Godka Aflaadoon: Kala Garashada – Runta iyo Riyada – Vol: 01 – Cad: 44aad

 795 View

Indheergarad – Febraayo 20, 2020 – Hakis – Vol: 01 – Cadadka: 44aad

Si fudud baan u cafin karnaa cunugga mugdiga ka cabsada; musiibada dhabta ah ee noloshu waa marka raggu ay ka baqaan iftiinka”. “Amakaag badanaa muuqaalka aad sifaynaysaa, maxaase ka yaab badan maxaabiistaan, iyagu waa sida annaga oo kale.” Plato, Republic, cutubka 7-aad.

Dhammaan sheekooyinka tirada badan ee culumada falsafadda reer Galbeedku ay ka taleexiyaan, waxaa ugu qoto dheer, uguna hogatusaalayn badan sheekada lagu magacaabo “Godkii Aflaadoon” (=Allegory of the cave or Plato’s cave / أسطورة كهف أفلاطون). Sida magaca sheekada laga garan karo, sheekadaan waxaa curiyey feylasuufkii Giriigga ahaa ee Aflaadoon (428-347 C.H) oo ku xusay cutubka toddobaad ee buuggiisa ‘Jamhuuriyadda /Republic’, oo uu uga faallooday mawduucyada caddaaladda, runta iyo quruxda. Waana isla sheekada uu qayb ahaan ka duulayo filinka caanka ah ee “The Matrix”. Aflaadoon sheekada wuxuu ka dhigay wadahadal dhexmaray walaalkiis oo la oran jirey ‘Gulukoon’ iyo macallinkiisii Suqraad. Sida Aflaadoon qudhiisu uu sheegayna, danta laga leeyahay sheekadu waa in la isbarbardhigo “Raadka waxbarashada iyo waxbarasho la’aantu ay ku leeyihiin dabeecaddeenna /To compare the effect of education and lack of it on our nature.”

Falsafadda waxa lagu qeexaa in ay tahay “jacaylka xikmadda’ ama ‘jacaylka runta’. Ulajeeddada sheekaduna waa in dadka loo sharraxo macnaha ay leedahay in qofku uu noqdo feylasuuf xikmadda iyo runta jecel. Buugga Baybalku wuxuu xusaa in nebi Ciise uu sarkaalkii Roomanka ahaa ee maxkamaddiisa qaadayey uu ku yiri: waxaan u imid si aan runta uga marag kaco. Kolkaasna sarkaalku uu Ciise weydiiyey: “Runtu waa maxay? What is truth?” Nebi Ciise weydiintaas ka ma uusan jawaabin, laakiin tan iyo aammanuudii falaasifada ayaa cimrigooda ku dhumiya raadinta runta. Runtu waa kharaar tahay, dadka badankoodana waa ku adagtahay in ay aqbalaan kharaarka xaqiiqada.

Arrinkuna wuxuu sii cuslaanayaa marka xisaabta lagu darsado doodda Nietzsche ee sheegaysa in sideedaba aysan jirin wax xaqiiqo la yiraahdo ee waxa qura ee jiraa ay tahay macne iyo tafsiir walxaha la siiyo (=There are no facts, but only interpretations). Sheekada Aflaadoon waxay ka hadlaysaa dabeecadda aadanaha iyo xog-ogaalnimadiisa. Waxay ka warramaysaa sida anbiyada, aqoonyahannada iyo feylasuufyadu ay ugu dhibtoodaan runta ay dadka ugu yeeraan, iyo sida aqoontooda iyo niyad samaantoodu aysan waxba ugu tarin. Maxaa yeelay, had iyo goor dadku waxay isku qanciyaan in runtu ay tahay waxa iyagu ay ogyihiin, si fududna kuma qaataan xaqiiqada ku cusub ee ka hor imaanaysa wixii muddada dheer loo sheegayey ee ay u haystaan in ay tahay xaqiiqo lama dhaafaan ah.

Waana iyadii la yiri: “Nebi tolki karaamo kuma dhex yeesho.” Aflaadoon sheekada sidaan buu u wariyey: “ Waa waayaha ka mid ah, koox dad ah baa tan iyo carruurnimadoodii waxay ku jireen god iyaga oo lugaha iyo luquntaba ka xiran, oo aan gadaashooda iyo hareerahooda midna eegi karin. Dadkani dunida godka ka baxsan waxba kalama ay socon. Godku wuxuu lahaa irrid yar oo ku beegan dhabarka maxaabiista godka ku xiran, hortoodana waxaa ahaa derbi. Iridda yar ee godka waxaa ka soo geli jirey ilayska dab godka bannaankiisa ka shidnaa. Godka bannaankiisana waxaa ku tiil wadiiqo yar oo ay mari jireen dadka iyo noolayaasha kaleba. Marka ilaysku uu qabto dadka iyo walxaha kale ee ku beegan godka illinkiisana waxay samayn jireen hoosiis ka muuqda derbiga ku beegan wejiga dadka godka ku dhex xiran.

Maxaabiista godka ku jiraana hoosiiskaas hortooda ka muuqda bay waxay u qaateen in uu yahay walxo dhab ah, mana aysan suuraysan karin in waxa hortooda ka muuqdaa ay yihiin hoosiis iyo sawirro ay leeyihiin walxo dhab ah oo ka jira godka bannaankiisa. Kolka ay maqlaan jabaqda iyo codadka ka yeeraya godka bannaankiisa ee derbigu uu ku soo celinayana waxay u qaadan jireen in hooska hortooda ka muuqdaa uu yahay midka codka samaynaya. Waxayna samaysteen sheekooyin magcaan iyo macne leh oo ku saabsan hoosaska ay u jeedaan, oo iyagu ay u haystaan in ay yihiin walxo dhab ah. Waxay bilaabeen in ay hoosiiska aqoonsi u yeelaan oo ay ka soo saaraan wax ay isla fahmayaan. Sina uma aysan suuraysan karin jiritaanka duni godkooda dhaafsiisan. Sida la ogyahayna, carruurtu kolka ay afka iyo adduunyada baranayaan, waxay ka bilaabaan barashada magcaanta. Quraankana waxaa ku jirta aayad sheegaysa in Eebbe uu Aadan baray magcaanta walxaha oo dhan (=وعلم آدم الأسماء كلها). Taas oo lagu macneeyo in uu wax walba baray.

Yeelkadeede, maalin maalmaha ka mid ah, ruux ka mid ah maxaabiistii baa si uun looga furay qoolkii iyo dabarkii uu ku qabbirnaa, waxaana lagu khasbay in uu dhaqdhaqaaqo oo uu gadaashiisa eego. Waxa uuna arkay ilayska godka soo gelaya iyo hoosiiska uu samaynayo. Maxbuuskii wuxuu u dhaqaaqay dhankii iftiinka, waxa uuna u baxay godka bannaankiisa, laakiin indhihiisu waxay u adkaysan waayeen ilayskii qorraxda ee aysan horay u baran, wuxuuna dareemay wareer iyo indho xanuun. Nasiib wanaag, xoogaa ka dib indhihiisu waa la qabsadeen iftiinka, waxaana u kala soocmay walaxda iyo hooskeeda. Waxa uuna ogaaday in walxuhu ay yihiin asalka hooska, wuxuuna arkay duni dhab ah oo ka ballaaran hoosiiskii yaraa ee derbiga uga muuqan jirey.

Wuxuu daawaday dadka, duunyada, badda, berriga, buuraha, dayaxa, xiddigaha, qorraxda, dhirta, shimbiraha, ubaxa iyo kumanyaal walxaad oo uusan horay u arag. Horay wuxuu u arki jirey walxo kooban hooskood, laakiin hadda waxaa u muuqda kumanyaal walxaad oo wada asal ah. Ama sida Aflaadoon u dhigay: “Horay wuxuu u daawan jirey khayaal qura, haddase wuxuu u dhow yahay dabeecadda runta ah ee jiritaanka /Previously he had been looking merely at phantoms; now he is nearer the true nature of being”. Akhristow, bal waxaad mala’awaashaa xaaladda ruux indho la’aan ku dhashay oo isaga oo gaboobay hal mar aragga loo furay.

Maxbuuska xoroobay dhan wuxuu dareemay farxad uu u riyaaqay dunidaan baaxadda weyn ee uusan horay u arag, dhanka kalena wuxuu ka murugooday jahligii iyo mugdigii isaga iyo saaxiibbadi ay muddada dheer ku jireen. Si gaar ah, wuxuu uga sii xanuunsaday saaxiibbadiis oo iyagu weli ku sugan dhalanteed, aan xaqiiqada iyo hoosiisku u kala baxsanayn.
Sidaa darteed, maxbuuskii xorta noqday wuxuu is tusay in ay waajib ku tahay in uu dib ugu laabto godka oo uu saaxiibbadiis la socodsiiyo xaqiiqada cusub ee uu ogadaay, si ay uga baxaan godka mugdiga ah ee ay ku jiraan. Hayeeshee, goortii uu godka galay wuxuu dareemay wareer iyo mugdi uu wax la arki waayey oo ah xaalad u dhiganta middii uu dareemay markii uu godka bannaanka uga baxay.

Kaaga daranta, saaxiibbadiis kama ay rumaysan warka uu u sheegayo, waxayna u qaateen in la maray oo maskaxdiisa ay wax gaareen. Markii uu dooddiisa ku adkaystayna waa ku jeesjeeseen, waana la colloobeen, ugu danbayntiina waxay ugu gooddiyeen in ay dilayaan haddii uusan ka toobad keenin khuraafaadka uu faafinayo. Maxaa yeelay, waxay ku qanceen in aan loo dulqaadan karin dooddiisa doqonniimada iyo jahliga ku dhisan. Haddii aan laga hortagin inta goori goor tahayna, uu fasahaadin doono facyaasha danbe oo ku dagmi doona beenta cad ee uu faafinayo. “

Sheekadaan in kasta oo si fudud loo dhigay, haddana waxay xanbaarsan tahay weyddiimo waaweyn oo falsafi ah sida; maxaa xaqiiqo ah? Aqoonta halkee baa asal u ah? Iyo qaar kale oo badan. Waxay tilmaan ka bixinaysaa sida maanfurku uu ku yimaaddo, waxayna nagu tirtirsiinaysaa in mar walba aan dunida ku eegno indho ka duwan kuwii aan horay ugu eegi jirney. Aflaadoon wuxuu rumaysnaa in falsafaddu ay tahay laanta aqooneed ee awoodda u leh in ay aadanaha ka xorayso godadka jahliga ee ay ku jiraan. Sida la ogyahayna, falsafadda waxaa loogu tagaa su’aalo joogto ah oo maanka baraarujiya, laakiin looguma tago jawaabo joogto ah oo lagu xasilo. Sheekadu waa sarbeeb ka tarjumaysa waaqica dadku ay ku noolyihiin, waxayna tilmaamaysaa in xaqiiqadu ay ka geddisan tahay sida dadka badankoodu ay u haystaan. Dadku iyaga oo dabran, bay waxay isu haystaan in ay xor yihiin. Qofku wuxuu addoon u yahay nidaamka dhaqan-dhaqaale ee uu ku soo ababo (=caadada, dhaqanka, dhaqaalaha, diinta, mad’habta, siyaasadda, waxbarashada, khuraafaadka iqk).

Godku waa astaan u taagan adduunyada, maxaabiista godka ku jiraana waxay metalayaan aadamigu sida uu u badan yahay. Waayo aadanuhu ma aqbalaan wax ka duwan waxa ay dareemayaashooda ku ogaadaan iyo waxa dadkoodu ay u laqinaan. Dadka godka ku jiraa, maadaama aysan ogayn wax ka baxsan hoosiiska hortooda ka muuqda, waa ku qanacsan yihiin aqoontooda iyo nolosha godka, ciddii isku dayda in ay u sheegto wax ka duwan waxa ay arkeenna waa la colloobayaan. Waayo dabeecaddada dadka ayaa ah in ay la colloobaan waxa aysan aqoon (=الإنسان عدو ما جهل). Oraah dadka qaarkood ay xadiis ku sheegaan, dad kalena ay rag kale ugu abtiriyaan baana waxay tiraahdaa: “Dadku waa hurdaan, marka ay dhintaan bayse baraarugaan /الناسُ نيامٌ، إذا ماتوا انتبهوا”.

Abbooyow maxay ku baraarugayaan? Ilayska qorraxdu waa astaan u taagan falsafadda oo laga dhaxlo jacaylka runta iyo maanfurnaanta. Caadi ahaanna, dhan waxaa la xiriiriyaa hurdada iyo mugdi, dhanka kalena baraarugga iyo iftiinka. Marar badanna diimuhu Alle ama abuuraha waxay ku tilmaamaan in uu yahay iftiin ama nuur (=اللَّهُ نُورُ السَّمَاوَاتِ وَالأرْضِ مَثَلُ نُورِهِ كَمِشْكَاةٍ فِيهَا مِصْبَاحٌ الْمِصْبَاحُ فِي زُجَاجَةٍ). Sida la wada ogyahayna, ummadihii hore qaarkood baa dayaxa iyo qorraxda ilaahyo ka dhigtay, ka dib markii ay u bogeen ilayskooda iyo waxtarkooda, isla jeerkaasna ay ka baqeen saamayntooda. Maxbuuska xabsiga ka baxay ee ilayska iyo adduunyada arkay wuxuu u taagaan yahay dadka tirada yar ee marka ay xaqiiqada ogaadaan isku daya in ay dadkooda wacyi geliyaan iyo dhibka ay arrinkaas kala kulmaan (=aqoonyahannada, feylasuufyada iyo waxgarad kasta oo u fekera si ka duwan sida dadweynuhu ay u fekeraan). Aflaadoon wuxuu qabaa in loo baahan yahay in qofku uu maro saddex marxaladood oo kala ah: marxaladda godka lagu noolyahay, marxaladda god ka bixidda iyo marxaladda god ku noqoshada.

Qof kastaa wuxuu ku dhashaa god gudihiis oo wuxuu ku ababaa afkaar, caadooyin, dhaqammo iyo diin loo arko in ay yihiin xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah. Dadka badankooduna marxaladdaan ma dhaafaan oo godkii ay ku dhasheen bay ku dhintaan. Marxaladda labaad ee god ka bixiddu waa marka qofku uu isku dayo in uu ogaado wax ka duwan wixii lagu soo tarbiyeeyey. Marxaladda saddexaad oo ah midda maraaxisha oo dhan ugu muhiimsan waa marka qofku uu ku noqdo godka si uu dadkiisa u la wadaago xogaha iyo xaqiiqada cusub ee uu ogaaday. Sababta godka loogu noqonayaa ma ah in godka la dego, balse waa sidii looga saari lahaa kuwa godka ku sugan. Aflaadoon wuxuu rumaysnaa in qof kasta oo arkay dunida godka ka baxsan uu korayo waajib akhlaaqi ah oo ah in uu godka ku noqdo si uu u badbaadiyo kuwa weli godka ku sugan.

Dhanka kale waa in lagu baraarugsanaado in muhiimaddu aysan ahayn in godka laga baxo oo keli ah, balse ay tahay sidii godka bannaankiisa loogu sugnaan lahaa. Waxaa suuro’gal ah in qof god ka baxay uu god kale ku dhaco oo uu hoosiis mid kale ku beddesho. Ruuxa marka uu wax cusub ogaado u qaata in uu wax walba ogaaday, wuxuu la mid yahay ruux god ka baxay oo mid kale ku dhacay. Ma jiraan cilmi dhammaystiran iyo xaqiiqo runtu ku idishahay. Aqoonta iyo xaqiiqadu ka weyn wax si buuxda gacanta loogu dhigo, mar walbana baab hor leh baa ballaqma. Sidaa awgeed, waa in marka aan mas’alo ogaanno aan ku baraarugno in masaa’il badan oo hor lihi ay noo dhimman yihiin.

Imaam Shaaficina (767-820 M), waa kii ku maansooday in mar walba oo waayuhu ay edbiyaan uu ogaado garaad yaridiisa, mas’aladii kasta ee uu bartaana ay tusto jahliga weyn ee uu ku sugan yahay (=كلما أدّبني الدهر أراني نقص عقلي و كلما ازددت علما زادني علما بجهلي). Aayad quraan ahina waxay leedahay: “Cilmigana wax yar baa la idinka siiyey /وما أوتيتم من العلم إلا قليلا”. Ruuxa runta raadinayaa wuxuu u baahan yahay in uu shakigiisa ka shakiyo, wax walbana uu weydiin ka keeno. Aflaadoon markii uu sheekadaan qorayey wuxuu maanka ku hayey dhacdadii naxdinta lahayd ee uu la kulmay macallinkiisii Suqraad.

Suqraad wuxuu ahaa aqoonyahan lagu sheegay akhlaaq suubban iyo garasho sare, una taagnaa difaaca akhlaaqda iyo runta. Laakiin dadkiisii reer Atena, baa la colloobey oo ku eedeeyey in uu ilaahyadooda liido, dhallintoodana marin habaabiyo, kuna xukumay in la deldelo. Xukunkaas xaq-darrada ah dartiis baana Suqraad u dhintay, mana uusan baxsan isaga oo haystay fursad uu ku baxsan karo, laakiin wuxuu doorbiday in uu dhinto halkii uu ka jebin lahaa mabda’a noloshiisa oo dhan uu dadka ugu yeeri jirey in ay ixtiraamaan. Mabda’a uu rumeysnaa baa kala qiimo badnaa naftiisa.

Waxaana la wariyey in eraygii ugu danbeeyey ee uu saaxiibbadii ku yiri, uu ahaa: “Waxaa la gaaray saacaddii kala tagga ee qolodeen kastaa ay waddo gaar ah qaadi lahayd. Anigu waan dhimanayaa, idinkuna waad noolaanaysaan. Midda roonna Rabbi oo keli ah baa og.”

Suuqraad oo sheegi jirey in hooyadiis ay ahayd ummuliso haweenka ilmaha ka ummulisa, isaguna uu xirfaddaas hooyadiis ka dhaxlay oo uu ragga afkaarta ka ummuliyo. Dhallinyaradii Atena ayuu wuxuu u sheegay in ay si xor ah u fekeraan, waxna u baaraan. Wuxuuna eersaday isku daygaas uu ku doonayey in uu dadka uga saaro godadkii mugdiga ahaa ee ay ku jireen -welina ku jiraan. Dhacdada Suqraad qabsatay, Aflaadoon waxay ku keentay in uu ka aammin baxo siyaasiyiinta damaca badan ee dantooda oo keli ah ku mashquula. Wuxuuna is tusay in sida qura ee dulmiga looga guulaysan karo, laguna heli karo dowlad si caddaalad ah bulshada ugu adeegta ay tahay in feylasuufyadu ay talada qabtaan. Isaga oo qodobkaan ka hadlayana wuxuu yiri: “Aadamigu ka bixi maayo hoogga jeer feylasuufyada dhabta ahi ay awoodda (=talada) qabtaan, ama xagga Alle ay ka timaaddo mucjiso madaxda magaalooyinka ka dhigta feylasuufyo dhalad ah.” Sida la ogyahay, Aflaadoon wuxuu ku dooday in feylasuufka dhabta ahi uu yahay kan geerida ugu tababarta sidii in daqiiqad kasta ay naftu ka bixi karto.

Falsafaddu waxay danaysaa runta, runta iyo siyaasadduna iskuma san bannaana, oo waa tan qalatay Suqraad ka dib markii dimoqoraadiyaddii Atena ay u adkaysan weyday runtiisa. Aflaadoon wuxuu doonayey in runta la raadiyo, caqligana laga xoreeyo dabarrada dhaqan-dhaqaale ee kan siyaasaddu uu ugu horreeyo. Sheekada godkuna waxay si cad u muujinaysaa xaaladda dadku ay ku noolaanayaan marka ay siyaasiyiinta iyo wadaaddadu isu dhiibaan, wuxuuna ku qanacsanaa in waxbarashadu ay tahay midda dadka ka xorayn karta awoodda siyaasiyiinta, aqoonyahankuna uu yahay kan xilka isbeddelku uu dusha ka saaran yahay.

Casharrada faraha badan ee laga baranayo sheekada godka Aflaadoon, waxaa ka mid ah in dadku aysan soo dhaweyn ruuxa beddela aragtidiisa iyo siduu wax u arko. Si la mid ah sidii dadkii godka ku xirnaa ay u diideen wixii uu u sheegay qofkii bannaanka ka soo noqday oo kale, baa ehellada iyo asxaabtu uga hor yimaaddaan qof kasta oo lagu arko ama laga maqlo wax aan horay loo aqoon. Dabeecadda dadka ayaa ah in ay iska caabbiyaan wax walba oo ka duwan wixii ay horay u arki jireen. Xilka saaran ruuxa godka ka baxayna waa in uu godka ka saaro tirada ugu badan ee suurogalka ah, waxa ugu yar ee laga fishaana waa in uusan naftiisa uga raalli noqon in ay dib ugu noqoto godkii mugdiga ahaa ee ay ka soo baxday.

Filinka “The Matrix”, waxaan ku arkaynaa Morpheus oo Neo ku leh: “Neo, weligaa ma ku riyootay riyo aad si weyn u hubtay in ay dhab tahay? Maxaa dhacaya haddii aad ka soo toosi weydo riyadaas? Sidee baad ku kala ogaanaysaa farqiga u dhexeeya dunida riyada ah iyo dunida dhabta ah, haddii aadan riyada ka toosin?” Akhristow, su’aasha la weydiiyey Neo, waa mid u taal aniga, adiga iyo ruux kasta oo bani’aadam ah. Haddaba, aan ka toosno riyada oo u kuurgalno afkaarteenna iyo waxa hareeraheenna ka muuqda, iskuna dayno in aan kala garanno walaxda iyo hooskeeda, dhabta iyo dhalanteedka, runta iyo caadada.

WQ: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Email: sismail42@gmail.com