GORFAYN: Buugga SAFIIRKA | Peter Bridges – Vol: 01 – Cad: 51aad

 1,585 View

Indheergarad – Ogoosto 20, 2020 – Hakis – Vol: 01 – Cadadka: 51aad

Hordhac

Buugga “SAFIIRKA” waxa uu ka mid ahaa tiro buugaag ah oo sannadkan gudihiisa soo galay maktabaddayda buugta. Waa buug uu qoray danjire Maraykan ah oo la yidhaa Peter Bridges, oo sannaddadii 1984-1986-kii ahaa safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya. Buuggan waxa af-Soomaali u soo turjumay Qoraa Kamaal Axmed Cali “Marjaan” oo caan ku ah turjumidda buugaagta ku qoran afafka qalaad; Carabi iyo Ingiriisida. Markii aan akhriyay buugga waxa igu dhalatay in aan si uun ula wadaaggo saaxiibbadayda akhriska jecel ee aan buugga weli wakhti u helin ay ku akhriyaan, ama se aan nasiib u helin in uu buuggu gaadho.

Muddo ka dib waxa farriin iiga timi dhallinyaro ku midaysan maktabadda buugta gadda ee Al Xaddaara oo ka dhisan Hargeysa. Waxa aanay iga codsadeen in aan hab toos (Live) ah u ga jeediyo boggooda Facebook si aan ummadda u gaadhsiiyo; maaddaama  uu koofidh-19 jiro oo aan si toos ah loo shaacin in uu gebi ahaanba waddanka ka baxay. Nasiib wanaag, waxa aan jimcihii hore (Ogos 07, 2020) jeediyay buugga ‘Safirka’ oo aan ku koobay shan iyo afartan daqiiqo. Dad badan ayaa ila soo xidhiidhay si ay ii hambalyeeyaan, isla markaana ugu soo diro koobiddii qoraalka ahayd ee aan ka sameeyay buugga. In aan la wadaagi doono iyaga iyo qof kasta oo barkulan bulsheedyada (Social Media) isticmaala ayaa aan u sheegay. Qoraalkiinna waa kan!

Haddaba si aynu u fududayno oo qof kastaa si deggan u akhriyo waxa aan u qoray hab qodobbo ah oo aan sharrax dheer lahayn, balse ah sarniin yar oo aan doonayo in aan buugga ka sheego, wixii saafid ahna uu akhristuhu buugga kaga bogto. Qormadan ayaa aan u kala qaybiyay saddex qaybood oo waaweyn: Barbilow, Ubuc iyo Gebogebo, oo ay ku xidhiidhsan yihiin shan qodob oo sharrax u ah. Si kale kuma garatid e, waa sidan hoos ku qoran:

Barbilow

  1. Buugga yaa qoray? Muxuuna u qoray?
  2. Cidda turjuntay waa ayo? Ujeeddada ay u turjuntay maxaa ay tahay?

Dhex/Ubuc

  1. Buuggan muxuu ka warramayaa amma se xoogga saarayaa?
  2. Ugu dambeyn, buuggan cid wal oo akhridaa maxaa ay ka faa’iidi karaan ama se ay tahay in ay xusuusta ku haystaan oo ka dhaxli karaan?

Gebogebo

  1. Wax dhaliil ah buuggan maxaa uu leeyahay?

Qodob kasta oo ka mid ah saddexdan qaybood ee qoraalka ku fadhiisinnay, ayaa aan haddana si faahfaahsan u sii kala qaadayaa oo aynu qoraalkan ugu tegi doonaa, aniga oo u qoray sida ay u kala horreeyaan.

Xogta Qoraha Buugga

Buuggan waxa uu ku qoran yahay afka Ingiriisida, waxaana qoray diblomaasi Peter Brigdes. Peter waa diblomaasi hore oo hawlgab ah, haddana ah macallin jaamacadeed. Waxa uu soddon sanno ku soo jirey diblomaasiyadda, weliba wakhtiyadii xidhiidhka caalamiga ah iyo siyaasaddu ugu xiisaha ugu badnaayeen. Ka hor intii aanu Soomaaliya ka noqon safiirka buuxa, waxa uu soo noqday

  1. Shaqaale mihim ah oo ka hawlgala waaxda arrimaha dibedda ama se wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka.
  2. Qunsulka waddanka Panama.
  3. Sarkaal dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Mosko (Ruushka).
  4. Masuul sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ee Washington D.C.
  5. Ku-xigeenka madaxa ergada diblomaasiyadeed ee Maraykanka u joogay safaaradda weyn ee Roma, Italy.
  6. Ugu dambeynna, safiirka guud ee safaaradda Maraykanku uu ku leeyahay dalka Soomaaliya (Muqdisho).

Waxa uu safiir buuxa ka ahaa Soomaaliya intii u dhexaysay (1984-1986-kii) oo noqonaysa 2-sanno ooo qudh ah. Peter waxa uu markaa nasiib u yeeshay in uu maamulo gargaarkii binu aadannimo ee uu Maraykanku ugu deeqay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, oo ay Soomaaliya ugu mudnayd. Waagaas oo Soomaaliya ay curyaamiyeen isgarbintii qabiillada ee soo jireenka ahaa iyo hoggaamiye keligii-taliye ah oo aan dan ka lahayn ummadda iyo waddanka ee tiisa gaarka wax kasta ka horumariyay.

Muxuu u Qorey Buuggan?

  1. Xusuusqor guud oo ku saabsan in noloshiisii diblomaasinnimo ee soddonka sanno ahayd iyo dalalkii uu ka soo shaqeeyay wixii uu kala kulmay.
  2. In uu inoo sheego mushkiladda siyaasadda Maraykan ee ku wajahnayd Afrika oo ay mihim ahayd in wax badan laga ogaado.
  3. In uu ka hadlo Soomaaliya waagaas wixii ka taagnaa oo la odhan karo waa waxa dhaliyay dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ee markii dambe ka dillaacay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Xogta Turjumaaga Buugga

Buuggan waxa turjumay Kamaal Axmed Cali oo ah saxafi ruugcaddaa ah oo deggan magaalada Hargeysa. Turjumaanku waxa uu shahaadada koowaad iyo ta  labaad ka sitaa cilmiga barashada horumarka (Development studies). Waxa uu hore u soo saaray laba buug; mid turjuman iyo mid uu qoray, oo kala ah: Aamina Almufti (Basaasaddii Dunida Carabta Ugu Caansanayd) iyo Afgembigii dhicisoobay (Afgembigii ka dhacay Turkey, 2016). Waxa uu 15-kii sanno ee ugu dambeeyay ka hawlgalayay warbaahinta Soomaalilaan, isaga oo guddoomiye ka noqday wargeyska caanka ah ee Geeska Afrika iyo maareeye iyo tafaftiraha Telefiishanka Codka Bariga Afrika.

Ujeeddada Loo Turjumay Buugga

Buuggan oo ka kooban 336-bog waxa uu Kamaal ku sheegay afeefta hore in ujeeddada uu buugga u turjumay tahay sidatan: “[…] In aynu wax ka ogaanno dhacdooyinkii xaasaasiga ahaa ee ka jirey waagaas Soomaaliya (1984-1986) iyo aragtida ay dadka shisheeye ka qabeen.”

Dhex: Mucda Buugga

Buuggu waa sheeko taariikheed (Autobiography) uu safiirku kaga hadlayo noloshiisa. Waxaannu si aad ah u kala dhigayaa shaqadiisii safiirnimo ee Soomaaliya iyo wax kasta oo markaa naftiisa la soo gudboonaaday, ama se xog ka hayay ee uu danaynayay. Buuggu waa buug mawdduucyo taxan, mararna si u kala madax bannaan maankaaga ku sooraya; taas oo qofka taariikhda wax ka yaqaan ay uga xiiso iyo xammaasad badanayso nin iska akhriyay oo markaas uun buug taariikh xasuuseed ugu horreeyo!

Buugga waxa uu ka hadlayo ama se xoogga saarayo waxa aan u qoray si qodobbo ah oo aan rabo in qof kastaa si guud u ogaado. Markaa, buuggu Waxa uu ka warramayaa:

  1. Xidhiidhkii Soomaaliya iyo Maraykanka ka dhaxeeyay xilligaa uu Peter Bridges safiirka ka ahaa Soomaaliya iyo ka hor siyaasaddii Maraykanka ee ku u aaddanayd, ama se uu ka lahaa Soomaaliya.
  2. Qaabka uu Maraykanku ula dhaqmi jirey dawladaha dunida saddexaad, siiba Afrika.
  3. Hab-dhaqankii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya xilligaas ka jirey, ka hor inta aanay afka dhulka darin. Siiba siyaasaddii laba bogleynta ahayd ee ku aaddanayd Hantigoosadka iyo Hantiwadaagga. Waxaanu safiirku sheegayaa sida ay Soomaaliya caqabad ugu noqotay arrinkaas oo baqdin ku abuurtay weerar kaga yimaadda dhanka Itoobiya, maaddaama ayna Soomaaliya xulafo haysan, xagga ay Itoobiya uu Soofiyeetku ula socday oo keeni jirtay in ay Maraykan ahaan u dejiyaan Soomaaliya oo tusaan in Soofiyeetku dagaal diyaar u ahayn, hub duug ahna ku caawiso Soomaaliya.
  4. Waxa uu xoogga saarayaa duruufihii dhaqan-dhaqaale, bulsheed iyo siyaasadeed ee diktaatooriyaddii Maxamed Siyaad ee Soomaaliya, gaar ahaan dhankii musuq-maasuqii, maamul xumadii, qaraaba-kiilkii iyo duruufihii ku geddaamnaa waagaas Soomaaliya.
  5. Buugga inta aad akhriyayso waxa aad ka dareemaysaa sida uu danjire Peter u necbaa keligii-talisnimada oo kelliftay in uu la colloobay keligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre iyo rijiimkiisii, doonayayna in Soomaaliya ay ka dhalato dawlad dimuqraaddi ah oo u adeegta ummadda.
  6. Wuxuu si gundheer uga warramayaa duruufihii bulsho ee fakhriga lahaa, gaajada lahaa, daacuunka iyo abaaraha lahaa ee ku geddaamnaa ummaddii waagaas ku midaysnayd jamhuuriyaddii Soomaalida iyo sida uu u xumaa adeegga bulshada ee Soomaalidu.
  7. Waxa uu aad uga warramayaa sida uu waddanku u ahaa mid ku nool mucaawinooyinka waddamada reer Galbeedka iyo guud ahaanba sida dawladda Soomaaliya u ahayd mid u guntolanaysa sidii ay mucaawino uun u heli lahaayeen ee aanay u lahayn isku tashi dhaqaale, oo aanay u jirin madaxbannaani ganacsi ee dawladu u ahayd mid dabada ku haysa hantiwadaagnimo.
  8. Waxa uu si ballaadhan iyana uga hadlayaa sida diblomaasiyaddu tahay, gaar ahaan sida xafiiska safiirku u shaqeeyo, awoodda safiir ku-xigeenkiisa, hababka uu ula tashan jirey, qaababka ay safaaraddu u dhisan tahay iyo shaqada qof diblomaasi ah oo magacaaban laga rabo.(Ra’yigiisa sida uu ugu dhaqaaqi jirey wax aanu kala tashan wasaarad isaga oo adeegsanaya waaya-aragnimadiisii uu ka dhaxlay Bariga Yurub iyo Talyaaniga).  
  9. Waxa xiiso leh sida uu safiirku ugu heellanaa bookhashada aagga ugu bariyaysan, ama cidhifka Geeska Afrika ee Raasgardafuu iyo Raas-Casayr oo tegiddeeda dhib iyo rafaad dheer u maray, isaga oo weliba awood badan oo wax kasta u suurogalayaan haystay.

Maxaa Aad Ka Baran Kartaa Buuggan?

  1. Faa’idada Akhriska: waxa aad dareemaysaa akhrisku sida uu mihimka ugu yahay cid kasta, siiba safiir dal loo magacaabay oo ay tahay in uu wax ka ogaado dhaqanka, afka iyo qiyamka bulshadaa loo soo magacaabay.
  2. La Saaxiibidda Dadka: waxa uu safiirku xoogga saari jirey la saaxiibidda dadka bulshada magaca ku leh ee laga qaddariyo, taas oo ku kellifi jirtay in arrimaha hoose ee xiisaha leh la wadaagi jireen. Waana xagga aad ka ogaanayso in aanay mihim ahayn, ama se khatar tahay u lab furnaanta diblomaasiyiinta shisheeye ee u adeegaya danta dalkooda iyo dadkooda.
  3. Xasuusqorka iyo Faa’iidadiisa: Safiirku waxa uu xoogga saarayaa qoraalka taariikhda, xilliyada iyo maalmaha, kuwaas oo macno weyn u leh qof kasta oo raba in uu wax qoro.

Ma Leeyahay Dhaliil Buuggani?

  1. Far aad u yaryar oo aanad akhriyi karayn kuna daalayso, maaddaama aanu buuggu yarayn.
  2. Iska hor imaad sheeko. Marka aan leeyahay ‘Iska-hor-imaad’ waxa aan uga jeedaa in aad mooddo sheekada in kol wax xagga hore laguugu soo sheegay, aad mar kale xagga dambe ku arkaysid. Sida oo kale qoraagu waxa aad mooddaa in uu u warramayo si xasuusasho leh oo aanay xogtu u taxnayn! Waxa aad mooddaa sidii qof kolba isaga oo sheekada kuu wada ku odhanaya: “Waan kuu sheeko boodee … waxa jirta” oo sheekadii hore ma aha e mid kale kula xidhiidhsiinaya.
  3. Daabacaad jilicsan, gaar ahaan dhanka warqadda iyo jeldiga.
  4. Buugga oo oggolaansho loo hayn e, turjumaanku inala wadaagay uun, se natiijo la’aan kala kulmay iimayllo iyo farriimo uu u diray diblomaasigii iyo jaamacaddii daabacday buugga.

W/Q: Sakariye Faysal Cagaf
Email: sakariyecagaf@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “