Maddiideysiga Amran – Vol: 01 – Cad: 42aad

 608 View

Indheergarad – Diisembar 04, 2019 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 42aad

Keliya xiddigaha iyo dayaxa nuurkiisa ayaa ii muuqanayey, meeshu sibay xusuuso hore iigu lahayd, waxaan u malaynayaa in aan waqtiyadii qaxa marar ku negaannay ama degnay; xoogaa ayay dareenkii laabtayda ka hugmayey iga dejisay oo waan dhoolacadeynayey sabab la’aan.

Waxay ii ahayd fursaddii ugu dahabisanayd ee abid isoo marta! Maaddaama oo aan keligay dhex lugaynayey kaymo cidlo ah oo aanay jirin cid iigu hanjabaysa cuna-qabateyn iyo in cilaaj la igu xerayn doono. Kayntan dheer ee aan ku sugnaa xilligan waxaa ku yaallay god aad u dheer, beri hore waxaa degganaa waraabeyaal aad halis ah u ah, xoolahana naga cuni jirey oo habeenkii nasoo weerari jirey. Waxaan xasuustaa aabbahay oo habeenkii uu waraabaha jikada dhagaxa ka dhisan noogu soo galay uu xadhiga ku xidhay oo godka dheer uu ku gubay! Waan ka naxay runtii xilligaas, mar kalena waxaan ka naxay 25 sanno kaddib in aan rugtii uu degganaa ag marayo habeenkan sharaysan een marnaba la mahadin dadyowga socotada ah falalkooda!

Habeenkii dhalashadaydu wuxuu ahaa habeen xusuus ku reebay dadkii deegaanka, maaddama aan ahaa shan u yarta gabdhood, bil saddexna aan dhashay, lix faroodna aan lahaa, sidoo kale habeenkaas reer Haybe oo ah reerka hooyaday ka dhalatay labo nin ayaa laga diley; waa sababta markiiba Amran la iigu bixiyey. Waxaa la jeclaysanayey habeenkaas in aan saqiir xalaal ah noqdo, sababta oo ah qoyskaygu waxay kasii fekerayeen mustaqbal xumada aan yeelan karo iyo sharka la gudboonaan doona iyaga sannadaha ku soo fool leh.

Kolkii aan garaadsaday waxaannu degganeyn deegaan buuraley ah oo aad u cimilo qabow sidoo kalena dhir badan leh. Hooyaday ima ay jeclayn, carruurteeda gaar ayay iiga sooci jirtey oo mararka qaar aniga ayaa gaar wax la iigu ridi jirey. Maalin aniga, Basra iyo Geeddi oo walaalahay ah waxaannu ku ciyaaraynay dhagax ku yaalley meel buur ah, wuxuu ahaa dhagax qaab qurux badan u sameysan oo labo majlis leh, Geeddi ayaa su’aal i wayddiiyey wuxuu igu yidhi: ” Amraneey waan xanaaqaa marka carruuraha deriskeenna ahi ay kugu caayaan farta dheeraadka ah ee kugu taalla, islaamaha hooyo u yimaadda maalin walba waxay dhahaan illaahay belaayo ha idinka hayo gabadhan khayr kama soo muuqdo e, aniguna waan kaa weynahay oo waxaa in lagugu dheho ma rabo, farta ma kaa jaraa?!

Xoogaa sidii anoo qof dhakoolsan ah baan dhankiisa soo jalleecay, waxaana ku idhi; “Aniguba ma jecli se waa iska caadi oo hooyo ayaa ii sheegta inaan shan u yarta hablood ahay, taasina ma aha calaamad san ma aha waata la dheho.” Inta uu tegay geed ayuu markiiba ka dillaaciyey dubkii sare maydhax buu ka soo diiray adag oo hore ugu calashmi wayday, farta ayuu igaga xidhay oo igu jiiday, waan ooyey oo dhiig badan baa iga socday; iyada oo ay fartii iga laadlaado ayaan gurigii tagnay, waan miyir-beelay maadaama aan si xun u dhiig baxay. Dhakhtarkaa la ii qaaday isla muddadaasba oo aabbe ayaa gaadhi tuulada ka dalbay. 

Habeenkii walaalkay Geedi waa laga eryay guriga oo duurka ayuu u hoyday, kuma aan farxin runtii, sababta oo ah wuxuu isagu sameeyay wax aanu ku ballanay, marar baan is idhi ma sheegtaa in aad ku ballanteen sidaas, misana waxaan xasuustaa inuu igu yidhi cidna ha u sheegin. Waan ku faraxsanaa in la iga jaray fartii dheeraadka igu ahayd, marar badan gacmahayga ayaan fiirinayey oo rumeysan waayi jirey inaan basharka la mid ahay. Iminka uma arko wax weyn qofku inuu yeesho wax uu khalqiga kale kaga duwan yahay; se waagaas musiibo reerkayaga ku habsatay baan isu aqaannay!

Muddo kaddib waxaa dalka soo wajahday xaalad adag, dagaallo ayaa soconayey, dadka waa la leynayey, raggii oo dhan duurka ayay galeen, maalin kasta qof deriskayaga ahaa ama aan garanayo baa la dili jirey, geelayagii badnaa habeen cad annaga oo daawadeyaal ka ah baa la dareersaday! Xusuustii ugu qadhaadheyd ee qofkan adag ee ma naxaanka ah iga dhigtay waxa ay ahayd mid xanuun badan oo naxaristii iga rartay, aniga iyo walaalkay Geeddi oo sabarka guriga ku soo jeeda dhaan soo wadna ayaan aragnay siigada cas ee agtayada ka budh leh.

Walaalkay markiiba wuu dareemay inay yihiin kooxihii hubeysnaa ee dagaallamayey, deedna carar baan baan ku idhi se wuu iga diidey isaga oo aniga iga werweraya, niman wejiyo ad-adag leh ayaa nasoo hor istaagay, labo qori oo caaro dhuuban leh buu dhankayaga ku soo fiiqay, mid ka mida ayaa yidhi; “war ninka dil maannu ahayn ninka aabbihii jabhadka yahay ee ina Cabdikariin!” Isla markiiba shan xabbadood oo si raac ah ayaa lagu tiriyey, dhiiggiisii ayaa igu soo duulay oo maryahaygii iyo wejigaygii sida biyo dhagax lagu tuuray iigu duulduulay..! 

Sidii qof neeftii ugu dambeysay neefsanaya oo kale ayaan noqday, daqiiqado kaddibna dareenkii naxariista ayaa iga dul guuray, bini’aadantinnimadii ayaan illaaway, aabbahay baan canaantay oo caayey, in isagu waxaas oo dhan innoogu wacnaa baan maydkii walaalkay ahaa u sheegayey!

Markii aan weynaaday, aabbe ayaa geeriyooday, dagaalladii kaddib geeridii aabbahay wax kasta way is beddeleen ma aannu heli karayn cid na daryeesha aniga iyo walaalahay, hooyana keli bay nagu ahayd; dhaqaale fiican ma aannu haysan, adeero oo berigaa qurbaha jirey ayaa magaalada Ceerigaabo noo soo raray dhammaantayo, guri yar oo aad u kooban baan soo degnay, xaafad-soomaal baa xaafaddaa aan degnay la dhihi jirey; farxad iyo raynrayn baanu ku qaabilnay jewigii cusbaa ee waqtigaa noo bilaabmay.

Magaaladu way wada dunsaneyd guryo aad qaddiimi u ah oo diiftii dagaalku ka muuqato ayaa ku yaalley, xusuus carruurnimo ayaan ku galay goobaha qaar, Center-kii Kulmiye een tegi jirney berigii aannu dagaalku dhicin ka hor ayaan indho debecsan ku fiirinayey, waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada ayaan dhex qaaday si baraad li’i ah. Hadba goob baan arkaa aan sii arkay muddadii aan magaalada joogay, taas oo qurux badneyd imminkana burbursan. Waxaan marayey barxaddii weyneyd ee loo yaqaannay (HANUUNINTA) xilligii dawladii Maxamed Siyaad Barre, Centre-kii Daallo oo xero ciidan loo dhalan rogay baan soo hormaray, cabbaar baan hor istaagnaa in kasta oo aanan akhrin kari jirin waxa ku xardhanaa giddaarada.

Muddo kaddib waxaan waxbarasho ka galay goob dadka waaweyn wax lagu bari jirey oo Clup (Naadi) ahayd, magac af-qalaad ah bay lahayd oo aanan xasuusan; Inkasta oo aan qof weyn ahaa, misana sannad markii aan dhigtay goobtaas ayaa dugsiga la iga wareejiyey, fasalka shanaad ayaan hore kala qabsaday ee dugsiga Waraaqoole, farxad badan ayaan ku dareemay in aan qof wax bartay noqday. 

Ilyaas isku fasal ayaannu ahayn, isku kursina waannu ahayn marka fasalka la joogo, casharrada ayuu si fiican ayuu ii fahansiin jirey, maaddaama uu fahankaygu liitay. Iintaas waxaan u aaneynayaa in naxdintii walaalkay ay igu sababtay, waayo yaraantaydii wax kasta waan garan jirey! Ilyaas wuxuu kasoo jeeday reer danyar ah oo xaafadda shacabka deggan, rajay buu ahaa hooyadiis at yaraantiisii dhimatay, da’ ahaan waannu isku dhoweyn, se wuxuu ahaa qof jimidh yar oo aad u dhuudhuuban.

Aniga iyo Ilyaas muddo badan wax aan kala warwareegnoba in aannu is jecelnahay ayaanu isu sheegnay, maalmo aan noloshayda farxad dareemay ayaa ii bilaabmay oo aad u cuddoon, Geed miraamiri ah ayaannu fadhiisan jirney kolka aan dugsiga ka soo rawaxno, ama marka ayeeyo Canab wax la iiga diri doono ayaan subaxii sii ballami jirney, jirdiin yar oo burbursan ayaan fadhiisan jirney oo ku haasaawi jirney.

Maalmihii danbe hooyaday ayaa ogaatay sheekadayada, aad ayay uga xumaatay, markiiba waxay soo ogaatay in uu Maalik yahay dadka la yaso ee isirkooda la quudhsado! Cay iyo nacdiir bay iga buuxisay, qofnnimadayda ayay inkirtay oo inaan awalba ahaa qof jiritaankiisu aannu micno samayneyn bay ii sheegtay, iskuulkii way iga saartay oo xannibaad hor leh bay igu soo rogtay iyo ilaalo xooggan. Farsamo kale ayaan galnay maalmo kadibbna waxaan ku ballanay Ilyaas inaan taarka iska soo wacno. Taarka Ilma Soore oo xilligaa noo dhowaa ayaan tegi jirey, isaguna kii Cali Cige ee xagga sare ku yaalley buu igala soo hadli jirey.

Toddobaad kaddib waxaan noqday maxbuusad guriga ka xabbisan, Ilyaasna wax war ah iskama aanan helin, Maxamuud ayaa la ii sheegay inuu noqon doono ninkayga mustaqbalka. Dhimasho in aan ka xigo ayaan u sheegay reerkayaga oo dhan, se cidna dheg iima jalaqsiin, waxaan hubay oo keliya inaanan marnaba yeelayn Ilyaas nin aan ahayn in aan xaaskiisa noqdo. Habeenkii ugu danbeeyay ee Ilyaas noloshayda ka baxay way adagtahay ilaa iminka in aan aqbalo, waa habeenkii la iga dhigay qof aan rabitaankiisa ku shaqeyn ee Maxamuud la ii maddiideeyay! Sixirkii Maxamuud igu taabtay muddo 16 sanno ka hor ah wuxuu iga dhigay raaliyo ku qanacsan ninkeeda iyo qoyskan cusub, Ilyaasna nolosheeda oo dhan hal maalin ka tirtirtay!

Imminka waxaan ahay hooyo la nool xanuun nafsiyan ah, carruurteedii laga qaaday, ninkeedii furay jacaylkeediina la seejiyay, ma garanayo meel uu Ilyaas dunida kaga sugan yahay, geeri iyo nolol, farxad iyo murugo mid uu ku danbeeyay; wuxuu u malaynayaa in aan anigu khiyaamay oo Maxamuud dookhayga iyo rabitaankayga ku guursaday, ama ixtiraam aan reerkayaga ixtiraamayo, se hadii uu ogaan lahaa labadaas midna inaanay ahayn inaannu iga dheeraadeen marnaba baan hubaa.

Jacaylkiisa ayaan la noolahay, xusuuso iyo waqtiyo qurxoon oo aan soo wada qaadannay baan niyadda ku dejistaa oo rejooyin ku dhistaa. Dadkayga oo dhan waxay iga aaminsan yihiin in aan waalanahay, waa sababta ay maalinba cilaaj iigu xereeyaan, oo hadba qol iigu cabudhiyaan; habeenkaa madow in aan cidladaa dad iyo bahalba leh soo jibaaxo waxay iga ahayd in aan xorriyad mar uun helo qisadaydana qof iga dhegaysanaya uga warramo.

Anigu . . .  anigu waxaan ahay Amran Ibtileysan . . . !!!

W/Q: Khadiija Maxamed Jaamac “Eeshiya”

Email: Luzaa3232@gmail.com