GORFAYN: Buugga Wabar/ II Principe | Niccolò Machiavelli – Vol: 01 – Cad: 55aad

 2,100 View

Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 55aad

Hordhac

Buuggan waxaa qoray Nikoolaay Mikyaafilli oo ahaa xeeldheere Talyaaniya ah, waxa uu dhashay sannadkii 1469-kii. Qoyskoodu waxaa uu ahaa mid danyar ah. Waxa uu Nikoolaay ahaa qoraa iyo faylasuuf aragti leh. Buuggan waxa afka Soomaaliga u turjumay Jacfar Suldaan Yuusuf. Buugga waxa la qoray xilliyadii uu maamulka kaniisaddu faraha adag ku hayay reer Yurub. Waxa qoraagu buuggan u hadyeeyay boqorkii ka talin jiray waagaa magaaladiisii Falooransa oo la odhan jiray Looranso De Miyadiishi-ga weyn sida ku cad hordhaca buugga. Sida oo kale, waxaa ku xusan hordhaca buugga in ay kali-taliyayaashii taariikhda ugu waaweynaa ay adeegsan jireen aragtiyaha uu buuggu xambaarsan yahay sida: Moosalliini oo ahaa hoggaamiyihii faashistihii Talyaaniga isaga oo adeegsaday buugan xilligii uu jamacadda ka qalin jabinaayay.

Waxa kale oo ka mid ahaa, Hitler oo ahaa hoggaamiyihii kali-taliska ee Naasigii Jarmalka, waxa la sheegaa in uu habeen kasta marka uu sii seexanayo uu akhrisan jiray. Taasi waxay kuu caddaynaysaa in uu buuggani aragtiyaha ku qoran ay saamayn weyn ku yeesheen ama ku leeyihiin nolosha aadamaha adduunkan ku uumman. Sababtaasi awgeed aad bay muhiim u noqonaysaa in u qofkasta uu akhriyo buugan, si uu waayo badan wax uga ogaado, uguna baraarugsanaado afkaaro badan oo illaa joogtadan, dadyowga qaarna u dulmanyihiin, dadyow kalena wax ku gumaystaan. Si taas la mid ah arrimaha Jacfar (Turjumuhu) ku dhiirriyay inuu buugga af celiyo ayaa iyaguna ah kuwo qof kasta oo awooda ku riixi lahaa in uu kaalintan buuxiyo buugana turjumi lahaa “….arirmaha igu dhiirriyay in aan buugan af-Soomaali u rogo waxaa ka mid ah”:

  1. In uu buuggani xanbaarsan yahay siyaasad mug leh oo ruux kasta oo ka il sugtaa uu aqoon siyaasadeed oo xeeldheer ka dhaxlo.
  2. In kala gaynta ummadda Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaalida ay ka danbayso mid ka mid ah aragtiyaha uu buuggani xanbaarsan yahay oo ah: ‘qaybi oo xukun’.
  3. In laga dhadhansanayo fahanka siyaasadda maanta adduunka faraha ba’an ku haysa, ruuxa u daymo badiyaana uu siyaadda waayahan la jaan qaadi karo.

Sida oo kale saddexdan arrimood laftooda ayaa ah iyaguna kuwo qof kasta ku hoggaaminaaya in uu buugan akhriskiisa uu doorbido.  Waxa iyaduna bogaadin mudan oo soo jiidashana leh, sda uu turjumaha buuggu uu u xushay erayga ‘WABAR’ si uu turjumid ugu noqdo magaca asalka ah ee uu buugu ku soo baxay, waana mid aad u qurux badan oo runtii qof kasta oo akhriya siyaabaha uu Jacfar u doorbiday eraygan iyo aragtiyaha uu cuskaday judhaasba waxan filayaa in uu bogaadinaayo dookha iyo doorista eraygan.  Intaasi haddii aan uga nimaadno hordhac kooban oon kaga hadlaynay buugga, qoraaga iyo bogaadinta dedaalka turjumaha, bal aanu gudo galno nuxurka buugga. Habka uu u qoran yahay waa cutubyo. Waxa uuna ka kooban yahay 162 bog iyo 26 cutub, oo uu mid waliba kaga hadlaayo aragti cusub iyo weliba tusaalayaasheedii.

Cutubka Koowaad: Noocyada Maamulada iyo Habka Loo Dhiso

Waxa uu ku bilaabmayaa cutubkani qaybaha maamulka, ama dowladuhu ay u kala qaybsan yihiin, waxaanu qoraagu u qaybinayaa labo: Boqortooyo iyo Jamhuuriyad. Boqortooyada ayuu u sii kala saarayaa boqortooyo soo jireena oo muddo dheer soo talinaysay iyo boqortooyo dhawaan dhalada, ama bilow ah. Tan danbe ayuu haddana labo u sii kala jabinayaa waxana uu ka dhigayaa; boqortooyo cusub oo dhawaan la abuuray iyo dhul cusub oo boqor kale xoog ku qabsaday, kuna darsaday dhulkiisii. Mid kasta iyo nuuc kasta oo boqortooyinkaasi kor ku xusnaa waxa uu ka bixanayaa tusaale iyo tilmaan sooyaalka ku jirtay marka aad akhridana waxa aad ogaanaysaa in uu jaad kaste oo u qaybiyay tahay mid jirtay/jirta.

Cutubka Labaad: Boqortooyada Dhaxaltooyada ah

Cutubkan waxa uu kaga hadlayaa hababka loo maamuli karo boqortooyada dhaxalka ah, sida kursiga uu ugu nagaan karo boqorka wax dhaxlay, iyo siyaabaha uu u hanan karo boqortooyadaas. Waxaana uu halkan ku gudbinayaa waxyaabaha looga baahan yahay in uu sameeyo boqorka dhawaan-galka ah ee boqortooyo ama maamul ku helay dhaxaltooyo. Sida oo kale, waxa uu qoraagu taladiisa iyo aragtidiisa ku xardhayaa dhacdooyin horey u dhacay oo marag u noqonaya muhiimadda ay leedahay taladiisu. Qof kasta oo maamul, ama boqortooyo dhaxalsuge u ahina haddii u akhristo buuggan waxa la filan karaa in uu ka guntan karo sahay uu wax badan ku baylaha tiran doono/karo.

Cutubka Saddexaad: Boqortooyada Isku Jirta

Cutubkani waa mid ka mid ah kuwa ugu baaxada weyn ee buugga ku jira. Waxaana uu kaga hadlayaa laba nuuc oo boqortooyo ah iyo sida ay tahay in loo maamulo, loolana macaamilo; tan koowaad waa boqortooyo dhawaan dhalad ah, sida samaysanka boqotooyo ka timid goballo ka go’ay boqortooyo ay horay uga tirsanaayeen. Waxa uu halkan ku xusayaa in looga baahan yahay boqortooyada nuucan ah feejignaan iyo ka fiirsasho dheeriya si ayna horey u kala daadanin, oo ay cidhibtoodu u noqon kud ka guur oo qanjo u guur. Waayo? Waxa ay boqortooyada nuucani ka soo bilaabantay kacdoon iyo gadood ay shacabka gobolladaasi kaga soo xuubsiibteen boqortooyadii hore iyo boqorkoodii.

Boqortooyada labaad ee uu qaybtan kaga hadlay waxa weeyi, boqorka xoog ku qabsada dhul cusub iyo sidii uu ula dhaqmi lahaa, waxa ay tahay in uu sameeyo iyo waxa mudan in uu ka fogaado, si uu dhulkaas cusub uu boqortooyadiisa uga dhaadhicin lahaa, isla markaana muddada uu rabo u sii ahaan lahaa boqor dhulkaas maamula. Waxa uu qoraagu sheegayaa in ay adagtahay maamulidda dhulka cusub ee la qabsadaa, si kasta oo uu boqorku caddaalad u sameeyo, si kasta oo uu u cuud, ciidan iyo cudud badanyahay, haddaanu hanan laabxaadhnaanta bulshada. Waxaa uu u kala qaadayaa dhulka la qabsaday labo: dhulka uu boqorku qabsaday mid uu ku noolyahay dad ay Ab ama isir wadaagaan iyo mida ay ku dhaqan yihiin bulsho ayna boqorka ab iyo isir toona wadaagin. Labada jeerba waxa boqorka, ama cidkasta oo qabsatay waxa laga rabo iyo tab kasta oo ku hoggaaminaysa in uu si dhibyar ku qaato dhulkaas ayaa aad cutubkan ugu tagaysaa.

Waxa boggaga cutubkan ku jira oo qoraagu ku nuuxnuuxsaday dhabo kasta oo loo maamuli karo bulsho nuucan ah, isla markaana loogu xajin karo hoosta cagta cid kasta oo qabsata isaga oo tusaalayaal iyo dhacdooyin dhacay oo sooyaalka ku jira hadba dhinac kaa tusaya. Qofka buuggan akhriya isla markaana u dhugmo yeesha qaybtan/cutubkan waxaa uu isku qancin karaa inuu buugan yahay raadraaca ugu badan ee laga soo dheegtay siyaadsad kasta oo dhul la qabsaday lagu gumaysto, ama lagu maamulo.

Cutubka Afaraad: Boqortooyadii Daariyoos Ka Dib Geeridii Aleksandar

Qaybtan waxa uu qoraagu kaga jawaabayaa wayddiin imanaysa ka dib markii uu cutubkii hore kaga hadlay sida ay u adagtahay in dhayal lagu maamulo dhul cusub oo duullaan lagu qabsaday, wuxuuna u dhigay sidan: “Ka dib markii aan soo falanqeeyay dhibaatooyinka soo wajaha boqor furtay gobol hor leh ayaan is waydiiyay suaal ay ka fekeri karaan dadka taaganta uga shidaal-qaata eegmada tagtada oo ah: sidee ayay ugu suurtogashay boqor Aleksandar-ka weyn in uu ku qabsado qaaradda Eeshiya (Asia) oo dhan muddo kooban? Sidee bay ugu suurtogashay madaxdii isaga ka danbaysay in ay gacanta ku sii hayaan gobolladii uu furtay isaga oo wax yar ka dib geeriyooday?”

Waxa uu is dul taagayaa siyaabaha u suuragaliyay qabsashada dhulka intaas le’eg iyo kusiinagaanshiyaha raggii ka danbeeyay Aleksandar. Waxa uu sii raacinayaa tusaaleyaal, dhacdooyin iyo maamullo kale isaga oo soo qaadanaya boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo boqortooyadii Faransiiska, isla markaana markhaatiyo uga dhigaya labo aragtiyood/hab oo loo maamulo boqortooyada. Intaas marka aad laqimato waxa uu si waafiya kuu dul joojinayaa warcelinta wayddiinta uu ku bilaabay cutubka ee kor ku xusan. Haddii aad buuga sii akhrididna waxaad si qotodheer u ogaanaysaa doorarka taariikheed ee boqortooyinkaasi.

Cutubka Shanaad: Habka Lagu Dhaqo Gobollada Furashada Horteed Madaxabannaanaa

Waxa ay qaybtani ka hadlaysaa tabaha loo maamulo goobaha furashada ka hor xorta ahaa, waxaana uu qoraagu qaybtan kusoo bandhigayaa talooyin ku aaddan siyaabaha loola dhaqmayo, ama lagu dhaqayo dadka nuucan ah, sida:

  1. In uu boqorku burburiyo gobolka oo uu dhismihiisa dhulka la simo, kadibna uu maamulkiisa ka duldhiso burburkii maamulkii hore.
  2. In uu dago gobolka uu furtay dadkiisana la jabad wadaago.
  3. In uu gobolka siiyo xorriyaddiisa siyaasadeed iyo gooni-isu-taagga gudaha ah (Federal), balse waa in uu dusha ka saaro cashuur sannadle ah, gobolkana kaga soo tago koox u illaalisa jiritaanka maamulkiisa inta uu ka maqan yahay, shaqadooduna tahay in ay ka dhaadhiciyaan baahida ay u qabaan cududka boqorka iyo ilaalintiisa.

Wax kale oo aad qaybtan ku arkaysaa tusaaleyaan badan oo marag iyo markhaatiba u ah mid kasta oo ka mida saddexdaas tabood.

Cutubka Lixaad: Gobollada uu Boqorku Cududdiisa Ku Qabsaday

Qaybtan waxa uu iyana qoraagu kaga hadlayaa boqorrada ku hantay dhulka ay ku qaybsadeen kartidooda, cududdooda, geesinimadooda, iwm. Waxa uu sifaynayaa dabeecadda iyo wax kasta oo looga baahanyahay boqorka raba in uu kartidiisa maamul ku hanto, isaga oo inna horkeenaaya boqorradii ku hantay cududdooda, kartidooda iyo sida oo kale waxyaabihii u fududeeyay in ay halkaas gaadhaan sidaasna ku hantaan xukunka. Waxa uu inoo keenayaa sooyaalkii dhawr boqor iyo Nebiyo oo aad ka dhadhansan kartid in lagu hanan karo boqornimo, ama darajo maamul karti, geesinmo iyo cududba leh.

Waxaana ka mida:  Nabi Muuse (C.S) oo uu inoo tibaaxaayo dhaqamadii suubbanaa ee uu lahaa. “Qoorash” oo ahaa boqorkii aasaasay boqortooyadii ballaadhnayd ee FAARIS, “Romeles” oo ahaa boqorkii yagleelay boqortooyadii ballaadhnayd ee “ROOMA” iyo “Taysis” oo ahaa boqor ka mid ah boqorradii Giriiga. Cidkasta oo qaybtan dhaayaha saarta waxay ka marakacaysaa sida karti loogu hanan karo kursi iyo boqornimada, iyo tabaha ay marayeen raggii hore ee sidaas sameeyay.

Cutubka Toddobaad: Gobollada Lagu Hanto Cududda Cid Kale ama Nasiibwanaag

Qaybtii hore waxa uu kaga hadlay boqornimada lagu hanto dedaal, cudud iyo karti. Qaybtanna waxa uu kaga hadlayaa boqorrada, ama dadka ku gaadha kursiga nasiibwanaag, ama taageero cid amma shay kale. Waxa uu tilmaamayaa in ay gaadhista nuucani shiddo badan lahayn, ilaa inta uu boqorku gaadhayo kursiga, balse ay u yaallaan jidgooyooyin farabadani hanashada kursiga ka dib. Waxa uu qoraagu si hufan u qaadaa dhigayaa sooyaallo farabadan iyo siyaabihii ay u dhaceen oo ku saabsan mawduucan. Waxa uu soo qaadanayaa sooyaalkii ragg ay ka mid yihiin Faransisko Safoorsa iyo Siisar Boorjiyo oo midna xilka ku gaadhay karti iyo garaadkiisa, ka kalena nasiibwanaag. Sida cutub kastaba sooyaal iyo taariikho farabadan uga muuqdaan ayay kanna uga buuxaan sooyaal iyo dhacdooyin markaati u ah mawduucan. Waxa aad ka guntanaysaa talooyin fara badan iyo dhacdooyin kaa caawinaaya suuragalnimada talooyinkaas iyo in ay jireen cid samaysay, xilli la sameeyay iyo goob ay ka suurogaleen.

Cutubka Siddeedaad: Ruuxa Ku Hantay Xilka Tab iyo Xeel

Haddii qaybtii hore ay ka hadlaysay xilka sida loogu hanto, ama xilka lagu hantay karti iyo nasiibwanaag, qaybtan waxa uu qoraagu kaga hadlayaa hannaan kale oo lagu gaadhi karo xilka; in uu qofku ku hanto kursiga maamulka xeel iyo farsamo. Waxaa uu soo bandhigayaa tusaaleyaal uu qoraagu ka bixinaayo in kursiga lagu gaadhi karo tabtan, waxana uu soo qaadanayaa oo uu si faahfaahsana ugu soo bandhigayaa buugga dhexdiisa;

  1. Agatoko, oo ahaa nin ka soo jeeday dadyawga la yaso ee reer Saqliya, ka dib markii uu ciidanka si fudud ugu biiray, jeerkaasna uu darajooyin kala duwan ka gaadhay ilaa uu gaadhay hoggaaminta ugu sarreysa ee Saragoosa isaga oo adeegsanayaa tabtan.
  2. Oleferto De Formo, waxa uu ahaa agoon waxaana soo gacan qabtay abtigii oo ka danbeeyay darajo kasta oo uu gaadhay ka dab, isaga oo adeegsanaya tabtan khiyaanada ah ayaa uu noqday xataa mid birta ka asla kii soo koriyay gaadhista, kursigana u sii mara.

Akhrinta buuggan guud ahaan waxa aad kala soo dhex baxaysaa siyaasado farabadan oo aad islahayn way dhacayaan kuwaasi oo ilaa maanta laysku dhagro. Labadaas nin sooyaalkooda haddii aad milicsato waxay kugu baraarujinayaan xanuunka iyo halista khiyaanada iyo weliba in lagu hanan/hantay kursiga tab iyo xeel.

Cutubka Sagaalaad: Maamulka Rayidka ah

Cutubkan waxa uu qoraagu ku lafagurayaa maamulka ku yimaadda doonista dadweynaha kaasi oo u bixiyay “Maamulka rayidka ah”. Qofka habkan ku yimaaddaa waa uu ka duwan yahay kuwii hore ee ku yimid xoogga, ama khiyaanada oo isagu waxa uu ku yimid rabitaanka shacabka. Waxa uu tilmaamayaa tabtan qofka ku yimaaddaa in uu kursiga ku fuulo ayaankiisa, ama gacanqabashada dadka magaca iyo maamuuska ku leh bulshada dhexdeeda. Waxaa uu sidii hore oo kale inoo tusaalaynayaa dhacdooyinka ku jira sooyaalka ee la xidhiidha habkan. Waxa ugu weynayd ee qaybtan ugu tagaysid baa ah, sida ugu habboon ee loo ilaalin karo/ u ilaalin karo boqorku maamulka ku yimid danaynta shacabka si uu u noqdo mid sii waara.

Cutubka Tobnaad: Sidee Loo Qiimeeyaa Awoodda Boqortooyada?

Cutubkan waxaa uu kaga hadlayaa qoraagu sida loo qiimeeyo awoodda boqortooyo, gaar ahaan marka ay waayuhu ku adkaadaan ee uu cidhiidhyoonyahay wakthigu. Waxaa uu ku soo qaadanayaa buugga laba qiimaynood oo uu ku qiimaynayo awoodda boqorka; in boqorku uu awoodo in uu iska caabiyo cadawga, saga oo ku kalsoon cududdiisa ciidan iyo cuudka maagaalooyinka, in uu yahay mid awooddiisu sarrayso iyo in uu boqorku taageero tabaayo haddii uu xilliga adag uu dhufaysyada galo oo uuna cadawga weerar iyo iska cabin uula tagayn. Haddii aad sii akhrido cutubkan waxa aad arkaysaa sida uu u lafaguraaayo qodobadan khaasatan ka danbe, isaga oo markasta markhaati sooyaal indhaha kuu saaraaya.

Cutubka Kow iyo Tobnaad: Gobollada Kaniisaddu Ka Taliso

Waxa uu cutubkan kaga hadlayaa qoraagu maamullada diiniga ah iyaga sida lagu hanto.waxa uuna yidhi: “Waxaa lagu hanta maamulladan: karti iyo dedaal, ama lamafilaan iyo nasiib.” Waxa uu sheegayaa in hanashada kadib ay ilaaliniisu dedaal iyo karti toona u baahnayn. Waayo? Jiritaanka maamulkan ayaa waxa uu salka ku hayaa dhaqamo, caadooyin iyo xeerar soojireen ah kuwaasi oo awood u leh in ay ilaaliyaan kursiga. Ka-hadalka maamulka kaniisadda ka sakow waxa uu kaga hadlayaa cutubkan sida ay ku timid awoodda kaniisaddu iyo xilliga ay timid. Waxana uu ku lafagurayaa sida uu awoodda u siiyay kaniisadda aleskandarkii lixaad, isaga oo sooyaalkaa si waafiya uga sheekaynaaya.

Cutubka Laba iyo Tobnaad: Qaybaha Dagaalyahannada iyo Calooshood-u-shaqaystayaasha

Sida uu sheegayo qoraagu qaybtan waxa uu kaga hadlayaa ciidamada la soo kiraysto kuwaas oo uu ku sheegay calooshooda u shaqaystayaal. Waxa uu qaybtan si kaa qiiraysiinaysa uu uga hadlayaa hagardaamada ay leedahay in ay boqortooyada, ama dawladda ay ilaaliyaan ciidamo shisheeye. Waxa uu si hufan u soo bandhigayaa sida uu halista ugu yahay markasta jiritaanka boqortooyada/dawladda soo kiraysatay ciidanka shisheeye. Waxa uu inagu baraarujinayaa sida ay markasta isku hallayn u lahayn in ay kuu waardiyeeyaan ciidamo shisheeyo. Waayo? Iyaga waxa ugu weyn ee ay kuu ilaalinayaani ma aha in aad adiga iyo maamulkaagu nabad ku ladaan ee waa iyaga dantooda kaliya.

“ ….Boqorka soo kiraysta ciidamo, werwer iyo walbahaar ayuu kursiga ku saarnaanayaa oo waa ciidan kala daadsan oo iyagu dano gaar ah leh, ballan iyo isku hallayn ma leh, saaxiibbada hortooda geesinimo ayay ku muujiyaan, kolka cadawga la ishaleelana fulaynimo ayaa ka soo ifbaxda, Ilaahay kama cabsadaan, aadamena ballan uma xeeriyaan, qofka iyaga isku halleeyanna waxa aad ugu bishaaraysaa guuldarro, isaga iyo guuldarradaas waxaa u dhexeeya gedgeddoonka waayaha, ha dheeraado ama ha dhawaado e.” Cutubkan iyo mawduucani qof kasta oo akhriyaa waxa uu ku baraarugayaa hagardaamada ay leedahay in masuuliyada nabadgalyo ee dhul, ama waddan loo xilsaaro ciidamo shisheeye oo aan u dhalan. Waxa uu qoraagu ku siinayaa tusaaleyaal nool oo kuu caddaynaya halisaha ciidamada shisheeye. Sida uu qoraagu sheegaayo, si kasta oo aad u ammaaintid calooshooda u shaqaystayaasha/ciidamada shisheeyaha, marnaba kama shaqaynayaan in ay adiga libin kuu soo hooyaan ama ku ilaaliyaan, laakiin waxay ka shaqaynayaan oo ay ku dedaalayaan sida ay magacooda kor ugu qaadi lahaayeen.

Cutubka Saddex iyo Tobnaad: Ciidamada Dhaladka ah, Kuwa Xulufada ah iyo Kuwa Kaalmada ah

Cutubkan waxa uu kaga hadlayaa qoraagu halista ay leeyihiin ciidamada kaalmada ah, waxaana uu ku doodayaa in ay iyaguna leeyihiin halis u dhow, ama ka badan halista uu leeyahay colka la soo kiraystay. Waxaana uu ku talinayaa in iyagana laga fogaado adeegsigooda si looga gaashaanto cidhibxumada ay ka tagaan ciidamada nuucan ahi. Docda kale, waxa uu aad u boorrinayaa in mar kasta hoggaamiyuhu uu ilaaladiisa iyo ta boqortooyadiisa ama jamhuuriyadda u adeegsado ciidan dhalad ah, kuwaasi oo nafta u huri doona sidii uu boqorkaasi u guulaysan lahaa. Waxa ayna ka ilaalinayaan guluf kasta oo colaadeed. Sidii uu mararkii hore aragtidiisa ugu boorrinayay markhaatiyada sooyaalka, ayuu jeerkana dhinacyo badan kaa tusayaa taariikh xoojinaysa aragtida uu mawduucani xambaarsan yahay.

Cutubka Afar iyo Tobnaad: Xilka Boqorka Ka Saaran Ciidanka Qalabka Sida

Qaybtan waxa uu kaga hadlayaa ahmiyadda ay leedahay in uu boqorku ahmiyadda ugu muhiimsan siiyo barashada tabaha dagaalka, warqabka iyo quwaynta ugu waynna ku bixiyo dhisidda ciidan xoogbadan, kuwaas oo sahli doona in uu boqorku noqdo mid ku kalsoon jiritaanka taladiisa. Waxa uu qoraaga tilmaamayaa in uu boqor kasta uu ka fikiro hababka dagaalka xilliga nabadda, had iyo jeerna uu ciidankiisa tababbaro isaguna uu si qotodheer u kala barto dhulkiisa si ay ugu saamaxdo in uu ku kalsoonaado dhulkiisa xilliyada colaadaha. Waayo? Waxa uu bartay dhulkiisa meelaha ugu muhiimsan iyo meelaha ay tahay in ahmiyad gooniya la siiyo si uuna cadowgu uga soo gudbin.

Waxa aad buugga ugu tagaysaa tusaaleyaal taariikheed iyo ragg badan oo ku badhaadhay tabtan ku baraarugsanaanta quwaynta ciidanka iyo barashada habkasta oo dagaal, xilli kasta gaar ahaan xilliga xasiloonnaanta. Waxa uu ku soo gabagabaynayaa in uu boqor kasta uu barto sooyaalka raggii waaweynaa ee ka horreeyay si uu ugu daydo kuwooda geesiyiinta ah, ugana fogaado kuwooda fashilmay.

Cutubka Shan iyo Tobnaad: Dhaqamada Lagu Ammaano Madaxda ama Lagu Dhalliilo

Qaybtan waxa uu ku soo qaadanayaa dabeecadda uu yeelan karo boqorka xun iyo waliba ka suubbaniba. Waxa uu is barbardhigayaa xumaanaha iyo samaanaha uu boqor yeelan karo. Ka bacdina waxa uu ku talinayaa qoraagu in ay waajib ku tahay boqorkasta in uu sama kasta oo badhaadhe ku hoggaaminaya uu qabatimo, halka uu ka fogaanaayo shay kasta oo wanaagsan, balse samayntiisu ay lafdhuun gashay ku noqonayso jiridda danihiisa. Sida oo kale waxa uu boqor kasta ku boorrinayaa in uu ka gaashaanto xumo kasta oo ku hogaaminaya fashil, dumin kara danihiisa, si taas liddi ku ah waxaa uu ku talinayaa in uu boqorku uu ku dhiirrado samaynta xumo kasta oo isaga nagaashiyo iyo badhaadhe u siyaadinaaya.

Cutubka Lix iyo Tobnaad: Deeqsinimada iyo Dhabcaalnimada

Waxa uu ku bilaabayaa cutubkan in ay wanaagsan tahay in uu yeesho boqorku astaan deeqsinimo. Waayo? Waa markhaati madoon in ay tahay ammaanta loogu jecel yahay. Marka aad akhrinta sii wadid waxa uu doc kale kaa tusayaa halista ay leedahay in uu boqorku noqdo deeqsi, waxaana uu inoo sheegayaa in deeqsinimada oo sii dheeraataa ay boqorka ku hoggaaminayso hayn la’aan, ama hayn yaraan taasi oo ku khasbaysa in uu shacabka hanti ka raadiyo, kuna soo rogo canshuur badan taasi oo dhalin doonta in uu rayidku karho boqorka una arkaan mid culays ku haya, ka dibna ay ka dhalan karto kacdoon shacab oo boqorka lagaga soo horjeedo.

Waxa uu is barbardhigayaa dhabcaalnimada iyo deeqsinimada, waxa uuna kula talinayaa in uu boqorku ku adkaysto dhabcaalnimada ama gacan-adaygga, isaga oo sheegaya in ay keliya leedahay ceeb iyo cay, balse ay boqorka ka saacidi doonto in uu dadkiisa wax badan u qabto isaga oon cashuur saarayn. Waxa uu cutubka uu ku soo gabagabaynayaa “In uu boqorku iisho dhinaca dhabcaalnimada. Waayo? Gacan-adayggu ceeb ayuu kuu soo hooyaa, se ciil iyo cadho shacab kuuma soo duwo! Isaga ayaana ka roon in lagugu tibaaxo damaaci horseeda kala irdhood iyo caloolxumo mahadho ah!

Cutubka Toddoba iyo Tobnaad: Kakanaanta Iyo Dhibirsanaanta Midkee u Roon in Lagu Gacloodo Wabarka iyo in Lagaga Luga Duwado.

Qaybtan waxa uu isku barbar dhigayaa kakanaanta iyo dhibirsanaanta, waxa aanu sheegaya sida ay adeegsigoodu ugu kala mudan yihiin. Waxa uu boqorka ku boorrinayaa in uu doorbido kakanaanta taasi oo keensan karta in uu shacabku midoobaayo. Waxa uu boqorka uga digayaa ku talax-tegidda dhibirsanaanta oo u horseedi karta in aan laga haybaysan, balse taa beddelkeeda lagu dhiirrado in la hawaysto xilkiisa. Waxa uu soo qaadanayaa sooyaal kala duwan oo uu cuskanayo is barbardhigga kakanaanta iyo dabacsanaanta, waxaana uu kaa dhex tusayaa kala door roonaantooda. Waxa uu dulucda cutubka ku soo gabagabaynayaa “Dadku rabitaankooda ayay wax ku jeclaadaan waxna ku nacaan, se boqorka waxa ay kaga haybadaystaan isaga rabitaankiisa, wabarka indheergaradka ahna waxaa la gudboon in uu isku halleeyo karaankiisa ee aanu isku hallayn karaanka cid kale, waxa kaliya ee ay tahay in uu ka raadgataana waa ka dhawrsiga naca rayidkiisa!”.

Cutubka Siddeed iyo Tobnaad: Sidee Ayay Madaxdu u Oofiyaan Ballamaha?

Cutubkani waxa uu kaga hadlayaa ballamaha in la oofiyo iyo in laga baxo midka ugu sahlan ee uu boqorku ku sii joogi karo jagadiisa, waxa uu is barbardhigayaa boqorradii ballanta oofin jirey iyo kuwa aan oofin kuwii lib badnaa. Waxa uu soo qaadanayaa cutubkan dhexdiisa laba hab oo dagaal; midka u dhexeeya aadamaha oo uu ku sheegay “Hindise xeer ku salaysan” ka habar-dugaag u dhexeeya oo uu isagana ku sheegay “Hindise xoog ku salaysan”. Waxa uu boqorka ku boorrinayaa in ay lagama maarmaan tahay in uu barto labadan hindise dagaal, si uu u noqdo mid xeelado badan dadkiisana ku haysan kara xeeladahaas. Waxa uu xoojinayaa in uu boqorku samaha aan lib iyo liibaantoona u lahayn isaga tago, oo uuna ku khasbanayn in uu oofiyo ballamaha. Waayo? Aadamaha ayaa uu ku sheegay in ay yihiin kuwo isgedgedis badan. Waxa uu ku dhiirrinayaa boqorka isaga oo aan laga dareemayn in ay daruuri tahay in uu ballamaha qaado, isla markaasna iska dhaafo oofintooda. Waxa uu soo qaadanayaa dhawr boqor oo ballamaha si isku liddi ah ku ahaa waxana uu ku tusayaa siday u kala guulo badnaayeen.

Cutubka Sagaal iyo Tobnaad: Ka Dhawrsanida Yasitaanka iyo Naca Rayidka

Cutubkan waxa uu isagana kaga hadlayaa ahmiyadda ay leedahay in laga dheeraado nac iyo xumaan boqorka u gasha laabaha rayidka, taasi beddelkeedana waxa uu ku dheeraanayaa faa’iidooyinka badan ee ay leedahay kasbashada jecaylka bulshadu iyo sida ay u tahay waxa uu ugu wayn ee uu boqor isku halayn karo. Waxa uu u sheegayaa waxyaabaha ay bulshadu ku nacdo boqorkeeda sida: “Damacxumadiisa, dhaca hantidooda iyo qafaalashada hablahooda.” Waxa uu ku baraarujinayaa boqorkasta in waxa kaliya ee uu cabsida kacdoon gudaha ah iyo colaad, iyo weliba duulaanka shisheeyaba uu kaga gaashaaman karo ay tahay in uu kasbado jecaylka bulshada iyo in ay gacloodaan rayidkiisu. Waxa uu tusaalayaal buuxa uu kasoo qaadanayaa sooyaalka boqorro kala duwan iyo sida ay ugu nasteen, cadowkastena uga guulaysteen marka ay hanteen rayidkoodii iyo kuwa kale oo iska indho tiray kasbashada shacabka ka dibna ku danbeeyay cidhibxumo.

Cutubka Labaatanaad: Dhibaatooyinka iyo Dheefaha Dhufaysyada

Waxa uu cutubkan kaga hadlayaa dhufaysku waxa uu yahay, xilliga uu faa’iido leeyahay iyo goorta uuna wax tar lahayn. Waxa uu ku bilaabayaa ahmiyadda ay leedahay in la hubeeyo shacabka iyo khasaaraha ka dhasha shacabka in la hubeeyo. Waxa ugu mihiimsan ee aad cutubkan ugu tagaysaa waa ka hadalka, faa’iidada iyo khasaaraha ay leedahay isticmaalka siyaasadda ‘Qaybi oo xukun’. Isaga oo tusaaleyaal kala duwan ka soo qaadanaya darkii isticmaalay siyaasaddan ee sooyaalka ku jira.

Waxa uu sheegayaa dhufayska ugu qiimaha badan oo ah mid aanad sii suuraysan karin marka aad bilowdo cutubkan ama aad akhrido ciwaanka uu ku bilaabanaayo. Waa kan qoraaga oo sheegaya dhufayska ugu fiican ee ay tahay in uu boqor kasta samayto: “….. sidaa awgeed, dhufays waxa ugu roon ka laga dhiso laabaha ragga ee seeskiisu yahay gacaltooyo, dayrkiisuna daacadnimo, sababta oo ah Wabarka dhufaysyada adkaysta ee aanu shacabkiisu ku niyadsamayni kuma nabad galo…” Waxa uu tilmaamayaa boqorkasta oo gidaarro waaweyn u dhista dhufays ahaan, balse ilduufa in uu kasha shacabkiisa ka samaysto gabaadyo iyo dhufaysyo, in uu ku bishaaraysto in aanay gidaarradaasi si kaste oo ay u adagyihiin marnaba ka celindoonin gadoodka rayidka oo ay si yar ku burburin karaan.

Cutubka Kow iyo Labaatannad: Hannaanka uu Boqorku ku Mudanaayo in uu Caan-baxo

Qaybtan waxa uu kaga hadlyaa waxyaabaha ku hoggaamiya boqorka in uu noqdo mid caan ah oo ay hadal hayntiisu badan tahay, waxaana uu sheegayaa in uu boqorku caan noqdo ay ku xidhantahay hawlaha uu fuliyo ahmiyaddooda, iyo in uu shacabka ku dhexmilmo. Waxa uu soo qaadanayaa sooyaallo kala duwan oo haddii aad akhrido aad siyaasado kala duwan aad ka dheefayso. Waxa uu boqorka farayaa xilliyada ay dagaallamayaan dariskiisu waa in uu noqon dhexdhexaad, balse uu ku dhiirrado inuu mid taageero, waliba ka laga taagta daran yahay. Waayo? Waxa uu ka digayaa halista awood ka badan leh oo ah in uu maamulkiisa damco guusha ka bacdi. Waxa uu sheegayaa in ay tahay siyaasadda dhexdhexaadnimadu mid ay adeegsadaaan boqorrada kuwooda taagta daran aakhirkana ay dhali karto in uu ka guulaystaa iyaga damco maamulka boqorkaas, ka laga guulaystaana uu hiil iyo saaxiibtinnimaba u gooyo.

Waakan isaga oo arintaa ka hadlaaya: “….. boqorka waa laga haybadaystaa marka uu noqdo saaxiib dhab ah, ama cadaawe nacab ah oo siyaasaddaas ayaa ka roon dhexdhexaadnimada aan dhan loo raacaa jirin…” Waxa uu ku soo gabogabaynayaa in uu boqorku jacayl iyo kalgacayl u muujiyo dadka kartida leh ee xirfadaha gacanta ku wanaagsan, oo uu dhiirrigaliyaa ganacsatada iyo warshadaha, in uu ku beero farsamoolayaasha iyo ganacsatada kalsooni ay ku horumarinkaraan ganacsigooda iyo farsamooyinkooda oo ayna jirin cabsi ay ka qabaan dawladda haddii ay horumar ka sameeyaan shaqadooda. Waxa uu boqorka ku boorrinayaa in uu bulshada ku maddadaaliyo xafladda, ciidaha iyo sannad guurooyinka, in uu la saaxiibo bulshadiisa khaasatan dadka kartida u saaxiibka ah si uu noqdo mid deeqsinimadiisa iyo kalbaxsanaantiisa lala ashqaraaro.

Cutubka Laba iyo Labaatannaad: Wasiirrada iyo Xoghaynta

Waxa uu qaybtan kaga hadlayaa ahmiyadda ay leedahay xulashada wasiirradu, isaga oo sheegaya in ay qiimayn u tahay garaadka iyo caqliga boqorka, oo haddii uu boqorku xusho wasiirro xilkas ah waa boqor caaqil ah, haddii se uu xusho wasiirro aan xilkas ahayn waxa la qiyaasi karaa in uu boqorkaasi caqli buurrayn. Waxa uu soo qaadanayaa taariikho iyo boqorro si hufan u xushay wasiirro isla markaana ku liibaanay. Waxa uu u qaybinayaa garaadka dadka/boqorada saddexdan:

  1. Garaad wax fahma isaga oo aan kaalmo u baahan.
  2. Garaad wax fahma kolka looga qisoodo kadib.
  3. Garaad aan iskiina wax u fahmin, soojeedinta cidkalena wax ka fahmin.

Waxa uu u kala darajaynayaa sida ay u kala horreeyaan isaga oo tusaale u soo qaadanaya boqorro sooyaalkooda aad ka dhex dheehan kartid qaar ka mid ah aragtiyaha uu kor ku xusay. Doorashada ka dib waxa uu boqorka kula talinayaa sida loola socdo hawlaha wasiirrada iyo in uu boqorku abaalmariyo wasiirka shaqadiisa si hufan u guta. Waxa uu ku soo afmeerayaa in uu boqorku saaxiib iyo wadashaqayn dhaw la yeesho wasiirradiisa si xidhiidhkooda iyo waxa ay qabanayaanba u wanaagsanaado.

Cutubka Saddex iyo Labaatannaad: Ka Dhawrsanaanta Guulwadayaasha

Waxa uu ka digayaa in uu boqorku golihiisa ka agdhaw ay ku bataan guulwadayaasha, nacamlayaasha ugu sacabo tumaya boqorka xuma iyo same wixii uu ku taliyaba, isaga oo sheegaya cidhibxumada ay leedahay u dheganugaylka guulwadayaashu. Waxa uu boqorka kula talinayaa in uu sameeyo in uu bulshada ka dhaadhiciyo in aanay ku adkayn in bulshadu hortiisa xaqa ka caddayso, waxa kale oo haddana ka digayaa in haddii taasi dhacdo in ay keenayso ixtiraamdarro boqorka ku dhacda ka dib marka ay badato in bulshadu wax kasta kula soo dhiirrato. Doc kale oo uu boqorku kaga gaashaaman karo nacamlayaasha ayaa uu tusayaa waana in uu isku xeero ragg maskax iyo murti leh, iyagana uu layeesho talo kaste, ku kaste oo iyagana ka mid ahna uu u saamaxo in uu boqorka hortiisa runta ka caddeyn karo, dareensiiyana in uu taasi ku nafisaayo.

Waxa uu soo qaadanayaa boqorro hore oo aad ka dhadhansan kartid qisadooda sida ay ugu lib beeleen guulwadayaasha, ama ugu liibaaneen ka dhawrsoonida nacamlayaasha. Waxa uu ku soo gaabinayaa haddii uu boqorku rabo in uu ka dhawrsanaanta nacamlayaasha, “Waa in uu ragg murti u saaxiiba isku xeeraa, in uu iyaga talada la wadaaga, in uu waraysi badnaado, dhagaysi wanaagsanaado, erayga adagnna u dhabaradaygo.”

Cutubka Afar iyo Labatannaad: Maxay Ku Seegeen Boqorradii Talyaanigu Maamulladoodii?

Qaybtanna waxa uu kaga hadlayaa maamulladii Talyaaniga ee lumiyay meelihii ay maamulayeen iyo sababaha rasmiga ah ee ka danbeeyay jabkaas ku habsaday, waxaana ka mid ah maamulladaa uu ka hadlay boqorkii Naabuli iyo boqorkii Milaano, iwm. Waxa uu aanaynayaa sababaha ugu waaweyn ee ay xukunka ku waayeenna ku sheegayaa goldaloolooyinka ciidamadooda, iyo iyaga oo is dhigtay xilligii xasilloonaanta iyo nabad oo aan ka fikirin in ay wax kasta dhici karaan, kana tabaabushaysan waxa ay timaadadu u la imankarto. Waxa uu ku talinayaa in uu boqorkasta waxyaabo badan sii oddoroso xilliga nabadda wax kasta oo waayaha gedgeddoonka badan laga filan karana u diyaar garoobo.

Cutubka Shan iyo Labaatannaad: Kaalinta Ayaanka iyo Aadamaha

Bilowga qaybtan waxa uu kaga hadlayaa in wax kasta uu yahay wax qaddar Eebbe ku socda oo ay adagtahay in la hor istaago, haddana waxa uu sheegayaa in ay feejignaanta iyo ka diyaargarowga masiibo kasta ay lagama maarmaan tahay, loona baahan yahay in qofka uu dedaalo intii uu dedaali karo gedgeddoonka waayahana ka gaashaanto intii uu kasii gaashaaman karo. Waxa uu nasiibka ku mataalayaa webi, kaasi oo ugu horrayn duunyada madhaniya marka ugu horraysa ee uu fataho, balse waxa uu inoo sheegayaa in uu aadamahu uu ka sii gaashaanto in uu marlabaad fataho oo tii hore oo kale ay la kulmaan iyaga oo samaysanayaa biyo xidheenno iyo tabo kasta oo ay kaga hortagi karaan. Waxa uu ku sheegayaa cutubkan in nasiibka iyo waxa waayuhu ay wadaan xagiisa yahay balse loo baahan yahay dedaalka aadamaha, kaasina uu yahay waxa go’aamin kara libta iyo guusha ina Aadan. Waxa uu boqorrada ku boorrinayaaa in aanay isku hallayn nasiibka iyo ayaanka ee ay iyagu samaystaan qorshe iyo diyaargaraw, waayahana ay u dhigin libta iyo guusha ay naawilayaan balse ay sameeyaan feejignaan weyn. Waxa uu soo qadanayaa tusaaleyaal sooyaal oo badan.

Cutubka Lix iyo Labatannaad: Ka Xoraynta Talyaaniga Gacanta Shisheeyaha

Cutubkan ugu danbeeyaa waxa uu ku gudbinayaa talo aad u muhiima oo ku socota boqorka uu hadyeeyay buuggan, isaga oo tusaalayaal badan siinaya dhinacyo badanna ka dareensiinayaa kala daadsanaanta dadkiisaa, dhagarta shisheeyaha iyo in waxaasi oo dhan tahay fursad dahabiya oo hortaal boqorka, waxa uu u tusaalaynayaa sooyaalka ragg badan oo fursaddan iyo ayaankan uu boqorkani haysto ay soo martay iyo siday uga faa’iidaysteen. Waxa uu ka codsanayaa in uu u sara istaago boqorku halgan caddaaladeed iyo xoraynta dadkiisa iyo dalkiisa. Waa cutub aad u muhiima. Waayo? Waa mid uu qoraagu taladiisa ku soo gunaanaday, cidkasta oo dad ama dal kala daadsan joogta, sida: Soomaalida, waxa uu ku beerayaa dareen qaddiyadeed iyo in uu is wayddiiyo su’aalo badan.

DHAMMAAD

Waxaan bogaadinyaa dedaalka ay wadaan bahda turjumaan oo buuggan soo turjumay. Mahad badan ha ka gaadho adeegooda aniga iyo cid kasta oo fakaad u heshay dhaayo saaridda buuggana eebbe ka sakow turjumaha iyo iyagaa ayaa sababtiisa lahaa inaan akhrinno.

W/Q: Samatar Abshir Maxamed
Email: samedeeq@yahoo.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “