SOOHAN – Vol: 01 – Cad: 40aad

 372 View

Indheergarad – Noofembar 05, 2019 – Lamtako  – Vol: 01 – Cadadka: 40aad

Q I: Dhul carro san ah misena bilicsan, laguna jiro xilligii gu’ga oo aan muddo dhawr sitimaan ah roobku kala qaadin. Xareeddu kob kastaba ay wadhan tahay, naftu u muhanayso, ishuna aanay ka libiqsanayn mar qudha, ceel kastana uu biyo la heed-heetinayo. Soohan deegaankan Awaare ee sidaas u bilicsan ayaa ay ku dhalatay xilli barqo ah oo gu’ ah, roob geel dooje ahina uu da’ayo ayaa ay ifka timid. Hooyadii dihatayna ay ku indho qabowsatay, halka aabbeheedna uu dhuxul madow dhankeeda u tuuray. Isaga oo kolkii loo sheegay dhalashada gabadhiisa Soohan ku masaalay gudcur madow, garaad li’i iyo geed naageed oo ku soo biiray qoyska iyo tolkaba.

Duqa Soohan dhalay ee Xaaji Samaalle, waxa uu rejaynayay wiil qoodh ah oo uu ku tanaado, tolkana daafaca, xoolahana u raaca, kuna abtirsada oo magaciisa ka dhiga mid waara oo aan goblamin. Wuxuuna sii hankaabsaday wax oo kasta oo ina ragg lagu soo dhaweeyo, kolka uu dhasho. Balse, waxaan niyad jab ahayn kama uusan qaadin gabadhaas u dhalatay. Wuxuuna ku cataabay maan iyo muruq baan sugayee, ma makas iyo mucsur baa ii dhalatay tollaayoo tollaay?!!

Waxa uuna go’aansaday in uusan dan iyo heello ka gelin gabadhaas u dhalatay, hadday samaato iyo hadday xumaataba. Hooyada dhashay gabadha ee Saaqa oo da’ ahayd, habrihii wax sheeg-sheegi jirayna ay u sheegeen goshan mooyee tu kale kuuma hadhin, ayaa uu ogaa Xaaji Samaalle. Durbadiiba, Saaqa oo aan afartan bixin ayaa uu gashaanti kale u taf rogtay, iyadiina ka haayiray. Gabadh yar oo heelimaadsan, tolkana aan ka dheerayn ayaa loo hooyay Xaaji Samaalle, deedna uu derinta kula loollamay. Walow uu ahaa tabcaan aan garays iyo guntin naageed furi karin, balse tala Alle iyo tu ina ragg baa kaalmeysay!

Saaqana, hinaase uma hadhin oo hadday hinaasto cidba ka neefin mayso, haddii ay joogtana waa isla halkii oo Xaaji Samaalle dan kama laha, maadaama oo wiilkii laga sugayay ay gabadh booskiisii gashey. Waaba sidii ay iyadu dhasha gacanta ku haysee! Dantaana tidhi iska korso gabadhaada yar, awalba duqu duunyo iyo duco midna kula ma garab taagnayne. Saaqa waxa ay is kala daala dhacday gabadheedii yareyd ee Soohan, oo xataa magaca ay iyadu ugu wanqashay una bixisay. Maadaama oo Saaqa hooyadeed magacan la odhan jiray, waxa ay ugu talogashey in ay ku xasuusato hooyadeed oo ay ku simiso.

Badiba dadka deegaanku, gaar ahaan inta tolka la ah reer Xaaji Samaalle ma ay jeclaysan gabadhan Soohan oo lama mahadin jirin haddii magaceeda la maqlo ama muuqeedaba la arko. Soohan, kolkii ay yara garaadsatay oo dabka iyo biyaha ay kala garatay, ayaa ay dareentay in aan tolkeed ku faraxsanayn una riyaaqsanayn. Balse, qofka keliya ee daneynaya ay tahay hooyadeed Saaqa oo aabbo iyo hooyaba u noqotay.

Walaalo ma leh oo hooyadeed Saaqa waxa uu Xaaji Samaalle guursaday iyada oo afartameeyada u dhow, curaddeediina waa Soohan, gol labaadna kama dambeyn iyada. Balse, waxa ay leedahay saddex wiil oo ay dhashay gabadhii minyarada ahayd ee kolkii iyadu (Soohan) ay ifka timid uu Xaaji Samaalle cadho guursaday. Saddexdaas oo la kala yidhaahdo: Sugulle, Siciid iyo Siigaale oo isku dhalasho xiga uuna u weyn yahay Sugulle.

Q II: Saddexdan wiil ee ay walaalaha yihiinna walow ay dhallaan yihiin, haddana ciyaar iyo hadal kuma darsadaan Soohan. Xaaji Samaalle iyo minyaradiisa Saynab ayaa ku barbaariyay in aysan la hadlin, lana dheelin Soohan oo ay ka gaabsadaan, kana rooraan hadday arkaan! Soohan nafteedu kolkay dareentay sida loo takoorayo, waxa ay noqotay gabadh yar oo ciil hayo, cuqdadaysan, cadho badan oo cidna aan la hadlin. Ciyaartii ilmaha lagu yaqaannayna joojisay oo dhirta kolba mid hoos fadhiisata dharaartii, halkaasna uu gabbalku ugu dhaco ilaa ay hooyadeed Saaqi soo xareyso.

Wixii ay sidaas ku socotaba oo xaaladduna aanay is beddelin, Soohanna ay u buuxsameen toban gu’ ayaa duqdii Saaqa ahayd ay tii Alle u timid oo la oofsaday. Gudcur madow iyo rejo gabbalkeed dhacay ayaa ay u noqotay Soohan, intii dunida u necbayd ayaa u soo hadhay, halka tii dunida ugu jeclaydna ay ka geeriyootay. Kolkii Saaqa godka lagu hubsaday, habaaska iyo ciiddana lagu rogay ayaa Soohan xoog lagu kaxeeyay loona geeyay aayadeed Saynab iyo saddexdii wiil ee ay wada dasheen.

Soohan oo ah gabadh yar, jecel in dugsiyada waxbarashada ee hadda degmada ku cusub la geeyo, ayaa loo diray meesiyadii reerku lahaa, gaar ahaan adhigii oo ay cadceed soo bax ilaa cadceed ka dhac ay raacayso, kolna dhurwaaga ka celinayso, kolna ay biyaha iyo baadka u dhigayso. Saddexdii wiil ee ka yaraa, waxa lagu daray dugsi Quraan uu leeyahay wadaadka deegaanka u caalimka ahi ee la dhaho Sheekh Suudi-Gaaldile. Balse, Soohana xataa laguma darin dugsiga Quraanka walaaladeed la geeyay.

Kolka Soohan ay soo hoyato iyada oo aan nafi ku heegnayn, waxa loogu daraa garaacis iyo aflagaaddo aanay mutaysan. Kolna casho iyo gasiin kaleba waa laga xaaraantimeeyaa oo xataa caanaha la soo liso afka looma saaro ee carrabkeeda oo qalalan ayaa ay ku gam’adaa habeenkaas. Wiilashana hadhuubka ayaa loo buuxiyaa oo isaga oo heed-heetinaya ayaa ay ka dhergaan, habarta iyo duquna waa la mid oo naftoodu xataa waa isu roonayaal sidii ri’ weyda oo reer ka hadhay!

Cadaab adduun iyo ku aakhiraba waa la isugu sidkay Soohan, itaalna kuma hadhin oo korriinkeedii ayaaba la dhiciseeyay. Niyadna uma noola oo dharaar iyo habeenba waa la bahdilaa, noloshiina waa ay ka quusatay. Muddo shan gu’ ah kolkii ay sidaas ku jirtay, wiilashiina la arkay in ay Quraanka dudubin karaan, ayaa laga saaray dugsigii oo lagu soo daray safkii xooloraaca ee ay Soohan ku jirtay. Wiilashii waxa loo kala diray meesiyada reerku lahaa, gaar ahaan geelii oo ay daba dhoonno ka noqdeen, Soohanna adhigeedii baa gashaantimo yaryar oo tolka ahi ay la xoojiyeen.Soohan waxa ay garan wayday heeraabka ay qoyskan reer Xaaji Samaalle kaga jirto, ma qof baa? Ma duunyaa? Ma doqon baa? Ma dayacan baa? Waa su’aalaha maankeeda mashquuliyay ee ay ka ladi wayday. Wax aan weyraxid iyo is-ciil-kaanbin ahaynna waa ay miciinsan kari wayday. Hadal iyo talana lagama sugo oo loo diid in ay dugsi aaddo, laguna qasab in ay adhiga raacdo oo isaga naftiisa xataa ay ku dhib qabto, maadaama aanay dheef ka helin. Waxa ay se marar badan ku cataabtay in haddii hooyadeed noolaan lahayd aan mustaqbalkeedu sidan ahaadeen. Illayn hooyo waa lama huraane!

Halkan kala deg: 

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com