Harraad | Vol: 01 – Cad: 58

 1,096 View

Indheergarad – Oktoobar 06, 2020 – Lamtako – Vol: 01 – Cadadka: 58aad

Isma lihi qof Hawd oommane ah jooga cid baa oonka kaga aqoon badan, qofku marka uu si daran u harraado ee uu afka qallalo, candhuuf la’aanna noqdo in la sii oommanaan karo, haddii la helana in xididdo geedo inta la ruugo dheecaan laga raadiyo meesha keliya ee ay suurtagal ka ahayd waa Hawd.

Dhir la sheego oo muuqda arki maysid marka laga reebo geedo qalqallan oo sidii warmaha oo kale dhulka ka mudan, iyo dogobyo waaweyn oo meel walba legdan, waxaana sii hoos yaalla in le’eg oo xaabo ah. Ciid foolxun oo u eg dambas ka hadhay kayn gubatay ayaa dhulka oo dhan goglan. Hawada kulul ee dhan walba kaa soo afuufaysa waxaa ka sii daran dhulka isaguna raranka kulul soo butaacaya. Wax noole ah oo ishaadu qabanayso arki maysid marka laga reebo cayayaanka kor hoganaya raqda meel walba gorofsan. Kaymaha oo dhan hugun guux u eg oo ay cayayaankaasi sameeyeen ayaa ka soo baxaya. Wax walbana siigada iyo boodhka ayaa sii foolxumeeyey oo ka dhigay mid araggiisaba laga quusto. Dhulka foolxumadiisa waxaa sii weheliya urta qadhmuun ee ay dabayshu dhan walba kaaga keenayso.

Raqda dhulkaa wadhan waxaa ka mid ah raq aadane, waa aadane aan waxba dhaamin noolaha kale ee iyagu abaarta iyo harraadka u dhimaya. Waa raqdii Keyse, oo geed weyn hoostii wadhan sidii oo uu yahay rati bakhtiyey. Haddii raqdaasi toosi lahayd way warrami lahayd, wixii ay jab iyo xanuun martay bay ka warrami lahayd, iyada oo beerka u dhabbacan oo carrada kulul carrabka ku haysa oo in carrabkeedu qoyanyayay eegaysa ayay warrami lahayd, cod foolxun oo xabeeb ah ayay ku nuuxsan lahayd iyada oo neefta kulul ee sanka ka soo baxaysa ay carrada kulul afuufaysa, dhirta qalallan ee agtiisa ku mudan baa markhaati ahaan lahayd, hadday doonaan iyaga ayaa nolosha iyo guga ba u akhrin lahayd, haddaba raqdiisu waxay odhan lahayd.

Ma aqaanno meel ay ka bilaabatay xusuustaydu, se waxaan gartaa in aan ahaa qurbac hawd oommane ah ay noloshiisu ka bilaabatay. Harraadka darani wuxuu ahaa waxa keliya ee noloshaydu la ababtay, noloshayda keliya ma aha ee nolol walba oo hawd ka abuurtanba ayaa sidaas ahayd. Cirka sare biyo ku laalan moojaane in ay biyo kale jiraan maba aannan ogayn, mana aannan rumaysan kari lahayn. Dhul ceelal leh oo Nugaal jira waannu maqli jirtay, se iyaga dad aadane ah in aanay qodin oo dhagaxaa didibka ah aanay biyo ka soo burqin ayaan rumeysnaa, jiman baa qoday iyo quruumo abaaday ayaa dhusunka biyo ka keenay ayaa agtayda ka suurtagal ahayd. Iyagana biyo in loogu arooro waqti bay qaadan jirtay.

Annaga se maalmo siddeed ah ayaannu jidka sii hayn jirnay, si aannu Laasadaar biyo uga soo helno, haddana siddeed maalmood oo kale oo iyaguna aan oon ka madhnayn ayaannu jidka soo hayn jirnay, ka dibna dhowr haamood iyo labo sibraar oo biyo ah ayaannnu qoyskayaga u keeni jirnay. Qofku maalmo dhan ayaanu biyo cabbi jirin, oo af qallalan oo aad mooddo in miishaar lagu jeexjeexay ayuu yeelan jiray. Marka uu qofku biyo cabbana korkiisa ayaa laga garan jiray oo jirkiisa oo dhan baa iftiimi jiray, afkana heen baa ka fuuli jiray sidii oo uu wax dufan leh cunay, indho cadcad oo sida dayaxa u iftiimaya wuu yeelan jiray.

Biyuhu labo nooc bay kala ahaayeen, biyo wiyeer ah oo dhanno xigeen ah oo Nugaal laga helo, waxay ahaayeen biyo cad oo nadiif ah, noolaha qabatimana biyo kale oon kama aanay bi’in jirin, Laasadaar qofka ka cabba, qof samsamkii Xaramka ka cokanaaday waxba kama duwanayn, saa carro Alle oo dhulkaas ahi biyo kama aanay dhoweyn. Daalka iyo asqada socodkana iyagaa daawo u ahaa. Biyaha kale oo xareed ah, xilliyada roobabka bes ayaa la heli jiray, biyo guduudan, sidii cadrada hawd oo kale ayay ahaayeen biyo macaan in ay ahaadaan moojaane, se tayo ma lahayn waxay ahaayeen biyo wasakh ah oo caradu ku milan tahay.

Isma lihi qof Hawd oomane ah jooga cid baa oonka kaga aqoon badan, qofku marka uu si daran u harraado ee uu afka qallalo, candhuuf la’aanna noqdo in la sii oommanaan karo, haddii la helana in xiddido geedo inta la ruugo dheecaan laga raadiyo meesha keliya ee ay suurtagal ka ahayd waa Hawd, haddana qofku marka uu intaa waayaba in uu marxalad kale oo harraad ah u gudbayo oo qofku dhego beelayo ama qaylo khayaal ahi ay dhegaha kaga furmayaan wax caadi ka ah oo la wada yaqaanno ayay dhulkayga ka ahayd. Biyaha adiga oo haysta ayaad naftaada kala baqaylaysaa, oo aadan ka cokanaan karin. Inta aad noolaan karto ayaad noolaan lahayd si ay dadka u badbaadaan, qofna ma oga maalinta uu harraadka soo loodin doono, cid allaale iyo cid og ma jirto, se cimiladan kulul inaysan cid reebayn cid diidan ma jirto, xitaa waxaraha yaryar ee carrabka laadlaadinayay ee aqalka agtiisa jooga inay cimiladan baasi ay gubayso cid walbaa way aragtaa.

Sidaas oo kale qoysku xitaa haddii ay biyo haystaan iyaga oo beekhaaminaya ayaan dadka laga wada simi jirin, hadba inta taagta daran oo ilmuhu ugu mudan yihiin ayaa la siin jiray, qofka kalena inta uu ka maarmi karo ayuu ka maarmi jiray. Wiilka soo koraya si harraadka loo baro oo aanu ugu nuglaanin ayaa geela la raacin jiray, si uu u qado inta geelu qadayo, caanahana geelana uga ga maarmo biyaha. Waxa la bari jirey inay uu la qabsado nolosha adag ee harraadka, waa harraadka dadka dilooday, maxaa ubad badan harraad lagu layliyay oo ay dad badan niyad ahaan u dhinteen, balse dhibic biyo ah oo caayad wasakh ka soo dareertay ay nolosha dib u soo celisay.

Afar maalmood ka hor ayaan subax aad u kulul reerkii ka soo dhaqaaqay si aan biyo ugu raadiyo reerkayaga, se isma lahayn weli biyaha aad reerka ugu arooraysid ayaa noqon doono wedka aad u arooraysid. Dameer gaaban oo socod xun iyo aniga ayaa saaka isa soo daba kacnay, sidii oo aannu nahay labo dameerood oo is nuugaya, wuxuu se i sii dheeree labada haamood ee uu tuurtu ku sido, sidoo kale wuxuu i dheeraa in uu harraadka iiga adkaysan badnaa. Labo maalmood waxaan jidkii sii hayo aniga oo luunku afka i qallajiyey, maalinkii saddexaad ayaan haddana soo maray kayn u eg kuwii aan sii maray markii hore, illaa aan goor dambe hubsaday in aan ambaday. In aan xaqiiqsaday ambadkaya waxaa iiga sii daran harraadkii oo markan si ka daran sidii hore ii sii qabtay.

Afka iyo dhuunta ayaa i qallalay, ilmahuna way i arag darreeyeen, dhegayga maqalkooduna in uu silloonaa waan xusuustaa. Dameerkii xunka ahaa oo isagu iga socod badnaa markii aan waxba kala sixi kari waayey, faraha ayaan ka qaaday oo in uu i ag taagnaado macno iima samaynayn. Isaguba waa naflay, lagana yaabaa in meel uun biyo ka heli doono, ama harraad u baqtin doono. Harraadka in lala asqoobo oo qofku waxba kala garan waayo waan maqli jiray. Se anigu meesha kama filanayn in aan mar uun anna oonka daraaddii la garasho beelayo. Weligay ma malayn xitaa sida uu qofku harraad ula wareeri karo, waa weligay iyo abidkay.

Muuqaalka aragayguna waa sidii wax aanan aqoon, sidii meel qiiqaysa in aan joogo ayaan dareemaya oo aanan aragaygu nadiif ahayn. In dhulka abaar la qiiqayo iyo in indhaygu harraad la qiiqayaa xitaa ma kala garto. Waxa keliya ee aan gartaa waa in aan biyo u baahanahay, waa in aan nolol u baahanay. Nololna waa biyo, biyona iga dheer. Daqiiqad walba midda ka dambaysa way iiga sii darnayd, illaa aan markii dambe anigu dhulka is goglay inta aan jilbaha dhulka ku dhuftay, sidii rati jabay oo sugaya in lagu gawraco halkaa uu ku jabay. Wedka aan sugayaa waa mid aan aqaanno, waa wed ay u dhinteen wax walba oo noolaa, dhulkana qurux u yeeli jiray, waa harraad… haraadkii naflaha laayey, geedihii dhulkana qalajiyey in uu lafahaygaa yaryar dili doono anigu shaki kama aanan qabin.

Aniga oo wax walba ka quustay. Xitaa qoraxda i gubaysa in aanay jidhkayga dhidid ka keenayn oo dheecaan dux leh igu hadhin waan hubaa, sidii maas qoraxdu dubatay oo kale ayuu korkaygu u soo kogay. Aniga oo dhan baa qallalay, dareennadayda hoose oo dhan baa qallalay, rejadayda ayaa qallashay. Si yar oo tallaabo tallaabo ah ayay wax walba isku beddeleen, neeftu in ay igu adag tahay oo aanan hawada qaadan karin baan dareemay, markii dambena indhaha oo i sii madoobaanaya ayaan gartaa, sidii oo aan kayn madow geli doono indhuhu in ay illin xanuun badan soo deynayaan ayaan dareemayey, laakiin run ahaan illinba igama aanay iman, waayoo jidhkayga dhibic biyo ah haddii ay ku jirto anba waan sii noolaan lahaa.

Xusuustaydii ka soo bilaabmatay harraadku in ay isla galabta harraadkaa ku dhammaan doonto ayaan xaqiiqsaday. Waxa keliya ee aan rejo ka qabay ee noloshayda badbaadin karaa waa biyo… waa biyo. Ilaahow muu dhulku biyo soo tufo! Biyo… biyo.. si kasta oo aan kalmadda biyo ugu hadaaqo haddana ma heli karo, si kasta oo aan u rejeynayo haddana quus baan ka qabaa, waa aniga bacaadkaa kulul ee jidhkayga gubaya jirjir cadka u jiifa. Aniga oo wax walba ka quustay. xitaa qoraxda i gubaysa in aanay jidhkayga dhidid ka keenayn oo dheecaan dux leh igu hadhin waan hubaa, sidii maas qoraxdu dubatay oo kale ayuu korkaygu u soo kogay. Aniga oo dhan baa qallalay, dareennadayda hoose oo dhan baa qallalay, rejadayda ayaa qallashay, caleentii nolosha ayaa qallashay, sida uu dhulkuba u qallalan yahay ee uu abaarta u yahay ayuu mustaqbalkii iyo noloshayduba abaar foolxun u ekaaday, rejo kasta oo biyo ahna waxay noqotay mid iga dheer, sida uu dhulku cirka uga fog yahay.

Ugu dambayntii jirkaygii dhaqaaqa mar hore gabay hadda dareen ma leh, jidhkaygi hadda wuxuu la mid noqday geed maygaag ah oo abaartu qallajisay, dareen iyo damqasho midna ma leh, xiskayguna wuu madoobaanayaa oo sii madhanayaa, keliya waxa ii sawiranna waa aniga oo ban abaar ah harraad ugu baqtiyey, waxaana ii sii sawiran aniga oo ka sii baxaya xadka nolosha, xadka noloshu waa inta ay biyo kuu jiraan anigana biyo iima ay dhawa, harraad baan.

W/Q: Cabdiraxmaan Cirro
Muqdisho, Soomaaliya.

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “

2 Comments

  1. Hi, i think that i saw you visited my web site so i came to “return the favor”.Im trying to find things to improve my website!I suppose its ok to use some of your ideas!! Have you considered promoting your blog? add it to SEO Directory right now 🙂 Have you considered promoting your blog? add it to SEO Directory right now 🙂

Comments are closed.