Khudbad (1975): M. S. Barre iyo Sinnaanta Jinsiga | Vol: 01 – Cad: 64aad

 1,002 View

Indheergarad – Noofeenbar 06, 2020 – Hakisbila – Vol: 01 – Cadadka: 64aad

Hordhac

Khudbadahan waxa jeediyay madaxweyinihii hore ee Soomaaliya (1969-1991). Waxa ay isugu jirtaa laba qeybood, qeybi waa hadal guud oo uu ka jeediyay xuska maalinta haweenka adduunka ee Maarij 08, 1975-kii. Qeybta kalena waa khudbad kale oo uu ka jeediyay garoonka Stadio Conis ee magaalada Muqdisho, isla sannadkaas 1975-kii. Labada khudbadoodna oo aan isku lifaaqay si nuxurka iyo macnuhu iskugu xidhmo, una soo dhawaado. Labada cajaladood ee aan soo qorey, ma hubo ina y dhan yihiin ama wax ka maqanyihiin. Dhinaca kale si guud waxa ay ku saabsanyihiin felsafaddii hantiwadaagga cilmiga ah, sinnaantii ragga iyo dumarka, isbeddelladii uu kacaanku ku sameyanayay nolosha bulshada Soomaalida, iyo hirgelinta qodobadii uu tilmaayay xeerkii qoyska ee la ansixiyay 1975-kii. Labada khudbadoodba waxa ishoodu tahay kaydka idaacadda Muqdisho, balse iyaga oo baraha Yuutuubka la soo geliyay baan helay.

Khudbadda Koowaad (08 Maarij, 1976)

Jaalayaal waxa ay ila tahay maalinta tan weyn een looma baahna in aynu mar walba isu sheegno sidii ay ku bilaabatay iyo wixii dhaliyay. Waxa ay ila tahay macruuf in ay tahay, ama kolkii hore aynu sheegnay ama meelo badan lagu qoray. Taasuna ay ku filantahay taariikhaynteeda. Laakiin waxaan uun doonahayaa in aan ka gaaro mid; haweenka adduunku maxay heerka ay ka joogaan iyo qiimaha ay ku leeyihiin adduunka waa maxay? Maxay se adduunkan dhismadiisii, maxay ka qabteen oo ka soo tareen? Waxaan is leeyahay taas iyada lafteedu ninkii aan is-dhego tiraynin, ama muraad gumeysiga aan lahaynu in uusan u baahnayn faallo badan in iyadana laga baxsho. Ilaa ka Xaawa iyo Aadan maalinkii la abuuray, haweenta iyo ninku waxa ay ahaayeen laba aan marnba kala maarmaynin. Waxaa se ayaandarro ahayd mabaadi’aha qaarkeed, khaasa kuwa loogu yeero raasamaaliga ama xoolaqabeenka loogu yeero in sida ay gumeysi badanba ugu dhaqmaaniin in ay haweeenka ku tilmaameen dad u baahan in lagu isticmaalo, gurigana ay joogjoogaan, lana dhawrdhawro sida alaabta fiicfiican ee aqalka la dhigto oo kaleeto.

In ay qiimo noocaas ah u yeelaan, iyaga oo u diidaaya qiimihii aadamanimada ee qofku us lahaa oo aan ka hoosayn karin midka ninku us leeyahay. Kaa yacni, taasu waxa ay u socotaa gumeysiga faraha badan leh oo dadka aadamiga dhexyaal, khaasa dhexyaalla adduunka raasamaaliga lagu sheego, oo metalan siyaabihii uu ku fadhiyay haddii aynu tirinno ay aad u badan tahay. Maxaa ka mid ah metelan oo haweenka garab yaalla, oo xaqir iyo xuquuqdiid intaba ku dhaca? Waxaa ka mid ah, innaga Soomaalida ah gudaheeda iyo bal hadde ii dhig Afrikaanka. Aan hadda aado kuwii iyagu ina yiraahdaan ilbaxa iyo aqoonta ayaa naga timid kuway yiraahdaan, oo la yiraahdo, horena Afrika lafteeda u gumeysan jirey. Immisaabay kala sooceen?

Waxay yiraahdeen, qof waa gob bay yiraahdeen, markaa darteed isaga waxa ay ku tilmaamaan dhiiggoodu waxa weeyeen sida buluugga oo kale, kuwa gobta ah. Micnaheedu waxa weeyaan kuwa gunta ahna oo ay xaqiraayaanna dhiiggoodu waa midab kale ee ma casa sida dadka aadamiga dhiiggiisu u wada cas yahay, iyaga oo ka been sheegaaya. Yacni wax yaalahaasay ku tilmaamaan. Waxay yimaaddaan nooc kaleeto oo la yiraahdo xoolaqabeen, taajiriin magacooda la yiraahdo, oo iyaguna class sare oo heer sare ah. Waxay yimaaddaan dad la yiraahdo, shaqaale iyagu ma yiraahdaane, ay yiraahdaan heerka dhexe oo loogu yeero dhakhaatiirta, barafsoorrada, funsiyanooriga waaweyn, wax nocoaas ah oo dhan iyagana la yiraahdo heerka dhexe.

Waxaa la kexeeyo oo la kexeeyaba, waxa la geeyaa ilaa shaqaalaha la yiraahdo qoladaasu waa qoladii xamaaliyaalka gunta ahayd. Kaa yacni waxa la mid ah, barbarka kale haddii loo geddiyo, ragga iyo haweenka heerarka iyo magacyada loo kala bixiyo. Haweenku saan u sheegay waxa la yiraahdaa mid kastaba ha ahaatee in ay tahay qof yacni fiican oo oo laakiin ku fiican aqalka in ay joogto, ku fiican markii een raaxaysi la doonaayo in loo yeerto, ku fiican hadallo macmacaan in ay tiraahdo, ku fiican. Markaa micnuhu xaggee buu u dhutinahayaa? Yacni wuxuu u dhutinahayaa in ay jiraan markaa dabaqado aadamigii loo yeelo, mid sare, mid hoose, mid dhexe iyo mid aan isaga laba soo qaadin. Laakiin lagu xammaasho, dhiiggiisana la cabbo, shaqadiisana xoolo ahaan loo qaato, sancaddiisa xoolo ahaan loo qaato, maskaxdiisa xoolo ahaan loo qaato, aadaminimadiisu ay ku dhisaalaysantahay in uu u adeego kuwaa sare keliya. Markaa haweenku kaa bay la xeer yihiin. Maxaa kacaanka maanta ama maalinta aynu siyaaranaynaa, maxay marka ku micnaysantahay?

Waxa ay ku micnaysantahay, markii hawl iyo hantiwadaag ay dhalatay, markaas baa waxay ku dhalatay mabda’ la yiraahdo dadka aadamigu waa isku mid. Midka addoonka ah oo shaqaalaha loogu yeeray, ama beeralayda loogu yeeray, ama laga xoog roonaa oo la gumeystay iyo midka kan sheeganahayaa xooggii, aqoontii iyo dhididkiisii, wiixi uu isagu us kasbay inta lagu noolaado oo meel dheer lagu gaaro oo xoolo lagu helayo iyo meelba, haddana la yiri waa lagugu gumeysanaayaa. Kaa iyo kii gumeystayba labadaba in ay simanyihiin. Ragg iyo haween in ay simanyihiin. Joojin la joojiyo, oo la xaqiijiyo in dadka aadamigu isku xaq yihiin. Horta xaalku oo meesha us ka socdaa kaas weeye. Waxaan jeclaan lahaa dumarka haddaad tihiin, dumarka Soomaaliyeed in aad fahamtaan, yacni mid uun iska yimid ma aha, waxaa wata hantiwadaagga, raasamaaligu ma wato ragga iyo dumarku in ay simanyihiin. Wuxuu ku wataana waxa weeye fariisin xuquuqda aadamigu in ay isku mid tahay, wax ay is dheeryihiinna aysan jirin. Haddii marka la fatasho sanco ahaan, cilmi ahaan loo baaro, qof walba waa intii ilaahay gashaa caqligiisu. Ragg iyo haween isku mid weeye.

Waxaad helaysaa naag doqona, waxaad helaysaa nin doqona, waxaad helaysaa naag caqli badan, waxaad helaysaa nin caqli badan, waxaad helaysaa mid iska dhexdhexaad ah oo allaahuma labeyk iska ah, ragg iyo naagaba leh. Waxaad helaysaa nin adkeysi badan, waxaad helaysaa gabar adkeysi badan, waxaad helaysaa qof hawlkara oo raga, waxaad helaysaa qof hawlkara oo haweena. Waxaad arkaysaa geesi haweena, waxaad arkaysaa geesi nina. Waxaad helaysaa fulay haweena, waxaad helaysaa fulay nina. Aan soo noqdo, annaga sidaas bay noogu muuqataa, annagu bilaabi maynee hantiwadaagga oo dhan bay ugu muuqatay. Waxay ugu muuqataa intii oggol xuquuqul insaanku in uu mid yahay, uusan midab kala lahayn, uusan ku muuqanin ragg iyo haween, uusan ku muuqan midab yacni ay dadku leeyihiin oo ku dhasheen, uusan ku muuqan dhar us qabo, uusan ku muuqan wax kaleeto oo uu ku muuqdo aadamanimada. Markii meel laga saro geddigood dhiiggoodu us guduudan yahay ama cas yahay.

Garashada ay ay garanahayaan xumaanta sida ay u garanahayaan samaanta. Garashada ay garanahayaan sida qof walba waxtarka u leeyahay ragg iyo haweenba, qof walbana waxna tari karo waxna dhimi karo, qiridda ah ayuu la socdaa taas oo ku fadhida aadamanimada guudka ah iyo sinnaanta, iyo caddaaladda adduunka dadka hantiwadaaggu la doonahayaaniin, ama Soomaali la doonahayaaniin. Jaalayaal haddaan gudaheenna u soo noqono, immisa gumeysi baa jira? Haweenka oo keliya lama gumeysan jirine, maxaa kaleeto oo la gumeysan jirey oo dalkeenna yaallay? Miyaan gumeysi loogu gabbanaynin markii qabyaaladda lagu shaqaynahayay? Miyaan dadkeenna qaarkiis la oranin waxa ay u dhasheen gunnimo? Abtirsiinyo inta la dabagalo gunnimo in ay u dhasheen lagu caddeyn karaana, markii la fatashayna wax aan jirin miyaysan noqonin? Miyayna soo soconin xoogaa, oo markii kor loo soo qaaday oo dadkii cadadkoodu xoogaa yaryahay miyaan la oggolaysiin in ay iyaguna gun yihiin.

Khudbadda Labaad (Stadio Conis, 1975)

Waxaan idiin sheegahayaa in maanta uu gaaray Golaha Sare ee Kacaanka in uu idiin sheego in gabadha iyo wiilka Soomaaliyeed ay isku xaq yihiin. In dhaxalka ay isaga xaq yihiin. Waxaa jiri jirtay haddii nin dhinto oo gabar keliya ka tago haaway aan waxba ugu jirin xoolaheeda in ay boobaan, haddii taasi ay dhacdo hadda gabadhu xoolihii aabbaheed keligeed bay leedahay, ee aan wax kalena ka qaadaynin. Waxaa jirtay in la oran jiray rubuc, wa sulus, wal khumus, wal jinni. Ma jirto taasi. Labada qof waa isku mid, waa isku xaq, way simanyihiin. Xuquuqda mujamtaca ama waalidkooda ay ka dhaxlaanna waa isugu mid wixii maanta ka dambeeya ummadda Soomaalida ah, mana kala hoosayso.

Taasi isla markiiba waxa ay fariisinaysaa in labada qof ee ragga iyo haweenkaa ee is qabaa in ay isku xaq yihiin, waajibkiina uu u simanyahay, xaqiina uu u simanyahay ayay caddeynaysaa. Markaa bal hadde taana aynu ku qotominno hore-u-dhigga ummadda loo yaqaanno haweenka adduunka, aynu innagu rukunkii ugu horreeyay saas ku xabaalno. Waxaan rejaynaynaa kuwa weli dambeeya oo maskaxdu weli ay ka halleysantahay in ay na soo raacaan oo dadka xaqaa, aadamiga xaqiisa in ay simaan. Ragg iyo dumarba in ay simaan baan ka rejaynaynaa. Maxaa wacay addoonnimaa jirtay, addoonnimadii jirtay si loo baaba’sho addoonnimada waa in la baaba’shaa bay diintu tiri. Haddaan addoonnimo jiri lahayn, addoonnimo kama muuqateen kitaabkeenna. Haddaan hore u soo kaco weliba, ragga iyo dumarka, rubuc iyo sulus maxaa keenay? Waa fududdahay waxa keenay. Gabdhaha marka ay dhashaaan waa la xabaali jirey. Waxa ninka badowgaa ee Carabkaa ee waagaa joogay ku fekeri jirey intay ceeb kuu keeni lahayd ha dhimato.

Caqligooduna saasuu ku socon jirey. Markaa diinka Islaamku wuxuu ku dhisnaa in uu xoreeyo ummadda, oo u xoreeyo tillaabo tillaabo, ama midkii xoroobi kara markaasba in tartiib tariib loo xoreeyo. Maalinba aayad la soo dejiyo, maalinba tillaabo la qaado. Ilaa muxuu ahaa, sidaad u garanahaysaan Quraanka aad ka helaysaan boqolkiiba konton wada nasakhan, oo ay nasakheen ama baaba’sheen aayado ka dib soo degay, markii dadkii fekraddiisii, garabkiisii siyaasiga ahaa iyo aqoonsigii aadamanimadu uu hore u kacay. Waxaan rejaynayaa in qoladiinna i hor fadhida amaba Soomaalida kale ee raadiyaha iga maqli doonta, in wax-ma-garadka, cilmi yaraha, Quraanka dulleeyaha, Islaanka halleeyaha in ay sidaas ugu sheegahanaaniin.

W/Q: Cabdifataax Xasan-Barawaani
Email: barawaani@yahoo.com
Official Email: barawaani@indheergarad.com