Aasaaska Ilaha Dakhliga iyo Dhaqaala-Abuurka ee Ururka Al-Shabaab | Vol: 01 – Cad: 56aad

 676 View

Indheergarad – Sebtembar 11, 2020 – Hakisbila – Vol: 01 – Cadadka: 56aad

Burburka, dawlad la’aanta, faragelinta tooska ah iyo midda dadban, afkaaraha iyo shisheeyaha ku dhex hardamaya gudaha Soomaaliya, ayaa waxa ugu weyn ee shidaalka u ah, dhaqaajinayana uu yahay dhaqaalaha. Dhaqaalahu waa laf-dhabarta wax kasta oo maanta dunida ka dhacaya, gaar ahaan Soomaaliya. Ururrada argagixisadu muhiimad gaar ah baa ay siiyaan meelaynta dhaqaalaha, haddaan dhaqaale jirinna waxba uma socon karaan. Ururka Al-Shabaab muddo badan baa ay ku qaadatay jaangoynta, qaabeynta iyo meelaynta ilaha dhaqaalahu. Hadda oo uu marayo xaaladdii ugu wanaagsaneyn ee dhanka dhaqaalaha, waxa uu ku bixiyay dedaal fara badan sidii uu heerkan u soo gaadhi lahaa. Werwer badanna kama qabo in dhaqaale la’aani soo food saarto muddooyinkan.

Dhinaca kale, ururka Daacish ayaa isaguna bilowgiisii waxa uu dardar geliyay sameynta ilo dhaqaale. Dhaqaale sameyntiisu ilaa hadda waa ay socotaa, si uu u muujiyo in uu yahay urur jira, dhaqdhaqaaq leh, waa in uu sida Al-Shabaab dad badan u laayo, si ay ugu fududaato galaangal badan oo uu ku yeesho gudaha Soomaaliya. Dhaqaalaha ay ururrada argagixisadu helaan ama sameyaan ee ay hal-abuuratay, sida ururka Al-Shabaab oo uu qoraalkani daaranyahay waxa ka mid ah: ganacsiga dhuxusha sharci-darrada ah (Illegal Charcoal Trade), cashuuraha ay qaadaan oo ay u yaqaaniin “Sakawaadka – Alms”, madax-furashooyinka ay dadka shisheeyaha ah qabsadaan (Ransoms), iyo taageeridda ay siiyaan dad cayiman oo taageere u ahi, iwm.

Qoraalkani waxa aynu diiradda ku saari doonnaa ururka ka dagaallama koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, Al-Shabaab oo xulafo la ah ururka Al-Qaacida, gaar ahaan qeybta dhaqaalaha oo ka mid ah unugyada ugu muhiimsan ee jiritaanka ururrada jaadkan ah. Kol kasta oo la daraaseeyo ururradan waa kol kasta oo ay fududaato sidii loo soo afjari lahaa. Waa ta kale e, halka ay maanta ka joogaan ururradani Soomaaliya waa heer ay adagtahay wax ka qabashadeedu, balse caqabad walba xal looma waayo, haddii ay jiraan dad daacad ka ah oo qorshe iyo hiraal leh. Maqaalkan waxa aan rejaynayaa in uu iba-fur u noqda, qoraallada afka Soomaaliga ku qoran ee lagu daraaseynayo argagixisada, faragelinta shisheeyaha, amniga si guud iyo ururrada xagjirka ah.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com
Email: barawaani@indheergarad.com