Sookoobid 2: Buugga Ninkii Baabil Ugu Hantida Badnaa | George S. Clason – Vol: 01 – Cad: 63aad

 1,504 View

Indheergarad – Noofeenbar 01, 2020 – Koobin – Vol: 01 – Cadadka: 63aad

Hordhac

Buuggan oo uu qoray Goerge Samuel Clason 1926, afkeena hooyana uu u soo guuriyay Dr. Jaamac Sahal ayaa ka hadlaya sida saboolnimmada la iskaga daaweeyo ama loo gaadho guul dhaqaale. Goerge S. Clason waxaa uu ku dhashay magaalada Louisiana, gobolka Missouri ee dalka maraykanka 7dii 11aad 1874. Waxaa uu wax ka bartay jaamacada Nebraska. Sidoo kale waxaa uu u shaqeeyay ciidamada maraykanka xilligii dagaalkii Isbaanishiyiintii Marykanka (Spanish-American war). Clason waxaa uu aasaasay laba shirkadood, The clason Map Company of Denver iyo Colorado and the clason publishing Company. Waxaana horraysay shirkada daabacaadda ee The clason map Company. Clason waxa uu guursaday laba jeer laba xaas oo kala duwan isagoo ugu danbayntii ku geeryooday Napa, California. waxaana lagu aasay xabaalaha ciidamada ee loo yaqaan Golden Gate National Cementery ee san mateo county, California.

Buuggan ayaa caawin doona cid walba oo rabta inay jeeb madhnaanta ka baxdo, gaadhana horumar dhaqaale. Buuggan ayaa kasoo farcamay taxane buug yarayaal ah oo dhaqaalaha ka hadlaya kuwaas oo uu ku salaynayay sheekooyin laga qoray Baabila. Habka dhaqaale samaynta ayaa qoraagu u cuskanayaa 7xeer oo ku sheegay 7da xeer ee ay lacagtu ku timaado kuwaas oo qofkii fahmana uu meelkasta lacag ka helo, iyada oo u inta badan ku celcelinayo in kayd la samaysto oo uu qofku dhaqaalaha soo galo qursheeyo si ay uga hadho hanti kayda oo isaga u gaar ah. waana tallada u gu tuka wayn. Balse, sidaas oo ay tahay haddana waxaa uu leeyahay taas macnaheedu maaha in qofku isa saaro culays oo kaydiyo dhamaan waxa soo galaya oo dhan ama wax uusan awoodin. Si guud dhiganahan waxaan ka baran karnaa sidii dhaqaale lagu heli lahaa, sidii loo kaydsan lahaa, iyo sidii dhaqaalaha dheeraadka ah u adeegsan lahayn. Wuxuu sidoo kale sawir ka bixinayaa muuqaalka guud ee magaalada Baabila.

Haddaba waxaa aan midmid isku dul taagi doonaa tobanka cutub ee buuggu ka koobanyahay oo aan mid walba si kooban wax uga dhihi doonaa. Dhammaan talooyinka iyo khibradaha uu qoraagu bixinayo maaha kuwa si toosa uu inoo siin doono, waxaanse aan kala dhexbaxaynaa sheekooyinka cutub walba ka koobanyahay. Cutubkasta sheekada ku qorana waxaa ay si toosa uga hadlaysaa qodob ku saabsan dhaqaale samaynta, taas oo marka dhinac kale laga fiiriyo noqonaysa in cutub waliba u taaganyahy qodob gooni ah oo ku saabsan sida dhaqaalaha loo abuuro.


1. Muuqaal Ka-Bixinta Magaalada Baabila

Qof walba oo aan ku baraarugsannayn cilmiga sooyaal-baarida (Archeology) ama aan fahan ka haysan waxaa uu is waydiinayaa sida lagu ogaan karo magaalo burburtay shan kun oo sano ka hor qaabkii ay u taalay, ganacsigeedii, dadkii ku noolaa iyo intay jirtayba. Islamarkaana waxa adkaanaysa inuu qofku rumaysto qaybtan saawirka ka bixinaysa Baabila. Qaybtan ugu horaysa qoraagu wuxuu sawir kaa siinayaa qaabka ay u ekayd magaaladii Baabila. Xajmiga, dahabkii iyo hantidii dhextaalay magaaladaas, dhismayaashii iyo bilicdii magaalada, boqoradii kasoo talliyay iyo qaabka uu maamulkoodu ahaa. Waxa ugu muhiimsan ee aan qaybtan ku arki karnaa waa sida reer Baabila ay dhul go’doonsan oo ay adagtahay inay nolol ka suurto gasho ay uga dhigeen magaaladii ugu hantida badnayd, dhagtii maqashaana ay ku soo degdegsay jawhar iyo kaydad badan oo dahaba. Taas oo ka dhigtay Baabila tusaale halka ugu sareeya marka ay dadku adeegsadaan awoodooda. Aynu soo qaadano inyar oo muqaalkii Baabila ah.

Taariikhda bogaggeeda kuma qormin magaalo ka qurux badan Baabila . Maqlidda magaceeda waxaa kuu sawirmaya hanti iyo dhaqaale badan. Kaydadkeeda dahabka iyo jawharta ahaa aad bay cajiib u ahaayeen. Inta badan marka dadku maqlaan Baabila waxaa u sawirma magaalo dhul qurxoon ku taalla, jeexooyin iyo webiyo ku dhextaalla, leh buuro macdani ka buuxdo. Sidaas ma aysan ahayn, waxaa ay ku ag taallay webiga furaat, dooxo dhul bannaan ah oo siman. Meel aan jeexooyin iyo buuro macdaneed midna lahayn, illowse(xataa) ma lahayn dhagaxaan wax lagu dhiso. Xataa kuma ool waddo socdaallada ganacsigu maraan. Roobkuna cariiri ayuu ku ahaa beeraha. wax walba oo magaaladaas dhaqaale u keenay, waxaa ay ahayd wax dadku samaysteen. Hantida taallay oo dhan dadka ayaa abuurtay. Baabila labo ilo-dhaqaale oo keli ah ayaa ay lahayd: dhul beereed iyo biyaha webiga Furaat. Farsamada ugu wayn ee ay reer Baabila hindiseen ayaa ahayd in ay biyo-xireenno u sameeyeen webigii Furaat kadibna u soo leexiyeen dhulkii beerashada ku habboonaa. Dooxooyinkaas banka ahaa ayaa lasoo dhexmariyay biyahaas ilaa beeraha lasoo gaarsiiyay. Taas ayaa noqotay farsamooyinkii ugu horreeyay ee dadku ku kacaaan kuwii ugu heerka sarreeyay.

2. Ninkii Dahabka Doonayay

Ninkii dahabka doonayay, sida ciwaanka ka muuqata qaybtani waxaa ay ka warramaysaa nin amaba qof doonaya inuu yeesho dahab iyo maal. Bansir oo ah kareento (gaari-faraseed) sameeye oo noloshiisa saboolnnimada ah aad uga niyad jabsan kana fakiraya sidii uu uga bixi lahaa iyo saaxiibkii koobbi, oo isna la mid ah ayaa ay dhexmaraysaa sheeko ay iskula eegayaan waayahooda qalfsan iyo sidii ay uga bixi lahaayeen. Sheekadaasi maaha mid Koobbi iyo Bansir oo kaliya dhexmaraysa e, waa sheeko ay is waydaarsadaan labo kasta oo jeeb-marnaantu ku raagtay islamarkaana raba inay mar uun ka baxaan, labo kasta oo daawan kari waayay hantida dunida taala iyo sida ay uga gaajoonayaan. Waxaa si joogta ah hadaladan oo kale isku waydaarsada dhalinyarada iyo cid walba oo ku hamida inay dhaqaale sameeyaan, waxna ka badalaan noloshooda. Waxaa aan qayb ka mida soo qaadanaynaa sheekada dhexmaraysa Bansir iyo Koobbi oo dareen kacdoon oo maal doon ahi ka muuqdo.

Bansir oo uu maalinkan ay ka muuqato xamaasadi ayaa saaxiibkiisa kamanlaha ah ku odhanaya: “Waxa markii aan toosay ee aan garawsaday marnaashaha boorsadayda, dareen kacdoon iyo qaadanwaa ah ayaa i galay. Bal aynnu isla eegno labadeenna iyo nolosheenna sida ay tahay, badmaaxyada ayaa yiraahda ISKU DOONI AYEEYNU SAARANAHAY, hadda labadeennu bal aynnu doonida nolosheenna isla qaadaadhigno. Carruurnimadii isku meel ayaynu wax ka baran jirnay. Markii aynu dhallinyarada ahaynna raynraynta wada qaybsanay. Haddii aynu waynaanay markasta dad iska agdhow oo jaal ah ayeeynu nahay. Waa aynnu ku qanacsannahay nolosheenna mar kasta. Waxa aynu ku qanacsanahay in aan saacado aad u tiro badan shaqayno, haddana waxa aan shaqayno oo dhan si dhibyari ah inooga wada baxaan. Shilin-bireedyo aad u tiro badan ayaa ina soo galay gu’yadii la soo dhaafay sidaas oo ay tahayna rayraynta hantiilenimadu waa wax aynu riyo kali ah ku ognahay.

Bal idaha maxaynu kaga duwanahay? Waxa aynnu ku noolnahay magaalada ifka ugu hantida badan. Socdaalka Ayaan markaste ka maqlnaa iyaga oo oranaya: ‘meel la hanti ah ama u hanti dhaw Baabila habayaraatee ma jirto.’ Hanti ayaa astaan u ah magaaladan haddana aniga iyo adigu waa aynnu ka qatannahay. kala bar noloshaadii oo aad shaqo dhabarjab ah ku soo jirtay ayaa aad maanta ka faro-maran tahay oo aad aniga i waydiisan labo shilin-bireed oo aad la maqnaatid ilaa iyo Iidda. Maxaan ku iraahdaa? Maku dhahaa: ‘Hoo, waa tan boorsadaydii ee kala bax waxa ku jira oodhan.’ Maya, taas ma awoodo oo aniguba adiga ayaa aan kula mid ahay oo boorsadaydu waa maran tahay. Maxaa ina haysta? Maxaa aynnu u awoodin in aan helno dahab iyo lacag aan ku iibsan karno cunto iyo dhar inta aan rabno?’ Bal ilmaheenna dib u eeg, miyaysan qaadi doonin raadkeenna? Miyaan caruurteenna, kuwa ay dhalaan iyo kuwa ay sii dhalaanba u baahnayn in ay dahab iyo lacag yeeshaan? Mise waxa ay ku gawracan yihiin in sideena oo kale in ay nolol adag ku jiraan? Sidoo kale qaybtan waxaan ku arkaynaa in ay magaaladu xagga dhaqaalaha ka koobantahay laba dabaqadood oo kaliya, dabaqad hoose oo sabool caga-cad ah iyo dabaqad sare oo maalqabeen ah.

3. Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Qaybtani waxaa ay khusaysaa Arkad oo ahaa ninkii Baabila ugu hantida badnaa. Sheekooyinka buugu ka koobanyahy oo dhammaantood dhaqaalaha ka hadlaya ayaa waxaa buuga loogu magac daray sheekadan, oo ka kooban tabihii iyo talooyinkii Arkad ee dhaqaale samaynta. Arkad waa nin aad u hanti badan haddana gacan furan oo aad deeqsi u ah sidaasoo ay tahayna gu’ walba dhaqaalahiisu aad ayuu u koraa. Saaxiibadiisii caruurnnimada qaar ka mid ah waa Bansir iyo Koobbi e, ayaa talo u soo doonanaya qaabkii ay dhaqaale u samayn lahaayeen, iyo jidkii uu u maray inuu hantiile noqdo. Waxaa uu uga sheekaynayaa qaabkii uu dhaqaalaha u sameeyay iyo waxa looga baahanyahay iyaga si ay hanti u yeeshaan. Balse, marka hore wuxuu ku qancinayaa in ay hantidu sinnaba nasiib ku imaan, hantiyaha nasiibka ku yimaadna aysan ahayn kuwa sii waara. Arkad waxaa uu ku tilmaamayaa hantida nasiibka ku timaad mid aan jooto ahayn ama sii waarin, iyadoo ay keenayso rabitaankooda iyo hungurigooda oo sii balaadha. qaar kale oo ah dadka nasiibka hantida ku hela waxaa uu sheegayaa in ay noqdaan kuwo gacan adag oo ay waxba ka bixin iyaga oo ka baqaya in ayna garanayn sidii ay kusoo ceshan lahaayeen, iyadoo ay u dheertahay cabsi ay ka qabaan in hantidooda la dhaco ama ay laga xado.

Qaar kale oo iyaguna kamida dadka hantida dhaxla ama dhaca ayuu ku tilmaamayaa in ay tiro aad u yari u badbaado hantidaasi. Intaasi markii ay la qirteen ayaa ay waydiinayaan sida uu hantidan ku yeeshay. Marka uu uga sheekeeyo halka usoo maray iyo siduu ahaa safarkiisii u hantida ku sameeyay kadib waxaa uu odhanayaa: waxaa aan idinkula talinayaa in aad raacdaan murtidii Algamish oo aad tiraahdaan “Qayb kamid ah dhaqaalaha aan shaqaysto aniga ayaa iska leh oo waan aan kaydsan.” Aroor walba erayadaas iskula hadal. Saacad kasta oo maalintaada ka mid ah iskula hadal. Ku celceli iskula hadalkaas illaa marka dambe ay erayadaasi iyaga oo olol ah ay cirka kuugu qormaan oo kaaga muuqdaan. Aragtidaas iska dhaadhici. Aragtidaas maskaxdaada ku shub. Kadib dooro saamiga suurtogalka kula noqda in aad kaydsatid. Yaa aysan ka yaraanin tobankiiba hal meel. Kharashkaaga kale waa in uu intaas ka yaraado. Balse ugu horrayn qoondee inta kaydka kuu noqonaysa. Isla markiiba waxa aad ogaanaysaa waxa dareenka hantiilenimadu tahay taas oo ah in aad dareentid kayd hanti ah oo aad keligaa sheegan kartid. Markii ay sii korotaba waa ay ku sii niyad kicin. Ranyrayn cusub oo nolosha ah ayaa kuu sii bixi doontaa. Dedaalka dheeraadka ahi waxa ay kuu keenayaan dhaqaale dheeraad ah. Haddii dhaqaalahaagu kobco, miyaadan sidoo kale kobcin doonin saamiga aad naftaada u qoondaysay? intaa kadib baro in kaydkaagu kuu shaqeeyo. Addoon waa in uu kuu noqdo. Carruurta kaydkaasi dhalo iyo kuwa kasii tarma waa in ay kuu shaqeeyaan.’

4. Toddobada Daawo (fayo) ee Jeeb-marnaanta

Boqor Saargon oo dagaal kasoo laabtay ayaa lataliyayaashiisi u sheegayaan in ay magaaladu ku jirto xaalad dhaqaale oo halisa. Waxay u sheegeen in hantidii magaaladu ku qulqulshay gacanta dhawr nin oo ganacsadayaal maalqabeena ah. dadkii kalana ayna hayn shillin soo gala. Talo markii la is waydiiyay waxaa la gartay in dadka la baro habka lacag loo tabcan karo. Cida kaliya ee bari kartaana ay tahay cida magaalada ugu maalqabeensan, waana Arkad. Markaa qaybtani waxay khusaysaa casharadii dhaqaale samaynta ee Arkad barayay dadka magaalada. Casharadaasi waxay ka koobanyihiin toddoba xeer oo uu ka bartay waaya-aragnnimadiisa dhaqaale samaynta, wuxuuna ku sheegay ‘toddobada daawo ee jeeb-marnaanta’ wuxuu u sheegayaa ardayda in ay daruuri tahay inuu qofku maro toddoban xeer haddii uu rabo inuu dhaqaale sameeyo. Toddobadan qodob ayaa uu mid mid isku dul taagayaa. waana;

  1. Biloow in aad boorsada/jeebka cayilisid.
  2. Xakamee ( kooree ) kharashaadkaaga.
  3. Dahabkaagu(xoolahaagu) ha kuu tarmo.
  4. Ayaandarridu waxay doorbidaa kan aan iska ilaalin.
  5. Hoygaaga ka dhigo maalgashi faa’iido leh.
  6. Dhaqaale u kaydi aayahaaga dambe.
  7. Kordhi awooddaada waxsoosaarineed.

Haddaba qoddobadaa ayaa ay mid walba ka wada doodayaan su’aalana ka waydiinayaan, ugu danbayn badankoodu waa ay ku qancayaan wayna u bogaan talooyinkan dhaxalgal ka ah. Talada ugu muhiimsan ee saldhiga u ah dhammaan inta kale ayaa ah tallada ugu horaysa ee ah in aad wax kaydsatid, intuu doonaba ha noqdee iyo sidoo kale sidii aad u maamuli lahayd kharashaadkaaga una isticmaali lahayd waxaa aad kaydisay.

5. Lakulan nasiibka iyo waxa uu yahay.

“Haddii qofku ayaan wanaagsan yahay, cidna ma sawiran karto barwaaqada uu gaari karayo. Webiga furaat ku dhex tuur, waxa dhici in uu ka soo badbaado asaga oo jawhar gacanta ku sita” -Maahmaah reer Baabila. Cutubkanni ayaa ah mid ka hadlaya nasiibka ( Ayaanka ). Waxaa ay reer Baabila ka doodayaan nasiibku waxa uu yahay. Reer Baabila ma lahayn dugsiyo iyo jaamacado. Balse, waxaa ay lahaayeen guri-aqooneed magaalada ku yaal oo ahayd goob waxbarsho, halkaas oo macallimiin–barayaal is-xilqaamayaal ahi bulshada ku bari jireen aqoonta dadkii hore.

Haddaba guri-aqooneedkan ay magaaladu lahayd ayaa waxaa ay kaga wada doodayaan rag ganacsadayaal u badani ayaanka iyo waliba su’aalo ku saabsan. Goor fiid ah ayaa ay iskugu imaanayaan hool ku yaala madasha guri-aqooneedka rag uu ka mid yahay Arkad oo ah ninkii Baabila ugu
maalqabeensanaa. Isaga ayaana dooda hogaaminaya. Su’aalaha ay raga qaar soo dhigayaan ee laga wada doodayo ayaa ah; nasiibku ma yahay wax mar dhaca oo u yimaada qof aan wax dedaal ama ujeeddo ah midna ka galin? Qaar kale ayaa iyaguna rumaysan in ay jirto cid gooni ah oo
bixisa nasiibka oo kaliya siisa hadba cida iyaga raali galisa. Aragtiyahan ayaa ah kuwa laga wada doodayo. ‘ma raadinaa oo ma isku daynaa haddii ay jiraan habab nasiibka uu ku soo jiidan karayo mid kasta oo inaga mid ah?’ Arkad ayaa sidan ku bilaabaya dooda.

Rag badan oo ganacsadayaal ah ayaa ka sheekeeyay mar uu nasiibku soo maray oo ay ka faa’iidysan waayeen. qaarkaasi waxay sheegeen in maalinkaa ay la kulmeen ayaanka balse ay iyagu dayaceen. Dood iyo falanqayn dheer kadib waxaa ay isla qaadanayaan in ayaanku u yimaado cida u diyaarka ah. Si kale, nasiibka waxaa ay ku sheegeen fursad uu la kulmo kaliya qofka u diyaarsan. Qofka fursadaa la kulma ee ka faa’iidaysta ayaa la odhan karaa waxaa uu la kulmay ayaankii. Nasiibka iyo sida uu fursad lala kulmo ku yahay waxaa aad ka fahmi kartaa labo qiso oo ay ka sheekaynayaan labo ganacsade iyo mar ay nasiibka kulmeen.

6. Shanta Xeer ee Dahabka

Qaybtani wax sidaasa kagama duwana qaybtii hore ee aan soo aragnay ee ka hadlaysay xeerarka lagaga baxo jeeb marnaanta. Shantan xeer ee dahabkuba waxaa ay la macno noqonayaan toddobadii xeer ee aan horay u soo aragnay. Balse, tani waxa ay kaga duwantahay waa qoddobo kaa caawinaya sidii aad u maamuli lahayd hanti gacanta kuugu jirta halka kuwii hore ( xeerarkii ) ay ka hadlayeen qof gacan maran oo raba inuu hanti sameeyo. Talooyinkan shantan xeer ee dahabka waxaa gundhig u ah sheekada Noomaasiir. Arkad ayaa wiilkiisa Noomaasiir ka caydhinaya magaalada Baabila wuxuuna u dirayaa magaalo aan laga aqoon si wiilkiisu u shaqaysto magac iyo hanti isaga u gaar ah oo lagu qadariyo. Wuxuu diidan yahay in wiilkiisa lagu xushmeeyo maal iyo magac uu aabihiis ka dhaxlay.

Wuxuu rabaa in wiilkiisu shaqaysto sumcad iyo hanti isagu kartidiisa u ku helay. Haddaba Arkad ayaa wiilkiisa siinaya laba boorso oo dahab ah si uu ganacsi ugu bilaabo. Noomaasiir ayaa ku khasaara laba ganacsi oo uu ku bilaabo dahabki Aabbihii soo siiyay, isagoo ugu danbayn magaaladii uu ganacsiga u tagay ka dhex noqda darbi jiif gidaaraada u hoyda habeenkii maalinkiina soo xoogtama wixii uu dhuuni ahaan u cuni lahaa. Haddaba Noomaasiir oo marka danbe noqonaya maal qabeen ka soo bilaaba ganacsiga darajada ugu hoosaysa sidii Aabbihii, ayaa shantan xeer ee u ka bartay waayo-aragnimadiisa sida hanti laguu dhiibo loo maareeyo la wadaagaya niman safar ah oo ku booqda magaaladii uu ka ganacsanayay. Shanta xeer oo faahfaahsan waxaa aad kaga bogan doontaa buuga.

Dahab-amaahiyihii Baabila

Dahab amaahiye ama lacag aamahiye waxa uu ahaa qofka dadka lacagta amaahiya si uu dulsaar uga helo. Waa waxa aynu maanta bangiga ugu yeerno. qaybtan oo isla cutubka 6aad ayaa waxaa ay ka hadlaysaa talladii Rodan uu ka helay Mathon oo ahaa dahab-amaahiyihii Baabila. Rodan waa xirfadle Warmo sameeye Waxaa u konton jab oo dahaba u helayaa abaal marin, kadib markii warmaha ilaalada boqorka u sameeyay naqshad cusub. Boqorka ayaa konton dahab ah abaal marin u siinaya. Waa markii ugu horaysay ee ay hanti intaa le’eg gacantiisa soo gasho Rodan. Waxaa uu garan aqoon waayayaa wax uu ku sameeyo iyo si uu yidhaaba. Waa ay ku adkaatay inuu aammino inuu maanta haysto konton xabbo oo dahaba oo isagu wada leeyahy. Haddaba waxaa uu habeeno kadib u tagayaa mathon si uu talo u siiyo. Waxaa haddaba ani aad isoo jiidatay talladan Mathon siinayo Rodan.

Runtii waa talo maatadaa aad dadka u anfacaysa. Qof kasta oo haysta hanti uu garan laayahy sidii uu u maarayn lahaa ayaa ay taladan kummaanka sano kahor la bixiyey anfacaysaa. “maalin kasta oo qorraxdu soo baxdo dad ayaa iga baryaya in aan wax ka siiyo.” Rodan ayaa ugu calaacalaya Mathon. “Taasi waa u dhalasho. Dadka intooda badan ayaa doonaya dahab halkii ay ka shaqaysan lahaayeen dahab, rabana in si dhibyar lagu siiyo. Balse maad u diidi? miyaadan nin ad-adag ahayn?” Ayaa Mathon ugu war celinaya. mar kale Rodan ayaa ku andacoonaya in u dadka qaar u diidi karo, balse waxaa u leeyahay ninna walaashiis waxba kama ceshan karo. Walaashiis ayaa waxaa ay waydiisanaysaa in uu amaahiyo dahab ay ninkeeda u rabto si uu ganacsi ugu bilaabo. Mathon ayaa uga digaya in uu hantidiisa halis galiyo isagoo eegaya baahida walaashiis.

Waxaa uu usoo qaadanayaa sheeko uu tusaale ula jeedo. wuxuu sidoo kale u sheegayaa in isaguba rabo oo u oommanyahay horumarka ay walaashiis la rabto ninkeeda, waxaa uu waydiinayaa inta sano ee uu shaqaynayay iyo dahabka uu shaqaystay. deedna wuxuu u sheegayaa in uu saddex sano shaqaynayay sidoo kale saddex dahab ah shaqaystay, taasoo u dhiganta in uu sanadkiiba hal dahaba shaqaysanayay. intaa kadib Waxaa uu waydiinayaa imisa sano ayaad kontonkan dahabkaa ku shaqayn lahayd? Waxaa uu gu jawaabay konton sano. Haddaba sideed halis u galin kartaa hanti aad shaqayn lahayd inta cimrigaaga ka dhiman? Waa inaad ka fiirsataa meesha aad galinayso. haddaba yaan aragti nacasnimo ah oo waajib la yiraahdo aysan ku qaldin oo kugu dirqin in aad hantidaada cid kale ku aamintid. Sidoo kale yaysan ku duufsan kuwa kuula imaanaya qorshayaasha aan dhabta ahayn ee kuu sheegin in qorshahaasi uu dhaqaale xad-dhaaf ah soo saari karayso. Qorshayaasha caynkaas ahi waa riyooyinka dadka aan waayo’aragnimada iyo aqoonta u lahayn xeerarka ganacsiga. In lagaa amaahdo iyada oo laguu ballan qaadayo dulsaar aad u tiro badan waa khasaaro u wacasho.” Talooyinka uu Mathon siinayo intan waa ay ka balaadhnaayeen balse intaa ayaa talooyinkiisii ugu muhiimsanaa. inaha dhiman buugga ayaad ugu tagin.

7. Deyrkii Baabila

Qaybtani waxaa ay ka hadlaysaa sida uu deyrkii Baabila u adkaa ee shacabka iyo ganacsataduba iskugu hallayn karayeen amaanada naftooda iyo hantidoodaba.Waxaa ay ka warramaysaa dagaal lagusoo qaaday magaalada xilli ay boqorka iyo ciidamadiisu ka maqnaayeen magaalada iyo sidii ciidankii yaraa ee joogay oo dayrku caawinayo ay iskaga difaaceen weerarkii lagu soo qaaday, kaas oo socday saddex toddobaad. Balse lagaga guulaystay ciidankii weerarka soo qaaday. Deyrkaas Baabila waxaa uu tusaale xoogan u yahay baahida iyo rabitaanka qofku u qabo ilaalo. Waa wax qof walb ku abuuran. Isla sida waagaas ayaa maantana u doonayaa ilaaladaas iyada oo intaas ka horumarsan kana baaxad wayn. Muhiimada qaybtan waxa aynu ka faa’iidi karno waa in hantida aad shaqaynysaa u baahantahay meel aad ku aamini karto oo ilaaladeedu adagtahay. nabad kuma noolaan karno xoolana ma tabci karno haddii aynaan haysan ilaalo sugan.

8. Ma ruuxda ayaa aad addoon ka tahay? (Ganacsadihii Geela)

-“Dayntu waa cadawgaaga kaa soo cayriyay magaaladaadii” Sirta ayaa ku tidhi Dabsir. Dullucda iyo ujeedka qaybtani waa daynta iyo sidii aad iskaga bixin lahayd. Sida ka muuqata ciwaanka waxaa uu ku sheegayaa qaybtan in qofka daynta lagu leeyahay uu ruuxda addoon ka yahay. Sidaa darteed waa in aad qurshe u samayso daynta lagugu leeyahay si aad ruuxdaada
addoonnimada uga xorayso. Tarkad oo baahi xuni haysay shillimaad u wax ku cunana aan jeebkiisa ku ogayn balse rajaynaya inuu meelahaas ku arki doono cid uu shaxaado ama kaalay wax cun ku tiraah, Ayaan waxay daaraddiisa si kedisa isaga soo hor baxayaan Dabsir oo dayn ku lahaa balse uu in mudda ah uu ka dhuumanayay. In kasta oo la kulankaa uu Tarkad sharaysanayay haddana waxaa ay u noqotay fursad mar la arag ah oo noloshiisa wax wayn ka badashay.

Dabsir ayaa guriga cuntada soo fadhiisinaya Tarkadkii gaajaysnaa. Cunto ayuu dalbanayaa kaligii wuxuuna ku hor cunayaa Tarkad oo aad u gaajaysan isagoon dhihin kaalay ila cun ayuu bilaabayaa cuntada. Intaa uu cuntaynayo ayaa Tarkad waxaa uu uga sheekaynayaa sheeko uu la yaabay oo ku saabsan noloshiisii hore iyo in isaga laftiisu sidiisoo kale dayn badan lagag lahaa magaalada. Dayntaas darteedna uu uga tagay magaalada sidoo kalana ay ku kala tageen xaaskiisi iyo weliba in uu dayntaas darteed addoon u noqday waxa uu uga sheekaynayaa dhibaatada uu kasoo maray dayntaas iyo sida uu u maareeyay ee maanta u yahay maalqabeen la tixgaliyo. Waxaa ku adkaata wiilkii yaraa ee bilaa rejada ahaa in uu rumaysto arrinkan Dabsir iyo halka ay gaadhsiisay dayntu iyo waliba sida uu uga guulaystay ee uu sumcadiisii ku soo cesheday. Haddaba sheekadan ayaan ka faa’iidi karnaa foolxumada daynta iyo sida ay sumcaddaada u bahdilayso. sidoo kale in la maarayn karo daynta iyo wax walba haddii qorshe lala yimaado. Tarkad ayaa meesha ka kacaya isagoo dhiiran rejana ka qaba in uu daymaha lagu leeyahay iska bixin karo. HALKA AAD GO’AANSATID INAAD HIIGSATID AYAAD WADDADEEDA HESHAA.

9. Dhagax qoraaleedyadii Baabila

Qaybtan sagaalaad waxaa ku qoran qoraal laga soo turjumay dhagax-qoraaleedyadii Baabila. Dhagax-qoraaleedyadaasi oo ay soo saareen degel-baadhayaal (Archeologist) ayaa waxaa turjumay wixii ku qornaa barofaysar Alfred H.Shrewsbury. Barafoseerka ayaa warqadani uu
turjumay u diraya borofoseer kale oo ka mida degel-baadhayaasha.
Dhagax-qoraaleedyadani la turjumay waxaa ku qornaa shan qorshe oo uu dajistay nin reer Baabila ah. Ninkan ayaa sida qorshayaashiisa ka muuqata waxaa lagu lahaa dayn. Waxaa uu ku qortay dhagax-qoraaleedyada dadkii daynta ku lahaa iyo intay ku lahaayeen. Sidaa darteed ayaa wuxuu dajistay qurshayaal uu iskaga bixinayo daynta. Barafasoorka soo turjumay ayaa isna sidoo kale sheegaya in uu isku dayo qurshayaashaas inuu ficil ahaan u fuliyo maadama isaga iyo xaaskiisaba lagu lahaa dayn badan oo ay isku dhib qabaan ninkan. Sida uu barafaseerku sheegayo waxaa uu ku buuxiyay qurshayaashiisii balse isla qurshihii ninka, kadibna waa uu ku
faa’iiday tijaabadaas–guulaystay. Si guud qaybtani waxaa ay ina tusaysaa
xaddaarradii reer Baabila iyo muhiimadda dhigaalku leeyahay.


10. Ninkii Baabila Ugu Ayaanka Wanaagsanaa

– “Kaalay, maxaa aad sidan dhabar-jabka ah ugu shaqaynaysaa oo markasta aad socdaal ugu jirtaa lamadegaanka dhexdiisa ah? Miyaadan marnaba naftaada nasinin ama u raaxayn?” Haddana Gula ayaa waydiinaya Sharu Nada. deedna Sharu Nada ayaa dhoolacadaynaya “U raaxayn aa? Maxaa aad adigu samayn lahayd haddii aad Sharu tahay.?”
– “Haddii aan lahaan lahaa hantidaada oo kale, sida boqortooyada ayaa aan u noolaan lahaa? Weligay lamadegaankan kulaylka badan ma ku socdaaleen? Lacagta sida ugu dhakhsaha badan ee ay ii soo gasho ayaa aan u adeegsan lahaa. Dhar iyo jawharba caynka ugu sareeya ayaa aan ka xiran lahaa. Nolol aan doonayo ayaan ku noolaan lahaa, nolol u qalanta in la noolaado ayaa aan noolaan lahaa.”
-“Miyaadan shaqadaba waqti siiseen?”
-“Addoomada ayaa shaqeeya.” ayuu ugu jawaabayaa.

Cutubkani tobnaad ayaa waxaa ay muhiimaddiisu tahay ama uu xoogga saarayaa shaqada in la jeclaaado iyo in waxa kaliya ee bini’aadamka sharaftiisa iyo jiritaankiisaba kor u qaadaa ay shaqada tahay. wada hadalka kor ku xusan waxaa is waydaarsanaya Sharu Nada oo ganacsade reer
Baabila maalqabeen weyn ah iyo Gula oo ah wiil uu awoowe u yahay Arad Gula oo ah nin ay Sharu xilli badan wadaag ganacsi ahaayeen kaas oo uu u arko in uu abaal badan oo uusan gudi karin ku leeyahay.

Hadan Gula maaha wiil aaminsan in la shaqaysto oo la daalo. Balse haddana waxaa uu aad u jecelyahay in uu xirto dharka xariirta kuwooda u gu wanaagsan iyo waliba faraantiyo qaaliga ah. isaga iyo Aabihiiba waxaa ay ku cayaareen hanti badan oo ay ka dhaxleen awoowgii Arad, Sharuna wuxuu jeclaan lahaa in ay sii wadaan ganacsigii awoowgii oo ay sidiisii oo kale u shaqaystaan. si uu arinkaa uga dhaadhiciyo ayaa waxaa uu ugasheekaynayaa sheeko dheer oo khusaysa noloshii ay soo wada mareen isaga iyo awoowgii. Qaabkii awoowgii u ganacsan jiray iyo sidii uu dhaqaalahan ku sameeyay iyo in ay isaga iyo awoowgii addoonnimo soo mareen oo ay ilaa heerkaa gaadheen, taas oo ku adkaata in uu aamino. Sharu waxaa uu wiilka yar u sheegayaa in ay addoonnimadii iyo waayihii adkaa ay kaga soo baxeen shaqada oo ay la saaxiibeen oo ay jeclaayeen, halka rag badan oo ay wada socdeen isla markaana shaqada necbaa ay sidii loo addoonsanayay ee loo garaacayay ku nafbaxeen. Sharu Nada oo doonayay in wiilka yar ku qanciyo in shaqada sharaf loo arko ee aan addoonnimo u arag isla markaana uu u shaqaysto sidii awoowgii ayuu ugu danbayn ku qancinayaa. Si guud qaybtani fariinta ay gudbinaysaa waa in shaqada qofku hayo uu sharaf u arko oo shaqada la jeclaado.

Ugu danbayn buuggani waxaa uu bulshadeena ka tarayaa in xagga dhaqaale samaynta iyo waliba qorshaynta kharashaadka ay wax badan ka bartaan. Sidoo kale waa aqoon ku soo korodhay maktabadaheenna oo noqon doonta dhaxal waara. Cid walba oo wax kusoo kordhisa
maktabadeheenna waxaa ay gudatay waajibaad ka saarnaa bulshada waana mid mudan in looga mahadceliyo. waxaan sidoo kale bogaadinayaa baranaamijka turjumaan ee ay wado madbacadda Hill Press iyo cid kasta oo ka damqatay baahida loo qabo cilmiga aan afkeena ku qornayn ee
isku xilqaantay in afkeena loo soo guuriyo. waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan wax is barbardhig ah ku samayn buuga oo anan la barbardhigin buug kale ama aragti kale oo dhaqaale samaynta ka hadlaysa. Balse buug faallayntan aan u adeegsaday aqoonta guud ee dhaqaalaha iyo aragtiyaha gaarka ah ee ku aaddan talooyinka dhaqaale samaynta ee qoraaga.


W/Q: Xasan Abiib “Biindhe”

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “