Adduunka iyo Fayraska Koroona Dabadii | Youval Noah Harari – Vol: 01 – Cad: 47aad

 410 View

Indheergarad – Maarso 28, 2020 – Sooroga – Vol: 01 – Cadadka: 47aad

Aadanuhu hadda waxa ay waajahayaan dhibaato caalamiya. laga yaabaa in ay tahay dhibaatadii ugu waynayd ee jiilkan. Go’aannada ay qaataan dadku iyo dawladduhu is-buucayadan soo socda ayaa qaabayn doona adduunka sannadada imaan doona. Ma saamayn doonaan oo kaliya hababkeenna daryeelka caafimaad oo kaliya, balse, dhaqaalaheenna, siyaasadda iyo dhaqanka. Waa in aynnu la nidaamnaa ficil qorshaysan si degdeg ah. Waa in aynnu sida oo kale xisaabta ku darsanaa cawaaqibyada fog ee ka dhalan karta ficiladeenna. Kala doorashada baddiilka (Alternatives), waa in aynnaan is-waydiin oo kaliya, sidee looga gudbaa khatartan degdeg ah, balse, adduun noocee ah ayeynu dhaxli doonaa kaddib marka aynnu ka gudubno duufaantan. Haa, duufaantan waa dhaafi doonaa, aadanuhu waa badbaadi doonaa, badankeennu waxa aynnu ahaan doonaa kuwo weli nool- balse, waxa aynnu ahaan doonaa adduun ka duwan kan maanta.

Kuwo badan oo xaaladdo degdeg ah oo ku meel gaar ah ayaa noqon doona kuwo sii jira. Taasi waa dabeecadda xaaladdaha degdeg ah. Waxa ay horay u soo dhigaan hababka taariikheed. Go’aanno qaadan lahaa xilliga xaaladdu caadi tahay sannado badan ayaa lagu meel marinayaa saacado. Qaan-gaar la’aanta iyo weliba tiknooloojiyada khatar badan ayaa la hawl galinayaa. Waayo khatarta in aan waxba la qaban baa ka wayn. Dhammaan dalalkii ayaa hadda isku beddalay Guinea-pigs oo si baaxad wayn loogu samaynayo tijaabo bulsheed. Maxaa dhacaya marka qof walba shaqadiisa ka gudanayo guriga, laguna wada xiriirayo masaafo ahaan (distance)? Maxaa dhacaya marka dhammaan is-kuulada iyo jaamacadduhu ku baxaan qaab Online ah? Xilliga caadiga ah, dawladdaha, ganacsiyada iyo gudiga waxbarashadu ma yeelayaan in ay sameeyaan tijaabadaas, balse, wakhtigan maaha mid caadi ah.

Xilligan dhibaatada, waxa aynnu waajahaynaa labo doorasho oo gaar ah oo muhiim ah. Kan koowaad waa kan u dhaxeeya kalitalisnimada kormeereed (Totalitarian surveillance) iyo awoddaynta muwaadiniinta (Citizen Empowerment). Kan labaadna waxa uu dhaxeeyaa go’doominta daleed (Nationalist Isolation) iyo isku duubnida adduunka (Global Solidarity).

Kormeeridda Maqaarka Hoose (Under-the-skin Surveillance)

Si aad u joojiso cudurkan saf-mareenka ah, dhammaan dadku waxa ay u baahinyihiin in ay raacaan xeerar goonniya. Waxaa jira labo hab oo lagu gaaro. Habka koowaad waxa weeye in dawladdu ku samayso dadka kor-joogtayn joogt ah, kuwa xeerka jabiyana lagu ciqaabo. Maanta, waa markii koowaad taariikhda aadanaha, tiknooloojiyadu macquul ka dhigtay in kor-joogtayn lagu sameeyo qof walba wakhti kasta. Konton sanno ka hor, KGB ma awooddin in ay la socoto muwaadinka Soofiyeedka ee ka jooga 240m labaatan iyo afar saac ee maalintii. Xattaa ma awooddin KGB in ay si heersare ah u maamusho xogtii la soo aruuriyey. KGB waxa ay ku tiirsanayd sirdoonka dadka iyo lafo-gurkooda. Mana saamayn karayn in ay sirdoonkooda la socodaan muwaadin kasta. Balse, hadda dawladdu waxa ay ku tiirsantahay tiknooloojiyad mar walba joogto ah iyo Al-goriisam awood badan leh, halkii ay kaga tiirsanaan lahayd sirdoonka dadka.

Dagaalka ka dhanka ah oo ay kula jiraan fayraska saf-mareenka ah ee Karoona dhowr dawladdood ayaa is-ticmaalay agabka wax lagu kormeero (Surveillance tools). Kiiska ugu muhiimsan ee laga xusi karano waa kan Shiinaha. Iyagoo si dhow u kormeeraya taleefanada gacanta, samaynaya in la isticmaalo boqolaal milyan oo kaamiro oo lagu aqoonsanayo wajiyada iyo in dadka amar lagu siiyo in hubiyaan, diraan heerkulka jirkooda iyo weliba xaaladdooda caafimaad, dawladda Shiinaha maaha oo kaliya kuwo markiiba sheegaya kuwo looga shakiyo in qabaan fayraska Karoona, balse, waxa ay la socdaan qof walba dhaqdhaqaaqiisa waxayna sheegayaan cida uu xiriir la sameeyey. Tiro ablikayshano talafeenka gacanta ah ayaa uga digaya muwaadiniinta dadka u dhow ee qaaday fayraska.

Wax ku Saabsan Sawirka (About the Photography)

Sawirradan la socda maqaalkan waxaa laga soo qaaaday Webcams wadooyinkii Talyaaniga oo saxare u muuqda marka kor laga fiiriyo. Waxaa helay, oo ka faa’daystay Graziano Panfili sawir qaade hadda ku nool xaalad karantiin ah (Lockdown).

Tiknooloojiyada noocan oo kale ah kuma koobna Bariga Aasiya oo kaliya. Raa’sul wasaaraha Israa’iil ayaa dhowaan soo saaray amaro ah in loo daabulo Wakaalada Amaanka ee Israa’ii tiknooloojiyada wax lagu kormeero (Surveillance Technology) sida caadiga waxaa loogu talo galay kayd lagu la dagaalamo arggagixisada, balse, hadda waa in lagu raadraaco dadka la buka fayraska Karoona Markii ay gudiga baarlaamaanka ah ee joogtada ah diideen in ay dalabkaas sharciyeeyaan Netanyahu waxa uu isticmaalay dikrayto xaalad degdeg ah.

Waxaaba macquul ah in lagu dooddo waxan wax cusub kuma jiraan. Sannadihii ugu danbeeyey dawladda iyo kambaniyada waa wayn ba (Corporations) labaduba waxa ay ahaayeen kuwo isticmaala tiknooloojiyad casriya taas oo lagu raadraaco, lagu kormeero loogana faa’iidaysto dadka. Balse, haddii aynnaan taxadar muujin fayraskan saf-mareenka ah waxaa laga yabaa si kasta ha ahaatee in uu astaan u noqdo xaalad kormeer oo taariikhiya. Maaha oo kaliya in xaalad caadi ah ka dhigto daabulida agabka wax lagu kormeero dalalka markii horeba iska diiday, balse, in ay tilmaan u tahay is-beddal lagaga imaanayo kormeerida maqaarka dushiisa ilaa kormeerida maqaarka hoostiisa (under-skin).

Weli, marka fartaadu taabato shaashada moobaylkaaga, kuna dhufato linki dawladduna ay rabtay in ogaato waxa saxda ah oo fartaadu kilik (click) garaysay, fayraska karona dartii, dantii dawladda hadda waa is-beddeshay. Hadda dawladdu waxa ay doonaysaa in ay ogaato heer kulka fartaada iyo garaaca dhiigaaga ee maqaarka hoostiisa.

Macaanka Xaaladdaha Degdega (The Emergency Pudding).

Mid kamid ah dhibaatooyinka aynnu waajahayno marka aynnu ka shaqanayno meel la is kormeerayo ayaa ah in aynnan ogayn sida la innoo kormeerayo iyo waxa la imaan doonto sannada soo socda. Tiknoloojiyada wax lagu kormeero (Technology Surveillance) ayaa ah mid si degdeg ah horumar u samaynaysa, wax u muuqday sayniska khiyaaliga ah (Science-fiction) toban sanno ka hor ayaa maanta ah war hore (Old news). Inkasta oo ay tahay fikrad la tijaabiyey, ka soo qaad in ay dawladdu dalbato in muwaadin walba xirto qalabka lagu la socda jirka iyo dabaceedaha gaarka ah ee qofka, gaar ahaan wadno garaaca iyo heer kulka jirka (Biomatric bracelet) labaatan iyo afar saac ee maalintii. Maxsuulka xogta waxaa kaydinaya, haddana falan-qayn ku samayn doona Al-goriisam dawladdu leedahay. Al-goriisam kaasi waxa uu awood u leeyahay in uu ogaado in aad xanuusantahay ka hor inta aadan adigu ogaan, waxa ay sida oo kale ogaan halkee baad ku sugnayd iyo weliba cidda aad la kullantay. Xiriirsanaanta gudbinta fayraska waxaa laga yabaa in la soo yareeyo ama la soo af-jaro. Qalab noocaas oo kale ah waxaa laga yabaa in uu soo af-jaro cudurkan saf-mareenka ah. War aad u wanaagsan, sax?

Dhibtu waxa weeye, dabcan, taasi waxa ay sharciyad siinaysaa kormeerid cusub (New Surveillance) oo arggagax leh. Haddii aad ogtahay, tusaale ahaan in aan daawaday Fox News halkii aan ka daawan lahaa CNN taasi waxa ay wax kaa baraysaa aragtidayda siyaasaddeed iyo weliba laga yaabee tan shakhsiyadayda. Haddii aad awood u leedahay in aad kormeerto waxa ku dhacaya heerkulka jirkayga, cadaadiska dhigayga iyo wadno garaacayga marka aan daawanayo muuqaal, waxaad ogaanaysaa waxa iga farxiya, waxa iga oohiya iyo waxa iga caraysiiya.

Waa muhiim in aad xusuusnaato in carada, faraxadda, caajisnimada iyo jacaylku in ay yihiin daahiro bayloojiya (Biological Phenomena) sida qandhada iyo qufaca. Isla tiknooloojiyada sheegaysa qufaca waxa ay awood u leedahay in ay sheegto qosolka. Haddii kambaniyada waa wayn iyo dawladduhu bilaabaan in ay ka faa’idaystaan qalabka lagu la socda dabeecadaha gaarka ah ee qofka waxa ay ka ogaan karaan shakhsiyadeenna si ka wanaagsan sida aynnu innagu u ognahay. Ma sadaalin karaan oo kaliya dareemaheenna, balse, waxa ay ka faa’idaysan karaan dareemaheenna, waxa aynna inna ka gadi karaan wax walba oo ay rabaan- haddii ay noqoto badeecad ama siyaasad.

Qalabka lagu socdo dabeecadaha gaarka ah ee qofka waxa ay ka dhigi karaan Cambridge xogta lagu la fo guro (Cambridge Anlytica’s Data) xeeladdeeda lagu jabsado mid u muuqata xillgii dhagxaanta (Stone age). Bal sawirro Waqooyiga Kuuriya sannadka 2030 markaas oo muwaadin kasta laga rabo in uu xirto qalabka lagu socdo dabeecadaha gaarka ah iyo jirka qofka labaatan iyo afar saac ee maalintii. Haddii aad dhagaysato khudbad uu jeedinayo hoggaamiyaha wayn, qalabkuna uu sheego in aad caraysan tahay, waad tagtay.

Dabcan, waad ka dhigi kataa qalabka wax lagu la socdo (Biometric Surveillance) mid ku meeel gaar ah, kaas oo la isticmaalayo inta lagu jiro xaaladda degdeg ah. Marka ay dhammaatano la qaadayo. Balse, go’aanada ku meel gaarka ahi waxa ay leeyihiin dabeecado aan wanaagsanayn oo ah in ay sii jiraan, gaar ahaan mar walba oo ay jiraan xaaladdo degdeg ah oo qarsoon. Dalkayga hooyo ee Israa’iil, tusaale ahaan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku meel gaar ah intii lagu gudo jiray dagaalkii madax-banaanida ee sannadkii 1948 kaas oo lagu meel mariyey tiro amaro ah oo lagu faaf-reebayo saxaafada, la wareegida dhulka iyo xeer gooniya si loogu samayato macmacaan (kugu ciyaari maayo). Dagaalkii madax-baanaanida waa mid waa hore lagu guulaystay, balse, Israa’iil kuma dhawaaqin in xaaladdii degdeg ahayd dhammaatay. Waxa ay ku guuldarraysatay in ay baabi’iso amaro badan oo ku meel gaar ahaa kuwaas oo la qaatay sannadkii 1948 (xaaladdii degdeg ahayd ee sannadkii 1948 nasiib wanaag waxaa la qaaday sannadkii 2011).

Xattaa, marka la soo af-jaro fayraska Karoona, qaar kamid ah dawladdaha u ooman xogta waxay ku dooddi doonaan in la sii joogteeyo agabka lagu la socda xogta khaaska ah ee qofka, maxaa yeelay cabsida laga qabo fayraska Karoona oo mar labaad dilaaca ama maayee xanuunka Ebola oo ka soo bixi kara mar kale bartamaha Africa ama mayee … waad heshay fikrada. Dagaalka ugu culus dhowaanahan waxa uu ka socday xogaheenna khaaska ah. Dhibaatada fayraska Karoona ayaa laga yabaa in ay sii xoojiso dagaalka. Goortii dadka la kala dooran siiyo xogta shakhsiga ah iyo caafimaadka, badanaa dadku waxa ay door bidaan caafimaadka.

Saabuunta Booliska (The Soap Police).

In dadka la waydiiyo in ay kala doortaan xogaha khaaska ah (Privacy) iyo caafimaadkooda (Health) waa halka dhibtu taal. Maxaa yeelay waa doorasho khaldan. Waxa aynnu xaq u leenahay in aan helno labadoodaba. Waxa aynnu dooran karnaa in aan difaacano caafimaadkeenna, joojinona fayraska Karoona ee saf-mareenka ah, maaha in ay bilowno hirgelinta nidaam kalitalisnimo oo wax kormeera (Totalitarian Surveillance Regime), balse, in la awooddeeyo muwaadiniinta (Empowering Citizens). Isbuucyadii ugu danbeeyey dedaaladii guulaystay ee lagu tacaalaayey fayraska Karoona ee saf-mareenka ah waxaa la yimid Koonfurta Kuuriya, Singaboor iyo Taiwan. Inkasta oo ay dalalkani la yimaadeen agab (Application) lagu tixraacayo, waxa ay ku tiirsanaayeen tijaabo gun-dheer, soo sheegida xogo daacad ah iyo rabitaan in la shaqeeyeen muwaadiniintooda oo ah kuwo wacyi fiican leh.

Kormeerida dawladda dhaxe (Centralised Monitoring) iyo ciqaabida aadka u daran maaha hababka kaliya ee dadka ka dhigaya in adeecaan sharciga. Marka dadka loo sheego xaqiiqooyinka cilmiga ku salaysan, dadkuna aamminaan xogta ay sheegayso dawladdu, dadka waxa ay qabanayaan wax saxda ah, iyagoo aan u baahnayn in uu ilaaliyo walaalka wayn (Big Brother). Bulsho wacyi fiican leh oo is-diraysa baa ka wanaagsan ayaa badanaa ka awood badan, oo ka wanaagsan mid boolis ilaalinaayo oo jaahil ah.

Ka soo qaad, tusaale ahaan in aad saabuun ku dhaqdo gacmahaaga. Tani waa mid kamid ah waxyaabaha ugu sarreeya ee aadanuhu nadaafad ahaan horumar ka sameeyey. Ficilkani yari waxa uu badbaadiyaa nolasha malaayiin qof sannad walba. Inkasta oo aynnu iska dhaxalnay innagu, waxa ay ahayd qarnigii sagaal iyo tobnaad markii saynisyahanadu ogaadeen muhiimada ay leedahay in gacmaha lagu dhaqdo saabuun. Wixii ka horreeyey xattaa dhakhtarada waxa ay isaga gudbi jireen dhowr qaliin iyaga oo aan dhaqin gacmahooga.

Maantase bilyan dad ah baa maalin walba gacmahooga dhaqa. Maaha in ay ka baqayaan saabuunta booliska (Soap Police) balse, waa in ay fahmeen xaqiiqada. Gacmahayga waxaan ku dhaqaa saabuun, maxaa yeelay waxaan maqlay in fayraska iyo bakteeriyadu, waxaan fahmay in ay noolahan yaryari (Tiny organism) ay sababaan xanuun, waxaan kaloo ogahay in saabuuntu disho.

Balse, si loo gaadho in dadku raacaan loona helo oo wado-shaqayn heer sare ah waxaad u baahantahay aaminaad. Dadku waxa ay u baahanyihiin in ay aaminaan sayniska, dawladda, iyo warbaahinta. Dhowrkii sanno ee ina dhaafay, siyaasiyiin masuuliyada ka maran ayaa si cad u curyaamiyey sayniskii, dawladdii iyo warbaahintii. Waxaaba laga yabaa in siyaasiyiintaa ka maran masuuliyada in ay isku beddelaan kali-taliyaal, iyagoo sabab uga dhigaya in aan waxba lagu aamini karin shacabka.

Sida caadiga ah, aaminaadii sannado badan la soo burburinaayey laguma dhiso karo hal habeen. Balse, hadda maaha xilliyadii caadiga ahaa. Marka lagu jiro dhibta, maskaxdu waxa ay awood u leedahay in ay si degdeg ah isku beddesho. Waxaa laga yabaa in ay adiga iyo carruurtada idin dhextiil dood aan wanaagsan, balse, marka ay dhacdo xaalad degdeg ah, waxaas si degdeg ah ula soo baxaysaa aaminaad iyo saaxiibtinimo idiin qarsoonayd. Waxaadna u kala ordaysaan caawinta midba midka kale. Halkii aad ka dhisi lahayd nidaam lagu kormeero dadka, maaha wakhti danbe in dib loo dhiso aaminaada sayniska, dawladda iyo warbaahinta. Waa in aynnu ka faa’idaysanaa tiknoolooniyada cusub, iyadoo awood la siinayo muwaadiniinta. Waxaan door bidayaa in aan ogaado heer kulka jirkayga, garaaca dhiigayga, balse, waa in aan xogtayda loo isticmaalin in aannay dhisan dawlad kali-talis ah. Halkii, waa in ay noqotaa xog iga dhigaysa mid wacyi sare leh iyo mid ka dhigaysa in dawladda lala xisaabtamo.

Haddii aan labaatan iyo afar saac ee maalintii aan la socdo xaaladdayda caafimaad ogaan maayo oo kaliya in aan halis ku ahay dadka kale, balse, dabeecadaha ka qayb-qaadanaya caafimaadkayga. Haddii aan helayo xisaab iyo xog lagu kalsoonaar karo oo ku saabsan faafida fayraska Karoona, waxaan ogaan karaa in dawladdu ii sheegayso run iyo ay la timid siyaasad ay kula dagaalamayso fayraskan saf-mareenka ah. Xusuusnow mar walba tiknooloojiyada dawladdu u adeegsanayso in ku kormeerto dadka, waxaa sida oo kale loo adeegsan karaa in lagu kormeero dawladda qudheeda. Fayraska Karoona ee saf-mareenka ah waxa uu noqon doonaa imtixaan wayn oo muwaadineed. Maalmaha imaan doona, waa in qof walba ka doortaa aaminaada xogta sayniska iyo khuburada caafimaadka, aragtiyaha aan salka iyo raadka lahayn ee shirqoolka iyo siyaasiyiinta danlayda ah. Haddii aynnu ku fashilano in aan qaadano go’aanka saxda ah, waxaa laga yabaa in iska wareejino xorriyadeennii ugu qaalisanayd, innagoo ku fakerayna in sidaasi tahay qaabka kali ah oo aynnu ku ilaalin karno caafimaadkeenna.

Waxa Aynnu u Baahanahay Qorshe Caalamiya (Global Plan).

Go’aanka labaad ee muhiimka ah ee aynnu waajahayno ayaa ah kan u dhaxeeya go’doominta daleed (Nationalist Isolation) iyo isku duubnaanta dhammaan adduunka (Global Solidarity). Fayraskan saf-mareenka ah iyo dhibaatada ka dhalatay ee dhaqaale burbur labaduba waa dhibaatooyin caalamiya (Global Problems). Waxaanna lagu xalin karaa in dalalku dhammaan ka wada-shaqeeyaan (Global Co-operation).

Ugu horreyn si looga guulaysto fayraskan waxa aynnu u baahanahay in dhammaan dalalku aynnu wadaagno xogta. Taasi waa faa’iidada ay dadka ka haystaan fayraska. Karoona fayraska Shiinaha iyo Karoona fayraska Maraykan isma dhaafsan karaan sida aadanaha loogu gudbiyo fayraska. Balse, Shiinuhu waxa uu siin karaa Maraykanka cashar muhiim ah oo ku saabsan fayraska Karoona iyo sida loola tacaalo. Xogta uu daaha ka qaada subaxii dhakhtarka Talyaani ee Milan joogaa ayaa badbaadin karta nafo badan oo reer Tahran ah fiidkii. Marka ay dawladda Ingiriis ka labo labayso dhowr siyaasaddood waxa ay talo ka heli kartaa Kuuriya oo dhibtan soo martay bil ka hor. Si ay tani u dhacdo waxa aynnu u baahanahay wada-shaqayn iyo is-aaminaad.

Dalalka waa in ka go’antahay in wadaagaan xogta si daah-furan aynna noqdaan kuwo talo raadsada iyo weliba kuwo awoodda in ay aamminaan xogta iyo aqoonta ay heleen. Waxa kale oo aynnu u baahanahay dedaal caalamiya si aynnu u soo saarno una qaybino qalabka caafimaadka, weliba qalabka tijaabada lagu qaado iyo mashiinada neefsashada (Respiratory machines). Halkii uu dal walbaa uu u hawl-gali lahaa kaligiis, kaydsan lahaana qalab walba oo uu helo, dedaalada wada-shaqayneed ee caalamiga ah ayaa soo dedejin karta wax soo saarka, xaqiijin kartana qalabka lagu badbaadinayo dadka in loo qaybiyo si caddaalad ku jirto. Sida dal walba u qarameeyo warshadihiisa muhiimka marka uu ku jiro dagaal dagaalka adaanaha ee ka dhanka ah fayraska Karoona waxa ay innoo ka baahanyihiin in aadanaha u fekerno (Humanise) marka la soo saarayo waxyaabaha muhiimka ah. Dalalka qaniga ah ee uu ka jiro kiisaska kooban ee fayraska waa in ay u diraan dalalka saboolka ah ee uu ka jiro kiisas badan oo fayraska ah qalabka muhiimka ah, isagoo aaminaya in marka u baahanyahay taageero uu ka helayo dalalka kale.

Waa in aynnu sidoo kale u fekernaa in dalalka ay ka jirto kiisaska kooban ee fayraska uu diraa dhakhaatiirta caafimaadka dalalka uu ka jiro kiisaska faraha badan ee fayraska, si ay u caawiyaan xaaladda ay u baahanyihiin, sida oo kalenna khibrad uga bartaan. Haddiiba fayraska saf-mareenka ah uu jihada kale aado caawinaadu aado dhanka kale. Wada-shaqaynta caalamiga ah sidoo kale waxa ay geli karaa dhanka dhaqaalaha. Ka soo qaad dabeecada dhaqaalaha iyo xiriirsanaanta dalabaadka, haddii dawlad kastaa ay kaligeed wax iska qabsato iyadoo aan ahmiyad siinayn kuwa kale, natiijadu waxa ay noqonaysaa qas iyo mid dabo-dheeraata. Waxa aynnu u baahanahay qorshe ficil oo caalamiya, waxa aynnuna ugu baahanahay si degdeg ah.

Sida oo kale waxa aynnu u baahanahay heeshiis caalamiya oo khuseeya safarka. Xayiraada safarada caalamiga ah bilooyin waxa ay abuuri doonaan dhibaatooyin kale, wax aynna adkayn doontaa dagaalka lagu la jiro fayraska Karoona. Dalalku waxa ay u baahanyihiin in ay wada-shaqeeyaan si ugu yaraan safarada muhiimka ah, sida: saynisyahanada, dhakhtarada, wariyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatadu isaga gooshaan adduunka. Tan waxaa lagu gaari karaa iyadoo la helo heshiis caalamiya iyadoo dadka safraya lagu sii baarayo dalalkooda. Haddii aad ogtahay in dadka la soo hubiyey loo oggolyahay diyaarada waxaad u oggolaanaysaa dalkaaga.

Nasiib-darro, dalalka wakhtigan way adagtahay in ay intan sameeyaan. Curyaamin wadareed ayaa dib-u-dhigtay beesha caalamka. Waxa ay u muuqata in aannay jirin wax hoggaamin ah. Mid la rejaynaayey ayaa ahayd in isbuucyadii ina dhaafay la rabay in uu qabsoomo shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka ku bahoobay G7, si ay ula yimaaadaan qorshe guud. G7 waxa ay qabteen shir ku qabsoomay muuqaal isbuucan kamana soo bixin qorshahaasi. Dhibaatooyinkii hore ee adduunku soo maray, sida: dhaqaale burburkii 2008 iyo fayraskii saf-mareenka ahaa ee Ebola, dawladda Maraykan waxa ay ciyaartay doorkeedii hoggaamineed ee adduunka, balse, nidaamka Maraykan ee maanta jiraa waxa ay u muuqaata in uu doorkaas ka haajiray. Waxa uu cadeeyey in uu danaynayo saraynta Maraykan in ka badan mustaqbalka aadanaha.

Maamulkani xattaa waxa uu meel cidlo ah kaga tagay xulafadiisii ugu dhowayd. Markii uu mamnuucay safarada Yurub oo dhan, dhib wayn ba kuma hayn in uu sii siiyo wax ogaysiin ah. Ha ka la tashado oo kaliya reer Yurub amarada aadka u daran (Drastic measures). Waxaaba fadeexaysay dalka Jarmalka, kaas ku dacwaysay in uu u soo gudbiyey hal bilyan farmasiiyada Jarmalka kuwaas oo uu rabay in uu ka iibsado xaquuqda gaar ahaaneed ee talaalka cusub ee Covid-19. Xattaa haddii maamulkan hadda jiraa uu beddelo dhaqankaas oo la yimaado qorshe caalamiya, dalal faro ku tiris ah baa raacaya dal aan masuuliyad qaadayn, khaladna qiranayn, wax walba oo wanaagsana naftiisa ku sifaynaya, isagoo wixii dhaleecayn dusha ka saaraya kuwa kale.

Haddii aanay dalalka kale buuxin booskaa uu beeneeyey Maraykan, kaliya ma sii adkaanayso in la joojiyo fayraska saf-mareenka ah, balse, waxa ay sababi doontaa in dhaxalkiisu sumeeyo xiriirka caalamiga ah sannadada imaan doona. Hase yeeshee dhibaato walba sida oo kale waa fursad. Waa in aynnu rejaynaa fayraskan saf-mareenka ah in aadanahu xaqiijistaan khatarta daran ee ku hayo midnimo laa’aanta caalamiga ah. Aadanahu waxa ay u baahanyihiin in kala doortaan, miyayna isla burburnaa midnimo la’aanta darteed? Mise waxa aynnu la nimaadnaa wado kale oo ah isku duubnida caalamaga ah (Global Solidarity)? Haddii aynnu doorano midnimo la’aanta, kaliya ma sii dabo-dheerayn doonto dhibaatada, balse, sida oo kale waxa ay sababi doontaa masiibo ka sii daran. Balse, haddii aynnu doorano isku suubnida adduunka, maaha kaliya guul laga gaarayo fayraska Karoona, balse, sida oo kale dhammaan cudurada saf-mareenka ah ee imaan doona mustaqbalka iyo dhibaatooyinka khatarta ah oo ay waajihi doonaan aadanuhu qarniga kow iyo labaatanaad.

W/Q: Yuval Noah Harari
W/T: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com