Siyaasadda Bidixda iyo Midigta! – Vol: 01 – Cad: 46aad

 864 View

Indheergarad – Febraayo 24, 2020 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 46aad

Erayga lammaane waxa loo la jeedaa laba wax, wixii ay rabaan ba ha ahaadeene, oo isku lammaan. Si kale haddii aan u iraahdo, waxaa laga wadaa labadaas wax midna midka kale la’aantii ma sii jiri karo. Tusaale ahaan, waa sida kulka iyo qabowga. Meeshii kulku ka maqan yahay ayaa la yiraahdaa qabow, meeshii aan qabow ka jirinna waxa loogu yeeraa kul. Kulka waxaa halbeeg u ah qabowga, qabowgana kulka. Waa laba xaaladood oo lammaan.

Dalalka Galbeedka waxaa ku soo badanaya waxa kan loogu yeero siyaasad ahaan ‘Midigta fog’. Siyaasaddu waxa ay leedahay halbeeg qofka lagu qiimeeyo halka uu siyaasad ahaan taagan yahay. Ka hadli mayno hadde qof iska xil doona ama se iska xoola doona oo aan siyaasadda aragti uu leeyahay aan u galin ee sidee wax u cuntaa ceebi yeelkeeda u galay sida ay Soomaalidu ama se Afrikaanku ba u badan yihiin. Waxa aan ka hadlaynaa qof siyaasadda ugu biiray aragti goonni ah oo uu qabo in uu ku fushado. Qofka noocaasi boos uun baa uu siyaasadda ka taagan yahay la yaqaan, loogu yeero, berritana laga soo raadin karo. Booskaasi waa saddex midkood: midig, bidix iyo dhexdhexaad.

Eray-bixinta ah hebel siyaasad ahaan waa ‘midig’ ama se ‘bidix’ waxa ay ku timid kadib markii uu dhacay wixii la oran jiray Kacaankii Faransiisku. 1789kii baarlamaankii markaas meesha Faransiiska lagu magacaabo ka jiray baa laba garab u qaybsamay. Kuwa boqortooyada, diinta iyo dhaqankii hore ee soo jireenka ahaa taageero u haya iyo kuwa raba in wixii hore oo dhan ganafka lagu dhifto oo dadku ka madaxbannaanaadaan boqortooyada iyo waxa ay ciirsanayso, qof walibana sidii ku habboon u noolaado. Qolyihii asal-raaca ahaa baa qaybta midig ee baarlamaanka fariistay iyaga oo ka soo dhexbaxaya qolyahan kacdoonka wada ee buuqa iyo farataagtaaga baarlamaanka la dhex jooga.

Qolyihii isbeddelka rabayna bidix bay isugu soocmeen. Waagaas kadib qolo walba oo isbeddel doon ah, kacdoonna wadda kacdoonkaasi ha ahaado mid siyaasadda jirta ka dhan ah, ama se hab dhaqan-dhaqaale ka dhan ah, ama se habdhaqan bulsho iyo arrimo diineed ka dhan ah, wixii ay rabaan ba ha ahaadaane qof Alle iyo qofkii wax cusub doon ah waxaa loo yaqaan ‘bidix” se qofkii taageero u haya wixii horay u jiray waxaa loo yaqaan ‘midig’. Qolyaha siyaasad ahaan loogu yeerayo ‘midigta’ isku ma jiraan si taas la mid ahna qolyaha ‘bidixda’ loogu yeerayaa isku ma jiraan. Xisbiga Dimuqraaddiga ee Maraykanku qofka ka tirsani siyaasad ahaan waa ‘bidix’ , sida oo kale qofkii ka tirsanaa Xisbigii Boolsheefiga ee shuuciga ahaa isaguna waa bidix, se isku aragti ma ahaa. Waayo qofka Dimuqraadiga ahi ma ahan bidixda fog halka qofka shuuciga ahi uu yahay bidixda fog, waayo qofka Xisbiga Dimuqraadiga ka tirsani waxa uu doonayaa in noloshii hore iyo habdhaqankii hore tifaftir lagu sameeyo oo waxoogaa yaryara laga beddelo, halka qofka Shuuciga ahi uu doonayo in habdhiska dhaqaale, midka bulsho, kan dawladeed iyo weliba diintaba hal mar salka dhulka loogu dhifto oo laga kala guuro. Midigtu iyaduna waa tabtaas oo qofka Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ka tirsan iyo qofkii ka tirsanaan jiray Xisbigii Naasiga ee Jarmalku, labadu ba waa garabka midig, se qofka Naasiga ahi waa midigta fog oo waa xagjir.

Inkasta oo aysan badnayn haddana waxa jira dad dhexdhexaad siyaasadoodu tahay oo aan labada garab midna ahayn, inkasta oo marba ay mid u janjeeraan. Haddaba waxaa taal su’aal aan waxba dhaamin su’aasha ay Soomaalidu iswayddiiso ee ah, sidee xeego loo xagtaa farana u nabad galaan? Su’aashaasi waxa ay tahay: Labadaas garab sidii hal dal loogu wada hayn karaa iyaga oo aan iyaguna wax isyeelin, dalkana aan waxyeelin? Su’aasha jawaabteedu waxa ay tahay, kow: in la kala adkaado oo qolo xoog badato iyo labo: in qoladii xoogga badatay ay xeeladaysato oo qoladii ay ka adkaatay wax u ogolaato.

Haddii aan la kala xoog badan waxa ay noqonaysaa mindi mindi ku taag iyo fawdo aan weligeed dhammaan. Marka waa in qolo laga adkaadaa oo qolada adkaatay dejisaa nidaam iyo kala danbayn qolada laga adkaaday ay qayb ka yihiin. Haddii qolada laga adkaaday aan wax loo ogolaan, iyadana maxaa dhacaya? Qoladii laga adkaaday waxa ay noqonaysaa belo kugu soo maqan oo in aad god ugu jirto adiga oo keeb la yuurur ah ma ahee bannaanka u soo bixi kari maysid, tuhun baas baana ku dilaya iyo goormay isa soo abaabulayaan?

Tusaale ahaan, dalka Maraykanka, labada xisbi ee ka jira oo midna midigta yahay midna bidixda ma ku kala adkaadeen? Haddii ay jawaabtu haa tahay, yaa adkaaday? Haa, Maraykanka waa lagu kala adkaaday 1861kii dagaalkii sokeeye ee Maraykanka waxaa dhaliyay isdiiddooyinka aragtida bidixda iyo tan midigta. Qolyaha bidixdu waxa ay rabeen dawlad dhexe oo taag daran iyo maamullo sidii dawladdii u dhaqma markii ay rabaanna sidii ay rabaan yeeli karaa sida in ay midowga ka baxaan, se midigta oo ah Jamhuuriga maanta baa taas diiddanaa oo qabay in dawladda dhexe xoog yeelato ciddii taas diiddana shaqa laga qabto.

Markii la islaayay oo dagaalkii lagu kala adkaaday waxaa guushu raacday qolyihii qabay aragtida midigta ama jamhuuriga ee ah dawlad dhexe oo xooggan iyo in aan maamulladu iskood go’aan madaxbannaani oo ay dalka uga baxaan u gaari karin, qoladii isku daydana ay tii xiintay oo barooday ka raaci doonto. Qolyihii midigtu markii ay dagaalkii ku gacan sarreeyeen gunnimo ka carar ma ay noqone qoladii ay ka adkaadeen waxyaabo badan oo rabitaankooda ah baa ay u tixgeliyeen. Sidaas baa Maraykanku ku yeeshay laba xisbi oo lammaane ah isna dhamaystiraya aragtiyahooduna kala joogaan qorrax u dhac iyo qorrax ka soo bax.

Maxaa ay tahay ujeedka ku jirta in dalku yeesho laba kooxood oo kala duwan oo marba mid hoggaanka qabto? Waxaa jirta aragti uu lahaa nin la oran jiray Friedrich Nietzsche. Ninkaasi waxa uu damiirka qofka aadanaha ah u qaybiyay laba jaad. Damiirka gobta iyo damiirka gunta. Qolyaha gobta ah damiirkoodu waxa uu qiimeeyaa qabka ama isla-waynida, awoodda iwm. Qolyaha gunta ah iyagu waxa ay qiimeeyeen naxariista, isu turidda, isu danqashada iwm. Qolyaha gobta ahi falalka dhaca waxa ay ku fiiriyaan indha maaddi ah sida ma xun yahay oo ceeb miyuu kuu soo jiidin iyo dhib mise waa san yahay oo sharaf iyo awood buu kuu soo jiidin. Halka qolyaha gunta ahi ku qiimeeyaan waxani ma khayr baa oo ma jannaa ku mudan mise waa shar.

Si aan isu sii fahanno, tusaale haddii aynu u soo qaadanno Sabanu-jaahiligii, xilligii nebigu NNKH soo baxayay, magaalada Maka waxaa ku wada noolaa laba qolo, koox maalqabeenno ah oo oday dhaqameeddo uu Abii Jahal ka mid yahay hor boodayaan oo wax ku qiimeeye islawaynida, qabka, awoodda iyo qofku inta uu maal haysto iyo koox aan wax qumman haysan, boggoodana aan bog u xigin oo u badan dadkii la yasi jiray ee fuqurada ahaa, ama addoomaha ahaa dadkaas oo nebigu hor kacayay. Dadkaasi maaddaama ay ahaayeen dadka hoose ee magaalada ama gunta magaalada waxa ay wax ku qiimaynayeen naxariista, isu turidda waxaa na ay falalkooda u arkayeen laba midkood ama fal khayr ama fal shar ah.

Marka la yiraahdo damiirka gunta laga ma wada cay e waxa laga wadaa dadka hoose ee aan qabku ku jirin sida ay u fekeraan, dadkaas waxa ka mid ah anbiyada oo xoogga saari jiray in hadba dadka taagta daran ay la saftaan kana fogaadaam dadka qabku ku jiro, xoolahana ka tagaan oo bannaanka ku baadaan. Dadka leh damiirka gunta had iyo jeer kacdoon baa ay sameeyaan oo wixii hore ma ogola, wax cusub baa ay rabaan waa na garabka bidix halka maalqabeennada, dadka jagada haya iwm ay isbeddelka jeclayn oo ay garabka midig yihiin.

Tusaale kale oo aan taariikh diineed ahayn haddii aynu soo qaadanno, xilligii Kacaankii Warshaduhu uu Yurub ka dillaacay waxaa soo baxay laba dabaqadood oo bulshada ka mid ah oo aan war iyo wacaal toona isku hayn. Dabaqad xoogsata ah oo gabbal dhacay iyo waa soo baryayba hawl u taagan, haddana wax ay maalintaas ku qadeeyaan aan ka helin shaqada faraha badan ee ay u taagan yihiin iyo dabaqad jirjirka u jiifta oo aan far dhaqaajin haddana malaayiini lacag ahi maalintii keli ah sameeya oo dheef ku qaba dhididka iyo dheecaanka xoogsatada maaddaama ay iyagu leeyihiin wershaddaha laga shaqaynayo.

Dabaqaddii maalqabeenka ahayd waxa ay yeesheen damiir gobeed oo aan haba yaraatee gunta hoos joogta aan ka naxayn, keliya qiimaynaya qofkii hanti ama awood leh, illeen damiirka dadka gobta ahi waxa uu qiimeeyaa awoodda iyo hantida. Dadkii xoogsatada ahaa waxa ay yeesheen damiirkii lagu yaqaannay dadka gunta ah. Waa damiir wax ku qiimaynaya isu turid, naxariis iyo kacdoon. Waxa ay allifeen hantiwadaag ama se shuuciyad oo kaba sii fog hantiwadaagga. Waxa ay isku af garteen in diin, dhaqan iyo dawladba laga dhigo qori iyo qiiqiisba waa la isla xooraa, maaddaama ay u arkayeen dhibtoodu in ay halkaas salka ku hayso.

Cilmiga bulshada baa ay u fasireen qaab cilmi ah iyaga oo salka ay ku taagan tahay ka dhigay “qaabka wax loo soo saaro”. Qaabkaas ayay ka dul dhiseen dhismayaasha diiniga ah iyo kuwa maaddiga ah ee bulshada. Haddii salkaas hoose la dumiyo oo wax laga bedelo qaabdhismeedka waxsoosaarka waxa ay isla garteen in dhammaan dhaqan, diin, dawlad ay hal mar wada dumi doonaan. Halkaas ayay ka soo saareen aragti ay u bixiyeen Hantiwadaag, weliba mid ay sheegeen in uu cilmi ku dhisan yahay.

Waxaan uga gol-leennahay waa in aan tusaale u keenno waxa loogu yeero midig iyo bidix. Meeshii midigtu ku xoog badnayd waxa ka dillaaca dhaqdhaqaaq bidix ah meeshii bidix ku xoog badan tahayna mid midig ah. Marka Maraykanku isaga oo taas isu dheellitiraya buu allifay laba xisbi oo midig iyo bidix kala ah. Siddeed sano haddii dadku bidix u codeeyaan waa ay soo nacayaan, markaas siddeedda xigta waxa la sugaa in ay dhankaas iyo midigta ama Jamhuuriga u yaacaan. Haddaba qolyaha midigta ah iyo kuwa bidixda ahi keli ah Maraykanka kama ay jirin ee qaaradda Yurubna si guud baa ay uga jireen. Dagaalkii labaad ee dunida waxaa is laayay waxa ay ahaayeen qolyihii midigta fog ahaa iyo qolyo bidix ah, waxaa na adkaaday bidixda.

Waxaa la yiraahdaa Fashiistihii Talyaaniga iyo Naasigii Jarmalka, oo ahaa laba xisbi oo midigta fog ah, waxa ay jawaab u ahaayeen xisbigii shuuciga ahaa ee Boolsheefiga ee ka dhisnaa Ruushka oo ahaa bidixda fog. Haddii xisbigii Shuuciga ahaa ee Boolsheefigu lahaa damiirka gunta oo uu la saftay dadka danyarta ah, haddii uu ka soo horjeesaday dhaqanka, diinta iyo wadaniyadda iwm., Fashiistuhuna waxa uu yeeshay damiir wax ku qiimeeya awood, hanti, garabkana saara maalqabannada, dadkana qolo qolo u kala saara oo cunsuriyad lagu yaqaan. Xisbiyadaas midigta fog ah keli ah shuuciyadda dagaal kuma ay qaadin ee waxa kale oo ay qabeen in tallaabo laga qaado dalalka Yurub ku yaalla, sida: Ingiriiska iyo Faransiiska ee iyaguna bidixda ah. Dagaalkii bidixda iyo midigta u dhexeeyay baa waxa guulaystay qolyihii bidixda ahaa sida Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Maraykanka. Guushaas kadib dunida waxaa ku dhex loollamayay Ruushka oo bidixda fog ah iyo reer Galbeed oo bidix dhexdhexaada ah.

1991-kii markii Midowgii Soofiyeedku geesaha dhulka dhigtay ee uu burburay, waxaa dunida u soo hartay aragtidii bidixda ahayd ee reer Galbeedka oo aan haysan wax la loollama. Waxa keli ahaan karaa ma jiraan oo wixii keli ah waa in lammaane dhammaystiraa u soo baxaan haddii kale ma sii jirayo. Waxaa la yiraahdaa xilligii Midowgii Soofiyeedku burburay, dhammaan haayadihii loo dhisay sidii Midowga Soofiyeed lagaga hor tagi lahaa, dhammaan shaqaalihii loo hawlgeliyay cududdaas sidii loogu wiiqi lahaa, haayadahaas oo ay kow ka yihiin difaaca iyo sirdoonka baa gebigooduba qiima beelay. Waxa ay lumiyeen waxa loo yaqaan “raison d’être” ama sababta walaxi u jirto, waayo wixii ay u jireenba waa burburay.

Lama kala diri karo oo waa khatar dalka halis ku ah haddii ay faraha ka baxaan, la mana sii wadi karo waayo sababtii ay u dhisnaayeen baa meesha ka baxday. Xilligaas ayaa la raadiyay cid buuxin karta booskii bidixda fog ee Ruushka si haayadahaas dawliga ah ee awoodda badani u sii jiraan, waxaana la ogaaday cidda keli ah ee buuxin karta loollankii Ruushka in ay yihiin Muslimiinta asal-raaca ah ee iyagu siyaasad ahaan noqonaya midigta fog. Labaatan sanno baa reer Galbeedku dagaal kumanaan kuni ku naf wayday, dagaal tira badan oo dalal Muslin ahna lagu burburiyay, dad fara badanna lagu barakiciyay ay kula jireen kooxahan Wahaabiga loogu yeero ee Sucuudigu sida ba’an u maalgelin jiray.

2010-kii wixii loo soo gaaray waxaa Galbeedka hareeyay malaayiin barakacayaal Muslimiin ah oo dalalkoodi ay ku dul legdameen aragtiyaha bidixda u janjeera ee Galbeedka iyo kuwa midigta fog ah ee Wahaabiga. Barakacayaashii Galbeedka tagay waxaa baqdin ka muujiyay dadkii ay u tageen. Caddaankii dhulkoodi loogu tagay waxa ay aamineen in dad ahaan dhulka laga qaadi doono, diin ahaan iyo dhaqan ahaanna mar dhow la doorin doono. Si ay taas uga badbaadaan waxa ay isugu habar wacdeen in soo galootiga nacayb xun oo cunsuri ah loo qaado, caddaankuna ku fara adaygaan dhaqankooda, taariikhdooda iyo weliba diintooda ba si aan loo dhaqan doorin.

Qofku marka uu wixii hore ku fara adaygo, waxa cusubna dagaal af iyo addin ah kala hor tago, maxaanu ku soo sheegnay? Midigta fog soo ma ahayn. Waa sababtaas sababta wixii 2010–kii ka danbeeyay ay Galbeedka ugu badanayaan dadka iyo xisbiyada cunsuriga ah ee ku ololeeya nacaybka soo galootiga iyo Islaamka. Nusqarniga danbe ee soo socda waxa la rajayn in fagaarayaasha siyaasadda ay bidixdu ka faaruqi doonto oo ay dunida guudkeeda ku loollami doonaan qolyo ah midigta fog oo mid waliba dhaqankiisa, taariikhdiisa iyo diintiisa uu ku dagaal geli doono. Waa sababtaas sababta uu Samuel P. Huntington u saadaaliyay in dagaallada mustaqbalku ay ku dhisnaan doonaan herdan dhex mari doona ilbaxnimooyinka kala duwan ee dunida.

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf “Taarwale”
Email: Calixaad1@gmail.com