
2,026 View
Indheergarad – Oktoobar 20, 2020 – Lamtako – Vol: 01 – No: 44
‘’Kol haddii aad dal haysatid, dadna aad haysatid, waxaad hanatay labo shay oo lagama-maarmaan u ah yagleelidda xaddaaraddaada, waqtiguna waa u muhiim isbeddelka aad ku taamaysid. In aad isku xirtid ku waantowga tagtada, dheefsashada taaganta, iyo u tooghaynta timaaddada’’ – Dhabannahays.
Hordhac:
Ku saabsan qoraaga: Maxammed Gaanni waa qoraa Soomaaliyeed, maansoyahan iyo turjumaa. Marka laga soo tago buuggan dhalad Soomaaliga ah ee Dhabannahays, shaqooyinka kale ee qoraagu soo saaray waxaa ka mid ah, turjumaad: Al-Futuuxaad al-Ilaahiya. Kuwa jidka ku soo jira ee dhowaan soo baxaya iyagana waxaa ka mid ah turjumaad: Al-mandiq, Yoolgaar iyo buugga sheekada ah ee Mamuus iyo Sayn.
Ku saabsan buugga: Dhabannahays waa dhigane loo qoray in uu la hadlo garaadka iyo damiirka Soomaalida. Wuxuu isku deyayaa inuu sharraxo qaybo ka mid ah cudurrada bulshada iyo xubnaha ugu badan ee ay saameeyaan, bukto la bixin waayayna ay ku noqdeen. Buuggu ma soo xiganayo ilo cilmiyeed toos ah marka laga reebo aayado Qur’aan ah oo uu ka hanuun qaadanayo, cutub kastana ibofur u ah, balse wuxuu ku qotomaa raacasho cilmi, dhugasho xaaladeed, iyo fahan uu qoraagu ka qaatay dhacdooyinka nololeed ee uu goobjoogga u ahaa ama uu taariikhda dhow ee Soomaalida ka ogaaday. Buuggu wuxuu soo qaadanayaa qaybo ka mid ah hantida maguuraanka ah ee bulshada. Taas oo qaab dhismeedkeedu joogo balse sida qoruhu qabo aan la jihayn. Wuxuu ka warramayaa macallimiinta, qoraayada, duqayda dhaqanka, wadaaddada iyo aqoonyahanka, oo dhammaantood ah indhihii bulshada hagi lahaa talooyin wax ku ool ahna u soo jeedin lahaa. Buuggu dhaliil fara badan ayuu soo jeedinayaa, sidoo kale talooyin ayuu ku lammaaninayaa. Waxaa soo saartay buugga madbacadda Garanuug, waana buug in la akhriyo mudan. Haddaba halkan waxaannu idin kula wadaagaynaa ciwaan ka mid ah kuwa buugga oo aannu ka soo jeexnay. ‘’Arradan’’.
*********
“Qofkii uu Alle ihaaneeyo, cidina sharaf uma yeeli karto; Alle, wixii uu doono ayuu falaa.” -Suurat al-Xajj.
Bulsho ay intaa ka soo baxayaan culimo diineed iyo kuwo aduunyo, haddana in ay isku liqdaaran tahay mooye e aan marna heshiinayn, waa hubaal in ay yihiin duul ka arradan wixii keeni lahaa in ay dadku midoobaan ayaga oo kala duwan, xaddaarad iyo nabad waartana ay ku heli lahaayeen. Aqoon iyo garaadba waa ay leeyihiin, laakiin ma gaarsiisna heerkii loo baahnaa, sidaa oo ay tahayna qof walba wuxuu faraha kula jiraa shaqo uusan lahayn, wuxuuna difaac iyo weerar nafta ugu huray wax uusan ogaal u lahayn. Garanwaayidda in uu ruux walba qaato masuuliyaddiisa, hagaajinta wixii uu garanayana uu ku mashquulo, ayaa keentay in ay garashadii iyo guushiiba ka marnaato, wixii u dan ah iyo wixii u daranna ay kala garan waydo.
Kol haddii ay bulsho u heellan tahay in ay jiritaankeeda ilaashato, xaddaaraddeedana ay dhisato, waxaa lamahuraan noqonaysa in ay geeddiga ka bilowdo salka ugu hooseeya, cudurrada haya iyo waxa u fayowna ay kala taqaanno. Qasab ma aha mana ay dhici karto in dhammaan dadku ay wada noqdaan hoggaan, laakiin xulka dadka ee aqoonta iyo qiyamka leh ayaa ay tahay in ay shaqo habaysan u hinqadaan, dulqaad iyo joogtaynna ay la yimaaddaan. Hoggaanka la tebayo ee intaa la baafinayo, cirka inoo kama uu soo dhacayo e bulshada ayaa laga sugayaa. Si ay bulshadu ula garato halka ay tahay in loo hayaamo, waxay u baahan tahay in ay ayagu shaqada kala qaybsadaan, qof walbana uu ku aado halka uu ku qumman yahay, waxna uu ku biirin karo. Sida aynu hore u soo xusnay, haddana aynu ku celinayno, “Isbeddelka wacyiga bulshada wax ka horreeya oo hagaagaya ma ay jiraan”. Qabashada hawshaasina kuma eka tayaynta goobaha waxbarashada e, waxay u baahan tahay wacyigalin hawli gashay, heerar kala duwanna marta. Halkaan kagama sheekaynayno qaababka wacyiga loo kobciyo, balse waxaa muhiim ah in aynu garwaaqsanno in aan bulshada lagu jihayn karin isbeddel dhab ah, inta aqoontu ay ku dhex wareegayso inta fursadda u heshay waxbarashada, hoosna aan loogu soo celinayn bulshaweynta.
“Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weliye,”
—Hadraawi, Gudgude.
Haddii duqeytidii talinaysay, waalidkii, iyo ganacsatadiiba ay weli u badan yihiin jaahiliin kuwooda ugu aqoonta rooni ay yihiin kuwa magacooda qori kara ama asaaska xisaabta yaqaanna, maxaad ka sugaysaa in ay bulshada ka soo baxaan? Kol haddii aan fursad la siinnin kuwii magaalada soo galay, miyiga iyo tuulooyinka kuwa ka yimaaddana aanay haysan cid hagta oo aqoonta xaggeeda u leexisa, maxaad ka filanaysaa in ay mustaqbalka soo kordhiyaan? Sideedaba, haddii ay ummaddu doonayso isbeddel xaddaaradeed oo dhab ah, shirqoollada dhurwaagana ay uga hortagaan, waxaa lamahuraan ah in waqti iyo tamar la galiyo beddelidda garaadka iyo qaab fakarka bulshada. Kol haddii aad dal haysatid, dadna aad haysatid, waxaad hanatay labo shay oo lagama-maarmaan u ah yagleelidda xaddaaraddaada, waqtiguna waa u muhiim isbeddelka aad ku taamaysid. In aad isku xirtid ku waantowga tagtada, dheefsashada taaganta, iyo u tooghaynta timaaddada, qorshana ku dul samaysid, ayaa kaa saacidi karta in heerka wacyi ee bulshada aad soo gaarsiisid halkii aad majaraha u qaban lahayd, uguna jihayn lahayd halkii aad doonaysay.
Tusaale ahaan: waxay aqoonyahanka Soomaalidu aad uga niyadjabsan yihiin sida siyaasiinta xukumaa ay maalinba tan ka dambaysa uga sii darayaan, iyo sida aysan bulshadu diyaar ugu ahayn in ay doorato hoggaan u qalma. Waxaa taa u sii dheer, in kuwa darxumada u sii kordhiyay ay yihiin kuwii lagu tuhmayay aqoon iyo xilkasnimo, balse ka sii dar mooye e aanay ka soo rayni jirin. Waa kiis mudan in la darso, hal ra’yi keli ahna aan lagu go’aamin karin sababta iyo xalka midna, balse sida aan isleeyahay waxyaabo dhawr ah ayaa inaga maqan. Sida ay tilmaamaan taariikhyahannadu, waxyaabihii qaabeeyay xaddaaradihii hore waxaa ka mid ah diinta, qoraalka, iyo fanka, fikradduna mar walba waxay ahaan jirtay dhextaal ay saddexdaasiba xambaarsan yihiin. Haddii aynu eegno bulshadeenna, waxaa aad inoogu badan diinta iyo fanka oo nolosheenna u ah udubdhexaad, laakiinse qoraalka oo ah asaaska ugu muhiimsan ee ay aqoontu ka dhisanto, ku waarto, kuna hormarto, aad ayuu inoogu yar yahay.
Haddii aynu u nimaanno diinta, wax saamayn ah oo badan nolosheenna kuma aanay yeelan, marka laga reebo gudashada waajibaadkii cibaadada xubnaha iyo maalka ee uu Alle inagu addoonsaday. Kolka aad eegtid ruuxda iyo miraha ay Qur’aanka iyo Sunnadu xambaarsan yihiin, ee dhaqanka iyo fakarka bulshada kor u qaadi lahaa, iyo sida uu yahay dhaqanka dadkeennu, waxaad garwaaqsanaysaa in afka baarkii mooye e aannaan wax kale ka haysan. Heerka akhlaaqeed ee aynu baafinayno, barashada cilmiga ee aynu ka habawsan nahay, dhammaan Qur’aanka iyo Sunnadu waa ay inagu hagayaan, maankeenna qabbiran ee uu khuraafaadku qurmiyayna waa ay ka furfuri lahaayeen qafillada waa hore lagu illaaway.
Haddii ay aqoonyahanka maaddigu u qabaan in waxa bulshada dhego xiray ay tahay diinta, waxaa ka maqan in mushkiladda jirtaba ay tahay in ay bulshadaani dhaqan ahaan u yihiin calmaani, balse ay ruuxdoodu ku mamman tahay diinta. Kolkaa dhibta meesha taallaa waa in aqoonyahankuna ay goobayaan in ay bulshada ka fogeeyaan diintoodii ku hagi lahayd akhlaaqda suubban iyo hanashada aqoon lagu horumaro, halka culimadii diintuna ay kari la’ yihiin in ay kala saaraan ruuxda diineed ee fayoow iyo aafada kutirikuteenta ee lagu suuxiyay garaadka ummadda. Labadaa dubbe dhexdooda ummad lagu garaacayo, waa gar in dawadeedii ay isu beddesho sun iyo waabay ay maalin walba ku sii qurbaxdo.
Haddii aynu eegno dhinicii fanka iyo suugaanta, waxaa durba inoo muuqan doonta suugaan jacayl weli ka gudbi la’ kii jinsiga iyo dherjinta jirka, mid baraarujin oo weli dhaafi la’ guubaabo jabhad ama jifi, iyo mid waddaniyad oo weli ka gubi la’ ka xoroobidda gumeysiga weligii duullaanka ka soo ah bannaanka iyo aragtidii shirqoolka. Haddii raggii hore ee shalay ay ahaayeen rag miyi ka soo galay, rag kacaan ah, iyo kuwo ku daartay suuqii waagaa jiray, maanta oo ay aqoontu kobocday, sidii horana aan lagu ahayn maalgalinta fannaaniinta, maxaa diidaya in ay suugaantu—tix iyo tiraabba—u janjeersato dhinacyada dhimman ee aysan waxba ka dhihin ama aanay wax qumman ka oran ee ay bulshaduna ku hinqan lahayd? Maxaa u diidaya in jacaylka jinsigu uu u digarogto jacaylka ruuxda iyo aadanaha? Maxaa u diiddan in ay qayb laxaad leh ka qaataan tilmaamaynta akhlaaqda bulshada, jihaynta siyaasiga, baraarujinta bulshada, iyo beeridda ruuxdii isla xisaabtanka? In taa ay lugta soo galiyaan ha joogto e, waxa ay naftu ka sii baxaysaa intii hore uu fanku isku qurxiyay, bulshadana waxay ku sii wadaan god hor leh oo ay ku macne beesho.
Qoraalka oo ah asaaska ugu muhiimsan ee ay aqoontu ka beeranto, waarto, kuna horumarto, ayaa ah kan ugu daran ee ay bulshadeennu gabtay. Haddii ay ahayd ummad soojireen ah, wax qumman oo u dhigan lama hayo, maanta oo la sheegana tirsiga oo yar ayaa ay haddana badi tayadu aad u liidataa. Inta ugu tayo wanaagsan ee la tilmaami karana waxay u badan yihiin caashaq iyo kufsi iyo waxyaabo la mid ah. Ummad aan laga soo heli karin buugaag aqooneed oo afkeeda ku qoran, dadka aan fursad u helin in ay luqado kale bartaanna aanay haysan il aqooneed ay wax ka dheefaan, laga sugi maayo in ay horukac samayso, nolol maalmeedkuna uu isbeddelo. Haddii aad si wacan u eegtid qaabfakarkii dadka sannado ka hor, waxaad arkaysaa in aanay weli waxba isbeddelin, barbaarta haatan soo kacaysana aanay ka dheerayn karayn waaqaca nololeed ee bulshada. Aqoontu kolka ay dadka wada gasho ayaa uu garaadkooduna isku soo dhowaadaa, ujeeddo guud oo ay wada ilaashadaanna ay yeelan karaan.
Haddii garashadii bulshadu ay gaaban tahay, wixii kobcin lahaana ay sidaa u guran yihiin, waa gar in uu siyaasigu isku difaaco in uusan waxba hagaajin kolkii uu waayay wax kala hadla horumar iyo wanaajinta wixii hallowsan, baahi noocaas ahina aanay ummadda haynin. Asagu, shalay waxa qaldan wuu arkayay, laakiin maanta wuxuu isku rogayaa shalmad. Waayo? Wuxuu hubaa in uusan jirin garaad soo socda oo la xisaabtami doona, iyo in aanay geyigaba joogin bulsho hoggaankeeda hanatay oo u hamuuman in ay hinqato. Waa sababtaas midda uu u samaystay xeerarkaan uu bulshadaa arradan ku sii halaajinayo, haadaan dheerna uu ugu tuurayo.
Haddii caawa xil laguu dhiibo ma arkaysid cid talo iyo tusaale kuugu imaanaysa e, hilbaha sidii ay kuula qaybin lahaayeen, cadkooda laandheerannimana ay kaaga ridan lahaayeen oo qur ah ayay kuugu soo shamuumayaan. Kulama oga in aad adigu meesha u timid si aad uga caddaalad samayso wax ay ayagu leeyihiin, adiga mooye e aanay cid kalana u qaybin karin. Way hilmaansan yihiin in ay ayagu ku dirsadeen, adeegna ay kaaga fadhiyaan, xisaabtooda kakanna ay tahay in aad ka werwerto. Waa arradan uurada garasho la’aaneed ay maskaxdooda dabooshay, dawakhii ay ka qaadeenna la diryaansan. Soo gar ma aha in aad daldalato wixii gacantu kuu gaarto mar haddii aanay dayawgaba ka baxayn?! Maxay u kahanayaan musuqmaasuqa ay ayaguba ku raadinayaan in ay ku hantaan kuraas ay beelo u summadeen dhurwaayadii hore? Maxaad uga baahan tahay in aad dhistid oo aad bartid dawlad qumman, halbeeggeeduna yahay maamul wanaag, mar haddiiba ay ku qanacsan yihiin magacaabidda ruux ay shaxaadaan ama magaca beesha sita? Waxba ugama baahna, sideedana “col kaa habowsan la iskuma soo hago”.
Hugunka bulshada waa lagula daartaa, tub kuu dan ah ayaana loo leexshaa. Waa xeer biyo-kama-dhibcaan ah oo ay dhurwaayadu u adeegsadaan habaabinta iyo luggoynta bulshada. Waxay aalaaba fiirsadaan fursadaha ka bannaan xilalka ay bulshadu markaa xiisaynayaan, hanka ku jira, iyo shuruudaha ay wax ku xulanayaan. Dad maran ayaa qof buuxa la isaga dhigaaye, dadnimadu waa suud iyo shahaado, suuqa ayayna yaallaan. Waa sidaa kol walba oo ay doonayaan in ay xil helaan. Waxay ka cabbir qaataan hanka bulshadaa dhibban ee ay ka dhasheen, ayagana ku tuhmaysa in ay xambaarsan yihiin garashadii iyo kartidii hoggaanka ay u oomman yihiin.
“Beel kala dhantaalan, bulaankeeda looma baydado,” waa xeer guun ah oo ay dhurwaayadu dhammaantood ku diimaan, xilliga ugu fiican ee uu anfacaana waa marka aan dareenno in uu buuq jiro, xiisad aan si lamafilaan ah u kicinnayna aan cawaaqibkeeda ku qiimaynayno. Cabashadooda ma dhuganno, fidnada dhex taallana xal uma raadinno. Waxay naga tahay, waa in aan ogaanno heerka garaadkoodu gaarsiisan yahay iyo hanka ay leeyihiin. Sida taariikhdu xusayso, waxa ugu halis badan ee talisyadayada soo wajaha waa kacdoonnada, oo aalaaba ka dhasha in ay qayb bulshada ka mid ahi ku dhiirradaan caasinnimo iyo in ay fagaarayaasha u soo baxaan, si ay u kiciyaan dadkii suuxsanaa, inta badanna waxa ay guusha iyo fashalka arrintaasi ku xiran tahay heerka uu wacyiga bulshadu joogo. Haddii aad xisaabta ku darsatay in inqilaabyada iyo marooqsiga taladu ay middaas ka mid tahay, waxaa kaa maqan in dhacdooyinkaasi ay aalaaba ka mid yihiin xeeladaha aannu muddada xukunka ku dheeraysanno, balse waxa aan ka hadlayno waa in marmar si lamafilaan ah khatartaas kacdoonnadu ay nagu soo foodsaarto, isusoobax ama mudaaharaad ayayna ka dhalataa.
Sida ay nala tahay, bannaanbaxa ay sameeyaan waa labo qaybood. Midi saamayn buu nagu yeeshaa oo wuu na gilgilaa, midna waan ku raaxaysannaa oo tiiha iyo wareerka ay ku jiraan inta uu le’eg yahay ayaan ku aqoonsadaa. Haddii doonis iyo dareen dhab ah uu ku yimaaddo, waa igu halis. Haddiise uu iska yahay mid laablakac ku abuurma waa iska qosolkujab, inta xamaasaddu jirtana kama cimri dheera. Duqeytida, dhallaanka, baayacmushtarka, wadaadka, iyo dhammaan heerarka bulshadu haddii ay u siman yihiin, farriin ay xambaarsan yihiin, garwadeenna ay leeyihiin, waa ka mudan in aan ka baqo. Balse inta badan hal koox oo aanay xubnaheedu u wada dhammayn oo keli ah ayaa qaylinaya, intaa yarna waxaa shidaalinaya kuwo sheegta ururro bulsho oo aan waraabayaasha waxba dhaamin. Marka ay meelahaa boodboodayaan u fiirso oo ganacsatadu dukaammadooda ayay isaga jiraan, duqeydu maqaayadaha shaaha ayay iska gabran yihiin, wadaaddaduna masjidka, malcaamadda, waliimada, iyo dillaalkooda ayaysan kaba dhammaan karin, abwaanka iyo barafaysarkuna mawjado kale ayay waa hore ku dul suuxeen. Haddii uu dhab yahay intaasiba waa dhibbanayaasha ugu mudan iyo intii hormuudka u noqon lahayd hagaajinta nolosha, kamana aanay seexdeen.
Waa masraxiyad aan aad ula ashqaraaro kolka aan arko bannaanbaxyada noocaas ah. Adiguba isweydii, soo wax lala yaabo ma aha, in dhurwaayadii ay gacantooda ku samaysteen aanay u hayn itaal ay kala hortagaan oo aan ka ahayn alalaas iyo or?! Haddii ay nool yihiin labadii samaa ayay kala qaybsan lahaayeen. Qaybi shuhado ayay noqon lahaayeen, qaybta kalena nolol xor ah ayay ku dhaqnaan lahaayeen.
Halkudheggaygu waa: werwer ma qabo, waxna uma soo wado, wanaagguna agtayda waxba kama aha. Magac dooni maayo, milgo iyo sharafna jadiinkayga ayaa iiga muhiimsan. Wax walba oo ii kordhinaya maal, waan dhex maquuranayaa, wixii iib aan ku helana u libiqsan maayo, weligeedna ma aanay dhicin in aan nafcigayga laalay aniga oo ka doorbidaya wax ay ku sheegeen maslaxad guud. Waa sidaa, wax walbana waa xaraash iyo xoolo jaban, xaraash iyo xoolo jaban, masiirka ummadduna ma aha wax sidaa u weyn. Kol haddii ay kuu sacabbinayaan hadallada maran ee Dhurwaaguna ay u yihiin nafaqo uu naxligu doojiyo, waa ay mudan yihiin in lagu beeciyo wax aan sidaa u sii buurrayn. Farqi ma kala laha kalluunkaa sida arxandarrada ah loo jillaabanayo iyo dadka sidaa bilaa turriimada ah loo laynayo. Qof aan asagu isqiimaynayn, xaqii ka maqnaana aan ka xisaabtami karin, jacaylka iyo jibbada qalfoofta siyaasiyiinta iyo beelahooduna ay indho u yihiin, ma istaahilo in loo diirnaxo. Weli lama arag dhurwaa ka dhowrsaday sabeen dayacan, arxan dartiina u cafiyay. In suuqxiran uu igu dhaco mooyaan e, badeecadu waa balli-balli, qiimuhuna waa ortooda, sacabkooda, iyo faataadhakhdooda. Ha noolaato Jamhuuriyadda Foorinta iyo Fiiqashadu!
“Haddii aysan baahidooda aqoon, waa loo beenguuraa.” Kolka ay aadanuhu dhistaan kaabayaasha banii aadannimada, ayay dhisan karaan kaabayaasha dhaqaalaha. Waa wax falan oo waxa ay doonayaan, goorta ay heli karaan aan aqoon. Dhul uu ku dhisay deeq la siiyay dhurwaa yar oo noolaa qarnigii tagay ayay iska burburiyeen. Garashadoodu xitaa ma gaarsiisnayn in ay ilaashadaan cadkaa yar ee aan u hibaynay si ay tooradda u barakeeyaan. Waraabayaashii berigaas noolaa, wax yar baa ku fillaa. Shan heesood oo muqaddas ah kolkii loo qaado ayay jibboon jireen, balse yaryarkii ay waagaa dhaleen oo weyraxay ayaa haatan dunidii walaaqay.
Haddiiba kuwaasi ay dhaleen kuwaan, maxaad mooddaa kuwa ku soo xiga ee haatan kalabara kuwa maanta soo kacaya iyo kuwii berigaa soo kacayay? Dhashu wixii lagu ababiyo in ay qabatimaan shaki kuma jiro. Eeg, waagaas wuxuu dhurwaagu waraabayaasha u sheegay in dawladnimaduba ay tahay kaabayaasha dhaqaalaha oo la dhiso, insaanka dhisiddiisuna aysan muhiimad badan lahayn mar haddii ay tooradda muddeec u yihiin. Waxbarashada ugu weyni taas ayay ahayd, wax kalana waa loo xarriiqay. Wixii la baray ee aqoon‑ku‑sheegga ahaydna waa tan halkaa dhigtay ee qoriga iyo qabiilka lagu halaagsamay dhashay ama korisay. Kuwaasi fahamkaa iyo cudurkaa isu dabo maray waxay dhaxalsiiyeen kuwii ay culayskooda dunida ku soo kordhiyeen.
Hadda iyo dan.
Ma tayda mise tooda?
Aniga taydu waxay ku jirtaa in ay ka fakaraan goorta loo dhisi doono kaabayaasha ay ku dhadhabayaan iyo halyeeyga u dhisi doona. Inta ay sidaa ku jiraan, noloshuna xagashaa oo qur ah uga muuqato, waxaan u hayaa daldhisyo badan oo midiba muddo uu u jilo riwaayad aan laga daalin. Shalay mid baa joogay, maanta mid baa jooga, berrina mid kale. Inta ay sidaa xaaladdu tahay waan noolahay, dhimashana iga dheer. Ayaga dantoodu waa aniga dhimashadayda. Waxayna taasi iman kartaa maalinta ay gartaan in xoolaha laga qaadayo ay ayagu leeyihiin, kaabaha dhaqaaluhuna uu ka dhasho maskaxdooda oo ay maalaan, kartidooda oo ay dheefsadaan, qoqobka iyo qalbad la’aanta dilootayna ay meel iska dhigaan.
Sidee?
Mooji!
Waase suuragal in ay xoroobaan haddii ay doonis dhab ah yeeshaan.
Haddii aan xitaa garasho xumadoodaas si dhab ah wax ugu tarno, jidad waaweyn aan u dhisno, kuma ay tanaadayaan, mana ilaashan doonaan. “Duul aan ilaashan aqoon waxa uu haysto, laguma daalo,” kuwaanina waxba kama ay oga ciidda ay ku nool yihiin waxa ay u tahay, waxa dhibayana kama ay dhowraan. In aanay fahamsanayn dalku wuxuu yahay, waxaad ku garan kartaa sida aanay wax qorshe ah ugu hayn sidii uu u biskoon lahaa. Dhul cidla’ ah oo aanay cidi degganayn wuu ka nabadgalaa durdurada aadanaha, balse dhulka ay ku nool yihiin wuxuu u baahan yahay in ayaga laga ilaaliyo oo loo ilaaliyo.
Gaariga la saarayo xammuul ka badan kii loogu talagalay asaga iyo jidka uu marayo, kan bacda iyo caagadaha uu isticmaalay jidka ku tuuraya, kan xalka ku shubaya, iyo kan miinada ku xiraya—ha kala dambi cuslaadaan e—waxay ka siman yihiin in aanay aqoon qiimaha danta guud iyo dhowriddeeda. Ummad aan danta guud qiimayn karinna, ma hantaan nolol iyo kala dambayn. Kan cashuurtaada xadaya iyo adiga burburinaya ama wasakhaynaya wax dadka oo dhammi u siman yihiin, maxaad ku kala geddisan tihiin? Adiga laaluushka bixinaya, maxaad doonaysaa oo aan ka ahayn kistaadii iyo dheef koror aan cayinnayn, ku xaddidnayn waqti, oo keliya ku eg maalinta aad kursiga bannayso?…Waa sidaa.
Dadka ku sugaya iyo adiguba wax badan baad isaga mid tihiin. Runtu waxay tahay in bulshadii aad ka timid aadan ka duwanaan karin. Maadaama aad tahay waraabe shilin haysta, xoogaa kalana doonaya, waa hubaal in aad matali doontid dabaqadda hunguriga la’ ee aad ka timid, inta kale ee middaa ka fogna ay ku haaraami doonto. Adiga oo aan dadkaa maarayntooda iyo tarbiyayntooda qorshe u hayn, adiga laftaaduna aadan isa soo tarbiyayn, dhul iyo waddo la dhisaa maxay kordhinaysaa ama ay beddelaysaa?!
Waa uun dhurwaagii oo weli sidii u dikrinaya, xeerarkiisiina sii hirgalinaya. Markii uu wax kuu qabtana, ha moodin dedaal e, wuxuu amminkaaba ku leeyahay: “Waxa aan kuu dhisayo, wax aan dhuranayo baan dheeh uga dhigayaa.” Dawada iyo caafimaadku waa in arradnaanta lagu beddelo marashada kasmo iyo garaad dhaliya in ay bulshadu isqiimayso, masiirkeedana ay su’aalo ka keento. Ilaa iyo hadda looma jihaysan halkii laga bilaabi lahaa isbeddelka lagu taamayo, loomana istaagin wax aan ka ahayn yagleelidda dhurwaayada iyo qorshihii ay ku xammaalan lahaayeen. Haddii ay bulshadu si fayow wax isu weydiin lahayd, way garan lahayd in jirrada haysaa aanay u baahnayn dawo aan ka ahayn ku dhaqaaqidda waxa uu farayo fakarkooda sami, balse goorma ayay fayoobiddoodii dib ula soo noqon doonaan?
Maxaad ka sugaysaa bulsho soddon sano dhiiggeedu dhulka ku qubanayo, qodxo hor leh in ay soo baxaan mooyaan e, uusan ubaxba u dhalanayn? Maxaad ka sugaysaa bulsho maalinba naqshad hor leh oo ay isku qurgoyso curinaysa, halkii ay ka baadigoobi lahayd sidii ay u noolaan lahayd? Maxaad ka sugaysaa bulsho kuwa dhiiggooda miiranaya u aragta dawladnimo ama jihaad Islaami ah? Maxaad ka sugaysaa bulsho u kala sacabbinaysa dhurwaayada jaqidda dhiiggooda ku naaxay, kolka ay teeram dhammaystaanna bangiyadoodii dhiigga dhurashadooda ku qaata inta nolosha uga dhimman?! Maxaad ka sugaysaa dad uusan hankoodu dhaafin in ay baritaaraan ruux la tol ah, la firqo ah, ku qado ka bixiya, ama halkii hugun culusi ka baxaba u rooraya…?!
Haddii ay noloshu qiime kuu leedahay ugu yaraan wax baad isweydiin lahayd, jawaab ku caawisana waad heli lahayd. Marna ma istaageen oo ma isweydiiyeen waxa ay noloshaan adduunyo u yimaaddeen? Ilama aha oo haddii ay jirto dhurwaayadaan aannu xukunno, qaarkoodna ayaga ii cabiidiyaan ma aysan dhaleen. Dunidu waa ay shuqullo badan tahay, wax kastana waa laga fishaa. Shaki kuma jiro in lagu kala adkaaday dunida maanta, dadka ugu liitana ay yihiin kuwa aan dantooda aqoon, firqooyin iyo qabiillana u kala baxay. Wax aan dhib ahayn ma dheefaan, wixii ay ku halligmeen ayayna mar walba maciin bidaan. Xaalad kasta oo la soo gudboonaata ayaga oo xallisan kara ayay ku dahaaraan isbaarooyinkii ay ku gubteen, cidda keli ah ee xayndaabkaa dhexdiisa ku heshiisiin kartana waa bahallada dunidii oo dhan liqay. Meegaarkaa ay ayagu isgaliyaan kama ay saaraan e, miino waqtiyaysan ayay hadba daqiiqadaha u kordhiyaan. Eed kuma laha oo dantooda ayaa ku jirta, haddii aysan ku jirinna kama saari karaan oo dhibtuba waa nafta bukta ee ummaddaan aan biskoodka rabin. Sideedana haddii aadan isdaweyn adiguna aadan tashan waa laguu talinayaa, cid ku maamusha ayaana laguu samaynayaa. Kolkii aad shalay dumisay wixii yaraa ee aad haysatay, isbeddelka keli ah ee aad garanaysayna uu noqday daadinta dhiigga, welina aadan hayn wax ka duwan, waa gar in cid aan kula dhalani ay kuu dhigto casharro ay kugu dhibaateeyaan, dheefna aad u mooddid.
Soo dhigte, weysana ma dhowrna, in ay sidaa u dhaban qurxoonaatana awalba lama filanayn. Dhurwaayada waaweyn haddii ay beri idiin kala gabban jireen in ay xukunka u dhiibaan qof ay si muuqata ugu shaqeystaan, maanta waa ay ka soo gudbeen. Waayo? Waxaad gaarteen waqti aad ayaga magansataan si aad u noolaataan. Sidiinna oo kale cid xaaladaha degdegga ah ay noloshoodu ku salaysan tahay ma jirto.
Qorshe ayay waraabayaashu samaystaan. Haddii uu qorshe B u shaqeyn waayo, waxay hawlgaliyaan T ama J. Mid walba waxaa loogu talagalay konton sano ama ka badan, wadiiqooyin yaryar oo xaaladaha degdegga ah lagu maamulana waa uu leeyahay. Miyaad weligaa ku riyootay waxa socda?! Marna ma islahayd askari ajnabi ama xammaali shisheeye oo aan qarsoodi ahayn ayaa xil kuu soo doonanaya ama kuuba talinaya? Waan hubaa in aadan ku riyoon marna, balse aad maanta labo mid uun tahay: mid ku faraxsan oo maciin ka raba ama mid naxsan, balse gar xaq ah u arka! Wax lagu tus waxna kuu laaban, duulkii isdiidana, duub looma waayo.
Fiiro gaar ah: Xuquuqda buugga oo dhammi waa dhowrantahay. ogaysiin iyo ogolaansho la’aan far loolama tagikaro. Qayb ka mid ah lama qaadankaro sidoo kale lama turjumi karo idin la’aanta qoraha iyo faafiyaha buugga. Mareegta Indheergarad ogolaansho buuxa ayeey ka haysataa qoraha buugga.