Dimuqraadiyadda iyo Kaalinta Dumarka ee Maamulka – Vol: 01 – Cad: 52aad

 592 View

Indheergarad – Ogoosto 20, 2020 – Hakis – Vol: 01 – Cadadka: 52aad

Horumarinta dabeecadaha aadamaha ayaa mudan ka hor horumarinta nidaamyada maamul iyo dhisme deegaan; dabeecadda u tababaran maamul iyo dhisme deegaan ayaa lagu aammini karaa horumarinta la filayo in la helo. Bulshada qaybaheeda kala duwan waxa ay xuquuq bannaan u leeyihiin in ay doorarkooda si siman uga qayb qaadan karaan, iyaga oo aan loo eeggayn hayb, midab, lab iyo dheddig midna. Horumarku waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan horumarka dalka. Dhaqaale, siyaasad, dhaqan iyo horumarin dhameystiran waxay u baahan tahay qorshe dhameystiran oo qeexan.

Doorka qayb ka mid ah bulshada hadii ay ka maqan tahay kaalinta iyo geeddiga horumarineed waxa ay keensanaysaa daloolo ka bannaan horumarinta iyo nidaamka maamul. Bulshada Soomaalidu waa bulsho dhaqan ahaan qaatay nidaam ka lab-maamuleen ah (Patriarchal System), taas oo ka dhigeysa nidaam maamuleedka bulsho mid weli aan miisaaneyn. Qiimaha sinnaanta siyaasaddu waa udub dhexaadka fikradaha dimoqoraadiyadda ee caadiga ah: waxaa lagu dooday in haweenku yihiin muwaadiniin la siman ragga sidaa darteedna ay si siman ula wadaagaan ragga go’aan qaadashada dadweynaha (public decision-making). Marka loo yimaaddo xuquuqaha sinnaansho ee dastuurradu siiyaan muwaadiniintooda waxa ku cad qodob sheegaya in dhammaan muwaadiniinta dalku siman yahiin, lagu mana caddeeyo muwaadiniinta aan u sinneyn doorarka maamul iyo siyaasadeed ee dalka.

Aragtiyaha sida caadiga ah ku qeexaan dimuqraadiyadda jiritaanka hay’ado ay ka mid yihiin nidaamka axsaabta badan ee xisbiyada iyo doorashooyinka. Xaqiiqdii, fikradda dimuqraadiyadda quwadda leh waxay ka koobnaan kartaa xaqiiqooyin badan oo cakiran oo dhab ah, oo ay ku jiraan dhaqan, dhaqan-dhaqaale, iyo arrimo siyaasadeed. Nidaamka ka maamul ahaan maanta dawladnimada Soomaalida ka muuqata waa mid aan dhamaystirin mudnaanahii xuquuqaha sinnaansho bulsheed ee dawladnimada; markhaatiyada runta ah ee muuqdana waxa ay ka muuqdaan golayaasha maamul, sida golayaasha sharci dajinta iyo fulinta oo ayna wax door muuqda ah ku lahayn haweenka Soomaalidu.

Kaliya kuma koobna saamiga aan loo dhammeyn ee golayaashu, se waa mid ururrada siyaasadeed iyo jilayaasha siyaasadeed ee deegaanada, inta ugu baddan matelidda siyaasaddeed ee deegaan waa ka maqan yahiin haweenku. Waxaana sababta keenaysa dhaqan-bulsheed oo ka ummad ahaan bulshadu u aaminsan tahay haweenka in garaadkooda iyo aqoontoodu ayna keeni karayn in ka deegaan ahaan iyo hayb ahaan matesho siyaasadda; waxa sida oo kale soo raaca hab-fasiraadyada kala geddisan ee diinta oo door hagaasin ah ku leh haweenka.

Dawladnimada casriga ah iyo hannaanka nololeed midna ma mahadineyso in la helo nidaam qayb bulshada ka mid ah ay ka maqan yahiin, waxa ayna dhaawac ku tahay wadalahaanshaha dawladnimada iyo mid ummadeed ee deegaanka; deegaanka iyo dawladnimaduba waxa ay keensanaysaa horumarka oo noqda mid aan dhammaystirneyn, dhaqaalaha iyo xaalada dhaqan-dhaqaale oo noqda in meesha ay ka baxdo qayb bulshada ka mid ah.

Tusaale ahaan, sidee dimoqraadiyadu u shaqayn kartaa haddii bulshada qayb ka mid ah aysan haysanin ilaha ay ku qancin karaan? Sidee dimuqraadiyaddu u shaqeyn kartaa markii qayb bulshada ka mid ah ‘waa haweenka e,’ intooda badan ay ku nool yihiin saboolnimo? Sidee dimuqraadiyaddu u shaqeyn kartaa iyada oo aan la helin xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda is-lahaanshaha? Sidee dimuqraadiyaddu uga shaqeyn kartaa halka hab-fasiraadka diinta ugu badan ay qoreyso in haweeneydu ay addeecdo ninka? Isku soo wada duuboo, sidee dimoqraadiyaddu u gaadhsiin kartaa wanaaggeedu marka dhaqanka, dhaqan-dhaqaale, iyo xaaladaha siyaasadeed ay cadaawad u yihiin mabda’a sinnaanta ee dhaqaale, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasaddeed?

Kootada haweenka ayaa ah hal istiraatiijiyad oo maanta loo adeegsan karo si looga hortago nooca takoorka aan rasmiga ahayn (ama nidaamsan) ee ay soo xulayaashu ku soo rogi karaan haweenka murashaxiinta ah. Tan iyo bilowgii 1990-yadii, ku dhawaad ​90 dal oo ay u horeyso Ikwadoor ‘Ecuador’ ayaa qaatay nooc ka mid ah ficil wax-ku-ool ah (haday ahaan lahayd kuraasta, sharciga – dastuurka ama sharci dejinta – kootada, ama kootada xisbiyada) si loo hormariyo metelaadda haweenka ee siyaasadda dalka ka qayb qaadanaya. Ka hor inta bulsho ahaan si fiican u fahmayaan ka nidaam ahaan in dimuqraadiyaddu ay leedahay xuquuq sinnaansho oo muwaadiniinta ah. Waxa qumman ama mudan in la sameeyo kootooyin si cad loo qeexo si looga baaqsado hadba in haweenka muwaadiniinta dalka ah ay helaan saami aan u cuntami karin, taaso ay keenayso fahamka dhaqanka, hab fasireedka diineed iyo dabeecadda deegaan ee laga nool yahay deegaanada Soomaalida.

W/Q: Cabdifataax Axmed Cali “Xayduusi”
Email: hayduusi@indheergarad.com