Cali-deeqsi | Vol: 01 – Cad: 60

 913 View

Indheergarad – Oktoobar 19, 2020 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 60aad

Caawa waa kan isla qolkiisii oo kulul dhex jiifa. Koox kaneeco ah oo aad mooddo inay dhiiggiisa u soo heshiiyeen ayaa ka dul yuusaysa. Hal mar ayay jaanta iyo jiibta isla helayaan sidii barbaar ciyaar tumanaysa oo bankii Qorraxey iskugu soo baxday. Wuxuu is waydiinayaa sababta ay kaneecadu u doonayso dhiiggiisa khadhaadh ee sakhradda jaadka iyo sigaarku balwadda u noqdeen.

Aroortii, kolka joodariga uu ku seexdo karaahiyaysto ayuu jarmaadaa. Joodariga keliya ma karaahiyaysto ee waxaa kale oo hurdada subaxda ka toosisa qorraxda fallaadhaha qumman kasoo dusinaysa daloollada albaabka birta ka sameysan ee qolka yar ee liita ee uu degganyahay; u ekaysiinaysa dharaar cad. Marka uu biyo cad foolka ku dhaqo ayaa uu islaan gurigiisa meel u dhaw laxoox ku sameysa kaga sii dhuftaa dhawr hal oo kimis ah. Kabihiisa fuqa dheer ee madmadoow waxaa midabka ka beddelay habaaska Jigjiga, oo haddii aroortii uu baalashaysto wuxuu hoydaa iyaga oo dhulka u eg. Beryahan danbena baalashka ayaa qaaliyoobay oo wuxuuba doorbiday in uu iyaga iyo habaaskoodaba iskaga shaqo galo. Marka uu roobku da’o waa marka uu naco nolosha magaalada iyo kabaha uu xidhanyahayba.

Habeenno badan ayaa isaga oo qolkiisii yaraa u sii socda uu ku dhacay godad biyo ka buuxaan iyo meelo dhooqadu ilaa dhudhunka qofka gaadhayso. Marka uu laxooxda yar caloosha ku hubsado ayuu bajaaj la boobayo dhiniciisa qabsadaa inta uu laba islaamood iyo gabadh yar garabka ku qaado. Xafiis aan shaqo kale oollin oo shaqaalaha soo gala uun la xaadiriyo ayaa uu magiciisa saxaa. Shaqo la qabto iska dhaafe kolkolka qaar baa shaqaaluhu kuraasta lagu fadhiisto kala waayaan, deedna qaarkood ayaa gidaarka xafiiska istaaga; qaar iska sheekaysta, kuwo sigaar cabba iyo kuwo taleefan ku hadla inta ba. Hadhka marka ay noqoto ayaa uu islaantii jaadka sii maraa oo ka qaataa geedo aad mooddo in isaga lagu falay oo mushaarkiisa yar qaba.

Qadada kadibna xafiisba ma haleelo ee caleentiisa qadhaadh ayuu ruugaa, wuxuu u dhexeeyaa mar uu khayaalkiisa foofiyo oo mala’awaal sawirto isaga oo shaqadiisa mid ka sarreysa xafiiska ka helay, isaga oo guryo waaweyn dhistay sida ninka xafiiska uu ka shaqeeyo ku-xigeenka ka ah iyo isaga oo nolosha rafta ah ka baxay oo gaadhi cad iska wata. Caweyska marka ay gaadho ayaa uu makhaayad kale garaw ama canbuulo kasii cunaa, qolkiisii magaalada daanta fog kaga yaallay ee joodarigu u dhex yaallayna isku tuuraa. Dhakhso uma gam’o e inta uu kululaado ayuu dibedda u baxaa oo findhicil iyo rumay ilkaha ku qodaa, midh sigaar ahna shitaa. “Khaakh iyo tuuf” sida uu u leeyahay ayaa habeenka qeybtiisa badani ay tagtaa. Goor danbe oo uu soo laydhsaday ayuu dhinaca dhulka dhigaa oo hurdo uu meel dheer ka doonay ledaa.

Gabdhaha xafiisku dhawr goor ayay iswayddiiyeen sababta uusan Cali-Geeljire u guursanin isaga oo da’da 30ka wax u dheeryihiin. Salxamaha dhaadheer ee timihiisa foodda gooyay iyo muuqaalkiisa duleed ayaa laga gartaa in da’dii dhallinyarnimada uu kasii baxayo. Xantiisa waa ay hayaan in uu kolkii hore miyiga ku waynaaday. Isaga oo qaangaadh ah in magaalada la keenay, in uu qoys qaraabada ah la joogay intii uu wax baranayay iyo in uu jaamacadda ku dhacay oo shahaadada uu iibsaday, intaba balaf aan la hubin ayay ku maqleen. Waxa kale oo ay maqleen Hibaaqdii xafiiskooda laga eryayna in lagu xaman jiray inay wada sheekaystaan. Waloow ay intaas oo cillad ah iyo balwadba ku ogyihiin, haddana iyaga laftoodu waa hablo ay labaatanka dhawr gu’ u dheeryihiin, qudhooda hunguri baa kaga jira suurtagalnimada ah in ninkan ay is calfan karaan.

Waxa ay ka dheregsanyihiin ragg yaraanta jirta iyo tayo xumida ragga doobabka ah ee carriga iskugu soo hadhay. Waxay ogyihiin in saaxiibaddood Xaliimo uu guursaday oday 55 jir ah, sidoo kale saaaxiibaddood Sucaadna uu guursaday nin naag hore qabay naag kalena ay kala tageen. Iyaguba sida Cali ayay intaas hurdo la’aan yihiin oo waa ay saamallaylaan. Mid Faysbuug ku raagta, mid Snapchat is ruxaysa, mid TikTok la waalatay iyo mid aroos kasoo ciyaaraysa ayay iskugu jiraan. Sidaas oo ay tahay haddana waxa sawir ah ee ay baraha bulshada u iib geeyaani uma gooyaan rag gayaankooda ah oo guur lasoo qaada. Sidaas darteed baa Cali-Geeljire laftiisa hunguri uga hayaa oo waxaaba dhacda inuusan isagu xataa uga dareen.

Caawa waa kan isla qolkiisii oo kulul dhex jiifa. Koox kaneeco ah oo aad mooddo inay dhiiggiisa u soo heshiiyeen ayaa ka dul yuusaysa. Hal mar ayay jaanta iyo jiibta isla helayaan sidii barbaar ciyaar tumanaysa oo bankii Qorraxey iskugu soo baxday. Wuxuu is wayddiinayaa sababta ay kaneecadu u doonayso dhiiggiisa khadhaadh ee sakhradda jaadka iyo sigaarku balwadda u noqdeen. Inta uu afaafka furay oo laydhka damiyay ayuu go’ calal ah qaatay oo kaneecadii iska dareeriyay. Waakan mar kale hurdo isku diyaariyay, isaga oo aaminsan in uu kaneecadii ka adkaaday. Isaga oo hurdadii uu meesha dheer u dooni jiray soo wada waatan hal xabbo oo kaneeco madi ah dushiisa “mnawww” ka tidhi. Dhawr jeer markii ay dushiisa martay ayay hurdadii uu sasabi jirayna ka duushay. Xanaaqii uu hurdo la’aanta ka qaaday darteed ayuu kaneecadi yareyd labadiisa sacab ku bururiyay.

Mar kale ayuu feedhihiisa lafaha ah ku muday furaashka lufanka ah ee dhawr sannadood siduu ugu seexanayay dhulka le’ekaaday. Fikir aan beryahan kusoo dhicin ayuu bilaabay. “Horta ma sidan baad waligaa usoo taagnaanaysaa”, ayuu iskula hadlay. “Maxaad u guursan la’dahay waa adigan gaboobaye?”, ayuu iswaydiiyay. Haddii aad guursan laheyd kaneecadu hurdada kaama qasteen. Qol dugsoon oo uunsi lagu shiday furaash cuddoon oo giigsanna goglanyahay ayaad ku seexan laheyd, adiga oo gosha kaga jira gaari haween ah oo kolba gacanta la laacaya canabka agtaada daadsan. Ina hebelkii dhawrka gu’ kaa yaraa waa kan guriga dhistay ee saddex carruur ah loo dhalay sow maaha? Jimcaalihii yaraa ee ina Xaashi ee aad dhalashadiisa ogayd isaguna waa kan ganacsadaha weyn noqday ee Xaaji Jimcaale dadku ugu yeedhaan ee laga haybaysto. Maxaa adiga kaa si’ ah? Qeyrkaa baad ka hadhay! Abdo ma lihid. Adduun iyo aakhiro midna raandhiis ma haysid. Salaadna goor kuugu danbaysay garan maysid oo ciiddii lasoo dhaafay inaad tukatay oo oday deriska ahi ku kexeeyay uun baad dirqi ku xasuusantahay. Jaamacaddiina waadigii dhacay ee shahaadada soo gatay.

Shaqadiina waa adigan quutul daruurigaagii xataa aad ka heli la’dahay ee kirada guriga kololka qaar lagugu yeesho. Caano beel! Adiga oo geeliinii iska raaca ayaaba malaha dhaantay meeshan jaan ee aad noloshaada ku lumisay. Hadda maxaa xal ah? Tolka baaho ii ururiya ma dhahdaa si aan nolosha wax uga beddeshid? Oo ma nin aan reer laheyn oo tolka waxba kusoo kordhinin baa baaho loo ururiyaa? Mayee horta reer yeelo. Kol ay gabbaati noqoto lacagba ma hayside maxaad ku qooqi? Yeelko’e kol aad laba halaad reerka kasoo kaxaysato si uun yeel oo isdaba qabo. Horta yaad guursan ma adaaba naag haya? Qofta xafiiska kaala shaqeysa ee Shamsa ka warran? Way iska fiicnaan laheyd ee waa dhul dhaqaaqay. Gaabnidaas xad-dhaafka ah baa dilaysa ee sida kale waa xariir. Oo gaabnideeda maxaa kaa galay, sow booska naagnimo kuu buuxin mayso?

Gabadha Saado la dhaho ee ay islaanta aad laxooxda ka cuntaa dhashay iyada ka warran? Waa jamjam farriid ah balse waa dhaweyd uun baa miyi laga keenay oo isfahmi maysaan. Oo bal maxaa miyigeeda kaa galay iyada wax badan shuqulka magaalada ugama baxsana oo kharash badan kaaga bixi maayee? Horta ina Aw-Cumartii reerkii aad la joogi jirtay u shaqeyn jirtay iyada ma la guursaday? Wallee taasi geenyo ayay aheyd balse dabeecadda ayay ka arradnayd! Bal horta waagu ha beryo. Habeenku dheeraa…! Miyaa la durkiyay xilligii daakiraadda? Bal horta xabbad sigaar ah dibedda kusoo nuug oo laydhana soo yara qaado. Kolkii uu xabbadda sigaarka ah dhammeeyay waa kaas sheekhii addimay.

Cali maalmahan waxaa galay hunguri ah in uu xil qabto. Waa kan hadba dhawr oday oo reerkiisa ah makhaayadaha magaalada kula shira galbihiina la qayila. Muddo kadibna madax-xafiiseedkii reerkooda ahaa ee degmada ku qornaa waa kan la eryay. Ragga booskaas u sharraxan ee ugu cadcad waxaa safka hore kaga jira Cali oo shahaado bug ah wata. Ragga la magacaabo inta badan waa kuwa mixnadda iyo munaafaqadda ku dheereeya. Isaguna beryahan danbe intaas wuu ku fiicanyahay oo waayo’aragnimo ku filan ayuu haystaa. Waa kan isaga oo is qondhodhin warqaddii magacaabista la ordaya. Madax-xafiiseedka maaliyadda ee degmada Geedbalaayo ayuu sidaas ku noqday. Haatan wuu ka raystay qolkii yaraa ee ilayska cadceedda aroornimo ay kasoo gali jirtay daloollada yaryar. Kabihii habaaska Jigjiga caseeyay ee kolna dhiiqada ku subkan jiray, kolna fuqa dheer ciidda dari jiray waa kan bil kasta kuwo cusub ku beddela.

Xaaji Jimcaalihii ganacsadaha ahaa waa kan qandaraaska siinaya ee isaguna xaqiisa ka goosta. Jaadkiisu waa kan hadh iyo habeen tuullan ee aan badhi go’ ka welwelin. Ina koosaarta uu hantiilaha magaaladu dhalay waa kan kolba dhinaca ku xoqaya ee iyaduna u carrab laallaadinaysa. Sannad isaga oo aan xafiiska maaliyadda joogin waa kan guriga quruxda badan dhistay ee gabadh 18 jir ahna ku aroosay. Bidaartii waa tan durugtay ee aadka u dhalaashay. Maamulka u sarreeya degmada ee warkiisa la maqlo waa kan noqday. Isbeddelka noloshiisa ku dhacay marka uu arko waa kan dhoosha ka qosla ee ismahadiya. Waa kan isku maaweeliya odhaahda halheyska uu u leeyahay ee ah “Nolosha haddii aanad ka adkaanin iyada ayaa ka adkaanaysa.

Halkaasi waxa ay aheyd jaranjarta uu Cali kasoo fuulay siyaasadda heerkeeda koowaad. Haatan waxa uu hunguri ka hayaa inuu heer gobol ilaa heer deegaan u dallaco, oo weliba maaddaama uu xubin firfircoon oo hantida cuni og yahayna uu noqon karo golaha dhexe ee xisbiga. Xataa wuxuu odayaasha tolka dhawr goor kala hadlay in isaga cid aan aheyn aan xildhibaannimo loo dooran karin oo isagu yahay qofka ugu mudan, sidoo kale uu kasoo jeedo reerka ugu badan ee degmada degan. Ol’olihiisa xildhibaannimadu faysbuugga in laga xayaysiiyo ayaa halbeegga koowaad u ah oo dhallinyaro uu arrintaas u tabobaray ayuu maalin walba jaad u qaadaa. Iyaguna sawirradiisa iyo erayo ammaan ah oo la qurxiyay ayay oodda kasoo qaadaan. Xildhibaan Cali-Deeqsi ayay ugu yeedhaan marka ay jaadka ka doonayaan, isaguna inta uu farxad is kala garan waayo ayuu mid kasta marduuf dhan u qaadaa. Biyo iyo sharaabna makhaayadda Xafsa-gaabo ayuu ugu ballamiyaa. Halkaas ayaa loogu guulwadeeyaa. Guddoomiyaha degmada xataa isaga ayaa ka saameyn badan dhanka shacbiyadda. Dadka degmada jooga oo isaga badan kuwo balwaddu daashatay ayuu inta badan gacanta ku hayaa oo balwaddooda qanciyaa. Sidaas darteed ayuu ku qaatay naaneysta cusub ee Cali-deeqsi.

W/Q: Mustafa Sh. Maxamed “Atam”
Jigjiga, Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Email: mustafeatam@gmail.com