Lurkii Cawo | Vol: 01 – Cad: 62aad

 1,702 View

Indheergarad – Oktoobar 22, 2020 – Hakis – Vol: 01 – Cadadka: 62aad

Galab gaaban oo ay cadceeddu garabka dhigatay oo mood guduudan jihada isku qarisay, fallaadho yaryar oo khafiif ahina ka soo dhex dusayaan, ayaa laydh macaan oo caleenta dhirta daaradda ku beeran kaga shanqarinaysaa soo dhabbanaysaa, aniga oo geed daaradda ku yaal salkiisa ku fadhiya ayaan indhaha ku fiiqay halka ay cirka iyo dhulku iska galaan oo mooddii guduudnayd dacalkeeda guduudan ee khafiifka ah uu qariyay, cirkuna soo madoobaanayo oo xiddigo yaryar oo bidhaamayaa hoos madaxa kala soo kaceen sidii oo ay immika iftiinkooda muujinayaan. Daaraddan aqalka ka yar go’an ee dhawrkan geed dhexdeeda qotonsanyihiin ayaan jeclahay in aan galab walba fadhiisto mid ka mid ah dhirtan jiridda wayn hoostiisa. Kaligay ma aha oo waa cidda xaafadda oo dhan, se galabta keligay ayaa si ogaan la’aan ah u imid. Sidii wax baqaya oo aad mooddo in la eryanayo ayaan qolka kulul ee huurka ah ee aan deganahay uga soo booday oo daaraddan laydha macaan ee nafta raalli gelinaysaa ka dhacayso u soo baxay.

Cabbaar baa laydha macaan jidhkayga oo dhan saaqday, degnaan badan iyo nefis baan dareemay. Se in yar kadib si isxigta ayaan mawjado khayaal ah u dhex muquurtay aniga oo aan garanayn waxa ay tahay. Gacanta iyo dhabanka ayaan isku dhajiyay sidii in koollo la isugu dhejiyay oo kale, oo inta aan indhaha rogay ayaan dhulka ku fiiqay oo si baas cabbaar ugu dhaygagay aniga oo marba dhagaxyar qaadaya oo faraha ku ciyaarsiinaya, se markiiba inta aan dhulka ku daadiyo ayaan ciidda faraha ka masaxaa sidii in dhagaxaaantuba aysan i ogolayn oo marka aan qaado ay oohin dhulka isula dhacayaan. Timahaygan gaagaaban ee cawlan ayaa laydha yari kaga ciyaarsiinaysaa, waa marki ugu horreysay ee aan timaha sii daysto. Kolba waxaan dareemayaa in ay wax i raacraacayaan, oo qoorta la iga xadantaynayo, judhaba waan xusuusanayaa inay timihii yihiin. Wajiga waxaa igaga dhooban cusbur aan goor dhawayd marsaday. Hees Khadra Daahir leedahayna moobil dhabta ii saaran oo cod hoose ku baxayay ayay iiga daarantay, waa codkii Khadra ee laabaha xuli jirey isaga oo intaas oo jaad oo kala duwan leh, isaga oo intaas oo dareen kugu saaqaya oo mar qabow lafaha jejibinaya oo kale ku dareensiinaya, marna kulayl daran oo jidhku is diido ku gelinaya.

– “Naayaa Cawo, berri miyaan jaamacaddii la furayn?”

Ayaa cod caata ah oo aad mooddo in uu meel fog kasoo baxaya ayaa ka yeedhay daaqad ii dhaw. Waa ayeeyday oo gabaw la daalaa dhacaysa. Waxaad mooddaa inay kala daaleen. Alla taa maxaa layga xasuusinayaa! Ayeeyday oo kale inaan noqdo oo aan aqalka ka bixin ayaan ka jeclahay in berri jaamacadda oo la tagayo aado. Intay xidhnayd si ba’an ayaan uga raystay laydh baa iga martay, inay dhawr sannadood oo kale xidhnaatana waan jeclaa oo wax aan wanaag ahayn uma aanan arkayn. Sidii qof ogaaday xanuunka haya dawadiisa ayaan u kala toosay oo gartay waxan ila tegay in furitaanka jaamacadda yahay, se waxaa ii bishaara ah inaan berri Guuleed qol soo wada fadhiisan doonno. Guuleed oo aan bil dhan wada hadal oo aanan is maqal, xiisaha aan qabaana caloolxumo iigu wacanyahay.

Jaamacadda waxaan ka bartaa cilmiga bulshadda, ujeeddo aan cilmigan u doortay ma garan karo. Se muddadii aan baranayay waxaan bartay waxaa ka badan isaga oo ahaa nacaybka faraha badan ee aan u qaaday cilmigan baas ee aan naftayda ku jujuubay. Ma jecli inaan dadka dhexgalo iyo weliba inaan dadka iyo u shaqeeyaba. Labo qof ka badan inaan kulanno waan karaahiyeystaa oo diiqad baa jiq la i siiyaa. Fasalkan waxan oo arday laga soo buuxiyay ee aad moodo in la yidhi cilmigaba intan yar baa wax laga dheefaa ayaan buuqooda iyo qayladooda nacay. Waan dhibsaday. Ka sakow in aan nacay cilmigan, haddana waxaan is wayddiiyaaa horta doorashada kulliyaddan adigu ma lahayd? Ma u madaxbannaanayd? Marar badan waxaa dhacda in aad samayso wax aadan doorasho u lahayn misana aan cidi kugu khasbayn. Su’aashan igu tigtigan ee sida oofta feedhaha igaga mudan aan iska fujiyo. Waan dareensanahay inaan ambad ahay se yaa i ambiyay? Waxan aan baranayaa ee meel kale iga maraa wax aan anigu doorasho u lahaa maaha, cudurdaar uun baan nafta u sameeyaa oo dhahaa “Waad iska gashay” se maaha sidaa cid baa jirta iga awood badanayd kolkaan bilaabayay oo aan ku khasbanaa inaan u ku daydo. Reerkayagu waxay igu kari waayeen caafimaadka baro, anigu caafimaadka ma necbi oo haddii aan damco waan geli lahaa, waana aan baran lahaa sida ugu habboon. Balse ma ogaynba goor aan galay waxan baas! Jaamacaddan markii hore qorshahaan u bilaabay ayaa aad mooddaa imminka inuu sii luudayo mise dhammaadayba, oo tolow ma rejaad ka leedahay?

Markii aan dugsiga sare ka baxayba waxan go’aansaday inaan Guuleed ku daydo, Kulliyadda uu isagu doortayna aan galo, si kasta oo aan isleeyahay waad kaga dayn kartaa waan sameeyay. Xeelad walba waxaan isugu geeyay sidii aan Guuleed ugu dayan lahaa. Naftu wixii ay jamato ayay jeceshahay inay ku lammaanaato, waa sida aan naftayda yar ka yeelay. Saddex gu’ ka hor haddii aan jaamacadda u bilaabay Guuleed dartii oo niyadda ku guntay aad isku mar dhammaysaan, oo aad nolosha meelo kalena ku midowdaan, immika taladaasi waa ay baahday oo faro kuma jirto, in ay riyadaas macaanina soo dhammaanayso oo dib loo laabayo xaashiyaha cadcad ee quruxda badan baad mooddaa, iyada oo waayuhu daahyo madmadow soo daayeen si ay rejadaas wanaagsan ugu deddo. Wanaagsanaayaa, bal aan dib u wareejiyo cajiladda xusuusta si ay dib ugu soo bilawdo xusuustii xilliyadii wanaagsanaa.

***

Guuleed iyo anigu waxaannu deris nahay intaan xaafaddan deganayn, waa nin dherer xigeen ah, midbadkiisuna maarriin yahay, sunniyaha isa sudhan iyo bishmihiisa isku miisaaman ayaad jeclaysanaysaa inaad mar walba daawatid. Sankiisa dheer ee qoran waxa u qariya indhaha waawayn iyo shaarubka uu sida quruxda badan ula baxay. Socodkiisu runtii waa lagama sheekeeyaan! Waa shaf-ku-dhogorle inan walba oo aragtaa jecelaysato barashadiisa. Reerkoodu waxa uu ka mid yahay reeraha danyarta inta aan cid deris ka nahay, balse ugu ladan uguna dun wanaagsan xagga dadnimada. Waxaa dhalay hooyo iyo aabbo wanaagsan oo soo dhawayn fiican. Runtii wanaaga Guuleed waalidkii ayuu ka raacay. Xaafadaha se dhaliisha uun baa u muuqata inta badan “Waa reer ma shaqaystayaala” ayay dhahaan. Aabbihii qaadkiisa hadduu helo iyo xoogaa kale uu dadka ka soo xantoobiyo isaga kama qasna, cidda wax ka sheegaysana waxba kama gelin. Hooyadiina jardiinka guriga ma dhaafto. Guuleed waxaan ka wada baxnay dugsiga sare, afarti gu’ ee aannu waxbarasha wadaagga ahayn waxay noo ahayd xilli wanaagsan oo aan dhihi karo wax badan baan kala faa’idnay. Saddexdi sannadood ee hore waan is daawan jirnay, indhihiisa waawayn ee sida kalgacalku ka muuqda ii eegaa waa waxa layga raacay. Muddada aanu is arag ee fasaxa la galo kolka la soo noqdo ayaan isku daymoon jirnay daymo kuwi hore ka duwan, indhaha hilowga iyo boholyawgu ka muuqdo oo midh walbaa hoos u leeyahay “Runti aragaaga waan u xiisay” ayaan ilbidhiqsiyo isku daawan jirnay. Ilbidhiqsiyadaasi waxay ahaayeen daqiiqadihii iigu wacnaa ee aan ugu jeclaa. Isaguna waxaad moodaysaa inuu mar walba leeyahay “Ilbidhiqsiyaddeenni way igu raageen ee aynu mar walba is daawanno.”

Markii aan gu’gii ugu danbeeyay qaybtiisi danbe wadno ayaa subax hore oo xilliga cid walbaa hoygeedda ku jirto inta danta leh mooyaan e, annaguna aan xiisad jarmaado ahayd bixitaan u hinqaday. Albaabka markii aan furay ayay indhahaygu qabteen wax aan ku farxo oo maalinkaas oo dhan iigu wacnaa farxadda. Cid aannan ka filanayn in aan saaka ku arkayo guriga hortiisa, se aan aad u jeclaa in aan arko. Mar qudha ayaan saaqmay oo jeclaaday inaan laabta gashto Guuleed, balse aan nafayda juujuub ku qabtay. Guuleed kolkii aan albaabka furay sidii wax i sugayay ayuu albaabka markiiba soo jalleecay oo waliba dhoollacaddayn ku daray markuu i arkay, dhoollacaddayn ii la dhignayd “Arooryo wanaagsan gacalo“. Kadib waxaan isu sii dabagalnay meeshi aanu u soconnay. Waddo aan ka jeclaaday waddooyinka aan mari jiray oo meel yar oo tog lahayd sii dhex marta marka aanu marayno, oo cid aan annaga ahayn meesha soconayn ayuu Guuleed inta oo soo jeestay igu yidhi: “Isoo gaadh Cawooy walaale” oo waliba u hadlay si degan oo laablakac leh. Hadal uu ilaa marki aan albaabka furay hayay ayaa ka soo boodday, kadibna neef yar oo inuu nafisay u muuqata neefsaday. Hadalkiisu meel i haawanaysay oo dhaxani iga haysay ayuu daday. “Wayaahay walaale” oo dhuunta sokodeeda iga saaran intaan la soo booday ayaan soo gaadhay .

– “Iiwarran Cawooy “

– “Nabade, iiwarran?”

– “Nabad walaale, saaka malaha dadkii waxay u soo bixi la’yihiin innaga ayay ina daawanayaan” ayuu ku kaftamay oo dhoollacaddeeyay. Ilkihiisa yaryar ee aad mooddo in mar la wada jaray, magarka yar ee khafiifka ahina foolasha ugu daliiganyahay daawaday. Ii qosol mar kale ma tidhaahdaa ayaan isku qabtay.

– “Laga yaabaa, Guuleeedow”

– “Quruxdaadu saaka waa qurux dhaaf, Cawooy”

– “Wallee… iga daa Guuleedow” ayaan si xishood ku dheehanyahay u idhi aniga oo khajilaad qoorta dadbay oo tallaabada aan qaadayo oo iga habawday hoos u goobaya. Se sidii uu isagu ii eegayay ayaa lafteedu qurux ahayd. Annaga oo sidii isu garab soconna, isuna daawanayna ayaan dugisigii soo gaadhnay, in badan baan ka bogtay oo uu iga bogtay. Inta aanan kala leexan ayuu si degdeg ah ii yidhi:

– “Cawooy isii taleefoon numbarkaaga…”

Hadal aan tirada numberka ahayn ma mudnayn oo hore ayaan uga yeedhiyay. Kadibna waxaanu galnay dugsigii. Maalinkaa laga bilaabo waxaan farriimaha ugu jeclaa kuwa igaga yimaadda Guuleed. Heesaha uu ii soo diri jiray ilaa imminka oo geedka hoostiisa quus la’aan u fadhiyo waan ka jeclahay weli heesaha kale. Kalgacaylka na dhex maray mawjadaha aan dhex muuqaranayn wax yar oo xusuusi soo koobayso maaha, meelahaan ku cawayn jirnay meelaha aan dadka kale kula caweeyo way ka wanaagsanayeen. Meel dhaban la saarto laabtiisa u mudanayd, hadal qof i dhaho hadalkiisa ugu macaanaa, meel la taabtana gacantiisa ugu mudnayd. Xusuustaas oo aan ila imminka mid ka macaan la noolahay ka warran? Ilmada dhabankayga ka tiliiliq leh waxa kaliya ee ay dalbanaysaa waa gacantiisi. Intaas oo sannadood oo aan xidhiidhka ka macaan malabka saafiga ah ee laga soo jebiyay hawd guntii, kana udgoon ubaxa curdinka ah ee imminka koraya. Ma jirin cid ogayd oo aan Eebbe ahayni oo isagu arrimahayga oo dhan dabaraya. Berri haddii aan jaamacadda tago indho aan Guuleed ku eego ma lihi, waxaan ba ka baqayaa inaan ilmada intaan ceshan kari waayo butaaco sidii foosto dillaacday oo aan Guuleed dadka hortiisa waxan dareemayo ugu sheegto. Intaan dareemayo waxaan hubaa in ka badan inuu isaguna dareemayo . Marar badan ayaad ka yalaalugoonaysaa waxaad samaysay.

Reerkayagu waa reer aad u lacag jecel, inanta iga wayni cidda kaliya ee ay sugaysaa waa nin wayn oo lacag leh. weli nin yar oo la da’a ah waqtigeeda ma siin. Hooyaday waa hooyo deggan, jecel in ay inantu doorato qofka lammaankeeda ah. Se aabbahay waa mid aad u lacag jecel oo aan oggolayn in inantiisa nin bilaa lacaga iyo cid kale oo sabool ahiba u soo gogol fadhiisato. Lacagta naga maqan ee gabdhaha laga keenayo ayaan garanwaayay! Marar badan ayay aabbe iyo walaashay Nimco igu xantaan inaan la hasaawo niman yar yar oo arday ah. Balse dheg jalaq uma siiyo, in aanay waxba iga baddelayn ayaan qabay. Walaashayda lacagta laga raacay waxay mar walba i tiraahdaa: “Ka waantoow nimanka yaryari kalgacal yay kugu hodin” haye hadal aan ahayn uma hollodo. Qaybtii muxibadaa qallashay walaashay oo inaan u garaabo waxan ahayn ma sameeyo. Waa tabta uu qofku sameeyo marka uu wax la qabsado oo walaashay wax aan lacag ahayn kuma doorato lammaankeeda. Waa qof dookhu ka iimaan xumaaday oo dhaqanka ninka lacagta leh ka haybaysata qabatimay nafteedana wax badan oo ay jeceshahay xeerin. Aabbahayna isagu wuxu mar walba igu dhahaa: “Nin aan soo celinayn tacabkii iga kaa galay ha ii keenin.” Tacabka sow kaama mudnayn oo inantaadii maahi? Maxaa ninkan aan dooranayo ku xidhay tacabka aad gelisay inaantaada aad jeceshahay ee dookheeda leh? Aabbe markan oo kale dookhayga xor baan u ahay, adiga oo aabbahay ah ayaana mudan inaad ku faraxdid wixii naftaydu jeceshahay. In badan oo badan baan ka sii fekeray haddii aad Guuleed is hanataan, maxaa dhici kara? Ma nabadgeli doonaa jacaylkiinu? Toloow maxaa dhici kara? Armaa laguu diidaa! Armaa wax aanad filayn dhacaa oo nolosha si kale isu qaabaysaa oo wax is beddelaan?

                                                                 ***

Mar walba oo aan sii caashaqo Guuleed waxaan iyana si baas u sii jeclaanayay lacagta. Dhawr jeer ayaan dhadhansaday hadallada walaashay kadibna u garaabay oo garawshiiyo bixiyay, aniga oon lacagta weli mawqif cad ka taagnayn, balse haddana mudnaanteeda qiraya oo ogsoon sida ay wax badan u sahasho. Hoheey lacageey fogeeyaay!! Maalmo kadiba waxaan noqday Cawo kale. Sidaa dhaw in la ii saamayn karo marnaba ma aanan filayn, garaadkayga kuma soo dhicin. Hadallada xanafta leh ee xoqaya bogayga laalan ee jacaylku dalooliyay, ee aroor walba i xaganaya ayaa i jeclaysiiyay lacagta. Isma odhan lacag jacaylkaasi meel kale ayuu ku gelinayaa. Marnaba niyadda ma gashan way idin kala kaxaynaysaa Guuleed oo dhaqankan liita ayaa cawda u jiidi doono dareen xididdaystay oo gu’yaal badan soo taxnaa. Lacagta sida aan u jeclaaday si ka qoto dheer ayaa jacaylka Guuleedna iigu dheeraa, haddana waa laba doorasho oo mid waliba ay xanuun badan tahay. Wax la waayay lama helo, Guuleed ma waayi karo, lacagtuna waa lama huraan bal adigu si dheh. Haddana dareen ayaa i jiidanaya oo i leh “Guuleed lacag ma haysto, oo waa qof aan shilin dheg go’an isku furan.” Dareenka sidaa i leh wacnaan lahaaya haddii uu i dhihi lahaa “Guuleed iyo adiguba lacagta waad u xoogsan kartaan.” Jacaylka aan Guuleed u qabo haddi aan waayo dhaawacyada ka dhalanayaa ma aha kuwo nin lacag haystaa dhayi karo, waa boogo halcanaya oo Guuleed uun uu dhayi karo. Neeftiisa iyo ereygiisa ayaa dhayi kara oo damin kara dogobyada igu shidan. Haddii ay waayaanna dhaawacoodu waarayo ama ay xanuun daran dartii u dhiman doonaan. Waxa igu jirta nafta lacagta iyo kalgacalku isku hirdinayaan oo gebi ka laadlaada oo hadba ka awood badnaada uu hadhayo. Lacagta inaan jeclaado malaha waa ciidan la ii soo diray si aan Guuleed u naco. Boos kale ayay iga gashay, waa i gubaysaa si aan u doonto nin lacag leh. Ma ciil baan qabi lahaa haddii ay ii gubayso si aan u shaqaysto oo u tabcado.

Waxan i gubaya waxay marba maankayga ku furaan tashuush dhahaya “Jacayl aan lacag la socon waa wakhti lumis.” Habeen la joogo laba bil ka hor miiraale da’ayay, dhaxan yalaxleh ay soo dhabanayso oo uu jewigu aad u macaanyahay ayaan khadka galay, aniga oo muddo ka maqnaa. Nin baa i soo salaamay. Filim ayaan daawanayay, farriintiisa ayaa halka sare ii soo fuushay. Filim lacag ku saabsan ayaa habeenkaas ii baxayay. Bustaha hoostiisa oon ku daawanayay ayaan jeclaysanayaa in aan cidna salaan ka qaadin. Haddana markiiba ninkii waan u warceliyay. Habeenkaa waxaan jeclaysan lahaa inuu moobilku iga jabo balse naf lacag jeclaatay ayaan jacaylka Guuleed ku qasbayaa. Is bariidin kadib ninkii waan is waraysannay oo isla fogaannay. Inuu xoolo leeyahay waan dareemay markiiba. Markiiba waxaa igu soo dhacday arrin ah “Ninkan lacag ka cun Guuleed halkiis e.” Keligay isma dhaho sidan. Inan walba oo jacel nin aan lacag haysan ayaa is dhahda kolka ay barato nin lacag leh. Wixii habeenkaa ka dambeeyay ninkii cusbaa baan aad u xiiseeyay. Arag uu igu soo jiito ma lahayn, Guuleed far yaradiisa ma uusan gaadhayn haddana waxbaa ii juujuubayay. Waa nin dheer oo madow oo timo adag aadna u dhuuban. Minjahiisa ayaad mar mar is dhahaysaa ma sarab yar oo meel kaligii la qotomiyaybaa. Indhihiisa godan ee aad mooddo in la muquuriyay waxa u dheer sanka gaaban iyo afkiisa ganbadhsan. Timaha yaryar ee gadhka ka miiqmiiqan ayaa qurux ugu dhow. Waa markii aan ogaaday in lacagtu aanay cidna qurxin. Mar qudha ayaan yareeyay kulamadii Guuleed iyo sheekadiisiba. Isagu markiiba wuu i dareemayay inaan isbadellayo. Fariimaha dareen hadlaya ee aan la jidhidhicoon jiray ayaan imminka la dhoocallacadaynayaa. Waa is-beddelka ugu weyn ee aan isku arkay. Markii ugu horraysay ee aan nin aan Guuleed ahayn la kulmo ayay noqotay.

Toddobaad kadib ayaan kulanay, habeenkaa aan ninka is aragnay waxaan u labbisnaa si iska caadi ah. Haddana waxaan dareensanaa in aanu ninkani sina iigu qalmin oo waan iskala hanwaynaa. Labbiskani inuu iga qasaaray ayaa igu soo dhacday kolkii koowaad ee aan il saaro. Niyadda ayaan ka lahaa “Ninkan xoolihiisa yaa Guuleed kuu siiya. Dharka uu xidhnaa aad ayay u cajiib badnaayeen, se maryuhu qof soo saaraya ma hoos gelin. Intii aannu wada joognay, sannad aan saxaraha Liibaya hawaaro oo fooraha saxaraha shishe ka soo dhacayaa wajiga iiga dhacayo ayay iiga dhignayd. Aniga oo dhan ayaa diiqad isbeddelay, waxaan se la illaawi karin waa lacagta. Lacagtu waa magnadka igu haya kursigan baas ee aad mooddo dhinbiil dab ah oo salka la ii dhigay. Hadyaddii uu i siiyey waxa ay i siisay samir iyo dulqaad aan kula sii joogo.

                                                                   ***

Guuleed wa nin aad u hinaase badan, kol walba oo aanu kulmi jirnay wuxuu baadhi ogaa mobilkayga cidda aan wadahadalnana wuu eegi jiray, in aan anigu u oggolaaday ayay ahayd oo aan kalsoonidayda siiyay. Ujeedka aan kulankiisa u yarayn jiray ayaa sidaa ahayd, ma aan rabin in wax badan oo siro ah oo noo kala qarsoon ay mid uun gaadhaan ama uu uu sidiisii ogaado. Ninkan aan sida aan ku talo-galka ahayn u bartay ee lacagta ku jeclaaday, ayaan isku dayayaa inaanu Guuleed arag oo aan kala qarqariyo labadaa qof ee midba meel barkanyahay. Waa ruuxa damacu rabo iyo ruuxa aan jantay ee qalbigayga ku tiirsan in badan. Waa ruuxa xusuustiisa weyni ay ku xardhantahay saablayda. Labaatan berri kadib kol barashadii ninkan aan bartay laga joogo ayaan habeen ballanay Guuleed, oo waliba isagu qasab igaga dhigay kulanka. Waa habeenkii aanu isa sogootinay ee aan dhaawacay, anna halbawlaha is jaray. Habeenkaa waxa kaliya een dalban lahaa waa geeri! Haddaan ogahay Guuleed inaan sidaa fudud ku kala tagayno sidaas oo dhan iskuma raaciyeen. Isaguna ima barteen haddaan nin lacag leh ka raacayo. Dhab ahaantii habeenka Guuleed wuu isbeddelay aniga oo arkaya ayaa midbakiisu rogmay, wejigu madoobaaday, neefti yarayd iyo arladiiba cidhiidhi ayay ku noqdeen.

Meel baa go’aday aan dhaawaceeda la arakayn. gacmihiisi uu moobilkayga ku baadhayay ayuu hiifay. In uu indhool ahaan lahaa ayuu jeclaystay. Habeenkaasi cadde ayay ahayd waliba aad u qabow oo qaboobaha ayaa bilaabmay, waxaanu wada fadhinaa jardiinka gurigayaga oo marmarka aan doonayo inuu kulanku gaabnaado isugu imaan jirnay. Sheelad yar oo khafiifa ayaa garbaha ii saaran, timuhuna way ii duuduubnayeen. qoortayda dheer katiinka dahabka ah ee sudhnaa wuu muuqday, indha kuul yarna waan marsanaa. Habeenkaa inaan Guuleed quruxdayda ku raalligeliyo ayaan damacsanaa si aanu u xusuusan dhaliilihii hore. Kolkaan murayadda hor tagay ayaan dareemay inuu caawa Guuleed iga heli doono. La kala war la’a! Yaa u kala warrama! Isaga habeenkaa quruxdiisu way i saaqday mise waxan sii dareemayay inaan arki doonin garan maayee, shaatiga cad iyo surwaalka madow ee uu xidhnaa ayaa bilic hor leh u sii yeelay. Shaatiga badhamadu u furanyihiin ee garanku uga hooseeyay laabtiisi timaha lahaydna inta sare muuqtay ayaannan marna hilmaamayn, sidii aanu isu daawanaynay kolna hees uu aad u jeclaa u dhagaysanaynay. Hees ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxammed Nuur ayuu aad u jeclaa, heestii markan dhamaysannay ee qosolku marba naga soo dhex galay ayuu hadal dhibayay oo laabtiisa ku taagnaa soo daayey. Hal mar ayuu igu yidhi:

– “Cawooy maalmahan waan shakiyay, oo adiga ayaan kaa shakiyay ee sow inaan shaki baxo ma aha?”

– “Haa gacalliye, wax walba oo aad ku shaki bixi kartid samee.”

Inta badan hadalladan oo kale wuu igu aamini jiray kadibna ima sii faaqidi jirin. Se habeenkaa wax kale ayuu damacsanaa. Moobilkaygi oo dhabtayda ii saaran ayuu igala booday oo durba furay, anna markiiba inta aan kala soo booday ayaan gacan adag ku qabsaday oo ka yar durkay. Dabadeed inta uu cabbaar aamusay ayuu hadal xanuun badan oo sida leebka wadnaha kaga mudan igu yidhi:

– “Waan shaki baxay, waan arkaa inaad wax qarinaysid…”

Waan sagatiyay oo hadal u holloday, haddana inaanu hadalka caddayn halkaa ayaan arkay. Isma lahayn intaa wuu dhaafinayaa shakiga oo hadal baan kaga saari jiray marmarka qaar, se habeenkaasi mid baas oo khayr lahayn ayuu ahaa. Aniga oo is leh run ku dhimo oo wax walba galka ka caddee ayaan moobilkii u dhiibay, ilaa uu cabbaar dhan ku qallalsanaa sidii uu moobilkii u wadwaday ayuu arkay kii muuqa xumaa meeshiisi, degdeg ayuu u galay qaybta wada sheekaysiga oo uu baadhay ilaa bilowgi sheekadayada. Ninkii aan muddada yar is naqaannay haddana aannan aadka isagu dheerayn ee ay lacagtiisu sibiqda iigu fiday iyada oo ninka galbinaysaa, ilaa ay hadiyadihii, lacagtii caddayd iyo heesaha uu marba mid isoo dirayo ay keeneen inaan ku dheeraado. Isaga caawa ayay waxaas oo dhammi lama filaan ku noqdeen oo warankii ku likaysnaa ku sii liillijisay. Xogtaydii oo dhan wuu dheehday. Naxdin baa la muday Guuleed habeenkaas! Dhidid baa dhabankiisa ka hooray, gacmaha uu mobilka ku wadwaday gariirkoodda ayaan la eegi karayn!! Ilmaa indhihiisa ka soo dareertay aad mooddo biyo dheri lagu illaaway oo karku wejigiisa gubayo. Taleefankii ayuu aayar dhabta iga saaray. Hadal buu u dhaqaaqay inuu bilaabo, hadal malaha markaa niyaddiisa ku soo dhacay:

– “Ma sidan baad jeclaatay Cawooy? Haddii aad lacagta jeceshahay oo aad rabtid raac, haddii aad ku farxaysid lacagta raadso oo raac. Aniga beerkayga biyo iima xigaan, qofkaan ahay aad baad u taqaan. Marnaba isma lahayn jacaylka waxaa ka awood badan lacagta, se dhacday e, Cawooy sidaad jeceshay yeel…”

Illin yar oo qabow baa dhankiisa soo taraaraxday oo inta uu sacabka iskaga tiray ayuu dhabarka ii jeediyay, inta uusan tallaabo kale qaadin oo uusan fogaan baan hugun iga baxay oo hal mar kor u hadlay:

– “Ma cid baa lacag ka tegi karta Guuleedow?”

– “Ma aqaan, adigu is waydii oo isaga jawaab.”

Hadalkii abid u xanuun kululaa ee laabtayda ka dusa ayaan maqlay habeenkaas, dabadeed mar kale iima jawaabin ee wuu fogaaday oo weliba cabbaar sii eegayay aniga oo halkaygii fadhiya, ammin gaaban kadib inta aan taleefankii oo dhulka ku dhacay soo qaabsaday ayaan bartii ka hullaabtay oo guriga galay. Habeenkaa kadib Guuleed waxaanu kala mushaaxnay mawjado kale duwan. Waxaan noqday sidii agoon yar oo wayday aabbaheed oo ay dhaayaheeda ka jeclayd, sida aan ugu jeclay aan ugu xiisay. Waxaan hiifay gogoshii aan jiifsan jiray, waysa qaadkii ayeeyday ee aniga oo firfircoon u soo qaadi jirey, iyo cid walba oo aan arki jirey. Waxaan beddelay heesihii hore, kolka aan aflaamta jacaylkaa dheehanayo illinta u dareerta Guuleed dartii waxaan ogaadaa marka ay cuddudayda gaadho. Inta aan dhuubtay oo sida usha oo kale oo haddana soo gotay ayaan dhuuni oo dhan ka fogaaday. Caato wayda ah noqday sidaan fikir iyo welwel ugu maqnaa oo naftayda oo dhan hiifay, go’aan walba oo aan qaatay diiday oo nacay. Indhihii baa i dheeraday oo gad madow ku uruuray.

Kii isaguna aragga xumaa ayaanba indhaha uga soo ekaaday, sidiisi bay indhuhu gorof i noqdeen. Waxaan ka dhutiyay oo ka gaabiyay la hadalkii ninkii xumaa ee sababta u ahaa waxan oo dhan, balse isaga waxba yaanan eersan oo aniga ayaa sidayda lacagta u jeclaaday oo u doortay. Waxba kama yaqaan waayahayga, sida ay reerkayagu u shilimaad jecelyihiin waxba kama oga. Tii walaashay ee lacagta jeclayd waan ka ilaaliyay inay xantayda ogaato. Cid aan ku xanqarsado oo aan u xaal warramo ayaan waayay. isna axadku mar walba waxa uu iiga sheekeeyaa sida aan u aqalgeli doono “Maalin dhaw ayaan ku guursanayaa, guri wanaagsan oo kii u dambeeyay ah ayaan kuu dhigi doonaa.” Hadalba wax aan haye ahayn ma awoodo, inaan intaas ka badan ugu warceliyana ma doonayo, wixii aan awood ku doodi lahaa, ku sheekayn lahaa Guuleed ayay raacday. Aniga oo liita oo awood xun baan axadkan isaguna nuxuusta ah ee lacagta haysata la joogaa.

Naf si fudud ku quusata kuma jirto Guuleed oo inuu dartay u dhibtooday baan ogahay, kollay in badan buu is wayddiinayaa sidee ayay Cawo kuu baylihisay. Hase yeeshee aniguba meel baas baan ka dhacay oo wax aanan aqoon baa i jiitay, waxa aan u yeelay sida ay dad badani yeeleen waana sababta aan naf qaali ah u dayacay oo labadayadaba midba waayihiisa gaarka ah meel ugu waabeen. Muddo badan kadib berri ayaa jaamacaddii la furayaa oo fasax dheer laga soo laabtay, waa markii koowaad ee muddo dheer kadib aan jaamacadda ku laabanayo aniga iyo Guuleed oo aan wada jirin, oo aanan wejiyada isa siin karin, tolow aniga dabaday maxaa is beddelay? Lama yaqaan, aniguse awel maxaan lacagta dadka is jecel kala gaysa ku jeclaaday? Keligay ma aha, dad badan baa sidan oo kale sameeyay oo jacaylkooda sarriftay waase loo joogi doonaa, waa jidka dheer ee kulul ee ay maraan dadka kaga ilmaysiiya qalbiyada nugul ee awel caafimaadka qabay.

WQ: Salma Maxamuud Maxamed
Email: salmamaxamuud38@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “

3 Comments

  1. Hello there, just became aware of your blog through Google, and found that it is really informative. I am gonna watch out for brussels. I will appreciate if you continue this in future. A lot of people will be benefited from your writing. Cheers!

  2. Ive been searching on the net hoping to get some ideas on how to get my website coded, your general style and design are amazing. Did you code it yourself or did you get a programmer to get it done to suit your needs? We love Google 🙂

Comments are closed.