Yaa Ku Yidhi Halyey iyo Hal-abuur Walba Caddaalad Buu Helaa? – Vol: 01 – Cad: 48aad

French eighteenth-century thinkers of the Age of Enlightenment. Voltaire, with his arm raised, is prominent among a group of intellectual friends, who are here shown discussing ideas of the Enlightenment, a time during which traditional institutions and beliefs were criticized and questioned.

 457 View

Indheergarad – Juun 05, 2020 – Hakisbila – Vol: 01 – Cadadka: 48aad

Hordhac

Qaarad iyo qaran walba, xaaladda adduunka maanta waxaa lagu sifayn karaa hal eray oo kaliya- ARGAGAX! Dal walba- mid awood leh iyo ku faqiir ah, mid horumaray iyo mid dib-u-dhacsan, mid daryeel caafimaad oo tayo leh haysta iyo mid aan haysan, mid xulufo leh iyo mid aan lahayn- dhammaantood xaaladdooda waxaa lagu sifayn karaa mid arggagax leh. Bulsho badan oo dhaxashay nolol xorriyaddu saaxiib iyo hoy u tahay, bulsho badan oo aan dareemin muhiimada iyo qiimaha xorriyadda ayaa kaddib markii ay hal mar guryihii lagu xarreeyey, loo diiday in ay is-booqdaan, laga mamnuucay in ay cisbitaalka ku booqdaan dadkii ay jeclaayeen, laga hor is-taagay in ay duugaan sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd kuwii ay jeclaayeen ayaa hal mar dareemay qiimaha xorriyada, faa’iddada caafimaadka iyo raafadka xabiska.

Badankoodu hadda ayey dareemeen dhibta lagu hayo shacabka reer Falastiin, kuwaas oo qarni barkii xorriyad daleed iyo mid daddeed ba loo diiday; bulsho badan ayaa dareentay nolosha uu hadda ku noolyahayJulian Assange, Salmaan Al-cawda iyo inta lamidka ah ee caddaalad darrada u xiran. Bulsho badan oo ay Hindiya ugu horreyso ayaa dareentay dhibta reer Kashmiir uu ku hayo maamulka xagjirka ah ee Modi iyo Amit Shah. Ma maqashay abaar dhib badnayd oo sannaddadan danbe dhulka Soomaalida haysay, oo dad badan u bixiyeen SIMA, saamaynta uu Koorano Fayraska ku yeeshay adduunka waxaa lagu magcaabi karaa “Xanuunkii Sima”.

Saddexda Saamaynta Leh

Yeelkeede, xaaladda arggagaxa iyo saamaynta leh ee uu adduunka ku yeeshay Karoona Fayrasku waxa uu dal kasta iyo bulsho walba ku khasbay in ay saddex qolo u dabo fariistaan: talo, hoggaamin, hal-abuur iyo rejo. Saddexdaas qolo oo kala ah: Madaxda dalkooda, Culimada diimaha ama hoggaamiyayaasha diimaha iyo Saynisyahanada.

Siyaasiyiinta

Xaaladdan adag ee lagu jiro waxa ay kala saartay hooggaamiyihii kartida u saaxiibka ahaa iyo kii kartida darnaa. Dhammaan khuburada caafimaadku iyo aqoonyahanada kale ba waxa ay ammaan u soo jeediyeen hoggaamiyayaal dhowr ah oo si fiican uga badbaadiyey dadkooda Fayraskan halista ah, dalalkaas haddii aan dhowr ka tilmaamo waxaa kamid ah: Singaboor, Taywaan, Taylaan, New Zealand iyo Jarmalka. Hoggaamiyayaasha fadhiidka noqday waxaa kamid ah: Trump ka Maraykan, Boris Johnson ka Ingiriiska, oo xattaa xanuunkii isaga soo ritay, Jair Bolsonaro ha Baraasiil, Modi ga Hindiya, hoggamiyaha Talyaaniga iyo Macron ka Faransa.

Hoggaamiyayaasha Diimaha

Culimada diimaha ama hoggaamiyayaasha diimuhu markii Koroona Fayrasku u kala gudbay dhowr dal, waxa ay u qayb-sameen labo kooxood: koox aad u yar, oo wacyi ahaan iyo aqoon ahaan dhisan, oo markiiba ku baaqday in la dhagaysto talada, aqoonta iyo amarada ka imaanaya khuburada caafimaadka iyo qolo labaad oo aad u faro badan, oo markiiba khuraafaad dadka ula dareeray, kuwaas oo xattaa keenay waxa ay ugu yeerayn daawo.

Koonfurta Kuuriya oo si xun xanuunku ugu dhuftay waxaa la sixi waayey oo diiday taladii iyo amaradii khuburada caafimaadka kaniisad ay ku cibaadaystaan koox Kiristan ah, oo xagjir ah. Taas oo aad u faafisay xanuunka. Kaniisadan oo lagu magcaabo Shincheonji (New Heaven and Earth) Jannada cusub iyo Dhulka, waxaa asaasay nin lagu magcaabo Lii Maan Hii, sannadkii 1984. Ninkan oo sheegtay in uu yahay ninka Ciise u hadla, ayaa ku doodday xattaa in aannu dhimanayn. Lii iyo xertiisu waxa ay diideen in la xiro kaniisadooda; waxa aynna ku dooddeen Karoonahan in loogu marmarsiiyoonayo diintooda iyo cibaadadooda.

Hindiya, bishii March-14-keedii, qolo Hinduu ah, waxa ay cabeen kaadi Lo’aad, waxa aynna sheegeen in ay daawo ka tahay kaadida Lo’ du Fayrska Karoona, taas oo ay keento bakteeriya, inkasta oo ay hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) sheegtay in xanuunkan Fayras keeno, balse, aannay keenin Bakteeriya. Nin lagu magcaabo Om Prakash ayaa sheegay in ay wakhti dheer isticmaalayeen kaadida Lo’da si ay ugu nadiifiyaan jirkooda iyo ruuxdooddada; isla jeerkaasna ay daawo ka tahay jeermiska Karoona Fayras.

Hinduugaas waxa ay canbaarayn u soo jeediyeen dowladda Hindiya iyagoo ku dhaliilay in ay soo dhoofsanayaan daawo qalaad, iyadoo ka dhuumanaysa kaadida Lo’da oo ah daawo diimeed wakhti badan bulshadaasi soo isticmaalaysay. Waxaa se yaab lahayd baadari aad looga yaqaan Maraykanka, oo kaniisad ka taajiray oo deggan dalka Maraykanka laguna magcaabo Kenneth Copeland ayaa labadii bishii afraad muuqaal uu siidaayey ku sheegay in uu dabaysha ku dari doona Fayraska Karoona; taasi la yaab bay runtii noqotay. Iskadaa in uu dabayl ku daree, hal Milyan oo Maraykan ah ka badan baa Fayraskii soo ritay, boqol iyo konton kun oo nafood na waa galaaftay.

Culimo badan oo Islaam ah ayaa qudhooda markii cudurka ka dilaacay Shiinaha, sheegay in cudurkan Ilaahay ugu talo galay Shiinaha, si uu ugu hiiliyo muslimiinta dhiban ee Wiigariska, oo dowladda dalkaasi ku hayso dhib aan yarayn. Markii cudurkii Shiinaha dhaafay oo u gudbay dalal badan oo aan Muslim ahayn, culimadii waxa ay ku dareen in cudurkan Ilaahay ku imtixaanayo dadka aan muslimka ahayn, kuwaas oo sida ay hadalka u dhigeen xadgudbay. Culimada tabliiqa ah ayaa qudhoodu aan joojin kulamo iyo muxaadooriyin ay ku lahaayeen Baakistaan iyo dalal kale, iyaga oo ku doodday in aannu cudurkani Muslimiinta ku dhicin. Taas oo keentay in cudurkii si dhakhso ah u faafo, ilaa markii dambe dowladda Baakistaan joojisay kulamo ay lahaayeen culimadaas tabliiqa ah, marka kalenna go’doomisay masaajidyo ay tabliiqu kullan ku lahaayeen oo xanuunka laga helay.

Malaysiya bishii saddexaad ee sannadkan dad tiradoodu tahay 673, oo laga helay xanuunka, saddex meelood oo labo meelood waxa ay kullan ku lahaayeen masaajid ay ku kulmeen kooxda tabliiqa, oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya iyo Baakistaan. Ciraaq Shiikh lagu magcaabo Hadi Al-modarresi oo sheegay in xanuunkan Shiinaha Ilaahay ugu talo galay si uu ugu hiiliyo musliiminta Shiinaha, buu soo ritay Fayraskii. Inkasta oo gadaal laga qaxiijiyey in cudurka laga daaweyey isaga iyo qoyskiisa ba.

Culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu horreeyo Umal inkasta oo uu markii danbe afka duubtay, dadkana ka wacyi galiyey xanuunkan halista ah, balse, markii hore waxa uu ku doodday in xanuunkan Ilaahay gaalada ku imtixaanayo, kuwaas oo macaasidoodii badatay; sidaas si lamid ah waxaa sameeyey Shiikh Barbaraawiga Hargaysa, oo markii hore xanuunka ku sheegay xanuun Ilaahay gaalo ku imtixaanayo, is-buuc kaddibna isagaa isku jawaabay oo is-radiyey. Isagoo leh, xanuunkan looma aannayn karo xanuun gaaalo. Shiikh Xuseen Cali ga Tabliiqa ah waxa uu ka horyimid isagoo jeedinaayey khudbad talada caafimaadka ee oronaysa in aan la isi salaamin, si aannu xanuunku u gudbin.

Yeelkiise yaabku, Boosaaso Shiikh lagu magcaabo Rusheeye oo ka shaqaysta waxa uu ugu yeedhay dumarka Jinku galo ayaa sheegay in uu hayo daawadii Karoona Fayraska isagoo dadka horkeenay booyad biyo ah; Shiikhaas oo markii danbe Boosaso isaga baxay, oo aaday dhankaas iyo Burco. Burco iyo Hargaysa waxaa ka soo baxay wadaado sheegay in hayaan daawadii Karoonaha. Isku soo duuboo, dhammaan siyaasiyiinta fashilmay, oo ay ugu horreeyaan Trump ka Maraykan, Bolsonaro ha Baraasiil iyo kuwa Iiraan iyo hoggaamiyaayasha diimaha ee aynnu ka soo sheekaynay dhammaantood waxa ay ka sinaayeen hal arrin taas oo ah in ay kor u qaadayaan aragtida mu’aamaraadka ama shirqoolka (Conspiracy Theories) iyagoo leh halkaas baa lagu sameeyey Karoonaha, sidaasna waa loo sameeyey, cidaasna waa loogu talo galay, si loogu dilo dadkooda iyo dhaqaalahooda.

Qoloda saddexaad ee adduunka sida dhow loo sugaayey taladooda, khibradooda, aqoontooda iyo weliba hal-abuurkooda ku saabsan talaal lagu la tacaalayo fayraskan waa Saynisyahannada, oo ah qoloda aynnu kaga sheekayn doono qoraalkeenan. Saynisyahannadu waxa ay inta badan caan ku yihiin hadal yar iyo howl badan. Saddexdii qarni ee aynnu soo dhaafnay ma jirto cid ka wax qabad badnayd saynisyahannada kuwaas dhinac walba hal-abuurkooda lagu liibaanay. Qoraalkeennan kagama sheekayn doono wax qabadkii saynisyahanada oo dhan, kaliya waxa aynnu eegi doonaa sida ay horumar wayn uga sameeyeen caafimaadka (Health) iyo sida ay xanuuno badan oo dilaa ahaa u soo af-jareen, iyagoo soo saaraya talaalo iyo daawooyin.

Waxqabadka Saynisyahanada Dhanka Caafimaadka

Buuggiisa Englightenment Steven Pinker waxa dadka waydiiyey su’aashan: How do we explain the gift of life that has been granted to more and more of our species since the end of the 18th century? Su’aasha sida aad doonto uga jawaaab, balse, ma jirto cid ka mudan mahadnaq iyo amaan, Ilaahay ka sakow, aqoonyahanada sayniska, kuwaas oo xanuuno badan oo dilaa ahaa soo afjaray. Xanuunada safmarka ah (Epidemics) waxa ay dili jireen milyinis qof ka badan, waxa dhulka la simi jireen xadaarado dhan, waxa aynna burbur xoogaan iyo dhibaato kaga tagi jireen dadka. Cudurradaas safmareenka ah faqiir iyo taajir ba uma aabbo yeeli jirin, labada ba isku si buu u layn jiray.

Sannadkii 1836 ninkii xilligaas ugu taajirsanaa addduunka oo lagu magcaabo Nathan Mayer Rotheschild ayaa u geeriyooday xanuun ka soo bax ah; dhowr boqortooyo oo Ingiriis ah waxaa xilligoodii soo gaabiyey oo ay u geeriyoodeen dhowr xanuun oo kala duwan, sida: Malaariya, Tiibay (TB), oof-wareen (Pneumonia), tiifow (Typhoid) iyo furuq (Smallpox), madaxweynii Maraykanka Henry William Harrison wax yar kaddib caleemo saarkiisii  waxaa soo ritay xanuun, kaas oo uu muddo bil ah kaddib u geeriyooday; James Polk madexweyne kale oo Maraykan ah isna waxaa soo ritay daacuun colooleed saddex bil kaddib markii uu baneeyey xafiiska sannadkii 1849 kii.

Balse, sida taariikhda ku cad, laga soo bilaabo dhammaadkii qarnigii siddeed iyo tobnaad, markaas oo ay saynisyahannada hal-abuureen talaalka iyo kaddib markii la dedejiyey aragtida jeermiska ee cudurada, waxaa xal loo helay xanuun badan oo galaafan jiray bilyanis dad ah; waxyaabaha la gaaray ama la ogaaday waxaa kamid ah: awoodda iyo faa’iddada gacmo dhaqashada, ummulisada, daawaynta biyaha wasakhaysan, kuwaas oo galaafan jiray tiro badan oo dad ah iyo in la xakameeyey xanuunka jadeecada. Sannadkii 1995 koox saynisyahanno ah ayaa ku dhawaaqay talaalka cudurka Dabaysha (Polio) ee uu hal-abuuray saynisyahanka Jones Salk, cudurkaas oo sannad walba galaafan jiray kumanaan dad ah. Jones kaligii maahee, waxaa jira saynisyahanno kale oo uu kamid yahay Karl Landsteiner kaas oo daaha ka qaaday noocyada dhiiga (Blood Groups) taas oo ay ku badbaadeen bilyanis dad ah.

Koox kale oo saynisyahanna ah oo aadan maqal, balse maalin walba hal-abuurkoodii iyo waxqabadkoodii dad lagu badbaadiyo baan halkan kuugu soo gudbin, saynisyahanadaa waxaa kamid ah: Abel Wolman iyo Linn Enslow oo hal-abuuray daawada biyaha lagu sifeeyo ee loo yaqaan Kolooriin (Chlorination of water) taas oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 177 milyan oo nafood, William Foege kaas oo keenay habka lagu ciribtirayo furuqa (Smallpox Eradication Strategy) taas oo badbaadisay dad lagu qiyaaso 131 milyan, Maurice Hilleman kaas oo hal-abuuray daawada siddeedda (Eight Vaccines) waxa aynna badbaadisay 129 milyan dad lagu qiyaaso ah, John Enders talaalka jadeecada (Measles Vaccine) waxa aynna badbaadisay 120 milyan tiro lagu qiyaaso oo dad ah.

Howard Florey oo hal-abuuray daawo anti-baayootik ah oo lagu magcaabo Penicillin taas oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 82 milyan oo dad ah. Gaston Roman oo hindisay talaal lagu magcaabo Diphtheria iyo tenanus taas oo ay ku badbaadeen dad 60 milyan lagu qiyaaso. David Nalin oo hal-abuuray daawo afka laga qaato kaddib marka qofku fuuq baxo, taas oo badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 54 milyan. Paul Ehrlich oo hal-abuuray daawada Diphtheria iyo tenanus waxa ay badbaadisay 42 milyan.

Andreas Gruntzig oo hal-abuuray daawada cudur kala xidha halbowlaha dhiiga kaas oo lagu magcaabo Angioplasty waxa aynna badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 15 milyan. Grace Eldering iyo Pearl Kendrick ayaa iyaguna hindisay talaalka qiix-dheerta taas oo badbaadisay 14 milyan. Gertude Elion oo hal-abuuray daawada Rational drug design taas oo badbaadisay 5 milyan. Koox cilmi-baadhayaal ah oo diiwaan galiyey inta dad ee hal-abuurkaaas ku badbaaday ayaa sheega dad lagu qiyaasi shan bilyan oo dad ah, iyagoo doortay kaliya boqol saynisyahan oo kaliya.

Cudurka furuqa oo qarnigii labaatanaad galaaftay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 300 milyan ayaa la soo af-jaray ama la cidhib tiray. Mo ogtahay akhristow in bukaankii ugu danbeeyey ee xanuunkaas furuqa laga daweeyey uu ahaa Soomaali sannadkii 1977? Waxaan filayaa, waa maya. Balse, waad garanaysaa dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya. Xanuunka duumada (Malaria) oo galaafan jirtay kala badh dadkii noolaa qarnigii labaatanaad iyo wixii ka horreeyey ayaa rejo laga qabaa in la cirib tiro inta lagu guda jiro qarnigan. Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2015 ayay hoos u dhacday 60%, hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa dejisay qorshe lagu yaraynayo xanuunka 90% sannadka 2030, waxaana la rejaynayaa in laga ciribtiro xanuunkan soddan iyo shan dal, oo kamid ah shagaashan iyo toddoba dal oo xanuunkan faafaa ka jiro. Xanuunkan duumada ayaa laga soo afjaray dalka Maraykanka sannadkii 1951, kaas oo uu ka ahaa shaacsane.

Intaas waxaad ku sii dartaa horumarka laga gaadhay aqoonta dhakhaatiirta, kuwaas awood u yeeshay in ay aqoon buuxda u leeyihiin jirka qofka, iyagoo qalliin ku samaynaya meel walba oo jirkeenna kamid ah. Ha ilaawin hal-abuurka qalabka cusub kaas oo fudeeyey in si fudud xanuuno badan lagu daawayn karo ama lagu xakamayn karo. Waa sax, waxaa jira xanuuno badan, sida HIV, AIDS oo aan weli daawo loo helin, balse, waxaa guul ah sida loo xakameeyey, oo dalal badan oo xattaa Afrika ugu horreyso looga yereeyey xanuunkan.

Ugu danbayn xanuunka Karoona Fayraska oo maanta madaxa la galay shan milyan oo qof oo bukto ah, dhimishaduna kor u dhaaftay saddex boqol oo kun, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins, waxa uu ku soo beegmay xilli aqoonta, tiknooloojiyada, khibrada iyo awoodda saynisku ay aad u sarreyso, waxaana hadda saynisyahanada laga sugayaa in ay sannad gudihii kaga jawaabaan fayraskan. Ha moodin in cudurkan sidaa dhaksaha u faafayo ay keentay awood darrada iyo aqoon yari dhanka dadka ah, balse waxaa sababay wada-shaqayn la’aanta dhanka dowladdaha ah, gaar ahaan labada dowladdood ee adduunka ugu awoodda badan, Shiinaha iyo Maraykanka, iyo weliba karti darada madaxada qaar, sida madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Arrin siyaasiddeed baa keenay in uu si dhakhso ah ku faafo. Isku soo duuboo, weli ma helin saynisyshanadaas aynnu ka sheekaynay, oo keenay horumarkaas iyo guushaas aqoonsigii ay mudnaayeen. Balse, yaa ku yidhi taariikhda caddaalad samaysa? Yaa ku yidhi halyey iyo hal-abuur walba caddaalad buu helaa?

Xigasho:

  1. Buugga Steven Pinker, Enlightenment.
  2. Al-Jazeera
  3. BBC News
  4. South China Morning
  5. Dawn.com
  6. World Health Organizatin (WHO)
  7. Agence France-Presse (AFP)
  8. Johns Hopkins University
  9. Hiiraan.com
  10. The New Arab

W/Q: Maxamed Cabdi Maxamed “Guutaale”
Email: tilmaame2017@gmail.com