Waxbarashada Gabdhaha iyo Saamaynta Guurka Qasabka Ah – Vol: 01 – Cad: 54aad

 1,547 View

Indheergarad – Ogos 30, 2020 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 54aad

Koboca garaadka iyo aqoonta aadamaha ku yimaadda ayaa keena in laga tanaasulo waxyaabo badan oo kolkii hore u ahaa samaan, mar kasta oo aqoonta iyo garaadka korniinkiisu is raacan waxa yimaadda bulsho la jaanqaadi karta nolosha waayo-keenta ah ee hadba isla beddesha waayaha la nool yahay. Koboca garaadka iyo aqoontu waxa ay abuurta dabeecado ka geddisan kuwii hore ee aadamahu la noolaa, waana mar kasta oo uu aadamahu uu u sii dhawaado hal-abuuridda aqoonta kala geddisan ee dunnida. Haddii ay is raacaan korniinka aqoonta iyo garaadku waa laba uu u aayi karo aadamahu, sida oo kale uu ku badbaadin karo noloshiisa hadba la jaanqaadaysa waayaha la nool yahay.

Maanta, dunidan waxa la ogaaday in korniinka garaadka oo aqoontu u tahay furaha lagaga baaqsan karo mushkilado ballaadhan oo xalkoodu adkaan lahaa, waana sababta dunida Reer Galbeedku ay awoodda u saaran da’yarta ku jirta marxaladda korniinka, wakhtina ku bixiyaan in ay ballaadhiyaan garaadkooda. Arrintaasi waxa ay keentay in la helo hadba da’yar u carbisan xaaladda lagu nool yahay dunidan. Aadamaha siman, ragga iyo haweenku waa labadda noole ee ilaa maanta lagu muransan yahay in ay helaan dheellitirnaan dhinacyada nolosha muhiimka u ah, gaar ahaan dunida Muslinka ama guud ahaan dunida saddexaad, oo ay ka jirto cadaadis badan oo dhaqan iyo mid diineed oo kala fogeeyay aragtida laga haysto ragga iyo haweenka,. Waxa aynu in badan aragnaa wakhtiyada waxbarashada ee gabdhaha in ay la kulmaan cadaadis xooggan oo dhinaca qoyskeeda ah iyo deegaanka ay ku nooshahay; caddaadiska ay gabadhu la kulmaysaa waa mid ay keeneen dhaqanka deegaankeeda iyo aaminaadda diimeed ee laga haysto gabadha.

Deegaannada Soomaalida weli wax ka jira guurka qasbidda ah (Forced Marriage), guurkan qasbidda ah ayaa lagu sameeya gabdhaha da’da qaangaadhnimadu u tahay marxalad hadda ku cusub. Guurkan ayaa ka yimaadda dhinaca waalidkeed, gaar ahaan aabbaha dhalay gabadha. Guurka noocan ah waa mid dhaqanka deegaanku keeno, halka marxaladda gabadha lagu xalaashanayo jidhkeeduna uu yahay hab diimeed, (Nikaax). Labadan marxaladood waa laba marxaladood oo ku walaalo ah xornimo ka xayuubinta gabadhaha.

Waxa inta badan ay isku raacsan yihiin aqoonyahannada cilmiga bulshadu in gabadhu da’ yarnimadeedu ka qaalisan tahay wakhtiga ay da’da dhexe marayso, sababtuna ay tahay in marxaladda koowaad ee koboca garaadku ku fiican yahay ilmahu marka uu yar yahay. Sida deegaanadeenna aynu ku aragno goobaha waxbarashadu waa goobo weli u adeega dhaqanka guunka ah ee Soomaalidu ka aaminsanaayeen gabdhaha; halka goobaha waxbarasho ee diintuna ay ilaa hadda yihiin goobo nidaamkooda waxbarasho u adeego in gabdhaha lagu qanciyo guur muddada ay ku jiraan da’ yarnimada. Gabdhaha guurka qasabka ah la kulma muddada ay ku guda jiraan waxbarashadooda, gaar ahaan waxbarashada Hoose/Dhexe ee dugsiyadu, gebi ahaanba waxa ay ka hadhaan waxbarashadooda.

Taas oo ay keenayso amarro culus oo kaga imanaya waalidkeeda iyo ninka nafteeda loo qasbay ee xaaskiisa u arka; iyo sida oo kale xaaladda uurka ee ay la kulmayso guurka kadib. Mararka qaarkood dhalleecaynta uurka ayaa gabdhaha ku qasba in ay ku nagaadan guryahooda. Guurkan qasabka ah sababaha keena ayaa si waafi ah la iskula qirsan yahay in ay yihiin dhaqaale yarida soo wajahda qoyska, goobaha waxbarasho oo qiimahoodu yahay mid ayna goyn karin qoyska gabadhu; iyo in mudnaan ballaadhan la siiyo wiilasha gabdhaha la walaalaha ah ka hor inta aan gabadha waxbarasho loo dirin. Hal sabab oo ka duwan ayaa jirta, taas oo dhaqankii iyo diintii oo isku lammaan ay gabadhii ka dhigi karaan mid ka hadha waxbarashadeeda.

Maxay Gabdhuhu ka Dhaxli Karaan Guurka Qasabka ah?

Guurka qasabka ah ee gabdhuhu la kulmaan waxa ay ka dhaxli karaan, natiijooyin nolosheeda ku keena khatar badan, iyo caqabado badan oo xalkoodu noqdo kuwo aan la xallin karin. Guurkan qasabka ah ayaa la isku raacsan yahay goorta uu dhaco in ay tahay da’da ka hooseysa 18 jirka, da’daas ayaa ah da’da ugu badan ee gabdhaha lagu qasbo guurka. Xaaladaha khatarta badan ee gabdhuhu ka dhaxlaan ayaa ah rabshadaha qoyska dhexdiisa ah (Domestic Voilence), tacaddiyo jidhka gabadha lagu sameeyo goorta ayna diyaar u ahayn galmo (Marital Rape and Violence), xumeeyn shucuureed (Emotional Abuse) oo maskax ahaan dhaawac gaadhsiiya gabadha, iyo dabeecadda is-dhaawaca ah ee qofku isku geysto (Self-harming behaviour ).

Ninka loo qasbo gabadha ayaa isna ah caqabad hor leh oo dhaawac daran gaadhsiin karta gabadha, kaas oo gabadha u arka qof uu isagu leeyahay ama beddelkeeda uu ku helay kharashaad uu ka bxiyey ama kaga beddeshay qoyskeeda, kaas oo ugu danbeyn keena in ninku gabadha u geysto dhibaatooyin dhaawacaya jidh ahaan iyo maskax ahaan. Mararka qaarkood garaacidda uu jidhkeeda uu ku samaynayo ayaa horseedda xaalado caafimaad darro.

Maxaa Lagaga Hortagi Karaa Guurka Qasabka ah?

Guurka qasabka ah waa aafo guud ahaan ku geddaaman haweenka, gaar ahaan haweenka deegaannada Soomaalida ku nool, xal lagaga hortago waa kuwo la abuuri karo una baahan in laga shaqeeyo ka bulsho ahaan iyo maamul dawli ahaanba.

Bulshadana waa in lagu bixiyo dedaal ballaadhan oo kor loogu qaadayo hab-fahanka wanaagsan ee gabdhaha lagaga dhawrayo in ay la kulmaan guur qasab ah. Sida oo kale in la helo maamul dawli ah oo dammaanad sharci iyo xeerar nidaamsan ka leh dhaqamada guurkan qasabka ah u horreeyo; iyo kufsiyada kala duwan ee loo geysto gabdhaha.

Mar kasta oo la helo wacyi ballaadhan iyo aqoon baaxad miisaaman leh waa, mar kasta oo la heli karo in laga fogaado dhaqamada gabdhaha lagaga dhigi karo kuwo u dabran shaqsiyaad.

  1. Abuuridda xeerar sharciyeed oo ku saabsan ka hortagga tacaddiyada gabdhaha.
  2. Ilaalin dawli ah oo dammaanad qaadi karta in gabdhuhu si xornimo leh u dhammaysan karaan waxbarashadooda.
  3. In la sameeyo qoondeyn dhaqaale oo lagu daro miisaaniyadaha dawliga ah ama wasaaradda waxbarasho ee maamulka, si loogu koriyo heerka waxbarashada gabdhaha aan awoodda u lahayn helidda waxbarasho.
  4. Tayaynta dugsiyada dawliga ah oo ah kuwa ugu mudan ee bulshadu kaga nasan karto, dugsiyada qiimahooda lacageed yahay kuwo ayna goosan karin bulshada hayntoodu tahay mid yar, taas oo gabdho badan oo waxbarasho la’aani haleeli lahayd u noqon lahaa fursad ay kaga maarmaan dugsiyada lacagaha badan lagu aado.
  5. Abuuridda qorshayaal maalgelin ah oo kor loogu qaadayo dhaqaalaha gabdhaha waxbartay, si ayna gabdhaha waxbartay guurka uga raadin dhaqaale ay nolosheeda ku badbaadiso, se beddelkeeda u noqoto mid ku filnaan karta nolosheeda mise na baahiyaheeda gaarka ah dabooli karta.

Haddii qodobkan shanaad [5] aynu faahfaahin ku samayno “abuurida qorshayaal maalgelin ah oo kor loogu qaadayo dhaqaalaha gabdhaha waxbartay” waa kuwo lagaga hortagi karo in gabdho badan oo waxbartay ay dareemaan kalsooni darro kaga timaadda hay’adaha shaqo ee gaarka loo leeyahay; iyo kuwa dawliga ah ama shaqo yaraan soo waajahda badi gabdhaha waxbartay.

Maalgelintan dhaqaale ayaa samayn karta in gabdhuhu helaan xorriyaad shaqsiyeed, iyo ilo dhaqaale oo nafteeda ka ilaalin kara welwelka soo waajihi kara. Sida oo kale waxa yaraan kara guurka gabadhu kaga raadiso dhaqaalaha ninka; arrintan oo keenta ‘Sarraynta’ [Superior] oo ninku u arki karo in uu ka sarreeyo gabadha. Abuuridda dhaqaalaha maalgelineed waa kuwo abuuri kara isku filnaansho ballaadhan oo gabdho badan oo waxbartay kaga maarmi karaan in ay lahaystayaal u dabran dhaqaale u noqdaan ragga aragtidoodu muddiciga ku tahay xornimada gabadha iyo awooddeeda sinnaansho ee ay la wadaagto labka.

  1. (6) Wax ka beddelka manaahijta waxbarasho, kuwaas oo laga dhigo kuwo u adeegi kara aragtiyaha sinnaansho ee aadamaha si ubadka ku jira marxaladda korniinka looga dhigo garaad la kora maskax aqbali karta sinnaansha labka iyo dheddiga fursadaha nolosha oo dhan.

Haddii qodobkan lixaad [6] aynu faahfaahin ku samayno, manaahijta waxbarashada waa in ay noqdaan kuwo lagu koriyo garaadka da’ yarta, laguna carbiyo maskaxdooda si looga fogaado in maskaxda da’ yartu la koraan xaaladahan macangagnimo ee deegaannadooda ka jira. Waxa kali ah ee la rumaysan yahay ayaa ah in manhajka waxbarashadu yahay halka kali ah ee wax laga beddeli karo, hadii lagu sameeyo dib-u-habayn (Reform), in badanna lagu saleeyo dabeecadaha la rabo in ay wax ka beddelaan dabeecadahii hore ee dhaqan ahaan iyo hab-fasiraad diineed ahaan la aaminsanaa.

Gabogabadii, koboca waxbarasho iyo kan garaadku waa in uu noqda mid isku xidhan oo dhammayn kara khaladaad kasta oo bulshada ka dhex jira, gaar ahaan guurka qasabka ah ee gabdhaha loo geysto wakhtiga ay ku gudajiraan waxbarashadooda iyo wakhtiyada ay soo food saarto dhaqaale yarida qoyskeeda oo beddel dhaqaale looga raadsado gabdhaha da’yarta ah. Qodobadan lixda ah [6] ayaa aan u arkaa xal, lagaga hortagi karo in gabdhahu la kulmaan xaalado kala duwan oo carqaladayn kara waxbarashadooda iyo xornimadooda shaqsiyeed muddada nolosheeda, mar kasta oo xal la raadinayo na xalku ma noqon karo wax kooban se xalka la raadinayaa waa ka ballaadhan yahay xalalka kooban ee qorayaasha mawaadiicda noocan ah soo bandhigaan. Sababta keli ah ee loo socdaa waa in la heli karo xal waara oo gabdhaha ka dhigi kara mid leh xorriyaad la siman ka ninka iyo dabeecad la qeyr ah ka labka. 

W/Q: Cabdifataax Axmed Cali “Xayduusi”
Email: hayduusi@Indheergarad.com
Email: abdifataah.hayduuzi45@gmail.com