Dheeshii Qandahaar: Sheekada Jihaadiyiinta Afgaanistaan ee Dunida Beddelay | Cabdikariim Ascad – Vol: 01 – Cad: 41aad

 422 View

Indheergarad – Diisembar 03, 2019 – Lamtako  – Vol: 01 – Cadadka: 41aad

Afgaanistaan waxa ay mudnaan gaar ah heshay muddadii dagaalkii qaboobaa, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee loollanka u dhexeeya quwadaha Bari iyo Galbeed. Midowgii Soofiyeeti waxa ay la ahayd in xuduud u dhaxeysa isaga iyo Boqortooyada Afgaanistaan ay la macno tahay in ay isaga raacsan tahay; ayna laga maarmaan tahay in ay taabacsanaato. Halka Mareykanku boqortooyada u arkayey meel ku habboon, dhufays dharbaaxooyin kulul lagaga dhufan karo Midowgii Soofiyeeti oo ay ood-wadaag ahaayeen. Sababo la xiriira kala aragti duwanaanshahaa, Afganistaan waxa ay noqotay bogcad lagu herdamo tan iyo lixdameeyaddii.Dabcan gacan-sarraynta waxa yeeshay midowgii soofiyeeti, dhawaanshihiisa bed ahaaneed awgeed, laakiin Mareykanku wuxuu si joogto ah isugu dayey in uu so xero-geliyo murqa-waynta siyaasadeed (uguna horreeyo boqor Maxamed Daahir Shaah).

Fikradaha Shuuciyadda ee ka socda deriska Soofiyeet, ayaa soo galay boqortooyada, waxaana unkamay xisbiyo iyo dhaqdhaqaaqyo dhinaca bidixda u janjeedha, gaar ahaan Xisbigii Dimuqraadiga Dadweynaha Afgaanistan. Iyada oo laga jawaabayo hirarka shuuciga, dhanka kale waxaa abuurmay baraarug Islaami ah; oo ay hoggaaminayaan wadaaddadu. Waxaana so baxay tiro nidaamyo islaam-siyaasi ah oo ay ka mid ahaayeen: “Dhalinta Muslimka {الشباب المسلم}” “Jamciyadda u-adeega Al-furqaan {جمعية خدام الفرقان}” iyo “Jamciyadda islaamka {جمعية الإسلامية}”.

Horraantii toddobatameeyadii, midowga soofiyeeti wuxuu dareemay in Galbeedka saameyntiisu ku baahayso qasriga boqortooyada ee Kabul. Waxayna Soofiyeetku 1973-dii taageereen afgembi militari oo uu hoggaaminayo boqorka ina adeerkiis, soddogii, isla-markaana ahaa ra’iisul wasaarihii hore,

waa Maxamed Daauud Khaan e. Isla markii uu afgembiyay, Maxamed Daauud wuxuu ku dhawaaqay aasaasidda Jamhuuriyadda Afgaanistaan, isuna magacaabay madaxweynaheeda, laakiin arrimahu ma xasilin. Khilaaafaadka u dhexeeya xulafada Soofiyeeti ee Afgaanistaan wuxuu bilaabay inuu si dhakhso ah u korayo, wuxuuna figta u sarreysa gaadhay 1978-dii.  Xisbiga Dimuqraadiga Dadweynaha Afghanistan uu hoggaamiyo Nuur Maxamed Taraqiayaa afgembiyey Daauud waxayna xasuuq ba’an ku qudh-gooyeen isaga iyo 17 xubnood oo qoyskiisa ah.

Taraqi waxa uu noqday guddoomiyaha Golaha Kacaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuuna qabtay in badan oo “dib-u-habeynada Maarkisiyada” ah taas oo horseeday qanacsanaanta bulshada afgaanistaan, sida barnaamijka dib u habeynta beeraha; se dib u habeynada kale ee la xiriira haweenka, qabiilada iyo arrimaha bulshada waxaa loo arkay in ay lidku yihiin Islaamka, caadooyinka iyo asal-raacii bulshada. Waxaana ka curtay saluug bulsho oo lagaga hortagey gacan bir ah. 18 bilood oo Taraqi xilka hayey waxaa xabsiga loo taxaabay 12,000 oo mucaarad ah!

Kaalintii kacdoonka hantiwadaagnimadu waxa uu tabaraystay muddadii Daauud iyo Taraqi, waxa ayna cadaadis saareen Islaamiyiinta, taas oosababtayin kumannaan u qaxaan dalka deriska la ah ee Pakistan. Kobtaasna ka bilaabeen inay is abaabulaan iyagoo taageero ka helaya Mareykanka, Sacuudi Carabiya iyo Shiinaha (oo xilligaa khilaaf kala dhaxeeyey midowga soofiyeet).

Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga dadweynaha Afgaanistaan ma ayna ahayn kuwo isku duuban, waxayna u kala dhantaalmeen labo garab oo kala ah “Khalq” iyo “Barsham”. Tartan adag ayaa ka dhex aloosnaa; bal e wuxuu loollan ka dhex jiray hoggaamiyayaasha hal garab.Taas oo horseeday in Xafidullah Amiin oo ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo hoggaamiyaha khalq, uu bishii Sebtember 1979-kii afgembiyo isla jeerkaana birta ka aslo Nuur Maxamed Taraqi.Xafidullah ma uu nagaan wax ka badan seddex bilood! 27-kii Diseembar 1979-kii Midowga Soofiyeet wuxuu si dhakhso leh u diray koox ciidan ah oo guluf ku qaaday qasriga “Dar Aman” ee Kabul, waxayna dileen Xafidullah Amiin, iyadoo lagu tuhmay in uu si xodxodasho ah Maraykanka kala xaajooday arrimo ku saabsan isku xidh ciidan [Afghanistan iyo USA]. Maalin kadib dilkii Amiin, Madaxweynaha Soofiyeeti Leonid Brezhnev waxa uu ku wargeliyey dhiggiisa Mareykanka Jimmy Carter in ciidamada soofiyeetku ay galeen Afghanistan si loo xaqiijiyo badqabka waddanka. Bilowgii 1980-kii Midowgii Soofiyeeti wuxuu magacaabay dowlad isaga u daacad ah oo uu hoggaaminayo Babrak Karmal.

Halkan kala deg: …

W/Q: Cabdikariin Ascad
W/T: Cabdiqaaddir M. Axmed “Alaale”Email: Cabdiqadiralaale@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “