Isbeddelka Ku Dhacay Qoyska – Vol: 01 – Cad: 45aad

 491 View

Indheergarad – Febraayo 22, 2020 – Sooroga – Vol: 01 – Cadadka: 45aad

Hordhac

Sawiro adiga oo nool 1800-kii, labo qarni ka hor, aabbuhu doorka uu qoyskiisa ku leeyahay waa ay iska cadayd, wixii hawl bannaanka ah looga baahdo, sida: wixii la quudan lahaa iyo wax walba oo xoog u baahan. Hooyada shaqadeedu waxa ay ahayd: carruur dhalid, nuujin, korid, wax barbaarin, wax karin, wax dhaqid iyo shaq walba oo guriga dhexdiisa looga baahdo. Muran kama jirin, kaalinta aabbuhu ku leeyahay qoyskiisa, sidaa si lamid ah shaki kuma jirin kaalinta hooyada ee qoyskeeda. Ninka kaalintiisa gabadhu ma buuxin karin; ninkuna ma buuxin karin kaalinta haweenka. Noloshaas lama kala maarmayn, gaar ahaan gabadhu ninka kama maarmayn, waana sababta furniinku u yaraa. Ninku gurigiisa waxa uu u soo doonan jiray, saddex shay oo asaas ahaa, oo kala ah: cunto, hurdo iyo galmo. Waxaa soo raaci jiray waa mar iyo dhif ninka iyo naagtu ka wada-sheekaystaan hawl soo koradhay, oo muhiim ah. Gabadh walba oo dhalataa waxa kaalinta ay guriga iyo nolasha ku leedahay ka qaadan jirtay hooyadeed; wiil walba oo dhashana waxa uu noqon doono waxa uu kaga dayan jiray aabbihii (Traditional roles).

Mar kale  sawiro adiga oo nool sannadku markii uu ahaa 1900, qarnigii tagay, markaas oo weli dadku noolaayeen nolol baadiye ah, weli buuq kama jirin kaalinta ninku leeyahay ama kaalinta gabadhu leedahay. Qoyska qudhiisa buuq kama furnayn. Nolashaas dumarku nasiibka leh waa tan dhasha toban carruur ah; aabbaha toban carruur ah lehna waa hantiile wayn. Guurka ninku labo ilaa saddex haween ah buu ahaa, balse furniinku aad buu u yaraa. In kasta oo ay carruurtu badankood dhiman jireen duruufo jiray awgeed, haddana carruurtu waxa ay ahayd hantida ugu fiican ee nin walbaa ku faani jiray ama lagu kala sarreeyey. Ma jirin gabadh ku haminaysa waxbarasho heer ka gaar ama guurka u yara kaadso. Gabadha guurka ka daahda waa gabadh naanaysyo badan lahayd, guumays ba ha ugu horreysee!

Mar kale sawiro adiga oo nool bartamihii 1980-kii, markaas oo abwaankii weynaa ee Singub samaynayo heesta uu qaado Axmed Cali Cigaal ee magaceeda la dhaho: “Gabdhuhu waxay ku faanaan”, ee ay dhextaalka u tahay:

Gabdhuhu waxay ku faanaan
Guri iyo nin yeelee
Waxa guurka kugu diray

Garan maayo aniguye.

Wakhtigan dalka waxaa ka jirta dawlad casriya, oo ku cusub dadka Soomaaliyeed, dadkii in kasta oo ay weli badankoodu deganyihiin dhulka baadiyaha ah, haddana waxaa jira dadku in qaab fikir ahaan iyo dhaqan ahaan magaaloobayaan. Balse, weli muran kama jiro qoyska badan. Waxaa qiimo leh guurka iyo gabadha guriga leh, sida hadalka abwaanka laga akhrisan karana gabadha nin heshaa, oo guri degtaa gabadhi kama sarrayn.

Sawiro markan dhammaadka 2019-kii, markan wadaad Soomaaliyeed oo magaciisa la dhaho Kiiniyaawi, oo asal-raac ah ayaa jeediniya khudbad, waxa uu kula talinayaa gabdhaha in aanay wakhtiga iskaga lumin PhD ama waxbarasho, oo ay yaraanta ku guursadaan. Waxa uu leeyahay guurka oo laga daahaa gabdhaha dani uguma jirto. Balse, markan hadalkaas guurso ah waxaa ka dhalatay caro aad u xooggan, waxaa hadalkaas dhibsaday dumar iyo ragg waxbartay ilaa markii danbe wadaadkii lagu khasbay in uu raalli-gelin bixiyo. Arrintuna waxa ay noqotay wadaadkii baa yaabay!

Maxaa isbeddelay markan? Maxay dumarku u qaylinayaan? Ma isbeddel baa ku dhacay qoyska? Haddii jawaabtu tahay: HAA. Waa maxay isbeddelkaasi

Xasuusin Kooban

Qoraal aan qoray bishii sagaalaad ee sannadkan, ciwaanna aan uga dhigay: “Sidee Doodda Dumarka Soomaaliyeed u fahannaa?” Ayaan kaga sheekeeyey isbeddalka ku yimi kaalinta raggannimada iyo dumarnimada. Waxaan ku dooday in tiknooloojiyadu ay baabi’say kaalintii dhaqan ahaan soo jirtay ee ninka iyo naagta lagu qiimayn jiray, maantana ay weli wareer ka tagaan yahay waxa laga rabo nin iyo waxa uu yahay kaalinta gabadha. Qoraalkaas waxa aan ku sheegay in raggii xanaaqsanyahay, dumarkiina wareersanyihiin. Waxaan kale oo sheegay in furniinkii batay, sababtuna ay salku ku hayso isbeddelkaas dhacay. Qoraalkan waxaan kaga warrami doonaa isbeddelka ku dhacay qoyska iyo weliba yaraanta ku timid dhalidda carruurta iyo weliba sababaha keenay dhalmo yarida, ma maqaadiir baa? Mise isbeddel dhacay oo xaqiiqo ah? 

Tiro-koob Ku Saabsan Dadka Adduunka

Saddexdii qarni ee ugu danbeeyey waxa ay kulmiyeen labo shay: kow, in tirada dadka adduunka ku nool ay aad u kordhaan, labo, isla jeerkaasna, mar kale tirada dadka adduunka ku soo biiraysa hoos u dhac ku yimaaddo. Ka soo qaad, intii u dhaxaysay 1750-kii ilaa 1950-kii oo ku beegan bartamihii qarnigii tagay, tirada dadka adduunka ku nool waxa ay korodhay hal bilyan ilaa ay gaareen saddex bilyan; laga soo bilaabo sannadkii 1950-kii ilaa 2000 oo ku beegan bilowgii qarnigan aynnu ku jirno, tirada dadka adduunka ku nool waxa ay korodhay saddex bilyan ilaa ay gaadhay lix bilyan. Wakhtigan dadka adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa toddoba bilyan. Inkasta oo aan lahayn tira-koob sax ah, haddana qiyaasta ugu wanaagsan ee la xiriirta dhalmada waxa ay tibaaxaysaa sannadku markii uu ahaa 1800 in gabadh walba dhali jirtay carruur u dhaxaysa 6.0 ilaa 8.0. Taas macne ahaan waxa ay noqonaysa in gabadha reer Yurub ay haysatay carruurta ay maanta haystaan gabadha Afrikaanka ah ama aan dhahno gabadha Soomaaliyeed.

Maxaa Keenay Baahida Carruurta Badan?

Reer walba in uu carruur badan haysto dhowrkii qarni ee ina dhaafay waxaa keentay baahi xaqiiqo ah oo jirtay. Kow, baahida koowaad waxa ay ahayd carruurta oo ahayd il-wax soo saar. Sidee? Ka soo qaad in aabbuhu yahay beeralay, si uu beertiisa u fasho, waxa uu u baahan yahay dad kala shaqeeya. Labo gacmood oo kasta waxa lahaayeen wax soo saar. Aabbaha dadka kala shaqaynaya beertiisa waa in ay noqdaan carruur uu dhalay. Ma jirin tiknooloojiyad casriya oo u saamaysaxaysa in qofku beertiisa kaligii ku filnaado. Ka soo qaad mar kale in ninkaasi yahay xoolo-dhaqato, sida: Geel ama Ari’, waxa uu baahan yahay carruur kala shaqaysa. Ka soo qaad in uu yahay kalluumaysato ninkii waxa uu baahanyahay cid kala shaqaysa xeebta. Marka carruurtu waxa ay ahayd hanti toos ah (Basis of Wealth).

Labo, baahida labaad waxa ay noqonaysaa carruurta oo ahayd ciidan. Maaddaama oo aanay jirin dawlad casriya, oo dadka u dhaxaysa iyo maamul awooddiisu shaqayso, qaabka qof waliba ku badbaadsan karo naftiisa iyo hantidiisa waxa ay ahayd in uu haysto carruur badan oo uu dhalay. Nin ba ninka uu ka carruur badanyahay waa ka ciidan badnaa, kana awood badnaa. Saddex, baahida saddexaad waxa ay ahayd maaddaama aannu jirin dawlad daboosha (Social Security) baahida qofka markii uu shaqo gab noqdo, qofku waxa uu ku khasbanaa in uu haysto carruur xannaanaysa marka uu waynaado. Sida uu qabo George Friedman dhinac marka laga eego waxa ay ahayd dhaqan iyo caado, dhan kale marka laga eega se waxa ay ahayd ka fekerka dhanka dhaqaalaha (Rational economic thinking).

Dhowrkaa baahiyood oo asaasi ah iyo baahiyo kale baa keenay in nin walba ku fekero in uu haysto carruur badan. Dhalidda carruur waxaa u xil-saarnayd waa gabadha, waxayna ahayd shaqada koowaad ee hooyada. Waana sababta gabadha marka ay sidaa u qaan-gaadho loo guursan jiray. Marka sidaas loo guursadana waxa ay bilaabi jirtay in ay uur qaaddo, carruurana u dhasho si aan kala go’ lahayn. Ilaa ay ka dhimanaysano ama ka dhalmo daynayso gabadha shaqadeedu waxa ay ahayd dhalidda iyo nuujinta carruurta. Taas oo haddii ay dhasho carruur badan ahayd hooyo sharfanayd.

Marka laga yimaaddo duruuftaa ninka iyo naagta ku khasabtay in ay carruur badan dhalaan, haddana waxaa in la xuso mudan, duruufo jiray awgood in carruurtu inta aannay qaadh-gaadhin ay badi dhiman jireen (High rates of Infant Mortality). Haddii uu badbaadana in ay aad u hoosaysay inta qofku noolaan karo. Labadan markii xal loo helay oo ay carruur badan ka badbaadeen dhimashadii, isla jeerkaasna kor loo qaaday inta qofku noolaan karo (Life expectancy), iyada oo loo marayo helidda daawo tayo leh, isla markaasna casri ah, helidda cunto tayo leh iyo weliba daryeel dawladeed, waxa ay keentay in ay bataan tirada dadka adduunka ku nool. 

Laga soo bilaabo labadii qarni ee u danbeeyey, oo badi adduunka dadka ku nooli ay u soo wareegeen magaalooyinka, isla jeerkaasna la helay dawlad casriya, haddana dadku weli waxa ay dhalayeen tiro carruur ah oo badan. Sababtuna waxa ay ahayd carruurta oo weli ahayd hanti wax soo saar leh, tiknooloojiyada oo bilow ahayd iyo dawladda oo aan dabooli karin baahidii markaas jirtay. Meelaha ugu badan oo dhowrkii qarni ee u danbeeyey carruurta dhalata ay aad ugu badnaayeen waxaa kow ka ahayd Aasiya iyo weliba Afrika.

Inta aanan sharraxaad kooban oo qodobaysan ka bixin sababta ay hoos ugu dhaceen carruurta dhalanaysa, bal horta aan ku siiyo tiro-koob soo bandhigaya sida ay hoos dhac ugu imaanayo ama ugu timid tirada dadka adduunka ku soo biiriya.

Tiro-koob ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay hoos u dhacayso dadka dhalanaya 50% inta u dhaxaysa sannadka 2000 ilaa 2050. Warbixino kale ayaa sheegaya in inta aan la gaarin sannadka 2050 ay hoos u dhacday tirada dadka adduunka. Qaybta danbe ee qarniga kow iyo labaatanaad ayaa sida oo kale la filayaa in hoos dhac wayn ku yimaado tirada carruurta dhalanaysa, waxa ay sheegaysaa warbixintu in 10% uu kordhaayo tirada dadka adduunka. Warbixino kale ayaa tibaaxaya in tirada dadka adduunka ku soo biiraysa ay u yaraanayso dhammaadka qarnigan ilaa bilowga qarniga kan xiga.

Tiro-koobyada ayaa soo bandhigaya in dalalka horumaray (Developed countries) ay tiro ahaan hoos u dhac wayn ku imaan doono, halka dalalka soo koraya (Developing countries) aanay ka baxsanayn in ay hoos-u-dhac ku yimaado tirada dadkoodu, balse aanay sida dalalka horumaray tiro ahaan si degdeg ah hoos-u-dhac ku imaan doonin. Qaramada Midoobay warbixin ay leedahay ayaa sheegaysa in 1970-kii ay gabadhu celcelis ahaan dhali jirtay 4.5 carruur ah, halka sannadkii 2000 ay gabadha dhalaysay 2.7 carruur ah. Isla hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in sannadka 2050 ay hoos u dhacayso tirada carruurta dhalanaysa.

Arrinta aan layaabka lahayn waxa weeye in afartan iyo afarta dal ee hoggaaminaya horumarka adduunka ayaa gabadhii waxa ay dhashaa 1.6 carruur ah. Taas macno ahaan waxa ay noqonaysaa in ay hoos-u-dhac weyn ka jiro tirada carruurta u dhasha dalalka horumaray. Ruushka iyo Jarmal ayaa qayb ka ah dalalka dhalmadu hoos u dhacday. Bilowgii qarnigii kow iyo labaatanaad, gaar ahaan intii u dhaxaysay sannadkii 2001 ilaa sannadkii 2005 ayaa lagu qiyaasaa tirada guud reer Yurub ahayd 728 isla xilligaas waxa ay sheegaysaa in sannadka 2050 ay tirada guud ee reer Yurub gaarayso 653 ilaa 557 milyan. Balse buuggiisa 21 lessons for the 21st Century, ee la daabacay sannadkii 2018-kii Yuval Harari ayaa sheegaya in tirada guud ee reer Yurub ay tahay 500 milyan. Inta aan la gaarin 2050, sannadkii 2018-kii haddii hoos-u-dhac weyn ku yimid reer Yurub, waxa ay muujinaysaa in dhammaadka qarnigan ama qaybta danbe ay tirada dadka reer Yurub sii yaraan doonto.

Maxaa Sababay In Hoos-U-Dhac Ku Yimaado Carruurta Dhalanaysa?

Qodobka koowaad ee aan ku bilaabayo waxa uu noqonayaa horumarka. U fiirso dal walba oo horumar sameeyey, horumarkaasi waxa uu saamayn toos ah ku yeeshay qoyska. Dalalka Maraykanka, Yurub iyo Jabbaan waxa ay ahayd meelihii koowaad ee carruurta dhalanysa ay hoos u dhacaan, waayo mar walba oo horumar yimaaddo, waa mar walba oo tirada carruurta dhalanaysa ay hoos u dhacdo. Kaliya ma aha Jabbaan iyo dalalka reer Galbeedka meelaha horumarku saameeyey carruurtii dhalanaysay, balse, sida oo kale dalalka Singaboor, Malaysiya, Hong Kong, Taywaan iyo weliba Koonfur Kuuriya dhammaantood waxa hoos u dhacay carruurta dhalanaysa kadib horumarkooda.

Qodobka labaad waxa uu noqonayaa, uguna muhiimsan, sida aan horay u xusay carruurtu waagii hore waxa ay ahayd hanti wax soo saar leh. Noloshii halganka ku dhisnaydna waxa ay lahaayeen qiimahooda. Markii la helay dawlad casriya, isla markaasna loo soo wareegay magaalooyinka, carruurtii si ay noqdaan ilo-wax soo saar, waa in marka hore iyaga qudhooda wax la baraa ama xirfad la baraa, si ay ugu shaqaystaan. Halka waagii hore carruurtu reerka hanti wax soo saar ugu ahaayeen, waxna soo galin jireen, hadda carruurtii waxa ay noqdeen kuwo quudanaya oo isticmaalaya waxa soo gala reerkii.

Marka ilmihii waxa uu rabaa waxyaabo badan, sida: waxbarasho, nafaqo, dhar, kabo uu xirto iyo weliba daryeel caafimaad. Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in shan iyo labaatanka dal ee adduunka dhanka waxbarashada hoggaaminaya uu ilmuhu waxbrasho iskuul ku qaato inta u dhaxaysa shan iyo toban ilaa toddoba iyo toban. Ka soo qaad in uu shan iyo toban jir iskuul ku dhammeeyey waxaad ku dartaa jaamacad afar sanno ah, waxa uu da’ ahaan noqonayaa sagaal iyo toban sanno jir. Isagoo ilmihii ku dhow 20 sanno jir, waxaa macquul ah in aannu weli shaqayn oo qoyskii wixii dhaqaale ah ee soo gala in uu la quuto. Marka halka reerkii uu dhali lahaa toban carruur ah, oo ay qaali tahay in la koriyo, qoyska fekerayaa waxa ay ka door bideen hal, labo ama saddex carruur ah.

Ka soo qaado tusaale ahaan dalka Faransiiska. Sida uu ku soo qaatay buuggiisa Next 100 Years, George Friedman, toban carruur ah qarnigii siddeed iyo tobnaad waxaa laga yabaa in ay Faransa ahayd hadyad Eebbe (Godsend). Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad waxaa laga yabaa in toban carruur ah Faransa in ay ahayd culays (Burden). Toban carruur ah dhammaadkii qarnigii labaatanaad Faransa waxaa laga yabaa in ay ahayd masiibo iyo is-miidaabin (Catastrophe and Suicide). Waayo aad bay wakhtigan u adag tahay in la koriyo ama laga adkaado baahida toban carruur ah. Bal u fiirso maanta qoysaska haysta carruurta badan waxa ay ku noolyihiin nolol aad u liidata, haddii aad u sii dhowaatana waxaad dareemaysa in aanay u shaqaynayn sidii la rabay (Dysfunctional families).

Qodobka saddexaad waxa uu noqonayaa in aanay jirin baahi keenaysa in carruur badan qoysku dhalaan. Waxa aynnu soo aragnay in baahi la garan karo ay keentay in carruur badan qoysku dhalaan, balse dhammaan baahiyihii hadda waa la xaliyey. Ka soo qaad tii daryeelka qofka, dawladda ayaa kafaalo qaadaysa qofka, kadib marka uu waynaado, xataa haddii aanay dawladdu kafaalo qaadin qofka shaqaystay intii uu xoogga ahaa waxaa macquul ah in uu naftiisa kafaalo qaado. Labo, ma jiro qof ka baqaya in xoolihiisa laga qaado, sababtuna waa in dawladdi jirto. Mana jirto sabab ku khasbaysa baahi carruur u difaacda dhulkiisa iyo hantidiisa. Saddex, in ilmo la koriyo oo qaali noqotay, maaddaama uu kaaga baahanyahay dhaqaale faro badan waxa ay keentay qoysas badan in yareeyaan carruuta ay dhalayaan.

Qodobka afraad waxa uu noqonayaa labo arrimood oo isla socda. Qodobka koowaad waa in horumar wayn aadanuhu ka samaayey tayeynta nolosha dadka si guud, si gaar ahna dumarka. Qoraalkaygii kan ka horreeyey ee aan hordhaca ku soo xusay, uguna magac-daray: “Sidee u Fahanaa Doodda Dumarka Soomaaliyeed?” Waxa aan ku dooday in wakhti dheer raggu qabsadeen boos walba oo nolasha dadka muhiim u ahaa, dumarkuna ay ahaayeen kuwo aan cod lahayn. Waxaan kale oo sheegay in taariikhda qoran ay tahay taariikhda ragga iyo guulo ay gaareen, dumarkana laga saaray kaalintii ay ku lahaayeen horumarka aadanaha.

Waxaan ku dooday tiknooloojiyadda iyo sayniska iyo weliba dawladnimada casriga ah ay qiimo tirtay kaalmihii dhaqamadii hore (Traditional roles) ay kala siiyeen ragga iyo dumarka. Waxaan kale oo sheegay in murqihii qiimo beeleen, oo ay noqdeen wax qurux maanta laga doono. Waxaan sheegay fursadaha maanta jira badankood in ay hoos imaanayaan kuwo u baahan aqoon iyo xirfad, labadaasna waxaan ku dooday in ay ragga iyo dumarku u simanyihiin, oo gabadha awood u leedahay badanka shaqooyinka maanta raggu qabtaan in ay qaban karaan. Qoraalkaygaasi kama doodayn isbeddelkaas dhacay ma wanagaasanyahay mise waa xunyahay? Waxa kaliya ee uu soo bandhigay waxa uu ahaa in aan laga baxsan karin isbddelkaas dhacay. Qoraalku sida oo kale waxa uu sheegay in isbeddkalkaasi uu saamayn doono qoyska.

Qodobka aynnu soo sharraxnay, oo aynnu kow ka dhignay, waxa uu innagu xirayaa qodobka labaad oo noqonaya, in dumarkii shaqaystaan, waxna bartaan. Si lamid ah wiilka, gabadhu si ay u noqoto gabadh wax soo saar, dhan shaqo iyo weliba dhan maskaxeed, waxa ay ku khasbantahay sida walaalkeed in ay aaddo iskuul, marka ay dhammayso iskuulna jaamacad, marka ay jaamacad dhammaysano shaqo. Guurkii waxa ay noqotay in nin iyo naag ba ay dib-isaga dhigaan, carruur dhalidna mar danbe laga sii dhigto, sababtuna waxa weeye noloshii oo qaali noqotay. Waagii hore sida aynnu halka hore ku soo aragnay gabadha shaqadeeda koowaad waxa ay ahayd wax dhalid, guur iyo guri. Balse, maanta hadafyo kale iyo shaqooyin kale baa ay gabadhu leedahay, oo guurku waxaa laga yabaa in uu shaqooyinka mid ka mid ah yahay. Balse aannu ahayn waxa ay gabadhi u nooshahay oo kaliya ama waxa ugu muhiimsan oo ay sugayso.

Bal sawiro in gabadhu ku qaangaadho shan iyo toban sanno jir, ku darso in ilaa iyo 25 sanno jir ay waxbarasho ku jirto. Ka soo qaad in gabadhaasi ku guursato 27 ama aan dhaho 25 jir. Ka soo qaad in ay dhasho labo carruur ah, una dhaxayso shan sanno. Ka soo qaad in gabadhaasi ay siddeed sanno ama toban sanno ku bixiso nuujinta, daryeelka iyo nafaqaynta carruurteeda. Ku darso siddeed iyo toban bilood ay uur lahayd. Taas macno ahaan waxa ay noqonaysaa in qiyaas u dhiganta 10%, gabadha ay galisay carruur dhalid, nuujin iyo barbaarin. Halka waagii hore gabadha ilaa ay ka dhimanayso ay wax dhali jirtay, oo aanay shaqo kale lahayn. Gabadha wakhtigan waxa ay wakhti ku bixinaysaa 10% nolosheeda ka mid ah carruur dhalid. Ku darso in gabdhihii hore inta ay noolaan jireen ay aad u koobnayd, halka maanta gabadha noolaan karto, kontan, lixdan ilaa iyo siddeetan inta u dhaxaysa, tani waxa ay sheegaysa in gabadha wakhtigan noolaan karto in ka badan intii ay noolayd ayeeyadeed.

Ugu danbayn isbeddelkaas ku dhacay dumarka, waxa ay keentay in dumarku shaqaytaan, oo ay ka madax-banaanaadaan dhaqaale ahaan nimanka. Waagii hore sida aan soo sheegay furniinku aad buu u yaraa, sababtuna waxa ay ahayd gabadha oo aan dhaqaale ahaan xor ahayn. Gabadha waxaa laga yabaa iyada oo dulman in ay ku khasbanayd in ay la joogto ninkeeda, sababtuna waxa weeye ma haysan wax u dhaama. Halkaas waxa aynnu ka fahmaynaa waagii hore ninka iyo naagta is-qaba waxaa isku hayey waxa ay ahayd dabar dhaqaale, halka wakhtigan ninka iyo naagta jacayl isku hayo.

Jacaylka dhibtiisa ugu wayn waxa weeye in aannu joogto ahayn. Lammaanaha duruufta dhaqaale isku hayo, waxa ay ka waarid badan yihiin guurkoodu kuwo duruuf jacayl isku hayo. Ninka iyo naagta kuwada joogo jacayl, haddii jacaylkii dhammaado khasab waxaa imaanaysa waa furniin. Waxyaabaha maanta furniinka badiyey waxa weeye lammaanaha waxaa isku keenay waa jacayl, ee duruuf dhaqaale maaha. Jacaylkuna waa yimaadaa, waana tagaa.

Gunaanad

Inta aanan soo koobin qoraalka waxa uu ka hadlayo, bal aan ku xusuusiyo isbeddelkaas ku dhacay qoyska iyo horumarka aan la joojin karin dadkii waxa uu u kala saaray labo qolo: kow, qolo rabta in dumarka guriga lagu hayo, si ay carruur badan u dhalaan, loona ilaaliyo qoysas dhaqameedkii hore (Tradational families) labo,  qolo labaad oo rabta in isbeddelkaas dhacay lala jaan-qaado, macquulna aannay ahayn in dib loo noqdo, dibna looga fekero qaabka loo qeexayo nolosha guurka, lammaanaha iyo hadba carruurta la dhalayo. Dadka aaminsan in la noolaado boqol sanno ka hor noloshii la noolaa, oo loo yaqaan asal-raac waa laga guulaysan doonaa, haddii aanay isbeddel ku samayn qaabka u fekerayaan, waayo macquul ma aha in isbeddelkaas dhacay dib loo celiyo. 

Ugu danbayn qoraalkan kooban waxa uu ka sheekeeyey baahida keentay dhowrkii qarni ee galbaday in qoys walba haysto carruur faro badan, sida oo kale waxa uu sharraxay in carruurtu ahayd hanti, il-wax soo saar iyo ciidan dhan walba leh. Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay in dadka dhalanaya ee ku soo biiriya adduunka ay hoos u dhaceen, gaar ahaan dalalka horumaray. Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay sababaha keena yaraanta carruurta iyo weliba in wagii hore carruurta ahayd ciidan iyo il-wax soo saar, balse si carruurtu u noqdaan il-wax soo saar loo baahanyahay in qoys walba carruurta dhaqaale xooggan galiyaan, si ay naftiisa wax u bari lahaayeen.

Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay dumarku maanta haytsaan fursad tan ragga la mid ah, isbeddelna ku yimid dumarka oo horumar sameeyey. Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay in baahidii keentay in qoys walba dhalo carruur badan maanta aanay jirin. Sida oo kale waxa uu xusay waagii hore ninka iyo naagta is-qaba waxaa isku hayn jiray duruufo dhaqaale, halka maanta jacayl isku hayo. Caaddifadda qoysku ku dhismayna waxa aynnu sheegnay in uu badiyey furniinka. 

Ugu danbayn waxa aynnu sheegnay in dadku labo kala noqdeen: qolo rabta in lagu noqdo ama la sii ahaado qaabkii ay ahaayeen qoysaskii hore iyo qolo kale oo leh isbeddelka aynnu la jaan-qaadno, rabana in dib loo qeexo qoys iyo waxa laga rabo.

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: Tilmaame2017@gmail.com