Soomaaliya Uma Baahna Oohin: Naga Kaalmeeya Dagaalka Argagixisada| Vol: 01 – Cad: 59.

 1,126 View

Indheergarad – Oktoobar 14, 2020 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 59aad

Maqaalkan waxa qoray taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA), Amb. Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”. Waxaana afka Soomaaliga u turjumay Maxamed Cabdi Maxamed “Tilmaame Guutaale”.

Muqdisho, Soomaaliya. Oct, 14 gaadhi xamuul ah oo sida labo tan oo qaraxa guryaha lagu farsameeyo ayaa ku qarxay is-goyska Soobe, mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Qaraxa waxaa laga maqlaayey meel aad u fog. In ka badan 400 qof ayaa lagu dilay, 150 qof ayaa gubtay kuwaas oo aan la aqoonsan, halka boqollaal kale dhaawacmeen. Qoysaska ayaa socanaayey saacado iyagoo burburka ka doondoonaayey kuwii ay jeclaayeen. Boqollaal muwaadin ayaa safaf dhaadheer u galay dhakhaatiirta saacado si ay ugu deeqaan dhiig. Dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo dareewallada ambalaaska ayaa sameeyey wax walba oo ay awooddaan si u badbaadiyaan dhaawaca. Soomaali ka caraysan, kana calool xun ayaa isugu yimid is-goyska Soobe iyagoo dhalleecaynaya Islaaamiyiinta mintidiinta ah ee Al-shabaab axmaqnimadooda. Hoggaamiyayaasha Turkiga, Maraykanka, Ingiriiska, Kanada, Faransiiska iyo Qaramada Midoobay ayaa dhalleeceyey weerarka.

Balse, dhalleecayntu ma aha mid Soomaaliya ka saacidaysa dagaalka ay Al-shabaab iyo kuwa qaraxa u sameeya kula jirto. Si ay Soomaaliya uga guulaysto kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, Soomaaliya waxa ay u baahantahay khuburo iyo qalabka ka dhiman, sida oo kale waxa ay u baahantahay aragti cusub oo wada-shaqayneed oo dhexmarta ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibadeenna beesha caalamka. Shaki kuma jiro in ay Al-shabaab, oo xiriir la leh Al-qaacida ay gaystaan qaraxa. Qaraxyada lagu sameeyo guryaha waa xeeladaha guud ee ay kooxahan mintidiinta ah u isticmaalaan dagaalkooda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya. Qaraxii Oct. 14 waxa uu ahaa mid khasaarihiisu sarreeyo, si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab kuma dhacdo in ay qaadato masuuliyaddaa iyo in ay qirato falkaa waxashnimada ah; xataa xubnahooda ama kuwa taabacsan.

Dhowr sanno ka hor Al-shabaab waxa ay ahaayeen kuwa maamula badanka Koonfurta Soomaaliya oo dhan, ugu yaraan kala badh dalka. Intaas ka dib, Soomaalida iyo ciidamada Midowga Afrika ayaa Al-shabaab ka saaray badanka magaalooyinka waaweyn; duqaynta cirka ee Maraykanka iyo hawlgallada Soomaalida iyo ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa dilay tobanaan hoggaamiyayaasha mintidiinta. Balse, Al-shabaab oo haysata ugu yaraan 8,000 oo dagaalyahan, ayaa weli ku sugan dhulka baadiyaha ah, magaalooyin badanna waxa ay ku hayaan go’doon, waxayna qas ku sameeyaan isu-socodka waddooyinka waaweyn. Dookha dagaal ee Al-shabaab waxa uu ahaa waxyaabaha qarxa oo la soo qorsheeyey. Waxa ay isticmaaleen waxyaabaha qarxa ee guryaha lagu farsameeyo. 395 weerer sannadkii 2016, kaas oo galaaftay 723 qof dad ah, waxaana ku dhaawacmay 1,100 qof, waxayna siyaadday 110% marka loo eego sannadkii 2015-kii, taas oo la soo weriyey 265 weerar.

Al-shabaab sida oo kale waxa ay kordhiyeen awoodda hubkooda, iyaga oo kor u qaaday celcelis ahaan baaxadda qaraxyadooda shan kiilo (qiyaastii 11 pounds) ilaa 40 kiilo (qiyaastii 88 pounds). Sida oo kale waxaa kordhay waxyaabaha qarxa ee loo adeegsado is-miidaaminta ee gaawaadhida lagu rakibo 100 kiilo ilaa 200 kiilo (qiyaastii 220 ilaa 440 pounds). Waxayna gaareen 800 ilaa 1, 000 kiilo (1,763 ilaa 2, 205 pounds) intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016. Soo noqnoqoshada badan iyo awoodda qaraxyada ay isticmaasho Al-shabaab ayaa sare u qaadday dalabaadka waxyaabaha qarxa iyo qaybahooda kala duwan. Halkii xubnaha Al-Shabaab kaga tiirsanaayeen qarax u aasidda gadiidka millateriga kuwaas oo dhulka lagu aaso iyo adeegsida madaafiicda, waxay noqdeen kuwa hadda la qabatimay qaraxyada guryaha lagu sameeyo kuwaas oo la bacrimiyo ama agabkooda laga heli karo suuqa iyagoo iib ah.

Si loo aqoonsado, loollana dagaallamo kuwa miinada sameeya, Soomaaliya waxa ay u baahantahay in ay awooddo oo isticmaasho xogta sirdoon ee goobta danbigu ka dhacay, qaraxa iyo waxyaabihii ka haray qaraxii, agab waxa ay ka koobanyihiin, simi kaarka lagu hadlo, faro ka qaadid iyo DNA. Balse, in ka badan shan sannadood oo aannu helaynay taageero bannaanka ah bilowgii sannadkii 2017-kii, waxaanu haysanay afar kooxood oo boolis ah kuwaas oo shaqadu ka badantahay, kuwaas oo aan haysan waxyaabaha ka saacidaya in baaritaan lagu sameeyo qaraxa ka dib, aanna haysan wax laab ah oo lagu baaro denbiga, iyo kaliya hal qalab oo la soo amaahday kaasoo loo isticmaalo moobeellada gacanta ee la soo qabtay. Dowladda curdinka ee Soomaaliya waxa ay la halgamaysaa weli bixinta mushaharaadka saraakiisha booliska iyo askarta si joogto ah, mana awooddo in ay dhaqaalaheeda ku tababarto, qalabayso kooxda u khaas ah miinooyinka wakhtiyadan dhow. Yaaran baahsan oo ka jirta aaladda loo isticmaalo kala jarida is-gaarsiinta (Jammer), robotyo, iyo qalabka kale ee difaaca loo isticmaalo waxa ay ka dhigantahay–waxa ay la macno tahay in ay dadkani ku hawlgalaan halis. Sirdoonkayagu iyo kooxdayda wax falanqaysaa waxa ay weli ku tiirsanyihiin qalabkii wax lagu baari jiray qarnigii labaatannaad!

Waxaanu ahayn kuwo ku hawlgalaya indho la’aan gabi ahaanba. Saaxiibadayada beesha caalamka ayaa noo soo bandhigay in ay na siinayaan “caawinaad farsamo“. Balse, niyaddooda wanaagsan darteed waxay naga sii dhigtay kuwo ka sii indho la sidii hore. Caddaymaha laga soo uruuriyey goobaha qaraxa, waxaa isticmaalay, soona saaray khuburo ajaanib ah, kuwaas oo ula dhaqmay sirdoonkayaga badeeco ahaan, halkii ay ka noqon lahayd hanti la wadaago dagaalka-ka-dhanka ah cadow aannu wada leennahay. Marka bannaanka loo saaro xogtayada waa dhif iyo naadir in dib la soo celiyo. In yar oo ka mid ah baadhitaanka ka dambeeya qaraxa ayaa nala la wadaagaa. Inta badan, wax warbixina oo ku saabsan qaraxa ma maqalno. Taas ayaa keentay, in aannu weli ku xidhannahay asxaabta ajnabiga ah. Halkii aannu, annagu baran lahayn aqoonta iyo xirfadda shaqadana dhinacayaga kaga toosi lahayn. Wadaagista xogtu ma aha wax weyn, hasayeeshee sababo jira awgood marka ay noqoto qaraxyada lagu soo farsameeyo guryaha taas oo galaafata Soomaali badan, ayaa waxa ay u muuqataa arrin aanay ku filnayn keliya beesha caalamka.

Bishii May, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xilsaaray in mudnaan aad u sarraysa la siiyo lana khalkhaliyo shabakadda qarxiyayaasha iyo kooxaha sameeya. Hay’adda sirdoonka ee heer qaran iyo qaybaha Ammaanka, qaybta aan anigu madax ka ahay ayaa la siiyey masuulliyadda fallaqaynta iyo ka faa’idaysiga caddaymaha laga soo uruuriyey weerarrada argagixisada, samaynta qorshe lagaga hortagaayo kuwa miinooyinka u qaabilsan argagixisada iyo in laga hor-tago weerarrada. Waxaanu adkaynay annagoo isku xeernay ammaanka Muqdisho, si aannu u hubino isu-socodka dagaalyahannada, hubka iyo waxyaabaha qarxa. Waxaanu aqoonsanay miinooyinka badanaa la isticmaalo qaybahooda, kuwaas oo loo soo dhoofiyey ganacsi ahaan iyo hababka aannu u xannibi karno ama aannu u maamuli ahayn helidooda. Sida oo kale waxaannu kala xiriirnay saaxiibadayda beesha caalamka oo ay ku jiraan Maraykanku, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay tababarada iyo caawinaadda farsamooyinka aanan haysan iyo in ay naga caawiyaan dhisitaanka laab yar, qaybta lagu baaro denbiyada, kiimikada, iyo waxyaabaha khaaska ah ee elegtaroonniga ah. Isku jirka sirdoon qaran iyo booliska heer federaal ee Soomaaliya. Ammaanka booliska helidooda jeel ay uga faa’idaystaan in ay dambiilayaasha ku baaraan, xog qaran iyo awoodda diyaarinta warbixinaha. Balse ma annnu helin wax jawaab ah.

Waxaanu ka codsanay saaxiibadayada beesha caalamka in ay la wadaagaan xogta oo dhan iyo caddaynta ay ka soo heleen Soomaaliya. Dowladda heer qaran. Waa se la iska dhegotiray! Xogta muhiimka ah iyo caddaymaha dembiyada lagu galo dalka Soomaaliya weli waxaa loo dhoofiyaa laguna soo falanqeeyaa dibedda, taasina waxa ay noo diiddaa annaga fursada in aannu difaacno muwaaddiniintayada, kulana xisaabtano kuwa dambigaas galay. Bishii siddeedaad, waxaan la xiriiray xafiiska F.B.I si ay nooga caawiyaan sida looga hortagi karo waxyaaha qarxa ee la soo farsameeyo kaas oo khatar ku ah Sooomaaliya. Qaybta argagixisada waxyaabaha qarxa ee F.B.I oo caan ku ah khibraddeeda miinooyinka lagu aaso geesaha waddooyinka. Waxaan ka codsaday in aan la kulmo si aannu khatartaa uga wada-hadalno, balse iyagana kama aannu helin wax jawaab ah.

Qaraxii loo adeegsaday gaadhiga ee Oct. 14, waxa uu ahaa denbi laga galay dadka Soomaaliyeed iyo denbi weyne laga galay bini’aadantinnimada. Balse ma awoodno in aannu helno wax caddayn ah, isticmaalmo sirdoonkayaga iyo kiis lagu la xisaabtamo kuwa ka masuulka ah denbigaas. Weerarrada noocaas ah waxaa laga yaabaa in ay sii socdaan, Soomaaliya keliya ma aha, balse sida oo kale dalalka kale ee Shabaab ka hawl-gasho. Waxaanu u baahannahay caawimaad si annu u xaqiijino in aannu u dhicin mar kale xasuuqaas oo kale. Haddaba si aynu taas u samayno waa in aynaan ka cabsan fashilkeenna dhammaanteen si aynnu isaga difaacno weerarrada bahalnimada ah.

Waxa aannu u baahannahay tababbarro badan, qalab heer sarreeya iyo in aannu awood u leennahay in aanu dalka gudihiisa ku baadhi karno denbiyada/gaboodyada. Dibedda uma saari karno, lamana wadaagi karno baadhitaannadayada iyo xogaha sirdoonkayagaba qandaraaslayaal gaar loo leeyahay oo dheef-doon ah. Waa in aanu helnaa awoodaha lagaga faa’iidaysan karo caddaymaha sirdoonka, si aanu dambiilayaasha ugu xukumi karno maxkamadaha dalka. Sidoo kale si aanu ula nimaadno tab Soomaaliyeed oo lagu jabinayo cadawgan. Waa mid ay nagu leeyihiin dhibbanayaasha Muqdisho/We owe it to the victims of Mogadishu.

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe”
W/T: Maxamed Cabdi Maxamed ‘Tilmaame Guutaale’.

XASUUSIN: maqaalkan waxaa lagu daabacay wargayska caanka ah ee The New York Times, Oct. 26, 2017. Waxaana Afka Soomaaliga u rogay Maxamed Guutaale. xuquuqda sawirka: Mohamed Abdiwahab/Agence France-Presse — Getty Images Ock, 2017. Lifaaqii asalka ahaa ee maqaalka:
https: //www.nytimes.com/2017/10/26/opinion/somalia-united-states-terrorism.html