo qofka bani’aadamka ah…aan idhaahdo noolaha’e wax u taraya. Taasi na, waxa ay gaadhsiisay in ay yeelato muuqaal bahal. Muddada ay ku jirtay godkaas waxa socday gorgortan saddex geesood ah u na dhexeeya MOSSAD, FALASTIIN iyo LUBNAAN. Kuna aaddanaa sidii xal looga gaadhi lahaa Amiina iyo asxaabteeda kale ee kala shaqaynayay hawlihii basaasnimo. Dhanka kale, waxa bilow ahayd saansaanta dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Lubnaan. Dagaalkaas oo isna dhaawac wayn ku ahaa kooxihii wax iska caabbinta ee reer Falastiin. Cabsidaas is huwan laftoodu waxa ay noqdeen qaar go’aan-ka-gaadhista Amiina iyo asxaabteeda dib u dhiga.

Markii ay arrintaasi dhacday Lubnaan iyo hoggaamintii ururka wax iska caabbinta ee falastiin waxa ay ku heshiiyeen; in Khadiija iyo Xaayik dawladda  Lubnaan maxkamad soo taagto, iyaga oo sababta u wayn ku sheegaya heshiiskooda. Se, nasibwanaag, xukunkoodii waxa ay Lubnaan ka dhigtay gu’yaal labo ah. Arrintaas na, waxa si daran uga xanaaqay hoggaamiyeyaashii Falastiin. Waxa na ay sababtay isku dhac hor leh. Sida oo kale, waxa ay dawladdii Lubnaan ee xilligaasi awooddeeda oo dhan isku gaysay sidii ay ku bedbaadi lahayd Amiina, Oo uu abaal wayn u hayay Boqor Xuseen Dalaal oo ay ka badbaadisay dil loo qorsheeyay. Iyada oo xogta sii marinaysa sirdoonka Isra’el ee MOSSAD.

Dhinaca kale waxa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya Falastiiniyiinta oo ah; sidii go’aan looga gaadhi lahaa naagtan mucjisada ah. Arrinkaas oo Cali Salaama soo jeediyay in Amiina fagaare lagu dilo, dunida oo dhan la tuso awoodda sirdoonka Falastiin, lagu na niyadjabiyo iyada oo lagu cabsi gelinayo u-adeegeyaasha MOSSAD ee aan ahayn Yahuudda. Halka, Yaasir Carafaad oo ahaa guddoomiyihii ururrada wax iska caabbinta ee Falastiin soo jeediyay in Amiina lagu soo furto laba mujaahid oo Falastiiniyiin ah—waa sida uu hadalka u dhigaye, taas danbe ayaa na la isku raacay.

Sida oo kale, waxa arrintan dhankooda ka ga jiray…waa bedbaadinta Amiina’e hay’adda laanqayrt ah cas oo jeerkaas si wayn uga howl gali jirtay qaxoontiyada falastiin, asxaab dhow na ay ahaayeen Yaasir Carafaad. Ammintaas oo Laanqayrta cas gashay dhexdhexaadinta Yahuudda iyo Falastiiniyiinta. Iyaga oo yahuudda ku cabsi galiyay in ay ku ceeboobayaan dilka gabadhaas ee lagu wado in uu fagaaraha ka dhaco haddii aanay keenin xal degdeg ah oo sumcadda sirdoonkooda dhowraya. Sheekadaas oo ahayd mid uu soo allifay Yaasir Carafaad. Isaga oo sii dhex marinaya Laanqayrta cas oo iyaduna saaxiib kale la ahayd Yahuudda. Arrintaas oo Isra’el ay si wayn u soo dhowaysay. Hashiiskii lagu gaadhay na noqday in la doono waddankii maxaabiista lagu la kala wareegi lahaa. Aakhirkii na, jasiiradda Khubrus ayaa noqotay ta qaabbishay gogoldhiggaas. Halkaasna Amiina lagu wareejiyey, ayna ku noqotay hal mar Yahuudiyad sharfan iyo Carabiyad dullaysan.

Maxaa aynu ka baran karnaa sheekadan ?.

  1. Saamaynta uu leeyahay jacaylku, Kolka aad eegto sababaha ugu waawayn ee ay Amiina u nacday qawmiyaddeeda Carbeed waxa ka mid ah; jacaylkii lagaga baxay iyo jacaylkeedii laga dilay…waa Israa’iligii iyo Falastiinigiiye. Dareenkaas oo ku beeray nacay ba’an oo xad ka bax ah.
  2. In qofku asal dhaqan-diidnimada, iyo xumaan u aragga aaminaadda ummaddiisa ku dhalan karo, marka aynu dib u raacno taariikhda Amiina, waxa inooga muuqanaysa in ay awal hore ba necbayd dhaqanka qoyskeeda iyo ka guud ee carabta ba. Iyada oo u sababaynaysa in ay yihiin dhaqanno aad danbeeya.
  3. Sida dabinnada loogu dhaco; kolka aynu dib u eegno habka ay Amiina isu guursadeen Mooshe waxa aad ka dheehan kartaa in ay si uun qorshe u ahayd arrinta guurkoodu, sida oo kale ta jaraa’idka ee uu u keenayo oo ay ku xardhanayd arrintii ku riixday in ay Isra’el u cabsi guurto. Iyo sidoo kale habka ay Amiina dabinka ugu soo ridayso asxaabteedii Lubnaan la shaqaysay. Iyada oo halkaas ay inoo ga muuqanayso in shakhsiyaadkaas qofna aanu dooran  shaqada uu qabanayo. Se, si baraad la’aan ah uu isagu dhex arkay, ka dib na meel uu ka noqdo waayay.
  4. Doorinta maskaxda aadanaha; haddii aynu dib u jalleecno habka sirdoonka Isra’el u nacsiiyeen Amiina qawmiyaddeeda iyo sidii ay sirdoonka Falastiin u beddeleen maskaxdii Amiina uga na dhigeen in dabinka ay ku jiro MOSSAD u dhigtay, waxaad ka dareemi kartaa saamaynta ay leedahay beddelidda maskaxda aadanuhu.
  5. Ka go’naanshaha shaqo ee Amiina; marka aad fiiriso habkii naf-huridda ahaa ee ay isu biimaynaysay, waxa aad ka garan kartaa muhiimadda ay leedahay in qofku shaqada uu markaa qabanayo u ahaado daacad.
  6. Saamaynta takoorka; waxyaaba u waawayn ee ay MOSSAD Amiina u sheegtay waxa ka mid ahaa; in aanay iyadu ahayn carabiyad, se Carabtu necebtahay qawmiyaddeeda asalka ee Sharkiska.
  7. Muhiimmadda mabda’a; qodobkani waa meesha u wayn ee ay guuldarrada kala kulmaan aadamuhu. Taas oo Falastiiniyiintu ku doorbideen guux qawmino aanay wax ba ka jirin oo cid waliba ugu soo dhex dhuumatay.

Arrimaha is waydiinta mudan.

  1. Shaki ma ka iman karaa soodhowayntii yaabka lahayd ee ay Amiina kala kulantay Isra’il markii ay u guurtay?
  2. Guurkii Mooshe ma noqon karaa dabin uu ku soo xero galinayay gabadhan carbeed ee basaasadda noqotay?
  3. Jaraa’idkii uu u keenay qayb ma ka noqon karaa shirqool loo soo maleegay Amiina?
  4. Maxaa ka jira arrintii sirdoonka faalastiin Amiina u sheegay ee ahayd; in yahuuddu shirqoolkan u dhigeen?

Dhammaan weydiimahani waa xogaha inaga maqan weli ee la xidhiidha Aamina,                
 

W/Q: Maxamed Cabdisalaan Maxamed “Faras’eri”
Email: faraseri1416@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “