Qadraay … Qadraay! – Vol: 01 – Cad: 34aad

 547 View

Indheergarad – Oktoobar 10, 2019 – Hakis  – Vol: 01 – Cadadka: 34aad

Warqad yar oo cawlan ayaa ay miiska dushiisa soo saartay. Markii hore dan kama ay lahayn laakiin mar dambe ayay gadaal u eegtay oo furtay dabadeedna bilowday inay akhrido waxa ku qoran “Ilaahay kaa dhig qof nool..” Waa weedh yar oo duco la moodo, balse lagu abyay oo lagu soo aruuriyay nolosha qof nool oo ku dhex nool duni aan mala awaal badan lahayn. Duni yar oo aruursan sidii in lagu aruuriyay wiyil geeskeed, balse wax kasta waa la deday oo waxa lagu qariyay dhacdooyin aynaan ka faalloon karin. Cabbaar kadib ayay Qadra caajis dareentay oo kur u kacday iyada oo taahaysa, isla inyar kadibna waa kuftay oo waxay soo taabatay dhulka. Way wareertay dabadeed waxaa xigay hunqaaco iyo dhareer. Wax kastaana waa ay is beddeleen. Gaacir oo kor u hadlaya balse aad modo inuu caraysanyahay ayaa hadal bilaabay:

-“Naa maxaa dhacay Qadraay” Daqiiqad aamus ah baa fiday. Kadib ayuu gaacir u soo galay Qadra oo qolka waran, madaxana barkatay dhulka oo dhareerku qariyay wejigeeda. Cillad aan la aqoon baa soo korortay. Gaacir qudhiisu waa yaabay. Laakiinse mar kale ayaa aamuska fiday oo gaacir indha amakaaga leh ku fiiriyay Qadra oo dhulka waran. Cabbaar kadib ayaa dhakhtarka la geeyay. Caafimaad bay dareentay oo inay nooshahay ayay ogaatay. Laakiinse daqiiqado aan la aqoon baa laga jaray wakhtigeeda ama nolosheeda. Waa daqiiqado yar oo ay soo taabatay derbiga geerida iyo suuxidda u dhaxeeya. Wax kasta waxay u ekaadeen wax fudud oo ay dabayshu ruxayso. Nolosheedu xitaa waxay u akaatay wax fudud oo ay daqiiqado gudaheed dhanka kale uga tallaabi karto.

Way ka soo raysay Qadra oo waxa lagula daraarmay inay feejignaayo, oo il gaar ah ku hayso xilliyada ay jirradan oo kale dareento. Maanta sahal ayay ahayd, waxa dhici karta inay shaqadu kugu badnayd. Sidaa awgeed mar kasta oo aad culays dareentid is fududee oo nagta jaraja u sii daa ha fooftee, daalkuna waa cudur ee la dagaalan. Sidaas ayaa uu kula dardaarmay dhakhtarku. Dabadeed guriga ayuu gaacir u soo kaxeeyay. Markan ayaa la is eegay oo haddana hal mar hoos la wada fiiriyay. Gaacir welwel baa wejigiisa qariyay. Sidoo Qadra waydiin aysan taag u lahayn baa ku istaagtay maskaxdeeda. Kursi uu ku fadhiyay ayuu soo jiitay oo Qadra qumaati u soo hor fariistay, isaga oo gacmihiisa saaraya labadeeda gacmood oo bawdeeda dul saaran.

-“Maxaa kugu dhacay gacaliso?..” Ayuu ku yiri isaga oo kor u eegaya indhihiisana ay damqashadu soo buuxisay.
-“Ma aniga?..Waxba Gacaliye.. Waxba!” Ayay tiri Qadra iyada oo suuniyaha kor u kicisay oo wejigeeda yaab iyo amakaag uu ka muuqdo. Gaacir waa qaadan la’yahay inaan waxba dhicin. Isaga ayaa indhihiisa oo shan ah arkay oo soo qaaday Qadra oo dhulka waran miyirkeeduna maqanyahay. Laakiinse waxa uu u maleeyay in ay cabsanayso ama ay iyada laftigeeda qaadan la’dahay. Haddeer ayay is eegeen oo haddana mid ba gorada laadlaadiyay. Gaacir baa soo yara dhawaaday oo xabadkiisa ku qabtay Qadra oo madaxa u salaaxay, isaga oo cod yar oo naxariis leh niyadda ugu dejinaya:

-“Ha u bixin gacaliso waxba ma ay dhicin!”
-Haa gacalliye waxba…. Ma… dhicin…” Ereyadan dibnaheeda marka ay dhaqaajinayaan maskaxdeeda waxa ay ku foogantahay wax aan la aqoon. Aqoontu iyada waa u dareen ma aha wax ay taqaanno, hadday doontana waa u maqal.

Mar ayay illowday xita waxa uu u yahay ogaalku dabadeed dareentay inay Qadra tahay. Qadradii ay dhashay Cibaado Gallayr, duqdii cibaadada badnayd ee dhimatay toban sanno ka hor. Farriintaa ay miiska saartay waxa ay ku jirtay sanduuq yar oo hooyadeed Cibaado ugaga tagtay, si ay nolosheeda uga dhex akhrisato. Sanduuqaas yar ayaa nolosheeda oo dhan laga aruuriyay aroortii hooyadeed xabaasha lagaga yimi ee raqdii Cibaado lagu adkeeyay iilka. Isla maalinkiiba aabaheed Cawil ayaa ballantii ooridiisa fuliyay oo sanduuqaaas u geeyay Qadra.

Qolyar oo daaqad yar dhinac ku leh. Har iyo habeenna madow ah oo in iftiin laga daaro u baahan, ayay dhex yuururtay maalinkaas Qadra. Wax kasta waa laga qariyay. Jirrada hooyadeed iyo geerida labadana waa laga qariyay oo iyada oo lix sanno jirta ayaa qolkaas yar lagu qariyay, si aysan waxba uga ogaan ama u dareemin xanuunka murugadu leedahay. Qarintaas laftigeedu, waxa uu ahaa dardaaran ay Cibaado fartay Cawil, si aysan murugada u dareemin. Kolkaas ayuu markii aaska laga yimi ayuu Cawil u yimi Qadra oo labtiisa ku qabtay isaga oo ooyaya oo leh:

-“Waxba ma dhicin aabbo..Waxba!” Ilmo waawayn baa wabax ka tiri oo soo taaraxday dhabankiisa. Cabbaar kadibna sida uu haddeer oo kale aamusku fiday, ayaa wax kasta noqdeen oo Cawil inantiisii yarayd ee Qadra ku qariyay laabtiisa. Si aanay u dareemin murugada geerida. Si aanay u arag nolosha qaraar ee Hooyadeed la’aanteed sugaysa. Nolosha foosha xun ee ay noolaan doonto iyo soddon sanno kadib. Laba daqiiqo kadib ayaa Qadra dareentay wareer lalabo ayaa xigtay dabadeed, Gaacir ayay la hadashay iyada oo cod yar oo diniiq ah ee dhuunteeda isku taagayo:

-“Maxaa dhacay Gacaliye? Madax wareer iyo qandho ayaan dareemayaa, maxaa i helay, maxaa i helay?”
-“Waxba gacaliso.. maanta ayaad inyar xanuunsatay oo dhakhtarka lagu geeyay”
-“Ma aniga? Yaah ma aniga ayaa xanuustay?”
-“Haa gacaliso..”

Ayuu ku yiri Gaacir isaga oo cabsi dareemaya. Haddana is leh yaanay Qadra dhib dareemin. Kadib madaxa ayay gacmaha saartay oo hoos u gurxantay iyada oo marba dhinac madaxa u ruxaysa. Hadda ayay Qadra bilowday inay kacdo oo qolkii ay ku suuxday ee saaka laga soo qaaday ku laabtay. Isla sanduuqii yaraa ee ay farriinta ka soo saartay ayay baadhay oo buug duug ah oo xaashiyo cascas ka soo saartay. Waa buug boggag aan wax lagu qorin ay ka yaryihiin shan iyo toban bog. Mid kastana waxa ku qoran ciwaan far waawayn oo meel fog laga akhrin karo ah. Dabadeed halkii ay Gaacir wada fadhiyeen ayay soo fariisatay oo bilowday inay jaldiga furto.

Gadaal ayay isku mar fadhiga ugu santeecsadeen, isaga oo Gaacir gacantiisa garabkeeda si yar oo naxariis leh u saaraya. Boggii koowaad ayay soo rogtay Qadra. Dabadeed cod yar oo u eg dhawaaqa fiyoliinta oo tumaya ayaa ay ku akhriday. Waa cod aad u degan oo nafta xusuus ku beeraya, balse iyada damqaya qoon hore oo ay waayuhu ku dhigeen. Dhibaatada qof kale ayaa ruux kale farxad ku abuurta. Boggii koowaad ayay qumaati u laabtay dabadeed, gadaal ugu noqotay afar iyo labaatan sanno ka hor. Gadaal ayay xaashiyaha casuusta ah ku celiyeen nolosha Qadra. Gadaal ayay i gureen oo ku tuuren.

Maalinkii hooyaday dhimatay wax kasta waxay noqdeen wax madow oo fool xun. Cirka waxa daboolay caad. Dhulka waxa qariyay habaas. Aniguna waxa aan u ekaaday raq gorof ah oo in la duugo sugaysa. In kasta oo uu aabbahay iga qariyay wax badan, haddana toddobaad kadib wax kasta waan ogaaday. Jabaq kasta oo aan maqlo waxa ay iila ekayd dawanka murugada oo ka baxaya meel fog. Run bay ahayd oo indhaha aabbahay waxa ka muuqatay cabsi aan yarayn. Wejigiisu waa uu madoobaadaa, madow xun oo cabsi lagu daray. Sidoo kale Indhaha habar yartay Saado ayaan ka dareemay murugada.

Ma aqoon waxa ay tahay murugadu. Laakiin waxaan dareemay in uu qof nolosha igu cidleeyay. Aabbahay ayaa gacantiisa midig i soo qabtay, isaga oo ta bidixna sanduuq yar ku wada. Waxba iima uu sheegin. Guriga habaryartay ayuu i keenay. Waxa uun ii ballan qaaday inuu ii iman doono, oo uu hooyaday raadiyay. Sidaas ayaan ku bilaabay nolol aan aabbo iyo hooyo joogin. I rumaysi wax kasta waxay ila noqdeen si kale. Xitaa anigu waxaan isu arkayay qof kale. Ruux iska nool oo lagu soo daayay noloshan ballaaran ee fidsan.

Saado islaan gob ah ayay ahayd oo si wacan ayay ii daryeeshay. Rajay yar oo agoon u eg baan agteeda ka ahaa. Caruurta kale waa iga soo dhawaysan jirtay. Il gaar ah ayay igu hayn jirtay. Sidaas ayaa saddex sanno kaga soo wareegatay oo sagaal jir ku gaaray. Wax badan oo meel lagu qoro ama lagu duugo ma arag. Laakiin waxaan dareemay illow. Wax kasta waxay ila yeeshaan weji cusub oo kii shalay oo kale lahayn. Ilaa mar dambe ay wakhtigayga ka go’day shalay oo wax kasta lagu soo aruuriyay maanta. Laba toddobaad ayaan ahaa qof dhoohan oo dardaran. Qof aan is aqoon oo cid kale aqoon.

Laakiin habar yartay Saado ayaan mar kasta gadaal iigu celin jirtay wakhtiyadii i soo dhaafay. Aroor hore ayaan soo kacay aniga oo aad moodo inaan hadda dhashay. Wax kasta waxay ila ahaayeen sida inaan riyo ku jiro. Wan istaabtay oo kursi ii dhow ayaan ku ciirsaday. Laakiin waxba ma dareemin. Wax kasta waa sidoodii. Noloshu waa wax yar oo fudud, laguna deday culays. Dareenka ayaa ka dhigay wax culus oo aynaan qaadi karin. Waa sida aan ugu maleeyay inaan fududahay. Waan buubaa baddaan galaa! Bad aan galo ma jirto. Meel kale oo aan u irkadana ma helin ee gadaal baan ugu dhacay kursigii aniga oo wareersan oo welwelsan.

Waa maalinka aan ogaaday in ay noloshaydu ka soo bilaabantay wax la aqoon. Hooyaday iyo aabbahayba waxa ay iga dhigeen qof nool oo dunida guudkeeda orday. Laga yaabaa in uu itaalkoodu sidaa ahaa, laakiinse duco ay hooyaday bayd cad oo akhristay ku taallay waxa afeef u ahayd Ilaahay kaa dhig qof nool. Waanse ilaaway wax yar kadib. Habar yartay ayaa kor ii soo kicisay oo qolkeeda i gaysay. Wejigeeda waxa ka muuqday welwel. Dhidid qabow ayaa dhafoorkeeda ka soo yaacay. Indho iftiimaya oo cabsi la gotay ayay igu fiirinaysa. Balse waxay ahayd daqiiqaddii iigu yaabka badnayd noloshayda. Wax aan aqoon ayaa ku soo kordhay. Waxa la ii furay bog cad oo dhinaciisa kale har qariyay.

Waxa uu ahaa nolshaydii hore iyo ta danbe curan doonta, ama da’da danbe ee la tirin doono ruuxdii Illowga ee Qadra. Sanduuqii ayay furtay. Weli way i soo fiirinaysaa, gacmahana sanduuqa ayay kula jirtaa. Sida malagga ayay ii fiirinaysaa. Warqad ayay soo saartay oo igu hor akhriday. Anigu markaa waxaan jirey sagaal sanno. Ma aqaan sida wax loo qoro. Farriintii ayay akhriday. Waxa ugu darna ee aan ogaaday waa inaan ahay qof iska nool oo laan xaaran. Waxaan ogaaday inaan ku dhashay cudur aan magaciisa aqoon laakiin loo bixiyay Illow.

Farriinta ay hooyaday iiga tagtay ayaa lagu soo aruuriyay noloshayda wixii horeeyay. Wixii gadaal ka yimaadana waxa loo diyaar qalin. Habar yartay ayaa ii sheegtay in sanduuqan yar aan anigu leeyahay. Wax kasta oo aniga ila xiriirana lagu qariyay ama ay ku jiraan. Cabbaar kadib ayaa illinyar oo qanow dhabankayga soo taraaraxday. Wax kasta waxa igala xanuun kululaa geeridii hooyaday ee aan haddeer ogaaday. Aabbahayna waxaan u haystay inuu hooyaday la jiro, oo ay ii imanayaan maalin maalmaha kamid ah.

Laakiin wax kasta waa la qorey. Qalinku waa engagey warqadduna waa qallashay. Sidaas ayaan dugsiga ku bilaabay. Inta aanan qoraalka baranna habaryartay Saado ayaa qalinka u haysay noloshayda oo wax kasta oo igu dhaca ama dhaca iigu qori jirtay buuggii xusuusta ee hooyaday iiga tagtay. Dugsiga ayaa la i qoray. Kadeed baan is mudanay uunka Ilaahay. Balse mar kasta waxaa garabkayga ahayd Saado. Waxa ii ahayd cudud aan ku ciidamayo, adimo aan ku dhaqaaqo, maanka aan ku guuro, maskaxda aan ku fekero iyo xusuusta lama huraanka u ah nolosha Qadra. Afraad ayaan gaaray dugsiga hoose dhexe. Ardayda dedaal badan baan noqday. Wax kasta ha jiraan haddana waxa ka soo dhalaalay meel muhim ah.

Aan ahaado qof dhiman oo nolosheeda lagu abyay duco yar oo hooyaday ku qortay xaashi xilli hore cadaatay. Si ay u noqoto qof nool. Ilaahay waa deeqsi ee addoonkiisa yar waxa uu dhigay qof nool oo nool. Nolol yar oo wayd ah. Wax badan ma sii joogin dugsiga. Maadaama aan ahaa qof dhiman. Markii aan sideed gaaray ayaa farriin loo soo diray habar yartay. Farriintaas waxa loogu sheegay inaan dugsiga sii wadan karin oo aanan awood maskaxeed u lahayn waxbarashada kale. Wixii aan soo dhigtay oo dhan waxa laga dhigay calaacal madow. Maalin axad ah ayaan guriga ku soo laabtay iyada oo farriintaasi iga soo horreysay. Qoyska oo dhan waa yaabanayaan. Laba gabdhood iyo Wiil ayay habar yartay dhashay. Dhammaantood daaradda ayay igu sugayaan. Dabadeed markii aan guriga soo galay ayaa Fadal igu soo orday oo laabtiisa i geliyay. Habaryartay ayaa iyaduna dhinaca kale iga timi oo aniga iyo Fadalba laabta na wada gelisay.

Daqiiqado yar ayaa dawanka murugadu yeerey, in yar kadibna wax kasta sidoodii hore ayay noqdeen. Xilligaas fanka ayaan aad u taageerayay oo u arkayay khayrka adduunka ka dhigi doono meel nabdoon. Ma aqaan sida aan u fekerayay, laakiinse waan dareemayay fanka. Dugsi ma aadi jirin ee xaafadda ayaan mar kasta joogi jirey. Marna farriimaha aabbahay Hore iigu soo diro ayaan akhrisan jirey. Mar kale gabar aan saaxiibbo ahayn oo deriska ahayd ayaan u tegi jirey. Way i fahmi jirtay oo iyada ayaan ka bartay fanka. Heeso cod qurux badan lagu qaadayo ayaan ka soo dhageysan jirey. Dabadeed si aan u illaawin ayaan soo qorin jirey. Deeqa ayaa la oran jirey oo aabbaheed ayaa fannaan ahaa. Laakiin isaga oo da’ ah ayuu guriga joogay.

Waayeel ayuu ahaa markaa oo cudur baa ka haleelay lawyaha oo socod kuma jirin. Laakiin galabta khamiista oo kale daaradda ayaa loo saari jirey oo waa uu noo sheekayn jirey. Magaciisa ma aqaan. Waan illaaway. Laakiin saaxiibtay Deeqa Baadil baa la oran jirey. Sidaas ayaan fanka ku jeclaaday. Heesaha aad uma sii jeclayn, laakiin farshaxanka ayaan wax kasta ka jeclaa. Lawx yar’yar oo geed laga qoray baa Deeqa oo loo keenay. Wiil ay is jeclaayeen ayaa Itoobbiya uga keenay. Lowxadaasi waxay igu abuurtay dareen aan xad iyo xuduud celiso toona lahayn. Waxay iga dhigtay qof rejo leh oo nolosha mar u hanqaltaagaya. Maalin ayaan ku iri ii sharrax waxa looga jeedo farshaxankan.

Balse way garan wayday. Lowxyada geed ayaa laga qoray, laakiin se afar gees ayaa loo qoray, geeska midig xagasha hoose ayaa sida geedka oo kale u baxday, saddexda xagal ee kalena caadi ayay ahaayen. Kadib ayaan wada jir isu wayddiinay macnaha ay yeelan karto. Ujeed fog ayaa ay lowxadani gudbinaysaa, ujeed ku suntan asalka wax kasta iyo halkii ay ka yimaadeen. Wax kasta asalkiisa ayaa uu u laabanayaa. Lowxadani waxa ay ka samaysantahay geed waxa ay u laabanaysaa geed. Sidiisii oo kale ayaa ay laamo bixinaysaa. Shay kastana waxa uu ku arooraa asalkiisa. Ujeeddadii ay lawxadaasi gudbinaysay ayaan sidaas ku sharraxnay dabadeed waan kala tagnay oo anigu guriga ayaan soo aaday.

Xilli duhurkii ah oo ay qorraxdu cirka badhtankiisa galgalanayso ayaan culays dareemay. Madaxa ayaan gacmaha ku hubsaday dabadeed xummad dheeraad ah ayaan dareemay. Si isku xigta ayaan jirrada u dareemay ilaa aan markii dambe dhulka ku hoobtay oo dhacay. Intaa kadib wax dhacay ma ogayn. Laakiinse waxa aan maqlayay codka habar yartay Saado oo meel shishe ka imanaya.. “Qadraay…Qadraaay!” Jar baan ka sii dhacayay marka uu magacaygu yeerayo. Wax yar kadibna aamuska fiday oo erey dambe ma maqal. Madaxa ayaan qummaati dhulka ugu dhuftay, halkaas ayaan ku suuxay. Waa maalinkii koowaad ee aan suuxo. Horey uma aqoon waxa uu suuxitaanku yahay, laakiin waxaa dhakhtarku ii sheegay inaan shaqo culus qabtay.

Ma jirin shaqo la sheego oo aan qabto marka laga reebo lawxadii aan Deeqa la soo daawaday ee aan ka sheekaysanay macnaha ay gudbin karto. Maalin kadib wax kasta sidoodii ayay ku soo noqdeen wixii dhacay oo dhanna waxa lagu qoray baalasha illowga. Noloshu waa sideedii, xiskayguna waa sidiisi oo waxba kuma kordhin waxna kama dhicin. Waa sida geed abaareed oo kale. Sariirta ayaan ka soo degay aniga oo itaal yari dareemaya, lugahana ka jareynaya oo welwel daran uu i saaqay. Qolka fadhiga ayaan u soo gudbay. Waxa i sugayay Fadal, Qamar iyo Weris oo ah hablihii ay habaryartay dhashay. Isku mar ayay soo wada kaceen oo garbaha iga galeen. Qamar oo saddexdooda u wayn ayaa si naxariis leh iigu tiri:

-“Caafimaad ku waar walaal..” Dabadeed Fadal iyo Weris ayaa isku mar wada yiri “Aamiin.. Aamiin. Allahayow sidii roon.” Fadhiga ayaan cabbaar fadhiyay. Qoyska oo dhan ayaa isugu yimi. Duco fara badan baa la akhriyay. Deeqa ayaa iyaduna ii timi oo laabta i gelisay. Hal mar ayaa laxanka qiirada lagaga dhawaajiyay oo qolkii fadhigu reemay. Maalinkaas sidaa ay ku galbatay oo waxa iftiinkeedii qariyay murugo, cabsi iyo jirro. Aroortii ayaa boostada ii keentay farriin aabbahay iiga timi iyo alaab kale oo uu ii soo direy. Bushqaddii ayaan qolkayga la galay. Aabbahay inuu i jecelyahay oo uu wax kasta iga jecelyahay baan ogaaday. Markiisii horeba nin degan oo aamus badan buu ahaa.

Maalinkii hooyaday dhimatay ayaa qofba meel u dhaqaaqay. Kii safar ku maqnaa ma soo noqon kii joogayna waa tegay. Sidaas ayaa uu aabbahay Herer ugu guuray oo walaalkii Qays oo halkaas degan ugu tegay. Bil kasta maalinta u horreysa ayuu farriin ii soo diri jirey. Intii aan yaraa habar yartay ayaa farriintu u iman jirtay oo ka warcelin jirtay. Balse markii aan waynaaday aniga ayaa ay toos iigu iman jirtay. Ma ogayn waayaha uu aabbahay noolaa iyo sida xaalkiisu yahay, sidoo kale ma aqoon in uu aabbahay fanka jecelyahay, balse waxaan ogaaday maalin aan akhrinayay farriin uu ii soo direy.

“ Nabad sheeg.

Aabbe noloshu waa halgan ee adayg. Ha liiicin. Wax kasta ku qaabbil niyadsan iyo hufnaan. Cadowgaaga subag sagaaro ayaa loogu dhaashtaa ee ha u dabcin waayaha. Waan ogahay oo waxa aad maraysaa xilli adag. Laakiinse wax kasta gunaanad ayay leeyihiin. Gunaanadkaagu ha noqdo guul. Mar kasta adiga ayaan kaa fekeraa. Dhulkan aan joogo waa dhul cimilo wacan oo degan, laakiinse ma joogaan dad aan sidii hooyadaa oo kale ag joogooda ugu farxo. Ma joogaan dad aan wejigooda ku farxo. Walaalkay Qays ayaan la joogaa isaguna waa shaqeeyaa oo inta badan isma haleelno. Fiidkii ayuu ii yimaadaa isaga oo daalan. Waan is xaal waraysannaa. Maalinkaa sida ay nolosha ku qaabishay ayaa uu iiga warramaa, dabadeed adiga ayaa uu i kaa wayddiiyaa. Dhulkan waa sidaas oo dadku waa wada aamusanyihiin, shinbrihuna cod debecsan ayay ku heesayaan. Dhul qurux badan laakiinse aan dadkii loogu tala galay joogin. Qof kasta wejigiisa gibil madow ayaa qariyay. Sidii in naxariista Eebbe laga qariyay. Hooyadaa Cibaado ayaan u xiisaa mar kasta. Adigana waa kuu xiisaa aabbo. Addimada aan ku socdo iyo laxaadkayga baad tihiin. Haddii aanan hooyadaa jeclaan nolosha ma aan garteen macaankeeda. Sow iyadu ilo xareed ah sacabbadeeda igagama waraabin. Ilaahay ha janneeyo. Nuurkeedii ayaa qalbigayga ka ifaya. Qof la jecelyahay bay ahayd. Adduunka nabad, naxariis baad ku joogtay. Aakhirana inay farxad ku naalooto ayaan rejaynayaa. Ereyo aanan illaawi karin ayaa maankayga ku duugan. Hooyadaa labadeennaba waxa ay innooga tagtay dardaaran ballaaran oo ay leedahay ha quusanina ee halgama. Hees aan aqoon cid qaadda, laakiinse ay hooyadaa ii qaadi jirtay baan kuu tirinayaa. Waan dareemayaa oo waxa ay ku gelin doontaa jewi kale.

Kalgacaylka qaladkiyo
Qasaaraha u diid
Qosol beena ha u jabin
Arrintii aan qorshaynana
Yaanay qabyo naga noqon.
Waa qaali wacadkuye
Qayrkaa kamaad harin
Nasiibkaana kuma qadin
Waad qiimo wayntahay
Qalbigaagu yuu jabin.

Alle lagama quustee.. AH..Ah.. Bal maxaa igu watay. Heestani qoon bay i danaqday. Sida nabar hadda igu dhacay oo kale ayaa ay ii kaaraysaa. Maalin ay hooyadaa sariirta saarnayd oo ay baaxaa dageysay ayaan u imi aniga oo ordaya. Jilibaya ayaan laabtay dabadeed, iyada oo doonaysa inay ila hadasho ayay igu tiri “Qalbigaagu yuu jabin gacaliye” Cabbaar kadib ayay ka soo raysay. Laba maalmood kadibna way i cidlaysay. Safar bay gashay iyo socoto dheer oo aan soo noqosho lahayn.. Alaabtii na waan kuu soo dhiibay ee ka doono. Waa nin macaariiftayadii hore ka mid ah oo Herer soo gaaray. Isaga ayaan kuugu soo dhiibay wax aad ku farxi doontid. Marka aad aragtid ayaad dareemi doontaa sida wayn ee aan u taageero fanka, gaar ahaan farshaxanka.


Curaddaydii Qadra
Aabbahaa gacaliye.”


Warqadda aniga oo dhulka dhiga ayaa ilma waaweyn iga jabaq tiri. Casarkii ayaan suuqa u baxay. Roob yar baa inyar ka hor ka qaaday oo dhulka ka dhigan udgoon. Saxansaxo udgoon ayaa iyaduna soo dhabanaysa oo sanka ku rooraysa. Galabtaas waxaan ku jihaysnaa qof Herer ka yimi oo aabbahay lawxad iigu soo dhiibay. Farriinta aabbe markii aan akhriyay ayaan qummaati ugu jihaystay ciwaanka ninkii uu ii tilmaamay. Gurigiisa oo aan wax badan jirin ayaan tegay. Kalsooni baan ku qabay hadyadda uu aabbahay ii soo dhiibay. Sidaa awgeed markiiba baska ayaan soo koray. Baska ayaa ay nolol kale iiga bilaabantay. Maalinkaa ka hor ma ogayn inuu jiro wax la yiraahdo kedis. Kuraasta baska ee hore waa buuxeen ee laba kursi oo danbe ayaan mid ku fariistay. Wejigayga farxad iyo raynrayn ayuu la dhalaalayaa.

In yar kadib ayaa basku istaagay dabadeed waxa soo koray wiil dhallinyaro ah oo wejigiisa murugo ka muuqato. Isma uu ogayn goorta uu fariistay ee mar dange ayuu ku war helay. Dabadeed si anshax leh buu igu yiri:
-“Iga raalli ahow walaal…Iga raalli ahow!” Wuu sii jeestay oo ilin buu iska tiray dabadeed wuu aamusay. Waan damqay runtii. Hadal ma awoodin, laakiin sida danabka ayaa laabta la i xulay. Dabadeed wiilka oo markaaa degan ayaa is iri la hadal. Markii koowaad waan baqay. Kolkaa inta aan dhinacyada fiiriyay ayaan alaabtii aan watay oo labadayda lugood dhexdooda taal gacmaha ku xejistay oo qoorta hoos u rogay. Baskii ayaa is taagay meeshii aan u socday. Anaga oo is ogayn ayaan wada kacbay. Hal mar ayaan is eegnay. Kadib waan soo degay isaguna waa uu soo degay. Markan waan cabsaday, haddana waxaan jeclaystay inaan la hadlo. Nin dhallinyaro ah oo si wacan u lebisan ayuu ahaa laakiinse ay waayihiisa gaarka ay meel ku xireen.

-“Magacaygu waa Gaacir. Barasha wacan.” Ayuu igu yiri isaga oo gacantiisa soo fidinaya oo dhoollacaddeyn yar oo caata ahna iska keenaya. Goor aan hadlay ma ogayn ee degdeg ayaan gacanta u qabtay oo isu sheegay:
-“Anigana Qadra ayaa la i dhahaa, barasho lamid ah..”
-“Waad degdegaysaa baan filayaa. Balse haddii uu jaanis halkaa ku jiro waan soo wada xiriiri doonnaa. Waa kaas ciwaankaygu. Adiguna kaaga ii reeb..” Ayuu igu yiri isaga oo ciwaankiisa ii dhiibaya. Aniguna kaygii ayaan u sheegay. Halkii ayaan ku kala dhaqaaqnay. Waan sii eegayay markii uu laamiga ka tallaabay. Aniguna gurigii ayaan ku noqday.

Fiidkii ayaan hadyaddii la soo baxay. Waa lawxyadii “Habeenkii Caddaha” ee uu Van gohk ku fara yaraystay. Lawxadani waxa ay astaan u tahay rejada, halganka iyo in aan la quusan. Ubaxu waxa uu astaan u yahay jacaylka, cirka curtay waxa uu astaan u yahay barwaaqo. Dooguna waxa uu astaan u yahay nabadda iyo baraare. Aniguna intaas oo dhan ayaan ku taamaa oo xasillooni ku dareemaa. Markii aan lawxadii ka bogtay ee aan qolkayga suray. Sariirtayda korkeeda ayaan surtay. Si aan mar kasta u arko. Marka aan seexanahayo iyo marka aan soo kacaba. Ciwaankii Gaacir ayaan helay. Waan wada sheekaysanay. Is barasho kadib. Waa is fahannay.

Galabtaa ka hor dareenkaas oo kale ma helin ama wakhtigu iguma simin. Laakiin waxay ahayd daqiiqaddii ugu qiimaha badnayd noloshayda. Noloshaydu waxa ay ku darartay sida uu Gaacir u weyneeyo. Dhawr jeer ayaan ballanay. Balse isma aanan haleelin, mar aan anigu illaaway iyo mar kale oo ay naga baaqatay bay ahaayeen. Wax kasta si fudud ayay ku bilowdeen, dhammadkoodu se mooji. Bilowga ayaan hantay qalbigiisa, isla sidaaa oo kale ayuu i dhex qaaday. Habeen Arbaca ah oo Khamiis soo galayso ayaan ballanay. Waa in aan is aragnaa.

Beerta ayaan ku ballanay. Isaga ayaa iga soo hor maray oo waxa uu iiga gacan taagay meel shishe. Kursi faloodh ah ayaan ku wada fariisannay. Waa markii koowaad ee aan isa soo hor fariisanno. Waan qajilay oo goroda ayaan hoos u rogay. Dabadeed isaga ayaa dhiirranaan muujiyay oo cod naxariis leh iigu wacay:

-“Qadraay ma ogtahay?”
-“Maxay ma ogtahay?” Ayaan wayddiiyay aniga oo yaaban oo wejigayga amakaagu ka muuqdo. Gadaal ayuu u yara baxaya oo inta uu qummaati u fariistay ayuu cirka eegay, oo xiddigaha cirka lagu qurxiyay habeenkaas daawanayay. Kadib ayuu cod yar oo hoose igula hadlay:
-“Anigu muhim uma arko waxaas oo dhan. Adiga ayaa ii muuqda. I rumayso, Ilaaha naftayda abuuray baan ku dhaartay ee wax kasta ruuxdaada ayaa igala qaalisan. Dan kama lihi xaaladaha adag ee aad marayso.. Laakiinse…”
-“Kumaan fahmin!” Ayaan mar kale ku iri aniga oo aan weli fahmin ujeedkiisa. Qummaati ayuu ii soo eegay isaga oo labadiisa gacmood kuwayga ku xejinaya.
-“Waan ogahay inaad tahay Qadra. Waan ogahay inay Saado habaryartaa tahay. Si wacan baan u aqaan. Waxaas oo dhan waan raadiyay oo waan soo ogaaday. Xiriirkeenna ma baylihin ee wax kasta oo adiga kugu sal leh waan raadiyay, waan soo ogaaday..”
-“Mahadsanid.. Gacaliye….” Aniga oo kurbanaya ayaan u mahadceliyay. Laakiinse ma karin inaan hadalka sii dhammesytiro. E

reyadu marka ay dibnihii ka soo gudbayaan waxaad mooddaa inay fallaaro igu soo ganayaan. Dhidid waaweyn baa iga soo yaacay, oo haddana markiiba qalalay. Cabbaar ayaan aamusnayn. Gacmaha ayuu igu sii adkeeyay isaga oo dhafoorka iga dhunkanaya. Dabadeed cod yar oo hoose baan maqlay. Cod macaan oo meel hoose ka go’aya:

“Cirku wuxuu jeclaadaa
Onkod inuu jibaadaa
Dhulku wuxuu jeclaada
In xareedu jiiftaa
Dhirty waxay jeclaataa
Ubax inuu ku jaranyahay
Naftu waxay jeclaataa
Inay kula jalbeebtee..”

Ereygii u dambeeyay waxa uu ku dhammaaday annaga oo laabaha is gelinay, oo ilinta Gaacir ka da’aysa ay garabkayga ka shanqarayso. Cabbaar ayuu jibaaday oo laabtiisa igu aasay. Habeenkaas wax kasta waan ka wada hadalnay. Xitaa waxaan ku ballanay guur aan nolosha wadaagno oo guri yagleelno. Labadayaduba aqbal baan ku waajahnay. Nolosha inaan wadajir ku qaabbilno ayaan is farnay. Wacadka inaan la baylihiin ee qof walba dhiniciisa ka adkeeyo ayaan qalinka ku duugnay. Sidii aan ku ballanay ayaannu yeelnay, oo mid kasta wuu ka soo dhalaalay kaalintiisi.

Dareenkii qiimiga badnaa ee aan dareemay maalinkii aan Gaacir is aragnay waxa ay dhadhamiyay habeenkii arooskayga. Farxad iyo daamaashaad baan ku aqal galnay. Saaka waxa arooskayagii laga joogaa bil iyo laba toddobaad. Wax kasta waa ay qurux badanyihiin. Aniguna waa aan faraxsanahay. Haddeer ayaan sanduuqii yaraa khaanada ka soo saaray. Warqad ka jirtay ayaan miiska dusha soo saaray..

Halkaa marka ay soo gaartay ayay jaldigii buugga laabtay oo Gaacir oo indhiisa ilmadu buuxisay kor u jalleecday. Buugga intii ay akhrinaysay Gaacir far kama nuuxsaan ee dhabannada Qadra ayuu eegayay. Tin yar oo wejiga ka soo kortay ayuu ka duway oo dhafoorka ka dhunkaday. Qadra ayaa marka ay buugga dhammeysay firfircoonideeda la soo noqotay oo iyaduna Gaacir gacanteeda kaga tirtay ilmada. Mar kale ayaa laabta la is geliyay. Aamuska ayaa fiday oo laba daqiiqo ayaan midkoodna hadlin. Qadra ayaa maqashay gurxan iyo dad hadlaya oo soo socda. Waa habaryarteed saado iyo carruurteedii. Hal mar ayay iyaga oo ordaya soo galeen oo Qadra isku duubeen. Qolkii yaraa ayaa gariiray, oo ilinta Qadra habarteed ka qubanaysa ayaa dhabteeda qoysay. Hal mar ayaa oohin is qabsatay oo haddana aamus xigay. Niyadda ayaa loo wada dhisay Qadra.

Jirradan waa markii labaad ay haleesho ama ay suuxdo. Iyada oo yar ayay mar sidan noqotay. Intii kadib Qadra ma suuxin. Laakiinse maanta ayaa ay sidii oo kale u suuxday. Qadra ayaa aabbaheed farriin u dirtay oo u sheegtay in ay maanta xanuusatay, balse ay hadda caafimaad qabto. Rejo wacanna ay leedahay. Inyar kadib deeqa oo ordaysa oo “Qadraay… Alla Qadraay!” Ku barooranaysa ayaa soo gashay. Hab ayaa isa siiyeen oo waa degtay Deeqa.

In ay saaxiibteed caafimaad qabto ayaa ay aragtay. Waa la wada sheekaystay, oo Fadal ayaa Qadra iyo Gaacir si kal iyo laab ah u booriyay. Dad gob ah oo dareen qurux badan la nool ayuu ku tilmaamay. Sidaas oo kale ayaa Deeqa u ammaantay. Waa la ducaystay oo Saado ayaa u wada ducaysay. Gaacir ayaa garabka soo qabtay Qadra oo laabtiisa ku qabtay. Dabadeed iyada oo hoos eegaysa ayay ku guunaastay Ilmada iga jabaq leh iyo jileecaba aan qarsado… Jileecaba aan qarsado.


WQ: Abshir Umal
Email: abdibulux4982116@gmail.com