Iftiinkii Caddaaladda – Vol: 01 – Cad: 37aad

 717 View

Indheergarad – Oktoobar 15, 2019 – Lamtako  – Vol: 01 – Cadadka: 37aad

Lix bilood kaddib Deggan xaaladdeedu way roonaatay, markii ugu horraysay ayay kacday. Luqunta oo caag weyn lagaga xidhayna waxaa u suurto gashay in ay kabanto, balse laba dhibaato ayaa la deristay…

Faysbuugga ayuu si kedis ah u soo dhigay sawirkiisa. Waa isaga oo la taagan madaxweynaha dalka. Wuxuu sawirka soo raaciyay qoraal sheegaya socdaal uu masuulka dalka ugu sarreeya ku marayay dhawr gobol. Mihnaddiisu waa wariyenimo, balse hadda madaxweynaha ayuu adeegge khaas ah u yahay. Muddo dhawr gu’ ah ayaa uu muuqbaahiye caalami ah ka shaqeynayay. Hadda se waxa uu madaxa u sarreeya ka yahay muuqbaahiye gaar loo leeyahay. Dhaqanka guud, waa aadame kibir badan oo qab iyo isla weyni daa’imay. Waa nin il quudhsi leh ku eega dadka intooda isaga ka nolol hoosaysa. Waxa uu aaminsanyahay naf kale in uu rahman karo, haddiiba uu xoogaa maal ah iyo magac ah isku helay.

Iyada oo aan aqoon u lahayn ayaa ay faallo ka bixisay qoraalkiisii. Waxa ay si niyad ah u qortay “Maashaa Allaah. waan jeclahay mihnadda saxaafadda.” Kolkiiba falcelin ayaa uu la gaadhay faalladeedii. Cabbaar kaddibna luuqa ayaa uu uga diray sawirro badan oo tusinaya isaga oo shaqadiisa ku guda jira. Kol uu war akhrinayo, kol uu xog duubayo, kol uu warbixin diyaarinayo, kol uu kamarad sito, kol uu codbaahiye haysto, kol uu madaxweynaha la socdo iyo kuwa kale oo badan. Jawaab kale oo aan ‘Maashaa Allaah’ ahayn waa laga waayay. Waxa uu u arkay fursad uu kaga faa’iidaysan karo.

Deggan inta badan ragga farriimo uma dirto, kolka laga reebo jaalkeeda iyo jifadeeda ay aqoonta dheer isku leeyihiin. Iyada qudheeda qab kuma yara. Waa gabadh kas badan, karti badan, firfircoon oo dhiirran. Ragga iyo haasaawahooda waxa ay u aragtaa dheel iyo cayaar u agaasiman si qalbiga gabadh warmoog ah loogu dhaawaco. Tiraba siddeed wiil ayaa ku hungoowday xidhiidh gacan ku rimis ahaa oo ay iyada ka codsadeen waagii ay dugsiga dhexe iyo kan sareba dhiganaysay. Haatan oo ay sannadkii koowaad ee jaamacadda ku jirtana ma jiro inan rageed oo ku dhici karaa. Waxa ay sidaas u samaynaysaa laba arrimood dartood. Waa marka koowaade waxa ay ku mashquulsantahay dhisitaanka aaye ifaya; Mar labaadka waxa uu xil culus ka saaran yahay oo ay hooyo iyo aabbe u tahay saddex ka yaryar oo walaalaheed ah.

Aabbaheed wuxuu dhintay iyada oo 12 jir ah, hooyadeedna waxa ay godka gashay 3 gu’ kaddib geeridii odayga. Intaas wixii ka danbeeyay iyada ayaa dammaanad qaadday nolosheeda iyo tan walaalaheedba. Dhexda waxa ay u xidhatay sidii ay kolna quutul daruuri ugu raadin lahayd, kolna waxbarashada u aadi lahayd, kol kalena shaqada guriga uga soo bixi lahayd. Shan sanno ayaa laga joogaa ayaantii ay xilkan qaadday, ilaa iyo maantana mas’uuliyaddii ayaa weli saaran. Shaqooyinkaas badan ee u yaalla Deggan, waxay illowsiiyeen haasaawe raggeed iyo sheekadiisa. Waa yeelkadood e, kuwo badan oo doqomo ah ayaa gabadhaas danteeda raacatay shaqo ka dhigtay oo maalin walba farriimo usoo qora. Qaar kale ayaa iyaguna si joogta ah u caaya, iyaga oo ku sheega gabadh nolosha ka dhacsan, kuwo kalena waxay ku tilmaamaan inan kibir badan maadaama ay dhammaantood dalabkoodii ka diiday.

Kolkii ay xafiiskiisa ugu soo gashay ayuu kala qaboobay, quruxdeeda awgeed. Jooggeeda, jamaalkeeda, qosolkeeda, hannaankeeda, hubqaadkeeda, laafyaheeda, labbiskeeda, socodkeeda iyo saanqaadkeeda intuba waxa ay ka dhigayaan musixirad uu ninkii kol dhaayaha saaraa jeclaanayo. Intaas waxaa u dheer afkeeda yar ee kooban, bushimaha aad moodo inay yara bararsanyihiin ee bushinta kore iyo sanka inta u dhaxeysana liidka ku leh, ilkaheeda siman, cadcad ee aan soo taagnayn dhoollacaddeyntana caadada ka dhigtay, wajigeeda qorqoran ee hore u soo shuban, sanqaroorka dheer, sunniyaha waaweyn ee isku darsamay, indhaha cadcad ee wiilkoodu buluugga xigo, luqunta dheer ee aan dhuubnayn misana buurni aan lagu tilmaami karin iyo timaha dhabarka dhaafay ee dabayshu ruxi lahayd haddii inta lasii daayo shalmadda iyo masarka laga qaadi lahaa. Horraaddada giigsan ee soo taag taagan oo ninkii korka ka fiiriya uu moodayo inay isaga kusoo gananyihiin, dhexda dhuuban ee dhisan, caloosha siman ee aan xaluska lahayn, sinaha waaweyn misana aan hilibka aadka ah lahayn, kubabka waaweyn ee cuddoon, xaadda gacmaheeda toolmoon ku teedsan iyo boqonta uu hilibku buuxiyay ayaa iyaguna hannaankeeda guud ka dhigaya mid ashqaraar ah.

Dalmar waa nin haween jecel, oo isaga iyo dumarka waxaa ka dhexaysa aragtida. Kolkii uu Deggan hannaankeeda iyo hubqaadkeeda la amakaagay, judhiiba, dareen waalli ahi ayaa kusoo degay. Waxaa maankiisa ka weynaatay gabadh hannaankan leh inay isaga hortiisa fadhido, isagoo keligii ah, qol cidla ah oo weliba ku yaalla dabaqa ugu sarreeya fooqa oo cid goortaas ka ag-dhaw aysan jiri karin. Saacadda oo ahayd 2-dii duhurnimo ayaa iyaduna caawisay Dalmar iyo rabitaankiisa. Waxa uu hal mar niyadda iska yidhi: “Meel aan rabay roob ma igu helay.” Inta uu kursigiisii dheeraa ee wareegayay ka soo kacay ayuu kursi kale oo Deggan agteeda yaalla ku soo sikaday, weliba kursigii inta uu jiitay ayuu dhigtay iyada ka soo horjeedkeeda.

Haatan waxaa is hor fadhiya Dalmar iyo Deggan oo wax miis ah iyo darbi midna uusan u dhaxeynin – si kale haddii aan u dhigo waxaa is hor fadhiya waraabe iyo waxar yar. Waxa uu si debecsan ugu yidhi:

–          “Boqoraddii quruxdaay, ma adiga oo barwaaqadani ku saarantahay ayaad shaqo raadinaysaa? Adiga oo kale may ahayn inaad shaqo raadiso. Taas beddelkeeda, waxa ay ahayd shaqadu inay adiga kusoo raadsato. Nasiib wanaag, hadda aniga ayaad ila fadhidaa. Waxaan kuu ballan qaadayaa maanta laga bilaabo in aanad shaqo raadin doonin. Weliba shaqadii iyo mihnaddii aad jeclayd ayaan kuu hayaa. Balse adigana waxaan kaa doonayaa inaan kaa codsado hal arrin. Waxa aad yeelaysaa wixii aan kaa dalbado. Haddii aad dalabaadkayga fuliso, hubaal, waxaan kaa dhigi doonaa inan boqor dhalay oo kale. Nolosha inta kaaga hadhay raaxo iyo reynreyn ayaad ku noolaan doontaa.”

Dalmar markii uu intaas ku yidhi, Degganna ay la yaabantahay dalabaadka uu sheegayo balse ay niyadda iska tidhi malaha xidhiidh iyo sheekooyinkii ragga ayuu soo wataa, ayuu isaguna mar kaliya bilaabay inuu dhinaceeda u durko oo uu fogaantii yarayd ee dhexdooda ahayd soo koobo. Hadda lugisihiisa iyo kuweeda ayaa is taabanaya, gacmihiisuna waxay si dhib yar u gaadhi karaan meel kasta oo jidhkeeda ka mid ah oo u nugul taabashada. Inta ay naxday ayay si qaylo ah u tidhi:

–          “Dalmar! Fadlan dib iiga bax. Shaqadaada haddii ay dhaqamadan oo kale wadato waxaa ii dhaanta shaqo la’aanta. Mar dambe haddii aad ii soo dhawaato waan qaylin doonaa. Fadlan ammaan i sii, aan iskaga baxo meeshaadana.”

Isagu markii u horraysay ee uu quruxdeeda iyo jidhkeeda hubsaday ayuu niyadda gashaday in aysan dhayladani maanta dhaafin. Waa fursaddii keli ahayd ee bilahan oo dhan soo martay. Walow fursado badan oo hore ay soo mareen, oo dahabi ahaa, haddana tani waa fursad dheemanta oo kale ah. Waa mid lamid ah fursaddii 6 bilood ka hor uun soo martay kaddib markii uu Hibaaq ku bartay xalfad lagu qabtay hoteel caan ka ahaa magaalada.

Hibaaq iyadu waxay Deggan kaga duwanayd, inay ka dhalatay reer ladan oo hanti leh. Nolol barwaaqo ah, dhib la’aan ah, ‘ha dhicin iyo ha jabin’ lala garab taaganyahay ayay ku shaamareertay. Kaskeedu ma dhaafsana cuntooyinka kala jaadjaadka ah ee hoteellada waaweyn yaalla, baabuurta kala midabka iyo moodheelka ah ee aabbaheed Xaaji Cumar gurigooda sida bakhaarka usoo dhigay, dharka naqshadihii ugu dambeeyay ah ee kabadhkeeda buuxiyay, cadarrada kala duwan iyo alaabaha is qurxinta; intaas ayaa iyada u ah adduunka oo dhan.

Ragga danyarta ah weligeed sheeko lama aysan galin oo waxa ay u arkaysay in aysan faceeda ahayn. Waa tii si kedis ah ay isku barteen Dalmar, oo iyada kibirka dhibco dhaafiyay, baabuur nooca raaxada ahna wata. Isaguna waa shaxaari e, waa tii uu inta dhawr habeen musalsal u akhriyay kaddibna maankeeda dhinaca kale u rogay. Waa kii maalin kula ballamay gurigiisa magaalada koonaheeda ku yaalla ee cidlada ah. Waa kii maalinta ku hagaajiyay maalintii dhalashadeeda ee ay 20 gu’ jirsatay. Waa kii illaaladii guriga maalintaas inta uu xoogaa jaad ah siiyay wada fasaxay. Waa kii qolkiisa fadhiga ee weyn inta uu si heersare ah u sharraxay, miiska cad ee cuntada lagu cuno dhan kastaba shamacyo iftiimaya kaga wareejiyay. Dhexdana waa kii keegga weyn ee uu makhaayadda ka dalbday sii dhigay.

Waa kii keegga magaceeda oo shukulaato ah ku qoray iyo da’da sannad guuradii 200aad ee ka soo wareegtay dhalashadeeda. Mindi iyo malqacadna waa kii usii dhigay. Waa kii biibiilayaal iyo alaabo kale guriga dhan ku qurxiyay. Waa kii carfiso iyo cadarro kala jaad ah guriga dhan kusii udgooneeyay. Waa kii hadyado badan kaadoo ugu sii xidhay. Waa kii saddexda eray ee “waan ku jeclahay” darbi kasta ugu sii dhajiyay. Waa kii sameecad weyn oo heeso macaani ka baxayaanna usii daaray. Waa kii indhasarcaadka u dhigay. Iyaduna markii ay adduunkaas aragtay waa tii dawakhday ee is kala garan wayday. Waa tii si dhib yar dabinka ugu dhacday. Waa kii dhuuqid, istiimin iyo salaaxid inta uu si naxariis leh ugu bilaabay, kadibna markii ay is kala garan wayday galmo ka dalbaday.

Waa tii iyaduna inta ay sidii qof miyir daboolnaa inta ay soo naaxday kadibna kor u istaagtay. Waa tii dalabkiisa ka diidday misna ku gacan saydhay. Waa kii, illayn waa nin xoog badane, inta uu qasbay xoog uu kaga adeegtay. Waa kii maalintaas gabadhnimadeedii dhaafiyay. Waa kii markii uu hawshiisa dhammeystay inta uu dhulka is dhigay raalligelin ka dalbaday. Waa kii isaga oo lugaheeda haysta ku andacooday in shayddaanku duufsaday oo uusan isagu u qasdiyin wixii dhacay. Waa tii iyada oo indhaheeda illintu buux dhaafisay gurigooda u orodday. Saddex bilood kadibna waa tii uu uurku ku soo baxay. Waa tii kolkii xaaladdeeda la ogaaday is gubtay ee noloshii adduunka sidaas kaga hoyatay. Waa tii iyada oo aan nolosha wax badan ka arag galbatay ee qaddar jabtay.

Dalmar waakan ilaa iyo hadda magaalada iska jooga isaga oo dambiile ah, oo aysan cidna u raacanin wax dhagar ah. Hawshii uu gabdho badan ku soo faro xumeeyay ayuu weli ku dhex jiraa. Marba marka kasii dambeysa ayay shaqadani u sii macaanaataa. Gabadhba gabadha ay ka qurux badantahay ayuu ugaadhsadaa oo sida kalluunka shabaag u dhigaa. Kuwo badan oo danyar ah xataa horay ayuu inta ugu ciyaaray, kaddibna xoogaa lacag ah u laabay oo aamusiiyay. Kuwo kale wuxuu ugu hanjabay inuu iyaga iyo reerkoodaba baabi’in karo haddii ay afka furtaan.

Maanta Deggan ayaa dabinka ku jirta. Toloow muxuu ku sameyn doonaa? Miskiintan yari miyay ka badbaadi doontaa? Looba joogee, maanta abriskii ayaa fursad dheemman ah helay. Gabadh berii ah oo aan waxba galabsanin ayuu dhagar la maagganyahay. Qorshaha uu iyada halkan ku keenay wuxuu ahaa inuu shaqo siinayo, nasiib xumo, shaqada uu siin doono waa mid shuruudo ku xidhan yihiin. Iyadu marnaba may filanin in xujo iyo shuruudo ay ka horreeyaan shaqadeeda. Sidoo kale marnaba mayna meesha soo dhiganin waxaad afka uga gali doontaa waraabe ooman. Hoogeeda e, inta uu ku soo durkay ayuu fadhiistay meel iyada la siman. Hadda intii hore waa uu ka soo dhawaaday oo jidhkeeda iyo kiisa ayaa is taabanaya.

Dhinaciisa ayuu ku hayaa dheeggeeda. Gacantiisa midig ayuu inta dhinaca dambe mariyay garabkeeda saaray sidii isaga oo niyadda u dhisaya. Si debecsan ayuu ula hadlayaa, isaga oo ku dhahaya:

–          “Deggan is deji, ha cabsan. Waraabe kulama joogee aniga ayaa kula jooga. Cabsida iyo argagaxa iska saar. Waxaad tahay xuuralcayn yar oo Eebbe aniga ii soo diray. Ma moodi jirin dunida inay xuuralcayn ku nooshahay, balse adiga waxa aan filayaa in jannada la iiga kaa keenay, si aad aniga baahidayda iiga kaafiso. Maanta fursad dahabi ah baad haysataa ee fadlan shuruudahayga aqbal. Haddii aad shuruudahan aqbashid waxaa hubaal ah inaan shaqo ku siin doono, haddii kalena aad qoomamo iyo murug ku noolaan doonto inta noloshaada kaaga hadhsan.”

Iyada oo gariiraysa misana gacantiisa iska qaadaysa ayay is tidhi istaag, mise inta uu xoog garabkeeda u qabtay ayuu salka ugu dhuftay kursigii ay ku fadhiday, isaga oo inta uu markan dhexdeeda qabsaday ku dhahaya:

–          “Dheemmaneey i dhegayso, maanta meelna igama aadi doontid ee niyadda khayr u sheeg. Cabsida, welwelka iyo naxdintu waa astaamaha dadka liita ee nolosha hoosaysa ku nool. Marba haddii aad aniga oo Dalmar ah ila joogtid nasiib ayaad leedahay. Waxaa habboonayd inaad nasiibkan aniga i kaa tusay aad u mahadceliso oo abaalkiisa u guddo. Hanti iyo adduun inta noloshaada ka dhiman ku kaafin doonta ayaa akoonkayga taalla. Cid kale oo aan adiga ahayn hadda ka hor fursad aan maal iyo hanti intaas le’eg ugu ballan qaado ma aysan helin. Fursadda ha beer daraynin ee horta jacaylkayga hordhaca ah iga aqbal.”

Inta ay xajiimootay ayay inta tabarteed ah is kala baacisay oo dhirbaaxo dhabanka ka saartay. Isaga oo dhoollacaddaynaya oo dhabanka haysta, ayuu inta uu iyada isku duubay afkiisa afkeeda u geliyay. Xooggeeda iyada oo adeegsanaysa ayay iska furtay oo mar kale ay dharbaaxday, misana u durugtay inay dhanka albaabka u dhawaato si ay uga baxsato. Wuu dareemay inay dhanka albaabka u socoto oo dib ayuu usoo qabtay. Si xoog ah. Kolkan inta uu xanaaqay ayuu inta tabartiisa dhirbaaxo dhegta bidix kaga dhuftay. Wax olol la moodo ayaa Deggan dhegteeda bidix ka duulay oo hal mar ayay waxba maqli wayday.

Dhegtii midigna wuu ku xigsiiyay, sidii tii hore si la mid ah. Hadda labada dhegoodba waxba waa ay ma maqli wayday – DAM. Kursi isaga gadaashiisa yaalla ayuu inta uu qaatay laftii iyada dhaqaaqdaba jabiyay. Jugta ugu badan qeybta danbe ee madaxa ayay ka gaadhay. Iyada oo miyir la’ ayuu hawshiisa gudagalay. Labbiskii xariirta ahaa ee ay xidhnayd oo dhiiggu qooyay ayuu marba mid ka saaray. Dantii u lahaa ayuu gutay, kaddibna wuxuu u jiiday dhinaca miiskiisa hoostiisa.

Waxa uu soo qaatay biyo iyo masaxaad. Dhiiggii ayuuna guriga ka nadiifiyay, iyadana dharkeedii inta uu ku celiyay ayuu kaartoon weyn ku dhex riday. Caweyskii ayuu inta uu xafiiska yimid waxa uu u yeedhay labada waardiye ee ilaaliya dhismaha, isaga oo ka dalbaday inuu alaab culus oo kaartoon ku jirta, oo madaxtooyada looga baahanyahay qaadayo. Si tartiib ah ayuu gaadhigiisii yaraa u kaxeeyay, kaddibna wuxuu aaday dhinaca daantii ay gabadhu ka deganayd magaalada. Meelo ay maalin hore isaga u tilmaamtay kolka uu marayo ayuu jid dhuuban oo mugdi ah ku leexiyay. Si degdeg ah ayuu kaartoonkii isaga tuuray wuuna iska tagey.

Saddexdii carruurta ahaa ee ay Deggan walaalaha ahaayeen ilaa iyo shalay way yaabban yihiin, kolna way murugaysanyihiin. Weligeed intaas in le’eg kama aysan maqnaanin. Dabka ayaa xalay u madoobaa oo ilaa saaka waxba looma karinin. Goor barqadii ah ayay Nasteexo oo 10 jir ah, Degganna hoos uga yar u wareegtay deriska iyada oo gaadhsiisay warka ah in ay walaashood ilaa shalay la’yihiin jaan iyo cidhib meel ay dhigtay. Deriskii ayaa inta ay is xilqaameen carruurtii wax u kariyay oo guriga u nidaamiyay. Cabbaar kaddib, dariiq aan gurigooda ka fogayn ayaa carruur kale oo ku ciyaaraysaa waxa ay si kadis ah u kala fureen kartoon xidhan oo wax culus ku jiro. Arrinta yaabka leh waxa ay ahayd inay arkeen gabadh dhiig madaxa iyo wejiga ku leh oo aad mooddo mayd.

Qayladii ciyaalka ayaa deriska oo dhammi kusoo baxeen, waxaana maydkii loo qaaday dhakhtarka. Dedaallo ay dhakhaatiirku sameeyeen kaddib, waxaa la ogaaday inay miyir daboolan tahay balse ay naftu weli ku jirto. Waxay ku taliyeen in isbitaalka magaalada u weyn oo qalab casri ahi yaallo loo qaado. Sidii baa la yeelay oo Deggan waxaa loo qaaday isbitaalka ugu weyn magaalada. Gargaarka degdegga ah markii la dhigay ayaa baadhitaanno kaddib, dhakhtarku amray in loo gudbiyo waaxda qalliinka. Madaxa oo waxyeelo badani gaadhay ayaa laga dawayn doonaa, sidoo kale, luqunta oo jabtay ayaa la kabi doonaa. Rejo wayn lagama qabo inay xaaladdeedu sidii ay ahaan jirtay ku soo noqoto, dhakhtarku durba wuxuu dadkii iyada waday u sheegay in ay u badantahay inaysan dhaawacan ka soo kabsanin, haddii ay soo kabsato xataa ay u dhawdahay in xasuusteedii ay lunto. Qalliinka kaddib waxaa la amray in la geeyo waaxda ICU (Intensive Care Unit) ee daryeelka sare. Halkaas ayaa ay saddex beri ku jirtay, kaddibna waadhka bukaanjiifka dumarka ayaa la dhigay.

Lix bilood kaddib, Deggan xaaladdeedu way roonaatay oo markii ugu horraysay ayay kacday. Luqunta oo caag weyn lagaga xidhayna waxaa u suurto gashay in ay kabanto, balse laba dhibaato ayaa la deristay: marka koowaad maqalkeeda dhegaha ayaa hoos u dhacay. Marka labaadna xasuusteedii oo dhan baa luntay. Wax kale iska dhaafe, xataa magaceeda iyo cidda dhabta ah ee ay tahay ma taqaanno. Intii ay Deggan ku jirtay isbitaalka, waxaa xaaladdeeda guud la socday Dalmar oo isagu ka cabsi qabay in gabadhaasi ay caafimaaddo, kadibna ay sheegto cidda dhaawaca u geysatay. Walow isaga aysan wax weyn yeeli doonin arrintaasi, haseyeeshee magaca iyo sumcadda uu muddooyinkii u dambeeyay sameystay ayay dhaawici doontaa. War farxad leh ayuu maqlay, kaddib markii uu dhakhtarka iyada xaaladdeeda gacanta ku hayaa u sheegay in aysan waxba xasuusan karin. “Gosh!” Inta uu yidhi ayuu dhakhtarkii lacag badan abaalmarin ahaan u siiyay.

Ehelkeeda waxay isku taxalluujiyeen bal in Deggan xasuusteeda si uun loo soo celin karo. Deggan abtigeed oo dalka Mareykanka ku noolaa, balse horay aan ula soo xidhiidhi jirin ayaa loo qayshaday oo arrintii la gaadhsiiyay. Nasiib wanaag, waxa uu ballan qaaday inuu dhakhtar dibadda ah u qaadi doono sida ugu dhakhsaha badan. Bilo yar kaddibna Deggan oo iska ladan balse xasuustu ka maqan tahay ayaa loo qaaday isbitaal dibadda ah oo casri ah oo ay ka shaqeeyaan dhakhaatiir caalami ah oo ku takhasusay Kasmonafeedka Maskaxda, gaar ahaanna culuumta xasuusta dhimirka. Judhiiba, dhakhaatiirtu waxa ay muujiyeen in ay rejo 50% ah jiri karto, oo Deggan xasuusteedii dib loogu soo celin karo. Dhakhaatiirtu waxa ay dedaal dheer u galeen sidii ay Deggan xasuusteeda in uun dib ugu heli lahayd.

Muddo saddex sanno ah ayaa daryeel gooni ah, daawooyin heersare ah iyo tijaabooyin duleed oo iyada wax lagu dareensiinayo la waday. Si tartiib tartiib ah ayay xasuusta Deggan u soo noqonaysay. Dabiibka ugu sarreeya ee kooxda ku takhasuustay xasuusta ayaa horay u sheegay in dadka noocan oo kale ah aysan xasuustooda hal mar soo laaban karin, balse ay si tartiib tartiib ah usoo laabato haddii daryeel khaas ah qofka loo fidiyo. Muddo kadib, waxyaabaha ugu layaabka badnaa ee Deggan ay ugu hor xasuusato waxaa ka mid ahaa saddexdii carruurta ahaa ee ay walaalaha ahaayeen. Waxa kale oo durba xasuusteeda ku soo dhacay nin xoog badan, labbisan oo ay xafiiskiisa la joogto kadibna ay dhirbaaxo dhabanka ka saarayso. Waxa kale oo naxdin, cabsi iyo niyadjab ku ridi jiray kolka ay soo xasuusato jugtii madaxa kaga dhacday markii uu Dalmar kursiga ku dhufanayay. Xasuustan u dambaysaa waa tan mar kasta oo ay kusoo dhacdo ay ku qayliso erayo ay ka mid yihiin: “Alla iga qabta, meesha miyaan dad joogin, hoogayeey …”

Saddex sanno oo buuxda ah ayaa u dhammaaday Deggan, intii daryeelka caafimaad iyo xannaanada goonida ah ay qaadanaysay. Walow aysan sidii ay ahaan jirtay ahayn, haddana ugu dambayn way ka soo raysay oo way ladnaatay. Dalkii ay caafimaadka u joogtay ayay waxbarasho ka bilowday ilaa ay ka dhammeysay culuumta sharciga. Ujeeddada ay culuumtaas u baratay waxa ay ahayd bal inay sharciga ugu hiiliso gabdhaha faceeda ah, ka yar ama ka weynba si dadka xadguduka ka gaysta dalka loo yareeyo.

Kiiskeeda meelo badan ayaa ay gaadhsiiyay. Waxay caalamka ugu addintay in ay dhibbane tahay oo danbiilihii iyada mustaqbalka ka halleeyay uu xorriyad iyo xil ku naaloonayo. Cabashadeeda waxay gaadhsiisay hay’addaha xuquuqda aadamaha u dooda. Waxay sameysay dedaal kasta oo ay uga aargoosan lahayd danbiilaha, iyada iyo gabdho badan oo kale gabadhnimadoodii iyo sharaftoodii ku xadgudbay.

Dhinaca kale, Dalmar xilkii waa laga qaaday kaddib markii uu isdaba marin iyo khiyaano ku sameeyay shaqooyin khaas ahaa oo uu madaxweynuhu u dirsaday. Lama xidhin oo danbi laguma soo oogin, balse waxaa laga xayuubiyay awooddii iyo xilkii uu in muddo ahba ku faanayay ee qooqa iyo kibirka u horseeday. Hadeer godkiisa ayay biyo ugu galeen. Cir iyo dhul buu qaban la’yahay. Dad badan oo uu dhibaato u geystay ayaa magaalada buux dhaafiyay oo dhinac uu u ciirsado ma yaqaanno.

Ugu dambeyn Deggan oo dalka ku soo noqotay ayaa kiiskeedii dacwadda oo si heersare ah u diyaarsan maxkamadda heerka labaad gaadhsiisay, sababta oo ah, kiiskan oo kale maxkamadda heerka koowaad ma qaadi karto. Nasiib wanaag, maxkamaddu waxa ay qortay warqad soo qabasho ah, sidaas baana Dalmar xabsiga loogu taxaabay. Booliska asluubta ayaa kiiskiisa baadhitaanka gacanta ku hayay. Caddeymo badan, maragyo nool iyo waxyaabo kale ayaa faylkiisa lagu lifaaqay.

Kolkii uu baadhitaanka ku jiray, isaga oo booliiska u warramaya isla markaana dambigiisa qiraya ayuu Dalmar hadalkiisa ku bilaabay:

–          “Waxa aan kusoo koray nolol adag oo dhib badan. Is koris iyo darbijiif aan daryeel soo arag ayaa aan noloshayda inta badan ku soo qaatay, ilaa aan ka noqday 22 jir xoog iyo xiniin leh. Waxaan garaadsaday aniga oo laamida agteeda seexda, hoy aan lahayn, hooyo iyo aabbe aan aqooon misana tabar yar. Xoog, dhac, dil, xatooyo, iyo khayaano ayaan noloshayda oo dhan deris la ahaa. Xeeladahaasi shaqo aan quutul daruuriga ka helo oo keliya aniga iima ahayn, balse waxa ay ii noqdeen khibrado noloshayda i anfacay oo aan kaga maarmay baryada dadka kale.


Waxaan qaatay waayo-aragnimo iyo duruus kala duwan oo ku saabsan dilka, dhaca, kufsiga iyo xatooyada. Waxaan qalbigayga marnaba ku beermin wax la dhaho naxariis, beer-jileec iyo cabsi. 30 jeer waa ay ka badan tahay inta aan xabsi galey, balse taasi khibraddayda ayay sii kordhisay maaddaama oo kolkii aan 18 jir gaadhay aan bartay sida looga badbaado xabsi iyo khatar kasta oo booliiska dhagarta badani uu ila maagganyahay. Dabin kasta oo ay qoolaan iyo mareeg kasta oo ay xidhaan waxaan ahaa midkii fura ee iyaga tabahooda dumiya. Waxaan gaadhay heer la i qaban waayo oo la iga quustay.


Danbiyada aan galay tiro ma lahan. Inta aan qof kale ku xadgudbay lama koobi karo. Boqollaal iyo kumannaan ayaan toorri geliyay ama si uun aan wax u gaadhsiiyay. Tiradooda ma hayo inta aan gabadh yar oo bikro ah jajabsaday oo beerka kaga dhacay. Lama soo koobi karo inta hanti ah ee aan yaraantaydii dhacay iyo inta aan xaday. Wax danbi ah oo inaan sameeyo ii hadhsanaa ma jirin. Waan u xaraaroon jiray sameynta danbiyada iyo jebinta sharciyada. Aniga oo sidaas ah ayaan ciidan is qoray. Muddo ayaan ku jiray askarinimada, intaasna waxaan sii yeeshay awood iyo xoog aan u adeegsado xeeladahaygii aan yaraanta soo bartay. Intaas kaddib danbi kasta oo aan sameeyo wuxuu ahaa mid sharciyaysan oo shaadhkayga askarinnimadu uu gaashaan u yahay. Waxaa la ii qaatay ilaalada khaaska ah ee madaxtooyada, xafiiska looga arrimiyo dalka. Halkaas ayay awooddayda aad maanta arkaysaan kasoo bilaabatay.”

Deggan kiiskeeda iyada ayaa qareen ka ah. Waxa ay diyaarisay galdacwaddeed ay ku dhan yihiin danbiyo badan oo uu Dalmar gaystay, caddeymihiina way ku lifaaqday. Waxaa dacwaddeeda taageeray galbaadhiseedkii boolisku ka diyaariyay Dalmar, kuwaas oo caddeymo qiraal ah ka hayay Dalmar. Maxkamaddu iyada oo cuskanaysa xeerka ciqaabta ee dalka ayay saddex iyo labaatan sano oo xadhig ah, iibna aannu ku jirin ku xukuntay Dalmar. Sidoo kale, waxaa dib laga soo xidhxidhay rag iyo haween kale oo kalkaaliyayaal ahaa kuwaas oo danbiyada qaar u fududayn jiray Dalmar.Kiiskaasi waxa uu ahaa kii koowaad ee ay Deggan, iyada oo qareen ah, gacanta ku qabato. Guul la taaban karo ayay soo hoysay. Gabdhaha faceeda ah ayay tusaale u noqotay. Waxey ballan ku qaaday inay la dagaallami doonto danbiilayaasha gabdhaha dabinnada la maaggan ee mooryaanta ah. Waxay aasaastay hay’ad sharci oo u doodda gabdhaha dhibban ee tacaddiyada loo gaysto.

W/Q: Mustafa Sh. Maxamed “Atam”
Email: mustafeatam@gmail.com