Laxaw Baa I Mayracay!! – Vol: 01 – Cad: 43aad

 789 View

Indheergarad – Diisembar 08, 2019 – Koobin – Vol: 01 – Cadadka: 43aad

Sariirta ayaan madaxa gadaal ugu tiiriyay, dabadeedna labadayda gacmoodna bogayga ku salaaxay oo indhaha dhowr jeer safiitada ku fiiqay, cabbaar kadibna indhaha isku qabsaday. Shanqarta roobka ayaan maqlay, ka dibna hal mar baan si feejigan indhaha u kala qaaday oo kor u soo yara kacay. Sariirta ayaan caadi ugu fariisatay, lugahana dhulka ayaan ku sii daayay. Waa sariir gaaban marka joogayga loo eego oo lugahaygu dhulka si dhammaystiran bay u gaarayaan. Gidaarka ayaan feeraha ku tiiriyay oo qoorta kor u taagay. Inaan daallanahay baa la moodaa, se si wacan uma sheegi karo! Shanqarta roobka ayaa sii xoogaystay, markii horena kedis igu ma ahayn oo illaa dorraad cirku sidaas ayuu u gibil xirnaa oo guulaamooyin culus baa samada gurguuranayey, haddana ka ba sii daran oo fad cusub ayuu soo kiciyey.

Cabbaar markii la joogayna dhibicda roobka ayaa jiingada kaga shanqarisay. Aniga waa ii fursad oo ilaa dorraad guriga kama bixin, marka horena guriga kama bixi jirin oo dhaqankayga ayaa sidaas ahaa. Dirac keli ah baan wataa. Qolkana keligay baa jooga. Waa dirac cusub oo i xadantaynaya balse aniga neecowda daaqadda ka soo gelaysa ayaa wax kasta iga la macaan. Timaha ayaan xarigga ka furay oo sii daayay. Ma badna oo labada kalxamood ayay si qaab daran ugu joogaan. Waa jilicsanaan xiga oo  aan habeeyay, laakiinse waa timo mar kasta huursan oo masar lagu adkeeyay. Sida islaan raqayo ah ayay u daadanayaan haddaan la ilaalin, haddii aan saliid lagu duugin oo guudka loo taagin mar kasta. Cabbaar ka hor ayaan daaradda hore fariistay aniga oo dirac keli ah xiran. Inaan qaawanahay bay hooyaday ii sheegtay, balse anigu ma dareemin. 

Neecowda ayaa laabtayda xulaysa oo bogayga xadantaynaysa, sidii in caleemo qoyan oo qaboobi ay laabtayda salsalaaxayaan. Hooyaday ayaa mar kale ila hadashay, markan ila ma ay hadal oo keli ah ee waa ay i canaanatay. Midabka diraca aan wato waa boore khafiif ah oo dhibcaha roobka ee i taabanaya aan laga dareemayn. Sariirta aniga oo saaran ayaan mutulleelka cagaha ku salaaxayaa. Waa qabow isaga laftigiisa, qabow caadi ah ma aha ee waa dirriimaad. Derbiga ayaan ka soo soo kacay oo qummaati u soo fariisatay aniga oo labada gacmood cuskanaya. Qolka keligay ayaa deggan beryahan. Keligay iyo buugaagtayda, waa qol isku daadsan oo shay walba oo meel si foolxun ugu fooro.

Daah khafiif ah ayaa daaqadda ku xiran, mid kale oo isaguna khafiif ah baa albaabka ku xiran, qolka inta waa uu qaawan yahay. Rinji dambari ah marsan. Derbiga igu beegan isaga waxbana kuma ay tiirsan, daahna kama soo laadlaado. Marba indhahayga ayaa ka soo go’aya, dabadeedna sawirro maskaxdayda ku duugan baa lagu daabacaya. Markaas ayaan aniga oo welwelaya indhaha ka jeediyaa. Sababta oo ah rinjiga dambariga ah ee marsan baa iiga dhigan loox loo taagay si wax loogu sawiro. Albaabka dhinaciisa waxa yaalla miis ballaaran oo buuggaag kala daadsan ay saaran yihiin, waxa kale oo saaran qalin suuniyeed, barfuum yar oo biyihiisu ay buluug khafiifa yihiin, libistiik iyo dhowr wax oo kale. 

Dhammaantood waan arkaa, laakiinse ma xusuusto goorta aan soo saaray iyaga oo sidaas u kala daadsan. Buug baa dhexda u yaal oo in qof akhrinayey oo ku ilaaway baa la moodaa. Miiska hoostiisa sidoo kale waxaa yaalla khaanad yar oo aan kabaha ku ritio, waa ay habaysan tahay oo waxba kama daadsana iyada. Balse armaajada dhinaca ku haysa miiska ayaa u daran. Labada dacalba waa la ballaqay oo waxaa la moodaa in ay rooxaan ka adeegatay. Wax kale ma aha ee weli waa ay soo ruxamayaan oo u shanqarayaan oo cod dinniiq ay ayaa ka baxaya, boorso oo aan leeyahay baa afka kala soo jeeda oo dharka ku jira qaarna dhulka yaallaan qaar kalena ka laadlaadaan, sidii carrabka lo’da oo kale, masar aan leeyahay baa ka soo jeeda, dirac iyo googarad ayaa iyaguna dhinaca kale ka muuqda.

Wax kasta waa ay isku daadsan yihiin. Balse aniga wax culays ah iguma hayaan. Kor baan u kacay, si yar oo fudud baa tallaabada u cutiyay aniga oo ka cabsanaya inaan kufo ama aan sibiibixdo. Aayar oo dhalatay ayaan daaqadda gacanta ula helay oo qummaati u istaagay. Diraca ayaan tafta hayay markii hore isagiina waan sii daayay. Gacanta ayaan iskaga duway daaha, dabadeedna neecowda si toos ah isugu dhigay. Way guuxaysaa, sida shinni guuraysa, weliba marka ay laabtayda ku dhacdo ayay guux kale sii samaynasaa, aniga ayay hoos ii sii xushay laydhaas macaani, tin iyi cirib baan qaboobay oo haddana darbad kulul oo cidlo ah dareemay. Sida qof gubanaya oo kale baan ololay oo jirka is geliyay. Dabadeedna ilkaha isku garaacay sida qof qarqaraya oo kale. Meel aan la garanayn baa i belbeshay, laakiin se waxa aan furi kari waayay hal xiraalihii ahaa  “Qof kasta meeshii belelaysa isagaa yaqaan”.

Markaas ayaan googorada hoos u rogay oo neef yar oo kulul laabtayda sii martay. Cabbaar ayaan daaqadda taaganahay, si toos uma sheegi karo, neecowda sanka i rooraysan isma ay beddelin, balse waxaan dareemay inaan cabbaar taagnaa. Lugaha ayaa i kaaray, weliba lowga bidix. Dhowr jeer oo hore ayuu sidaas oo kale ii kaaray. Markaas ayaan dareemay inaan in badan taaganahay, markan ima uu kaarin oo keli ah, waa uu dhawaaqay sida oday duq ah oo nabar xun oo madaxa ka barkaday. Dhawaaq yar oo aad mooddo in abataqa salkeed ka imanayo ayaa ka baxay. Kolkaas ayaa lugta debciyay oo qummaati u istaagay. Inaan dhaqaaqo oo aan sariirtayda ku noqdo iyo in aan dibedda u baxo baan ka fekeray, laakiinse waa caadi. Waaba aan ka fekeray.

Dabadeed muusig qaaci ah ayaa meel shishe ka yeeray. Waa sida dhawaqa fiinta oo kale. Maxaan tolow sidaas ugu maleeyay? Ma rabo in uu quus ama dawanka murugada oo kale ila ahaado. Muusigii wuu soo dhawaaday. Hadda ayaan gartay, meel shishe kama imanayo ee aqalka deriska ah ee daaqadda aan taaganahay ay ku beegan tahay ayuu ka baxaya. Waxaan moodayay inuu meel sishe ka baxayo, laakiinse codkiisa ayaa gaabnaa. Qofkii dhageysanaya ayaa qol ku jiray balse hadda daarada u soo baxay, sidaas ayuu muusiggii u soo dhaawaday. Waa hees qaaci ah, codka ayaan ku yar margaday. Balse isagiina gartay. Waa Khadra…Khadra-Dhool. Heesta ayaan doonayaa inaan bal la qabsado, xusuustayda ayaan baaray heestiina weli waa ay baxaysaa, wiil baa la qaadaya daaradda dhex taagan. Mar ayuu codkiisu muusigga iyo codka fanaannada labada ba ka sareynayaa, dabadeedna inta aan hoos u qoslo ayaan xusuustayda sii baaraa. Ereyada ayaad hadda mooddaa inay dhuuntayda ka soo fulayaan, sida hormada oo kale. Dabadeedna cod saafi ah baan kula jiibiyay: 

“Badwayn kaala tallaabinee 

Buur dheer kaa korinee..

Ama bureeqadii

Beri nebigu fuulaan

Bal i sii qaad oran…” Codkayga ayaa wax kasta ka sareeyay, dabadeedna waxaan is arkay anigoo cabbaar heesta ku celcelinaya, balse muusiggiina waa la jaray codkiina wuu istaagay oo demay. Malaha aniga ayaa uu i dhageysanayay qofku. Waan u maleeyay! Cabbaar kadib ayaan qosol yar oo khafiif ah maqlay. Runtii raalli baan ka ahay codkaas, weliba sida uu u qoslay baa i taabatay. Laabtayda meel ka mid ah baa i danqatay. Sida nabar iyo qoon mar hore i gaadhay baan aamusay, oo u fiirsaday sida aan u damqanayo. Qofku marka uu nabarku gaaro waxa uu in badan isku dayaa inuu fahmo sida uu nabarka u dareemayo. Aniguna markan ayaan dareemay, laakiin se dareen keli ah kuma harin ee inaan fahmo sababta aan u danqaday baan doonay. Laakiinse waxba kam aan dheefin ee cabbaar ayaan naftayda waydiimo aan la maqlayn ku mudmuday. Heesta ereyadooda aniga ilama xiriiraan, laakiin se sixirka ayaa i gaaray. Laxanka heesta ayaa i qaaday, hadduu doono bad lwayn cidla ah buu gunta ii dhigay. Tolow ma i yiri ka dabaalo? Hir baa ila magoolay, Ilaah baa og. Se xaaxiga badda ayaan aniga oo naf la caari ah imi. Waa aniga isla markaas ba ka fekeraya ujeedka. Laakiinse sixirka fanka u daa. 

Muusigii ayaa sidaas ku go’ay, isaga oo keli ma go’in ee neecowdii ayaa iyaduna isu beddeshay dhaxan, roobkii ayaa haddana mar kale soo rogaal celiyay oo dhibcihiisu wax kasta ka shanqar bateen, sidii in uu cartamayo. Aniguna diracaygii khafiifka ahaa baan ku dhex jiraa, waxaas oo dhanna danba kama lihi. Codkii aan daaradda guriga deriska ka dhex maqlay baan doonayaa inaan mar kale maqlo. Wiilkii aan codkiis maqlay. Waxa uu iiga dhignaa sida baaqa ruuxda. Ma maqashay weli. Waa wax buuggaagta aan ku aragno, laakiinse ma hubo. Mar baan filim ku arkay, xitaa filinkuu ma xusuusto.

Laakiinse waxay ahayd weedh sidaas u dhigan –Nidaa’u ruux. Waa erey sidaas u dhigan, laakiin se malaha waa garab-daar. Haa sidaas baan u maleeyay, haddana ujeeddada ma aanan fahmin ee waa aan dareemay. Sow labadaasina ma kala duwana? Haa.. Daaqaddii ayaan ka soo dhaqaaqay oo dhanka albaabka u soo yara dhaqaaqay. Daaradda hooyaday iyo inan walaashay ah baa ka hadlaya. Wax bay jikada ku karinayeen, balse daaradda ayay hadda dhar xarigga ku warnaa ka gurayaan si aanu roobku u helin. Jikada ayaa waxaa ka soo baxaysa caraf aad udgoon, waa cunto aan jeclahay. Waa baasto Makarooni isku karis ah oo khudrad lagu sameey, dabadeedna inta ay jilicday is jiidnaysa, suugadeedi waa ay liqday, laakiinse dheecaanka ay ku karayso caraftiisa ayaa halkaas iga soo gaaraysa. 

Dibadda ayaan u soo baxay, aniga oo diraca tafta soo qabsaday. Bowdyahayga toos baa loo arkaa, qaarka sarena timahayga bista ah baa ku jooga labada kaxamood, oo iyaguna u muuqda labo qori oo fiiqfiiqan, caato awgeed. Shafkana horaadada ayaa ku taagan, yaanan sidaas oran ee labadayda naas oo ibtooda taagan baa diraca ay ku mudan yihiin iftiimiya, ma ileys baa….?  Qolka ayaan soo baxay, laakiin se inta aan jikada gaarin aniga oo daarada soo taxaashaya ayaan qaylada ku war helay. Weli jikada ma soo gaarin, illaa aan codka hooyo maqlay,  kor ayay iigu qaylisay sida in cirka la igaga yimi. “Naa sii daa marada lagu awd aanay ahayne..” Aniga oo sida raq dhimatay dhool keli ah muujiyay baan sii daayay. Inaan dhoollacadaynayo baan u haystaa, laakiinse sidaa baan ahaa. Jikada inta aan u dhaafay oo cuntada soo dhadhamiyay ayaan barandeda ku yara hakaday. Walaashay oo barendada fadhida oo teleefon gacanteeda ku haysa ayaa ii dhoollacadaysay sidii qof ay niyadda u dhisayso, dabadeedna guriga ayaan ku soo wareegay sida malaggii wedka oo kale, si uu ruux kasta meel ugu hubsado. Walaashayda kale ayaa iyadu weli daaradda hagaajinaysaa, oo dhinaca shishe ee ganjeelka xigta ayay masaxaysaa, ayeyday baa iyaduna qolkeeda ku wardinaysa, guriga intiis kalena waa cidla. Intaas ka dib meel kale oo aan u irkado ma ay jirin.

Cirkii daruurtu ku xidhnayd ayaa wax ugu darsamay habeen gudcur ah. Wax kastana sida habeenka ayay u moodaabaadeen, ama wax ba lama arkayn. Meel kale oo aan inaan aado jeclahayna ma jirto. Jaamacad ayaa ugu daran, aad baan u karhaday. Waa jaxiima oo kale. Jaxiima ayaa malaha daran, iyada jirka ayaa la iska cadaabayaa ee tan maskaxda ayaa naxaas la iskaga shubayaa. Waa lagu gu ciyaarayaa, waxaa laguula dhaqamayaa sida caaga balaastiiga oo kale, walax hadday duugoowdo la tuurayo. Waa ba dhibaatada ay ka dhasheen ururada Hantiwadaagu, laakiinse waxaas oo dhan dan kama aan lahayn.

Mana aha meel aan ku nefiso. Kulliyad baas oo Kulliyadda Quudinta la yiraahdo baan dhigtaa. Magaceed ayaaba laga garanayaa macluusha daran ee haysta ruuxdeeda. Anigunu aad baan u nacay, iyada oo keli ma aha, ee wax walna waan nacay. Waxaan nacay suuqa, magaalda iyo wax walba oo maalinkayga la xiriira. Haddaan baxo waa inaan is aruuriyaa oo dhar cufan isku tigtigaa. Haddii aan aadayo waa in aan xaddidaa socodkayga, waa inaan ka baqaa tuugo. Inaan baqo oo keli ma aha, waa in aan ka fekeraa dhibaatada aan kala kulmayo. Mar kasta waa inaad sida ahaataa. Laakiinse waxa ugu daran marka jidka laguu galo ee lagu khashkhashaado. Taasi waa sahal ee waxaa u daran marka baridaada si xoog ah loo cantuugo oo naaskaaga khasab lagu taabto. Intani waa sahal, laakiinse marka teleefankaaga lagaa qaado oo baridaada iyo shafkaagana xoog lagu maamusho. Intanina waa ay ka sii xag jiraan. 

Laakiinse aniga xaaladahan oo kale waxaan u arkayay dhibaatooyin mar kasta dhaca. Balse waxaan aad u damqaday marka aan dadka iska dhex waayay. Marka aan u ekaaday qalfoof maran oo ruuxdeedu ay baylah noqotay. Waayo xiriir kasta oo aan sameeyo waxa uu ku danbeeyaa fashil. Mar aan laba iyo kow ahayn baa ka fekeray arintaas, se inaan is dhaafiyo oo aanan ka fekerin baan dan mooday. Inta aan dhibicdu roobku dhulka maanshayn ee dorraad aan cirku dhammaantii u ekaan kabbo dhiig ah, daruuraha quusta ah ee buuxiyayna aanay soo curan ayaan wiilkii aan wada soconnay ereyo qallafsan oo aan labadayuba ka caroonay is wadaarsannay, anigu dhowr habeen ma seexan oo hurdaba waa laga dheereeyay dhabankayga. Markii aan seexan waayay ayaan buuggtayda gacanta dhex mariyay oo gacantaydu haleeshay buug jeldigiisa ay gacantu ku raaxaysatay, isla markiiba waan dareemay in buuggu cusub yahay oo aan horey u akhriyin. Waxbaa qub i yiri sida koob dhoobo ah oo jabay. Bash! Dabadeedna waxaan akhriyay ciwaanka buugga “Lulo” Weli ereygaa ma rumaysan markaas, se buugga waan ka helayba ciwaankiisa. 

Meesha uu buuggu iga soo galay baan is waydiiyay, dabadeedna waxaan xusuustay inaan suuqa ka soo iibasaday. Si kedis ah baan u soo iibsaday oo qiimo jaban baan ku helay. Inta aanan iibsanna waxaan maalin ka hor akhriyay maqaal lagaga sheekaynayo sheekooyinka uu qoray qalqaaliga reer Jabbaan ee Haruki. Dabadeedna sidaan maalinkaa u soo iibsaday gadaal uma kala furin ee sidaas buu khaanadda igaga dhuuntay. Habeenkaa ayaan buuggaas ku dhafray, oo habeen madow oo foolxun isku dhaafiyay. Waan xusuustaa sida uu dareenkaygyu isu beddelay markii aan dareemay in sheekaduba ay ka hadlaso inan aniga oo kale ah oo laba toddobaad dhabanka aan dhigin, aniga habeenkaasi waa ii saddex laakiin se inanta ay sheekadu ka hadlaysaa laba isbuuc wax baa u dheer habeenkaas. Dabadeedna hal mar baan indhaha isku qabsaday argagaxii aan buugga ka qaaday hurdo nacas ah oo iga maqnayd baa i hoos timi oo aan uga fakaday dhafarkii…. Aroortiina xilli hore ayaan kacay oo aniga oo caraysan baan sariirta iska soo qaaday.

Dabadeedna jaamacadda ayaa sidaas ugu kallahay. Kadinka hore ee jaamacadda ayuu taagnaa Axmed, markii uu i arkay inaan soo socodo ayuu dhinac uga bayray albaabka. Waan yara jawaafsanaa oo wax aanan garanayn baa iga qaldanaa. Laakiin se markaan arkay baan is beddelay. Muuqayga markuu arkay ayay dhoollacadayntii ka muuqatay qarsoontay, indhaha ayuu galka ka saaray oo si feejigan ayuu hoos iyo kor iigu eegay. Isla markaas baan damqaday, oo aniga qudhaydu isla yaabay. Dabadeedna hoos isu eegay. Axmed sannadkii koowaad ee jaamacadda baan is baranay, se mar kasta waa ii Axmed cusub. Kama daalo, waa qof xaruuri ah oo laab furan  oo dhib yar. Ma yaqaanno suuraha beenta iyo sasabada. Mar kasta oo aan is aragno wuu ii qoslayaa. Sida aan u welwel badanahay uma calool xuma.

Aroortaasna sida muuqaygygu u xumaaday ayuu ka naxay. Dhafoorkayga waxaad moodaysay inuu duuduubmay sida waayeelka, indhahayguna gorof bay u ekaadeen oo aniga qudhaydu waan dareensanaaa, jidhkayguna si caag milicda cadcadeedu jilcisay oo kale buu noqday. Waan soo dhawaaday. Kadib ayaan is bariidinnay. Codkaygu saafi buu ahaa sida dhulku aroortaa ahaa. Waan soo yara dhaqaaqnay, dabadeedna meel dhexe oo jaamacada ka durugsan baan is taagnay. Intii hore mid kasta wuu aamusnaa, tallaabada aan qaadayo bes baan u jeeday, axmed qudhiisu sidaas oo kale buu ahaa. Aniga oo aan filayn baan se mar dhexe maqlay, isaga oo cod murugaysan igu la hadlaya:

-“Maxaa kugu dhacay Ifraaxeey, gacaliso?” Ka dib ayuu toos ii soo eegay, oo isku dayay inuu indhahayga toos u eego, laakiinse anigaa ku eegay indho nuxuus ah, balse aanan sidaas u kasin. 

-“Waxba iguma dhicin.. Laakiinse inaga ayaan is arag..”

-“Haa, sidaas ayaan u jeeday. Saddex maalmood isma aynaan arag. is ma aynaan arag oo keli ah, balse xitaa isma aynaan maqal. Dhowr jeer baan ku soo wacay, iima aad jawaabin. May, warcelin kaama aan helin. Ma ogayn wax ku haleelay, laakiinse.. Waxaa aan jeclaa…” 

Hadalka ayuu ku margaday oo inta oo aamusay ayuu i soo eegay oo sii jeestay. Anigu hal mar baan is beddelay oo caro aanan garanayn meel ay ka timi igu soo degtay. 

-“Jooji..Jooji.. Ma waxaad rabtaa inaad i xisaabiso… Ii sheeg, sow sidaas ma rabtid. Haddaba ma aqaan waxa aad sheegayso oo dhan mid kama aanan fahmin..” 

-“Waad i fahantay, laakiin se waad is dhega-maraysaa..” 

-“Haa.. Taasi anigay ii taal..” Ayaan ku iri, aniga oo aad u xanaaqsan, balse is dhowraya. Weli xitaa wax baan dhowrayay. Markaas ayaa aniga oo xanaaqsan tallaabada hoosta ka xaday oo mid ba wado kale qaaday. Maalinkaa ka dib waxaan isu arkayay qof faashil oo xiriirkii keliya ee uu lahaa isugu gacantiisa ku qisaasay. Laakiinse galabta ayaan mar kale dareenku dib iigu gaagaxay, oo aan is arkay aniga oo aan ka qoommameeyay. Waa sababta aan isugu hiifay in aanan lahayn meel kale oo aan u irkado. 

Qolkaygii ayaan soo galay. Balse markan miiska ayaan ku leexday oo eegay buugga saaran. Waa sheekadii Fahrenheit ee uu qoray Ray Bradbury. Bogga u danbeeya ayaa u laaban. Hal mar ayaan indhaha ku dhuftay weedhii quruxda badnayd ee uu Ray  sheekadiisa ku dhammeeyay. ” Geed baa nolosha uga baxay webiga dhiniciisa. Miraha ka baxay ayaa bil kasta laga quudin jirey. Caleentana waxa lagu dhayi jirey dhaawacyadii soo gaaray dalka… Dabadeed Moontaaj ayaa isaga oo hadlaya yiri: Waa tan sheekada aan werin doono duhurkii.. Marka aan magaalada gaarno..” Kadib inta aan si xoog leh u neefsaday ayaan taleefonkayga oo buugga ka hooseeyay soo qabtay. Dabadeed hal mar baan si kedis ugu arkay fariin uu ii soo diray Axmed, runtii sida aan aniguba uga xumaaday wixii maalinkaa na dhex maray buu isna uga xumaaday. Farriin dheer baa ay ahayd. Waan la yaabay inuu isaga soo qoray fariinta sidaas u dheer, waayo sidii horeba ma ahayn nin hadal badan oo farriimo intaas le’eg soo qora. Waan sii fiiriyay aniga oo aad u qabow, oo hal mar sida inay hooto laabta igaga mudan tahay gadaal ugu dhacay sariirta. 

Laabta ayaan gacmaha ku hubsaday aniga oo weli ku maqan fariinta. “Wax kasta khayr bay noqonayaan gacaliso. Waan hubaa, taasi waa ay dhacaysaa. Balse mid ii samee qaali; caawa aan ku kulano makhaayadda Aaran. Qaybta sare ayaan ku caweynaynaa. Halkaas ayaan wada fariisanaynaa, oo neecowda udgoon…...” Hal mar baan is taagay oo siduu i faray duuduub u qaatay. Xitaa ma aanan dhammayn, oo waxaan is arakayaa aniga oo armaajada ku taagan oo cabnaayad madow la soo baxay. Diricii aan maanta oo dhan xirnaa baan dhulka iska dhigay. Dabadeedna khamaar yar oo khafiifa baan qoorta ku duubtay, kabo deggan oo aanay ciribtoodu fiiqnayn baan xirtay. Muraayadda ayaan isku eegay cabbaar.

Markii aan wax yar is eegayeyba waxaan ka naxay sida aan u dhuubtay. Sida ay misigtaydu u shubantay, oo jirkaygu hoos uga baxay, caato wayd ah inaan noqdo wax yar baan u jirsaday. Boggaygii laalnaa baa sii dhegay. Dhabankayguna wuxuu ku sigtay inuu lafaha soo taagtaagan isu beddelo. Madaxa ayaan sidaas khamaarka dhinac uga yara fayday, oo tinta qaar dhafoorka ku sii daayay. Dabadeedna daaradda ayaan u soo baxay. Labada dhinac baan eegay, cidi ma ay joogin marka laga reebo hooyada oo aan codkeeda maqlayo. Wax yar kadibna ganjeelka ayaan ka baxay. Aayar baan albaabka u furay si aan cidna u maqal. Keligay baa sidaas ku aaday Axmed. Wax kasta waan ka fekeray, xitaa inaan sidaas qaabka daran u fekero ayaan la yaabanaa, oo wax kasta waxa ay iila muuqdeen dheeldheel. 

Aaran baan soo gaaray dhowr iyo toban daqiiqo kadib. Daqiiqadahaas aan soo socday waxa iiga dhignaayaan saacad gow ah oo guurguuranayay. Waayo waxaan doonayay inaan sida leeb la ganay oo kale u lalo. Cirka miyaa la iiga waxyooday, mise waxaa i gaaray baaqii ruuxda ee galabta aan ka fekerayay? Ma aqaan! Waxaan se xusuusnahay inaan hal mar is beddelay. Ereyada uu axmed ii soo qoray ayaa i damqay oo i ilowsiiyay wax kasta. Wax kasta oo aan maskaxdayda u celicelin jjray si ay u rogrogto dabadeedna laba mid ay isugu bayraan, inay sidaas ku burburaan iyo in sidaas ku negaadaan. Labadaas midna inuu xiriirku ahaado ma rabin. Xitaa ma rabo inuu noqdo gole lagu doodo. Waa in aan baaqa ruuxda dhegta u raariciyaa. Haddii ay arrintu ahayd daruuraha dushoodaa durbaan la iiga tumay,  aniga qalbiga dacalkiisa dayr layga waabay. Ruuxdayda oo dhan baa halgankaas u jeeniqaaratay, anigu aqbal baan ku waajahay oo waxba kama qabo. Sidaas ayaan Axmed u door biday. Sidaas ayaan xiriirkayga uga dheereeyay wax kasta oo ka dhigi gole lagu doodo ama goob dagaal oo dibinta la isu ruugayo. Wax kasta si yar oo fudud bay u bilowdeen, si yar oo fudud oo deggan ayayna is kaga socdaan. Gefkii toddobaadkii hore dhacayna caawa ayaan ka xaalaynaa, ujeedku waa in nacabka aannan u jabin oo labadayaduba iskaashano.

Sidaas ayaan u fekerayay. Waxaad mooddaa inaan maskaxdayda adeegsanayo oo dareenku aanu iga awood badnayn. Taasi waa been. Aniga oo jaraynaya ayaan jaranjarada soo koray. Qaybta sare ayaan ku ballanay. Haa, ballanka ayaa sidaas ahaa. Jaranjaro yar oo ciriir ah weeye, ballac ahaan aniga wax yar bayba iga ballaaran tahay, dhererkana waa illaa afar mitir oo si u yuuban oo kulul. Balse si kasta waan yeelay oo inaan nabad qab xagga sare ku gaaro baan ku tashaday. Birta ayaan sii xejistay aniga oo soconaya. Weli waan gariirayaa, oo xagga sare ayaan gaaray anigoo sidii u gariiraya. Neef kulul baa iga soo booday hal mar. Waan neef tuuray dhowr jeer oo kale, sida aan ka soo baxay god madow oo kulul oo cabbur ah, dabadeedna aan nuurkii dunida u soo baxay. Dhinacyada ayaan eegay. Waa jewi deggan, oo neecowdii baa ka soo dhabanaysa dhanka buurta. Nalal yar oo khafiif ah baa iftiinaya, cod hoose oo gurxamayanaya waan maqlayaa. Nin baa meel igu beegan sharaab ku cabaya. Inuu qare cabbayo baan moodayaa, oo koobka uu haysto waxa ku jiro cabitaan midabkaas leh.

Waa nin buuran oo feero waawayn. Wuu i soo eegay, dabadeedna si aan niyad lahayn buu isaga sii jeestay. Tallaabada ayaan horey u soo yara qaaday, wiil shaqaalaha ka mid ahaa baa ila hadlay. “Haa, soo gudub walaal. Waa halkaas yar. Haa horey u gudub..” Baan maqlay isaga oo i leh. Durba waan fahmay inuu Axmed u sheegay. Dabadeedna wuu i soo dhaafay. Waxaaba aan ku naxay Axmed oo meel yar oo sida mutulka u samaysan madaxa ka la soo baxaya gacanta ii haadinaya. Dhowr tallaabo oo awood yar baan dhankiisa u qaaday, dabadeedna gudaha ayaan u gudbay, isaguna inta uu madaxa sidaas gacanta iiga soo raaciyay ayuu garabka iga tuujiyay isaga oo i leh  “Soo dhawoow mar kale, aayar fadhiiso, deggenaanna hel”  Malaha qalbigiisa ayaa sidaas lahaa marka uu weli garabka i hayay. Aniguna si niyad leh baan salka u dhigay, oo hortiisa soo yuurursaday. Indhaha ayaan cabbaar isku haynay, oo sida il xareed ah oo sacabada aan kaga canbayo ayaan eegmadiisa jeclaystay. Iga walla sida inaan qurquriyo ayaan ku soo dhegay. Hal mar baan qajilay oo sida xinjir dhiig ah casaaday oo kurbaday. Ma aqaan sababta, haddaan doono ma fahminba! Balse hoos baan eegay oo indhaha ku dhuftay bawdadayda caatada ah ee cabaayadda madow ay ku dedan tahay, In yar ka dib ayuu qosol yar oo khafiif ah ka fakaday Axmed; 

“Sow ma ogid anigu aad baan aragaaga ugu farxaa. Qof walba shay baa ku lammaan, aniga araggaaga ayaa la igu lammaaniyey farxaddaydii, xitaa qaddarkayga waxaan is iri waxa lagu lammaaniyay ruuxdaada. Weli ma maqashay weedh ah “labadii ruux ee is jecel arwaaxdooda ayaa midowda” Waa midow aan ahayn kii suufiyada. Haa, mid ka yara duwan, se kaas la qaacido ah. Ma midoobaan oo keliya e, waa ay isu ekaadaan isku dabeecadna noqdaan, is dareemaan, isku dhagygagaan, isu ololaan, oo isu reemaan.. Markasta.. Aniga sidaas baad iiga dhigan tahay. Noloshayda oo dhan adigaa bilay oo ka dhigay mid iftiimaysa sida dayax dhammays ah. Noloshaydu waxay u ekayd sida habeen gudcur dam ah, iyo mugdiyada baddaha waaweyn oo kale, balse mar danbe ayay xiddigtii dagaari iyada oo dhoollacaddaybaysa meel dheer ka bidhaantay, oo cid kasta oo habeenkaas ka cabanaysay u iftiimaysay, oo ay ka dhigteen burhaan cad. Malahayga waxa ugu dhaw ee aan kugu fasiran karo ayaa Xiddigga Waaberiga ee culimadu ay ku dikrin jireen, sidaa si la mid ah ayaad anna iiga mudan tahay xus iyo digri gaar ah, iyo xusuus iyo xiiso dheeraad ah. Haa, dhab ahaantii sidaa xiddiga Waaberi. Waad i fahmaysaa malaha, waxaan uga jeeda xiddiga ay daakiraaddaa faraha ku fiiqi jireen dariiqadu… waa xiddig lagu bishaarayso sow ma aha? waana tusaalaha ugu habboon….” 

Sidaas ayuu Axmadi xiddigaha u sawirayey, sidii sahamiye cir bixiyeen ah ama caalim feleki ah, aniguna waa is ilaaway oo waxa aa ku maqnaa ereyada ka durduraya dibnihiisa ee sida daadka ah aniga ii qaadaya. Erey kasta oo uu i yiraahdo waxa uu ii kordhinayay degganaan iyo xasillooni qaboow. Sida aw suufi ah, oo yaqiinta u yaqaanna qudbiga xertooda. Sidaas oo kale baan anigu yaqiin u siyaadsaday, oo ugu ekaaday caalim raasikh ah, oo wadaadkii ijaasada siin lahaa u jilba jabsaday. Kadib ayuu aamusay oo indho muxibbo la ooyaya igu eegay. Indho cadcad oo ay illintu inta ay soo buuxisay baararkooda ku joogto, Qudhaydu waxba lama harin ee inta aan hoos fiiriyay baan illin iska tiray, illin aanan dareemin goor ay darka soo jabsatay.

Miis cad oo caaga baa noo dhaxeeya, waa mid sida ukunta oo kale u weegeersan, afar rukun oo liita ayuu leeyahay, sida uu u nugul yahay waxaaban u maleynayaa sheekada uu marqaatiga ka yahay inay ka mug waynaatay. gacmaha ayuu soo fidiyay Axmadi oo miiska dhexdiisa soo dhigay inta oo calaacasha ballaariyay, sidii ruux webi dhexdiis gacan ka soo haadinaya, markaas baan aniguna labadayda gacmood uu kulul u dhiibay, sidii ruux kale oo ruuxaas webiga gacanta ka taagay u gargaaraya, ama haddii aanu u gargaari karin doonaya in uu isna sii u sii raaco xeebta nasiibka. Cabbaar ayaan gacmaha is gashanay, oo labadayaduba diirimaad ku dareenay. Labo gacmood oo daahir ah, ayaa is gacanqaaday, gacan walibana sidii in ay u jilowday ayay mataanteeda kale calaacasha ku duugaysaa. Se anigaa cabbaar ka dib cod hoose oo guunasaya ku hadlay. 

” Caawa.. Caawa inaan ooyo xaq baan u leeyahay. Oohin oo keli ah ma aha ee oohin iyo kummanaanka dareen ee ay wadato illintaasi. Taasi xaqa uu dareenku leeyahay ma gudi karto. Oohintu waxaan is leeyahay waa caado duug ah oo labadeenna iyo cid walba oo ina meteli kartaa ay caadaystasay iyadoon ku ballamin. Balse haddana caawa iyada bes baan karaa.. Runtii wax kasta oo samayn karaba ereyadaadu waxa ay ii noqonayaan burhaan cad iyo ileyska aan ku mari doono waddooyinka madmadow ee cabsida leh, erayadaadaas ayaa i jihayn doona, haddii aan ku habaabo bananka cidlada ah. Erey kasta oo qalbiga ka soo go’ay, lama gudi karo xaqiisa illaa mid isaga u dhigma wadmaha looga soo jaro. Waa in kafadaha kalgacaylku ay ka sheegaan kuwa siman, markaas baan xaqiisa gudi karaa…” 

Hal mar baan arkay Axmed oo soo kacay oo madaxayga isku duubay, dhowr jeer oo isku xigtana dhabanada iyo dhafoorka iga dhunkanaya. Anigu kor baan u kacay oo aniga oo ololaya ayaan xabadkiisa isku tuuray sida inaan meel fog ka soo dhacay. Waan guuxay, sidi wadaad digri Alle la qiiradooday. Guux oo keliya ma ahayn ee mar kasta oo aan shanqarnaba waa uu dhunkanayey, aniguna waxa aan ku sigtay inaan suuxo, suuxidda ayaaban xaq u lahaa. Labadayda gacmood ayaan feerihiisa xoog uga hayay, sida qof cuskanaya geed jirriddiis ama aan haysto si aan meel sare ka dhacayo.

Cabbaar kadib ayuu mid kasta gaarkiisa u degay oo aan kala fuqnay, annagoo isku xiiso qabna. Waan neef tuurnay, ruux meel dheer ka soo orday, oo geed weyn oo hadh qaboow soo galay. Dabadeed gacmaha inta uu soo fidiyay ayuu dhabannada iigu salaaxay oo aan sidaas kaga soo baxnay meeshii yarayd. Awalba meel yar oo ciriiri ah, oo kadeed lagu sameeyay bay ahayd. Halkaas baa dadka is jecel hoy u ah, oo u ah meel meel waasic ah, sida badweybta Hindiya. Waayo halkan in la isla dhuunto oo la isla cararo uun baa ah sida keliya ee jacaylka lagu dhisi karo, sidaasuuna qiimi ku yeshaa dareenku. Sida caalim suufi ah oo god qaboow khalaawo u galay. 

Daqiiqado yar baan gurigayga ku soo gaarnay. Waan u sheegay, oo in uusan guriga u horgayn, se wuu diiday. Meel yara durugsan baan ku iri istaag, oo gadaal isaga noqo. Wuu diiday, taasna sidaas ayuu ganjeelka hortiisa ii soo istaajiyay. Waa xilli danbe ee iska hoyo ayuu igu yiri. Haye ma aanan oran ee weli waan sii eegayaa, anigoon juuqna odhan. Haye..haye, ayuu ku celiyay. Haddana sidii oo kale uma warcelin ee weli waan ku maqnaa. Hadda ayuu aamusay, oo aan ku naxay.. “Waayahay.. Gacaliye..” ayaan idhi iyada oo ay labadaa kalmadoodi igala cuslaayeen labo buurood oo waaweyn, codka u jawaabayna kaygiiba ma ahayn ee cod xabeeb la jiq ah ayuu ahaa.

Waa habeenkii koowaad ee aan ereygaas adeegsado. Igama ahayn xumaan, se waxaan ku barbaaray dhaqankaas adag ee tilmaamaya inana ragga loo dabcin. Waa halka ay sartu ka quruntay oo aan xiriirkayga ugu maleeyo mid faashil ah. Si kasta oo aan wax u akhriyo, haddana weli dhaqankaas yar waan leeyahay. Axmed inta uu yara dhoolcaddeeyay ayuu igu yiri; “Habeen wanaagsan… khayr baan kuu rejeynayaa gacalo “ Sidaas ayuu ku sii jeestay, balse weli gacanta ayuu i hayaa. Markaan soo jeestay ayuu hal mar xoog ii soo dhuftay oo xabadkiisa igu soo tuuray dabadeedna degdeg inta uu dhabnada iyo foodda iga shumiyay isaga oo tintii yarayd ee fooddayda ka soo laadlaaday kor u laalaya.

Markii hore waan naxay, laakiin se isaga oo i shuminaya ayaan is beddelay. In uu hal mar aniga jaaniska i siiyo baan ku fekeray. Dabadeed wuu iga fuqay sida uu malab cantuugay. Markaas ayaan gadaal u yara degay, oo hal mar ku booday oo shumis salaanta kaga malaasay, shumiyay ka xeeeldheer mid walba, Inaan indhaha isku haystay ma xusuusto laakiinse shaarkiisa guluusyada kollay xoog baan u qabtay oo inaan qaar jebiyay baan filayaa. Sidaas ayaan labadaduba ku kala dhaqaaqnay, oo aan anigu guriga ganjeelkiisa u garaacay.

Waan dhoollacadaynayey marka aan Axmed sii eegayo, isaguna sidaas oo kale. Waa xilli danbe oo sagaalkii. Sagaal wax bay dhaaftay oo waa ilaa sagaalkii iyo barkii. Hooyaday xilligaas oo kale waa ay huradaa, oo welwel kama qabin inay i canaanato ama i xisaabiso. Balse walaashay baa soo jeeday oo daarada taleefan ku isticmaalaysay, markay iga furtay bay iga naxday. Inay wax i waydiiyo baa ay damacday, se kuma ay dhicin. Qolkaygii ayaan degdeg u galay oo shalmadii yarayd iyo cabaayadiiba iska tuuray, sidii qof ay dharkuba dhibayaan. Farxad baan shay kasta meel aanu lahay ugu tuuray. Dabadeed dirac khafiif ah baa isku soo reebay oo sariirtaydii ayaan ku fariistay.

Farxad baan ku sigtay inaan ooyo. Aad baa u niyad wacnaa, xitaa muuqaygu waa uu is beddelay. Dabadeedna sariirta ayaan ku fariistay oo derbiga ku tiirsaday. Lawyada inta aan soo laabay ayaan garkayga dhexdooda ku aasay, oo cabbaar indhaha isku qabsaday. Wax kasta oo qurux badan baan ka fekeray. Kadib ayaan indhaha kala qaaday oo dhowr jeer araga ku celceliyay ilays yar oo albaabka ka soo geleyey, waxaannan dareemay neecaw qaboow oo ka soo galaysa daaqada iyo daaha yar ee ay ruxayso oo la moodo anigoo la ciyaaraya dareenkayga. Qolkaygu sidii buu u kala daadsanaa buuggaagtayduna sidii baa midba meel u yaallaa, sidii oo ay iyaguba isa soo booqanayaan. Se dan iyo iyo heello kama lihi, in yar kadibna safiitada ayaan eegay, si cad se uma arki karo daliigihii isku qasnaa ee aan arkayey maalinkii, iftiinka oo khafiif ah awgii. sidaas baan ku qaabilay habeen gudcur ah aniga oo oo faraxsan oo niyad wacan.

WQ: Abshir Umal
Email: abdibulux4982116@gmail.com

3 Comments

  1. How is it that just anybody can publish a weblog and get as popular as this? Its not like youve said something incredibly impressive more like youve painted a pretty picture above an issue that you know nothing about! I dont want to sound mean, right here. But do you genuinely think that you can get away with adding some fairly pictures and not really say something?

Comments are closed.