Boqoraddii Badda: Sayida Al-Xurra – Vol: 01 – Cad: 38aad

 270 View

Indheergarad – Oktoobar 18, 2019 – Hakisbila  – Vol: 01 – Cadadka: 38aad

Sayidda Al-Xurra (السيدة الحرة) waxa ay ahayd qof dumar ah oo aqoonsiyo badan leh magaceedu waa cinwaan si fudud loo turjumay waxaana loo yaqaannay “Haweeney sharaf leh oo madaxbanaan”, waxa ay ahayd gabadh ka talisa sidoo kale difaacda magaalo xeebeedka Marooko ee Tiwan (Tétouan). Sayida Al-Xurra nolosheedu qayb weyn ayay ka qaadatay dhibaatooyinkii haysatay xilliyadeedii. Waxa ay dhalatay sannadkii 1485-kii magaalada garanaada (Granada), Sayida waxa ay la qaxdey qoyskeedii oo Marooko u guuray kaddib markii boqortooyadii Islaamiga ahayd dhacdey ee ay ka guuleysteen Masiixiyiintii Isbeyn (Spain).

16-jirkeedii waxa ay guursatay nin 30 sano da’ ahaan ka weyn, Abu Xasan al-Mandari oo ahaa taliyahii Titwan (Tétouan) ee waqooyiga Marooko, qiyaastii 55 kiiloomitir waqooyiga Jeffajoon (Chefchaouen), oo ku taalla afka webiga Maartil (Martil), Titwan (Tétouan) waxay ahayd dekadda ugu weyn ee Morooko, waa meesha ay ka soo galaayeen badeecadahu. Magaalada afarta gees sidoo kale waxay ahayd saldhig taatiko ah oo laga qaado weerarada badaha ee ka dhanka ah dekadaha waqooyiga ee Siyuuta (Ceuta), oo wakhtiyo kala duwan ay haysteen awoodda muslimiinta (Nasrid) iyo masiixiyiinta (Portuguese).

Khilaafka taariikhyahannada ka dhex jira ayaa isku maan dhaafsan qaybo ka mid ah taariikhda Sayidda Al-Xurra. Taariikh yahan qarnigii 16-aad noola, Al Xasan ibnu Muxammad al-Wazzan markii dambe loo yaqaannay “Leo Africanus”, ayaa tilmaama in magaca dhabta ah ee Sayidda Al-Xurra yahay Caasha Moulay Cali ibnu Rashid halka hooyadeed na la odhan jirey Zohra Fernandez, oo Masiixiyad ahayd, markii dambena diinta Islaamka qaadatay, sidoo kale waxa la sheega in Caasha Moulay Cali Ibnu Rashid ay ku abtirsan jirtay qoys sheegtay inay ka soo jeedaan nebi Muxamed xagga Idrisigii koowaad.

Noloshii Sayidda Al-Xurra ee Titwan (Tétouan)

Guurkii Abu Xasan Al-Mandari iyo Sayidda [Caasha] waxa uu ahaa tallaabo xigmad leh, iyada oo Sayidda u shaqaysa sidii ay Marooko isku xidhayso iyo magacaabiddii Moulay Ibrahim ee loo yaqaan Ahmed al-Wattasi ee loo magacaabay saldanaddii Fees (Fez), wakhtigaas oo ay soo xooggeysanayeen awoodihii sida adag ugu hirdamayay marin biyoodyada iyo magaalo xeebeedyada ee Isbayn (Spain) iyo Bortaqiiska (Portuguese).

Al-Mandari oo ahaa Sayidda (Caasha) ninkeedii, wuxuu geeryoodey inta u dhaxeysa 1515 iyo 1519 tirsiga Miilaadiga. Sayidda waxay noqotay taliyaha magaalada Titwan (Tétouan), iyadda oo dhaxashey ninkeedii Al-Mandari. Wakhtigan waa markii ay qaadatay magaca Sayidda Al-Xurra, reer Yurub waxa ay la yaabeen magaca Sayidda Al-Xurra iyo gabadha saameynta cusub ku yeelatay magaalada Titwan (Tétouan).

Sayidda waxbarashadeedii, dabeecaddeedii iyo jiritaankeedii maskaxdu waxay u asaastay in ay tahay hoggaamiye siyaasadeed, ka madax bannaan kormeerka, tilmaamaha ama oggolaanshaha ragga ku xeeran xukunkeeda. Si kastaba ha noqotee, iyada oo ah Sayyida al-Xurra, waxay si wax ku ool ah u xukuntay Titwan (Tétouan) rubuc qarnigii soo socday ama wixii ka dambeeyay. Xilligaas oo ay magaaladu si dhakhso ah u gaadhay heer barwaaqo ah, sida taariikhyahanka Isbaanishiska ah ee  Jerman Fasquwes Jamoorro “Germán Vázsquez Chamorro” ku qoray daraasaddiisii ​​ugu dambeysay ee Mujeres Piratas (Haweenka budhcad badeedda). Inta badan barwaaqadaas ay gaadhsiisey Titwan (Tétouan) waxay ka timid hal il oo  cad: weerarradii ay ku qaadaysey maraakiibta Isbaanishka iyo Boortaqiiska oo ay saaran yihiin alaab, dahab iyo khasnado kale. Sayidda waxa ay door bideysay budhcad badeedda si ay dhulkeeda uga difaacdo gardarrooyinkii Isbaanishka iyo Boortaqiiska.

Markii ay awooddeedu sii korodhay, ayay sumcaddeeduna sidoo kale kor u kacdey. Sanadkii 1541-kii, intii lagu guda jiray socdaallo aan joogsi lahayn oo si is daba joog ah loogu tagey gobolka titwan (Tétouan)  si ay kaalmo uga geysato hagardaamadii lagu hayey magaaladii Fees (Fez), Axmed Al-Wattasi wuxuu guur ka dalbaday Sayidda (Caasha). Way ka aqbashay in uu guursado Al-wattasi, laakiin way diidey inay u safarto magaalada fees (Fez) oo uu ka taliyo Al-Wattasi si xafladda arooskoodu uga dhacdo, se waxay ku adkaysatay in xafladda arooskoodu ka dhacdo titwan (Tétouan). Waxay ahayd wakhtiga keliya ee taariikhda Morooko in Suldaan ku soo guursado meel ka baxsan degaankiisa. Wararka arooskoodu waxay u gaadheen ilaa Madrid, halkaas oo uu ka dhibtooday Fillibkii laabaad (Philip II) oo uu u arkay qaar muslim ah oo u dhigma guurkoodu awood sii kordhaysa.

Awooddii Sayidda Al-Xurra uma ay adkaysan dhibaatooyinkii iska hor imaadyadii cadaawadeed ee qabaa’illada, joojintii xidhiidhadii ganacsi ee u kala dhaxeeyay ganacsatada maxalliga ah ee Titwan (Tétouan) ay joojisey iyo sidoo kale awoodii Wattasiyadda oo hoos u dhacday meeshana ay ka baxdey iskaashigii labada magaalo ee Fees (Fez) iyo Titwan (Tétouan) oo ay ka soo kala jeedeen Sayidda Al-Xurra iyo Axmed Al-Wattasi. Sayidda Al-Xurra waxay hawlgab noqotay magaalada Jeffajoon (Chefchaouen), halkaas oo ay ku noolayd ku dhawaad​​20-sano in ka badan, halkaas ayayna ku geeriyootey illaa gu’gii 1561-kii ee tirsiga Miilaaddiga. Taariikhyahannadu waxay sheegeen in ay tahay haweeneydii ugu dambeysay ee Islaam ah ee qabta awoodda hoggaamineed ee ugu saraysa deegaankeeda ay ku nooleyd.

WQ: Cabdifataax Axmed Cali “Xayduusi”

Email: abdifataah.hayduuzi45@gmail.com