Baraha Bulshada iyo Ikhtiraaca Madbacadda: Isu-dhiganta Saamayneed | Vol: 01 – Cad: 57

 745 View

Indheergarad – Oktoobar 05, 2020 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 57aad

Yurub xilligii ay ku jirtay mugdiga (Dark Ages) waxyaabihii lagaga baxay waxaa qayb weyn iyo saamayn culus ku lahayd helistii/allifiddii mashiinka wax lagu dabaaco (Printing Press Machine). Waayo, waagaa wixii ka horreeyey aqoontu waxay ahayd mid aad u kooban oo aan dadku wada heli karin, taas oo ku koobnayd dadka dowladaha boqortooyooyinka ah iyo kaniisadda isku sidkan ku dhow ama xidhiidhka la leh. Helistii madbacaddu waxay keentay in aqoontu baahdo, qof walba ka bogan karo, taas oo ugu dambayn garaadkii iyo wacyigii guud ee bulshada kor u qaadday.

Waxa soo baxay saaxad dadka lagu gaadhsiin karo dhaliilaha kaniisadda iyo boqorka isla weyn ee leh: “Waxaan ahay metelaha Ilaahay ee dhulka“. Iyada oo taasina keentay in falaasifo waaweyn (Enlightenment Philosophers) la helo waxqabadkooda sida; John Locke oo ahaa aabbaha dowladnimada casriga ah iyo heeshiiska bulsho (Modern civil state and social contracts), Rosseu Descert, oo dhiig ku cusub ku shubay iskuulka caqlaaniga ah ee Falsafadda (School of rationality) iyo Voltaire oo la dhaho waxa uu ahaa tiir dhexaadkii baasiimiyey kacaankii Faransiiska iyo minja-xaabintii Boqor Luiz-kii halkaa ka talinayey. Waxa kale oo ah qaadhan luxdan oo aan la illaabi karin sheekadii Candide ee iyaduna caanka noqotay, sumcad badanna heshay wakhtigaas maantana weli leh. Sheekadaas oo ah mid u qoran qaab sheeko-faneed falsafi ah, isku darka intaasi iyo ka daalista boqortooyooyinka iyo kaniisaddu; waxay hormuud u noqdeen in Yurub ay ka baxdo Casrigii Mugdiga, aynna samaysanto Yurubta maanta horumarka, nolol wanaagga, waxbarashada iyo ilbaxnimada lagu majeerto.

Haddaba xagal taas la mid ah (Same persepective) baa aynu ka eegi karnaa baraha bulshada. Weliba kolka la joogo dunida saddexaad ee Muslinku qaalibka yahay. Waayo, isla mashaakiilkii Yurub haystay qaar ku dhowdhow baa ka jira dowladxumo, hoggaanxumo, dowlado diktaytar guud ah, kuwo taladu ku urursantahay qofaf ama qof keliya (Authotorianism), wadaaddo ku sifoobay culimadii xaakimka (Culamul Suldaan) iyo kuwa aqoonyahan aan garaadkiisa iyo ogaalkiisu ka horrayn waxa yar uu bartay. Taas oo ah mid qalallan loona baahanyahay in garasho lagu kaabo kolka lala falgelinayo waaqaca; oo ay suuragal tahay in ay jebiso protocols-kii iyo mechanisms-kii lagu baray. Aqoonyahan yaqaan bulshadiisa habka ay u nooshahay, waxa ay u baahantahay, waxa uu tari karo iyo sida wixii u bartay shaadh le’eg uga toli lahaa; isaga oo waaqaca dhaqan-dhaqaale ee bulshadiisa la eegaya, kana tegayn curfigooda.

Dowladihii Liberal Democrts-ka ahaa ee xorriyaadka oo dhan furay ayaa ka yaabban saamaynta waallida ah ee baraha bulshadu lee yihiin. Is bahaysiyadii samaysmayey intii casriyowgu (Modernity) jiray iyo aqoonyahankii la dhoobdhoobay buu dahaadhkii adkaa ee lagu tolay ka badh fayday. Tusaale; Prof Samatar, Sh Sudaysi Iqk, haddii loo fiirsado heerka ay heerargalka (Hierarchy) bulshada kaga jireen dhowaan 2010-kii iyo wixii ka horreeyeey, dadkuna ilaha ay wax ka qaataan koobnaayeen sida; masaajidka ama BBC-da, iyo halka ay maanta kaga jiraan oo ilaha xogta laga helo aad u kobceen waa kaaf iyo kala dheeri. Halkaa waxaa ka dhashay natiijo keentay In uu kordho wacyigii guud ee bulshada iyo kan gaarka ah ee qofeed.

Waxa abuurmay jawi ugub uu qayb laxaad leh ka qaatay guud ahaan adeegsiga Internet-ka iyo gaar ahaan baraha bulshadu. Jawigaas oo keenay isu soo dhoweynta bulshooyinkii kala qoqobnaa ee loo kala sheekayn jiray iyo isu-socodka afkaaraha kala geddisan ee loollanka ku jiray. Taas oo keentay la qabsasho aragtida kaa duwan iyo dulqaad fara badan oo bisayl ku dheehanyahay. Dad badanna geyeeysiisay in ay helaan ama ogaadaan xaqiiqooyin awel daah ka saarnaa ama looga sheeko xumeeyey. Si guud waxa heer la taaban karo gaadhay wacyi wadareedka bulshada, xaalkuna wuxu kusoo ururay mahmaahdii Soomaaliyeed ee oran jirtay: “War la helyaaba talo la hel“.

W/Q: Dhegjar Yuusuf Dhegjar
Email: Ibnudhegjar@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “