Kaalinta Duqeyda Dhaqanka ee Nabad-dhiska Soomaaliya – Vol: 01 – Cad: 49aad

 342 View

Indheergarad – Juun 13, 2020 – Sooroga – Vol: 01 – Cadadka: 49aad

Hordhac

Duqeyda dhaqanka ee kala geddisan oo ay bulshada Soomaalidu muddo aad u badan uu ku dhisnaa hab-maamulkoodu, gumeystihii ka hor iyo ka dib. Waxa ay u noqdeen tiir adag dhismaha nabadda oo horseedda qarandhiska Soomaalida. Dhammaan burburkii ka dib maamulladii la dhisay oo dhan waxa kaalin weyn oo muhiim ah ka qaatay duqeyda dhaqanka. In ay duqeyda dhaqanku kaalin weyn ku yeesheen arrimihii siyaasaddeenna waa dood kale oo aynaan kaga hadlayn maqaalkan, laakiin kaalinta ay ku leeyihiin dhismaha nabadda (Peace Building) ee bulshadeenna. Middaas oo horseed u ah had iyo jeeraale in la dhiso qaran nabaddiisu ay fadhido, sal adagna ay leedahay.

Tusaale ahaan dhismaha nabadda ee Soomaalilaan iyo Buntilaanba waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ku taagan tahay waa duqeyda dhaqanka (Madax dhaqameedka ama Isimada). Haddaba maxaa ay Koonfurta Soomaaliya ee aan nabadda ahayn ay ka baran kartaa qaabdhismeedka nabadda iyo kaalinta dhaqanku ku leeyahay nabadeynta dalka, caqabadaha hortaagan, ururka al-Shabaab iyo la dagaalanka uu kula jiro madaxdhaqameedka, weli ma la isku dayay in dhaqan wax lagu dhiso, saameyn intee le’eg baa uu ku yeelan karaa qarandhiska dambe iyo sida oo kale ma yahay qorshe guuleystay oo si toos ah (Practical) loo arkay? Waa wayddiimaha aynnu maqaalkan ku lafaguri doonno, haddii Eebbe idmahayo.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com